{"id":9380,"date":"2024-12-30T14:47:01","date_gmt":"2024-12-30T11:47:01","guid":{"rendered":"https:\/\/aga.so\/so\/?p=9380"},"modified":"2024-12-30T14:54:40","modified_gmt":"2024-12-30T11:54:40","slug":"xarunta-akademiya-goboleedka-af-soomaaliga-aga-oo-laba-sano-jirsatay","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/aga.so\/so\/xarunta-akademiya-goboleedka-af-soomaaliga-aga-oo-laba-sano-jirsatay\/","title":{"rendered":"Xarunta Akademiya Goboleedka Af Soomaaliga (AGA) oo Laba Sano Jirsatay!"},"content":{"rendered":"<h4>Xarunta dhexe ee Akademiya Goboleedka Af Soomaaliga oo albaabada loo furay 29\/12\/2022, ayaa haatan waxaa u buuxsamay sanadguuradii\u00a0 labaad ee ka soo wareegtay furitaankeedii, muddadii ay furnayd, waxay samaysay waxqabad muuqda oo la taabankaro iyo horumar lagu faani karo, inkastoo hawlo kale oo xarunta u qorshaysnaa aysan qabsoomin.<\/h4>\n<h4>Nasiibwanaag, markii la daahfuray xarunta, waxay islamarkiiba ku dhaqaaqday inay fuliso qorshayaashii u yiillay. Allaa mahad leh, intii u dhaxaysay 2023-2024, xarunta\u00a0 Akademiya Goboleedka, waxaa u qabsoomay: abaabulka iyo qabashada tababbarro kala heer ah iyo soo bandhigida daraasaddo cilmi ah, kuwaasi oo ay ka mid ahaayeen:-<\/h4>\n<ul>\n<li>\n<h4>Tababbar ku aaddan <strong>\u201cMidaynta Habdhigaalka iyo Naxwaha Af Soomaaliga\u201d<\/strong>.<\/h4>\n<\/li>\n<li>\n<h4>Cilmibaaris ku saabsan <strong>\u201cMidaynta Habdhigaalka Alifba\u2019da Af Soomaaliga\u201d.<\/strong><\/h4>\n<\/li>\n<li>\n<h4>Tababbar ku saabsan habka \u201c<strong>Qoridda Qoraallada Habboon iyo Diyaarinta Warbixinnada\u201d<\/strong>,<\/h4>\n<\/li>\n<li>\n<h4>Aqoon-isweydaarsi ku saabsan <strong>\u201cHabdhigaalka Aqoonsiga Muwaaddinka Soomaaliyeed\u201d.<\/strong><\/h4>\n<\/li>\n<li>\n<h4>Tabbabar ku saabsan <strong>\u201cWeerta Af Soomaaliga &amp; Kaalinta Qurubyada\u201d<\/strong><\/h4>\n<\/li>\n<li>\n<h4>Cilmibaaris ku saabsan <strong>\u201cNaxwaha Af Soomaaliga\u201d<\/strong><\/h4>\n<\/li>\n<li>\n<h4>Iyo Muxaadarooyin la xariira dhinaca af Soomaaliga.<\/h4>\n<\/li>\n<\/ul>\n<h4>Tababbarada ka sakow, xaruntu waxay soo saartay buugaag kala duwan oo ay ka mid yihiin:.<\/h4>\n<h4>\u00d8 Buugga <strong>\u201cMideynta Habdhigaalka Af Soomaaliga\u201d<\/strong>.<\/h4>\n<h4>\u00d8 Buugga <strong>\u201cNaxwaha Af Soomaaliga\u201d<\/strong><\/h4>\n<h4>\u00d8 Buugga af Soomaaliga <strong>\u201cWaxbarashada Dadka Waaweyn\u201d.<\/strong><\/h4>\n<h4>\u00d8 \u00a0Buugga <strong>&#8220;Qaamuuska ereybixinta maamulka wasaaradaha iyo boorarka&#8221;<\/strong><\/h4>\n<h4>\u00d8 \u00a0Buugga <strong>&#8220;Adeegsiga af Soomaaliga xaaladda maanta iyo hawlaha taagan&#8221;<\/strong><\/h4>\n<h4>Sidoo kale, dadaal badan oo la sameeyay, waxaa dhismihii hore ee xarunta AGA, lagu soo kordhiyay goobo ay ka mid yihiin: Masjid lagu cibaadaysto iyo fasal cusub oo loogu talaggalay in lagu bilaabo ololaha akhrisqoraalka af Soomaaliga. Waxaa kaloo xarunta lagu soo biiriyay xafiis cusub oo qaabilsan dhinaca kaydka (Archive) iyo qayb kale oo, iyana kayd u ah maktabadda Akademiya Goboleedka.