{"id":6628,"date":"2022-04-22T22:10:59","date_gmt":"2022-04-22T19:10:59","guid":{"rendered":"https:\/\/aga.so\/so\/?p=6628"},"modified":"2022-04-22T22:14:48","modified_gmt":"2022-04-22T19:14:48","slug":"falanqaynta-dhiganaha-laabta-kasoco-dareen-iyo-garasho","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/aga.so\/so\/falanqaynta-dhiganaha-laabta-kasoco-dareen-iyo-garasho\/","title":{"rendered":"Falanqaynta Dhiganaha LAABTA KA SOCO: \u00abDareen iyo Garasho\u00bb"},"content":{"rendered":"<h4><strong><em>Falanqaynta dhiganaha LAABTA KASOCO: \u00abdareen iyo garasho\u00bb<\/em><\/strong><\/h4>\n<h4><em>Waxaa la isku raacsanyahay waxtarka iyo dheefta qoraalku uu bulshooyinka u leeyahay, waanna\u00a0 sababta ogaalka(Cilmiga) iyo aqoontuba ku gaaraan jiilaalka danbe.<\/em><\/h4>\n<h4><em>Cali bin abii daalib RC ayaa yiri \ud83d\ude41 \u0645\u0627\u0643\u062a\u0628 \u0642\u0631 \u0648\u0645\u0627 \u062d\u0641\u0638 \u0641\u0631).<\/em><\/h4>\n<h4><em>Cabdi\u00a0 Sinnimoo ayaa laga haayaa inuu yiri: (wixii qoran ayaa quruumo haree muxuu hadal qiimo leeyahay).<\/em><\/h4>\n<h4><em>Haddaba aniga oo ka duulaya mugga uu dhigaalku bulashooyinka u leeyahay ayaa waxaan meeshaan ku falanqeyn doonaa dhiganaha LAABTA KASOCO \u00abdareen iyo garasho\u00bb ee uu qoray qoraa hal-abuur, barbaariye Dr Xuseen M. Cabdulle WADAAD oo ah Guddoomiyaha\u00a0 hoyga raadraaca dhaqanka iyo suugaanta LAASHIN.<\/em><\/h4>\n<h4><strong><em>Qoraalka iyo qoraaga<\/em><\/strong><\/h4>\n<h4><em>Waxaa la yiraahdaa dhigane kasta waxa uu muujiyaa kana marag kacaa, ill aragtida iyo qof ahaanta qoraaga dhiganaha. Inta aanan u galin falanqaynta dhiganaha waxa aan inyar falanqayn ku samaynayaa qofnimada qoraaga dhiganahaan aan magacdhabay , si aan u dareenno una dhuuxno aqoonta uu xanbaarsan yahay dhiganuhu.<\/em><\/h4>\n<h4><em>Dr. Xuseen Wadaad, waxa uu soo maray heerarka kala duwan ee waxbarashada, dalka gudihiisa iyo dibaddaba. Ka billoow ababinta koobaad ee dugsiga qur\u2019aanka. Ku xijji barashada diinta islaamka culuumteeda kala gadisan.<\/em><\/h4>\n<h4><em>Waxbarshadii iskuulka, qayb ka mid ah heerka koobaad ee jaamacadda intaasba waxa uu ku qaatay dalka gudihiisa. Waxbarashadiisa jaamacadeed teer iyo heerarkooda kala duwanna waxa uu ku soo qaatay wadanka dibadiisa.<\/em><\/h4>\n<h4><strong><em>Waaya-aragnimadiisa Shaqo:<\/em><\/strong><\/h4>\n<h4><em>Shaqadiisu waxa ay u badnayd wax barashada iyo caafimaadka.\u00a0 Isaga oo noqday macallin barbaariye iyo qoraa wax ku qori jirey wargaysadii ugu caansanaa dalka. Waxa kale oo in badan ka shaqeeyay qaybaha caafimaadka oo ka noqday madax qaybeed iyo Bare dhiga qayb ka mid ah aqoonta caafimaadka.<\/em><\/h4>\n<h4><em>Hadda waa Bare wax kadhiga dugsiyada dalka\u00a0 SWEDAN.<\/em><\/h4>\n<h4><em>Aqoonyahan Xuseen Wadaad, waa qoraaga Buug sheekeedka la yiraa \u201cGODOB IYO GALLAD\u201d iyo midka aan hadda la faalloonayno ee LAABTA KA SOCO \u201cDareen iyo garasho\u201d.<\/em><\/h4>\n<h4><em>Halkaas waxa aan ka ogaanaynaa in dhiganaha aan falanqayn doonno qofka qoray uu yahay, qof leh aqoon iyo waayo aragnimo kala gadisan, sidoo kale hal abuur leh suugaan iyo dhaqan yaqaan ah, oo ay dheertay in uu yahay barbaariye ku xeeldheer arrimaha bulshada, aadna u garanaya cudurrada bulshada ku dhaca iyo sida loo daaweyn karo. Intaas aan soo sheegay waxa aad ka dheehan doontaan dhiganahaan.