{"id":7006,"date":"2022-08-19T19:52:19","date_gmt":"2022-08-19T16:52:19","guid":{"rendered":"https:\/\/aga.so\/so\/?p=7006"},"modified":"2022-08-19T19:55:08","modified_gmt":"2022-08-19T16:55:08","slug":"madxafkii-miyaa-dumay","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/aga.so\/so\/madxafkii-miyaa-dumay\/","title":{"rendered":"MADXAFKII MIYAA DUMAY?!"},"content":{"rendered":"<h4>Labeenta iyo miidda hadalku waa: Godlashada hal-abuurka iyo burqashada suugaanruugga mudhbaxay, fahanka, dhuuxidda, falanqaynta iyo faaqidaadda gunta gabayga, seeska masafada, xuddunta geeraarka, madiixa giishka, dananka heesaha iyo jaadadka kale ee tixda oo laga helo kobcin aqooneed iyo itaal garasho.<\/h4>\n<h4><em><strong>Maxamed Ibraahin Warsame (Hadraawi)<\/strong><\/em> maanta ayuu ku go&#8217;ay magaalada Hargaysa August 18, 2022<\/h4>\n<h4>Waxa uu ahaa dugsi laga barto nolosha iyo seeskeeda. Waxa uu ahaa durdur burqanaya oo lagu oonbaxo. Waxa uu ahaa webi deeqsi ah. Waxa uu ahaa badweyn hodan ah iyo miid, magas iyo mullaax leh.<\/h4>\n<h4>Mar kale, waxa uu ahaa abwaan gaasabaxay, cabqari anuug ah, suugaandhaadhi hela duxda hadalka iyo giraanta baanaha. Waxa uu ahaa buuni baxdow ah, oo aan looga maarmin golaha iyo geedka lagu gorfeeyo ama la isku dhaafsado dhacdooyinka ka la duwan.<\/h4>\n<h4><em><strong>Maxamed Ibraahim Warsame (Hadraawi)<\/strong> <\/em>waxa uu astaan u ahaa caddaaladda, sinnaanta, garsoorka cuddoon, xorriyadda, is-ahaanshaha, nabadda iyo nolosha middeeda wanaagsan. Waxa uu ka guban jiray dulmiga, eexda, gaboodfalka, kelitaliska iyo aabiga lagu la kaco aadanaha karaamaysan.<\/h4>\n<h4>Ilaahay waxa aan uga tuugayaa inuu ka waraabiyo durdurkii iyo ishii jannadii Fardowsa. Denbidhaaf iyo naxiis mug leh ayaan Eebbe-Weyne u weydiinayaa in uu ku galllado. Eebbow adaa awood\u00a0 leh, oo Qaadir ah; eebbow adaa bixiya naxariis guud iyo mid gaar ah, ee huwi addoonkaagan martida kuu ah. Eebbow adaan kaa tuugayaa in aad galiso jannadda ilwaadka iyo ugbaadka leh, farxadda iyo nolosha wanaagsan leh.<\/h4>\n<h4>Suugaan duxdeediyo<\/h4>\n<h4>Damalkii harka lahaa<\/h4>\n<h4>Dadweynuhu ku hiran jirey<\/h4>\n<h4>Madxafkii miyaa dumay?!<\/h4>\n<p>&#8212;&#8212;&#8212;&#8212;&#8212;&#8212;&#8212;&#8212;&#8212;&#8212;&#8211;<\/p>\n<h4>Garashada dirkeediyo<\/h4>\n<h4>Durdurkii macaanaa<\/h4>\n<h4>Dadweynuhu ku hiran jiray<\/h4>\n<h4>Madxafkii miyaa dumay?!<\/h4>\n<p>&#8212;&#8212;&#8212;&#8212;&#8212;&#8212;&#8212;&#8212;&#8212;&#8212;&#8211;<\/p>\n<h4>Dalmarkii adduunkiyo<\/h4>\n<h4>Daawadii cuddoonayd<\/h4>\n<h4>Dadweynuhu ku hiran jiray<\/h4>\n<h4>Matxafkii miyaa dumay?!<\/h4>\n<p>&#8212;&#8212;&#8212;&#8212;&#8212;&#8212;&#8212;&#8212;&#8212;&#8212;&#8211;<\/p>\n<h4>Diricii astaantiyo<\/h4>\n<h4>Dacwadii sinnaantiyo<\/h4>\n<h4>Dayrkii dugsoonaa<\/h4>\n<h4>Dadweynuhu ku hiran jiray<\/h4>\n<h4>Madxafkii miyaa dumay?!