Shir aad u qiimo badan oo looga hadlyay sidii ay isu kaashan lahaayeen Akadeemiye-Goboleedka AfSoomaaliga iyo Naadiyadda qaabilsan Aqriska, Qoraalka iyo Dhaqanka ayaa lagu qabtay Magaalada Muqdisho.
Gudoomiyaha AGA Prof..Maxamed Daahir Afrax oo kulankaasi ka hadlay ayaa sheegay inuu si diirran u bogaadinayo dhallinyarada u soo jeesatey Akhriska, Qoraalka iyo Dhaqanka, waxaana uu tilmaamay inuu gacmo furan ku soo dhaweynayo Naadiyada ay asaaseen dhalinyaradaasi, isagoo balan qaaday inay Akadeemiye-Goboleedka xoogga saari doonto dhiirrigalinta, tababbaridda iyo gacan-siinta da’yartaasi hibada leh.
Gudoomiyaasha Naadiyada Hilin-hayaan, Banaadir, Xamar iyo Ifiye oo iyaguna halkaasi ka hadlay ayaa sheegay inay soo dhaweynayaan Madasha AGA ee horumarinta Afka Hooyo iyo Hal-Abuurkiisa, waxaana ay caddeeyeen inay diyaar u yihiin ka qeyb qaadashada madashaasi iyagoo soo jeediyay in xil gaar ah la iska saaro illaalinta Afka Hooyo.
Himilada Akadeemiye-Goboleedka Af-Soomaaligu ayaa ah Af-Soomaaliga oo halista ka badbaada, adeegsigiisa la saxo lana xoojiyo, lagana dhigto nabad-side walaaleeya Soomaalida iyo idil ahaanba ummadaha Geeska Afrika.