{"id":7469,"date":"2022-12-13T17:08:38","date_gmt":"2022-12-13T14:08:38","guid":{"rendered":"https:\/\/aga.so\/so\/?p=7469"},"modified":"2022-12-13T17:08:38","modified_gmt":"2022-12-13T14:08:38","slug":"afka-dhaad-%d9%84%d8%ba%d8%a9-%d8%a7%d9%84%d8%b6%d8%a7%d8%af-iyo-fidintiisa-dhaqameed-bandhig-cilmiyeedka-naadiga-carabta","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/aga.so\/so\/afka-dhaad-%d9%84%d8%ba%d8%a9-%d8%a7%d9%84%d8%b6%d8%a7%d8%af-iyo-fidintiisa-dhaqameed-bandhig-cilmiyeedka-naadiga-carabta\/","title":{"rendered":"Afka Dhaad (\u0644\u063a\u0629 \u0627\u0644\u0636\u0627\u062f) Iyo Fidintiisa Dhaqameed: Bandhig Cilmiyeedka Naadiga Carabta"},"content":{"rendered":"<h4>Naadiga dhaqanka Carabta ee magaalada Sharjah ee dalka Isutagga Imaaraadka Carabta ayaa fiidkii Sabtida ku qabtay bandhig cilmiyeed oo ciwaankiisu ahaa &#8220;Afcarabiga iyo\u00a0 fidintiisa dhaqameed: Afsoomaaliga \u2013tusaale mudan&#8221;. Madal aqooneeddan waxaa ku kulmay Dr. Cabdifitaax Nuur Axmed (Ashkir) iyo Dr. Maxamed Al-amiin Al-semlaali, iyada oo uu goobjoog ka ahaa Dr. Cumar Cabdulcasiis oo ah guddoomiyaha guddiga maamulka naadiga iyo xeeldheerayaal badan.<\/h4>\n<h4>Dr. Maxamed Al-amiin Al-semlaali ayaa soojeedintiisa kaga hadlay dhinacyada raadaynta afeed leh ee luqadda Carabiga iyo saamaynta ka dhex dhalatay afka Carabiga iyo afafka kala duwan ee ay dadkoodu galay diinta Islaamka, ka dibna Dr. Cabdifitaax Nuur Axmed (Ashkir) oo ah cilmibaare ku takhasusay afka, dhaqanka iyo hiddaha Soomaalida, isla mar ahaantaana qoray buugaag iyo cilmibaarisyo dhawr ah, ayaa xoogga saaray darsidda raadka afka Carabigu ku leeyahay Afsoomaaliga.<\/h4>\n<h4>Dr. Cabdifitaax ayaa soojeedintiisa ku bilaabay in macnaha guud ee dhaqan yahay dhaxal uu aadanuhu kasbay. Sidaa darteed, suurtogal ma aha in si gooni ah looga hadlo dhaqanka Soomaalida, iyada oo laga soocay afka Caarabiga, marka la eego in asalka qaar ka mid ah qabaa&#8217;ilka Soomaalidu uu ku arooraayo Carabta iyo teeda kale, sida Soomaalidu ugu dhowdahay Jaziirada Carabta. Sidaa oo ay tahay, waxaa jira cilmibaarisyo muujinaya in Afsoomaaligu uu aad ugu dhow yahay afkii\u00a0 Faraaciinta ee qadiimka ahaa, taas oo ay ugu wacan tahay in ay iska shaabahaan xag dhihid (verbal), samays iyo isrogrogga weedheed (sarfe; morphological) iyo naxwaba iyo xiriirka taariikheed ee ka dhexeeya Soomaalida iyo boqortooyadii Faraaciinta. Hase ahaate, Dr. Cabdifitaax waxaa uu aad u rumaysan yahay in xiriirka ka dhexeeya Afsoomaaliga iyo Carabigu uu ka xooggan yahay kaa hore.<\/h4>\n<h4>Dr. Cabdifitaax waxaa kale uu qabaa in laga yaabo in Afsoomaaliga iyo Carabigu isku asal yihiin, marka la eego in badan oo ka mid ah erayada Afsoomaaliga ee hadda jira ay u eg yihiin lahjaddii reer Xijaas ee waagii hore, lahjaddii Qureysh iyo in weli ay jiraan erayo Carabi ah oo Afsoomaaliga ku jira balse aan loo adeegsan Carabiga maanta.