<\/h4>\n<h4>Xaruntu labadii sano oo ay jirtay waxay si mug leh u qabatay xuska maalinta caalamiga ah ee afka hooyo, waxaana xusid mudan in sanadkan sii dhammaanayo ee 2024-ka, in xuskii 21 Febraayo ay xaruntu wada qabteen Akademiyada Cilmiga, Dhaqanka iyo Suugaanta, arrintaaasi oo uu bogaadiyay wasiirka waxbarashada Soomaaliya.<\/h4>\n<h4>\u00a013\/5\/2023, waxay aheyd maalin ku weyn xarunta AGA, maalintaas oo wasiirka wasaaradda warfaafinta Soomaaliya la gaarsiiyay nuqul ka mid ah xeerka Akademiya Goboleedka Af Soomaaliga (AGA).<\/h4>\n<h4>Hawlaha kale, ee xaruntu qabatay, waxaa ka mid ah martigalinta bandhigyo isugu jira buugaag, dhaqan iyo kulamo lagu xusayay haldoorro ka geeriyooday AGA, Somali Pen iyo \u00a0ehellada afka iyo hal-abuurkiisa suugaaneed, sidoo kale, xarunta, waxaa lagu qabtay shirar aqooneed ay bahda tacliinta dawladda iyo G\/Banaadir ku yeelanayeen hoolalka xarunta.<\/h4>\n<h4>Waxqabadyada kale ee xaruntu qabatay, waxaa qayb ka ahaa sidii ay hay\u2019adaha dawladda uga caawin laheyd dhinacyada tafaftirka af Soomaaliga iyo ereybixinta, waxayna xaruntu ku guulaystay tafatirka qaybo ka mid ah Dastuurka Soomaaliya.<\/h4>\n<h4>\u00a0Intaas ka sakow, labadii sano ee xaruntu jirtay, waxaa kaloo la qabtay isku xirka iyo dhiirrigelinta bahda afka iyo hal-abuurkiisa, guddoonka deeq buugaag ah oo loogu tallaggalay makatabadda AGA iyo soo dhoweynta madax isugu jirtay Soomaali, ajnabi iyo aqoonyahanno soo booqday xarunta Akademiyada.<\/h4>\n<h4>Ugu dambayntii, dhanka bahwadaagta iyo wadashaqeynta, waxay xaruntu oo matalaysa Akademiya Goboleedka, heshiis isafagarad la yeelatay hay\u2019adaha ay isu hadafka yihiin, heshiiskii ugu dambeeyay ee dhinaca wadashaqaynta waxay la yeelatay Akademiyada Cilmiga, Dhaqanka iyo Suugaanta, waxaana heshiiskaasi ka dhashay guddi isku dhaf ah oo haatan ka shaqaynaya dhanka ereybixinta af Soomaaliga.<\/h4>\n<h4><strong>Hiigsiga,<\/strong> xarunta, waxay hiigsanaysaa inay sii labajibaarto kor u qaadidda afka iyo suugaanta Soomaalida, si ay u noqdaan kuwo horseed ka noqda nabadda, xasilloonida, horumarka iyo is-dhexgalka bulshada gobolka Geeska Afrika.<\/h4>\n<h4>Gunaanadkii, intaas aan kor ku soo xusnay iyo in ka badan ayaa la qaban lahaa, haddii la wada heli lahaa, wixii lagama maarmaanka \u00a0u ahaa shaqaada Akademiyada. Intani waxay Akademiyadu u suurtagashay xilli ay ku shaqaynaysay ciriiri iyo duruufo aan caadi ahayn.<\/h4>\n<h4><strong>Mahadsanidiin!<\/strong><\/h4>\n<h4><\/h4>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Xarunta dhexe ee Akademiya Goboleedka Af Soomaaliga oo albaabada loo furay 29\/12\/2022, ayaa haatan waxaa u buuxsamay sanadguuradii\u00a0 labaad ee ka soo wareegtay furitaankeedii, muddadii ay furnayd, waxay samaysay waxqabad muuqda oo la taabankaro iyo horumar lagu faani karo, inkastoo hawlo kale oo xarunta u qorshaysnaa aysan qabsoomin. Nasiibwanaag, markii la daahfuray xarunta, waxay islamarkiiba [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":1,"featured_media":9381,"comment_status":"open","ping_status":"open","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"inline_featured_image":false},"categories":[24],"tags":[],"yoast_head":"<!