{"id":6770,"date":"2022-06-20T18:09:38","date_gmt":"2022-06-20T15:09:38","guid":{"rendered":"https:\/\/aga.so\/so\/?p=6770"},"modified":"2022-06-20T18:17:05","modified_gmt":"2022-06-20T15:17:05","slug":"wax-akhriska-waa-dhaqan","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/aga.so\/so\/wax-akhriska-waa-dhaqan\/","title":{"rendered":"Wax Akhriska waa Dhaqan"},"content":{"rendered":"<h5>Akhrisku waa mid ka mid ah hilinnada aqoonta looga arooro. Waa quudka maskaxda&#8230; waa dhex mushaaxa garashada dadka, waana nolol kale oo\u00a0dheeraad ah. Bulshooyinka aayahooda aqooneed iyo horumarba waxa laga dheehdaa, sida ay akhriska ugu kala horreeyaan, qofkana ogaalkiisu wuxuu gaadhsiisan yahay kalba inta akhriskiisu yahay.<\/h5>\n<h5><strong>Q1) Waa maxay wax akhris? <\/strong><\/h5>\n<h5>Aqoon ahaan, akhrisku waa hab dheegasho ah oo uu akhristuhu erayada qoran ka dheeganayo macne buuxa.<\/h5>\n<h5>Haddii aan si kale u dhigno akhrisku waa hab garaadka ku shaqo leh (cognitive process), oo maskaxda aadanuhu xuruuf xardhanayd uga dhigto erayo ilaa weedho is-haysta oo u jeeddo dhamaystiran samaynaya. Ujeeddo dhammaystiran u samaynaya cidda akhrinaysa iyo cidda loo akhrinayaba haddii ay jirto. Mar ayaaba la gaadhsiiyaa in akhrisku yahay mid ka tirsan hababka ugu kakan uguna cajiibsan, hanaannada maskaxdu maamusho.<\/h5>\n<h5>&#8211;\u00a0\u00a0Qaamuuska afka Soomaaliga ee uu qoray marxuum Yaasiin C. Keenadiid, waxa uu ku u jeeddaynayaa erayga \u201cakhriyid\u201d in uu yahay \u201cEray ama hadal qoran kicin; ku dhawaqid; naqid; marin.\u201d Bogga 9<sup>aad<\/sup>.<\/h5>\n<h5>&#8211;\u00a0\u00a0Qamuuska ugu tunka\u00a0 weyn afka Ingiriisiga ee Oxford ayaa isaguna\u00a0 ka ag dhowaynayaa oo \u201c<em>Reading<\/em>\u201d ku xusayaa inuu yahay mid la u jeeddo ah, \u201cfasirashada qoraal ama xaalad la saarto.\u201d<\/h5>\n<h5>&#8211;\u00a0Mucjamka weyn ee af Carabidu waxa uu erayga <em>\u201c\u0627\u0644\u0642\u0631\u0627\u0621\u0629\u201d<\/em> ku micnaynayaa in uu yahay, \u201cku-dhawaaqidda wax qoran.\u201d<\/h5>\n<h5>Albert Manguel, qoraaga <em>\u201cA History of Reading\u201d<\/em> ayaa ku tilmaamayey akhrisku in uu nafta aadanaha muhiim ugu yahay sida neefsashadu muhiim ugu tahay. Waxa kale oo uu ku cabbirayaaba in akhrisku yahay \u201cfuraha fahmidda dunida.\u201d<\/h5>\n<h5>Mar la weydiiyay sugaanyahankii caanka ahaa ee reer Masar Cabbaas Maxamuud Caqaad (1889-1964), sababta uu u jecelyahay wax akhriska waxa uu ku jawaabay \u201cUma akhriyo si aan wax u qoro. Umana akhriyo si aan cilmi u korodhsodo se waxa aan wax u akhriyaa si aan u helo wax ka badan hal nolol.\u201d Adduunyada qof weliba waxa uu ku leeyahay hal nolol, hal nololna aniga iguma filna. Akhrisku waa shayga kaliya ee siiya noolaha wax ka badan hal nolol; waayo, nolosha ayuu macaaneeyaa. Qofku wuxuu leeyahay hal fikir, hal dareen iyo suurayn oo kali ah (khiyaal), laakiin fikraddaadu marka ay fikrad kale la kulanto, dareenkaaguna la kulmo mid kale, suurayntaaduna la kulanto mid kale waxa dhasha laba fikradood laba dareen iyo laba suuraynood\u2026. Maya maaha laba fikir oo kaliya balse waxa kulmaya kun fikradood oo kuu yeelaya awood.<\/h5>\n<h5>Sidoo kale aqonyahankii Ingiriiska ahaa ee Gilbert Waayt (1720-1793), waxa uu yidhi: \u2018Buugtu kama koobna uun waraaqo la isku geegeeyay oo dhintay balse waa maskaxo nool oo mid walba uu ka soo baxayo cod. Marka aad kala furto buug waxa aad maqlaysaa codad kala duwan oo ka kala imanaya dadyow kala noolaa qarniyo kala geddisan, ka dib waxa aad dhegaysanaysaa sheekadooda.