Munaasabad loogu tala galay sII sagootinta masuuliyiin ka mid ah maqaawiirta Akadeemiye-Goboleedka AfsSoomaaliga iyo qorayaal mug iyo miisan ku dhex leh bahda hal abuurka Soomaaliyeed uuna soo qaban-qaabiyay maamulka xarunta dhexe ee Akadeemiyadda AGA ayaa lagu qabtay Hotel Beach View ee Magaalada Muqdisho.
Munaasabadaasi ayaa ujeedadeedu waxay aheyd sidii loo yeelan lahaa kulan loogu magac darey “BULSHEYN”, waxaana halkaasi la isku dhaafsadey fekrado u badnaa sheekooyin isugu jiray taariikh, kaftan, xikmado, maad iyo qaar ka mid ah dhacdooyinka xiisaha badan ee mararka qaarkood ka dhex dhaca bulshada Soomaaliyeed.
Gudoomiyaha Akademiye-Goboleedka AfSoomaaliiga (AGA) Prof. Maxamed Daahir Afrax oo munaasabdaasi ka hadlay ayaa caddeeyay bahda AGA inay tahay hal qoys oo ku mataaneysan ilaalinta, daryeelka iyo hal abuurka afka Soomaaliga, isagoo intaasi ku darey inaaney AGA iloobi doonin munaasabadaasi qaaliga ah.
“Saaxiibayaal waxaan idinkugu hambalyeeynayaa imaatinkiina Caasimadda, farxad iyo macno gaar ah ayay inoo leedahay kulanka aan caawa halkaan ku wada qaadnay, dhawaan waxaan filayaa inaad dib ugu laaban doontaan goobihii aad ka timaadeen, safar salaamo iyo ALLE inuu samo idinku celiyo ayaan idiin rajaynayaa” ayuu si qiiro leh u yiri Prof. Afrax oo dhinaca kale xubnahaasi u dul marey hawlaha baaxadda leh oo ay qabato Akadeemiye-Goboleedka AfSoomaaliga (AGA).
Qoraaga Axmed Farax Cali (Idaajaa) oo ka mid ah maqaawiirta Akadeemiayada AGA, Axmed Cartan oo ah Wakiilka AGA ee Dalka Ingiriiska (Uk) iyo madaxa Xarunta Dhaqanka ee Aw-Jaamac Cumar Ciise Marwo Fardowsa Jaamac oo iyaguna madashaasi ka hadlay ayaa sheegay inay ku faraxsan yihiin munaasabdaasi loo sameeyay, waxaana ay carabka ku dhufteen inay soo dhaweynayaan waxqabadka iyo horumarka ay sameysay AGA, iyagoo balan qaaday inay horseed ka noqon doonaan daryeelka afka Soomaaliga.
Munaasabadaasi ayaa ku soo gaba-gabowday jawi aad u macaan badan, waa markii ugu horeysay oo in muddo ah xaflad ceynkaan oo kale ay isugu yimaadeen xubnaha Akadeemiyadaasi ee ku kala sugan Dalka gudahiisa iyo dibadiisa.