{"id":7526,"date":"2022-12-29T18:57:24","date_gmt":"2022-12-29T15:57:24","guid":{"rendered":"https:\/\/aga.so\/so\/?p=7526"},"modified":"2023-01-08T19:13:46","modified_gmt":"2023-01-08T16:13:46","slug":"bedqabka-afku-waa-bedqabka-qaranka-soomaaliyeed","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/aga.so\/so\/bedqabka-afku-waa-bedqabka-qaranka-soomaaliyeed\/","title":{"rendered":"BEDQABKA AFKU  WAA BEDQABKA  QARANKA  SOOMAALIYEED"},"content":{"rendered":"<h5>&#8220;In Qofka soomaaliga ah lagu ilaasho seeraha danaha qaranka waa qorshe dowladeed oo\u00a0 mudan in; dhinacyada laga istaago, laga ilaaho col kasta,dhacanna\u00a0 looga teedo dhowr iyo qoomaalba &#8221; .<\/h5>\n<h5>Muunayn iyo bogaadin ka dib, waxa aan doonayaa inaan huwiyo duco iyo ammaan Mudane Dr.Maxamed Daahir Afrax\u00a0 (AHN) oo ahaa\u00a0 tiriig iyo oog iftiin badnaa, webi iyo durdur laga cabbi jirey,geed\u00a0 harac leh oo laga harsan jirey\u00a0 dhalcada iyo milicda jahliga.<\/h5>\n<h5>Madaxweynaha\u00a0 JFS\u00a0\u00a0 Mudane Dr. Xasan Sheekh Maxamuud oo ka qayb galay maanta oo ah 29\/12\/2022\u00a0 munaasabaddan lagu\u00a0 daahfurayey Dhimaha Cusub ee Xarunta Dhexe\u00a0\u00a0 Akadeemiye-Goboleedka AfSoomaaliga (AGA) ayaa yidhi. (Afkeennu haddii uu lumo waan salguureynaa, mana sii jiri doonno).Tani waxa ay tilmaan iyo hiil u tahay bedqabka danaha qaranka soomaaliyeed.<\/h5>\n<h5>\u00a0\u00a0\u00a0 Haa, waa bubaal in afku yahay baadi-soocda ummadi leedahay oo ay kaga badbaado in ay noqoto mid qaafil ah.Waa kan\u00a0 Bare sare, Abwaan, Macallin Saciid Saalax Sugulle\u00a0 oo bidhaaminaya ubucda iyo dhuuxa afka hooyo (Afku wuxuu astaan u yahay oo uu sidaa dhaqankii ummadda !).<\/h5>\n<h5>\u00a0Milgo iyo karaamo waxa\u00a0 ugu filan\u00a0 Akademiye-Goboleedka AfSoomaaliga (AGA) inuu ardaageeda\u00a0 fadhiyo Buuni Prof, Cabdalla Cumar Mansuur, oo ah xeeldheere culuumta afka Soomaaliga iyo luuqadaha Kushitigga.\u00a0 Sidoo kalena ah (Canqariye bulsho, ababshe dhallaan) Kolna waaba (Abxdda Afka Soomaaliga).<\/h5>\n<h5>\u00a0 Sidaa owgeed\u00a0 Jaalle, afku waa qalabka lagu fekero, marna waa\u00a0 dhowraha: dhaqanka, hiddaha, sooyaalka iyo diinta Islaamka.\u00a0 Ummad kasta\u00a0 waxa ay leedahay baadi-sooc iyo summad u gaar ah; si kastaba ha noqotee, Soomaalidu waxa ay leedahay sooyaal ku dhidban: halgan, hoggaan, hiraal iyo sahan kuqotoma aragt icuddoon.<\/h5>\n<h5>\u00a0\u00a0Tuhun kuma jiro in quruxda iyo bilicda bulsho ama deegaaneed,\u00a0 lagu keydiyo\u00a0 afka. Af-Soomaaligu\u00a0 waa af &#8220;luuqad&#8221; facweyn oo leh xeerar sugan, dalayn farshaxan, suugaan irmaan, murti mujarrab ah, maahmaah waayeel, tix iyotiraab.\u00a0 Marka uu afku, ka badbaado dhalan-rogga\u00a0 iyo dhimaalka, uuna\u00a0 helo bedqab afeed\u00a0 (Language security)\u00a0 (\u0627\u0644\u0623\u0645\u0646 \u0627\u0644\u0644\u063a\u0648\u064a ) waxa badbaadaya kasmada iyo\u00a0 kasiista qofka (Intellectual security) (\u0627\u0644\u0623\u0645\u0646 \u0627\u0644\u0641\u0643\u0631\u064a ). Sidaas darteed, haddii la halo bedqab\u00a0 afeed iyo mid fikirba, waxaa la helikaraa\u00a0 bedqab\u00a0 Qaran (National Security) (\u0627\u0644\u0623\u0645\u0646 \u0627\u0644\u0642\u0648\u0645\u064a).