\u2019<\/h5>\n<h5>Haddaba, sidaynu lawada socono akhrisku waa dhaqan ama aasaaska nolosha, waayo halkaas oo aynu ka garan karno faa\u2019iidada uu akhrisku u leeyahay nolosha binaa\u2019aadamka. Waxa kale oo uu aasaas u yahay qofka, sababtoo ah waxa uu u yeelayaa sawir ama muuqaal qurxoon oo muujinaya heerka aqooneed ee uu taagan yahay.<\/h5>\n<h5>Geesta kale, waxa kale ood kaga faa\u2019iidaysan kartaa cilmiga madiga ah ee ay ka mid yihiin barshada caafimaadka, Cilmiga bulshada, culuumta badaha, iwm. Noocyada kala duwan ee cilmiga maadiga ah ee sharciga Islaamku ogal yahay ayaad kaga faa\u2019iidaysanaysaa waxaas oo dhamina dedaal iyo akhris iyo baadhis ayay u baahan yihiin. Muhiimadda koowaad ayay tahay inaynu siinno akhriska.<\/h5>\n<h5>Maskaxdu waxay u baahan tahay jimicsi, taasina wax u fududeeya ama ay ka heshaa fahamka erayada qoran oo sidoo kalena maskaxda kobciya. Dunidan hadda joogta qofku meel uu wax ka akhriyo ma waayo, sababtoo ah waxa aynu joognaa waqtigii tiknoolajiyada (Technology Age).<\/h5>\n<h5>Akhriska waa lala qabsada, qofkuna waxa uu ugu baahda sida uu neefta iyo biyaha ugu baahan yahay, macnaw waxa uu noqdaa balwad uu qofku la qabatimo oo dhinaca wanaagsan ah.<\/h5>\n<h5><strong>Waxyaalaha laga dhaxlo akhriska <\/strong><\/h5>\n<h5>Maskaxda iyo unugyada qaabilsan fekerka oo horukac sameeya. Qofka wax akhriyaa waxaa uu si joogto ah u helaa fikrado kala duwan oo u horseedi kara horumar. Qofka wax akhriyaa waa mid si degdeg ah u jihayn kara fekerkiisa haddii ay soo wajahdo arrin degdeg ah oo aanu horay ugu tashan. Tusaale ahaan, haddii ay doodi dhexmarto laba qof oo midkood yahay qof akhris badan midna aanu waxba akhrin, waxaa dhacaysa in qofka akhriska u saaxiibka ahi si sahlan uu horumar uga sameeyo dhinacii doodda. Sababtuna waxaa weeye qofka akhriska badani waa qof leh tababbar dheeraad ah oo dhinaca maskaxda iyo maanka ah.<\/h5>\n<h5><strong>Ogaanshaha wax cusub <\/strong><\/h5>\n<h5>Dunida aynu ku dhaqanahay ma aha mid taagan balse waa mid mar walba uu ku yimaado isbeddel. Waxyaalo horay u jirey ayaa dunida ka dhamaanaaya, waxaana soo kordhaya waxyaalo cusub oo aan horay loo aqoon. Sidaas darteed akhriska badani waxaa uu kuu fududeynayaa in aad wax badan duniga ka ogaatid dunida kugu wareegsan. Helitaanka khibrada dadka kale. Waxaa jira dad badan oo dunida ka tegey balse qoray waxyaalo badan sida: buugaag, wargeysyo iyo waxyaalo kale.<\/h5>\n<h5>Ma heli kartid khibrada ama waaya-aragnimada dadkaas kol haddii aadan ahayn mid wax akhriya. Waxyaalaha ay qoreen dadkaas aan maanta dunida ku nooleyn waxaa ay kugu dhalin karaan fikir kaa maqnaa, waxaa kaloo ay kugu caawin karaan inaad ka leexato qaladaadkii ay dadkaasi horay u sameeyeen. Waxaad kaloo ka dhaxli kartaa in aad kaga dayato waxyaalihii fiicnaa ee ay dadkaasi horay u sameeyeen. Waxaa kaloo jira dad nool oo wax qoray balse aaney suurtagal kuu ahayn inaad la kulanto. Haddaba akhriska iyo baadigoobka aqoonta ayaa kuu sahlaaya inaad ka bogato waxyaalaha muhiimka ah ee dadkaasi qoreen.<\/h5>\n<h5>Ummadaha lagu tilmaamo ilbaxnimada waa kuwa ay dadkoodu wax akhriyaan. Waxyaalaha ay waddamada horay u maray geliyaan lacagta badan waxaa ugu horeeya arimaha waxbarashada iyo barashada akhriska. Macallimiinta ugu khibrada badan dugsiyada wax laga barto waxaa lagu jiheeyaa oo ay akhriska baraan dhalaanka soo kacaaya. Waddanka Sweden waxaa uu mid yahay waddamada horumrka ka gaaray dhinaca dhaqaalaha iyo warshadaha. Dalka sweden ma laha kheyraad dabiici ah sida basiinka, dahabka, macdanta iwm, balse waxaa uu horumarka dalka saldhig u ah tacliinta.