<\/h4>\n<h4>Waxaa kale oo jira isu-ekaansho xagga xeerarka isrogorgga (qaabka isbed-beddelka) ereyga (sarfaha; morphological) oo u dhexeeya labadan af iyo xeerarka naxwe sida godista yeelaha (faacilka) iyo kordhigga layeelaha (mafcuulka) iyo codadka xarfaha qaarkood kuwaas dhihiddoodu ku adagtahay dadka aan Carabta ahayn sida dhawaaqyahada \u2018X\u2019 iyo \u2018C\u2019.<\/h4>\n<h4>Tilmaamo kale ee labadan af ka siman yihiin, afaf kalena la wadaaggi karaan, waa isrogrogga ama doorsoonka ku dhaca ereyga dhigmo iyo dhihidba iyada oo aan macnaha ereygu isbaddalayn, oo ereyada ayaa bilowga, dhexda ama dhammaadka midkood xaraf iska baddalaa ama laba xaraf oo eray qudha ku wada jira ayaa la kala hormariyaa, dabeecaddaasna waxaan la wadaagnaa Afcarbeedka, waxaana loo yaqaan \u2018qalab\u2019 \u2018\u0627\u0644\u0642\u0644\u0628\u2019, tusaale:<\/h4>\n<h4>Xawayaan,\u00a0 oo kolkii hore ahaa<\/h4>\n<h4>Xayawaan;\u00a0 iyo<\/h4>\n<h4>sinji, oo asalkiisu ahaa jinsi.<\/h4>\n<h4>\u062d\u0648\u064a\u0627\u0646 \u2013\u00a0 \u062d\u064a\u0648\u0627\u0646<\/h4>\n<h4>\u0633\u0646\u062c \u2013\u00a0 \u062c\u0646\u0633<\/h4>\n<h4>Ereyo Af-Soomaaliga u gaar ah ayaa jira oo sida kuwa aan kor ku aragnay oo kale isu beddela, sida:<\/h4>\n<h4>Dacawo = dawaco<\/h4>\n<h4>Gamco = gacmo<\/h4>\n<h4>Waxaa jira daahiro kale oo la yiraahdo \u2018Ibdaal (\u0644\u0627\u0644\u0625\u0628\u062f\u0627)\u2019 \u2013waa\u00a0 xaraf booskiisa xaraf kale lagu baddalay, kolkaas oo dhigmada iyo dhihidduba isbaddelayaan, oo tani inta badan waxaa ay ku timaaddaa erayo asalkoodu Carabi ka yimid baa kolkii ay Soomaaliyoobeen xaraf ama xuruufi isbeddeleen. Tusaale:<\/h4>\n<h4>Afsoomaali\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0 Carabi<\/h4>\n<h4>macallin\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0 macallim<\/h4>\n<h4>islaan\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0 islaam<\/h4>\n<h4>caalin\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0 caalim<\/h4>\n<h4>salaan\u00a0\u00a0 salaam<\/h4>\n<h4>Cilmi-baaruhu waxa uu tilmaamay, meelaha qarkood, isu-ekaansho xagga maansada, tusaale ahaan, qaafiyadda maansada Soomaalidu aanay wax badan ka duwanayn tan Carabiga.<\/h4>\n<h4>Dr. Cumar Cabdulcasiis oo faallo ka bixiyey mawduuca kulanka ayaa sheegay in afafka aadanuhu ay ku sugan yihiin xaalad isdhexgal joogto ah, sidaa awgeedna haybta Soomaalidu waxaa ay ku dhowdahay tan Carabeed. Falalka (verbs) Afsoomaaliguna waxaa ay u dhaqmaan (hawlgalaan) isla sida uu dhaqmo Afcarbeedku. Deegaanka Soomaalidu ku nooshahay waxaa uu aad ugu eg yahay kan Carbeed, habnololeedka reermiyinimo kolka la eegana, waxaa ay qabatintay hidde afeed lahaa cabbiro gaar ah oo la xiriira gabayga iyo murtida.<\/h4>\n<h4>Madal aqooneeddan waxaa qayb ahaan lagu maamuusay, si gaar ahna loogu xusuustay Dr. Maxamed Daahir Afrax iyo qoraalladiisii ku saabsanaa xiriirrada ka dhexeeya afafka iyo dhaqamada shucuubta\u00a0 Gacanka Cadmeed iyo Geeska Afrika oo uu ka mid ahaa buuggiisii &#8220;Daaqadda Hal-abuurka Gacanka Cadmeed&#8221; &#8220;\u0646\u0627\u0641\u0630\u0629 \u0639\u0644\u0649 \u0627\u0644\u0625\u0628\u062f\u0627\u0639 \u0641\u064a \u0645\u0646\u0637\u0642\u0629 \u062e\u0644\u064a\u062c \u0639\u062f\u0646&#8221; buuggaas oo si bilaash oo loogu qaybiyey ka soo qaybgalayaasha kulan-aqooneedka.