<\/h5>\n<h5>\u00a0 Qoraagii weynaa Aw-jaamac Cumar Ciise (AHN)\u00a0 ayaa yidhi mar uu ka hadlayey\u00a0 qiimaha iyo duxda uu afka soomaaligu leeyahay\u00a0 (Af-soomaaligu\u00a0 waa af ballaaran\u00a0 erayadiisuna\u00a0 badan yihiin , dhan loo eegoba\u00a0 waa af hodan ah Hadal iyo Howraar , Maanso iyo\u00a0 Maahmmaah, Gabay iyo Geeraar, Masafo iyo Madadaalo, Hees iyo\u00a0 Heello,Sheeko iyo Sharaarixin , Qorriin\u00a0 iyo Qun \u2013u hadal ,\u00a0 gees loo raacoba waa af\u00a0 tanaad\u00a0 ah ).<\/h5>\n<h5>\u00a0 Qiimaha iyo duxda afku u leeyahay bedqabka danaha qaranka\u00a0 soomaaliyeed waa mid mudan in wax\u00a0 uun laga tilmaamo,waxana ka mid ah\u00a0 ricirradan soo socda.<\/h5>\n<ol>\n<li>\n<h5>Afku waa summadda iyo astaanta ummaad lagu garto, lagu aqoonsado, lagu baadi-sooco iyo tilmaanta bulsho lagaga saaro bulsho kale.<\/h5>\n<\/li>\n<li>\n<h5>Ummad kasta, oo ku nool adduunka dushiisa waxa ay leedahay luuqad u gaar ah, taa soo muujisa horumarkeeda, wax-soo saarkeeda, aqoonteeda, ilbax-nimadeeda iyo\u00a0 kaalinta ay kaga jirto halganka nolosha.<\/h5>\n<\/li>\n<li>\n<h5>Afkeennu waa midka muujinaya qiimaheenna nololeed iyo hoggaankeena maamul.Waana midka muujinaya\u00a0\u00a0 inta ay leeg tahay tabarteenna garasho iyo qotadeeda.Marna waa midka tilmaamaya cidda aad tahay iyo haybtaada ahaansho.<\/h5>\n<\/li>\n<li>\n<h5>Ujeedku waa inaan oggaanno meesha aan ka liiceyno, ka liidanno, u dhimaneyno, u dhutineyno iyo dabarka inna ku xidhan oo aan iska goyn kariweyn.<\/h5>\n<\/li>\n<li>\n<h5>Qof kasta oo soomaali ah waxa ka saaran afkiisa waajib lagu ladhay garasho, gudasho iyo tixgelin buuxda. Sidoo kale, afku ma qabyaa?\u00a0 Mise Aqoonta\u00a0 ayaa qabyo ah? Waa hubaal in garashadaa qofku tahay\u00a0 qabyo u baahan dheehid iyo kobcin, taasuna ay sababeyso in maalinba maalinka ka dameeya lagu dhowaanayo\u00a0 kadimada aqoonta iyo darka cilmiga.Waxa mudan inaan\u00a0 dhexda u xidhano Afkeenna hooyo oo\u00a0 aan ku samaynno:-\u00a0 &#8221; kobcin iyo xoojin mugleh \u00a0wax kasta oo idil xidhiidhna la leh Farta iyo Cilmi-afeedka ku gadaaman &#8220;.<\/h5>\n<\/li>\n<\/ol>\n<h5>\u00a0\u00a0 Afku waxa\u00a0 uu dhowrahaa hiddaha\u00a0 iyo xididka Ummadda Soomaaliyeed.Marna waa\u00a0 hogor(weel) lagu\u00a0 keydiyo\u00a0 dhaqanka, sooyaalka, caadooyinka. Kolna\u00a0 waa dallad weyn\u00a0 oo lagu ururin karo,sinjiga, isirka, asuulka, dirka , walcanka,f irka {Dhalasho}, raad-raaca, degelbaarka, suugaanta, anshaxa, akhlaaqda, Aasaarta {raadadka} caadooyinka, abka-soo gaarka {ablooga-har} (\u0627\u0644\u062a\u0644\u064a\u062f), agabka dhismaha iyo farsamo (\u0627\u0644\u0635\u0646\u0627\u0639\u0629 \u0648\u0627\u0644\u0639\u0645\u0631\u0627\u0646),\u00a0 haybta, sumadda,sowraca, fanka ( \u0627\u0644\u0641\u0646), muyuusigga , ciyaaraha farddafuulka , Sacabka , shaxda,tamaanka, legdinta, baratanka, dabaasha, shiishka (dhugtanka), guurka, garsoorka, xeer-dhaqameedka , Abuurka (dabeecadda) {deegaanka, dabaylaha ,roobka , cilmi-felegga(\u0627\u0644\u0639\u0644\u0648\u0645 \u0627\u0644\u0641\u0644\u0643\u064a\u0629), heshiisyada (\u0627\u0644\u0648\u062b\u0627\u0626\u0642) ,farguriga\u00a0 (\u0627\u0644\u0645\u062e\u0637\u0648\u0637\u0627\u062a).