{"id":7736,"date":"2023-04-06T15:05:03","date_gmt":"2023-04-06T12:05:03","guid":{"rendered":"https:\/\/aga.so\/so\/?p=7736"},"modified":"2023-04-06T15:17:44","modified_gmt":"2023-04-06T12:17:44","slug":"prof-cabdalla-mansuur-maxaa-ereyga-akademiye-looga-dhigi-waayay-erey-soomaaliyeed","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/aga.so\/so\/prof-cabdalla-mansuur-maxaa-ereyga-akademiye-looga-dhigi-waayay-erey-soomaaliyeed\/","title":{"rendered":"Prof. Cabdalla Mansuur: \u201cMaxaa ereyga &#8216;akademiye&#8217; looga dhigi waayay erey Soomaaliyeed?\u201d"},"content":{"rendered":"<h4>Intaanan ka jawaabin weyddiintan, bal marka hore aan wax yar dad xasuusinno 4ta hab ee loo adeegsaday erybixinta Soomaaliyeed.<\/h4>\n<h3>\u00a0 <strong>1-<\/strong>Waxaa la abuuray ereyo lammaanan, oo aan horay u jiri jirin, kuwaasoo ka kooban labo ama in ka badan erey, oo wadajirkooda samaynaya micna cusub, oo ka duwan midka asalka ah, sida:<\/h3>\n<h4>ilays+raac &gt; <strong>ilaysraac <\/strong>(phototropism),\u00a0 kul+beeg &gt; <strong>kulbeeg <\/strong>(thermometer)<\/h4>\n<h4>hidde+sid+e &gt; <strong>hiddaside<\/strong>\u00a0 (gene), il+ma+qabato &gt; <strong>ilmaqabato<\/strong> (microscope)<\/h4>\n<h3>\u00a0 \u00a0<strong>2-<\/strong>Erey jiray oo lagu lifaaqay dibkabe (<strong>-e, -ee, -tooyo, -aysi <\/strong>iwm) si uu u sii ballaarto ereygaa micnihiisi hore, sida:<\/h3>\n<h4>agaasin + e &gt; <strong>agaasime<\/strong> (director), jihee + ye &gt; <strong>jiheeye<\/strong>, (compass), madax + tooyo &gt; <strong>madaxtooyo<\/strong>\u00a0 (presidency), dukaan +aysi &gt; <strong>dukaamaysi<\/strong><strong>,<\/strong>\u00a0 (shopping) iwm.<\/h4>\n<h3>\u00a0 <strong>3-<\/strong>Ereyo aan waxba laga beddelin qaabkooda, oo micnahooda la ballaariyay, kuwaasoo la xiriira dhaqanka miyiga, oo micnahooda meelo uga eg ereyada cusub ee shisheeye, kuwaasoo lagu kordhiyay micno kale ee cusub, sida:<\/h3>\n<h4><strong>unug <\/strong><strong>(<\/strong>cell) wax aan hore u jirin oo la curinayo, billawga ugu horreeya.<\/h4>\n<h4><strong>dhig <\/strong><strong>(<\/strong>meridian) ulo dhaadheer, jil iskula duuban, qaab qaanso leh oo aqal Soomaaliga lagu dhiso<\/h4>\n<h3>\u00a0<strong> 4-<\/strong>Ereygii loo waayay in lagu Soomaaliyeeyo 3daa hab ee aan kor ku soo xusnay, amaba ah erey caalami ah, waxaa la qaatay ereygaa oo sidiisa ah, isagoo la waafajinayo codaynta af Soomaaliga, sida:<\/h3>\n<h4>fisikis, akademiye, naxwe, juqraafi, ogsijiin, farmasi, barnaamij, fan, kosaayn, kimistri, siyaasad iwm.<\/h4>\n<h4>\u00a0 \u00a0Sideedaba, way adagtahay in la arko af aan lahayn ereyo laga soo ergaday af kale. Ka soo qaad afafka reer galbeedka, waxaa ka buuxa ereyo ay ka soo ergadeen af Carbeedka, sida:<\/h4>\n<h4>Af Ingiriisiga: sugar\/Talyaaniga: zucchero (\u0627\u0644\u0633\u0643\u0631); Ing.: coffee\/Tal.: Caffe\/ Finnish: kahvi (\u0642\u0647\u0648\u0629); Ing. alcohol, Tal. alcol;\u00a0 (\u0627\u0644\u0643\u062d\u0648\u0644); Ing.: cotton\/Tal.: cottone (\u0642\u0637\u0646); Ing.: chemistry\/ Tal. Chimica (\u0627\u0644\u0643\u064a\u0645\u064a\u0627\u0621)<\/h4>\n<h4>Xitaa, af Carbeedku wuxuu leeyahay ereyo asalkooda ka soo jeeda af Ingiriisiga, sida: academy (\u0623\u0643\u0627\u062f\u064a\u0645\u064a\u0629), oxygen (\u0623\u0643\u0633\u062c\u064a\u0646), scenario (\u0633\u064a\u0646\u0627\u0631\u064a\u0648\u060c), televisi\u00f3n (\u062a\u0644\u0641\u0627\u0632), geography (\u062c\u063a\u0631\u0627\u0641\u064a\u0629)<\/h4>\n<h4>\u00a0 Haddaba ereyga Akademiye, \u00a0oo ka mid yahay ereyada caalamiga ah, oona loo waayay erey Soomaaliyeed ee lagu beddelo, haddaynu haatan niraahno aynu beddelno, maxaan ka yeelnaa boqollaalka erey magaalo ee shiisheeye ee ka mid noqday qaamuuska af Soomaaliga, sida: shaati (Imgiriisi), baasto (Talyaani), rooti (Hindi), sarkaal (Iiraani), bariis, canjeero, sambuus, moos, timir, magaalo, beled, suuq, raadiyo, telefon,\u00a0 diyaarad, miis, xisbi, xafiis, askari, wasiir, batari, kursi, digsi, dowlad, waddani..<\/h4>\n<h4>Sida horayba loo yiri: \u201cMiro guntiga kugu jira looma daadsho mid geed saaran\u201d, inta aan ku dadaali lahayn beddelaadda ereyadaas hore, oo waqti aan iskaga lumin lahayn, sow kama habboona in xoogga la saaro baadigoobka ereyo u dhigma ereyada casriga ah ee aadka u fara badan, oo weli u ooman af Soomaaliga? Ereyadaas waxaa ka mid ah:<\/h4>\n<h4>Model, oral tradition, mentality, jam, evolution, software, digital, electronic, icon monotonous, context, footnote, workshop, kayboard, parking, display, workshop, mouse, overview, sidewalk, display, fashion<\/h4>\n<h4>Erey la kari waayay in lagu beddelo erey Soomaaliyeed, in sidiisi loo qaato dhib ma lahee, waxaase aan habboonayn in ereyo shisheeye lagu beddelo ereyo Soomaaliyeed ee horay u jireen, sida ereyada soo socda ee shisheeye oo ku dhow in ay barabixiyaan kuwa Soomaaliyeed ee ku ag qoran.<\/h4>\n<h4>Luqad = af; iskuul = dugsi; milix = cusbo; beed = ukun; ok = hagaag, kifaax = halgan; seminar = tababbar; wiig = toddobaad; barber = timajare, restaurant = makhaayad iwm.<\/h4>\n<h4>Intaa, waxaa ka sii daran markaad aragto in aqoonyahannada, siyaasiyiinta, culimada diinta iyo dadweynaha kaleba ay caadaysteen, in aad u yar mooyee, in tirado sanndka lagu sheego af Ingiriisi uun. Waxaa la yaab leh, oo ayaan darro ah in la la\u2018yahay cid, tiradii af Soomaaliga sidaa loo dayacay, ka dhiidhido, haddana laguna doodo hal erey shisheeye oo af Soomaaliga ka mid noqday.<\/h4>\n<h4><em><strong>Qore: Prof. Cabadlla Cumar Mansuur<\/strong><\/em><\/h4>\n<p><img decoding=\"async\" loading=\"lazy\" class=\"alignnone size-medium wp-image-7486\" src=\"https:\/\/aga.so\/so\/wp-content\/uploads\/2023\/01\/321948263_5882678125129524_7844103089836396318_n-300x200.jpg\" alt=\"\" width=\"300\" height=\"200\" srcset=\"https:\/\/aga.so\/so\/wp-content\/uploads\/2023\/01\/321948263_5882678125129524_7844103089836396318_n-300x200.jpg 300w, https:\/\/aga.so\/so\/wp-content\/uploads\/2023\/01\/321948263_5882678125129524_7844103089836396318_n-1024x683.jpg 1024w, https:\/\/aga.so\/so\/wp-content\/uploads\/2023\/01\/321948263_5882678125129524_7844103089836396318_n-768x512.jpg 