Soomaaliduna waxa ay ku maahmaahdaa:”Nin wax ku siiya waad heshaa, laakiin nin wax kuu sheega ma heshid”. Maahmaahdani waxa ay muujinaysaa in Baruhu yahay kan bulshada wax u sheega, waalidkuna yahay kan wax siiya, sidaa darteed in wax sheeggu yahay mid ka qaalisan ama ka muhiimsan wax siinta ayaa meesha kaaga muuqanaysa. Dad badan ayaa qaba in waayo-aragnimadu tahay Bare muhiim ah, sababta oo ah waa mid marka hore ku tijaabisa marka dambana cashar ama dersin kuu dhigta, waayo-araggu waa mid tijaabooyin iyo imtixaanno soo marey, sidaa darteed ayuu marka dambe uga faa’iideystaa casharradii uu wakhtigu barey, Baruhuna waa mid la mid ah, oo imtixaama bulshada, marka dambana waxa lagu caano-maalaa, oo nolosha dambe maareeya wixii uu Baruhu bulshada barey.
Hoggaamiyeyaasha dagaalka, waayo-aragnimo ciidanna leh ayaa waxa ay aaminsan yihiin in la heli karo ciidan badan oo dagaalka gala ama amniga iyo nabadda ilaaliya, laakiin waxa adag ayey leeyihiin in la helo hoggaamiye ciidan, kuna filan hoggaanka ciidanka, sidaa darteed bulsho waa la helaa, laakiin Bare si sahlan laguma heli karo. Waxaana arrintaa sabab looga dhigayaa in aan hoggamintu ahayn mid la iska sheegto ama ah boos qof loo magacaabo, laakiin ay tahay shaqo la qabanayo, hal-abuurkeedaiyo dulqaadkeedana leh, sidaana waxa qaba Donald Mackenzie MacKinnon, oo ah Filasoof reer Iskootland ah.
Sida aan wada ogsoonahayba, badanka nooluhu waxa uu leeyahay shan dareeme (five senses), marka laga reebo xubno yar oo aan dareemayaasha qaar lahayn, sida kuwa indhaha la’ iyo kuwa dhegaha la’ amase aan hadlin Mayeeraankana loo yaqaan. Shanta dareeme ayaa ah kuwa aan muran ka taagneyn jiritaankooda. Shantaa dareeme oo kala ah: Aragga, Urta, Dhadhanka, Maqalka iyo Taabashada ayaa ah kuwo uu nooluhu kaga jawaabo markii uu la kulmo xaaladahan oo dhan. Maskaxda oo ah midda markiiba sifaysa, jawaabna ka bixisa nooca dareen ee uu nooluhu la kulmay, ayaa iyana la aaminsan yahay in ay tahay dareeme lixaad (sixth sense), kana baxsan shanta dareeme ee aynu soo xusnay.
Professor Machio Kaku, una dhashay dalka Maraykanka, Barena ka ah Jaamacadda Magaalada New York ee dalka Maraykanka, lana yiraahdo City College of New York, ayaa qaba aragtida ah in qaybo noolaha ka mid ihi ay dareeme lixaad leeyihiin.Dareemahan lixaad ayaa lagu tilmaamaa in ay leeyihiin qaybo dadka ka mid ah, balse ilaa imminka lama oga in noolaha kale uu leeyahay iyo in kale. Dareemahaa lixaadna waxa uu u bixiyey ama uu ku magacaabay Fiiro-dheeri (foresight).
Sida Professor Machio uu qabo, maskaxda oo laga shaqeysiiyo ayaa ah dareeme lixaad, waayo waxa uu rumeysan yahay in dadka hal-abuurka (innovative) lihi, sida dadka maansooyinka curiya, kuwa qoraallada sameeya iyo kuwa xikmadaha badan, sidaa oo kale kuwa lagu tilmaamo in ay hoggaamiyeyaal yihiin, ummaddana ka dhaadhiciya aragtidooda siyaasadeed, midda diineed iyo tan qowmiyadeedba, waa dad ka dareen ama fiiro dheer dadka intiisa kale, oo dareeme lixaad ayey leeyihiin. Sidaa darteed in ay wax-soosaar yeeshaan, oo wax dhito ama dhigaal ah, raandhiisna yeesha, dadkuna ka faa’iideysto ay reebaan, waxa ay sifo u tahay in ay leeyihiin dareeme dheeraad ah, kana baxsan shantii dareeme ee nooluhu ka sinnaa. Soomaalidu waxa ay ku maahmaahdaa ’Qofka aan waxa soo socda garani waxa joogana ma garto’.
Maahmaahdaas oo tilmaan ka bixinaysa in Fiiro-dheeri meeshaas ku jirto, dadkuna aysan wada dareensaneyn, waxaana laga garan karaa in dareen fogaantu tahay mid ka mid ah dareemayaasha nooluhu leeyahay, nooluhuna uusan ahayn mid u siman dareenkaas iyo dareemahaasba. Waxaana dadka laga dhex helayaa dad badan oo odorosa ama saadaaliya wixii lala kulmi karo ama iman kara shar iyo khayr middood. Odoroskaas ama saadaashaas ayaa ah mid lagu tilmaami karo dareeme dheeri ah, dadkuna is dheer yahay. Haddaba Baraha waxa lagu tirin karaa in uu ka mid yahay dadkaa dareemaha Fiiro-dheerida (foresight) dheeraadka ah leh maaddaama uu ummadda wax barayo ama dhisme aan dhammaad lahayn maskaxda iyo maankaba ka taagayo.