<\/h4>\n<h4><strong>Waxaa diyaariyay: Burhaan Axmed Daahir<\/strong><\/h4>\n<h4><strong>Xigasho: Shaariqah \u2013 Al-Bayaan<\/strong><\/h4>\n<h4><strong>Taariikh: December 10, 2022<\/strong><\/h4>\n<h4><img decoding=\"async\" loading=\"lazy\" class=\"alignnone size-medium wp-image-7471\" src=\"https:\/\/aga.so\/so\/wp-content\/uploads\/2022\/12\/c293ea56-2864-4da6-b976-84da6164a807-262x300.jpg\" alt=\"\" width=\"262\" height=\"300\" srcset=\"https:\/\/aga.so\/so\/wp-content\/uploads\/2022\/12\/c293ea56-2864-4da6-b976-84da6164a807-262x300.jpg 262w, https:\/\/aga.so\/so\/wp-content\/uploads\/2022\/12\/c293ea56-2864-4da6-b976-84da6164a807-893x1024.jpg 893w, https:\/\/aga.so\/so\/wp-content\/uploads\/2022\/12\/c293ea56-2864-4da6-b976-84da6164a807-768x881.jpg 768w, https:\/\/aga.so\/so\/wp-content\/uploads\/2022\/12\/c293ea56-2864-4da6-b976-84da6164a807-150x172.jpg 150w, https:\/\/aga.so\/so\/wp-content\/uploads\/2022\/12\/c293ea56-2864-4da6-b976-84da6164a807-300x344.jpg 300w, https:\/\/aga.so\/so\/wp-content\/uploads\/2022\/12\/c293ea56-2864-4da6-b976-84da6164a807-600x688.jpg 600w, https:\/\/aga.so\/so\/wp-content\/uploads\/2022\/12\/c293ea56-2864-4da6-b976-84da6164a807-696x798.jpg 696w, https:\/\/aga.so\/so\/wp-content\/uploads\/2022\/12\/c293ea56-2864-4da6-b976-84da6164a807-366x420.jpg 366w, https:\/\/aga.so\/so\/wp-content\/uploads\/2022\/12\/c293ea56-2864-4da6-b976-84da6164a807-733x840.jpg 733w, https:\/\/aga.so\/so\/wp-content\/uploads\/2022\/12\/c293ea56-2864-4da6-b976-84da6164a807.jpg 942w\" sizes=\"(max-width: 262px) 100vw, 262px\" \/> <img decoding=\"async\" loading=\"lazy\" class=\"alignnone size-medium wp-image-7470\" src=\"https:\/\/aga.so\/so\/wp-content\/uploads\/2022\/12\/1f1e9d1b-aead-4093-85d5-a8ade2e80067-268x300.jpg\" alt=\"\" width=\"268\" height=\"300\" srcset=\"https:\/\/aga.so\/so\/wp-content\/uploads\/2022\/12\/1f1e9d1b-aead-4093-85d5-a8ade2e80067-268x300.jpg 268w, https:\/\/aga.so\/so\/wp-content\/uploads\/2022\/12\/1f1e9d1b-aead-4093-85d5-a8ade2e80067-914x1024.jpg 914w, https:\/\/aga.so\/so\/wp-content\/uploads\/2022\/12\/1f1e9d1b-aead-4093-85d5-a8ade2e80067-768x860.jpg 768w, https:\/\/aga.so\/so\/wp-content\/uploads\/2022\/12\/1f1e9d1b-aead-4093-85d5-a8ade2e80067-150x168.jpg 150w, https:\/\/aga.so\/so\/wp-content\/uploads\/2022\/12\/1f1e9d1b-aead-4093-85d5-a8ade2e80067-300x336.jpg 300w, https:\/\/aga.so\/so\/wp-content\/uploads\/2022\/12\/1f1e9d1b-aead-4093-85d5-a8ade2e80067-600x672.jpg 600w, https:\/\/aga.so\/so\/wp-content\/uploads\/2022\/12\/1f1e9d1b-aead-4093-85d5-a8ade2e80067-696x780.jpg 696w, https:\/\/aga.so\/so\/wp-content\/uploads\/2022\/12\/1f1e9d1b-aead-4093-85d5-a8ade2e80067-375x420.jpg 375w, https:\/\/aga.so\/so\/wp-content\/uploads\/2022\/12\/1f1e9d1b-aead-4093-85d5-a8ade2e80067-750x840.jpg 750w, https:\/\/aga.so\/so\/wp-content\/uploads\/2022\/12\/1f1e9d1b-aead-4093-85d5-a8ade2e80067.jpg 