{"id":9307,"date":"2024-12-16T13:55:47","date_gmt":"2024-12-16T10:55:47","guid":{"rendered":"https:\/\/aga.so\/so\/?p=9307"},"modified":"2024-12-16T13:55:47","modified_gmt":"2024-12-16T10:55:47","slug":"maarshaalka-garashada-maamuuska-madaxweynaha-qaranka-dadaalka-50-sano-jirka-ah-iyo-milgaynta-maanta-2024","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/aga.so\/so\/maarshaalka-garashada-maamuuska-madaxweynaha-qaranka-dadaalka-50-sano-jirka-ah-iyo-milgaynta-maanta-2024\/","title":{"rendered":"MAARSHAALKA GARASHADA &#038; MAAMUUSKA MADAXWEYNAHA QARANKA: DADAALKA 50 SANO JIRKA AH IYO MILGAYNTA MAANTA\u20142024"},"content":{"rendered":"<h4><strong>Afka mirifrirkiisiyo<\/strong><\/h4>\n<h4><strong>Buuni weeye Mansuur<\/strong><\/h4>\n<h4><strong>Mahwi weeye aan gurin<\/strong><\/h4>\n<h4><strong>Mufti weeye gaammurey<\/strong><\/h4>\n<h4><strong>Muqni weeye kaafiya<\/strong><\/h4>\n<h4><strong>Muguc weeye shaafi ah<\/strong><\/h4>\n<h4><strong>Mad-hab weeye teeri ah.<\/strong><\/h4>\n<h4>Maxay ka dhigantahay in Madaxweynaha JFS Dr. Xassan Sheekh Maxamuud uu billadsharaf heer qaran ah u guddoonsiiyay Prof.Cabdalla Cumar Mansuur iyo Prof.Annarita Puglielli ? Waxa ay ka dhigantahay Milgaynta iyo xurmaynta Qalinka, tixgelinta gaarhaya aqoonta, ilaalinta naftiihuraha cilmibaarista, bidhaaminta gudashada iyo garashada daljira, muujinta hormuudka iyo foolaadka danjiraha qalinka iyo qoraalka ummadda Soomaaliyeed.<\/h4>\n<h4>Xeeldheere Cabdalla Cumar Mansuuriyo Xurmo Prof. Annarita waxay astaan u yihiin dadnimada iyo kartida qofka. Marka aad dheehato dhambaallada taariikhda iyo galalka ummadaha kale, waxaad ogaanaysaa qiimaha iyo qaayaha ay leedahay in wax laga dhaado, laga gunto, laga weeleeyo, laga xigto, laga ururiyo geeddisocodkooda aqooneed iyo sahankooda ku qotoma waaya-aragnimada iyo dunwanaagga qofnimo.<\/h4>\n<h4>Shirkan lagu maamuusayey Cilmibaarista iyo daaraasaadka waxa iska kaashaday Wasaaradda waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare, Ururka Caalamiga ah ee Daraasaadka Soomaaliya \u2014Somali Studies International Association &#8211; (SSIA) iyo Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed.<\/h4>\n<h4>BARE SARE CABDALLE CUMAR MANSUUR waa canqariye bulsho, ababiye dhallaan, gaadiidcelis qaran, marna waa layliyay qof kasta oo u hollada inuu qalinka mar uun wax ku duugo. Xeeldheere Cabdalla Cumar Mansuur waxa uu horay u yiri : \u201cWaxa ina mideeya, waa afka hooyee, aynu midayno, habdhigaalkiisa\u201d.<\/h4>\n<h4>Badweyn moolkeedu fog yahay ayaa lagu tilmaamaa marka laga hadlayo qiimaha qalinka. Milggayn iyo maamuusid ayuu huwiyey Madaxweynaha Qaranku Prof Cabdalla Cumar Mansuur. Qaranjabkii Soomaaliya ku habsadey waxa uu meesha ka saaray kaalinta cilmibaarista iyo ilaalintii qalinka iyo qoraalka.Taasina waxay keentay in dhaqankii baylah noqdo, sooyaalkii dhalan-rogmo, afkii dhimaal iyo hoos-u-dhac ku yurursado, cilmibaaristii naga gaaggaxdo, gabaabsi noqoto haybtii ummaddu lahayd. Waxaase dhexda u xirtay inuu badbaadiyo wixii Soomaali lahayd maarshaalka garashada mudane maddaale Prof Cabdalla Cumar Mansuur.