<\/em><\/h4>\n<h4><strong><em>BARBAARINTA BULSHADA<\/em><\/strong><\/h4>\n<h4><em>Bulshadu waa ay jirrataa sida uu qofka noolaha ah u jirrado, balse, qofku marka uu jirrado bulshadu waxa ay la\u2019aadaa xarun caafimaad iyo Dhayme oge(Dhalhtar) si xanuunka haya\u00a0 loogu helo daryeel iyo dhayme, carruurtoodana waxa ay u diraan goobaha lagu barto caafimaadka dal iyo dibad waxaanna uga baxa dhaqaale fara badan.<\/em><\/h4>\n<h4><em>Hasa ahaatee, bulshadu kuma baraarugsana cudarrada bulshada ku dhaca sida dhaqanxumada, burburka nolasha qoyska ,dawlad xumida, musuqmaasuqa, burburka ama xumaanta hannaanka guud ee bulshada isku haya ; ha ahaato dhanka dawlidnimada, ama dhaqan dhaqaale, deegaan iyo taariikhba, intaas aan soo sheegnay waxa ay u baahan yihiin dhaqtar bartay oo bulshada ka daweeya cuduradaas.<\/em><\/h4>\n<h4><em>Haddii uu bulshada ku dhaco cudurrada jirka, waxaa laga yaabaa in uu wax yeelleeyo dad kooban , balse haddii uu haleelo umadda cudurrada bulshada ku dhaca oo aan qayb ka mid ah kor ku xusnay waxa uu wax yeelleyanayaa oo uu kala gaarayaa bulshada badankeed tusaalahaan burburka hannaanka dawladnimada oo ah cudur ku dhaca bulshada waxa uu wax yeellaynayaa jirritaanka bulasha ugu yaraanna dhaawac culus oo kasoo kabashadiisu muddo qaadanayso ayuu gaarsiinayaa bulshada . intaas oo dhan waxa ay na tusinayaan qiimaha iyo qaayaha ay bulshada ugu fadhiyaan barbaarinta iyo barbaariyahaba.<\/em><\/h4>\n<h4><strong><em>Dhiganaha laabta ka soco<\/em><\/strong><\/h4>\n<h4><em>Dhiganaha laabta ka soco waxa uu ka koobaan yahay 19 qormo iyo 170 bogWaxa uu buuxinayaa kaalin ka bannaan oo mug leh welina aan wax laga qorin taaso wax badan ku soo kordhinaysa\u00a0 qoraalka soomaalida arrimaha uu ka hadlayo oo aruursan horayna aan buug loogama samayn.<\/em><\/h4>\n<h4><em>Waxa uu ku saabsan yahay arrimaha bulshada: (dhaqan, bulsho, xeer, siyaasad iyo arrimo diimeed) kuwaas oo saldhig u ah horumarka bulsho gaari karto.<\/em><\/h4>\n<h4><em>Sidoo kale waxa uu\u00a0 ka hadlayaa\u00a0 dhiirra galinta nolasha. Qoraagu waxa uu na siinayaa xeerar iyo tusaalayaal nool oo aan nolasheenna ku hagno,\u00a0 kuna haggaajinno.\u00a0 Waxa uu nooga soo xulay suugaanta ,dhaqanka iyo diinta ;xeerar iyo tusaalayaal aad u qiima badan, waxaa aad ii soo jiitay sida ay isu dhamaystirayaan qormooyinka buugga iyo qaabka ay isugu xigaan oo aad dareemayso in maskax iyo waqti badan la galiyay.<\/em><\/h4>\n<h4><em>Bal dhugo qormooyinka qaar ka mid ah waxa uu leeyahay qoraagu \u201cWaysha gawrac dibigu ha quustee, Meesha aad ka gashaan ka galayaa, Alla kacabsi iyo rag iska dhicin, Hebel gar leh hebelna gar leh , Fiqi tolkiis kama janno tago.\u201d<\/em><\/h4>\n<h4><em>\u00a0Qormooyinkaan oo dhan iyo kuwa kaleba\u00a0 waxa ay ku jiraan dhiganaha, waanna kuwo is dhammaystiraya dhammaantoodna\u00a0 waxa ay na tusinayaan qiimaha danta guud, iyo qofku in uusan ka fakarin dantiisa gaarka ah.<\/em><\/h4>\n<h4><em>Qormada ah: Hebel gar leh hebelna gar leh;\u00a0 waxa ay tusaale u tahay dad gar loo dhigtay laba dhinac oo is dagaalsanaa ay ku halleyeen hayaanka iyo filashada nolasha dadka is dagaalay iyo kuwa ay isku dul dagaaleen, dadka kii loo gardhigtay halkii laga sugayay in ay la soo guryo noqdaan xal labada dhinac ay raalli ka yihiin, waxa ay golihii la yimaadeen Hebel gar leh hebelna gar leh, hadda halkaas dhugo waa \u201cHalkii cir laga sugaayay oo ceeryaamo ka timid\u201d. Middaasoo\u00a0 ka dhigan si fiican isugu hooga, dirirta iyo colaaduna ha sii daba dheeraato.