-- This site is optimized with the Yoast SEO plugin v20.2.1 - https:\/\/yoast.com\/wordpress\/plugins\/seo\/ -->\n<title>Xarunta Akademiya Goboleedka Af Soomaaliga (AGA) oo Laba Sano Jirsatay! - Akademiye Goboleedka Af Soomaaliga AGA<\/title>\n<meta name=\"robots\" content=\"index, follow, max-snippet:-1, max-image-preview:large, max-video-preview:-1\" \/>\n<link rel=\"canonical\" href=\"https:\/\/aga.so\/so\/xarunta-akademiya-goboleedka-af-soomaaliga-aga-oo-laba-sano-jirsatay\/\" \/>\n<meta property=\"og:locale\" content=\"en_US\" \/>\n<meta property=\"og:type\" content=\"article\" \/>\n<meta property=\"og:title\" content=\"Xarunta Akademiya Goboleedka Af Soomaaliga (AGA) oo Laba Sano Jirsatay! - Akademiye Goboleedka Af Soomaaliga AGA\" \/>\n<meta property=\"og:description\" content=\"Xarunta dhexe ee Akademiya Goboleedka Af Soomaaliga oo albaabada loo furay 29\/12\/2022, ayaa haatan waxaa u buuxsamay sanadguuradii\u00a0 labaad ee ka soo wareegtay furitaankeedii, muddadii ay furnayd, waxay samaysay waxqabad muuqda oo la taabankaro iyo horumar lagu faani karo, inkastoo hawlo kale oo xarunta u qorshaysnaa aysan qabsoomin. Nasiibwanaag, markii la daahfuray xarunta, waxay islamarkiiba [&hellip;]\" \/>\n<meta property=\"og:url\" content=\"https:\/\/aga.so\/so\/xarunta-akademiya-goboleedka-af-soomaaliga-aga-oo-laba-sano-jirsatay\/\" \/>\n<meta property=\"og:site_name\" content=\"Akademiye Goboleedka Af Soomaaliga AGA\" \/>\n<meta property=\"article:published_time\" content=\"2024-12-30T11:47:01+00:00\" \/>\n<meta property=\"article:modified_time\" content=\"2024-12-30T11:54:40+00:00\" \/>\n<meta property=\"og:image\" content=\"https:\/\/aga.so\/so\/wp-content\/uploads\/2024\/12\/322898827_557062055992948_6918128498240749881_n.jpg\" \/>\n\t<meta property=\"og:image:width\" content=\"2048\" \/>\n\t<meta property=\"og:image:height\" content=\"1499\" \/>\n\t<meta property=\"og:image:type\" content=\"image\/jpeg\" \/>\n<meta name=\"author\" content=\"hgb\" \/>\n<meta name=\"twitter:card\" content=\"summary_large_image\" \/>\n<meta name=\"twitter:label1\" content=\"Written by\" \/>\n\t<meta name=\"twitter:data1\" content=\"hgb\" \/>\n\t<meta name=\"twitter:label2\" content=\"Est. reading time\" \/>\n\t<meta name=\"twitter:data2\" content=\"3 minutes\" \/>\n<script type=\"application\/ld+json\" class=\"yoast-schema-graph\">{\"@context\":\"https:\/\/schema.org\",\"@graph\":[{\"@type\":\"Article\",\"@id\":\"https:\/\/aga.so\/so\/xarunta-akademiya-goboleedka-af-soomaaliga-aga-oo-laba-sano-jirsatay\/#article\",\"isPartOf\":{\"@id\":\"https:\/\/aga.so\/so\/xarunta-akademiya-goboleedka-af-soomaaliga-aga-oo-laba-sano-jirsatay\/\"},\"author\":{\"name\":\"hgb\",\"@id\":\"https:\/\/aga.so\/so\/#\/schema\/person\/c89f24807531a9b3d9df95d848134d50\"},\"headline\":\"Xarunta Akademiya Goboleedka Af Soomaaliga (AGA) oo Laba Sano Jirsatay!