<\/h5>\n<h5>Ummadda akhriskoodu hooseeyo waxa la yidhaahdaa waa ummad aan la jaanqaadi karin dunidan casriga ah waxaa, sidaa ku soo gabagabaynayaa in la joogteeyo wax akhriska oon laga caajisin.<\/h5>\n<h5>Qofkuna samaysto qorshe uu wax ku akhriyo (The more you read is the you know )waxa aad akhrido ayuun baad taqaan. Waa in qofku wakhti siiyaa akhriska sida uu cuntada iyo biyahaba uu u siinayo. Carabtu waxay yidhaahdaan wakhtigu wa seef intaannu ku jarin, adigu jar, markaa akhriska ayaa ku jira waxa ugu muhiimsan ee qofku uu kaga faa\u2019iidaysan karo. Waa inaad wax akhridaa haddaad saran tahay bas, haddaad socoto iyo haddaad guriga joogto.<\/h5>\n<h5>Balanteenu waa wax akhris inta jecel akhriska\u00a0cid aad la fadhiisato ood la shawrto waxa ugu khayr iyo waxtar badan, dhigane\/buug kuu faa\u2019iideynaya cilmi iyo adaab dhaxal gal ah sidii caqli ku toosinaya oo ku caawinaya.<\/h5>\n<ol>\n<li>\n<h5><strong>B)\u00a0\u00a0Faa\u2019iidooyinka qof ahaaneed\/shakhsiyeed. <\/strong><\/h5>\n<\/li>\n<\/ol>\n<h5>Qodobaddan aan xusi-doonnaa waa kuwo si-toos ah ula tacalluqa gudaha\u00a0 shakhsiga, calaamadna u ah dadka wax-akhriya ;<\/h5>\n<h5>\u00a0\u00a0 <strong><em>Akhlaaq<\/em><\/strong>:\u00a0 qofka aqoonta u saaxiibka ah, aqoontaasi ha-badnaato ama ha-yaraato e\u2019\u00a0waxa ay doorisaa hab-dhaqankiisa iyo akhlaaqiyaddiisa oo ay badanaa u dooriso docda togan. Lidkuna waa sax. Waxa suure ah in la helo dad aqoontoodu sarrayso jaamaacado waaweyn ka soo baxay oo shahaadooyin ixtriraam mudan sita, misana ka sooman akhlaaqda.<\/h5>\n<h5>\u00a0 <strong><em>Kala shaandhayn<\/em><\/strong>:\u00a0\u00a0qofka akhristaha ah ee salka hoose diin ahaan uga dhisan, muddana akhriska iyo mawjadaha aqoonta ku soo jiray, waxa uu awood u leeyahay\u00a0 kala hufi-taanka iyo haadinta afkaaraha iyo falsafadaha lagu soo weerarayo, isaga oo mar walba haysta miqyaas uu ku cabbiro aragtiyaha sumaysan \u00a0ee sidii daadkii xaabaale doc kasta kasoo galaya. \u00a0Waxa jirta xikmad tidhaahda: \u201cAkhris bilaa feker ah, waa sida cunto bilaa dheefshiid ah\u201d\u00a0.<\/h5>\n<h5>\u00a0\u00a0 \u00a0<strong><em>Kobac-maskaxeed iyo Aftahannimo<\/em><\/strong>: Abu-camri binu-callaa\u2019\u00a0 baa wuxuu yidhi:\u00a0\u201cHaddii aan arko qof gacanta ku sita buug, saaxiibkiisa la socdaana fara-madhan-yahay, waxaan u aqoonsadaa in kaa buugga sitaa ka caqli iyo wanaag badan yahay saaxiibkiis.\u201d\u00a0Mar kasta oo uu akhriskaagu bato, waxa si toos ah (<em>Directly Proportional<\/em>) u kobcaysa oo u ballaadhanaysa maskaxadaada. \u00a0\u00a0Aan su\u2019aalo yar ku weydiiyee:\u00a0\u00a0Waa maxay sababta laba qof oo kuu sheekeynayaa aad midna hadalkiisa uga\u00a0caajisto ama aadan danaynba, halka ka kale aad\u00a0ugu dhaygagto oo aadan xabbad kala hadhin u amaahiso amminta uu hadlayo? Waa maxay sababta aad hebel la-jooggiisa iyo la-sheekaysigiisa aad u jeclaysato, halka hebel kalena aad ka xiisto ama amminta uu kula joogo iyo ta-kale ay iskugu kaa mid tahay?\u00a0Isku soo wada xooriyoo, waxay jawaabuhu kusoo biyo-shubanayaan xaddiga aqooneed ee labadaa qof \u00a0maankooda ku kaydsan oo kala geddisan.