{"id":6373,"date":"2021-12-30T08:50:20","date_gmt":"2021-12-30T05:50:20","guid":{"rendered":"https:\/\/aga.so\/so\/?p=6373"},"modified":"2022-01-29T09:09:45","modified_gmt":"2022-01-29T06:09:45","slug":"mahuraan-baroordiiqdu","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/aga.so\/so\/mahuraan-baroordiiqdu\/","title":{"rendered":"Mahuraan Baroordiiqdu!"},"content":{"rendered":"<h4>Gabaygan waxaa tiriyay <strong>Macallin Siciid Saalax Axmed<\/strong> 23\/10\/2021, Minnesota (USA). Wuxuu abwaanku ka tiriyay kulan ah duco, baroordiiq iyo milicsi waxqabadkii marxuum Dr Maxamed Daahir Afrax oo lagu qabtay aaladda Zoomka, oo ay soo qabanqaabisay Akadeemiye-goboleedka AfSoomaaliga, ayna ka soo qaybgaleen aqoonyahan iyo waxgarad kala jooga dunida daafaheeda.<\/h4>\n<h4>\u00a0 \u00a0 \u00a0 \u00a0 \u00a0 \u00a0 \u00a0 \u00a0 <strong>\u00a0I<\/strong><\/h4>\n<ol>\n<li>\n<h4>Nooluhu majaruhuu togaa, marinka saadaasha<\/h4>\n<\/li>\n<li>\n<h4>Marna waa bilaw ama dhammaad, moosinkaa taxane<\/h4>\n<\/li>\n<li>\n<h4>Waa labada maalmood dhexdood, wuxu mudaystaaye<\/h4>\n<\/li>\n<li>\n<h4>Mugga uu dhashaba waa lidkeed, waxa u meel yaale,<\/h4>\n<\/li>\n<li>\n<h4>Ma dhammaato geeridu ilaa, maalin sarajooge,<\/h4>\n<\/li>\n<li>\n<h4>Hadduu meleggu ruux dayn lahaa, Mawle amarkiisa<\/h4>\n<\/li>\n<li>\n<h4>Nebi Maxamed baa joogi laa, dunida maamuuse,<\/h4>\n<\/li>\n<li>\n<h4>Qofna mowdku huri maayo oo, waa makalayaaye<\/h4>\n<\/li>\n<li>\n<h4>Marxuumkaa god galay iyo xuskaa, maqalku diidaayo<\/h4>\n<\/li>\n<li>\n<h4>Waa Maxamed Daahir Afraxii, mawliga ahaaye.<\/h4>\n<\/li>\n<li>\n<h4>Bulshada magaca Soomaaliyeed, marin kastay joogto<\/h4>\n<\/li>\n<li>\n<h4>Alleyle mitaalkuu ahaa, kaalin baa madhane<\/h4>\n<\/li>\n<li>\n<h4>Geedkii mankiyo ubaxa iyo, midhaha saaraayey<\/h4>\n<\/li>\n<li>\n<h4>Alleyle waxaa maanta jabay, damal magoognaaye<\/h4>\n<\/li>\n<li>\n<h4>Malkaduu fadhiyey iyo intuu, kala mildhaabaayey<\/h4>\n<\/li>\n<li>\n<h4>Waa meel banaanaatay iyo, ceelka maax dumaye<\/h4>\n<\/li>\n<li>\n<h4>Qalin baa madaadkii ka go`ay, shalay mug weynaaye<\/h4>\n<\/li>\n<li>\n<h4>Murtidii qoraal curin tiraab, dhawr bog baa maqane.