768w, https:\/\/aga.so\/so\/wp-content\/uploads\/2023\/01\/321948263_5882678125129524_7844103089836396318_n-1536x1024.jpg 1536w, https:\/\/aga.so\/so\/wp-content\/uploads\/2023\/01\/321948263_5882678125129524_7844103089836396318_n-150x100.jpg 150w, https:\/\/aga.so\/so\/wp-content\/uploads\/2023\/01\/321948263_5882678125129524_7844103089836396318_n-600x400.jpg 600w, https:\/\/aga.so\/so\/wp-content\/uploads\/2023\/01\/321948263_5882678125129524_7844103089836396318_n-696x464.jpg 696w, https:\/\/aga.so\/so\/wp-content\/uploads\/2023\/01\/321948263_5882678125129524_7844103089836396318_n-1392x928.jpg 1392w, https:\/\/aga.so\/so\/wp-content\/uploads\/2023\/01\/321948263_5882678125129524_7844103089836396318_n-1068x712.jpg 1068w, https:\/\/aga.so\/so\/wp-content\/uploads\/2023\/01\/321948263_5882678125129524_7844103089836396318_n-1920x1280.jpg 1920w, https:\/\/aga.so\/so\/wp-content\/uploads\/2023\/01\/321948263_5882678125129524_7844103089836396318_n-630x420.jpg 630w, https:\/\/aga.so\/so\/wp-content\/uploads\/2023\/01\/321948263_5882678125129524_7844103089836396318_n-1260x840.jpg 1260w, https:\/\/aga.so\/so\/wp-content\/uploads\/2023\/01\/321948263_5882678125129524_7844103089836396318_n.jpg 2048w\" sizes=\"(max-width: 300px) 100vw, 300px\" \/><\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Intaanan ka jawaabin weyddiintan, bal marka hore aan wax yar dad xasuusinno 4ta hab ee loo adeegsaday erybixinta Soomaaliyeed. \u00a0 1-Waxaa la abuuray ereyo lammaanan, oo aan horay u jiri jirin, kuwaasoo ka kooban labo ama in ka badan erey, oo wadajirkooda samaynaya micna cusub, oo ka duwan midka asalka ah, sida: ilays+raac &gt; ilaysraac [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":1,"featured_media":6988,"comment_status":"open","ping_status":"open","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"inline_featured_image":false},"categories":[18,17,24],"tags":[],"yoast_head":"<!-- This site is optimized with the Yoast SEO plugin v20.2.1 - https:\/\/yoast.com\/wordpress\/plugins\/seo\/ -->\n<title>Prof. Cabdalla Mansuur: \u201cMaxaa ereyga &#039;akademiye&#039; looga dhigi waayay erey Soomaaliyeed?\u201d - Akademiye Goboleedka Af Soomaaliga AGA<\/title>\n<meta name=\"robots\" content=\"index, follow, max-snippet:-1, max-image-preview:large, max-video-preview:-1\" \/>\n<link rel=\"canonical\" href=\"https:\/\/aga.so\/so\/prof-cabdalla-mansuur-maxaa-ereyga-akademiye-looga-dhigi-waayay-erey-soomaaliyeed\/\" \/>\n<meta property=\"og:locale\" content=\"en_US\" \/>\n<meta property=\"og:type\" content=\"article\" \/>\n<meta property=\"og:title\" content=\"Prof. Cabdalla Mansuur: \u201cMaxaa ereyga &#039;akademiye&#039; looga dhigi waayay erey Soomaaliyeed?