<\/h5>\n<ol>\n<li>\n<h5><strong>T)\u00a0\u00a0Faa\u2019iidooyinka akhriska bulsheed\/dawladeed <\/strong><\/h5>\n<\/li>\n<\/ol>\n<h5>Sida aynu wada ognahay bulshadu waxa ay ka kooban tahay qofaf, qofafkaasi haddii ay noqdaan dad 70% wax qora, waxna akhriya (<em>Literate<\/em>) waxa hubaal ah in ay bulshadaasi tahay bulsho nool oo\u00a0horumarsan \/horumaraysa. Faa\u2019iidooyinka uu akhrisku u leeyahay bulshada waxa ugu tun wayn labadan;<\/h5>\n<h5>\u00a0\u00a0 \u00a0\u00a0<em>Ilbaxnimo\/<strong>Xadaarad<\/strong><\/em>:\u00a0\u201cDawladi xadaarad yeelan mayso, illaa ay ku bixiso iibsiga kutubta qarash ka badan ka ay ku bixiso iibsiga xanjada.\u201d Elbert Hubbard.\u00a0Sida caadiga ah qofba qofka uu ka akhris badan yahay ayaa uu ka ogaal badan yahay, horumarsan yahay kana xadaarad badan yahay. Sidoo kale, bulshooyinka caalamka kuwada nool sida ay hadda u kala horumarsan yihiin ee ay u kala xaddaarad badan yihiin ayay dhab ahaanna u kala akhris iyo aqoon badan yihiin. Sidaa darteed waxaad yaqiinsanaysaa in akhrisku miqyaaas u yahay xadaaradda ummadeed.<\/h5>\n<h5>\u00a0 \u00a0 \u00a0\u00a0<strong><em>Kobac-dhaqaale<\/em><\/strong><em>:<strong>\u00a0<\/strong><\/em> Tusaale ahaan-; haddii Hargeysa 70% (boqolkiiba todobaatan) \u00a0iyo ka badan wax akhriyaan, waxa hubaal ah in dhaqaale badan ka soo xaroonnayo iibsiga buugaagta iyo agabka wax akhriska. Bal akhriste, waxa aad sawirataa; haddii uu <strong><em>AKHRISKU<\/em><\/strong> innoogu jiro kaalinta uu\u00a0<strong><em>KHAADKU<\/em><\/strong> innoogu jiro maanta, ummad side u eeg baynu noqon lahay?\u00a0 Ummad heer noocee ah taagan? Ummad qaab-noocee ah u fekaraysa? Ma u malaynaysaa in aynu noqon lahayn hormuudka ay dunida kale hiigsato, mase u malaynaysaa in \u00a0magaca ay haddeerto\u00a0\u00a0innoogu yeedhaan(dawladaha hurda\u00a0\u0627\u0644\u062f\u0648\u0644 \u0627\u0644\u0646\u0627\u0626\u0645\u0647\u00a0\u00a0) ayaynu xambaar-sanaan lahayn? Aan idiin kala baxo adiga iyo sida aad uga warcelinayso weydiimahaasi lagu warsaday.<\/h5>\n<ol>\n<li>\n<h5><strong> 2)\u00a0Maxay ka yidhaahdeen indheergaradkii wax akhriska? <\/strong><\/h5>\n<\/li>\n<\/ol>\n<h5>Waxa aynu wax kasoo qaadan doonnaa odhaahyadii in-dheer-garadku\u00a0\u00a0 (<em>Intellectual<\/em>) ka yidhaahdeen waxtarka akhriska.<\/h5>\n<ol>\n<li>\n<h5>Jidhka bani-aadamku ma sameeyo\u00a0korniin (growing\u00a0\u0627\u0644\u0646\u0645\u0648\u064a) illaa uu helo cunto, cabitaan iyo jimicsi. Sidoo kale, CAQLIGU ma koro illaa uu helo AKHRIS iyo FIKIR \u0627\u0644\u062a\u0641\u0643\u064a\u0631 Xikmad Jabbaaniis i ah.<\/h5>\n<\/li>\n<li>\n<h5>Waqtiga ugu horreysa een akhriyo kitaab\/dhigane cusub waxa aan dareemaa in aan heshay saaxiib cusub, laakiin marka aan akhriyo mar labaad ama seddexaad waxa aan dareemaa in aan la-kulmay saaxiib aanu hore isku naqaannay.\u00a0Oliver Goldsmith.<\/h5>\n<\/li>\n<li>\n<h5>Waxa suurtagal ah in ilmo yar oo kaliyaata, macallin keliyaata iyo kitaab keliyaata ay beddelaan caalamka dhan. Xalku waa aqoonta, aqoontuna waa martabadda koobaad.\u00a0Xajaaj Binu-yuusuf.<\/h5>\n<\/li>\n<li>\n<h5>Faylasuufkii u dhashay Giriiga (Greece) Aristotle baa waxa lagu yidhi: \u201cSideed qof u xukumi lahayd?\u201d Waxa uu ugu warceliyay: \u201cWaxa aan weydiin lahaa immisa kitaab baad akhriday ama maxaad akhridaa?\u201d<\/h5>\n<\/li>\n<li>\n<h5>Murshidiintu waxa ay ku odhanayaan: \u201cAkhri wixii ku anfacaya,\u201d anna waxaan ugu hal-celiyaa: \u201cBal e, intifaacso waxa aad akhrido.\u201d mufaker iyo Adiib reer Masar ah, Cabbaas al- Caqaad.