{"id":6765,"date":"2022-06-19T08:46:32","date_gmt":"2022-06-19T05:46:32","guid":{"rendered":"https:\/\/aga.so\/so\/?p=6765"},"modified":"2022-06-19T09:02:08","modified_gmt":"2022-06-19T06:02:08","slug":"halwad-sheeko-gaaban","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/aga.so\/so\/halwad-sheeko-gaaban\/","title":{"rendered":"Halwad (Sheeko Gaaban)"},"content":{"rendered":"<h4><em>Waxay ahayd amin gabal gaab ah, oo ay xooluhu u hollanayaan ubadkoodii in ay dhaadhiyaan. Dadkuna ay u diyaar garoobayaan carraabinta xoolaha iyo xarayntooda.\u00a0 Axmed waxa uu ahaa wiil reer magaal ah, oo gu\u2019ga uun u soo caano doontay reerka. Hase yeeshee, ciidan ayaa looga maarmi waayay, waxaana loo diray in uu awrta soo carraabiyo.<\/em><\/h4>\n<h4><em>Kolkii uu soo gaadhay awrkii u horeeyay ayuu si kedis ah wuxuu u arkay, wiil isaga ka yar balse la yaaban qaabka uu u socdo iyo lebiskiisa. Waxa uuna ku yidhi: \u201cWaar maxaad iga eegaysaa, ma bil baa iga bilatay?\u201d wiilkii ayaa yidhi. \u201cMaya, reer magaalow waxa aan daymooday futoxumeeyahan calalka ah eed mooddo karbaash dhammaaday. Ee miyaanad xishoonayn waxan maad iska xoortid.\u201d<\/em><\/h4>\n<h4><em>Axmed oo yaaban ayaa ku yidhi: \u201cWalaal xoori maayee, cawradaada asturo, intaana waxa ii dheer i caawi oo awrta ii xarig fur.\u201d Wiilkii yaraa ayaa la yaabay ninkan ka weyn ee aan xataa garanayn seetada waxa uuna ku yidhi: \u201cReerma ayaa tihiin?\u201d Axmed ayaa yidhi \u201cWaar reerkii waan ka imiye i caawiyoo, waxaanan garanayn\u00a0 faraha la geli maayee awrta ila kaxee lacag baan ku siinayaaye.\u201d\u00a0 Wiilkii yaraa ayaa ku yidhi imisa ayaad i siinaysaa bal i tus lacagta aad i siinaysid.\u201d Waxa uu aamini waayay ninkan surwaalka daldaloola wataa lacag xaggee ayuu ka keenayaa, illeyn haddii uu lacag haysto isagaaba dhar ku iibsan lahaaye. Axmed ayaa arkay in aanu aaminayn illaa uu lacagta tuso. Waxa uuna soo bixiyay lacagtii. Wiilkii yaraa ayaa ku qancay isaga oo quudhsanaya xoolo-moognimada haysa ninkan gaashaanqaadka ah. Waxa uuna ku yidhi: \u201cAwrta haddii aan maanta kula kaxeeyo, berrina sidee baad yeelaysaa?\u201d Axmed ayaa ku yidhi: \u201cMagaalada ayaan ku noqon doonaa isla berriba.\u201d<\/em><\/h4>\n<h4><em>Axmed ayaa wiilkii weydiiyay magaciisa. Wiilkii ayaa ku yidhi: \u201cMataan ayaa lay yidhaa.\u201d Kolkii ay cabbaar wada socdeen ayaa waxa ay ku soo baxeen laba nin oo isku haysta meel dhabbe ah, oo qir iyo qir kala taagan.<\/em><\/h4>\n<h4><em>Mataan ayaa nabdaadiyay oo ku yidhi: \u201cMaxaad sheegteen?\u201d mid ka mid ah labadii nin ayaa ku yidhi nabad baanu sheegnay, balse, Ilaahay baa noo kiin keenaye noo gar qaada waanu is haysannaaye. Waxa soo booday Axmed waxa uuna yidhi: \u201cMaxaad isku haysataan?\u201d Mid ka mid ah labadii nin ayaa yidhi: \u201cArradka dan baa keenta, yeelkadeede ninkan gu\u2019gii hore, ayaan neef irmaan ah siiyay, waxaannu ku heshiinnay in uu dayrtii hore ii soo celiyo. Bal weydiiya muslim Allow ninkani halkuu sacaygii geeyey.