Gudoomiyaha Akdeemiye-Goboleedka AfSoomaaliga Aga Prof. Maxamed Daahir Afrax ayaa si qoto dheer uga hadlay qiimaha uu leeyhaay qoraalka iyo aqriska buuggaagta, wuxuuna sheegay ummad walba ummaddii ay ka qoraal iyo aqris badan tahay inay ka horumarsan tahay.
Dr. Maxamed Daahir Afrax oo hadalkiisa sii wata ayaa cadeeyay inuu soo dhaweynayo isla markaana uu dhiiiri galinaayo dhallinyarada xiisaynaysa qoraalka, aqriska iyo soo saarista buuggaagta, waxaana uu balan qaaday inuu u hawl galayo sidii uu gacan u siin lahaa cid kasta oo ku hawlan arimahaasi.
“Da’yarta dadaalaysa qaar ka mid ah qoraalladooda in l atayeeyo ayay u baahan yihiin, tayeyntu waxay u baahan tahay dadaal badan oo ku imaan karta aqris badan, tababbarro iyo tifaf-tirid ay la kaashadaan ciddii lalala kaashan karo, Eraygaas aan sheegay yaan loo qaadan dhaliil ee ha loo qaato dhiirri-galin iyo sii hagaajinta qoraalka ” ayuu yiri Prof. Afrax oo Dhanka kale sheegay in masuuliinta iyo xarumaha Waxbarashada looga baahan yahay inay xil iska saaraan tababbar-siinta da’yartaasi.
Hadalkaan ayaa gudoomiye aga waxa uu u jeediayay qaar ka mid ah dhallinyarada soomalaiyeed ee hibada u leh fanka qoraalka iyo wax curinta.