\u201d - Akademiye Goboleedka Af Soomaaliga AGA\" \/>\n<meta property=\"og:description\" content=\"Intaanan ka jawaabin weyddiintan, bal marka hore aan wax yar dad xasuusinno 4ta hab ee loo adeegsaday erybixinta Soomaaliyeed. \u00a0 1-Waxaa la abuuray ereyo lammaanan, oo aan horay u jiri jirin, kuwaasoo ka kooban labo ama in ka badan erey, oo wadajirkooda samaynaya micna cusub, oo ka duwan midka asalka ah, sida: ilays+raac &gt; ilaysraac [&hellip;]\" \/>\n<meta property=\"og:url\" content=\"https:\/\/aga.so\/so\/prof-cabdalla-mansuur-maxaa-ereyga-akademiye-looga-dhigi-waayay-erey-soomaaliyeed\/\" \/>\n<meta property=\"og:site_name\" content=\"Akademiye Goboleedka Af Soomaaliga AGA\" \/>\n<meta property=\"article:published_time\" content=\"2023-04-06T12:05:03+00:00\" \/>\n<meta property=\"article:modified_time\" content=\"2023-04-06T12:17:44+00:00\" \/>\n<meta property=\"og:image\" content=\"https:\/\/aga.so\/so\/wp-content\/uploads\/2022\/08\/296892821_7632443320163072_3452456748767489713_n.jpg\" \/>\n\t<meta property=\"og:image:width\" content=\"1128\" \/>\n\t<meta property=\"og:image:height\" content=\"627\" \/>\n\t<meta property=\"og:image:type\" content=\"image\/jpeg\" \/>\n<meta name=\"author\" content=\"hgb\" \/>\n<meta name=\"twitter:card\" content=\"summary_large_image\" \/>\n<meta name=\"twitter:label1\" content=\"Written by\" \/>\n\t<meta name=\"twitter:data1\" content=\"hgb\" \/>\n\t<meta name=\"twitter:label2\" content=\"Est. reading time\" \/>\n\t<meta name=\"twitter:data2\" content=\"3 minutes\" \/>\n<script type=\"application\/ld+json\" class=\"yoast-schema-graph\">{\"@context\":\"https:\/\/schema.org\",\"@graph\":[{\"@type\":\"Article\",\"@id\":\"https:\/\/aga.so\/so\/prof-cabdalla-mansuur-maxaa-ereyga-akademiye-looga-dhigi-waayay-erey-soomaaliyeed\/#article\",\"isPartOf\":{\"@id\":\"https:\/\/aga.so\/so\/prof-cabdalla-mansuur-maxaa-ereyga-akademiye-looga-dhigi-waayay-erey-soomaaliyeed\/\"},\"author\":{\"name\":\"hgb\",\"@id\":\"https:\/\/aga.so\/so\/#\/schema\/person\/c89f24807531a9b3d9df95d848134d50\"},\"headline\":\"Prof. Cabdalla Mansuur: \u201cMaxaa ereyga &#8216;akademiye&#8217; looga dhigi waayay erey Soomaaliyeed?\u201d\",\"datePublished\":\"2023-04-06T12:05:03+00:00\",\"dateModified\":\"2023-04-06T12:17:44+00:00\",\"mainEntityOfPage\":{\"@id\":\"https:\/\/aga.so\/so\/prof-cabdalla-mansuur-maxaa-ereyga-akademiye-looga-dhigi-waayay-erey-soomaaliyeed\/\"},\"wordCount\":589,\"commentCount\":0,\"publisher\":{\"@id\":\"https:\/\/aga.so\/so\/#organization\"},\"articleSection\":[\"Erey Bixin\",\"Featured\",\"Xulka Maqaallada\"],\"inLanguage\":\"en-US\",\"potentialAction\":[{\"@type\":\"CommentAction\",\"name\":\"Comment\",\"target\":[\"https:\/\/aga.so\/so\/prof-cabdalla-mansuur-maxaa-ereyga-akademiye-looga-dhigi-waayay-erey-soomaaliyeed\/#respond\"]}]},{\"@type\":\"WebPage\",\"@id\":\"https:\/\/aga.so\/so\/prof-cabdalla-mansuur-maxaa-ereyga-akademiye-looga-dhigi-waayay-erey-soomaaliyeed\/\",\"url\":\"https:\/\/aga.so\/so\/prof-cabdalla-mansuur-maxaa-ereyga-akademiye-looga-dhigi-waayay-erey-soomaaliyeed\/\",\"name\":\"Prof. Cabdalla Mansuur: \u201cMaxaa ereyga 'akademiye' looga dhigi waayay erey Soomaaliyeed?