<\/h5>\n<\/li>\n<li>\n<h5>Mar kale Cabbaas waxa uu yidhi: \u201cIn aad saddex jeer akhrido hal kitaab oo fiican ayaa ka faa\u2019iida iyo waxtar badan in aad saddex kitaab oo wan-wanaagsan akhrido.<\/h5>\n<\/li>\n<\/ol>\n<h5>Dhiganayaashu waa macdan u kaydsan caalamka, isla-jeerkaana waa dhaxalka ugu qaalisan ee jiilal iska dhaxlaan. \u00a0Henry David Thoreau.<\/h5>\n<h5><strong>\u00a0<\/strong><strong>Gebagabo<\/strong><\/h5>\n<h5>Ummadaha lagu tilmaamo ilbaxnimada waa kuwa ay dadkoodu wax akhriyaan. Waxyaalaha ay waddamada horay u maray geliyaan lacagta badan waxaa ugu horreeya arimaha waxbarashada iyo barashada akhriska. Macallimiinta ugu khibradda badan dugsiyada wax laga barto waxaa lagu jiheeyaa oo ay akhriska baraan dhalaanka soo kacaaya. Waddanka Sweden waxaa uu mid yahay wadamada horumrka ka gaaray dhinaca dhaqaalaha iyo wershedaha. Dalka Sweden ma laha kheyraad dabiici ah sida basiinka, dahabka, macdanta iwm, balse waxaa uu horumarka dalka saldhig u ah tacliinta iyo dadka oo la baray akhris, laguna barbaariyey raadinta aqoonta. Waxa dadka reer Sweden yiraahdaan tiirarka aqoonta iyo ilbaxnimadu waa awoodda ay dadku u leeyhihiin inay si wanaagsan wax u akhriyaan. Haddaba, waxaa muhiim ah inaan akhriska ka dhiganno dhaqan joogto ah. Waxaa kaloo muhiim ah in aan isku dhiirigelinno inaan wax akhrinno si aan waxyaalo badan u ogaanno. Waxaa lagama maarmaan ah in aan joogto ka dhiganno booqashada meelaha wax lagu akhriyo, sida maktabadaha buugaagta. Waxaa kaloo habboon in aan aaladda casriga ah ee <em>Internetka<\/em> u isticmaalno ugana faa`iideysanno dhinaca akhriska. Waaliddiinta waxaa laga doonayaa inay carruurtooda inta ay yar-yar yihiin ku barbaariyaan dhaqanka wax akhriska iyo raadinta aqoonta.<\/h5>\n<h5><strong><em>Akhrisku waa halbowlaha horumarka<\/em><\/strong><\/h5>\n<h5><strong>\u00a0 \u00a0 \u00a0 \u00a0 \u00a0 \u00a0W.Q<\/strong><\/h5>\n<h5><strong>Barkhadle Maxamed Cali<\/strong><\/h5>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Akhrisku waa mid ka mid ah hilinnada aqoonta looga arooro. Waa quudka maskaxda&#8230; waa dhex mushaaxa garashada dadka, waana nolol kale oo\u00a0dheeraad ah. Bulshooyinka aayahooda aqooneed iyo horumarba waxa laga dheehdaa, sida ay akhriska ugu kala horreeyaan, qofkana ogaalkiisu wuxuu gaadhsiisan yahay kalba inta akhriskiisu yahay. Q1) Waa maxay wax akhris? Aqoon ahaan, akhrisku waa [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":1,"featured_media":6773,"comment_status":"open","ping_status":"open","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"inline_featured_image":false},"categories":[17,24],"tags":[],"yoast_head":"<!-- This site is optimized with the Yoast SEO plugin v20.2.1 - https:\/\/yoast.com\/wordpress\/plugins\/seo\/ -->\n<title>Wax Akhriska waa Dhaqan - Akademiye Goboleedka Af Soomaaliga AGA<\/title>\n<meta name=\"robots\" content=\"index, follow, max-snippet:-1, max-image-preview:large, max-video-preview:-1\" \/>\n<link rel=\"canonical\" href=\"https:\/\/aga.so\/so\/wax-akhriska-waa-dhaqan\/\" \/>\n<meta property=\"og:locale\" content=\"en_US\" \/>\n<meta property=\"og:type\" content=\"article\" \/>\n<meta property=\"og:title\" content=\"Wax Akhriska waa Dhaqan - Akademiye Goboleedka Af Soomaaliga AGA\" \/>\n<meta property=\"og:description\" content=\"Akhrisku waa mid ka mid ah hilinnada aqoonta looga arooro. Waa quudka maskaxda&#8230; waa dhex mushaaxa garashada dadka, waana nolol kale oo\u00a0dheeraad ah. Bulshooyinka aayahooda aqooneed iyo horumarba waxa laga dheehdaa, sida ay akhriska ugu