Tababbar-xirfadeed ay soo qabanqaabisay Akadeemiye-Goboleedka AfSoomaaliga (AGA) oo lagu baranayay Horumarinta Hal-abuurka Qalinka iyo qurxinta qoraal-curiska ayna ka soo qeybgaleen dhallinyaro ka kala socotey naadiyada dhallinyarada hal-abuurka jecel, sida Xarunta IFIYE ee Cilmiga, Suugaanta iyo wax-aqriska, Naadiga Aqriska Banaadir iyo Naadiga Aqriska ee Hillin-Hayaan ayaa lagu qabtay Xarunta Ifiye ee Magalaada Muqdisho.
Furitaankii munaasabaddaasi ayaa Gudoomiyaha Xarunta Ifiye Md, Maxamed Cali Gurey waxa uu halkaasi ka soo jeediyay erayo kooban oo isugu jiray soo dhaweyn, mahadnaq iyo ballan-qaad, Wuxuuna carrabka ku dhuftay inuu ku faraxsan yahay tababbarka ay Akadeemiye-Goboleedka AfSoomaaligu siinayso dhallinyarada hal-abuurka leh, isagoo hoosta ka xarriiqay inay xaruntoodu diyaar u tahay marti-galinta kulamada noocaan ah.
Furitaankaas ka dib waxaa bilowday bixinta tababbarkii ay qaadanayeen dhallinyaradii nasiibka u heshay inay ka faa’iidaystaan, Ugu horrayntii Prof. Mustafa C/laahi Fayruus ayaa wuxuu tilmaamay muhiimnimada qoraalka iyo sida uu uga duwan yahay hadalka kale, Wuxuuna ku cel-celiyay qoraa kasta in looga baahan yahay inuu ku dadaalo qurxinta qoraalkiisa.
Intaasi dabadeed waxaa cashar aad u xiisa badan oo ku saabsanaa Qoraalka Toolmoon (Wanaagsan) halkaasi ku soo bandhigay Prof. Maxed Daahir Afrax, Gudoomiyaha Akadeemiye-Goboleedka AfSoomaaliga, Wuxuuna tilmaamay in saminaarkani uu bilow u yahay tababbarro taxane ah oo loogu tala galay sidii sare loogu qaadi lahaa aqoon-xirfadeedka qalinleyda soo koraysa, isagoo da’yartaas ku guubaabiyay inay dadaal badan galiyaan tayaynta ama kor u qaadidda tayada qoraalada iyo hal-abuurka ay curinayaan.
“Hadalku wuxuu u kala baxaa Qawl iyo Qoraal ama Dhihid iyo Dhigid. Waa laba hab oo kala duwan ayna muhiim tahay in la garto dhinacyada badan ee ay ku kala duwan yihiin” ayuu yiri Prof. Afrax oo dhanka kale iftiimiyey Qoraanimadu inay tahay farsamo ku taagan laba tiir oo kala ah Hibo iyo Barasho.
“Hibo waa tan uu qofku u dhasho iyo Barasho oo ah dadaal uu qofku u galo inuu barto xeerarka iyo xeeladaha lagu qurxiyo qoraalka, Is-kaashiga labadaas ayuu qofku ku noqon karaa qoraa la jeclaysto lagana faai’deysto, weliba lagu raaxaysto qoraalkiisa” ayuu mar kale yiri Barfasoorku oo qeexay qaybaha uu u kala baxo qoraalku, isagoo intaasi raaciyay in mustaqbalka qaybahaas mid kasta markeeda AGA ka bixin doonto casharro da’yarta lagu tababbari doono, idanka Eebbe.
Macalimiintii tababbarkaasi bixinaysay oo kala ahaa Prof. Afrax iyo Prof. Mustafa ayaa ka qeyb galayaashii tababbarkaasi uga jawaabay su’aalihii ay la wadaageen, iyagoo dhinaca kalana soo dhaweeyay talooyinkii ay bixinayeen dhllinyaradaasi, Tababbarkaasi oo intii uu socday aad loo jecleystay ayaa waxa uu ku soo gaba-gaboobay jawi aad u wanaagsan.