964w\" sizes=\"(max-width: 268px) 100vw, 268px\" \/><\/h4>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Naadiga dhaqanka Carabta ee magaalada Sharjah ee dalka Isutagga Imaaraadka Carabta ayaa fiidkii Sabtida ku qabtay bandhig cilmiyeed oo ciwaankiisu ahaa &#8220;Afcarabiga iyo\u00a0 fidintiisa dhaqameed: Afsoomaaliga \u2013tusaale mudan&#8221;. Madal aqooneeddan waxaa ku kulmay Dr. Cabdifitaax Nuur Axmed (Ashkir) iyo Dr. Maxamed Al-amiin Al-semlaali, iyada oo uu goobjoog ka ahaa Dr. Cumar Cabdulcasiis oo ah guddoomiyaha [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":1,"featured_media":7472,"comment_status":"open","ping_status":"open","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"inline_featured_image":false},"categories":[17,24],"tags":[],"yoast_head":"<!-- This site is optimized with the Yoast SEO plugin v20.2.1 - https:\/\/yoast.com\/wordpress\/plugins\/seo\/ -->\n<title>Afka Dhaad (\u0644\u063a\u0629 \u0627\u0644\u0636\u0627\u062f) Iyo Fidintiisa Dhaqameed: Bandhig Cilmiyeedka Naadiga Carabta - Akademiye Goboleedka Af Soomaaliga AGA<\/title>\n<meta name=\"robots\" content=\"index, follow, max-snippet:-1, max-image-preview:large, max-video-preview:-1\" \/>\n<link rel=\"canonical\" href=\"https:\/\/aga.so\/so\/afka-dhaad-\u0644\u063a\u0629-\u0627\u0644\u0636\u0627\u062f-iyo-fidintiisa-dhaqameed-bandhig-cilmiyeedka-naadiga-carabta\/\" \/>\n<meta property=\"og:locale\" content=\"en_US\" \/>\n<meta property=\"og:type\" content=\"article\" \/>\n<meta property=\"og:title\" content=\"Afka Dhaad (\u0644\u063a\u0629 \u0627\u0644\u0636\u0627\u062f) Iyo Fidintiisa Dhaqameed: Bandhig Cilmiyeedka Naadiga Carabta - Akademiye Goboleedka Af Soomaaliga AGA\" \/>\n<meta property=\"og:description\" content=\"Naadiga dhaqanka Carabta ee magaalada Sharjah ee dalka Isutagga Imaaraadka Carabta ayaa fiidkii Sabtida ku qabtay bandhig cilmiyeed oo ciwaankiisu ahaa &#8220;Afcarabiga iyo\u00a0 fidintiisa dhaqameed: Afsoomaaliga \u2013tusaale mudan&#8221;. Madal aqooneeddan waxaa ku kulmay Dr. Cabdifitaax Nuur Axmed (Ashkir) iyo Dr. Maxamed Al-amiin Al-semlaali, iyada oo uu goobjoog ka ahaa Dr. Cumar Cabdulcasiis oo ah guddoomiyaha [&hellip;]\" \/>\n<meta property=\"og:url\" content=\"https:\/\/aga.so\/so\/afka-dhaad-\u0644\u063a\u0629-\u0627\u0644\u0636\u0627\u062f-iyo-fidintiisa-dhaqameed-bandhig-cilmiyeedka-naadiga-carabta\/\" \/>\n<meta property=\"og:site_name\" content=\"Akademiye Goboleedka Af Soomaaliga AGA\" \/>\n<meta property=\"article:published_time\" content=\"2022-12-13T14:08:38+00:00\" \/>\n<meta property=\"og:image\" content=\"https:\/\/aga.so\/so\/wp-content\/uploads\/2022\/12\/fd24a959-1d46-4473-bf0f-aa21f6ce9239.jpg\" \/>\n\t<meta property=\"og:image:width\" content=\"1080\" \/>\n\t<meta property=\"og:image:height\" content=\"810\" \/>\n\t<meta property=\"og:image:type\" content=\"image\/jpeg\" \/>\n<meta name=\"author\" content=\"hgb\" \/>\n<meta name=\"twitter:card\" content=\"summary_large_image\" \/>\n<meta name=\"twitter:label1\" content=\"Written by\" \/>\n\t<meta