Tixda Soomaalidu waxay leedahay rukumo ay ku dhisan tahay. Tix kastaa waxay ka koobnaan kartaa ugu badnaan: Seddax rukumood {qeybood}, ugu yaraanna laba rukumood. Seddaxda rukumood ee ay ka koobnaan karto waxay kala yihiin:
1. Arar.
2. Duluc iyo
3. Gunaanad.
Guud ahaan abla ableynta qaabdhismeedka haltirinnada maansada. Marka aan isku soo xeerino macna-gudbintooda. Waxay u kala baxaan laba qeybood oo kala ah:
1. Tixooyin ku saleysan Arar, duluc iyo gunaanad.
2. Tixooyin ku saleysan Duluc iyo gunaanad.
Qaabdhismeedka Tixooyinka lagu Ararto Awal-bilowgooda.
Arartu Tixda oo keliya ku koobna Tiraabtana waa loo adeegsadaa. Balse, Tixda ayaa ku badan ararta marka loo eego Tiraabta. Arar suugaan ahaan waxaan ku qeexi karnaa: Gogoldhig lagu furfurto jaad halabuureed waliba oo loo adeegsado, ka hor inta aan loo gelin dulucda gundhigga u ah.
Haddaba waxaa la is weyddiin karaa: Tixda maxaa loogu arartaa? Su’aashaa jawaabteeda. Waxaan ku soo koobi karnaa: Laba xaaladood uun buu midkood ugu xishaa maanseeyuhu ararashadiisa tixeed oo kala ah.
1. Inuu ku soo jeediyo dareenka dadka uu u marinaayo.
2. Inuu ku heemaaliyo farshaxnimada tixdiisa.
Jaadadka Ararta.
Siyaabo kala duwan ayaa Tixda loogu arartaa. Inkastoo cilmibaaris qotadheer aan lagu sameyn jaadadka ararta. Haddana marka aan u kuurgalno maansooyinkii horey loogu soohey. Waxaan ku soo ururin karnaa: Shan qeybood oo qaarkood faracyo sii kala yeelanaya, oo kala ah:
1. Arar ammaan.
2. Arar sababeyn.
3. Arar halqabsiyeed.
4. Arar hogatusaaleyn.
5. Arar ekeyn ikk.
Arar Ammaan: Waa jaadadka loogu adeegsiga badan yahay. Taana waxaa loo aaneyn karaa; is qabadka halabuurrada Soomaaliyeed oo had iyo jeeraale isu maansooda dhexdooda. Ha ugu badnaato xilligii toleysiga ee aaney Soomaalidu dowladdoobin. Gabyaaguna ahaa afhayeenka beeshiisa. Isammaanida ararasho, wuxuu gabyaagu ku muujiyaa maanso heli ogaanta hibada loo siiyey iyo innaan lagu gaarin. Tusaale aan u soo qaadano gabey xiraaleed uu mariyey Gooni Xaaji Cabdi oo ku arartey:
Rag cayaayir iyo maanso waa, camalladiisiiye.
Ceynaanka anigow hayiyo, celiyihiisiiye.
Kol haddaan callaqo looma furo, cagaha dheeldheele.
Lix iyo toban halaan soo cayimey, ceynka ka hingaagsha.
Arar Sababeyn: Jaadkan ararasho waxaa lagu sababeeyaa waxa keeney Tixda marinteeda. Wuxuuna maansayahanku ku xusaa inuu gabyidii iska daayey, oo aanu muddo dheer wax tirin. Balse, ku soo noqoshadiisan ay keentey arrin la soo gudboonaatey oo uu ka aamusi waayey. Arar sababeynta waxaa inta badan loo adeegsadaa xaaladaha kala ah: Calaacalka, hawaala warran, waano, dardaaran ikk. Tusaale aan u soo qaadano gabey uu tiriyey Xaaji Aadan Afqallooc oo ku arartey:
Ta’da gabey waa taan ka tegey, tan iyo waa dheere.
Isticmaarku goortuu tagaan, teydii gaabsadaye.
Caawana ma tiriyeene, waa igu tahliigeene.
Arar Halqabsiyeed: Waa magacdhabid lagu xuso Tixda oo siyaabo kala duwan loogu halqabsado. Siyaalaha kala duwanee loogu halqabsado. Waxaan ku soo ururin karnaa qoddobadan:
1. Inuu ugu halqabsado sababeynta Tixda.
2. Inuu ugu halqabsado qaddarin.
3. Inuu ugu halqabsado is ammaanid.
4. Inuu ugu halqabsado inuu duro.
5. Inuu ugu halqabsado dirasho.
6. Inuu ugu halqabsado sagootin.
Arar Halqabsiyeedda Sababeynta. Tixooyinkii horey loogu soohey. Waxaa ka mid ah gabeygan uu mariyey Xaaji Cismaan Sharma’arke, oo ku arartey:
Ta’da gabey Gurraasoow beryahan, daayey tiriskeede.
Xalaan tow ka soo iri hurdada, goor dalool tegaye.