\u201d Axmed ayaa yidhi: \u201cBal adna gardhigo.\u201d Ninkii ayaa yidhi: \u201cWaa runtii, waxa uu i siiyay neef agoor ah, neefkiina jiilaalkii ayuu baxay.\u201d Axmed oo la yaaban labada nin ee waaweyni waxa ay isku haystaan ayaa ku yidhi: \u201cAdigu wax aad nin siisay maxaa ku daba dhigay? Adna orod ninkan iskaga tag oo hawlahaaga raaco.\u201d Yaab iyo amankaag ayaa lala kala jeestay illeyn horaa loo yidhi xaajo nimaan ogayni indhuhuu ka ridaa.<\/em><\/h4>\n<h4><em>Mataan oo arrinta garwaaqsaday ayaa ku yidhi: \u201cXaq iyo xeer mid uun bay geliye, inna keena aannu garcadaa idinla raadinee, haddii kale anaa idin raacayee ninkan halwadka ah iga reeba.\u201d<\/em><\/h4>\n<h4><em>Ninkii sacu ka maqnaa ayaa ku yidhi mataan: \u201cAdiga waan ku gartaye, ninkani muxuu ahaa?\u201d Axmed oo dhibsanaya wiilka ka yar ee arrimihiisa la weydiinayo ayaa si degdeg ah ugu jawaabay: \u201cWaxa aan ahay nabadoon balse weligay ma arag ruux kaa indho adag, sidee baad ku keentay nin rag ah wax aad siisay in aad u qabsatid?\u201d<\/em><\/h4>\n<h4><em>Yaab, mar kale ayaa la daymooday oo afka gacmaa la wada saaray! Axmedna isma waaline waxa uu ka dalbaday Mataan inay baxaan si aanu wakhti ugaga lumin meesha\u00a0 si uu awrta xilli hore u geeyo. Mataan oo dareensan in aanu garanayn waxa la isku haysto ayaa waxa uu ku yiri: \u201cAxmedow, nimankani waxay isku haystaan maad garane, orod oday nimankan kala saara doon haddii kale oo ay is dilaan, dhibaatada wax baad ku yeelanaysaa.\u201d Axmed isma waaline waxa uu yidhi: \u201chaye, i sii suga\u201d isaga oo u kicitimay dhanka tuulada kolkii uu in cabbaar socday ayaa uu la kulmay nin oday ah oo baadidoon ah. Waxa uuna ku yidhi: \u201cadeer laba nin ayaa meel dhaw isku haysta, midbaana gardaran ee kaalay wax kala dheh adaa iga wayne.\u201d Ninkii odaga ahaa isaga oo yaaban, eegayana kuraygan dhididsan ee haddana xukumay gardarrada, ayuu ku yidhi: \u201cAdeer, baadiddoon baan ahaaye in baadidaa badbaado, inna wax geel aaran u badan ma aragtay?\u201d<\/em><\/h4>\n<h4><em>Axmed waxa uu ugu jawaabay \u201cNimanka ayaa isku haysta.\u201d\u00a0 Odaygii oo yaabban ayaa soo raacay nimankii kolkii uu soo gaadhay ee uu nabdaadiyay ayaa uu uga warramay waayihiisa iyo wixii dhex maray isaga iyo wiilka. Waxa uuna intaa raaciyay inuu u baahan yahay geeliisii. Mataan oo dareemay in uu Axmed wax qaldan odayga u soo sheegay ayaa uga warramay waxyaalaha la isku hayo iyo halka uu arrin joogo. Odaygii oo garwaaqsaday arrinta ayaa xaajadii galay, wuxuuna ku kala xukumay in ay xeer u lahaayeen qoysaska labada nin ee is haystay. Irmaan baxay in aan la isu qabsan. Aqbal iyo guddoon ayaa lagu faataxaystay.<\/em><\/h4>\n<h3><em>\u00a0 \u00a0 \u00a0 \u00a0 \u00a0 \u00a0<strong>W.Q<\/strong><\/em><\/h3>\n<h3><strong><em>Maxamed Xasan Cabdullaahi (Geelle)<\/em><\/strong><\/h3>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Waxay ahayd amin gabal gaab ah, oo ay xooluhu u hollanayaan ubadkoodii in ay dhaadhiyaan. Dadkuna ay u diyaar garoobayaan carraabinta xoolaha iyo xarayntooda.