Qormadani waxay si kormar ah u dul-istaagaysaa
ujeedka erayada – Abgaal, Gaaljecel, garabgaal,
haruubgaal, socod-gaal iyo raggaal.
Afka waxaa lagu sheegaa in uu leeyahay meerta-nololeed la mid ah tan uumanka kale. Wuxuu isu maraa inta u dhexeysa dhalasho, qaangaar,gabow iyo dhimasho, waana laga yaabaa in uu waaro balse ay meertadaasi u saameyso si sibiq ama ili-ma-aragto ah. Waxaa dhacda in mararka qaar uu eray guun ahi ambado ama uu isku dhalan rogo mid ka mid ah labada dacal ee kala ah xagga ujeedka guud iyo xagga dhawaqa. Tan koowaad waxaan tusaale ka dhigan karnaa erayga “qurun” oo waagii hore loo yiqiin qubada ama diin-badeedka (Caliqeyr, 2009).
Sida uu Caliqeyr qabo, quruntu maadaama ay leedahay ur adag ayaa wixii iyaguna leh ur aan la jeclayn lala meel-dhigi jiray quruntaas. Qarnigii 15aad bilowgiisii ayey boqortooyadii Arsamaaygu (Ujuuraan) ku dhawaaqday amar sheegaya in quruntu tahay xaaraan, sidaas awgeedna la qubo subaggeeda iyo wixii kayd ah oo iyada la xiriira.
Waagaas waxaa heer sare marayey in qurunta loo adeegsado sababo caafimaad. Sidaas darteed, boqortooyadu waxay xeebaha Badda Cas iyo Badweynta Soomaaliya ku fidisay ciidan la faray inay qubaan kayd kasta ee quruntaas ah – subag ama hilib. Amarkii “quba” ahaa ayaa kolkaas ku astoobay magacii noolahan, halka misaalkii urka adag ee noolahaas lahaana uu ku astoobay magaca urka daran ee aan maanta “qurun” u naqaan. Halkaas waxaa nooga muuqanaya caynwareegga ku yimid iyo weliba sida labada eray isu weydaarteen.
Xagga dhalan-rogga dhawaqa eraygana waxaa tusaale nooga ah erayga “humaar” oo siyaabihii uu u soo xuub-siibtay ay weli ka wada muuqdaan afguriyada Soomaalida. Goballada waqooyiga waxaa laga yiraa “humaar” galbeedkana “huumaar” koofurtana “huunmaar”. Waa is rogrog ku imaanaya fududeynta habka dhawaqa iyo adeegsiga oo uu afguriga waqooyigu gaarsiiyey heerka ugu qurxan ama ugu fudud, halka ay afguriyada koofurtu ku hayaan asalkiisii koowaad.
Marka aan sidaan oranayo waxaan ula jeedaa in eraygu ka yimid “huun + maar” oo ah laba midab. Midabka huunka Soomaalidu keli uma tilmaanto waxayse raacisaa bey iyo maar (huunbey, huunmaar). Halkaas waxaan ku aragnaa sida uu ku iman karo is dhalan-rogga xagga dhawaqa erayga iyada oo sababta ugu weyni tahay fududaynta habka dhihidda oo qura. Marka laga yimaaddo in uu aadanuhu ku xiriiro, afku waxa uu innoo buuxiyaa kaalimo kale sida wax ka ogaanshada sooyaalka bulsho oo wuxuu milgo weyn u leeyahay cilmiga taariikhda iyo degelka. Si loo ogaado halka ay qowmiyad ka soo jeeddo ama cidda deegaan asal ahaan ku noolaan jirtay ayaa xaqiijinta arrimahaas looga faa’iidaystaa aqoonta afka.
Qaar ka mid ah degel-baarayaashii wax ka qoray dalka Soomaaliya ayaa u arkay in qaybo dhulkan ka mid ah ay degganaan jireen qowmiyado kale iyaga oo daliishanaya magacyada deegaannada qaar sida Gaalkacyo oo ay u qaateen in halkaas ay degganaan jireen qowmiyad “Gaala” la yiraa. Arrinkaas ayaa waxaa gaashaanka u daruuray af-aqoolka Soomaaliyeed.
Cabdalla Cumar Mansuur oo qayaxay in asalka eraygaan “gaal” uu yahay “geel” balse imminka isbedel ku dhacay. Aqoon-yahankani wuxuu daliisha u cuskuday in magaca “gaal” weli lagu adeegsado afguriga Maayga iyo weliba goballada waqooyi ee Soomaaliya. Erayada uu Mansuur tusaalaha u soo qaatay waxaa ka mid ah.-
Haruub-gaal = gaawaha, toobtaha; waa weel geela lagu listo. Ujeedkuna waa haruub-geel.