\u00a0 Murtidani aan halkaan ku sii falanqeeyay waa mid kamid ah murtiyaha dhiganahaan ku qoran oo uu qoraagu noo soo xulay. Ujeedka qoraagu ka leeyahay waxa ay tahay in aan la isku qasin layskuna qooshin qumanaan\u00a0 iyo qallooc , gar iyo gardarro, oo qofka garta leh gartiisa la siiyo kan gardaranna gardarradiisa la saaro.<\/em><\/h4>\n<h4><em>Hadii aan sii dhex qaado qormooyinka dhiganaha oo aniga sida\u00a0 goonida ah ii soo jiitay ee ku jira dhiganahaan waxaa kamid ah qoramada oranaysa \u201dShanta iyo sharciga\u201d qormadaan falanqeynteeda waxa aan ka soo qaadanayaa isla dhiganaha .Qoraagu marka uu faaleeyey murtidan soomaaliyeed ee oranaysa \u201cNin aan shantaadu kaa reebin sharci kaama reebo\u201d marka uu caddeeyay xeerkaan in uu yahay xeerka kaynta, oo ku dhisan kala xoog weyni iyo isku awood sheegasho, iyo in uusan ahayn mid loogu talagalay bini-aadam , ayuu tusaale waxa uu nooga soo qaatay dhacdo uu asagu goobjoog u ahaa tusaalana u ah hadii bini-aadamku caqli katago, awoodna is bido in uu isku badalayo naxariis laawe lamid ah noolaha keynta, sharci, damiir iyo qaanuuna aan xeerineyn.<\/em><\/h4>\n<h4><em>Waxa uu yiri qoraagu : waxaan xusuustaa1976-dii macallin wax ii dhigayay xilligaas ayaa na yiri \u00ab macallinku waa in uu xoog lahaadaa si ay xoogiisa ardaydu uga wada baqdo, hadii kale waddada ayeey u istaagayaan, waxa uu sii raaciyay ardayguna waa in uu kabaqaa qaanuunka iyo cududda macallinka labadaba\u00bb. Hadda u fiirso meeshaas, macallinku waxa uu sharcigii ka hormariyay Xoog iyo cudud.<\/em><\/h4>\n<h4><em>Arrintaani waa tusaale nool uu tusinaysa qofkii la rabay bulshada in uu ku hago waddada toosan iyo ilaalinta sharciga in uu isagii hormuud u noqdo burburka hannaanka bulshada isku xirayay oo ah sharciga.<\/em><\/h4>\n<h4><em>Waxaa la mid ah erayadii AUN Abwaan Xasan Sh.Muumin.<\/em><\/h4>\n<h4><em>(Ruux hadii cudur dilaayo dawadaa bog siisee hadii dawo bukooto maxaa lagu dabiibaa.asaga oo isu jawaabaya waxa uu yiri. Dallaalnimada diintiyo dastuurka iyo xeerka hadii dabool la saaro dawo bukootay weeye).<\/em><\/h4>\n<h4><em>Hadaba macallinkaas waxa uu tusaale nool u yahay dawo bukootay, waanna wax yaalaha qoraagu nooga digayo.<\/em><\/h4>\n<h4><em>\u00a0Qormooyinka dhiganahaan kuwa ugu danbeeya waxaa ka mid ah qormada 19 aad oo wadata magaca dhiganaha ee LAABTA KASOCO. Qormadaan waxa uu kusoo koobayaa qoraagu nuxurka buugga iyo ujeedka uu u doortay magaca laabta ka soco<\/em><\/h4>\n<h4><em>Qormadaan waxa uu ku faahfaahiyay xargaha bulshada isku haya ee uu ku tilmaamay \u201cDiin, dhaqan, af, sooyaal iyo sinji\u201c oo ay wahliyaan dadnimo iyo damiir,<\/em><\/h4>\n<h4><em>Waxa uu qoraagu tilmaamay in qaranjabkii ku dhacay bulshada Soomaaliyeed in uu gaarsiiyay dhaawac aad u culus oo saameeyay bulshada qaybaheedii kala gadisanaa, waa tan keentay soomaalidu in ay dunida oo dhan qaab balqan ah oo aad looga yaxyaxo u daadsan yihiin, qaran jabkaas ma saameeyn mood iyo naf kali ah ee waxa uu u tilaabay bulshada wixii isku hayay ee ahaa: Dhaqan, diin iyo af. Dhigaalkaanu waa mid lagu bad baadinayo bulshada, wixii ka dhaxeeyay oo qoraagu si farshaxan leh oo laga xiisa dhigayn ayuu noogu soo bandhigayaa, asaga oo noogu xoojinaya tusaalayaal uu ka soo qaatay diinta islaamka iyo dhacdooyin uu u soo joogay,kuwa la mid ahna annagana aan la kulmi karno.