name=\"twitter:data1\" content=\"hgb\" \/>\n\t<meta name=\"twitter:label2\" content=\"Est. reading time\" \/>\n\t<meta name=\"twitter:data2\" content=\"4 minutes\" \/>\n<script type=\"application\/ld+json\" class=\"yoast-schema-graph\">{\"@context\":\"https:\/\/schema.org\",\"@graph\":[{\"@type\":\"Article\",\"@id\":\"https:\/\/aga.so\/so\/afka-dhaad-%d9%84%d8%ba%d8%a9-%d8%a7%d9%84%d8%b6%d8%a7%d8%af-iyo-fidintiisa-dhaqameed-bandhig-cilmiyeedka-naadiga-carabta\/#article\",\"isPartOf\":{\"@id\":\"https:\/\/aga.so\/so\/afka-dhaad-%d9%84%d8%ba%d8%a9-%d8%a7%d9%84%d8%b6%d8%a7%d8%af-iyo-fidintiisa-dhaqameed-bandhig-cilmiyeedka-naadiga-carabta\/\"},\"author\":{\"name\":\"hgb\",\"@id\":\"https:\/\/aga.so\/so\/#\/schema\/person\/c89f24807531a9b3d9df95d848134d50\"},\"headline\":\"Afka Dhaad (\u0644\u063a\u0629 \u0627\u0644\u0636\u0627\u062f) Iyo Fidintiisa Dhaqameed: Bandhig Cilmiyeedka Naadiga Carabta\",\"datePublished\":\"2022-12-13T14:08:38+00:00\",\"dateModified\":\"2022-12-13T14:08:38+00:00\",\"mainEntityOfPage\":{\"@id\":\"https:\/\/aga.so\/so\/afka-dhaad-%d9%84%d8%ba%d8%a9-%d8%a7%d9%84%d8%b6%d8%a7%d8%af-iyo-fidintiisa-dhaqameed-bandhig-cilmiyeedka-naadiga-carabta\/\"},\"wordCount\":689,\"commentCount\":0,\"publisher\":{\"@id\":\"https:\/\/aga.so\/so\/#organization\"},\"articleSection\":[\"Featured\",\"Xulka Maqaallada\"],\"inLanguage\":\"en-US\",\"potentialAction\":[{\"@type\":\"CommentAction\",\"name\":\"Comment\",\"target\":[\"https:\/\/aga.so\/so\/afka-dhaad-%d9%84%d8%ba%d8%a9-%d8%a7%d9%84%d8%b6%d8%a7%d8%af-iyo-fidintiisa-dhaqameed-bandhig-cilmiyeedka-naadiga-carabta\/#respond\"]}]},{\"@type\":\"WebPage\",\"@id\":\"https:\/\/aga.so\/so\/afka-dhaad-%d9%84%d8%ba%d8%a9-%d8%a7%d9%84%d8%b6%d8%a7%d8%af-iyo-fidintiisa-dhaqameed-bandhig-cilmiyeedka-naadiga-carabta\/\",\"url\":\"https:\/\/aga.so\/so\/afka-dhaad-%d9%84%d8%ba%d8%a9-%d8%a7%d9%84%d8%b6%d8%a7%d8%af-iyo-fidintiisa-dhaqameed-bandhig-cilmiyeedka-naadiga-carabta\/\",\"name\":\"Afka Dhaad (\u0644\u063a\u0629 \u0627\u0644\u0636\u0627\u062f) Iyo Fidintiisa Dhaqameed: Bandhig Cilmiyeedka Naadiga Carabta - Akademiye Goboleedka Af Soomaaliga AGA\",\"isPartOf\":{\"@id\":\"https:\/\/aga.so\/so\/#website\"},\"datePublished\":\"2022-12-13T14:08:38+00:00\",\"dateModified\":\"2022-12-13T14:08:38+00:00\",\"breadcrumb\":{\"@id\":\"https:\/\/aga.so\/so\/afka-dhaad-%d9%84%d8%ba%d8%a9-%d8%a7%d9%84%d8%b6%d8%a7%d8%af-iyo-fidintiisa-dhaqameed-bandhig-cilmiyeedka-naadiga-carabta\/#breadcrumb\"},\"inLanguage\":\"en-US\",\"potentialAction\":[{\"@type\":\"ReadAction\",\"target\":[\"https:\/\/aga.so\/so\/afka-dhaad-%d9%84%d8%ba%d8%a9-%d8%a7%d9%84%d8%b6%d8%a7%d8%af-iyo-fidintiisa-dhaqameed-bandhig-cilmiyeedka-naadiga-carabta\/\"]}]},{\"@type\":\"BreadcrumbList\",\"@id\":\"https:\/\/aga.so\/so\/afka-dhaad-%d9%84%d8%ba%d8%a9-%d8%a7%d9%84%d8%b6%d8%a7%d8%af-iyo-fidintiisa-dhaqameed-bandhig-cilmiyeedka-naadiga-carabta\/#breadcrumb\",\"itemListElement\":[{\"@type\":\"ListItem\",\"position\":1,\"name\":\"Home\",\"item\":\"https:\/\/aga.so\/so\/\"},{\"@type\":\"ListItem\",\"position\":2,\"name\":\"Afka