<\/h5>\n<h5>Soomaalidu, waxa\u00a0 ay leedaha hidda-dhaqameed muuqda\u00a0 iyo hidda-dhaqameed aan muuqan, labadaasoo ku unkan foolaadnimo\u00a0 iyo farshaxan qurux badan. Quruxda uu leeyahayna, waxa muujiya, ilaasha, xardha, kana fogeeya caanyeynta\u00a0 waa Afka Soomaaliga.<\/h5>\n<ol>\n<li>\n<h5>Hidda-dhaqameedka Muuqdaa. Ricirkani waa mid koobaya raadadka iyo dhismayaasha xiriirka la leh diintta( \u0639\u0644\u0645 \u0627\u0644\u0623\u062f\u064a\u0627\u0646) iyo culuunta\u00a0 sooyaalka (\u0639\u0644\u0645 \u0627\u0644\u062a\u0627\u0631\u064a\u062e) Inta badanna,oo ah mid\u00a0 ablaga-soogaara sida : dhismayaasha, sancadda iyo farsamada , huga (rharka), masaajidda, xabaalaha (qabuuraha) taalooyinka, qalcadaha, madxaf-dhuleedka, heshiisyada (\u0627\u0644\u0648\u062b\u0627\u0626\u0642)\u00a0 fargurida (\u0627\u0644\u0645\u062e\u0637\u0648\u0637\u0627\u062a), shako-dhaqameedka (\u0627\u0644\u0641\u0644\u0643\u0644\u0648\u0631 \u0627\u0644\u0634\u0639\u0628\u064a)\u00a0 filimada iyo riwaayadaha (\u0627\u0644\u0645\u0633\u0631\u062d \u0648\u0627\u0644\u0633\u064a\u0646\u0645\u0627)<\/h5>\n<\/li>\n<li>\n<h5>Hidda-dhaqameedka aan muuqan. Giraanta iyo ricirka laga dheegan karo hidda-dhaqameedkan aan la taaban karin waa tiir weyn oo ka mid ah badi-soocda aan leennahay. Afkuna waa keydiyaha, dhaxalsiiyaha faca soo koraya iyo jiilasha iman doona. Waxana ka mid ah: Sheeko xariirta laysugu weriyo afka , fanka gudbinta , xirfadaha (\u0627\u0644\u062d\u0631\u0641 \u0648\u0627\u0644\u0645\u0647\u0627\u0631\u0627\u062a) layskaga daydo , garsoor\u060c\u00a0 diinta , caadaadka (\u0627\u0644\u0639\u0627\u062f\u0627\u062a), Aanayaasha (\u0627\u0644\u0637\u0642\u0648\u0633\u0627\u062a) oo ah -khayraysiga iyo sharaysiga &#8211; ama\u00a0 Rooxaan-nafeedda, kuraysiga \u201cTaraar\u201d, baasaysiga la xiriira cimilada , bahalaha iyo dadkaba.Waxa kale , oo ka mid ah nabsiga, ducada(durraanta),\u00a0 habaarka, yaradka, kaalada, amaanta la siiyo Boqorrada, Salaadiinta, Ugaasyadan iyo Malaakhyada.<\/h5>\n<\/li>\n<\/ol>\n<h5>Qormadan kooban,ee aan u hollayday inaan ka qoro\u00a0 &#8211; Qiimaha afku ugu fadhiyo bedqabka\u00a0 jiritaanka Ummadda Soomaaliyeed waxa aan ku soo afmeerayaa\u00a0\u00a0 maansada (AFKU ADIGA WEEYAAN) &#8211; Oo ah mid aan ku\u00a0 sharraxayo milgaha, baaxadda, ubucda iyo kaalinta\u00a0 uu afku ka qaadan karo (Ilaalinta Seeraha Danaha Qaranka).<\/h5>\n<h5>Afku qiima weynaa<\/h5>\n<h5>Afku muudnad wacanaa<\/h5>\n<h5>Afku xeelad dheeraa<\/h5>\n<h5>Afku barasho mudanaa.<\/h5>\n<h5><\/h5>\n<h5>Afku waa astaayniyo<\/h5>\n<h5>Ummad iyo ahaanteed<\/h5>\n<h5>Baadi-sooc iftiintiyo<\/h5>\n<h5>Oog garasho weeyaan.<\/h5>\n<h5><\/h5>\n<h5>Marna waa aleeliyo<\/h5>\n<h5>Adax kuu bidhaamiyo<\/h5>\n<h5>Raadkii abaadiyo<\/h5>\n<h5>Degelkii awoowiyo<\/h5>\n<h5>Walcaantii ayeydiyo<\/h5>\n<h5>Isirkii gaboobiyo<\/h5>\n<h5>Aasaarti hore iyo<\/h5>\n<h5>Asalraaca weeyaan.<\/h5>\n<h5><\/h5>\n<h5>Afku adiga weeyee<\/h5>\n<h5>Adiguna afkaa tahay<\/h5>\n<h5>Afku waa jiraalkaa<\/h5>\n<h5>Abnaqaaga weeyoo<\/h5>\n<h5>Soomaali waa adi.