kala horreeyaan, qofkana ogaalkiisu wuxuu gaadhsiisan yahay kalba inta akhriskiisu yahay. Q1) Waa maxay wax akhris? Aqoon ahaan, akhrisku waa [&hellip;]\" \/>\n<meta property=\"og:url\" content=\"https:\/\/aga.so\/so\/wax-akhriska-waa-dhaqan\/\" \/>\n<meta property=\"og:site_name\" content=\"Akademiye Goboleedka Af Soomaaliga AGA\" \/>\n<meta property=\"article:published_time\" content=\"2022-06-20T15:09:38+00:00\" \/>\n<meta property=\"article:modified_time\" content=\"2022-06-20T15:17:05+00:00\" \/>\n<meta property=\"og:image\" content=\"https:\/\/aga.so\/so\/wp-content\/uploads\/2022\/06\/287234822_402497645145298_7457044821977443937_n.jpg\" \/>\n\t<meta property=\"og:image:width\" content=\"640\" \/>\n\t<meta property=\"og:image:height\" content=\"466\" \/>\n\t<meta property=\"og:image:type\" content=\"image\/jpeg\" \/>\n<meta name=\"author\" content=\"hgb\" \/>\n<meta name=\"twitter:card\" content=\"summary_large_image\" \/>\n<meta name=\"twitter:label1\" content=\"Written by\" \/>\n\t<meta name=\"twitter:data1\" content=\"hgb\" \/>\n\t<meta name=\"twitter:label2\" content=\"Est. reading time\" \/>\n\t<meta name=\"twitter:data2\" content=\"9 minutes\" \/>\n<script type=\"application\/ld+json\" class=\"yoast-schema-graph\">{\"@context\":\"https:\/\/schema.org\",\"@graph\":[{\"@type\":\"Article\",\"@id\":\"https:\/\/aga.so\/so\/wax-akhriska-waa-dhaqan\/#article\",\"isPartOf\":{\"@id\":\"https:\/\/aga.so\/so\/wax-akhriska-waa-dhaqan\/\"},\"author\":{\"name\":\"hgb\",\"@id\":\"https:\/\/aga.so\/so\/#\/schema\/person\/c89f24807531a9b3d9df95d848134d50\"},\"headline\":\"Wax Akhriska waa Dhaqan\",\"datePublished\":\"2022-06-20T15:09:38+00:00\",\"dateModified\":\"2022-06-20T15:17:05+00:00\",\"mainEntityOfPage\":{\"@id\":\"https:\/\/aga.so\/so\/wax-akhriska-waa-dhaqan\/\"},\"wordCount\":2061,\"commentCount\":0,\"publisher\":{\"@id\":\"https:\/\/aga.so\/so\/#organization\"},\"articleSection\":[\"Featured\",\"Xulka Maqaallada\"],\"inLanguage\":\"en-US\",\"potentialAction\":[{\"@type\":\"CommentAction\",\"name\":\"Comment\",\"target\":[\"https:\/\/aga.so\/so\/wax-akhriska-waa-dhaqan\/#respond\"]}]},{\"@type\":\"WebPage\",\"@id\":\"https:\/\/aga.so\/so\/wax-akhriska-waa-dhaqan\/\",\"url\":\"https:\/\/aga.so\/so\/wax-akhriska-waa-dhaqan\/\",\"name\":\"Wax Akhriska waa Dhaqan - Akademiye Goboleedka Af Soomaaliga AGA\",\"isPartOf\":{\"@id\":\"https:\/\/aga.so\/so\/#website\"},\"datePublished\":\"2022-06-20T15:09:38+00:00\",\"dateModified\":\"2022-06-20T15:17:05+00:00\",\"breadcrumb\":{\"@id\":\"https:\/\/aga.so\/so\/wax-akhriska-waa-dhaqan\/#breadcrumb\"},\"inLanguage\":\"en-US\",\"potentialAction\":[{\"@type\":\"ReadAction\",\"target\":[\"https:\/\/aga.so\/so\/wax-akhriska-waa-dhaqan\/\"]}]},{\"@type\":\"BreadcrumbList\",\"@id\":\"https:\/\/aga.so\/so\/wax-akhriska-waa-dhaqan\/#breadcrumb\",\"itemListElement\":[{\"@type\":\"ListItem\",\"position\":1,\"name\":\"Home\",\"item\":\"https:\/\/aga.so\/so\/\"},{\"@type\":\"ListItem\",\"position\":2,\"name\":\"Wax Akhriska waa Dhaqan\"}]},{\"@type\":\"WebSite\",\"@id\":\"https:\/\/aga.so\/so\/#website\",\"url\":\"https:\/\/aga.so\/so\/\",\"name\":\"Akademiye Goboleedka Af Soomaaliga AGA\",\"description\":\"\",\"publisher\":{\"@id\":\"https:\/\/aga.so\/so\/#organization\"},\"potentialAction\":[{\"@type\":\"SearchAction\",\"target\":{\"@type\":\"EntryPoint\",\"urlTemplate\":\"https:\/\/aga.so\/so\/?s={search_term_string}\"},\"query-input\":\"required