Thursday , April 23 2026
Home / AGA News / GUDOOMIYAHA AQALKA SARE EE SOOMAALIYA IYO GUDOOMIYAHA AKADEEMIYE GOBOLEEDKA AF-SOOMAALIGA OO KA WADA HADLAY DARYEELKA AFKA HOOYO.

GUDOOMIYAHA AQALKA SARE EE SOOMAALIYA IYO GUDOOMIYAHA AKADEEMIYE GOBOLEEDKA AF-SOOMAALIGA OO KA WADA HADLAY DARYEELKA AFKA HOOYO.

Gudoomiyaha Aqalka Sare ee Soomaaliya Md, Cabdi Xaashi C/laahi iyo Gudoomiyaha Akadeemiye Goboleedka Af-Soomaaliga Prof. Maxamed Daahir Afrax ayaa kulan gaar ku yeeshay xarunta aqalka sare ee Magaalada Muqdisho, iyagoo ka wada hadlay sidii la isaga kaashan lahaa  ilaalinta, daryeelka, hal abuurka iyo horumarinta afka Soomaaliga.

Munaasabadii kulankaasi ayaa hadal u halkaasi ka soo jeediayay Gudoomiyaha Aqalka Sare Md, Cabdi Xaashi C/llaahi waxa uu sheegay inuu si aad ah ugu faraxsan yahay kulanka ay wada qaateen Gudoomiyaha  Akadeemiye Goboleedka Af-Soomaaliga, waxaana uu caddeeyay inuu soo dhaweynayo dadaalka ay Akadeemiyadu ugu jirto daryeelka afkeena hooyo, isagoo balan qaaday inuu u hawl gali doono sidii uu gacan uga gaysan lahaa horumarinta afka Soomaaliga.

Gudoomiyaha Akadeemiye Goboleedka Af-Soomaaliga Prof. Maxamed Daahir Afrax oo isna madashaasi ka hadlaya ayaa ka sheekeeyay taariikhda iyo waxqabadka Akadeemiye Goboleedka Af-Soomaaliga {Aga}, waxaana uu carabka ku dhuftay in hadafka Akadeemiyadu uu yahay sidii afka Soomaaliga halista looga badbaadin lahaa, adeegsigiisana loo sixi lahaa, iyadoo laga dhiganayo nabad side  walaaleeye Soomaalida.

Kulankaasi ay labbadda Gudoomiye wada yeesheen ayaa gaba-gabadiisii waxaa la isku waafaqey in loo wada guntado daryeelka afka hooyo, waxaana lagu balamay in la joogteeyo kulamada caynkaan oo kale ah si mar walba isha loogu hayo halka uu marayo dadaalka ku aadan horumarinta afka Soomaaliga.

Munaasabadii kulanakaasi oo ku dhacday jawi aad u wanaagsan ayaa waxaa goob joog ka ahaa Gudoomiye ku xigeenka Koowaad ee Aqalka Sare Md, Abshir  Buqaari iyo masuliyiin kale.

MACALLIN  SACIID SAALAX AXMED OO BOOQDAY XARUNTA AGA EE MUQDISHO.

 Macallin Saciid Saalax Axmed oo ka tirsan Maqaawiirta (Ruug cadayaasha) Akadeemiye-goboleedka afsoomaaliga  Aga  ayaa dhawaan mar uu safar ku yimid magaalada muqdisho waxaa uu soo booqday Xarunta ku meel gaarka ah ee Akademiyaddu ay ku leedahay  leedahay Magaalada Muqdisho.

Munaasabad kooban oo loogu tala galay soo dhaweynta Macallin Saciid Saalax ayaa lgu qabtay  Xarunta AGA ee G/Banaadir, hadal  uu halkaasi ka soo jeediyay Gudoomiyaha Aga Dr. Maxamed Daahir Afrax ayaa sheegay inay Akadeemiyadu ku farxasan tahay booqashada uu Macallin Saciid  ku yimid Xafiisyada AGA  ee  Magaalada Muqdisho, isagoo dhinaca kale si cilmiyaysan uga warbixiyay isbadaladii ay soo martey Akadeemiyada, shaqooyinka ay qabato xarunta Aga ee Magaalada Muqdisho, qorshayaasha hor yaalo iyo dadaalka guud oo ay ugu jirto Ilaalinta iyo daryeelka Afka Soomaaliga.

Macallin Saciid Saalax Axmed oo isna  ka hadlay munaasabadaasi ayaa  caddeeyay inuu la dhacsan yahay    sida walaaltinimada iyo saaxiibtinimada leh ee loogu soo dhaweeyay xarunta AGA ee Magaalada Muqdisho, wuxuuna ku nuux-nuuxsadey  madaxda Akadeemiyada AGA inuu ugu mahad naqayo sidii qiimaha laheyd ee ay u  soo dhaweeyeen,  isagoo halkaasi ka balan qaaday inu sii xoojin  doono dadaalkii uu ugu jirey kor u qaadida afkeena Hooyo.

Saciid Saalax Axmed waa  Macalllin iyo Abwaan si baahsan caan uga ah guud ahaan caalamka gaar ahaan gayiga ay degto Soomaalida, taariiq ahaan waxaa lagu xasuustaa suugaantii  uu tiriyay xillliyadii bariisamaadka,  heesahiisa ayaa intooda badan waxay ka hadlayeen qiimaha Waxbarashada maadama uu ahaa Gudoomiyihii Kooxda Iftin ee Wasaaraddii Waxbarashada Soomaaliya.

About hgb