\u201d - Akademiye Goboleedka Af Soomaaliga AGA\",\"isPartOf\":{\"@id\":\"https:\/\/aga.so\/so\/#website\"},\"datePublished\":\"2023-04-06T12:05:03+00:00\",\"dateModified\":\"2023-04-06T12:17:44+00:00\",\"breadcrumb\":{\"@id\":\"https:\/\/aga.so\/so\/prof-cabdalla-mansuur-maxaa-ereyga-akademiye-looga-dhigi-waayay-erey-soomaaliyeed\/#breadcrumb\"},\"inLanguage\":\"en-US\",\"potentialAction\":[{\"@type\":\"ReadAction\",\"target\":[\"https:\/\/aga.so\/so\/prof-cabdalla-mansuur-maxaa-ereyga-akademiye-looga-dhigi-waayay-erey-soomaaliyeed\/\"]}]},{\"@type\":\"BreadcrumbList\",\"@id\":\"https:\/\/aga.so\/so\/prof-cabdalla-mansuur-maxaa-ereyga-akademiye-looga-dhigi-waayay-erey-soomaaliyeed\/#breadcrumb\",\"itemListElement\":[{\"@type\":\"ListItem\",\"position\":1,\"name\":\"Home\",\"item\":\"https:\/\/aga.so\/so\/\"},{\"@type\":\"ListItem\",\"position\":2,\"name\":\"Prof. Cabdalla Mansuur: \u201cMaxaa ereyga &#8216;akademiye&#8217; looga dhigi waayay erey Soomaaliyeed?\u201d\"}]},{\"@type\":\"WebSite\",\"@id\":\"https:\/\/aga.so\/so\/#website\",\"url\":\"https:\/\/aga.so\/so\/\",\"name\":\"Akademiye Goboleedka Af Soomaaliga AGA\",\"description\":\"\",\"publisher\":{\"@id\":\"https:\/\/aga.so\/so\/#organization\"},\"potentialAction\":[{\"@type\":\"SearchAction\",\"target\":{\"@type\":\"EntryPoint\",\"urlTemplate\":\"https:\/\/aga.so\/so\/?s={search_term_string}\"},\"query-input\":\"required name=search_term_string\"}],\"inLanguage\":\"en-US\"},{\"@type\":\"Organization\",\"@id\":\"https:\/\/aga.so\/so\/#organization\",\"name\":\"AGA - Akadeemiya Goboleedka AfSoomaaliga\",\"url\":\"https:\/\/aga.so\/so\/\",\"logo\":{\"@type\":\"ImageObject\",\"inLanguage\":\"en-US\",\"@id\":\"https:\/\/aga.so\/so\/#\/schema\/logo\/image\/\",\"url\":\"https:\/\/aga.so\/so\/wp-content\/uploads\/2020\/10\/favicon-2.png\",\"contentUrl\":\"https:\/\/aga.so\/so\/wp-content\/uploads\/2020\/10\/favicon-2.png\",\"width\":162,\"height\":83,\"caption\":\"AGA - Akadeemiya Goboleedka AfSoomaaliga\"},\"image\":{\"@id\":\"https:\/\/aga.so\/so\/#\/schema\/logo\/image\/\"}},{\"@type\":\"Person\",\"@id\":\"https:\/\/aga.so\/so\/#\/schema\/person\/c89f24807531a9b3d9df95d848134d50\",\"name\":\"hgb\",\"image\":{\"@type\":\"ImageObject\",\"inLanguage\":\"en-US\",\"@id\":\"https:\/\/aga.so\/so\/#\/schema\/person\/image\/\",\"url\":\"https:\/\/secure.gravatar.com\/avatar\/9cc2fe393829a669530037fc59abb837?s=96&d=mm&r=g\",\"contentUrl\":\"https:\/\/secure.gravatar.com\/avatar\/9cc2fe393829a669530037fc59abb837?s=96&d=mm&r=g\",\"caption\":\"hgb\"},\"url\":\"https:\/\/aga.so\/so\/author\/hgb\/\"}]}<\/script>\n<!-- \/ Yoast SEO plugin. -->","yoast_head_json":{"title":"Prof. Cabdalla Mansuur: \u201cMaxaa ereyga 'akademiye' looga dhigi waayay erey Soomaaliyeed?\u201d - Akademiye Goboleedka Af Soomaaliga AGA","robots":{"index":"index","follow":"follow","max-snippet":"max-snippet:-1","max-image-preview":"max-image-preview:large","max-video-preview":"max-video-preview:-1"},"canonical":"https:\/\/aga.so\/so\/prof-cabdalla-mansuur-maxaa-ereyga-akademiye-looga-dhigi-waayay-erey-soomaaliyeed\/","og_locale":"en_US","og_type":"article","og_title":"Prof. Cabdalla Mansuur: \u201cMaxaa ereyga 'akademiye' looga dhigi waayay erey Soomaaliyeed?