name=search_term_string\"}],\"inLanguage\":\"en-US\"},{\"@type\":\"Organization\",\"@id\":\"https:\/\/aga.so\/so\/#organization\",\"name\":\"AGA - Akadeemiya Goboleedka AfSoomaaliga\",\"url\":\"https:\/\/aga.so\/so\/\",\"logo\":{\"@type\":\"ImageObject\",\"inLanguage\":\"en-US\",\"@id\":\"https:\/\/aga.so\/so\/#\/schema\/logo\/image\/\",\"url\":\"https:\/\/aga.so\/so\/wp-content\/uploads\/2020\/10\/favicon-2.png\",\"contentUrl\":\"https:\/\/aga.so\/so\/wp-content\/uploads\/2020\/10\/favicon-2.png\",\"width\":162,\"height\":83,\"caption\":\"AGA - Akadeemiya Goboleedka AfSoomaaliga\"},\"image\":{\"@id\":\"https:\/\/aga.so\/so\/#\/schema\/logo\/image\/\"}},{\"@type\":\"Person\",\"@id\":\"https:\/\/aga.so\/so\/#\/schema\/person\/c89f24807531a9b3d9df95d848134d50\",\"name\":\"hgb\",\"image\":{\"@type\":\"ImageObject\",\"inLanguage\":\"en-US\",\"@id\":\"https:\/\/aga.so\/so\/#\/schema\/person\/image\/\",\"url\":\"https:\/\/secure.gravatar.com\/avatar\/9cc2fe393829a669530037fc59abb837?s=96&d=mm&r=g\",\"contentUrl\":\"https:\/\/secure.gravatar.com\/avatar\/9cc2fe393829a669530037fc59abb837?s=96&d=mm&r=g\",\"caption\":\"hgb\"},\"url\":\"https:\/\/aga.so\/so\/author\/hgb\/\"}]}<\/script>\n<!-- \/ Yoast SEO plugin. -->","yoast_head_json":{"title":"Wax Akhriska waa Dhaqan - Akademiye Goboleedka Af Soomaaliga AGA","robots":{"index":"index","follow":"follow","max-snippet":"max-snippet:-1","max-image-preview":"max-image-preview:large","max-video-preview":"max-video-preview:-1"},"canonical":"https:\/\/aga.so\/so\/wax-akhriska-waa-dhaqan\/","og_locale":"en_US","og_type":"article","og_title":"Wax Akhriska waa Dhaqan - Akademiye Goboleedka Af Soomaaliga AGA","og_description":"Akhrisku waa mid ka mid ah hilinnada aqoonta looga arooro. Waa quudka maskaxda&#8230; waa dhex mushaaxa garashada dadka, waana nolol kale oo\u00a0dheeraad ah. Bulshooyinka aayahooda aqooneed iyo horumarba waxa laga dheehdaa, sida ay akhriska ugu kala horreeyaan, qofkana ogaalkiisu wuxuu gaadhsiisan yahay kalba inta akhriskiisu yahay. Q1) Waa maxay wax akhris? Aqoon ahaan, akhrisku waa [&hellip;]","og_url":"https:\/\/aga.so\/so\/wax-akhriska-waa-dhaqan\/","og_site_name":"Akademiye Goboleedka Af Soomaaliga AGA","article_published_time":"2022-06-20T15:09:38+00:00","article_modified_time":"2022-06-20T15:17:05+00:00","og_image":[{"width":640,"height":466,"url":"https:\/\/aga.so\/so\/wp-content\/uploads\/2022\/06\/287234822_402497645145298_7457044821977443937_n.jpg","type":"image\/jpeg"}],"author":"hgb","twitter_card":"summary_large_image","twitter_misc":{"Written by":"hgb","Est. reading time":"9 minutes"},"schema":{"@context":"https:\/\/schema.org","@graph":[{"@type":"Article","@id":"https:\/\/aga.so\/so\/wax-akhriska-waa-dhaqan\/#article","isPartOf":{"@id":"https:\/\/aga.so\/so\/wax-akhriska-waa-dhaqan\/"},"author":{"name":"hgb","@id":"https:\/\/aga.so\/so\/#\/schema\/person\/c89f24807531a9b3d9df95d848134d50"},"headline":"Wax Akhriska waa Dhaqan","datePublished":"2022-06-20T15:09:38+00:00","dateModified":"2022-06-20T15:17:05+00:00","mainEntityOfPage":{"@id":"https:\/\/aga.so\/so\/wax-akhriska-waa-dhaqan\/"},"wordCount":2061,"commentCount":0,"publisher":{"@id":"https:\/\/aga.so\/so\/#organization"},"articleSection":["Featured","Xulka Maqaallada"],"inLanguage":"en-US","potentialAction":[{"@type":"CommentAction","name":"Comment","target":["https:\/\/aga.so\/so\/wax-akhriska-waa-dhaqan\/#respond"]}]},{"@type":"WebPage","@id":"https:\/\/aga.so\/so\/wax-akhriska-waa-dhaqan\/","url":"https:\/\/aga.so\/so\/wax-akhriska-waa-dhaqan\/","name":"Wax