Afmaldahe waa erey innoo sheegaya hadal aan la qayaxin. Haddaan sii jilciyo waa hadalka sida loo yiraahdo maahee, u dhacaya si kale oo ka duwan. Tusaale ahaan waa iyadoo dad laga hadlayo oo misana gorayo loo heeso. Sida ku cad tixdan uu triyay Saahid Qamaan:
Gammaankiina badan Feytinow,
gobolba waa cayne
Qaar baan ka goor iyo ka goor,
godolka dayneyne
Qaar baan garmaamana la barin,
gaabisnaw dhalane
Gabxa lagu shakaalyow sengihii,
gaabi orodkiiye
Gacalnimo haddaad naga rabtaan,
go’aha noo doorsha.

Afmaldaha waxaa loo adeegsadaa guud ahaanba halabuurka jaadadka kala duwan ee suugaanta, tix iyo tiraab labadaba, sida: maahmaahda, halxiraalaha, googaaleysiga, maansada, sheekooyinka iwm.
Tusaale aan u soo qaato dhanka tiraabta sheeko-hiddeedii tisqaaday ee aheyd. Wiilkii diin barashada u doontey deegaan aad uga fog, berinkii ay yiilleen. Laba farriimood oo ku jirey oo ay is dhaafsadeen wiilka iyo aabbihii oo kala ahaa sidan:

Wiilkii: ‘’Aabbow shanta salaaddood, weyso quraan ku tukadaa.’’
Aabbihii: ‘’Wiilkeygiiyoow bishu waa soddon, balliguna waa buuxaa.’’
Labadaa farriimoodba markaan dhuuxno macnagudbintooda waxaan ogaaneynaa iney afmaldah ku saleysan yihiin.

Tusaale ahaan, haddaan macneyno farriinta wiilka uu maldahay waxey u dhaceysaa: ‘’Aabbow afar iyo labaatankii saac, mar keliya ayaan wax cunaa oo qatooyaa igu dishey meesha.’’ Farriinta aabbahana waxay u dhaceysaa: ‘’Wiilkeygiiyoow, waxaan ku soo dhiibey soddon cad hiliba iyo qunbe subag afka haya.’’

Googaaleysiga iyo halxiraalaha ayaa iyagana ah jaad-tiraabeedyo la maldaho gebi ahaantooda. Marka aad u dhabagasho dhammaan googaaleysiyadii tisqaaday waxaad ogaaneysaa iney ku dhisan yihiin afmaldahid; mana jiro googaaleysi aan ku saleysneyn afmaldah. Tusaale ahaan sida ku cad googaaleysiyada hoos ku qoran:

-Wax cirka taar ku leh, dhulka taar ku leh, tagoogo orgi leh, oo tunka shaash ku leh.
-Jawaabtu waa coomaadiga {nooc ka mid ah {gorgorka}
-Wax so’ leh oo sar leh oo suun leh oo seed leh, oo aan nin sooryo ku deeqin.
-Jawaabtu waa majinta ariga.
-Xeradeyadu waa wada ul, misana ul la qaato ma leh.
-Jawaabtu waa geesaha ariga.

Dhanka halabuurka maansada markaan eegno, afmaldahyadu tiirdhexaad ayay u yihiin. Waxay heemaaliyaan farshaxnimadeeda maanseed, waxay kaalin weyn ka geystaan aftahamadeeda, waxay dhumuc cusleeyaan macna-gudbinteeda. Sidaa darteed, ayaan Tixda looga maarmeyn in afmaldah lagu sooho falkadeeda, si ay u noqoto maanso dhaxalgal ah, duluc shishe u qodan leh, la majeerto oo aan laga xiisa dhicin gundheerideeda murtiyeed, jiilba jiil ka dhaxlo oo tisqaada:

Tusaale aan u soo qaadanno jawaabtii Feytin uu ka bixiyey gabeygii Saahid Qamaan ugu duurxuley afmaldahidiisa tixeed ee uu yiri:

Hadal gar ah ayey Saahihdow,
gobi la yeedhaaye.
Nin gammaan yaqaan maqasha wuu,
gaasa bixiyaaye.
Waa laba gu’ iyo deyr jir aan,
fuulinkeed geline.
Waa taas gankeedii suryaha,
loogu cows guriye.
Maxaad nagu geleysaa haddaad,
fuuli garan weysey?

Afmaldahyadu waa jaadad kala duwan, waxaana ka mid ah: Duurxulka maansada: Ekeynta maansada: Humaageynta maansada. Qofeynta maansada. Ekeyn-qofeynta maansada.

W.Q. Bare
Cabdullaahi Sh. (Gacanka)