<\/em><\/h4>\n<h4><em>\u00a0<strong>Buugaagta la midka ah dhiganahaan<\/strong><\/em><\/h4>\n<h4><em>Dhiganahaan waa buuggii ugu horreeyay oo nuuciisa ah ee afsoomaali ku qoran, hasa ahaatee waxaa jirta buugaag lamid ah oo afaf kale ku qoran. Sida: \u062c\u062f\u062f \u062d\u064a\u0627\u062a\u0643) ) ee uu qoray wadaadka reer masar shiikh maxamad al qasaali.<\/em><\/h4>\n<h4><em>\u00a0\u0627\u0633\u062a\u0645\u062a\u0639 \u0641\u064a \u062d\u064a\u0627\u062a\u0643) )\u00a0 waxaa qoray wadaadka lagu magacaqbo Shiikh Maxamad Al cirriifi.<\/em><\/h4>\n<h4><em>(\u0644\u0627\u062a\u062d\u0632\u0646 )\u00a0 ee uu qoray wadaadka reer cucuudi ee lagu magacaabo Dr Caa\u2019id Al qarni.<\/em><\/h4>\n<h4><em>\u00a0\u062f\u0639 \u0627\u0644\u0642\u0644\u0642 \u0648\u0627\u0628\u062f\u0621 \u0627\u0644\u062d\u064a\u0627\u0629 ) ) buugaag assalkiisu waxa uu kuqorqnyahay af ingiriis magaciisuna waxa uu ahaa (how to stop worrying and start living).waxaana qoray aqoonyahan reer maraykan ah oo lagu magacaabo:Dale carnegie marka carabi loo badallo waxa uu yeelanayaa magaca aan kor kusoo xusay.<\/em><\/h4>\n<h4><em>Dhiganayaashaan dhammaantood waxa ay isku jid yihiin isku farriina xambaarsan yihiin dhiganahan LAABTA KASOCO\u00a0 ee aan halkaan ku faalaynaynno. Dhammaantood waxa ay ka hadlayaan dhiirragalinta bini-aadamka iyo sidii u qaadi lahaa waddooyinka sugan ee nolosha iyo\u00a0 xasiloonideeda loo maro,waxa ay noo tilmaamayaan sida aan ku maarayn lahayn dhibaatooyinka aan kala kulmaynno nolasha iyo la dhaqanka bini-aadamka.<\/em><\/h4>\n<h4><em>Dhiganayaashaan aan meeshaan magacyadooda kusoo hadal qaadnay waxaa aad igu sii dhaw dhiganaha\u00a0 LAABTA KASOCO. Buugga Shiikh maxamed al qasali Ee lagu magacaabo\u00a0 \u062c\u062f\u062f \u062d\u064a\u0627\u062a\u0643)) ( dib u cusboonaysii nolashaada)<\/em><\/h4>\n<h4><em>Waxa uu leeyahay qoraaga buuggaan waxaan halkan kusoo aruuriyay oo aan ka keenay axaadiista nebiga iyo quraanka nusuusta diinta islaamka, kutubta laga qoray ee jideynaya tilmaamayana xeerar qofka muslimka ah uu ku hago nolashiisa si uu ugu noolaado nolol wanaagsan oo dagganaan ku xeeran tahay.<\/em><\/h4>\n<h4><em>Sidaas oo kale ayaa qoraaga dhiganeheennaan LAABTA KASOCO noogu soo aruuriyay xeerar iyo xikmado uu kala soo dhex\u00a0 baxay diinteenna suubban dhaqankeenna iyo suugaanta soomaalida\u00a0 uu ku iidaamayey, murti iyo maahmaah, gabay iyo guuroow, maanso iyo masafo ka doontaba ha ahaate. Dhiganaha ayaa ah mid qof walba si togan ula hadlaya, sidoo kale tilmaamaya, god daloolooyinka iyo dhaliilaha bulsho ee aan weli dhaymahooda la helin, waxaa aad dhiganahan ka dheegan kartaa, talooyin badan oo ina tusmanaya hannaanka wanaagsan ee bulsho laga rabo, sidoo kale tabatusmayna hab nololeedka cusub ee aadanaha lagama maarmaanka u ah inuu ku noolaado. Qofku markuu naftiisa laylyo, tabbobaro, jareeyo ayuu bulshadiisana isbeddel ku samayn karaa, waanna qaabka farriinta dhiganaha LAABTA KA SOCO inoo tilmaamayo,\u00a0 Aqriste faallo iyo falanqayn kagama dhergi kartid, balse waxaa aan kugula talin lahaa inaad aqrido oo aad baallashiisa murtida jiifta dhadhansato aadna u dhuuxdo.<\/em><\/h4>\n<h4><em>Guntii iyo gaban-gabadii waxaan u soo jeedinayaa inta aqriska jecel in dhiganahaan ku eegaan DAREEN IYO GARASHO, waxa ka kororsadaan, bulshadana wax uga kordhiyaan.