<\/h4>\n<p>&#8212;&#8212;&#8212;&#8212;&#8212;&#8212;&#8212;&#8212;&#8212;&#8212;&#8211;<\/p>\n<h4>Hadduu maanta iga dumay<\/h4>\n<h4>Yaa dirirta hadalkiyo<\/h4>\n<h4>Duurxulkeeda wadi kara?!<\/h4>\n<h4>&#8212;&#8212;&#8212;&#8212;&#8212;&#8212;&#8212;&#8212;&#8212;&#8212;&#8212;&#8211;<\/h4>\n<h4>Dabarrada isdhaafiyo<\/h4>\n<h4>Dildilaha isgarabyaal<\/h4>\n<h4>Dacal yaa ka garan kara?<\/h4>\n<p>&#8212;&#8212;&#8212;&#8212;&#8212;&#8212;&#8212;&#8212;&#8212;&#8212;&#8212;-<\/p>\n<h4>Yaa darmaanta shaaximan<\/h4>\n<h4>Iyo duubcad waranlaha<\/h4>\n<h4>Dusha sare ka hubin kara?<\/h4>\n<p>&#8212;&#8212;&#8212;&#8212;&#8212;&#8212;&#8212;&#8212;&#8212;&#8212;&#8212;-<\/p>\n<h4>Yaa diinta hodonka ah<\/h4>\n<h4>Hadba dacal ka eegoo<\/h4>\n<h4>Sirta daahan helayoo<\/h4>\n<h4>Diiwaanka nuurka leh<\/h4>\n<h4>Dusha sare ka hubin kara?<\/h4>\n<h4>&#8212;&#8212;&#8212;&#8212;&#8212;&#8212;&#8212;&#8212;&#8212;&#8212;&#8212;&#8212;-<\/h4>\n<h4>Yaa gaboodfal daahiray<\/h4>\n<h4>Iyo aabhi damac dhalay<\/h4>\n<h4>Iyo eex dad lagu gubay<\/h4>\n<h4>Iyo dawlad guriso ah<\/h4>\n<h4>Duhurkii ushaw luli<\/h4>\n<h4>&#8220;Dib u joogso&#8221; oran kara?<\/h4>\n<h4>&#8212;&#8212;&#8212;&#8212;&#8212;&#8212;&#8212;&#8212;&#8212;&#8212;&#8212;&#8212;-<\/h4>\n<h4>Dadweynaha saboolka ah<\/h4>\n<h4>Danyartiyo agoomaha<\/h4>\n<h4>Diirkooda dhalanrogan<\/h4>\n<h4>Dakharradu ka muuqdaan<\/h4>\n<h4>Dusha sare ka hubin kara?<\/h4>\n<h4>&#8212;&#8212;&#8212;&#8212;&#8212;&#8212;&#8212;&#8212;&#8212;&#8212;&#8212;&#8212;-<\/h4>\n<h4>Ku maa awrka dabi karaa?<\/h4>\n<h4>Duddo yaa wax siin kara?<\/h4>\n<h4>Yaa dayaxa\u00a0 sare iyo<\/h4>\n<h4>Najmi dumay wax fari kara?<\/h4>\n<h4>Yaa qardhaasta daabacan<\/h4>\n<h4>Danta guud ka hubin kara?<\/h4>\n<h4>\u00a0 \u00a0 \u00a0<strong>\u00a0Waxaa Diyaariyay:<\/strong><\/h4>\n<h4><strong>MAXAMUUD CALI AADAN HOORRI<\/strong><\/h4>\n<h4><strong>Khamiis, August 18, 2022<\/strong><\/h4>\n<h4><strong>Muqdisho, Soomaaliya.<\/strong><\/h4>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Labeenta iyo miidda hadalku waa: Godlashada hal-abuurka iyo burqashada suugaanruugga mudhbaxay, fahanka, dhuuxidda, falanqaynta iyo faaqidaadda gunta gabayga, seeska masafada, xuddunta geeraarka, madiixa giishka, dananka heesaha iyo jaadadka kale ee tixda oo laga helo kobcin aqooneed iyo itaal garasho. Maxamed Ibraahin Warsame (Hadraawi) maanta ayuu ku go&#8217;ay magaalada Hargaysa August 18, 2022 Waxa uu ahaa [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":1,"featured_media":7007,"comment_status":"open","ping_status":"open","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"inline_featured_image":false},"categories":[17,1],"tags":[],"yoast_head":"<!