Gaaljecel = Beel Soomaaliyeed oo geela dhaqata. Ujeedkuna waa “Geel-jecel”.
Abgaal = Beel Soomaaliyeed oo geela dhaqata. Ujeedkuna waa Ab-geel.
Caliqeyr Muxumed Nuur oo eraygan sii fasiraya isaguna wuxuu yiri “Abgaal: Abgaalle; qof hoodo u leh geela. Qof leh tawaan iyo ayaan-samo u gaar ah geela. Abgaalluhu wuxuu lid ku yahay ‘kuxdin-awr’ oo qofkii ku dhasha la rumaysan yahay in uu ayaan xun u leeyahay geela”
Aqoontaas af-aqoolka ah ee daah-rogaysa firka erayga, waxay dhanka kale ka af-waajinaysaa dadkii sida daw-darnimada ah u dhigayey ujeedkooda ee weliba taariikh weyn ku marinhabaabiyey. Halkaasna waxaan ka aragnaa in erayga “gaal” uu yahay isla geelii Soomaalida balse aanu ahayn qowmiyado shisheeye.
Aniguna aan idiin raaciyo daliil dheeri ah oo la xiriirta erayga “gaal”. Prof. Cabdulqaadir Salaad Dhoorre, buuggiisii “Soomaaliya iyo Taariikhdeedii Hore” wuxuu ku sheegay in erayga “gaal” ee loo adeegsado dadka aan Muslinka ahayn uu ka yimid tilmaan dadkaas ku sheegaysa kuwa aan nijaasada (kaadida iyo saxarada) iska dhowrin oo sida geela oo kale istaagga iskaga kaadsha.
Dhanka kale, erayada rag-gaal, garab-gaal iyo socod-gaal ayaa iyaguna ka mid ah afmaalmeedka maanta. “Rag-gaal” waa xilliga kaldambeedka jiilaalka, ujeedkuna waa xilli ay raggu sidii geela oo kale u socdaan ama u adkaysi bataan. Waa goor ay badan tahay hawsha waraabka xoolaha, dhaanka, guurguurka iyo xaba-warinta xoolaha. “Socod-gaal” isna waa socodka dheer ee nasiinadiisu yar tahay, ujeedkuna waa tiiyoo sidii geela loo soconayo.
“Garabgaal” oo ah erayga saddexaad isna waa in qof wax loo diiddan yahay meel laga riixdo ama laga durugsado. Waa eray laga soo minguuriyey dhaqanka geela ee xilliga waraabka, waxaa dhacda in neef uu soo galo dar ay neefaf kale ka waraabayaan markaasna uu garabka ku riixo si uu darka meel uga bannaysto.
Garabgaalkaas ayaa maanta ku socda fasirka ujeedka erayada Afsoomaaliga, waxaadna mooddaa in ay dad darka u bannaysanayaan si ay taariikh aanan jirin ugu waraabiyaan naftooda qabka u oomman. Se, mahad weyn baan u celinayaa aqoon yahanka xilka iska saara raadraaca afka balse aanan meel soke ka soo dhifan macne qabyo ah. Si taas la mid ah waxay la gudboon tahay qorayaasha, cilmi-baarayaasha afeed iyo daneeyayaasha hiddaha iyo dhaqanka. Miidda dhadhanka leh waxaa lagu gaaraa baaris qoto dheer, qormo kasta oo xilkas ahna waxay mudataa xigasho iyo kalsooni badan.
Tixraac
1. Cabdalle Cumar Mansuur. 2009. Taariikhda iyo Luuqadda Bulshada Soomaaliyeed. Stocholm.
2. Cabdulqaaddir Salaad Dhoorre. 1996. Soomaaliya iyo Taariikhdeedii Hore. Muqdisho.
3. Caliqeyr Muxumed Nuur. 2009. Abtirsiinta Erayga Afsoomaaliga. Stockhol ——.2010. Horor iyo Kalgacal. Stocholm.
4. Yaasiin Cismaan Keenadiid. 1976. Qaamuuska Af-Soomaaliga. Muqdisho.
Waxaa Qorey:
Aw Cabdiqani Xasan Muxumed
gababdigani@gmail.com
Sweden, Stocholm
F.G: Qoraalkaan kama tajumayo aragtida AGA, balse waxa uu gaar u yahay aragtida qoraha