<\/em><\/h4>\n<h4><em><strong>W\/Q: Shaafici Macallin Axmed<\/strong><\/em><\/h4>\n<h4><em><strong>Paris 14\/04\/2022<\/strong><\/em><\/h4>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Falanqaynta dhiganaha LAABTA KASOCO: \u00abdareen iyo garasho\u00bb Waxaa la isku raacsanyahay waxtarka iyo dheefta qoraalku uu bulshooyinka u leeyahay, waanna\u00a0 sababta ogaalka(Cilmiga) iyo aqoontuba ku gaaraan jiilaalka danbe. Cali bin abii daalib RC ayaa yiri \ud83d\ude41 \u0645\u0627\u0643\u062a\u0628 \u0642\u0631 \u0648\u0645\u0627 \u062d\u0641\u0638 \u0641\u0631). Cabdi\u00a0 Sinnimoo ayaa laga haayaa inuu yiri: (wixii qoran ayaa quruumo haree muxuu hadal [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":1,"featured_media":6629,"comment_status":"open","ping_status":"open","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"inline_featured_image":false},"categories":[10,17,24],"tags":[],"yoast_head":"<!-- This site is optimized with the Yoast SEO plugin v20.2.1 - https:\/\/yoast.com\/wordpress\/plugins\/seo\/ -->\n<title>Falanqaynta Dhiganaha LAABTA KA SOCO: \u00abDareen iyo Garasho\u00bb - Akademiye Goboleedka Af Soomaaliga AGA<\/title>\n<meta name=\"robots\" content=\"index, follow, max-snippet:-1, max-image-preview:large, max-video-preview:-1\" \/>\n<link rel=\"canonical\" href=\"https:\/\/aga.so\/so\/falanqaynta-dhiganaha-laabta-kasoco-dareen-iyo-garasho\/\" \/>\n<meta property=\"og:locale\" content=\"en_US\" \/>\n<meta property=\"og:type\" content=\"article\" \/>\n<meta property=\"og:title\" content=\"Falanqaynta Dhiganaha LAABTA KA SOCO: \u00abDareen iyo Garasho\u00bb - Akademiye Goboleedka Af Soomaaliga AGA\" \/>\n<meta property=\"og:description\" content=\"Falanqaynta dhiganaha LAABTA KASOCO: \u00abdareen iyo garasho\u00bb Waxaa la isku raacsanyahay waxtarka iyo dheefta qoraalku uu bulshooyinka u leeyahay, waanna\u00a0 sababta ogaalka(Cilmiga) iyo aqoontuba ku gaaraan jiilaalka danbe. Cali bin abii daalib RC ayaa yiri \ud83d\ude41 \u0645\u0627\u0643\u062a\u0628 \u0642\u0631 \u0648\u0645\u0627 \u062d\u0641\u0638 \u0641\u0631). Cabdi\u00a0 Sinnimoo ayaa laga haayaa inuu yiri: (wixii qoran ayaa quruumo haree muxuu hadal [&hellip;]\" \/>\n<meta property=\"og:url\" content=\"https:\/\/aga.so\/so\/falanqaynta-dhiganaha-laabta-kasoco-dareen-iyo-garasho\/\" \/>\n<meta property=\"og:site_name\" content=\"Akademiye Goboleedka Af Soomaaliga AGA\" \/>\n<meta property=\"article:published_time\" content=\"2022-04-22T19:10:59+00:00\" \/>\n<meta property=\"article:modified_time\" content=\"2022-04-22T19:14:48+00:00\" \/>\n<meta property=\"og:image\" content=\"https:\/\/aga.so\/so\/wp-content\/uploads\/2022\/04\/FB_IMG_1643220952451-696x464-1.jpeg\" \/>\n\t<meta property=\"og:image:width\" content=\"696\" \/>\n\t<meta property=\"og:image:height\" content=\"464\" \/>\n\t<meta property=\"og:image:type\" content=\"image\/jpeg\" \/>\n<meta name=\"author\" content=\"hgb\" \/>\n<meta name=\"twitter:card\" content=\"summary_large_image\" \/>\n<meta name=\"twitter:label1\" content=\"Written by\" \/>\n\t<meta name=\"twitter:data1\" content=\"hgb\" \/>\n\t<meta name=\"twitter:label2\" content=\"Est. reading time\" \/>\n\t<meta name=\"twitter:data2\" content=\"8 minutes\" \/>\n<script