<\/h4>\n<\/li>\n<li>\n<h4>Haddii uu masuulkii god galay, Maxamed Aw Daahir<\/h4>\n<\/li>\n<li>\n<h4>Inta meerisaan tabanayaa, maaha tirakoobe<\/h4>\n<\/li>\n<li>\n<h4>Waxa aan la murugoonayaa, maaha keligaye<\/h4>\n<\/li>\n<li>\n<h4>Dareenkaan ku maansoonayaa, ma aha kaygiiye<\/h4>\n<\/li>\n<li>\n<h4>Waxa aad maqlaysaanna waa, idinka maankiine<\/h4>\n<\/li>\n<li>\n<h4>Maqaawiirta Qalinleyda iyo, AGA mataanoobey<\/h4>\n<\/li>\n<li>\n<h4>Mahuraanka wadartaa dadnimo, muxubbadii saaqday<\/h4>\n<\/li>\n<li>\n<h4>Qofba meeriskuu gocanayaan, muhindisoodaaye<\/h4>\n<\/li>\n<li>\n<h4>Marley waxan is weydiinayaa, muhashadiinniiye<\/h4>\n<\/li>\n<li>\n<h4>Inta mudan tixraac iyo intaa, wada maruuryaysan<\/h4>\n<\/li>\n<li>\n<h4>Haddii aan martabadaa dhammaan, meerin kari waayo<\/h4>\n<\/li>\n<li>\n<h4>Tusaaloyinkaan marinayaa, waa matala guude.<\/h4>\n<\/li>\n<li>\n<h4>Maahmaahda Soomaaliyeed, ma aha been sheege<\/h4>\n<\/li>\n<li>\n<h4>Meeshaad martaba waxa la yidhi, waa nin magaciiye<\/h4>\n<\/li>\n<li>\n<h4>Wax la yidhi wixii muuqda baa, kuu mahiib gala e\u2019<\/h4>\n<\/li>\n<li>\n<h4>Mahuraanna waa ceel wiyeer, milayga jiilaale.<\/h4>\n<\/li>\n<\/ol>\n<h4>\u00a0 \u00a0 \u00a0 \u00a0 \u00a0 \u00a0 \u00a0 \u00a0 \u00a0 <strong>\u00a0II<\/strong><\/h4>\n<ol start=\"35\">\n<li>\n<h4>Miciinkii Af-Soomaaligiyo, maadha dhaqankeenna<\/h4>\n<\/li>\n<li>\n<h4>Madaxweynihii loo irkaday, kaydka madhaxeenna<\/h4>\n<\/li>\n<li>\n<h4>Mudanow Ismaaciil, hadduu, tegey marxuumkaasu<\/h4>\n<\/li>\n<li>\n<h4>Maamuuska aad geysatiyo, midhaha aad beerto<\/h4>\n<\/li>\n<li>\n<h4>Yaa mahadnaqaagii ka qiri, meel kasta adduunka?<\/h4>\n<\/li>\n<li>\n<h4>Laas biyo macaan baan xunbuli, lagaga maarmayne<\/h4>\n<\/li>\n<li>\n<h4>Mugucuu ka soo dhaamin jirey, maaxdu yey gudhine<\/h4>\n<\/li>\n<li>\n<h4>Weli hawl ma daalow hogadu, wayska meeshiiye.<\/h4>\n<\/li>\n<li>\n<h4>Mucda fulintu waxay daarantahay, mudanka waayeele<\/h4>\n<\/li>\n<li>\n<h4>Yaa Taaniyow soo malkumi, shirarka meegaaran?<\/h4>\n<\/li>\n<li>\n<h4>Taariikhda ay soo martiyo, heerarkay miratay<\/h4>\n<\/li>\n<li>\n<h4>Yaa Xaashiyow marag u noqon, meelmar tebinteeda?<\/h4>\n<\/li>\n<li>\n<h4>Hibo Muuminey yaa hirgelin, minanka joogtaynta<\/h4>\n<\/li>\n<li>\n<h4>Yaa mala-awaalkii qorshaha, kala mudaynaaya?<\/h4>\n<\/li>\n<li>\n<h4>Dhalinyarada miiggani haddey, curiso maankeeda<\/h4>\n<\/li>\n<li>\n<h4>Qofba miiladuu geli lahaa, yaa u kala meerin?<\/h4>\n<\/li>\n<li>\n<h4>Yaa Cabdirashiid mihindiskii, hubin midhkii toosan<\/h4>\n<\/li>\n<li>\n<h4>Nimcaan, yaa mareegaha farsamo, kala macnayn doona?