\",\"datePublished\":\"2024-12-30T11:47:01+00:00\",\"dateModified\":\"2024-12-30T11:54:40+00:00\",\"mainEntityOfPage\":{\"@id\":\"https:\/\/aga.so\/so\/xarunta-akademiya-goboleedka-af-soomaaliga-aga-oo-laba-sano-jirsatay\/\"},\"wordCount\":593,\"commentCount\":0,\"publisher\":{\"@id\":\"https:\/\/aga.so\/so\/#organization\"},\"articleSection\":[\"Xulka Maqaallada\"],\"inLanguage\":\"en-US\",\"potentialAction\":[{\"@type\":\"CommentAction\",\"name\":\"Comment\",\"target\":[\"https:\/\/aga.so\/so\/xarunta-akademiya-goboleedka-af-soomaaliga-aga-oo-laba-sano-jirsatay\/#respond\"]}]},{\"@type\":\"WebPage\",\"@id\":\"https:\/\/aga.so\/so\/xarunta-akademiya-goboleedka-af-soomaaliga-aga-oo-laba-sano-jirsatay\/\",\"url\":\"https:\/\/aga.so\/so\/xarunta-akademiya-goboleedka-af-soomaaliga-aga-oo-laba-sano-jirsatay\/\",\"name\":\"Xarunta Akademiya Goboleedka Af Soomaaliga (AGA) oo Laba Sano Jirsatay! - Akademiye Goboleedka Af Soomaaliga AGA\",\"isPartOf\":{\"@id\":\"https:\/\/aga.so\/so\/#website\"},\"datePublished\":\"2024-12-30T11:47:01+00:00\",\"dateModified\":\"2024-12-30T11:54:40+00:00\",\"breadcrumb\":{\"@id\":\"https:\/\/aga.so\/so\/xarunta-akademiya-goboleedka-af-soomaaliga-aga-oo-laba-sano-jirsatay\/#breadcrumb\"},\"inLanguage\":\"en-US\",\"potentialAction\":[{\"@type\":\"ReadAction\",\"target\":[\"https:\/\/aga.so\/so\/xarunta-akademiya-goboleedka-af-soomaaliga-aga-oo-laba-sano-jirsatay\/\"]}]},{\"@type\":\"BreadcrumbList\",\"@id\":\"https:\/\/aga.so\/so\/xarunta-akademiya-goboleedka-af-soomaaliga-aga-oo-laba-sano-jirsatay\/#breadcrumb\",\"itemListElement\":[{\"@type\":\"ListItem\",\"position\":1,\"name\":\"Home\",\"item\":\"https:\/\/aga.so\/so\/\"},{\"@type\":\"ListItem\",\"position\":2,\"name\":\"Xarunta Akademiya Goboleedka Af Soomaaliga (AGA) oo Laba Sano Jirsatay!\"}]},{\"@type\":\"WebSite\",\"@id\":\"https:\/\/aga.so\/so\/#website\",\"url\":\"https:\/\/aga.so\/so\/\",\"name\":\"Akademiye Goboleedka Af Soomaaliga AGA\",\"description\":\"\",\"publisher\":{\"@id\":\"https:\/\/aga.so\/so\/#organization\"},\"potentialAction\":[{\"@type\":\"SearchAction\",\"target\":{\"@type\":\"EntryPoint\",\"urlTemplate\":\"https:\/\/aga.so\/so\/?s={search_term_string}\"},\"query-input\":\"required name=search_term_string\"}],\"inLanguage\":\"en-US\"},{\"@type\":\"Organization\",\"@id\":\"https:\/\/aga.so\/so\/#organization\",\"name\":\"AGA - Akadeemiya Goboleedka AfSoomaaliga\",\"url\":\"https:\/\/aga.so\/so\/\",\"logo\":{\"@type\":\"ImageObject\",\"inLanguage\":\"en-US\",\"@id\":\"https:\/\/aga.so\/so\/#\/schema\/logo\/image\/\",\"url\":\"https:\/\/aga.so\/so\/wp-content\/uploads\/2020\/10\/favicon-2.png\",\"contentUrl\":\"https:\/\/aga.so\/so\/wp-content\/uploads\/2020\/10\/favicon-2.png\",\"width\":162,\"height\":83,\"caption\":\"AGA - Akadeemiya Goboleedka AfSoomaaliga\"},\"image\":{\"@id\":\"https:\/\/aga.so\/so\/#\/schema\/logo\/image\/\"}},{\"@type\":\"Person\",\"@id\":\"https:\/\/aga.so\/so\/#\/schema\/person\/c89f24807531a9b3d9df95d848134d50\",\"name\":\"hgb\",\"image\":{\"@type\":\"ImageObject\",\"inLanguage\":\"en-US\",\"@id\":\"https:\/\/aga.so\/so\/#\/schema\/person\/image\/\",\"url\":\"https:\/\/secure.gravatar.com\/avatar\/9cc2fe393829a669530037fc59abb837?s=96&d=mm&r=g\",\"contentUrl\":\"https:\/\/secure.gravatar.com\/avatar\/9cc2fe393829a669530037fc59abb837?s=96&d=mm&r=g\",\"caption\":\"hgb\"},\"url\":\"https:\/\/aga.so\/so\/author\/hgb\/\"}]}<\/script>\n<!