<\/h4>\n<h4>Haddii aan qeyb ka mid ah waxqabadkiisa ina xusuusiyo waxa ka mid ah: Bahda Afafka Kushiitik iyo Taariikhda af Soomaaliga, Astaamaha Guud ee Maansada Soomaaliyeed, Diiwaanka Ereybixnta Af Soomaaliga (1) (Ereybixnta Maamulka &amp; Afka)\u2014Mansuur (diyaarin &amp; ururin), Diiwaanka Ereybixinta Af Soomaaliga (2) (Ereybixnta Cilmiga)\u2014Mansuur (diyaarin &amp; ururin), Diiwaanka Ereybixnta af Soomaaliga (3) (Ereybixnta Farsamada &amp; Culuunta)\u2014Mansuur (diyaarin &amp; ururin), Le Lingue Cuscitiche e il Somalo (, La Storia della Religione Tradizionale del Cusciti (The History of the Cushitic Traditional Religion), Taariikhda Afka &amp; Bulshada Soomaaliyeed, Habdhigaalka af Soomaaliga Guud \u2014Midayn, Horumarin &amp; Casriyayn, Barashada Naxwaha af Soomaaliga \u2014Mansuur &amp; Annarita Puglielli, Qaamuuska af Soomaaliga \u2014Mansuur &amp; Annarita Puglielli, Qaamuuska Dugsiyada af Soomaaliga \u2014Mansuur &amp; Annarita Puglielli, Seeska Naxwaha af Soomaaliga\u2014Mansuur &amp; Idiris M. Cali.<\/h4>\n<h4>MAARSHAALKA GARASHADU waa maanso kooban oo aan ku cabbiray qiimaha iyo milgaha uu leeyahy mudane Xeeldheere Cabdalla Cumar Mansuur.Waxa ayna tiri:<\/h4>\n<h4>Afka mirifrirkiisiyo<\/h4>\n<h4>Buuni weeye Mansuur<\/h4>\n<h4>Mahwi weeye aan gurin<\/h4>\n<h4>Mufti weeye gaammurey<\/h4>\n<h4>Muqni weeye kaafiya<\/h4>\n<h4>Muguc weeye shaafi ah<\/h4>\n<h4>Mad-hab weeye teeri ah.<\/h4>\n<h4>Qaamuuska madiga ah<\/h4>\n<h4>Ereyada magowsaday<\/h4>\n<h4>Makaabkiisu adag yahay<\/h4>\n<h4>Milayguu u sarakacay<\/h4>\n<h4>Mar hadduu innoo qoray<\/h4>\n<h4>Mintid weeye gudasho leh<\/h4>\n<h4>Marna waa maddaaliyo<\/h4>\n<h4>MAARSHAALKA GARASHADA!<\/h4>\n<h4><\/h4>\n<h4>Moorada naxwaha guud<\/h4>\n<h4>Magaciyo falkaabyada<\/h4>\n<h4>Meelaynta weedhaha<\/h4>\n<h4>Maaraynta qurubyada<\/h4>\n<h4>Iyo magacuyaallada<\/h4>\n<h4>Waa maqaddamkeedoo<\/h4>\n<h4>Qofna ku ma masuugoo<\/h4>\n<h4>Ku ma furo masaladaha<\/h4>\n<h4>Muran iyo akeekamid.<\/h4>\n<h4>Marna hirarka gabayguu<\/h4>\n<h4>Milaalaa mudhbixiyaa<\/h4>\n<h4>Marsadiisa joogaa<\/h4>\n<h4>Miisaan gorfaynliyo<\/h4>\n<h4>Mahadhooyin curiyaa<\/h4>\n<h4>Muhashada aqoontuu<\/h4>\n<h4>Marsinkeeda keenaa<\/h4>\n<h4>Madal loo hiloobuu<\/h4>\n<h4>Maageer u waabaa.<\/h4>\n<h4>Waa musbaax hanuunoo<\/h4>\n<h4>Mugddi lagaga guuroo<\/h4>\n<h4>Mowjadaha ogaalkuu<\/h4>\n<h4>Marjiceeda noo yahay<\/h4>\n<h4>Maaraynta xarafkana<\/h4>\n<h4>Marmaroor hadduu galo<\/h4>\n<h4>Midayn laysu weriyiyo<\/h4>\n<h4>Masdarkeeda weeyaan.<\/h4>\n<h4>Taariikhda moolka ah<\/h4>\n<h4>Maalmaha silsaladda ah<\/h4>\n<h4>Maansadeenna Soomaal<\/h4>\n<h4>Miiddiyo macaanka leh<\/h4>\n<h4>Madxaf laga gunnaystiyo<\/h4>\n<h4>Musdanbeedka weeyoo<\/h4>\n<h4>Maankiyo garaadkuu<\/h4>\n<h4>Misciliil u yahay adag.