<\/h5>\n<h5><\/h5>\n<h5>Aayaduhu siday werin<\/h5>\n<h5>Ololihii \u201cDedaalkiyo\u201d<\/h5>\n<h5>Ashtakada lagaa yidhi;<\/h5>\n<h5>Inaad aabi badan tahay<\/h5>\n<h5>Asaraar la deris tahay<\/h5>\n<h5>Asmo iyo mariid tahay<\/h5>\n<h5>Anafada ku naaxdoo<\/h5>\n<h5>Aanada ku darartoo<\/h5>\n<h5>Aarsigu hub kuu yahay<\/h5>\n<h5>Marna Eebo sidatoo<\/h5>\n<h5>Oohinta la jaal tahay<\/h5>\n<h5><\/h5>\n<h5>Amintey dhalaashee<\/h5>\n<h5>Xaajadu adkaatee<\/h5>\n<h5>Cakirmeen ayaamuhu<\/h5>\n<h5>Malaa&#8217;iigtu &#8220;Oo een&#8221;<\/h5>\n<h5>Eebbaha na uumaa<\/h5>\n<h5>Itaal kaaga dhigayoo<\/h5>\n<h5>Asmaadiisa kuu faray<\/h5>\n<h5>Sirtu waa aqoontee<\/h5>\n<h5>Afku waa abtiriskaa<\/h5>\n<h5>Arrad yaanu kaa helin.<\/h5>\n<h5><\/h5>\n<h5>Yaan lagaa ilroonaan<\/h5>\n<h5>Omos yaan lagaa helin<\/h5>\n<h5>Ammuur aan wax geliniyo<\/h5>\n<h5>Anbad yaadan noqoni<\/h5>\n<h5>Qalwo aad astaysiyo<\/h5>\n<h5>Ardaa aad yagleeshiyo<\/h5>\n<h5>Aqoolkaaga mooyeee<\/h5>\n<h5>Edeg kale ka dheerow.<\/h5>\n<h5><\/h5>\n<h5>Afku waa rajoobaa<\/h5>\n<h5>Afsaar buu la daaqaa<\/h5>\n<h5>Ishu waa ka dilantaa<\/h5>\n<h5>Idif baa ka muuqdoo<\/h5>\n<h5>Ilaash buu u baahdaa.<\/h5>\n<h5><\/h5>\n<h5>Marna waa agoonoo<\/h5>\n<h5>Adooguu ka xaydiyo<\/h5>\n<h5>Asuulkiisu tebayaa<\/h5>\n<h5>Abyeyn buu ku reemaa!<\/h5>\n<h5>Onkod iyo hillaac buu<\/h5>\n<h5>Ubixiis ku bixiyaa.<\/h5>\n<h5>Ufo iyo xareed buu<\/h5>\n<h5>Man iftiima koriyaa.<\/h5>\n<h5>Doog iyo ilwaad buu<\/h5>\n<h5>Ubadkiisa daajaa.<\/h5>\n<h5><\/h5>\n<h5>Kolna wuxu ku ololaa<\/h5>\n<h5>Aqoonyahan sargoyoo<\/h5>\n<h5>Ubbadiisa qaatoo<\/h5>\n<h5>Edegsima \u201cAfguriyda\u201d<\/h5>\n<h5>Afnaqoo hal-tebiyoo<\/h5>\n<h5>Arrad tira wuxu rabo<\/h5>\n<h5>U banbaxa Ogaalkii<\/h5>\n<h5>Unugyadiisa hoosiyo<\/h5>\n<h5>Ubucdiisa faaqida<\/h5>\n<h5>Idilkiina [Miriftira]<\/h5>\n<h5><\/h5>\n<h5>Afku yaanu kaa lumin<\/h5>\n<h5>Kaa ajoobin &#8220;Maaxow&#8221;<\/h5>\n<h5>Waa ilo qulqulayoo<\/h5>\n<h5>Godlan oo irmaanoo<\/h5>\n<h5>Lagu oon baxayoo<\/h5>\n<h5>Arar loo cuddoonoo<\/h5>\n<h5>Dhidban afxidhanoo<\/h5>\n<h5>Linkaxeedu iilayn.<\/h5>\n<h5><\/h5>\n<h5>Asrigaynu joognona<\/h5>\n<h5>Aalaadkan ugubka ah<\/h5>\n<h5>Alabyadu lalaayaan<\/h5>\n<h5>Ilbaxnimadu wadatee<\/h5>\n<h5>Ashqaarka nagu ridey<\/h5>\n<h5>Amakaagga nagu furay<\/h5>\n<h5>Ugubkii addoonshee<\/h5>\n<h5>Duqaydii afjebiyee<\/h5>\n<h5>Ulumadii ka maageen<\/h5>\n<h5>Eray-bixin ma waayine<\/h5>\n<h5>Afku waa ogsoonyahay.<\/h5>\n<h5><\/h5>\n<h5>Qabyo waa aqoontee<\/h5>\n<h5>Akhristow indhaha furo<\/h5>\n<h5>Udubkiyo kabaalkiyo<\/h5>\n<h5>Aloolkii dib ugu noqo.<\/h5>\n<h5><\/h5>\n<h5>Aqalkaan lahayniyo<\/h5>\n<h5>Abxaddii dib ugu noqo.<\/h5>\n<h5>Aagaantii dhaqankiyo<\/h5>\n<h5>Ameelkii dib ugu noqo.<\/h5>\n<h5><\/h5>\n<h5>Qarbadkii anuugnaa<\/h5>\n<h5>Asalkii dib ugu noqo.<\/h5>\n<h5>Unuunkiyo maqaarkiyo<\/h5>\n<h5>Ableydii dib ugu noqo.<\/h5>\n<h5><\/h5>\n<h5>Oontiyo xalaashiyo<\/h5>\n<h5>Anfacii dib ugu noqo.<\/h5>\n<h5>Gelbis ilo-xidhkiisiyo<\/h5>\n<h5>Arooskii dib ugu noqo.<\/h5>\n<h5><\/h5>\n<h5>Miscidhiidh adaygliyo<\/h5>\n<h5>Ooddii dib ugu noqo.<\/h5>\n<h5>Hayin Ubadka qaadiyo<\/h5>\n<h5>Awrkii dib ugu noqo.<\/h5>\n<h4>W\/Q. Maxamuud Cali Aadan \u201cHoorri\u201d<\/h4>\n<h4>Muqdisho &#8211; Soomaaliya.