MADASHA AGA EE HORUMARINTA AFKA HOOYO IYO HAL-ABUURKIISA OO MUQDISHO LAGU DAAHFURAY Munaasabad si qurux badan loo soo agaasimay, looguna tala galay daahfurka Madasha AGA ee Horumarinta Afka Hooyo iyo Hal-abuurkiisa, ayna ka soo qaybgaleen madax ka kala socotay Aqalka Sare, Golaha Wasiirada, Xildhibaano, masuuliyiinta Akadeemiye-Goboleedka AfSoomaaliga, aqoonyahanno iyo marti sharaf aad u fara badan, ayaa Muqdisho lagu qabtay 28/12/2017.
Gudoomiyaha Akademiye-Goboleedka AfSoomaaliga Dr. Maxamed Daahir Afrax oo khudbad xiiso badan ka soo jeediyay munaasabaddan daahfurka madasha, ayaa si faahfahsan uga hadlay taariikhda iyo heerarka ay soo martay Akadeemiya-Goboleedka Af-Soomaaliga, oo loo soo gaabiyo AGA. Waxa uu sheegay sababta loo yagleelay AGA inay tahay sidii halista looga badbaadin lahaa afka hooyo, looguna hawlgeli lahaa daryeelkiisa iyo horumrintiisa; isagoo intaasi ku daray in himilada Akadeemiyadu inay tahay sidii afka Soomaaliga looga dhigi lahaa nabad-side walaaleeya ummadda Soomaaliyeed.
“Madasha aan maanta Muqdisho ka furayno waa madal aqooneed bille ah, hadafkeedu waa fuddudaynta feker-wadaag ku wajahan sidii sare loogu qaadi lahaa afka hooyo iyo hal-abuurkiisa” ayuu yiri Dr Afrax.
Gudoomiyaha Aqalka Sare Md. Cabdi Xaashi C/llaahi oo si rasmi ah ugu dhawaaqay Daahfurka madal-aqooneedkan billaha ah ayaa sheegay inuu ka welwelsan yahay xaaladda uu xilligaan ku sugan yahay afka Soomaaliga, waxaana uu ku baaqay in laga hortago waxyaabaha wiiqaya kaalinta afka hooyo ka mudan yahay nolosheenna; isagoo dhanka kale u mahadceliyay Akadeemiyada AGA, oo uu tilmaamay inay u heellan tahay u adeegidda afka hooyo iyo hal-abuurkiisa.
Wasiirka Warfaafinta Inj C/raxmaan Cumar Cusmaan (Yariisoow) oo isna munaasabadaasi ka hadlay ayaa bogaadiyay barnaamijkan billaha ah ee ay dahfurtay Akadeemiayada AGA, waxaana uu hoosta ka xariiqay in wasaaraddiisa ay ka go’an tahay sidii ay Akadeemiyada AGA ugala shaqayn lahayd ilaalinta iyo u-adeegidda afka hooyo.
Gudoomiyaha Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed Prof. Maxamed Axmed Jimcaale, Gudoomiyaha Haweenka Gobolka Banaadir marwo Jawaahir Maxamed Baarqab, Gudoomiye ku-Xigeenka Golaha Abwaanada Soomaaliyeed abwaan Xirsi Dhuux Maxamed; ayaa