<\/h4>\n<h4>&#8211; W\/Q.Maxamuud Cali Aadan (Hoorri] cilmibaare ka tirsan Akademiyadda Dhaqanka, Cilmiga &amp; Suugaanta iyo bare ka ah Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed<\/h4>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Afka mirifrirkiisiyo Buuni weeye Mansuur Mahwi weeye aan gurin Mufti weeye gaammurey Muqni weeye kaafiya Muguc weeye shaafi ah Mad-hab weeye teeri ah. Maxay ka dhigantahay in Madaxweynaha JFS Dr. Xassan Sheekh Maxamuud uu billadsharaf heer qaran ah u guddoonsiiyay Prof.Cabdalla Cumar Mansuur iyo Prof.Annarita Puglielli ? Waxa ay ka dhigantahay Milgaynta iyo xurmaynta Qalinka, [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":1,"featured_media":9308,"comment_status":"open","ping_status":"open","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"inline_featured_image":false},"categories":[24],"tags":[],"yoast_head":"<!-- This site is optimized with the Yoast SEO plugin v20.2.1 - https:\/\/yoast.com\/wordpress\/plugins\/seo\/ -->\n<title>MAARSHAALKA GARASHADA &amp; MAAMUUSKA MADAXWEYNAHA QARANKA: DADAALKA 50 SANO JIRKA AH IYO MILGAYNTA MAANTA\u20142024 - Akademiye Goboleedka Af Soomaaliga AGA<\/title>\n<meta name=\"robots\" content=\"index, follow, max-snippet:-1, max-image-preview:large, max-video-preview:-1\" \/>\n<link rel=\"canonical\" href=\"https:\/\/aga.so\/so\/maarshaalka-garashada-maamuuska-madaxweynaha-qaranka-dadaalka-50-sano-jirka-ah-iyo-milgaynta-maanta-2024\/\" \/>\n<meta property=\"og:locale\" content=\"en_US\" \/>\n<meta property=\"og:type\" content=\"article\" \/>\n<meta property=\"og:title\" content=\"MAARSHAALKA GARASHADA &amp; MAAMUUSKA MADAXWEYNAHA QARANKA: DADAALKA 50 SANO JIRKA AH IYO MILGAYNTA MAANTA\u20142024 - Akademiye Goboleedka Af Soomaaliga AGA\" \/>\n<meta property=\"og:description\" content=\"Afka mirifrirkiisiyo Buuni weeye Mansuur Mahwi weeye aan gurin Mufti weeye gaammurey Muqni weeye kaafiya Muguc weeye shaafi ah Mad-hab weeye teeri ah. Maxay ka dhigantahay in Madaxweynaha JFS Dr. Xassan Sheekh Maxamuud uu billadsharaf heer qaran ah u guddoonsiiyay Prof.Cabdalla Cumar Mansuur iyo Prof.Annarita Puglielli ? Waxa ay ka dhigantahay Milgaynta iyo xurmaynta Qalinka, [&hellip;]\" \/>\n<meta property=\"og:url\" content=\"https:\/\/aga.so\/so\/maarshaalka-garashada-maamuuska-madaxweynaha-qaranka-dadaalka-50-sano-jirka-ah-iyo-milgaynta-maanta-2024\/\" \/>\n<meta property=\"og:site_name\" content=\"Akademiye Goboleedka Af Soomaaliga AGA\" \/>\n<meta property=\"article:published_time\" content=\"2024-12-16T10:55:47+00:00\" \/>\n<meta property=\"og:image\" content=\"https:\/\/aga.so\/so\/wp-content\/uploads\/2024\/12\/470199403_989534223223874_5493698715755253221_n.jpg\" \/>\n\t<meta property=\"og:image:width\" content=\"1280\" \/>\n\t<meta property=\"og:image:height\" content=\"854\" \/>\n\t<meta property=\"og:image:type\" content=\"image\/jpeg\" \/>\n<meta name=\"author\" content=\"hgb\" \/>\n<meta