<\/h4>\n<h4>Tar: 29\/Dec\/2022<\/h4>\n<h4>Email: Abwanhoorri@gmail.com<\/h4>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>&#8220;In Qofka soomaaliga ah lagu ilaasho seeraha danaha qaranka waa qorshe dowladeed oo\u00a0 mudan in; dhinacyada laga istaago, laga ilaaho col kasta,dhacanna\u00a0 looga teedo dhowr iyo qoomaalba &#8221; . Muunayn iyo bogaadin ka dib, waxa aan doonayaa inaan huwiyo duco iyo ammaan Mudane Dr.Maxamed Daahir Afrax\u00a0 (AHN) oo ahaa\u00a0 tiriig iyo oog iftiin badnaa, webi [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":1,"featured_media":7527,"comment_status":"open","ping_status":"open","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"inline_featured_image":false},"categories":[24],"tags":[],"yoast_head":"<!-- This site is optimized with the Yoast SEO plugin v20.2.1 - https:\/\/yoast.com\/wordpress\/plugins\/seo\/ -->\n<title>BEDQABKA AFKU WAA BEDQABKA QARANKA SOOMAALIYEED - Akademiye Goboleedka Af Soomaaliga AGA<\/title>\n<meta name=\"robots\" content=\"index, follow, max-snippet:-1, max-image-preview:large, max-video-preview:-1\" \/>\n<link rel=\"canonical\" href=\"https:\/\/aga.so\/so\/bedqabka-afku-waa-bedqabka-qaranka-soomaaliyeed\/\" \/>\n<meta property=\"og:locale\" content=\"en_US\" \/>\n<meta property=\"og:type\" content=\"article\" \/>\n<meta property=\"og:title\" content=\"BEDQABKA AFKU WAA BEDQABKA QARANKA SOOMAALIYEED - Akademiye Goboleedka Af Soomaaliga AGA\" \/>\n<meta property=\"og:description\" content=\"&#8220;In Qofka soomaaliga ah lagu ilaasho seeraha danaha qaranka waa qorshe dowladeed oo\u00a0 mudan in; dhinacyada laga istaago, laga ilaaho col kasta,dhacanna\u00a0 looga teedo dhowr iyo qoomaalba &#8221; . Muunayn iyo bogaadin ka dib, waxa aan doonayaa inaan huwiyo duco iyo ammaan Mudane Dr.Maxamed Daahir Afrax\u00a0 (AHN) oo ahaa\u00a0 tiriig iyo oog iftiin badnaa, webi [&hellip;]\" \/>\n<meta property=\"og:url\" content=\"https:\/\/aga.so\/so\/bedqabka-afku-waa-bedqabka-qaranka-soomaaliyeed\/\" \/>\n<meta property=\"og:site_name\" content=\"Akademiye Goboleedka Af Soomaaliga AGA\" \/>\n<meta property=\"article:published_time\" content=\"2022-12-29T15:57:24+00:00\" \/>\n<meta property=\"article:modified_time\" content=\"2023-01-08T16:13:46+00:00\" \/>\n<meta property=\"og:image\" content=\"https:\/\/aga.so\/so\/wp-content\/uploads\/2023\/01\/fb7c24df-a9e9-43d9-9a7b-2348c20b157e.jpg\" \/>\n\t<meta property=\"og:image:width\" content=\"960\" \/>\n\t<meta property=\"og:image:height\" content=\"871\" \/>\n\t<meta property=\"og:image:type\" content=\"image\/jpeg\" \/>\n<meta name=\"author\" content=\"hgb\" \/>\n<meta name=\"twitter:card\" content=\"summary_large_image\" \/>\n<meta name=\"twitter:label1\" content=\"Written by\" \/>\n\t<meta name=\"twitter:data1\" content=\"hgb\" \/>\n\t<meta name=\"twitter:label2\" content=\"Est. reading time\" \/>\n\t<meta name=\"twitter:data2\" content=\"6 minutes\" \/>\n<script type=\"application\/ld+json\" class=\"yoast-schema-graph\">{\"@context\":\"https:\/\/schema.org\",\"@graph\":[{\"@type\":\"Article\",\"@id\":\"https:\/\/aga.so\/so\/bedqabka-afku-waa-bedqabka-qaranka-soomaaliyeed\/#article\",\"isPartOf\":{\"@id\":\"https:\/\/aga.so\/so\/bedqabka-afku-waa-bedqabka-qaranka-soomaaliyeed\/\"},\"author\":{\"name\":\"hgb\",\"@id\":\"https:\/\/aga.so\/so\/#\/schema\/person\/c89f24807531a9b3d9df95d848134d50\"},\"headline\":\"BEDQABKA