type=\"application\/ld+json\" class=\"yoast-schema-graph\">{\"@context\":\"https:\/\/schema.org\",\"@graph\":[{\"@type\":\"Article\",\"@id\":\"https:\/\/aga.so\/so\/falanqaynta-dhiganaha-laabta-kasoco-dareen-iyo-garasho\/#article\",\"isPartOf\":{\"@id\":\"https:\/\/aga.so\/so\/falanqaynta-dhiganaha-laabta-kasoco-dareen-iyo-garasho\/\"},\"author\":{\"name\":\"hgb\",\"@id\":\"https:\/\/aga.so\/so\/#\/schema\/person\/c89f24807531a9b3d9df95d848134d50\"},\"headline\":\"Falanqaynta Dhiganaha LAABTA KA SOCO: \u00abDareen iyo Garasho\u00bb\",\"datePublished\":\"2022-04-22T19:10:59+00:00\",\"dateModified\":\"2022-04-22T19:14:48+00:00\",\"mainEntityOfPage\":{\"@id\":\"https:\/\/aga.so\/so\/falanqaynta-dhiganaha-laabta-kasoco-dareen-iyo-garasho\/\"},\"wordCount\":1764,\"commentCount\":0,\"publisher\":{\"@id\":\"https:\/\/aga.so\/so\/#organization\"},\"articleSection\":[\"Buugaag\",\"Featured\",\"Xulka Maqaallada\"],\"inLanguage\":\"en-US\",\"potentialAction\":[{\"@type\":\"CommentAction\",\"name\":\"Comment\",\"target\":[\"https:\/\/aga.so\/so\/falanqaynta-dhiganaha-laabta-kasoco-dareen-iyo-garasho\/#respond\"]}]},{\"@type\":\"WebPage\",\"@id\":\"https:\/\/aga.so\/so\/falanqaynta-dhiganaha-laabta-kasoco-dareen-iyo-garasho\/\",\"url\":\"https:\/\/aga.so\/so\/falanqaynta-dhiganaha-laabta-kasoco-dareen-iyo-garasho\/\",\"name\":\"Falanqaynta Dhiganaha LAABTA KA SOCO: \u00abDareen iyo Garasho\u00bb - Akademiye Goboleedka Af Soomaaliga AGA\",\"isPartOf\":{\"@id\":\"https:\/\/aga.so\/so\/#website\"},\"datePublished\":\"2022-04-22T19:10:59+00:00\",\"dateModified\":\"2022-04-22T19:14:48+00:00\",\"breadcrumb\":{\"@id\":\"https:\/\/aga.so\/so\/falanqaynta-dhiganaha-laabta-kasoco-dareen-iyo-garasho\/#breadcrumb\"},\"inLanguage\":\"en-US\",\"potentialAction\":[{\"@type\":\"ReadAction\",\"target\":[\"https:\/\/aga.so\/so\/falanqaynta-dhiganaha-laabta-kasoco-dareen-iyo-garasho\/\"]}]},{\"@type\":\"BreadcrumbList\",\"@id\":\"https:\/\/aga.so\/so\/falanqaynta-dhiganaha-laabta-kasoco-dareen-iyo-garasho\/#breadcrumb\",\"itemListElement\":[{\"@type\":\"ListItem\",\"position\":1,\"name\":\"Home\",\"item\":\"https:\/\/aga.so\/so\/\"},{\"@type\":\"ListItem\",\"position\":2,\"name\":\"Falanqaynta Dhiganaha LAABTA KA SOCO: \u00abDareen iyo Garasho\u00bb\"}]},{\"@type\":\"WebSite\",\"@id\":\"https:\/\/aga.so\/so\/#website\",\"url\":\"https:\/\/aga.so\/so\/\",\"name\":\"Akademiye Goboleedka Af Soomaaliga AGA\",\"description\":\"\",\"publisher\":{\"@id\":\"https:\/\/aga.so\/so\/#organization\"},\"potentialAction\":[{\"@type\":\"SearchAction\",\"target\":{\"@type\":\"EntryPoint\",\"urlTemplate\":\"https:\/\/aga.so\/so\/?s={search_term_string}\"},\"query-input\":\"required name=search_term_string\"}],\"inLanguage\":\"en-US\"},{\"@type\":\"Organization\",\"@id\":\"https:\/\/aga.so\/so\/#organization\",\"name\":\"AGA - Akadeemiya Goboleedka AfSoomaaliga\",\"url\":\"https:\/\/aga.so\/so\/\",\"logo\":{\"@type\":\"ImageObject\",\"inLanguage\":\"en-US\",\"@id\":\"https:\/\/aga.so\/so\/#\/schema\/logo\/image\/\",\"url\":\"https:\/\/aga.so\/so\/wp-content\/uploads\/2020\/10\/favicon-2.png\",\"contentUrl\":\"https:\/\/aga.so\/so\/wp-content\/uploads\/2020\/10\/favicon-2.png\",\"width\":162,\"height\":83,\"caption\":\"AGA - Akadeemiya Goboleedka AfSoomaaliga\"},\"image\":{\"@id\":\"https:\/\/aga.so\/so\/#\/schema\/logo\/image\/\"}},{\"@type\":\"Person\",\"@id\":\"https:\/\/aga.so\/so\/#\/schema\/person\/c89f24807531a9b3d9df95d848134d50\",\"name\":\"hgb\",\"image\":{\"@type\":\"ImageObject\",\"inLanguage\":\"en-US\",\"@id\":\"https:\/\/aga.so\/so\/#\/schema\/person\/image\/\",\"url\":\"https:\/\/secure.gravatar.com\/avatar\/9cc2fe393829a669530037fc59abb837?s=96&d=mm&r=g\",\"contentUrl\":\"https:\/\/secure.gravatar.com\/avatar\/9cc2fe393829a669530037fc59abb837?s=96&d=mm&r=g\",\"caption\":\"hgb\"},\"url\":\"https:\/\/aga.so\/so\/author\/hgb\/\"}]}<\/script>\n<!