name=\"twitter:card\" content=\"summary_large_image\" \/>\n<meta name=\"twitter:label1\" content=\"Written by\" \/>\n\t<meta name=\"twitter:data1\" content=\"hgb\" \/>\n\t<meta name=\"twitter:label2\" content=\"Est. reading time\" \/>\n\t<meta name=\"twitter:data2\" content=\"3 minutes\" \/>\n<script type=\"application\/ld+json\" class=\"yoast-schema-graph\">{\"@context\":\"https:\/\/schema.org\",\"@graph\":[{\"@type\":\"Article\",\"@id\":\"https:\/\/aga.so\/so\/maarshaalka-garashada-maamuuska-madaxweynaha-qaranka-dadaalka-50-sano-jirka-ah-iyo-milgaynta-maanta-2024\/#article\",\"isPartOf\":{\"@id\":\"https:\/\/aga.so\/so\/maarshaalka-garashada-maamuuska-madaxweynaha-qaranka-dadaalka-50-sano-jirka-ah-iyo-milgaynta-maanta-2024\/\"},\"author\":{\"name\":\"hgb\",\"@id\":\"https:\/\/aga.so\/so\/#\/schema\/person\/c89f24807531a9b3d9df95d848134d50\"},\"headline\":\"MAARSHAALKA GARASHADA &#038; MAAMUUSKA MADAXWEYNAHA QARANKA: DADAALKA 50 SANO JIRKA AH IYO MILGAYNTA MAANTA\u20142024\",\"datePublished\":\"2024-12-16T10:55:47+00:00\",\"dateModified\":\"2024-12-16T10:55:47+00:00\",\"mainEntityOfPage\":{\"@id\":\"https:\/\/aga.so\/so\/maarshaalka-garashada-maamuuska-madaxweynaha-qaranka-dadaalka-50-sano-jirka-ah-iyo-milgaynta-maanta-2024\/\"},\"wordCount\":600,\"commentCount\":0,\"publisher\":{\"@id\":\"https:\/\/aga.so\/so\/#organization\"},\"articleSection\":[\"Xulka Maqaallada\"],\"inLanguage\":\"en-US\",\"potentialAction\":[{\"@type\":\"CommentAction\",\"name\":\"Comment\",\"target\":[\"https:\/\/aga.so\/so\/maarshaalka-garashada-maamuuska-madaxweynaha-qaranka-dadaalka-50-sano-jirka-ah-iyo-milgaynta-maanta-2024\/#respond\"]}]},{\"@type\":\"WebPage\",\"@id\":\"https:\/\/aga.so\/so\/maarshaalka-garashada-maamuuska-madaxweynaha-qaranka-dadaalka-50-sano-jirka-ah-iyo-milgaynta-maanta-2024\/\",\"url\":\"https:\/\/aga.so\/so\/maarshaalka-garashada-maamuuska-madaxweynaha-qaranka-dadaalka-50-sano-jirka-ah-iyo-milgaynta-maanta-2024\/\",\"name\":\"MAARSHAALKA GARASHADA & MAAMUUSKA MADAXWEYNAHA QARANKA: DADAALKA 50 SANO JIRKA AH IYO MILGAYNTA MAANTA\u20142024 - Akademiye Goboleedka Af Soomaaliga AGA\",\"isPartOf\":{\"@id\":\"https:\/\/aga.so\/so\/#website\"},\"datePublished\":\"2024-12-16T10:55:47+00:00\",\"dateModified\":\"2024-12-16T10:55:47+00:00\",\"breadcrumb\":{\"@id\":\"https:\/\/aga.so\/so\/maarshaalka-garashada-maamuuska-madaxweynaha-qaranka-dadaalka-50-sano-jirka-ah-iyo-milgaynta-maanta-2024\/#breadcrumb\"},\"inLanguage\":\"en-US\",\"potentialAction\":[{\"@type\":\"ReadAction\",\"target\":[\"https:\/\/aga.so\/so\/maarshaalka-garashada-maamuuska-madaxweynaha-qaranka-dadaalka-50-sano-jirka-ah-iyo-milgaynta-maanta-2024\/\"]}]},{\"@type\":\"BreadcrumbList\",\"@id\":\"https:\/\/aga.so\/so\/maarshaalka-garashada-maamuuska-madaxweynaha-qaranka-dadaalka-50-sano-jirka-ah-iyo-milgaynta-maanta-2024\/#breadcrumb\",\"itemListElement\":[{\"@type\":\"ListItem\",\"position\":1,\"name\":\"Home\",\"item\":\"https:\/\/aga.so\/so\/\"},{\"@type\":\"ListItem\",\"position\":2,\"name\":\"MAARSHAALKA