AFKU WAA BEDQABKA QARANKA SOOMAALIYEED\",\"datePublished\":\"2022-12-29T15:57:24+00:00\",\"dateModified\":\"2023-01-08T16:13:46+00:00\",\"mainEntityOfPage\":{\"@id\":\"https:\/\/aga.so\/so\/bedqabka-afku-waa-bedqabka-qaranka-soomaaliyeed\/\"},\"wordCount\":1236,\"commentCount\":0,\"publisher\":{\"@id\":\"https:\/\/aga.so\/so\/#organization\"},\"articleSection\":[\"Xulka Maqaallada\"],\"inLanguage\":\"en-US\",\"potentialAction\":[{\"@type\":\"CommentAction\",\"name\":\"Comment\",\"target\":[\"https:\/\/aga.so\/so\/bedqabka-afku-waa-bedqabka-qaranka-soomaaliyeed\/#respond\"]}]},{\"@type\":\"WebPage\",\"@id\":\"https:\/\/aga.so\/so\/bedqabka-afku-waa-bedqabka-qaranka-soomaaliyeed\/\",\"url\":\"https:\/\/aga.so\/so\/bedqabka-afku-waa-bedqabka-qaranka-soomaaliyeed\/\",\"name\":\"BEDQABKA AFKU WAA BEDQABKA QARANKA SOOMAALIYEED - Akademiye Goboleedka Af Soomaaliga AGA\",\"isPartOf\":{\"@id\":\"https:\/\/aga.so\/so\/#website\"},\"datePublished\":\"2022-12-29T15:57:24+00:00\",\"dateModified\":\"2023-01-08T16:13:46+00:00\",\"breadcrumb\":{\"@id\":\"https:\/\/aga.so\/so\/bedqabka-afku-waa-bedqabka-qaranka-soomaaliyeed\/#breadcrumb\"},\"inLanguage\":\"en-US\",\"potentialAction\":[{\"@type\":\"ReadAction\",\"target\":[\"https:\/\/aga.so\/so\/bedqabka-afku-waa-bedqabka-qaranka-soomaaliyeed\/\"]}]},{\"@type\":\"BreadcrumbList\",\"@id\":\"https:\/\/aga.so\/so\/bedqabka-afku-waa-bedqabka-qaranka-soomaaliyeed\/#breadcrumb\",\"itemListElement\":[{\"@type\":\"ListItem\",\"position\":1,\"name\":\"Home\",\"item\":\"https:\/\/aga.so\/so\/\"},{\"@type\":\"ListItem\",\"position\":2,\"name\":\"BEDQABKA AFKU WAA BEDQABKA QARANKA SOOMAALIYEED\"}]},{\"@type\":\"WebSite\",\"@id\":\"https:\/\/aga.so\/so\/#website\",\"url\":\"https:\/\/aga.so\/so\/\",\"name\":\"Akademiye Goboleedka Af Soomaaliga AGA\",\"description\":\"\",\"publisher\":{\"@id\":\"https:\/\/aga.so\/so\/#organization\"},\"potentialAction\":[{\"@type\":\"SearchAction\",\"target\":{\"@type\":\"EntryPoint\",\"urlTemplate\":\"https:\/\/aga.so\/so\/?s={search_term_string}\"},\"query-input\":\"required name=search_term_string\"}],\"inLanguage\":\"en-US\"},{\"@type\":\"Organization\",\"@id\":\"https:\/\/aga.so\/so\/#organization\",\"name\":\"AGA - Akadeemiya Goboleedka AfSoomaaliga\",\"url\":\"https:\/\/aga.so\/so\/\",\"logo\":{\"@type\":\"ImageObject\",\"inLanguage\":\"en-US\",\"@id\":\"https:\/\/aga.so\/so\/#\/schema\/logo\/image\/\",\"url\":\"https:\/\/aga.so\/so\/wp-content\/uploads\/2020\/10\/favicon-2.png\",\"contentUrl\":\"https:\/\/aga.so\/so\/wp-content\/uploads\/2020\/10\/favicon-2.png\",\"width\":162,\"height\":83,\"caption\":\"AGA - Akadeemiya Goboleedka AfSoomaaliga\"},\"image\":{\"@id\":\"https:\/\/aga.so\/so\/#\/schema\/logo\/image\/\"}},{\"@type\":\"Person\",\"@id\":\"https:\/\/aga.so\/so\/#\/schema\/person\/c89f24807531a9b3d9df95d848134d50\",\"name\":\"hgb\",\"image\":{\"@type\":\"ImageObject\",\"inLanguage\":\"en-US\",\"@id\":\"https:\/\/aga.so\/so\/#\/schema\/person\/image\/\",\"url\":\"https:\/\/secure.gravatar.com\/avatar\/9cc2fe393829a669530037fc59abb837?s=96&d=mm&r=g\",\"contentUrl\":\"https:\/\/secure.gravatar.com\/avatar\/9cc2fe393829a669530037fc59abb837?s=96&d=mm&r=g\",\"caption\":\"hgb\"},\"url\":\"https:\/\/aga.so\/so\/author\/hgb\/\"}]}<\/script>\n<!