-- This site is optimized with the Yoast SEO plugin v20.2.1 - https:\/\/yoast.com\/wordpress\/plugins\/seo\/ -->\n<title>MADXAFKII MIYAA DUMAY?! - Akademiye Goboleedka Af Soomaaliga AGA<\/title>\n<meta name=\"robots\" content=\"index, follow, max-snippet:-1, max-image-preview:large, max-video-preview:-1\" \/>\n<link rel=\"canonical\" href=\"https:\/\/aga.so\/so\/madxafkii-miyaa-dumay\/\" \/>\n<meta property=\"og:locale\" content=\"en_US\" \/>\n<meta property=\"og:type\" content=\"article\" \/>\n<meta property=\"og:title\" content=\"MADXAFKII MIYAA DUMAY?! - Akademiye Goboleedka Af Soomaaliga AGA\" \/>\n<meta property=\"og:description\" content=\"Labeenta iyo miidda hadalku waa: Godlashada hal-abuurka iyo burqashada suugaanruugga mudhbaxay, fahanka, dhuuxidda, falanqaynta iyo faaqidaadda gunta gabayga, seeska masafada, xuddunta geeraarka, madiixa giishka, dananka heesaha iyo jaadadka kale ee tixda oo laga helo kobcin aqooneed iyo itaal garasho. Maxamed Ibraahin Warsame (Hadraawi) maanta ayuu ku go&#8217;ay magaalada Hargaysa August 18, 2022 Waxa uu ahaa [&hellip;]\" \/>\n<meta property=\"og:url\" content=\"https:\/\/aga.so\/so\/madxafkii-miyaa-dumay\/\" \/>\n<meta property=\"og:site_name\" content=\"Akademiye Goboleedka Af Soomaaliga AGA\" \/>\n<meta property=\"article:published_time\" content=\"2022-08-19T16:52:19+00:00\" \/>\n<meta property=\"article:modified_time\" content=\"2022-08-19T16:55:08+00:00\" \/>\n<meta property=\"og:image\" content=\"https:\/\/aga.so\/so\/wp-content\/uploads\/2022\/08\/0fa3e16fb014a3606af1fbb10dac7b05.jpg\" \/>\n\t<meta property=\"og:image:width\" content=\"2048\" \/>\n\t<meta property=\"og:image:height\" content=\"1365\" \/>\n\t<meta property=\"og:image:type\" content=\"image\/jpeg\" \/>\n<meta name=\"author\" content=\"hgb\" \/>\n<meta name=\"twitter:card\" content=\"summary_large_image\" \/>\n<meta name=\"twitter:label1\" content=\"Written by\" \/>\n\t<meta name=\"twitter:data1\" content=\"hgb\" \/>\n\t<meta name=\"twitter:label2\" content=\"Est. reading time\" \/>\n\t<meta name=\"twitter:data2\" content=\"2 minutes\" \/>\n<script type=\"application\/ld+json\" class=\"yoast-schema-graph\">{\"@context\":\"https:\/\/schema.org\",\"@graph\":[{\"@type\":\"Article\",\"@id\":\"https:\/\/aga.so\/so\/madxafkii-miyaa-dumay\/#article\",\"isPartOf\":{\"@id\":\"https:\/\/aga.so\/so\/madxafkii-miyaa-dumay\/\"},\"author\":{\"name\":\"hgb\",\"@id\":\"https:\/\/aga.so\/so\/#\/schema\/person\/c89f24807531a9b3d9df95d848134d50\"},\"headline\":\"MADXAFKII MIYAA DUMAY?!