GARASHADA &#038; MAAMUUSKA MADAXWEYNAHA QARANKA: DADAALKA 50 SANO JIRKA AH IYO MILGAYNTA MAANTA\u20142024\"}]},{\"@type\":\"WebSite\",\"@id\":\"https:\/\/aga.so\/so\/#website\",\"url\":\"https:\/\/aga.so\/so\/\",\"name\":\"Akademiye Goboleedka Af Soomaaliga AGA\",\"description\":\"\",\"publisher\":{\"@id\":\"https:\/\/aga.so\/so\/#organization\"},\"potentialAction\":[{\"@type\":\"SearchAction\",\"target\":{\"@type\":\"EntryPoint\",\"urlTemplate\":\"https:\/\/aga.so\/so\/?s={search_term_string}\"},\"query-input\":\"required name=search_term_string\"}],\"inLanguage\":\"en-US\"},{\"@type\":\"Organization\",\"@id\":\"https:\/\/aga.so\/so\/#organization\",\"name\":\"AGA - Akadeemiya Goboleedka AfSoomaaliga\",\"url\":\"https:\/\/aga.so\/so\/\",\"logo\":{\"@type\":\"ImageObject\",\"inLanguage\":\"en-US\",\"@id\":\"https:\/\/aga.so\/so\/#\/schema\/logo\/image\/\",\"url\":\"https:\/\/aga.so\/so\/wp-content\/uploads\/2020\/10\/favicon-2.png\",\"contentUrl\":\"https:\/\/aga.so\/so\/wp-content\/uploads\/2020\/10\/favicon-2.png\",\"width\":162,\"height\":83,\"caption\":\"AGA - Akadeemiya Goboleedka AfSoomaaliga\"},\"image\":{\"@id\":\"https:\/\/aga.so\/so\/#\/schema\/logo\/image\/\"}},{\"@type\":\"Person\",\"@id\":\"https:\/\/aga.so\/so\/#\/schema\/person\/c89f24807531a9b3d9df95d848134d50\",\"name\":\"hgb\",\"image\":{\"@type\":\"ImageObject\",\"inLanguage\":\"en-US\",\"@id\":\"https:\/\/aga.so\/so\/#\/schema\/person\/image\/\",\"url\":\"https:\/\/secure.gravatar.com\/avatar\/9cc2fe393829a669530037fc59abb837?s=96&d=mm&r=g\",\"contentUrl\":\"https:\/\/secure.gravatar.com\/avatar\/9cc2fe393829a669530037fc59abb837?s=96&d=mm&r=g\",\"caption\":\"hgb\"},\"url\":\"https:\/\/aga.so\/so\/author\/hgb\/\"}]}<\/script>\n<!-- \/ Yoast SEO plugin. -->","yoast_head_json":{"title":"MAARSHAALKA GARASHADA & MAAMUUSKA MADAXWEYNAHA QARANKA: DADAALKA 50 SANO JIRKA AH IYO MILGAYNTA MAANTA\u20142024 - Akademiye Goboleedka Af Soomaaliga AGA","robots":{"index":"index","follow":"follow","max-snippet":"max-snippet:-1","max-image-preview":"max-image-preview:large","max-video-preview":"max-video-preview:-1"},"canonical":"https:\/\/aga.so\/so\/maarshaalka-garashada-maamuuska-madaxweynaha-qaranka-dadaalka-50-sano-jirka-ah-iyo-milgaynta-maanta-2024\/","og_locale":"en_US","og_type":"article","og_title":"MAARSHAALKA GARASHADA & MAAMUUSKA MADAXWEYNAHA QARANKA: DADAALKA 50 SANO JIRKA AH IYO MILGAYNTA MAANTA\u20142024 - Akademiye Goboleedka Af Soomaaliga AGA","og_description":"Afka mirifrirkiisiyo Buuni weeye Mansuur Mahwi weeye aan gurin Mufti weeye gaammurey Muqni weeye kaafiya Muguc weeye shaafi ah Mad-hab weeye teeri ah. Maxay ka dhigantahay in Madaxweynaha JFS Dr. Xassan Sheekh Maxamuud uu billadsharaf heer qaran ah u guddoonsiiyay Prof.Cabdalla Cumar Mansuur iyo Prof.Annarita Puglielli ? Waxa ay ka dhigantahay Milgaynta iyo xurmaynta