Waxaan tebayo mooyaane annoo, taahayaan kacaye.
Arar Halqabsiyeedda Qaddarinta: Waxa uu maansayahanku ugu xishaa laba xaaladood midkood oo kala ah:
1. Inuu ugu halqabsado dhalyo ama dhareer wadaag ay yihiin.
2. Inuu ugu halqabsado u qirsanaan afmaalnimadiisa.
Arar halqabsiyeeda qaddarinta: Tusaale aan u soo qaadano gabey uu tiriyey Khaliif Shiikh Maxamuud oo ku arartey:
Aw Muusoow deelleyda gabey, adi laguu daaye.
Adigaa dabuubtiyo tixaha, soo dabaalbaraye.
Deelqaaf la’aan waadigii, daadaheyn jiraye.
Arar Halqabsi Ammaaneed: Tusaale aan u soo qaadano gabey uu tiriyey Salaan Carrabeey oo ku arartey:
Lukaansi gabey Faaraxow, laaki ma laheynne.
Laflaf iyo lahwiga loo tirshiyo, jarey lurkiisiiye.
La’da xarafka laankiyo ba’daan, looyar ku ahaaye.
Nin awowgii loox ugu dhigoo, liil gelshaan ahaye.
Arar Halqabsiyeedda Durida: Jaadkan ararasho wuxuu maansayahanku ugu xishaa. Si uu u duro tix uu mariyey ruuxa uu ku halqabsanayo. Isu maansood ha ka dhaxeeyo ama markaa ha is qabtaane. Tan kale, laba qaab ayuu ugu halqabsadaa oo kala ah: U qirsannaan murti heli ogaan gabey iyo liidid maanso gaabnidiisa. Tusaale aan u soo qaadano laba tixood oo ku kala aadan.
Halqabsiga durida Tixda iyo u qirsanaanta gabey. Tusaale aan u soo qaadano. Gabey uu mariyey Cali Dhuux Aadan oo ku arartey:
Ba’da gabey Ismaaciil Miraa, buuni ku ahaaye.
Beydduu akhriyey ma oran, yaa beddela kaase.
Maantuuse runtii baalmarey, bilaha iideede.
Halqabsiga durida Tixda iyo liidida maanseeyaha. Tusaale aan u soo qaadano gabey uu mariyey Samatar Baxnaan oo ku arartey:
Laaqsi gabey Salaanow adaan, leyli ku ahaannin.
Aan laaqin mooyee murtida, laaxin ka idleynin.
Oo weli la liic liicayaad, rag isku laashaaye.
Arar Halqabsiyeedda Dirashada: Jaadkan ararasho aad ayey ugu badan tahay maansada Soomaaliyeed. Waxaa xusid mudan sideedaba dirashada Tixda, halqabsi la’aan ma noqoto ararashadeeda. Haddaan magac gaar ah lagu xusin. Waxaa lagu saleeyaa magac guud. Tusaale ahaan sida: Ragga bixitimayoow… iwm.
Arar halqabsiyeedda dirashada, wuxuu maanseeyuhu ugu xishaa. La dardaaranka ruux uu igmadey inuu ka wargeeyo. Tusaale aan u soo qaadano gabey uu tiriyey Saalax Maley Direy oo ku arartey:
Arar hogatusaaleyn: Jaadkan ararasho wuxuu maansayahanku ku saleeyaa waaya-arragnimadiisii nololeed, fogaan arragiisa garasho.. iwm. Si uu ugu qiratusaaleyo waxa markaa taagan ka tixeyntooda. Tusaale waxaa innooga filan gabey uu mariyey Ismaaciil Mire oo ku arartey:
In kastuu kabtiyo ama kallaho, ama kur dheer fuulo.
Bad kalluun ku jira key tahay, amase koob shaaha.
Kulligood addoomaha Rabbow, qeybshey kibistiiye.
Nin waliba wixii loo katibey, waa la kulansiine.
Ninna innaanu soo kororsanaheyn, kaa hala ogaado!
Arar Ekeyn: Ekeyn ku soohida Tixda, ha lagu ararto ama ujeeddada ha lagu gudbiye. Waxay heemaalisaa Tixda farshaxannimadeeda murtiyeed. Jaadkan ararasho wuxuu maansayahanku ku saleeyaa waxa ku xeeran nolosheena noole iyo manooleba. Tusaale aan u soo qaadano tix uu mariyey gabyaa la oran jirey: Cabdille Laba Maar oo ku arartey:
Rati weyne ridmada qaalin waa raro-gubyoodaaye.
Hadduu aar wax reydalo dugaag sooma raadsado e.
Raxantana maroodiga u weyn yaa u rida geede.
Raageba riyaal buu ahaa reebey gabyaaye.
Anigana rankii baan ahoo reebey gaandhada e.
Isku soo wada duuboo, jaadadkaa ararasho ee aan soo iftiimiyey. Marka laga tago waxaa jira, qeybo kale oo u baahan in si qotadheer oo cilmiyeed loo derso saleyntooda.