\",\"datePublished\":\"2022-08-19T16:52:19+00:00\",\"dateModified\":\"2022-08-19T16:55:08+00:00\",\"mainEntityOfPage\":{\"@id\":\"https:\/\/aga.so\/so\/madxafkii-miyaa-dumay\/\"},\"wordCount\":411,\"commentCount\":0,\"publisher\":{\"@id\":\"https:\/\/aga.so\/so\/#organization\"},\"articleSection\":[\"Featured\",\"Wararka AGA\"],\"inLanguage\":\"en-US\",\"potentialAction\":[{\"@type\":\"CommentAction\",\"name\":\"Comment\",\"target\":[\"https:\/\/aga.so\/so\/madxafkii-miyaa-dumay\/#respond\"]}]},{\"@type\":\"WebPage\",\"@id\":\"https:\/\/aga.so\/so\/madxafkii-miyaa-dumay\/\",\"url\":\"https:\/\/aga.so\/so\/madxafkii-miyaa-dumay\/\",\"name\":\"MADXAFKII MIYAA DUMAY?! - Akademiye Goboleedka Af Soomaaliga AGA\",\"isPartOf\":{\"@id\":\"https:\/\/aga.so\/so\/#website\"},\"datePublished\":\"2022-08-19T16:52:19+00:00\",\"dateModified\":\"2022-08-19T16:55:08+00:00\",\"breadcrumb\":{\"@id\":\"https:\/\/aga.so\/so\/madxafkii-miyaa-dumay\/#breadcrumb\"},\"inLanguage\":\"en-US\",\"potentialAction\":[{\"@type\":\"ReadAction\",\"target\":[\"https:\/\/aga.so\/so\/madxafkii-miyaa-dumay\/\"]}]},{\"@type\":\"BreadcrumbList\",\"@id\":\"https:\/\/aga.so\/so\/madxafkii-miyaa-dumay\/#breadcrumb\",\"itemListElement\":[{\"@type\":\"ListItem\",\"position\":1,\"name\":\"Home\",\"item\":\"https:\/\/aga.so\/so\/\"},{\"@type\":\"ListItem\",\"position\":2,\"name\":\"MADXAFKII MIYAA DUMAY?!\"}]},{\"@type\":\"WebSite\",\"@id\":\"https:\/\/aga.so\/so\/#website\",\"url\":\"https:\/\/aga.so\/so\/\",\"name\":\"Akademiye Goboleedka Af Soomaaliga AGA\",\"description\":\"\",\"publisher\":{\"@id\":\"https:\/\/aga.so\/so\/#organization\"},\"potentialAction\":[{\"@type\":\"SearchAction\",\"target\":{\"@type\":\"EntryPoint\",\"urlTemplate\":\"https:\/\/aga.so\/so\/?s={search_term_string}\"},\"query-input\":\"required name=search_term_string\"}],\"inLanguage\":\"en-US\"},{\"@type\":\"Organization\",\"@id\":\"https:\/\/aga.so\/so\/#organization\",\"name\":\"AGA - Akadeemiya Goboleedka AfSoomaaliga\",\"url\":\"https:\/\/aga.so\/so\/\",\"logo\":{\"@type\":\"ImageObject\",\"inLanguage\":\"en-US\",\"@id\":\"https:\/\/aga.so\/so\/#\/schema\/logo\/image\/\",\"url\":\"https:\/\/aga.so\/so\/wp-content\/uploads\/2020\/10\/favicon-2.png\",\"contentUrl\":\"https:\/\/aga.so\/so\/wp-content\/uploads\/2020\/10\/favicon-2.png\",\"width\":162,\"height\":83,\"caption\":\"AGA - Akadeemiya Goboleedka AfSoomaaliga\"},\"image\":{\"@id\":\"https:\/\/aga.so\/so\/#\/schema\/logo\/image\/\"}},{\"@type\":\"Person\",\"@id\":\"https:\/\/aga.so\/so\/#\/schema\/person\/c89f24807531a9b3d9df95d848134d50\",\"name\":\"hgb\",\"image\":{\"@type\":\"ImageObject\",\"inLanguage\":\"en-US\",\"@id\":\"https:\/\/aga.so\/so\/#\/schema\/person\/image\/\",\"url\":\"https:\/\/secure.gravatar.com\/avatar\/9cc2fe393829a669530037fc59abb837?s=96&d=mm&r=g\",\"contentUrl\":\"https:\/\/secure.gravatar.com\/avatar\/9cc2fe393829a669530037fc59abb837?s=96&d=mm&r=g\",\"caption\":\"hgb\"},\"url\":\"https:\/\/aga.so\/so\/author\/hgb\/\"}]}<\/script>\n<!