-- \/ Yoast SEO plugin. -->","yoast_head_json":{"title":"Falanqaynta Dhiganaha LAABTA KA SOCO: \u00abDareen iyo Garasho\u00bb - Akademiye Goboleedka Af Soomaaliga AGA","robots":{"index":"index","follow":"follow","max-snippet":"max-snippet:-1","max-image-preview":"max-image-preview:large","max-video-preview":"max-video-preview:-1"},"canonical":"https:\/\/aga.so\/so\/falanqaynta-dhiganaha-laabta-kasoco-dareen-iyo-garasho\/","og_locale":"en_US","og_type":"article","og_title":"Falanqaynta Dhiganaha LAABTA KA SOCO: \u00abDareen iyo Garasho\u00bb - Akademiye Goboleedka Af Soomaaliga AGA","og_description":"Falanqaynta dhiganaha LAABTA KASOCO: \u00abdareen iyo garasho\u00bb Waxaa la isku raacsanyahay waxtarka iyo dheefta qoraalku uu bulshooyinka u leeyahay, waanna\u00a0 sababta ogaalka(Cilmiga) iyo aqoontuba ku gaaraan jiilaalka danbe. Cali bin abii daalib RC ayaa yiri \ud83d\ude41 \u0645\u0627\u0643\u062a\u0628 \u0642\u0631 \u0648\u0645\u0627 \u062d\u0641\u0638 \u0641\u0631). Cabdi\u00a0 Sinnimoo ayaa laga haayaa inuu yiri: (wixii qoran ayaa quruumo haree muxuu hadal [&hellip;]","og_url":"https:\/\/aga.so\/so\/falanqaynta-dhiganaha-laabta-kasoco-dareen-iyo-garasho\/","og_site_name":"Akademiye Goboleedka Af Soomaaliga AGA","article_published_time":"2022-04-22T19:10:59+00:00","article_modified_time":"2022-04-22T19:14:48+00:00","og_image":[{"width":696,"height":464,"url":"https:\/\/aga.so\/so\/wp-content\/uploads\/2022\/04\/FB_IMG_1643220952451-696x464-1.jpeg","type":"image\/jpeg"}],"author":"hgb","twitter_card":"summary_large_image","twitter_misc":{"Written by":"hgb","Est. reading time":"8 minutes"},"schema":{"@context":"https:\/\/schema.org","@graph":[{"@type":"Article","@id":"https:\/\/aga.so\/so\/falanqaynta-dhiganaha-laabta-kasoco-dareen-iyo-garasho\/#article","isPartOf":{"@id":"https:\/\/aga.so\/so\/falanqaynta-dhiganaha-laabta-kasoco-dareen-iyo-garasho\/"},"author":{"name":"hgb","@id":"https:\/\/aga.so\/so\/#\/schema\/person\/c89f24807531a9b3d9df95d848134d50"},"headline":"Falanqaynta Dhiganaha LAABTA KA SOCO: \u00abDareen iyo Garasho\u00bb","datePublished":"2022-04-22T19:10:59+00:00","dateModified":"2022-04-22T19:14:48+00:00","mainEntityOfPage":{"@id":"https:\/\/aga.so\/so\/falanqaynta-dhiganaha-laabta-kasoco-dareen-iyo-garasho\/"},"wordCount":1764,"commentCount":0,"publisher":{"@id":"https:\/\/aga.so\/so\/#organization"},"articleSection":["Buugaag","Featured","Xulka Maqaallada"],"inLanguage":"en-US","potentialAction":[{"@type":"CommentAction","name":"Comment","target":["https:\/\/aga.so\/so\/falanqaynta-dhiganaha-laabta-kasoco-dareen-iyo-garasho\/#respond"]}]},{"@type":"WebPage","@id":"https:\/\/aga.so\/so\/falanqaynta-dhiganaha-laabta-kasoco-dareen-iyo-garasho\/","url":"https:\/\/aga.so\/so\/falanqaynta-dhiganaha-laabta-kasoco-dareen-iyo-garasho\/","name":"Falanqaynta Dhiganaha LAABTA KA SOCO: \u00abDareen iyo Garasho\u00bb - Akademiye Goboleedka Af Soomaaliga