Qalinka, [&hellip;]","og_url":"https:\/\/aga.so\/so\/maarshaalka-garashada-maamuuska-madaxweynaha-qaranka-dadaalka-50-sano-jirka-ah-iyo-milgaynta-maanta-2024\/","og_site_name":"Akademiye Goboleedka Af Soomaaliga AGA","article_published_time":"2024-12-16T10:55:47+00:00","og_image":[{"width":1280,"height":854,"url":"https:\/\/aga.so\/so\/wp-content\/uploads\/2024\/12\/470199403_989534223223874_5493698715755253221_n.jpg","type":"image\/jpeg"}],"author":"hgb","twitter_card":"summary_large_image","twitter_misc":{"Written by":"hgb","Est. reading time":"3 minutes"},"schema":{"@context":"https:\/\/schema.org","@graph":[{"@type":"Article","@id":"https:\/\/aga.so\/so\/maarshaalka-garashada-maamuuska-madaxweynaha-qaranka-dadaalka-50-sano-jirka-ah-iyo-milgaynta-maanta-2024\/#article","isPartOf":{"@id":"https:\/\/aga.so\/so\/maarshaalka-garashada-maamuuska-madaxweynaha-qaranka-dadaalka-50-sano-jirka-ah-iyo-milgaynta-maanta-2024\/"},"author":{"name":"hgb","@id":"https:\/\/aga.so\/so\/#\/schema\/person\/c89f24807531a9b3d9df95d848134d50"},"headline":"MAARSHAALKA GARASHADA &#038; MAAMUUSKA MADAXWEYNAHA QARANKA: DADAALKA 50 SANO JIRKA AH IYO MILGAYNTA MAANTA\u20142024","datePublished":"2024-12-16T10:55:47+00:00","dateModified":"2024-12-16T10:55:47+00:00","mainEntityOfPage":{"@id":"https:\/\/aga.so\/so\/maarshaalka-garashada-maamuuska-madaxweynaha-qaranka-dadaalka-50-sano-jirka-ah-iyo-milgaynta-maanta-2024\/"},"wordCount":600,"commentCount":0,"publisher":{"@id":"https:\/\/aga.so\/so\/#organization"},"articleSection":["Xulka Maqaallada"],"inLanguage":"en-US","potentialAction":[{"@type":"CommentAction","name":"Comment","target":["https:\/\/aga.so\/so\/maarshaalka-garashada-maamuuska-madaxweynaha-qaranka-dadaalka-50-sano-jirka-ah-iyo-milgaynta-maanta-2024\/#respond"]}]},{"@type":"WebPage","@id":"https:\/\/aga.so\/so\/maarshaalka-garashada-maamuuska-madaxweynaha-qaranka-dadaalka-50-sano-jirka-ah-iyo-milgaynta-maanta-2024\/","url":"https:\/\/aga.so\/so\/maarshaalka-garashada-maamuuska-madaxweynaha-qaranka-dadaalka-50-sano-jirka-ah-iyo-milgaynta-maanta-2024\/","name":"MAARSHAALKA GARASHADA & MAAMUUSKA MADAXWEYNAHA QARANKA: DADAALKA 50 SANO JIRKA AH IYO MILGAYNTA MAANTA\u20142024 - Akademiye Goboleedka Af Soomaaliga AGA","isPartOf":{"@id":"https:\/\/aga.so\/so\/#website"},"datePublished":"2024-12-16T10:55:47+00:00","dateModified":"2024-12-16T10:55:47+00:00","breadcrumb":{"@id":"https:\/\/aga.so\/so\/maarshaalka-garashada-maamuuska-madaxweynaha-qaranka-dadaalka-50-sano-jirka-ah-iyo-milgaynta-maanta-2024\/#breadcrumb"},"inLanguage":"en-US","potentialAction":[{"@type":"ReadAction","target":["https:\/\/aga.so\/so\/maarshaalka-garashada-maamuuska-madaxweynaha-qaranka-dadaalka-50-sano-jirka-ah-iyo-milgaynta-maanta-2024\/"]}]},{"@type":"BreadcrumbList","@id":"https:\/\/aga.so\/so\/maarshaalka-garashada-maamuuska-madaxweynaha-qaranka-dadaalka-50-sano-jirka-ah-iyo-milgaynta-maanta-2024\/#breadcrumb","itemListElement":[{"@type":"ListItem","position":1,"name":"Home","item":"https:\/\/aga.so\/so\/"},{"@type":"ListItem","position":2,"name":"MAARSHAALKA