\u00a0 Axmed waxa uu ahaa wiil reer magaal ah, oo gu\u2019ga uun u soo caano doontay reerka. Hase yeeshee, ciidan ayaa looga maarmi waayay, waxaana loo diray in uu awrta soo carraabiyo. [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":1,"featured_media":6769,"comment_status":"open","ping_status":"open","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"inline_featured_image":false},"categories":[17,19,33],"tags":[],"yoast_head":"<!-- This site is optimized with the Yoast SEO plugin v20.2.1 - https:\/\/yoast.com\/wordpress\/plugins\/seo\/ -->\n<title>Halwad (Sheeko Gaaban) - Akademiye Goboleedka Af Soomaaliga AGA<\/title>\n<meta name=\"robots\" content=\"index, follow, max-snippet:-1, max-image-preview:large, max-video-preview:-1\" \/>\n<link rel=\"canonical\" href=\"https:\/\/aga.so\/so\/halwad-sheeko-gaaban\/\" \/>\n<meta property=\"og:locale\" content=\"en_US\" \/>\n<meta property=\"og:type\" content=\"article\" \/>\n<meta property=\"og:title\" content=\"Halwad (Sheeko Gaaban) - Akademiye Goboleedka Af Soomaaliga AGA\" \/>\n<meta property=\"og:description\" content=\"Waxay ahayd amin gabal gaab ah, oo ay xooluhu u hollanayaan ubadkoodii in ay dhaadhiyaan. Dadkuna ay u diyaar garoobayaan carraabinta xoolaha iyo xarayntooda.\u00a0 Axmed waxa uu ahaa wiil reer magaal ah, oo gu\u2019ga uun u soo caano doontay reerka. Hase yeeshee, ciidan ayaa looga maarmi waayay, waxaana loo diray in uu awrta soo carraabiyo. [&hellip;]\" \/>\n<meta property=\"og:url\" content=\"https:\/\/aga.so\/so\/halwad-sheeko-gaaban\/\" \/>\n<meta property=\"og:site_name\" content=\"Akademiye Goboleedka Af Soomaaliga AGA\" \/>\n<meta property=\"article:published_time\" content=\"2022-06-19T05:46:32+00:00\" \/>\n<meta property=\"article:modified_time\" content=\"2022-06-19T06:02:08+00:00\" \/>\n<meta property=\"og:image\" content=\"https:\/\/aga.so\/so\/wp-content\/uploads\/2022\/06\/286951320_549312143471040_641505391546229940_n.jpg\" \/>\n\t<meta property=\"og:image:width\" content=\"457\" \/>\n\t<meta property=\"og:image:height\" content=\"353\" \/>\n\t<meta property=\"og:image:type\" content=\"image\/jpeg\" \/>\n<meta name=\"author\" content=\"hgb\" \/>\n<meta name=\"twitter:card\" content=\"summary_large_image\" \/>\n<meta name=\"twitter:label1\" content=\"Written by\" \/>\n\t<meta name=\"twitter:data1\" content=\"hgb\" \/>\n\t<meta name=\"twitter:label2\" content=\"Est. reading time\" \/>\n\t<meta name=\"twitter:data2\" content=\"4 minutes\" \/>\n<script type=\"application\/ld+json\" class=\"yoast-schema-graph\">{\"@context\":\"https:\/\/schema.org\",\"@graph\":[{\"@type\":\"Article\",\"@id\":\"https:\/\/aga.so\/so\/halwad-sheeko-gaaban\/#article\",\"isPartOf\":{\"@id\":\"https:\/\/aga.so\/so\/halwad-sheeko-gaaban\/\"},\"author\":{\"name\":\"hgb\",\"@id\":\"https:\/\/aga.so\/so\/#\/schema\/person\/c89f24807531a9b3d9df95d848134d50\"},\"headline\":\"Halwad (Sheeko Gaaban)\",\"datePublished\":\"2022-06-19T05:46:32+00:00\",\"dateModified\":\"2022-06-19T06:02:08+00:00\",\"mainEntityOfPage\":{\"@id\":\"https:\/\/aga.so\/so\/halwad-sheeko-gaaban\/\"},\"wordCount\":824,\"commentCount\":0,\"publisher\":{\"@id\":\"https:\/\/aga.so\/so\/#organization\"},\"articleSection\":[\"Featured\",\"Hal-abuurka &amp; Suugaanta\",\"Sheeko\"],\"inLanguage\":\"en-US\",\"potentialAction\":[{\"@type\":\"CommentAction\",\"name\":\"Comment\",\"target\":[\"https:\/\/aga.so\/so\/halwad-sheeko-gaaban\/#respond\"]}]},{\"@type\":\"WebPage\",\"@id\":\"https:\/\/aga.so\/so\/halwad-sheeko-gaaban\/\",\"url\":\"https:\/\/aga.so\/so\/halwad-sheeko-gaaban\/\",\"name\":\"Halwad (Sheeko Gaaban) - Akademiye Goboleedka Af Soomaaliga AGA\",\"isPartOf\":{\"@id\":\"https:\/\/aga.so\/so\/#website\"},\"datePublished\":\"2022-06-19T05:46:32+00:00\",\"dateModified\":\"2022-06-19T06:02:08+00:00\",\"breadcrumb\":{\"@id\":\"https:\/\/aga.so\/so\/halwad-sheeko-gaaban\/#breadcrumb\"},\"inLanguage\":\"en-US\",\"potentialAction\":[{\"@type\":\"ReadAction\",\"target\":[\"https:\/\/aga.so\/so\/halwad-sheeko-gaaban\/\"]}]},{\"@type\":\"BreadcrumbList\",\"@id\":\"https:\/\/aga.so\/so\/halwad-sheeko-gaaban\/#breadcrumb\",\"itemListElement\":[{\"@type\":\"ListItem\",\"position\":1,\"name\":\"Home\",\"item\":\"https:\/\/aga.so\/so\/\"},{\"@type\":\"ListItem\",\"position\":2,\"name\":\"Halwad (Sheeko Gaaban)\"}]},{\"@type\":\"WebSite\",\"@id\":\"https:\/\/aga.so\/so\/#website\",\"url\":\"https:\/\/aga.so\/so\/\",\"name\":\"Akademiye Goboleedka Af Soomaaliga AGA\",\"description\":\"\",\"publisher\":{\"@id\":\"https:\/\/aga.so\/so\/#organization\"},\"potentialAction\":[{\"@type\":\"SearchAction\",\"target\":{\"@type\":\"EntryPoint\",\"urlTemplate\":\"https:\/\/aga.so\/so\/?s={search_term_string}\"},\"query-input\":\"required name=search_term_string\"}],\"inLanguage\":\"en-US\"},{\"@type\":\"Organization\",\"@id\":\"https:\/\/aga.so\/so\/#organization\",\"name\":\"AGA - Akadeemiya Goboleedka AfSoomaaliga\",\"url\":\"https:\/\/aga.so\/so\/\",\"logo\":{\"@type\":\"ImageObject\",\"inLanguage\":\"en-US\",\"@id\":\"https:\/\/aga.so\/so\/#\/schema\/logo\/image\/\",\"url\":\"https:\/\/aga.so\/so\/wp-content\/uploads\/2020\/10\/favicon-2.png\",\"contentUrl\":\"https:\/\/aga.so\/so\/wp-content\/uploads\/2020\/10\/favicon-2.png\",\"width\":162,\"height\":83,\"caption\":\"AGA - Akadeemiya Goboleedka AfSoomaaliga\"},\"image\":{\"@id\":\"https:\/\/aga.so\/so\/#\/schema\/logo\/image\/\"}},{\"@type\":\"Person\",\"@id\":\"https:\/\/aga.so\/so\/#\/schema\/person\/c89f24807531a9b3d9df95d848134d50\",\"name\":\"hgb\",\"image\":{\"@type\":\"ImageObject\",\"inLanguage\":\"en-US\",\"@id\":\"https:\/\/aga.so\/so\/#\/schema\/person\/image\/\",\"url\":\"https:\/\/secure.gravatar.com\/avatar\/9cc2fe393829a669530037fc59abb837?s=96&d=mm&r=g\",\"contentUrl\":\"https:\/\/secure.gravatar.com\/avatar\/9cc2fe393829a669530037fc59abb837?s=96&d=mm&r=g\",\"caption\":\"hgb\"},\"url\":\"https:\/\/aga.so\/so\/author\/hgb\/\"}]}<\/script>\n<!