AGA","isPartOf":{"@id":"https:\/\/aga.so\/so\/#website"},"datePublished":"2022-04-22T19:10:59+00:00","dateModified":"2022-04-22T19:14:48+00:00","breadcrumb":{"@id":"https:\/\/aga.so\/so\/falanqaynta-dhiganaha-laabta-kasoco-dareen-iyo-garasho\/#breadcrumb"},"inLanguage":"en-US","potentialAction":[{"@type":"ReadAction","target":["https:\/\/aga.so\/so\/falanqaynta-dhiganaha-laabta-kasoco-dareen-iyo-garasho\/"]}]},{"@type":"BreadcrumbList","@id":"https:\/\/aga.so\/so\/falanqaynta-dhiganaha-laabta-kasoco-dareen-iyo-garasho\/#breadcrumb","itemListElement":[{"@type":"ListItem","position":1,"name":"Home","item":"https:\/\/aga.so\/so\/"},{"@type":"ListItem","position":2,"name":"Falanqaynta Dhiganaha LAABTA KA SOCO: \u00abDareen iyo Garasho\u00bb"}]},{"@type":"WebSite","@id":"https:\/\/aga.so\/so\/#website","url":"https:\/\/aga.so\/so\/","name":"Akademiye Goboleedka Af Soomaaliga AGA","description":"","publisher":{"@id":"https:\/\/aga.so\/so\/#organization"},"potentialAction":[{"@type":"SearchAction","target":{"@type":"EntryPoint","urlTemplate":"https:\/\/aga.so\/so\/?s={search_term_string}"},"query-input":"required name=search_term_string"}],"inLanguage":"en-US"},{"@type":"Organization","@id":"https:\/\/aga.so\/so\/#organization","name":"AGA - Akadeemiya Goboleedka AfSoomaaliga","url":"https:\/\/aga.so\/so\/","logo":{"@type":"ImageObject","inLanguage":"en-US","@id":"https:\/\/aga.so\/so\/#\/schema\/logo\/image\/","url":"https:\/\/aga.so\/so\/wp-content\/uploads\/2020\/10\/favicon-2.png","contentUrl":"https:\/\/aga.so\/so\/wp-content\/uploads\/2020\/10\/favicon-2.png","width":162,"height":83,"caption":"AGA - Akadeemiya Goboleedka AfSoomaaliga"},"image":{"@id":"https:\/\/aga.so\/so\/#\/schema\/logo\/image\/"}},{"@type":"Person","@id":"https:\/\/aga.so\/so\/#\/schema\/person\/c89f24807531a9b3d9df95d848134d50","name":"hgb","image":{"@type":"ImageObject","inLanguage":"en-US","@id":"https:\/\/aga.so\/so\/#\/schema\/person\/image\/","url":"https:\/\/secure.gravatar.com\/avatar\/9cc2fe393829a669530037fc59abb837?s=96&d=mm&r=g","contentUrl":"https:\/\/secure.gravatar.com\/avatar\/9cc2fe393829a669530037fc59abb837?s=96&d=mm&r=g","caption":"hgb"},"url":"https:\/\/aga.so\/so\/author\/hgb\/"}]}},"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/aga.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/6628"}],"collection":[{"href":"https:\/\/aga.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/aga.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/aga.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/users\/1"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/aga.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=6628"}],"version-history":[{"count":2,"href":"https:\/\/aga.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/6628\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":6631,"href":"https:\/\/aga.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/6628\/revisions\/6631"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/aga.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media\/6629"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/aga.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=6628"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/aga.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=6628"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/aga.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=6628"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}