GARASHADA &#038; MAAMUUSKA MADAXWEYNAHA QARANKA: DADAALKA 50 SANO JIRKA AH IYO MILGAYNTA MAANTA\u20142024"}]},{"@type":"WebSite","@id":"https:\/\/aga.so\/so\/#website","url":"https:\/\/aga.so\/so\/","name":"Akademiye Goboleedka Af Soomaaliga AGA","description":"","publisher":{"@id":"https:\/\/aga.so\/so\/#organization"},"potentialAction":[{"@type":"SearchAction","target":{"@type":"EntryPoint","urlTemplate":"https:\/\/aga.so\/so\/?s={search_term_string}"},"query-input":"required name=search_term_string"}],"inLanguage":"en-US"},{"@type":"Organization","@id":"https:\/\/aga.so\/so\/#organization","name":"AGA - Akadeemiya Goboleedka AfSoomaaliga","url":"https:\/\/aga.so\/so\/","logo":{"@type":"ImageObject","inLanguage":"en-US","@id":"https:\/\/aga.so\/so\/#\/schema\/logo\/image\/","url":"https:\/\/aga.so\/so\/wp-content\/uploads\/2020\/10\/favicon-2.png","contentUrl":"https:\/\/aga.so\/so\/wp-content\/uploads\/2020\/10\/favicon-2.png","width":162,"height":83,"caption":"AGA - Akadeemiya Goboleedka AfSoomaaliga"},"image":{"@id":"https:\/\/aga.so\/so\/#\/schema\/logo\/image\/"}},{"@type":"Person","@id":"https:\/\/aga.so\/so\/#\/schema\/person\/c89f24807531a9b3d9df95d848134d50","name":"hgb","image":{"@type":"ImageObject","inLanguage":"en-US","@id":"https:\/\/aga.so\/so\/#\/schema\/person\/image\/","url":"https:\/\/secure.gravatar.com\/avatar\/9cc2fe393829a669530037fc59abb837?s=96&d=mm&r=g","contentUrl":"https:\/\/secure.gravatar.com\/avatar\/9cc2fe393829a669530037fc59abb837?s=96&d=mm&r=g","caption":"hgb"},"url":"https:\/\/aga.so\/so\/author\/hgb\/"}]}},"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/aga.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/9307"}],"collection":[{"href":"https:\/\/aga.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/aga.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/aga.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/users\/1"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/aga.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=9307"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/aga.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/9307\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":9309,"href":"https:\/\/aga.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/9307\/revisions\/9309"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/aga.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media\/9308"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/aga.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=9307"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/aga.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=9307"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/aga.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=9307"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}