\u201d - Akademiye Goboleedka Af Soomaaliga AGA","og_description":"Intaanan ka jawaabin weyddiintan, bal marka hore aan wax yar dad xasuusinno 4ta hab ee loo adeegsaday erybixinta Soomaaliyeed. \u00a0 1-Waxaa la abuuray ereyo lammaanan, oo aan horay u jiri jirin, kuwaasoo ka kooban labo ama in ka badan erey, oo wadajirkooda samaynaya micna cusub, oo ka duwan midka asalka ah, sida: ilays+raac &gt; ilaysraac [&hellip;]","og_url":"https:\/\/aga.so\/so\/prof-cabdalla-mansuur-maxaa-ereyga-akademiye-looga-dhigi-waayay-erey-soomaaliyeed\/","og_site_name":"Akademiye Goboleedka Af Soomaaliga AGA","article_published_time":"2023-04-06T12:05:03+00:00","article_modified_time":"2023-04-06T12:17:44+00:00","og_image":[{"width":1128,"height":627,"url":"https:\/\/aga.so\/so\/wp-content\/uploads\/2022\/08\/296892821_7632443320163072_3452456748767489713_n.jpg","type":"image\/jpeg"}],"author":"hgb","twitter_card":"summary_large_image","twitter_misc":{"Written by":"hgb","Est. reading time":"3 minutes"},"schema":{"@context":"https:\/\/schema.org","@graph":[{"@type":"Article","@id":"https:\/\/aga.so\/so\/prof-cabdalla-mansuur-maxaa-ereyga-akademiye-looga-dhigi-waayay-erey-soomaaliyeed\/#article","isPartOf":{"@id":"https:\/\/aga.so\/so\/prof-cabdalla-mansuur-maxaa-ereyga-akademiye-looga-dhigi-waayay-erey-soomaaliyeed\/"},"author":{"name":"hgb","@id":"https:\/\/aga.so\/so\/#\/schema\/person\/c89f24807531a9b3d9df95d848134d50"},"headline":"Prof. Cabdalla Mansuur: \u201cMaxaa ereyga &#8216;akademiye&#8217; looga dhigi waayay erey Soomaaliyeed?\u201d","datePublished":"2023-04-06T12:05:03+00:00","dateModified":"2023-04-06T12:17:44+00:00","mainEntityOfPage":{"@id":"https:\/\/aga.so\/so\/prof-cabdalla-mansuur-maxaa-ereyga-akademiye-looga-dhigi-waayay-erey-soomaaliyeed\/"},"wordCount":589,"commentCount":0,"publisher":{"@id":"https:\/\/aga.so\/so\/#organization"},"articleSection":["Erey Bixin","Featured","Xulka Maqaallada"],"inLanguage":"en-US","potentialAction":[{"@type":"CommentAction","name":"Comment","target":["https:\/\/aga.so\/so\/prof-cabdalla-mansuur-maxaa-ereyga-akademiye-looga-dhigi-waayay-erey-soomaaliyeed\/#respond"]}]},{"@type":"WebPage","@id":"https:\/\/aga.so\/so\/prof-cabdalla-mansuur-maxaa-ereyga-akademiye-looga-dhigi-waayay-erey-soomaaliyeed\/","url":"https:\/\/aga.so\/so\/prof-cabdalla-mansuur-maxaa-ereyga-akademiye-looga-dhigi-waayay-erey-soomaaliyeed\/","name":"Prof. Cabdalla Mansuur: \u201cMaxaa ereyga 'akademiye' looga dhigi waayay erey Soomaaliyeed?\u201d - Akademiye Goboleedka Af Soomaaliga AGA","isPartOf":{"@id":"https:\/\/aga.so\/so\/#website"},"datePublished":"2023-04-06T12:05:03+00:00","dateModified":"2023-04-06T12:17:44+00:00","breadcrumb":{"@id":"https:\/\/aga.so\/so\/prof-cabdalla-mansuur-maxaa-ereyga-akademiye-looga-dhigi-waayay-erey-soomaaliyeed\/#breadcrumb"},"inLanguage":"en-US","potentialAction":[{"@type":"ReadAction","target":["https:\/\/aga.so\/so\/prof-cabdalla-mansuur-maxaa-ereyga-akademiye-looga-dhigi-waayay-erey-soomaaliyeed\/"]}]},{"@type":"BreadcrumbList","@id":"https:\/\/aga.so\/so\/prof-cabdalla-mansuur-maxaa-ereyga-akademiye-looga-dhigi-waayay-erey-soomaaliyeed\/#breadcrumb","itemListElement":[{"@type":"ListItem","position":1,"name":"Home","item":"https:\/\/aga.so\/so\/"},{"@type":"ListItem","position":2,"name":"Prof. Cabdalla Mansuur: \u201cMaxaa ereyga &#8216;akademiye&#8217; looga dhigi waayay erey Soomaaliyeed?