-- \/ Yoast SEO plugin. -->","yoast_head_json":{"title":"Xarunta Akademiya Goboleedka Af Soomaaliga (AGA) oo Laba Sano Jirsatay! - Akademiye Goboleedka Af Soomaaliga AGA","robots":{"index":"index","follow":"follow","max-snippet":"max-snippet:-1","max-image-preview":"max-image-preview:large","max-video-preview":"max-video-preview:-1"},"canonical":"https:\/\/aga.so\/so\/xarunta-akademiya-goboleedka-af-soomaaliga-aga-oo-laba-sano-jirsatay\/","og_locale":"en_US","og_type":"article","og_title":"Xarunta Akademiya Goboleedka Af Soomaaliga (AGA) oo Laba Sano Jirsatay! - Akademiye Goboleedka Af Soomaaliga AGA","og_description":"Xarunta dhexe ee Akademiya Goboleedka Af Soomaaliga oo albaabada loo furay 29\/12\/2022, ayaa haatan waxaa u buuxsamay sanadguuradii\u00a0 labaad ee ka soo wareegtay furitaankeedii, muddadii ay furnayd, waxay samaysay waxqabad muuqda oo la taabankaro iyo horumar lagu faani karo, inkastoo hawlo kale oo xarunta u qorshaysnaa aysan qabsoomin. Nasiibwanaag, markii la daahfuray xarunta, waxay islamarkiiba [&hellip;]","og_url":"https:\/\/aga.so\/so\/xarunta-akademiya-goboleedka-af-soomaaliga-aga-oo-laba-sano-jirsatay\/","og_site_name":"Akademiye Goboleedka Af Soomaaliga AGA","article_published_time":"2024-12-30T11:47:01+00:00","article_modified_time":"2024-12-30T11:54:40+00:00","og_image":[{"width":2048,"height":1499,"url":"https:\/\/aga.so\/so\/wp-content\/uploads\/2024\/12\/322898827_557062055992948_6918128498240749881_n.jpg","type":"image\/jpeg"}],"author":"hgb","twitter_card":"summary_large_image","twitter_misc":{"Written by":"hgb","Est. reading time":"3 minutes"},"schema":{"@context":"https:\/\/schema.org","@graph":[{"@type":"Article","@id":"https:\/\/aga.so\/so\/xarunta-akademiya-goboleedka-af-soomaaliga-aga-oo-laba-sano-jirsatay\/#article","isPartOf":{"@id":"https:\/\/aga.so\/so\/xarunta-akademiya-goboleedka-af-soomaaliga-aga-oo-laba-sano-jirsatay\/"},"author":{"name":"hgb","@id":"https:\/\/aga.so\/so\/#\/schema\/person\/c89f24807531a9b3d9df95d848134d50"},"headline":"Xarunta Akademiya Goboleedka Af Soomaaliga (AGA) oo Laba Sano Jirsatay!","datePublished":"2024-12-30T11:47:01+00:00","dateModified":"2024-12-30T11:54:40+00:00","mainEntityOfPage":{"@id":"https:\/\/aga.so\/so\/xarunta-akademiya-goboleedka-af-soomaaliga-aga-oo-laba-sano-jirsatay\/"},"wordCount":593,"commentCount":0,"publisher":{"@id":"https:\/\/aga.so\/so\/#organization"},"articleSection":["Xulka Maqaallada"],"inLanguage":"en-US","potentialAction":[{"@type":"CommentAction","name":"Comment","target":["https:\/\/aga.so\/so\/xarunta-akademiya-goboleedka-af-soomaaliga-aga-oo-laba-sano-jirsatay\/#respond"]}]},{"@type":"WebPage","@id":"https:\/\/aga.so\/so\/xarunta-akademiya-goboleedka-af-soomaaliga-aga-oo-laba-sano-jirsatay\/","url":"https:\/\/aga.so\/so\/xarunta-akademiya-goboleedka-af-soomaaliga-aga-oo-laba-sano-jirsatay\/","name":"Xarunta Akademiya Goboleedka Af Soomaaliga (AGA) oo Laba Sano Jirsatay! - Akademiye Goboleedka Af Soomaaliga AGA","isPartOf":{"@id":"https:\/\/aga.so\/so\/#website"},"datePublished":"2024-12-30T11:47:01+00:00","dateModified":"2024-12-30T11:54:40+00:00","breadcrumb":{"@id":"https:\/\/aga.so\/so\/xarunta-akademiya-goboleedka-af-soomaaliga-aga-oo-laba-sano-jirsatay\/#breadcrumb"},"inLanguage":"en-US","potentialAction":[{"@type":"ReadAction","target":["https:\/\/aga.so\/so\/xarunta-akademiya-goboleedka-af-soomaaliga-aga-oo-laba-sano-jirsatay\/"]}]},{"@type":"BreadcrumbList","@id":"https:\/\/aga.so\/so\/xarunta-akademiya-goboleedka-af-soomaaliga-aga-oo-laba-sano-jirsatay\/#breadcrumb","itemListElement":[{"@type":"ListItem","position":1,"name":"Home","item":"https:\/\/aga.so\/so\/"},{"@type":"ListItem","position":2,"name":"Xarunta Akademiya Goboleedka Af Soomaaliga (AGA) oo Laba Sano Jirsatay!"