Akhriska waa Dhaqan - Akademiye Goboleedka Af Soomaaliga AGA","isPartOf":{"@id":"https:\/\/aga.so\/so\/#website"},"datePublished":"2022-06-20T15:09:38+00:00","dateModified":"2022-06-20T15:17:05+00:00","breadcrumb":{"@id":"https:\/\/aga.so\/so\/wax-akhriska-waa-dhaqan\/#breadcrumb"},"inLanguage":"en-US","potentialAction":[{"@type":"ReadAction","target":["https:\/\/aga.so\/so\/wax-akhriska-waa-dhaqan\/"]}]},{"@type":"BreadcrumbList","@id":"https:\/\/aga.so\/so\/wax-akhriska-waa-dhaqan\/#breadcrumb","itemListElement":[{"@type":"ListItem","position":1,"name":"Home","item":"https:\/\/aga.so\/so\/"},{"@type":"ListItem","position":2,"name":"Wax Akhriska waa Dhaqan"}]},{"@type":"WebSite","@id":"https:\/\/aga.so\/so\/#website","url":"https:\/\/aga.so\/so\/","name":"Akademiye Goboleedka Af Soomaaliga AGA","description":"","publisher":{"@id":"https:\/\/aga.so\/so\/#organization"},"potentialAction":[{"@type":"SearchAction","target":{"@type":"EntryPoint","urlTemplate":"https:\/\/aga.so\/so\/?s={search_term_string}"},"query-input":"required name=search_term_string"}],"inLanguage":"en-US"},{"@type":"Organization","@id":"https:\/\/aga.so\/so\/#organization","name":"AGA - Akadeemiya Goboleedka AfSoomaaliga","url":"https:\/\/aga.so\/so\/","logo":{"@type":"ImageObject","inLanguage":"en-US","@id":"https:\/\/aga.so\/so\/#\/schema\/logo\/image\/","url":"https:\/\/aga.so\/so\/wp-content\/uploads\/2020\/10\/favicon-2.png","contentUrl":"https:\/\/aga.so\/so\/wp-content\/uploads\/2020\/10\/favicon-2.png","width":162,"height":83,"caption":"AGA - Akadeemiya Goboleedka AfSoomaaliga"},"image":{"@id":"https:\/\/aga.so\/so\/#\/schema\/logo\/image\/"}},{"@type":"Person","@id":"https:\/\/aga.so\/so\/#\/schema\/person\/c89f24807531a9b3d9df95d848134d50","name":"hgb","image":{"@type":"ImageObject","inLanguage":"en-US","@id":"https:\/\/aga.so\/so\/#\/schema\/person\/image\/","url":"https:\/\/secure.gravatar.com\/avatar\/9cc2fe393829a669530037fc59abb837?s=96&d=mm&r=g","contentUrl":"https:\/\/secure.gravatar.com\/avatar\/9cc2fe393829a669530037fc59abb837?s=96&d=mm&r=g","caption":"hgb"},"url":"https:\/\/aga.so\/so\/author\/hgb\/"}]}},"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/aga.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/6770"}],"collection":[{"href":"https:\/\/aga.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/aga.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/aga.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/users\/1"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/aga.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=6770"}],"version-history":[{"count":3,"href":"https:\/\/aga.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/6770\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":6775,"href":"https:\/\/aga.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/6770\/revisions\/6775"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/aga.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media\/6773"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/aga.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=6770"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/aga.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=6770"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/aga.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=6770"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}