\u201d"}]},{"@type":"WebSite","@id":"https:\/\/aga.so\/so\/#website","url":"https:\/\/aga.so\/so\/","name":"Akademiye Goboleedka Af Soomaaliga AGA","description":"","publisher":{"@id":"https:\/\/aga.so\/so\/#organization"},"potentialAction":[{"@type":"SearchAction","target":{"@type":"EntryPoint","urlTemplate":"https:\/\/aga.so\/so\/?s={search_term_string}"},"query-input":"required name=search_term_string"}],"inLanguage":"en-US"},{"@type":"Organization","@id":"https:\/\/aga.so\/so\/#organization","name":"AGA - Akadeemiya Goboleedka AfSoomaaliga","url":"https:\/\/aga.so\/so\/","logo":{"@type":"ImageObject","inLanguage":"en-US","@id":"https:\/\/aga.so\/so\/#\/schema\/logo\/image\/","url":"https:\/\/aga.so\/so\/wp-content\/uploads\/2020\/10\/favicon-2.png","contentUrl":"https:\/\/aga.so\/so\/wp-content\/uploads\/2020\/10\/favicon-2.png","width":162,"height":83,"caption":"AGA - Akadeemiya Goboleedka AfSoomaaliga"},"image":{"@id":"https:\/\/aga.so\/so\/#\/schema\/logo\/image\/"}},{"@type":"Person","@id":"https:\/\/aga.so\/so\/#\/schema\/person\/c89f24807531a9b3d9df95d848134d50","name":"hgb","image":{"@type":"ImageObject","inLanguage":"en-US","@id":"https:\/\/aga.so\/so\/#\/schema\/person\/image\/","url":"https:\/\/secure.gravatar.com\/avatar\/9cc2fe393829a669530037fc59abb837?s=96&d=mm&r=g","contentUrl":"https:\/\/secure.gravatar.com\/avatar\/9cc2fe393829a669530037fc59abb837?s=96&d=mm&r=g","caption":"hgb"},"url":"https:\/\/aga.so\/so\/author\/hgb\/"}]}},"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/aga.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/7736"}],"collection":[{"href":"https:\/\/aga.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/aga.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/aga.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/users\/1"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/aga.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=7736"}],"version-history":[{"count":4,"href":"https:\/\/aga.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/7736\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":7740,"href":"https:\/\/aga.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/7736\/revisions\/7740"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/aga.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media\/6988"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/aga.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=7736"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/aga.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=7736"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/aga.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=7736"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}