-- \/ Yoast SEO plugin. -->","yoast_head_json":{"title":"BEDQABKA AFKU WAA BEDQABKA QARANKA SOOMAALIYEED - Akademiye Goboleedka Af Soomaaliga AGA","robots":{"index":"index","follow":"follow","max-snippet":"max-snippet:-1","max-image-preview":"max-image-preview:large","max-video-preview":"max-video-preview:-1"},"canonical":"https:\/\/aga.so\/so\/bedqabka-afku-waa-bedqabka-qaranka-soomaaliyeed\/","og_locale":"en_US","og_type":"article","og_title":"BEDQABKA AFKU WAA BEDQABKA QARANKA SOOMAALIYEED - Akademiye Goboleedka Af Soomaaliga AGA","og_description":"&#8220;In Qofka soomaaliga ah lagu ilaasho seeraha danaha qaranka waa qorshe dowladeed oo\u00a0 mudan in; dhinacyada laga istaago, laga ilaaho col kasta,dhacanna\u00a0 looga teedo dhowr iyo qoomaalba &#8221; . Muunayn iyo bogaadin ka dib, waxa aan doonayaa inaan huwiyo duco iyo ammaan Mudane Dr.Maxamed Daahir Afrax\u00a0 (AHN) oo ahaa\u00a0 tiriig iyo oog iftiin badnaa, webi [&hellip;]","og_url":"https:\/\/aga.so\/so\/bedqabka-afku-waa-bedqabka-qaranka-soomaaliyeed\/","og_site_name":"Akademiye Goboleedka Af Soomaaliga AGA","article_published_time":"2022-12-29T15:57:24+00:00","article_modified_time":"2023-01-08T16:13:46+00:00","og_image":[{"width":960,"height":871,"url":"https:\/\/aga.so\/so\/wp-content\/uploads\/2023\/01\/fb7c24df-a9e9-43d9-9a7b-2348c20b157e.jpg","type":"image\/jpeg"}],"author":"hgb","twitter_card":"summary_large_image","twitter_misc":{"Written by":"hgb","Est. reading time":"6 minutes"},"schema":{"@context":"https:\/\/schema.org","@graph":[{"@type":"Article","@id":"https:\/\/aga.so\/so\/bedqabka-afku-waa-bedqabka-qaranka-soomaaliyeed\/#article","isPartOf":{"@id":"https:\/\/aga.so\/so\/bedqabka-afku-waa-bedqabka-qaranka-soomaaliyeed\/"},"author":{"name":"hgb","@id":"https:\/\/aga.so\/so\/#\/schema\/person\/c89f24807531a9b3d9df95d848134d50"},"headline":"BEDQABKA AFKU WAA BEDQABKA QARANKA SOOMAALIYEED","datePublished":"2022-12-29T15:57:24+00:00","dateModified":"2023-01-08T16:13:46+00:00","mainEntityOfPage":{"@id":"https:\/\/aga.so\/so\/bedqabka-afku-waa-bedqabka-qaranka-soomaaliyeed\/"},"wordCount":1236,"commentCount":0,"publisher":{"@id":"https:\/\/aga.so\/so\/#organization"},"articleSection":["Xulka Maqaallada"],"inLanguage":"en-US","potentialAction":[{"@type":"CommentAction","name":"Comment","target":["https:\/\/aga.so\/so\/bedqabka-afku-waa-bedqabka-qaranka-soomaaliyeed\/#respond"]}]},{"@type":"WebPage","@id":"https:\/\/aga.so\/so\/bedqabka-afku-waa-bedqabka-qaranka-soomaaliyeed\/","url":"https:\/\/aga.so\/so\/bedqabka-afku-waa-bedqabka-qaranka-soomaaliyeed\/","name":"BEDQABKA AFKU WAA BEDQABKA QARANKA SOOMAALIYEED - Akademiye Goboleedka Af Soomaaliga