Muddo dheer ayuu aadanuhu ku dadaalayey horumarinta awoodda gudbinta aqoonta iyo ogaalka. Qoraalka ayaa soo maray heerar kala duwan, dhagxaan iyo looxyo la xardho, xarfo kala duwan oo la hindiso oo mar walbaana la horumarinayey, ilaa farta dadka aragga la’ ee uu allifay Louis Braille qaadatayna magaciisa ay ku soo biirto aqoonta dunida qaybna ka noqoto in waxbarashada loo sinnaado. Markii la galay xilligan casriga ahna makiinado wax lagu qoro iyo kuwo wax lagu daabaco ayaa soo kordhay oo hawlihii fududeeya qurxiyeyna.

Xilligan ay dunidu ku tartanto aqoonta ayaa qoraal-akhrisku u yahay fure, bulsho aan lahayn karti qoraal-akhris waxay halis u tahay dib u dhac joogta ah mana gaarto xorriyad maskaxeed iyo mid maanba. Qoraalkii farta Soomaaliga ka dib, Soomaaliya waa tii qaadday ololayaal lagula dagaalamayey jahliga; kuwaasoo laga gaaray guula waaweyn duniduna uga marag furtay.

 Iyadoo markii hore tirada dadkeenna ee wax qorta ama akhriyi kartaa lagu qiyaasay in ka yar 10%, ayaa ololayaashii is daba joogga ahaa ka dib waxaa tiradii la gaarsiiyey in ka badan 46%. Waxay ahayd guul weyn oo u soo hoyatay ummadda Soomaaliyeed miyi iyo magaalaba. Hase yeeshee, waxaan shaki ku jirin in dhibaatooyinkii badnaa ee aanu soo marnay ay keeneen hoos u dhac baaxad weyn oo heerkii aanu gaarnay bartamihii toddobaatamaadkii iska daa in aan horay muga sii soconnee uu dhimmaal weyn uu ku yimid Soomaaliyana lagu tiriyo dalalka ugu hooseeya dunida dhanka qoraal-akhriska.

Dadaallo badan ayay shakhsiyaad iyo hay’ado madaxbannaan wadeen sannadihii aanu soo dhaafnay. Waxaan shaki ku jirin kaalintii ballaarnayd ee Akadeemiye-Goboleedka AfSoomaaliga “AGA” iyo Naadiga Qalinleyda iyo Hal-abuurka Soomaaliyeed “Somali Speaking PEN” ay ku lahaayeen baraarujinta iyo kor u qaadidda qoraal-akhriska, maantana ay weli ka yihiin horkacayaal loo aqoonsan yahay kaalintooda hormuudnimo.

Labadaas hay’adood waxay soo saareen qoraallo ku saleysan aqoon baarisyo ay sameeyeen, waxay si joogta ah u qabtaan aqoon isweydaarisyo, waxay dhiirrigeliyaan tababarrana ay siiyaan dadka leh hibada iyo kuwa jecel in ay wax qoraan, waxay weyneeyaan munaasabadaha qoraalka iyo hal-abuurka.

Ruux walba oo innaga mid ah inta uu is xilqaamo ayay ku xiran tahay horumarka aan ka gaari karno higsigeenna, gaar ahaan dhanka qoraal-akhriska. Waa mid aan keli keli iyo wadarba u sameyn karno. Annagoo ka duuleyno halkudheggii ahaa “Haddaad taqaan bar, haddaad aqoonna baro” ayaan qaadi karnaa olole aan si rasmi ah loo shaacin balse mira dhal ah, waxaana ka dhalan kara olole aan abaabulneyn balse la mid ah kuwii horraantii iyo bartamihii toddobaatameeyadii .

 Ruux aan horay u helin fursad uu ku barto qoraal-akhriska haddii aan siiinno waqtigeena in yar oo ka mid ah, waxaa ka soo bixi kara natiijo lama filaan ah oo weyn. Bal qiyaas tirada baaxaddaa leh oo wax barata iyo sida ay u fududeyn karto horumarka ummaddeenna.
           Qoraa Sare
Cabdiraxmaan Maxamed Abtidoon