-- \/ Yoast SEO plugin. -->","yoast_head_json":{"title":"Halwad (Sheeko Gaaban) - Akademiye Goboleedka Af Soomaaliga AGA","robots":{"index":"index","follow":"follow","max-snippet":"max-snippet:-1","max-image-preview":"max-image-preview:large","max-video-preview":"max-video-preview:-1"},"canonical":"https:\/\/aga.so\/so\/halwad-sheeko-gaaban\/","og_locale":"en_US","og_type":"article","og_title":"Halwad (Sheeko Gaaban) - Akademiye Goboleedka Af Soomaaliga AGA","og_description":"Waxay ahayd amin gabal gaab ah, oo ay xooluhu u hollanayaan ubadkoodii in ay dhaadhiyaan. Dadkuna ay u diyaar garoobayaan carraabinta xoolaha iyo xarayntooda.\u00a0 Axmed waxa uu ahaa wiil reer magaal ah, oo gu\u2019ga uun u soo caano doontay reerka. Hase yeeshee, ciidan ayaa looga maarmi waayay, waxaana loo diray in uu awrta soo carraabiyo. [&hellip;]","og_url":"https:\/\/aga.so\/so\/halwad-sheeko-gaaban\/","og_site_name":"Akademiye Goboleedka Af Soomaaliga AGA","article_published_time":"2022-06-19T05:46:32+00:00","article_modified_time":"2022-06-19T06:02:08+00:00","og_image":[{"width":457,"height":353,"url":"https:\/\/aga.so\/so\/wp-content\/uploads\/2022\/06\/286951320_549312143471040_641505391546229940_n.jpg","type":"image\/jpeg"}],"author":"hgb","twitter_card":"summary_large_image","twitter_misc":{"Written by":"hgb","Est. reading time":"4 minutes"},"schema":{"@context":"https:\/\/schema.org","@graph":[{"@type":"Article","@id":"https:\/\/aga.so\/so\/halwad-sheeko-gaaban\/#article","isPartOf":{"@id":"https:\/\/aga.so\/so\/halwad-sheeko-gaaban\/"},"author":{"name":"hgb","@id":"https:\/\/aga.so\/so\/#\/schema\/person\/c89f24807531a9b3d9df95d848134d50"},"headline":"Halwad (Sheeko Gaaban)","datePublished":"2022-06-19T05:46:32+00:00","dateModified":"2022-06-19T06:02:08+00:00","mainEntityOfPage":{"@id":"https:\/\/aga.so\/so\/halwad-sheeko-gaaban\/"},"wordCount":824,"commentCount":0,"publisher":{"@id":"https:\/\/aga.so\/so\/#organization"},"articleSection":["Featured","Hal-abuurka &amp; Suugaanta","Sheeko"],"inLanguage":"en-US","potentialAction":[{"@type":"CommentAction","name":"Comment","target":["https:\/\/aga.so\/so\/halwad-sheeko-gaaban\/#respond"]}]},{"@type":"WebPage","@id":"https:\/\/aga.so\/so\/halwad-sheeko-gaaban\/","url":"https:\/\/aga.so\/so\/halwad-sheeko-gaaban\/","name":"Halwad (Sheeko Gaaban) - Akademiye Goboleedka Af Soomaaliga AGA","isPartOf":{"@id":"https:\/\/aga.so\/so\/#website"},"datePublished":"2022-06-19T05:46:32+00:00","dateModified":"2022-06-19T06:02:08+00:00","breadcrumb":{"@id":"https:\/\/aga.so\/so\/halwad-sheeko-gaaban\/#breadcrumb"},"inLanguage":"en-US","potentialAction":[{"@type":"ReadAction","target":["https:\/\/aga.so\/so\/halwad-sheeko-gaaban\/"]}]},{"@type":"BreadcrumbList","@id":"https:\/\/aga.so\/so\/halwad-sheeko-gaaban\/#breadcrumb","itemListElement":[{"@type":"ListItem","position":1,"name":"Home","item":"https:\/\/aga.so\/so\/"},{"@type":"ListItem","position":2,"name":"Halwad (Sheeko Gaaban)"}]},{"@type":"WebSite","@id":"https:\/\/aga.so\/so\/#website","url":"https:\/\/aga.so\/so\/","name":"Akademiye Goboleedka Af Soomaaliga AGA","description":"","publisher":{"@id":"https:\/\/aga.so\/so\/#organization"},"potentialAction":[{"@type":"SearchAction","target":{"@type":"EntryPoint","urlTemplate":"https:\/\/aga.so\/so\/?s={search_term_string}"},"query-input":"required name=search_term_string"}],"inLanguage":"en-US"},{"@type":"Organization","@id":"https:\/\/aga.so\/so\/#organization","name":"AGA - Akadeemiya Goboleedka AfSoomaaliga","url":"https:\/\/aga.so\/so\/","logo":{"@type":"ImageObject","inLanguage":"en-US","@id":"https:\/\/aga.so\/so\/#\/schema\/logo\/image\/","url":"https:\/\/aga.so\/so\/wp-content\/uploads\/2020\/10\/favicon-2.png","contentUrl":"https:\/\/aga.so\/so\/wp-content\/uploads\/2020\/10\/favicon-2.png","width":162,"height":83,"caption":"AGA - Akadeemiya Goboleedka AfSoomaaliga"},"image":{"@id":"https:\/\/aga.so\/so\/#\/schema\/logo\/image\/"}},{"@type":"Person","@id":"https:\/\/aga.so\/so\/#\/schema\/person\/c89f24807531a9b3d9df95d848134d50","name":"hgb","image":{"@type":"ImageObject","inLanguage":"en-US","@id":"https:\/\/aga.so\/so\/#\/schema\/person\/image\/","url":"https:\/\/secure.gravatar.com\/avatar\/9cc2fe393829a669530037fc59abb837?s=96&d=mm&r=g","contentUrl":"https:\/\/secure.gravatar.com\/avatar\/9cc2fe393829a669530037fc59abb837?s=96&d=mm&r=g","caption":"hgb"},"url":"https:\/\/aga.so\/so\/author\/hgb\/"}]}},"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/aga.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/6765"}],"collection":[{"href":"https:\/\/aga.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/aga.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/aga.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/users\/1"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/aga.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=6765"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/aga.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/6765\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":6767,"href":"https:\/\/aga.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/6765\/revisions\/6767"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/aga.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media\/6769"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/aga.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=6765"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/aga.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=6765"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/aga.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=6765"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}