AGA","isPartOf":{"@id":"https:\/\/aga.so\/so\/#website"},"datePublished":"2022-12-29T15:57:24+00:00","dateModified":"2023-01-08T16:13:46+00:00","breadcrumb":{"@id":"https:\/\/aga.so\/so\/bedqabka-afku-waa-bedqabka-qaranka-soomaaliyeed\/#breadcrumb"},"inLanguage":"en-US","potentialAction":[{"@type":"ReadAction","target":["https:\/\/aga.so\/so\/bedqabka-afku-waa-bedqabka-qaranka-soomaaliyeed\/"]}]},{"@type":"BreadcrumbList","@id":"https:\/\/aga.so\/so\/bedqabka-afku-waa-bedqabka-qaranka-soomaaliyeed\/#breadcrumb","itemListElement":[{"@type":"ListItem","position":1,"name":"Home","item":"https:\/\/aga.so\/so\/"},{"@type":"ListItem","position":2,"name":"BEDQABKA AFKU WAA BEDQABKA QARANKA SOOMAALIYEED"}]},{"@type":"WebSite","@id":"https:\/\/aga.so\/so\/#website","url":"https:\/\/aga.so\/so\/","name":"Akademiye Goboleedka Af Soomaaliga AGA","description":"","publisher":{"@id":"https:\/\/aga.so\/so\/#organization"},"potentialAction":[{"@type":"SearchAction","target":{"@type":"EntryPoint","urlTemplate":"https:\/\/aga.so\/so\/?s={search_term_string}"},"query-input":"required name=search_term_string"}],"inLanguage":"en-US"},{"@type":"Organization","@id":"https:\/\/aga.so\/so\/#organization","name":"AGA - Akadeemiya Goboleedka AfSoomaaliga","url":"https:\/\/aga.so\/so\/","logo":{"@type":"ImageObject","inLanguage":"en-US","@id":"https:\/\/aga.so\/so\/#\/schema\/logo\/image\/","url":"https:\/\/aga.so\/so\/wp-content\/uploads\/2020\/10\/favicon-2.png","contentUrl":"https:\/\/aga.so\/so\/wp-content\/uploads\/2020\/10\/favicon-2.png","width":162,"height":83,"caption":"AGA - Akadeemiya Goboleedka AfSoomaaliga"},"image":{"@id":"https:\/\/aga.so\/so\/#\/schema\/logo\/image\/"}},{"@type":"Person","@id":"https:\/\/aga.so\/so\/#\/schema\/person\/c89f24807531a9b3d9df95d848134d50","name":"hgb","image":{"@type":"ImageObject","inLanguage":"en-US","@id":"https:\/\/aga.so\/so\/#\/schema\/person\/image\/","url":"https:\/\/secure.gravatar.com\/avatar\/9cc2fe393829a669530037fc59abb837?s=96&d=mm&r=g","contentUrl":"https:\/\/secure.gravatar.com\/avatar\/9cc2fe393829a669530037fc59abb837?s=96&d=mm&r=g","caption":"hgb"},"url":"https:\/\/aga.so\/so\/author\/hgb\/"}]}},"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/aga.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/7526"}],"collection":[{"href":"https:\/\/aga.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/aga.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/aga.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/users\/1"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/aga.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=7526"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/aga.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/7526\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":7528,"href":"https:\/\/aga.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/7526\/revisions\/7528"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/aga.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media\/7527"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/aga.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=7526"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/aga.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=7526"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/aga.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=7526"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}