Dhaad (\u0644\u063a\u0629 \u0627\u0644\u0636\u0627\u062f) Iyo Fidintiisa Dhaqameed: Bandhig Cilmiyeedka Naadiga Carabta\"}]},{\"@type\":\"WebSite\",\"@id\":\"https:\/\/aga.so\/so\/#website\",\"url\":\"https:\/\/aga.so\/so\/\",\"name\":\"Akademiye Goboleedka Af Soomaaliga AGA\",\"description\":\"\",\"publisher\":{\"@id\":\"https:\/\/aga.so\/so\/#organization\"},\"potentialAction\":[{\"@type\":\"SearchAction\",\"target\":{\"@type\":\"EntryPoint\",\"urlTemplate\":\"https:\/\/aga.so\/so\/?s={search_term_string}\"},\"query-input\":\"required name=search_term_string\"}],\"inLanguage\":\"en-US\"},{\"@type\":\"Organization\",\"@id\":\"https:\/\/aga.so\/so\/#organization\",\"name\":\"AGA - Akadeemiya Goboleedka AfSoomaaliga\",\"url\":\"https:\/\/aga.so\/so\/\",\"logo\":{\"@type\":\"ImageObject\",\"inLanguage\":\"en-US\",\"@id\":\"https:\/\/aga.so\/so\/#\/schema\/logo\/image\/\",\"url\":\"https:\/\/aga.so\/so\/wp-content\/uploads\/2020\/10\/favicon-2.png\",\"contentUrl\":\"https:\/\/aga.so\/so\/wp-content\/uploads\/2020\/10\/favicon-2.png\",\"width\":162,\"height\":83,\"caption\":\"AGA - Akadeemiya Goboleedka AfSoomaaliga\"},\"image\":{\"@id\":\"https:\/\/aga.so\/so\/#\/schema\/logo\/image\/\"}},{\"@type\":\"Person\",\"@id\":\"https:\/\/aga.so\/so\/#\/schema\/person\/c89f24807531a9b3d9df95d848134d50\",\"name\":\"hgb\",\"image\":{\"@type\":\"ImageObject\",\"inLanguage\":\"en-US\",\"@id\":\"https:\/\/aga.so\/so\/#\/schema\/person\/image\/\",\"url\":\"https:\/\/secure.gravatar.com\/avatar\/9cc2fe393829a669530037fc59abb837?s=96&d=mm&r=g\",\"contentUrl\":\"https:\/\/secure.gravatar.com\/avatar\/9cc2fe393829a669530037fc59abb837?s=96&d=mm&r=g\",\"caption\":\"hgb\"},\"url\":\"https:\/\/aga.so\/so\/author\/hgb\/\"}]}<\/script>\n<!-- \/ Yoast SEO plugin. -->","yoast_head_json":{"title":"Afka Dhaad (\u0644\u063a\u0629 \u0627\u0644\u0636\u0627\u062f) Iyo Fidintiisa Dhaqameed: Bandhig Cilmiyeedka Naadiga Carabta - Akademiye Goboleedka Af Soomaaliga AGA","robots":{"index":"index","follow":"follow","max-snippet":"max-snippet:-1","max-image-preview":"max-image-preview:large","max-video-preview":"max-video-preview:-1"},"canonical":"https:\/\/aga.so\/so\/afka-dhaad-\u0644\u063a\u0629-\u0627\u0644\u0636\u0627\u062f-iyo-fidintiisa-dhaqameed-bandhig-cilmiyeedka-naadiga-carabta\/","og_locale":"en_US","og_type":"article","og_title":"Afka Dhaad (\u0644\u063a\u0629 \u0627\u0644\u0636\u0627\u062f) Iyo Fidintiisa Dhaqameed: Bandhig Cilmiyeedka Naadiga Carabta - Akademiye Goboleedka Af Soomaaliga AGA","og_description":"Naadiga dhaqanka Carabta ee magaalada Sharjah ee dalka Isutagga Imaaraadka Carabta ayaa fiidkii Sabtida ku qabtay bandhig cilmiyeed oo ciwaankiisu ahaa &#8220;Afcarabiga iyo\u00a0 fidintiisa dhaqameed: Afsoomaaliga \u2013tusaale mudan&#8221;. Madal aqooneeddan waxaa ku kulmay Dr. Cabdifitaax Nuur Axmed (Ashkir) iyo Dr. Maxamed Al-amiin Al-semlaali, iyada oo uu goobjoog ka ahaa Dr. Cumar Cabdulcasiis oo ah guddoomiyaha [&hellip;]","og_url":"https:\/\/aga.so\/so\/afka-dhaad-\u0644\u063a\u0629-\u0627\u0644\u0636\u0627\u062f-iyo-fidintiisa-dhaqameed-bandhig-cilmiyeedka-naadiga-carabta\/","og_site_name":"Akademiye Goboleedka Af Soomaaliga AGA","article_published_time":"2022-12-13T14:08:38+00:00","og_image":[{"width":1080,"height":810,"url":"https:\/\/aga.so\/so\/wp-content\/uploads\/2022\/12\/fd24a959-1d46-4473-bf0f-aa21f6ce9239.jpg","type":"image\/jpeg"}],"author":"hgb","twitter_card":"summary_large_image","twitter_misc":{"Written by":"hgb","Est. reading time":"4 minutes"},"schema":{"@context":"https:\/\/schema.org","@graph":[{"@type":"Article","@id":"https:\/\/aga.so\/so\/afka-dhaad-%d9%84%d8%ba%d8%a9-%d8%a7%d9%84%d8%b6%d8%a7%d8%af-iyo-fidintiisa-dhaqameed-bandhig-cilmiyeedka-naadiga-carabta\/#article","isPartOf":{"@id":"https:\/\/aga.so\/so\/afka-dhaad-%d9%84%d8%ba%d8%a9-%d8%a7%d9%84%d8%b6%d8%a7%d8%af-iyo-fidintiisa-dhaqameed-bandhig-cilmiyeedka-naadiga-carabta\/"},"author":{"name":"hgb","@id":"https:\/\/aga.so\/so\/#\/schema\/person\/c89f24807531a9b3d9df95d848134d50"},"headline":"Afka Dhaad (\u0644\u063a\u0629 \u0627\u0644\u0636\u0627\u062f) Iyo Fidintiisa Dhaqameed: Bandhig Cilmiyeedka Naadiga Carabta","datePublished":"2022-12-13T14:08:38+00:00","dateModified":"2022-12-13T14:08:38+00:00","mainEntityOfPage":{"@id":"https:\/\/aga.so\/so\/afka-dhaad-%d9%84%d8%ba%d8%a9-%d8%a7%d9%84%d8%b6%d8%a7%d8%af-iyo-fidintiisa-dhaqameed-bandhig-cilmiyeedka-naadiga-carabta\/"},"wordCount":689,"commentCount":0,"publisher":{"@id":"https:\/\/aga.so\/so\/#organization"},"articleSection":["Featured","Xulka Maqaallada"],"inLanguage":"en-US","potentialAction":[{"@type":"CommentAction","name":"Comment","target":["https:\/\/aga.so\/so\/afka-dhaad-%d9%84%d8%ba%d8%a9-%d8%a7%d9%84%d8%b6%d8%a7%d8%af-iyo-fidintiisa-dhaqameed-bandhig-cilmiyeedka-naadiga-carabta\/#respond"]}]},{"@type":"WebPage","@id":"https:\/\/aga.so\/so\/afka-dhaad-%d9%84%d8%ba%d8%a9-%d8%a7%d9%84%d8%b6%d8%a7%d8%af-iyo-fidintiisa-dhaqameed-bandhig-cilmiyeedka-naadiga-carabta\/","url":"https:\/\/aga.so\/so\/afka-dhaad-%d9%84%d8%ba%d8%a9-%d8%a7%d9%84%d8%b6%d8%a7%d8%af-iyo-fidintiisa-dhaqameed-bandhig-cilmiyeedka-naadiga-carabta\/","name":"Afka Dhaad (\u0644\u063a\u0629 \u0627\u0644\u0636\u0627\u062f) Iyo Fidintiisa Dhaqameed: Bandhig Cilmiyeedka Naadiga Carabta - Akademiye Goboleedka Af Soomaaliga AGA","isPartOf":{"@id":"https:\/\/aga.so\/so\/#website"},"datePublished":"2022-12-13T14:08:38+00:00","dateModified":"2022-12-13T14:08:38+00:00","breadcrumb":{"@id":"https:\/\/aga.so\/so\/afka-dhaad-%d9%84%d8%ba%d8%a9-%d8%a7%d9%84%d8%b6%d8%a7%d8%af-iyo-fidintiisa-dhaqameed-bandhig-cilmiyeedka-naadiga-carabta\/#breadcrumb"},"inLanguage":"en-US","potentialAction":[{"@type":"ReadAction","target":["https:\/\/aga.so\/so\/afka-dhaad-%d9%84%d8%ba%d8%a9-%d8%a7%d9%84%d8%b6%d8%a7%d8%af-iyo-fidintiisa-dhaqameed-bandhig-cilmiyeedka-naadiga-carabta\/"]}]},{"@type":"BreadcrumbList","@id":"https:\/\/aga.so\/so\/afka-dhaad-%d9%84%d8%ba%d8%a9-%d8%a7%d9%84%d8%b6%d8%a7%d8%af-iyo-fidintiisa-dhaqameed-bandhig-cilmiyeedka-naadiga-carabta\/#breadcrumb","itemListElement":[{"@type":"ListItem","position":1,"name":"Home","item":"https:\/\/aga.so\/so\/"},{"@type":"ListItem","position":2,"name":"Afka