<\/h4>\n<\/li>\n<li>\n<h4>Mid kaloo la tebi doono oo, maanku gocanaayo<\/h4>\n<\/li>\n<li>\n<h4>Mufti iyo afshaxan iyo qoraa, iyo masuulkeeda<\/h4>\n<\/li>\n<li>\n<h4>Murti dhaadhigeediyo wax garad, maansayahankeeda<\/h4>\n<\/li>\n<li>\n<h4>Yaa mudanka Soomaaliyeed, meel isugu keeni?<\/h4>\n<\/li>\n<li>\n<h4>Kartidii maqiiqnayd intuu, socod ku maasheeyo<\/h4>\n<\/li>\n<li>\n<h4>Muqdishiyo Jabuutiba ayaa, maalin wada joogi<\/h4>\n<\/li>\n<li>\n<h4>Oo mayrac galabeed ku tegi, saddex kaloo meela?<\/h4>\n<\/li>\n<li>\n<h4>Oo yaa muraad guud ka fulin, madax is weydaarsan?<\/h4>\n<\/li>\n<li>\n<h4>Miyir-hadalka iyo tooyashada, ereyga miisaaman<\/h4>\n<\/li>\n<li>\n<h4>Oo yaa u miidaama dayi, xaajo marareecsan?<\/h4>\n<\/li>\n<li>\n<h4>Goosanka mintida oo dhamman, xarunta moosaaya<\/h4>\n<\/li>\n<li>\n<h4>Inta miiska soo wada fadhida, ina kaloon muuqan<\/h4>\n<\/li>\n<li>\n<h4>Yaa Maryan Cariifey tusmada, fuliya maaraynta?<\/h4>\n<\/li>\n<li>\n<h4>Martisoorka yaa deeqsinnimo, guri muggii buuxin?<\/h4>\n<\/li>\n<li>\n<h4>Yaa Mustafe Fayruus qorshaha, kula maqaam yeeli?<\/h4>\n<\/li>\n<li>\n<h4>Yaa madasha iyo tababarrada, maanka wada doojin?<\/h4>\n<\/li>\n<li>\n<h4>Yaa macallin Gacanow tusmada, marin abbaarteeda<\/h4>\n<\/li>\n<li>\n<h4>Yaa maamulkeediyo aqoon, AGA marriimaaya?<\/h4>\n<\/li>\n<li>\n<h4>Raxantaa murtida baahintiyo, wararka meeraysa<\/h4>\n<\/li>\n<li>\n<h4>Cabdullaahi yuu maalin joog, qori madiixooda?<\/h4>\n<\/li>\n<li>\n<h4>Yaad Saynabey macallinimo, heli mullaaxdiisa?<\/h4>\n<\/li>\n<\/ol>\n<h4>\u00a0 \u00a0 \u00a0 \u00a0 \u00a0 \u00a0 \u00a0 \u00a0 \u00a0<strong>III<\/strong><\/h4>\n<ol start=\"74\">\n<li>\n<h4>Meel kalena iyo meelo kale, meel kasta adduunka!<\/h4>\n<\/li>\n<li>\n<h4>Inta hiilka meertada wadaag, abid ka soo maagin<\/h4>\n<\/li>\n<li>\n<h4>Qofba meesinkuu raaci jirey, waxa u meel yaalla<\/h4>\n<\/li>\n<li>\n<h4>Yaa Maxamed Shiikhow Afgudhay, darar ka maalaaya?<\/h4>\n<\/li>\n<li>\n<h4>Abtidoon, bal yaa xubinta maqan, heli muraadkeeda?<\/h4>\n<\/li>\n<li>\n<h4>Marwo Saynab ina Daahirey, Maqasha yaa raaci?<\/h4>\n<\/li>\n<li>\n<h4>oo ubad mudantuu lahaa, maanka korinaaya?<\/h4>\n<\/li>\n<li>\n<h4>Abtirsiinaduu soo mariyo, dhaaracyada muuqda<\/h4>\n<\/li>\n<li>\n<h4>Cabdul Cumar Mansuurow adaa, maahir ku ahaaye<\/h4>\n<\/li>\n<li>\n<h4>Yaa magacuyaallada naxwaha, sugi muftaaxooda?<\/h4>\n<\/li>\n<li>\n<h4>Taariikhda meertiyo tusmada, milayga sooyaalka<\/h4>\n<\/li>\n<li>\n<h4>Yaa marin Idaajaa halkay, mudayso suugaantu?