Wednesday , October 22 2025
Home / AGA News / MACALLIN SACIID SAALAX AXMED OO BOOQDAY XARUNTA AGA EE MUQDISHO.

MACALLIN SACIID SAALAX AXMED OO BOOQDAY XARUNTA AGA EE MUQDISHO.

 Macallin Saciid Saalax Axmed oo ka tirsan Maqaawiirta (Ruug cadayaasha) Akadeemiye-goboleedka afsoomaaliga  Aga  ayaa dhawaan mar uu safar ku yimid magaalada muqdisho waxaa uu soo booqday Xarunta ku meel gaarka ah ee Akademiyaddu ay ku leedahay  leedahay Magaalada Muqdisho.

Munaasabad kooban oo loogu tala galay soo dhaweynta Macallin Saciid Saalax ayaa lgu qabtay  Xarunta AGA ee G/Banaadir, hadal  uu halkaasi ka soo jeediyay Gudoomiyaha Aga Dr. Maxamed Daahir Afrax ayaa sheegay inay Akadeemiyadu ku farxasan tahay booqashada uu Macallin Saciid  ku yimid Xafiisyada AGA  ee  Magaalada Muqdisho, isagoo dhinaca kale si cilmiyaysan uga warbixiyay isbadaladii ay soo martey Akadeemiyada, shaqooyinka ay qabato xarunta Aga ee Magaalada Muqdisho, qorshayaasha hor yaalo iyo dadaalka guud oo ay ugu jirto Ilaalinta iyo daryeelka Afka Soomaaliga.

Macallin Saciid Saalax Axmed oo isna  ka hadlay munaasabadaasi ayaa  caddeeyay inuu la dhacsan yahay    sida walaaltinimada iyo saaxiibtinimada leh ee loogu soo dhaweeyay xarunta AGA ee Magaalada Muqdisho, wuxuuna ku nuux-nuuxsadey  madaxda Akadeemiyada AGA inuu ugu mahad naqayo sidii qiimaha laheyd ee ay u  soo dhaweeyeen,  isagoo halkaasi ka balan qaaday inu sii xoojin  doono dadaalkii uu ugu jirey kor u qaadida afkeena Hooyo.

Saciid Saalax Axmed waa  Macalllin iyo Abwaan si baahsan caan uga ah guud ahaan caalamka gaar ahaan gayiga ay degto Soomaalida, taariiq ahaan waxaa lagu xasuustaa suugaantii  uu tiriyay xillliyadii bariisamaadka,  heesahiisa ayaa intooda badan waxay ka hadlayeen qiimaha Waxbarashada maadama uu ahaa Gudoomiyihii Kooxda Iftin ee Wasaaraddii Waxbarashada Soomaaliya.

About hgb