Dhaad (\u0644\u063a\u0629 \u0627\u0644\u0636\u0627\u062f) Iyo Fidintiisa Dhaqameed: Bandhig Cilmiyeedka Naadiga Carabta"}]},{"@type":"WebSite","@id":"https:\/\/aga.so\/so\/#website","url":"https:\/\/aga.so\/so\/","name":"Akademiye Goboleedka Af Soomaaliga AGA","description":"","publisher":{"@id":"https:\/\/aga.so\/so\/#organization"},"potentialAction":[{"@type":"SearchAction","target":{"@type":"EntryPoint","urlTemplate":"https:\/\/aga.so\/so\/?s={search_term_string}"},"query-input":"required name=search_term_string"}],"inLanguage":"en-US"},{"@type":"Organization","@id":"https:\/\/aga.so\/so\/#organization","name":"AGA - Akadeemiya Goboleedka AfSoomaaliga","url":"https:\/\/aga.so\/so\/","logo":{"@type":"ImageObject","inLanguage":"en-US","@id":"https:\/\/aga.so\/so\/#\/schema\/logo\/image\/","url":"https:\/\/aga.so\/so\/wp-content\/uploads\/2020\/10\/favicon-2.png","contentUrl":"https:\/\/aga.so\/so\/wp-content\/uploads\/2020\/10\/favicon-2.png","width":162,"height":83,"caption":"AGA - Akadeemiya Goboleedka AfSoomaaliga"},"image":{"@id":"https:\/\/aga.so\/so\/#\/schema\/logo\/image\/"}},{"@type":"Person","@id":"https:\/\/aga.so\/so\/#\/schema\/person\/c89f24807531a9b3d9df95d848134d50","name":"hgb","image":{"@type":"ImageObject","inLanguage":"en-US","@id":"https:\/\/aga.so\/so\/#\/schema\/person\/image\/","url":"https:\/\/secure.gravatar.com\/avatar\/9cc2fe393829a669530037fc59abb837?s=96&d=mm&r=g","contentUrl":"https:\/\/secure.gravatar.com\/avatar\/9cc2fe393829a669530037fc59abb837?s=96&d=mm&r=g","caption":"hgb"},"url":"https:\/\/aga.so\/so\/author\/hgb\/"}]}},"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/aga.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/7469"}],"collection":[{"href":"https:\/\/aga.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/aga.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/aga.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/users\/1"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/aga.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=7469"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/aga.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/7469\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":7473,"href":"https:\/\/aga.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/7469\/revisions\/7473"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/aga.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media\/7472"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/aga.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=7469"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/aga.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=7469"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/aga.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=7469"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}