<\/h4>\n<\/li>\n<li>\n<h4>Mullaaxdiyo jillawdaba inaan, maydhax laga diiran<\/h4>\n<\/li>\n<li>\n<h4>Yaa ereyadaa wada maldahan, kala maljiidaaya?<\/h4>\n<\/li>\n<li>\n<h4>Yaw maqan Saciid Jaamacow, sheeko masraxeedka?<\/h4>\n<\/li>\n<li>\n<h4>Oo yaa Rashiidow murtida, mahadhadeed sheegi?<\/h4>\n<\/li>\n<li>\n<h4>Yaa Maana-faay iyo faceed, magangelyaynaaya?<\/h4>\n<\/li>\n<li>\n<h4>Meeshii bugtaba yaa bulshada, muujin hagarteeda?<\/h4>\n<\/li>\n<li>\n<h4>Manhajkaa Af-Soomaaligiyo, macallimiintiisa<\/h4>\n<\/li>\n<li>\n<h4>Machadkaa Jigjiga wuxu u yaal, muunad gooniya e<\/h4>\n<\/li>\n<li>\n<h4>Maxamuud, bal yaa qaar la mida, furi mitaalkiisa?<\/h4>\n<\/li>\n<li>\n<h4>Haddaad Macallin Guush iyo in kale, mudanki soo gaadhey<\/h4>\n<\/li>\n<li>\n<h4>Oo aad aqoontaa mugga leh, Maxamed taabsiisay<\/h4>\n<\/li>\n<li>\n<h4>Yaa Maartinow barasha sare, takhasuskaa muujin?<\/h4>\n<\/li>\n<li>\n<h4>Cid waliba martabad bay tebtaa, meeris gooniya e<\/h4>\n<\/li>\n<li>\n<h4>Kooxdii malkada bariga oo, kala muquunowdey<\/h4>\n<\/li>\n<li>\n<h4>Xandulliyo marley waa Gucmudi, muhashadoodiiye<\/h4>\n<\/li>\n<li>\n<h4>Cabdi Xaashiyow yaad mabda\u2019a, marar la faalayni?<\/h4>\n<\/li>\n<li>\n<h4>Aadanow muddaba waa muddo e, marar xusuus reeba<\/h4>\n<\/li>\n<li>\n<h4>Dhaaxaad jidaal wada marteen, wada mushaaxdeene<\/h4>\n<\/li>\n<li>\n<h4>Dhaaxaad mudayseen shiraac, maayad shaamiya e<\/h4>\n<\/li>\n<li>\n<h4>Dhaaxaad majarihii badweyn, maylal socoteene<\/h4>\n<\/li>\n<li>\n<h4>Dhaaxaad mukhuur iyo yohoon, wada majeerteene<\/h4>\n<\/li>\n<li>\n<h4>Musareen dhacaayiyo xawaal, wada bad maaxdeene<\/h4>\n<\/li>\n<li>\n<h4>Meexaano kaftankii wax badan, maado curinteeda<\/h4>\n<\/li>\n<li>\n<h4>Saaxiibbo, muxubbiyo kalgacal, macallinowdeene<\/h4>\n<\/li>\n<li>\n<h4>Bal maxaad ka tiri geeridaa, Maxamed Aw Daahir?<\/h4>\n<\/li>\n<\/ol>\n<h4>\u00a0 \u00a0 \u00a0 \u00a0 \u00a0 \u00a0 \u00a0 \u00a0<strong>IV<\/strong><\/h4>\n<ol start=\"111\">\n<li>\n<h4>Aniguna mid ii gaara baan, sii muhanayaaye!<\/h4>\n<\/li>\n<li>\n<h4>Annagoo qoraal miranaynoo, meel fog kala joogna<\/h4>\n<\/li>\n<li>\n<h4>Hadduu qalinku kaa yare mergadood, erey u meelweydo<\/h4>\n<\/li>\n<li>\n<h4>Ama weedhu marareecatoo, murugto hawraartu<\/h4>\n<\/li>\n<li>\n<h4>Yaa Maxamedow iyo Saciid, maqal is dhaafsiisan?<\/h4>\n<\/li>\n<li>\n<h4>Haddeyse taladu meermeerto oo, seegto marinkeeda<\/h4>\n<\/li>\n<li>\n<h4>Yaa macallinow sheeg i oran, meesha xagal daacdey?