-- \/ Yoast SEO plugin. -->","yoast_head_json":{"title":"MADXAFKII MIYAA DUMAY?! - Akademiye Goboleedka Af Soomaaliga AGA","robots":{"index":"index","follow":"follow","max-snippet":"max-snippet:-1","max-image-preview":"max-image-preview:large","max-video-preview":"max-video-preview:-1"},"canonical":"https:\/\/aga.so\/so\/madxafkii-miyaa-dumay\/","og_locale":"en_US","og_type":"article","og_title":"MADXAFKII MIYAA DUMAY?! - Akademiye Goboleedka Af Soomaaliga AGA","og_description":"Labeenta iyo miidda hadalku waa: Godlashada hal-abuurka iyo burqashada suugaanruugga mudhbaxay, fahanka, dhuuxidda, falanqaynta iyo faaqidaadda gunta gabayga, seeska masafada, xuddunta geeraarka, madiixa giishka, dananka heesaha iyo jaadadka kale ee tixda oo laga helo kobcin aqooneed iyo itaal garasho. Maxamed Ibraahin Warsame (Hadraawi) maanta ayuu ku go&#8217;ay magaalada Hargaysa August 18, 2022 Waxa uu ahaa [&hellip;]","og_url":"https:\/\/aga.so\/so\/madxafkii-miyaa-dumay\/","og_site_name":"Akademiye Goboleedka Af Soomaaliga AGA","article_published_time":"2022-08-19T16:52:19+00:00","article_modified_time":"2022-08-19T16:55:08+00:00","og_image":[{"width":2048,"height":1365,"url":"https:\/\/aga.so\/so\/wp-content\/uploads\/2022\/08\/0fa3e16fb014a3606af1fbb10dac7b05.jpg","type":"image\/jpeg"}],"author":"hgb","twitter_card":"summary_large_image","twitter_misc":{"Written by":"hgb","Est. reading time":"2 minutes"},"schema":{"@context":"https:\/\/schema.org","@graph":[{"@type":"Article","@id":"https:\/\/aga.so\/so\/madxafkii-miyaa-dumay\/#article","isPartOf":{"@id":"https:\/\/aga.so\/so\/madxafkii-miyaa-dumay\/"},"author":{"name":"hgb","@id":"https:\/\/aga.so\/so\/#\/schema\/person\/c89f24807531a9b3d9df95d848134d50"},"headline":"MADXAFKII MIYAA DUMAY?!","datePublished":"2022-08-19T16:52:19+00:00","dateModified":"2022-08-19T16:55:08+00:00","mainEntityOfPage":{"@id":"https:\/\/aga.so\/so\/madxafkii-miyaa-dumay\/"},"wordCount":411,"commentCount":0,"publisher":{"@id":"https:\/\/aga.so\/so\/#organization"},"articleSection":["Featured","Wararka AGA"],"inLanguage":"en-US","potentialAction":[{"@type":"CommentAction","name":"Comment","target":["https:\/\/aga.so\/so\/madxafkii-miyaa-dumay\/#respond"]}]},{"@type":"WebPage","@id":"https:\/\/aga.so\/so\/madxafkii-miyaa-dumay\/","url":"https:\/\/aga.so\/so\/madxafkii-miyaa-dumay\/","name":"MADXAFKII MIYAA DUMAY?! - Akademiye Goboleedka Af Soomaaliga AGA","isPartOf":{"@id":"https:\/\/aga.so\/so\/#website"},"datePublished":"2022-08-19T16:52:19+00:00","dateModified":"2022-08-19T16:55:08+00:00","breadcrumb":{"@id":"https:\/\/aga.so\/so\/madxafkii-miyaa-dumay\/#breadcrumb"},"inLanguage":"en-US","potentialAction":[{"@type":"ReadAction","target":["https:\/\/aga.so\/so\/madxafkii-miyaa-dumay\/"]}]},{"@type":"BreadcrumbList","@id":"https:\/\/aga.so\/so\/madxafkii-miyaa-dumay\/#breadcrumb","itemListElement":[{"@type":"ListItem","position":1,"name":"Home","item":"https:\/\/aga.so\/so\/"},{"@type":"ListItem","position":2,"name":"MADXAFKII MIYAA DUMAY?!"