Kulan aqooneed ay soo qaban-qaabisay Akadeemiye Goboleedka Af-Soomaaliga (AGA) loogana hadlayay Adeegsiga Af-Soomaaliga iyo Turxaan bixinta ereyga qoran ayna ka soo qeyb galeen Masuuliyiin kala duwan ayaa lagu qabtay Magaalada Muqdisho.
Furitaanki munaasabdaasi ayaa khudbad uu hakjaasi ka soo jeediyay Gudoomiyaha Akadeemiye Goboleedka Af-Soomaaliga Prof. Maxamed Daahir Afrax ayaa sheegay Akadeemiyada Aga inay tahay madal aqooneed ka dhaxeysa ummadda Soomaaliyed ee ku kala nool Dalallka Soomaaliya, Jabuuti, Kenya, Itobiya iyo kuwa ku dhaqan wadamada kale ee caalamka, waxaana uu carrabka ku dhuftay inuu afka Soomaaliga uu yahay hantida ugu qaalisan ee ka dhaxeysa shacbiga Soomaaliyeed, isagoo intaasi ku darey in muwaadin walba uu waajib ka saaran yahay illaalinta afkiisa hooyo.
“Akadeemiyada AGA waxaa loo unkay sidii afka Soomaaliga loo badbaadin lahaa isla markaana loogu mintidi lahaa jiritaankiisa, halku dhig ahaan Akadeemiyadu waxay leedahay U-Hiili Afkaaga Hooyo iyo Hal abuurkiisa” ayuu yiri Prof. Afrax oo caddeeyay inay ku hawlan yihiin sidi loo dar-dar galin lahaa hawlaha Akadeemiyadaasi.
Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta, Ddhaqanka iyo Dalxiiska C/raxmaan Yuusuf Al-caddaala ayaa sheegay inuu si diiran u soo dhaweynayo dadaalka ay Akademiyadda AGA ugu jirto daryeelka iyo hal abuurka afka Soomaaliga, waxaana hoosta ka xariiqay kulan aqooneedka ay maanta qabatey Akadeemiyda AGA inuu ka waxtar badan yahay barnaamijyo maalmo badan socda isla markaana lagu bixiyo dhaqaale aad u fara badan, isagoo balan qaaday ka Wasaarad ahaan inay diyaar u yihiin sidii ay kaalintooda uga qaadan lahaayeen difaaca afka Soomaaliyeed.
Agaasimaha Hay’adaha Tacliinta Sare iyo dhaqanka ee Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sarae Dr. Cabdi Shakuur Xasan Macallin ayaa isna munaasabadaasi ka sheegay inuu ku faraxsan yahay qabashada kulan aqooneed noocaan oo kale ah, waxaana uu ku nuux-nuuxsadey inay Wasaaraddiisu taageereyso sidii Akadeemiyada AGA gacan looga siin lahaa bad-baadinta afka Soomaaliga.
Prof. Mustafa C/laahi Feyruus oo ka mid ah masuulyiinta sar-sare ee Akadeemiyada AGA, Ku simaha Gudoomiyaha Golaha Abwaanada Xersi Dhuux Maxamed iyo Marwo Dahabo Shiijkh Maxamuud oo ka tirsan madaxada Somalipen ayaa iyaguna halkaasi ka soo jeediyay hadalo ay ku cabirayeen hodontiminada afka hooyo, waxaana ay dadka ku baraarujiyeen inay xil gaar ah iska saaraan sidii loogu fara adeygi lahaayeen daryeelka afkoodu hooyo.
Kulan aqooneedkaasi ayaa qeybihiisii dambe waxaa diirada lagu saarey Dood wadaag ku saabsaneyd adeegsiga afsoomaaliga iyo turxaan bixinta ereyga qoran, waxaana doodaasi si xiisa badan uga qeyb qaatey in ku dhaw 100-xubnood oo ka mid ahaa ka qeyb galayaashii madashaasi, kuwaasi oo soo jeediyay tallooyin wax ku ool ah.