}]},{"@type":"WebSite","@id":"https:\/\/aga.so\/so\/#website","url":"https:\/\/aga.so\/so\/","name":"Akademiye Goboleedka Af Soomaaliga AGA","description":"","publisher":{"@id":"https:\/\/aga.so\/so\/#organization"},"potentialAction":[{"@type":"SearchAction","target":{"@type":"EntryPoint","urlTemplate":"https:\/\/aga.so\/so\/?s={search_term_string}"},"query-input":"required name=search_term_string"}],"inLanguage":"en-US"},{"@type":"Organization","@id":"https:\/\/aga.so\/so\/#organization","name":"AGA - Akadeemiya Goboleedka AfSoomaaliga","url":"https:\/\/aga.so\/so\/","logo":{"@type":"ImageObject","inLanguage":"en-US","@id":"https:\/\/aga.so\/so\/#\/schema\/logo\/image\/","url":"https:\/\/aga.so\/so\/wp-content\/uploads\/2020\/10\/favicon-2.png","contentUrl":"https:\/\/aga.so\/so\/wp-content\/uploads\/2020\/10\/favicon-2.png","width":162,"height":83,"caption":"AGA - Akadeemiya Goboleedka AfSoomaaliga"},"image":{"@id":"https:\/\/aga.so\/so\/#\/schema\/logo\/image\/"}},{"@type":"Person","@id":"https:\/\/aga.so\/so\/#\/schema\/person\/c89f24807531a9b3d9df95d848134d50","name":"hgb","image":{"@type":"ImageObject","inLanguage":"en-US","@id":"https:\/\/aga.so\/so\/#\/schema\/person\/image\/","url":"https:\/\/secure.gravatar.com\/avatar\/9cc2fe393829a669530037fc59abb837?s=96&d=mm&r=g","contentUrl":"https:\/\/secure.gravatar.com\/avatar\/9cc2fe393829a669530037fc59abb837?s=96&d=mm&r=g","caption":"hgb"},"url":"https:\/\/aga.so\/so\/author\/hgb\/"}]}},"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/aga.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/9380"}],"collection":[{"href":"https:\/\/aga.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/aga.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/aga.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/users\/1"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/aga.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=9380"}],"version-history":[{"count":3,"href":"https:\/\/aga.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/9380\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":9384,"href":"https:\/\/aga.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/9380\/revisions\/9384"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/aga.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media\/9381"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/aga.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=9380"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/aga.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=9380"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/aga.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=9380"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}