}]},{"@type":"WebSite","@id":"https:\/\/aga.so\/so\/#website","url":"https:\/\/aga.so\/so\/","name":"Akademiye Goboleedka Af Soomaaliga AGA","description":"","publisher":{"@id":"https:\/\/aga.so\/so\/#organization"},"potentialAction":[{"@type":"SearchAction","target":{"@type":"EntryPoint","urlTemplate":"https:\/\/aga.so\/so\/?s={search_term_string}"},"query-input":"required name=search_term_string"}],"inLanguage":"en-US"},{"@type":"Organization","@id":"https:\/\/aga.so\/so\/#organization","name":"AGA - Akadeemiya Goboleedka AfSoomaaliga","url":"https:\/\/aga.so\/so\/","logo":{"@type":"ImageObject","inLanguage":"en-US","@id":"https:\/\/aga.so\/so\/#\/schema\/logo\/image\/","url":"https:\/\/aga.so\/so\/wp-content\/uploads\/2020\/10\/favicon-2.png","contentUrl":"https:\/\/aga.so\/so\/wp-content\/uploads\/2020\/10\/favicon-2.png","width":162,"height":83,"caption":"AGA - Akadeemiya Goboleedka AfSoomaaliga"},"image":{"@id":"https:\/\/aga.so\/so\/#\/schema\/logo\/image\/"}},{"@type":"Person","@id":"https:\/\/aga.so\/so\/#\/schema\/person\/c89f24807531a9b3d9df95d848134d50","name":"hgb","image":{"@type":"ImageObject","inLanguage":"en-US","@id":"https:\/\/aga.so\/so\/#\/schema\/person\/image\/","url":"https:\/\/secure.gravatar.com\/avatar\/9cc2fe393829a669530037fc59abb837?s=96&d=mm&r=g","contentUrl":"https:\/\/secure.gravatar.com\/avatar\/9cc2fe393829a669530037fc59abb837?s=96&d=mm&r=g","caption":"hgb"},"url":"https:\/\/aga.so\/so\/author\/hgb\/"}]}},"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/aga.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/7006"}],"collection":[{"href":"https:\/\/aga.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/aga.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/aga.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/users\/1"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/aga.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=7006"}],"version-history":[{"count":3,"href":"https:\/\/aga.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/7006\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":7010,"href":"https:\/\/aga.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/7006\/revisions\/7010"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/aga.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media\/7007"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/aga.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=7006"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/aga.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=7006"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/aga.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=7006"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}