<\/h4>\n<\/li>\n<li>\n<h4>Mahdi iyo walaalaha saddexan, maqal ogaalkooda<\/h4>\n<\/li>\n<li>\n<h4>Waxa aabbahood ugu maqnaa, maanta way garane<\/h4>\n<\/li>\n<li>\n<h4>Iyagana mitaalkiisii baa, looga meel deyiye.<\/h4>\n<\/li>\n<li>\n<h4>Haddii uu marxuumkii god galay, Maxamed Aw Daahir<\/h4>\n<\/li>\n<li>\n<h4>Ma uu dhiman Af-Soomaaligii, waa mugowyahay e<\/h4>\n<\/li>\n<li>\n<h4>Dhaaxuu mardaadiga xarrago, miiqay weeraha e<\/h4>\n<\/li>\n<li>\n<h4>Oo uu sarbeebaha maldahan, soohay midabayne<\/h4>\n<\/li>\n<li>\n<h4>Oo uu murtida weel u tolay, sheeko maangada e<\/h4>\n<\/li>\n<li>\n<h4>Madhaxuu ka tegey baa habboon, inaan milgaynaaye.<\/h4>\n<\/li>\n<li>\n<h4>Ninba meel ku foogane haddii, laysu mara tuuro<\/h4>\n<\/li>\n<li>\n<h4>Afku waa mid qudha ee haddii, hiil la wada muujo<\/h4>\n<\/li>\n<li>\n<h4>Malkaduu ka foofaba hadduu, helo mudnaatiisa<\/h4>\n<\/li>\n<li>\n<h4>Hawshii murkucan mayso oo, waa mudhbaxaysaaye.<\/h4>\n<\/li>\n<li>\n<h4>Murugadu ma baajiso naftii, maalin loo qoray e<\/h4>\n<\/li>\n<li>\n<h4>Waa lagu minqaadaa adduun, malaha sii raage<\/h4>\n<\/li>\n<li>\n<h4>Maguur lagu negaadaase waa, meeha aakhiro e<\/h4>\n<\/li>\n<li>\n<h4>Haddii uu marxuumkii godgalay, Maxamed Aw Daahir<\/h4>\n<\/li>\n<li>\n<h4>Mahuraan baroordiiqdu waa, madal xusuuseede<\/h4>\n<\/li>\n<li>\n<h4>Inuu meherad kheyr badan ku jiraan, muran ka taagnayne<\/h4>\n<\/li>\n<li>\n<h4>Intaasoo muslina baa u furay, marag Ilaahay e<\/h4>\n<\/li>\n<li>\n<h4>ku manayso Eebbow Jannadu, waa miduu geyo e<\/h4>\n<\/li>\n<li>\n<h4>Eeebbow ku maamus ducada, waa mid loo qiraye.<\/h4>\n<\/li>\n<\/ol>\n<h4>\u00a0 \u00a0 \u00a0 \u00a0 \u00a0 \u00a0 \u00a0 \u00a0 \u00a0 <strong>\u00a0***<\/strong><\/h4>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Gabaygan waxaa tiriyay Macallin Siciid Saalax Axmed 23\/10\/2021, Minnesota (USA). Wuxuu abwaanku ka tiriyay kulan ah duco, baroordiiq iyo milicsi waxqabadkii marxuum Dr Maxamed Daahir Afrax oo lagu qabtay aaladda Zoomka, oo ay soo qabanqaabisay Akadeemiye-goboleedka AfSoomaaliga, ayna ka soo qaybgaleen aqoonyahan iyo waxgarad kala jooga dunida daafaheeda. \u00a0 \u00a0 \u00a0 \u00a0 \u00a0 \u00a0 \u00a0 [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":1,"featured_media":6377,"comment_status":"open","ping_status":"open","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"inline_featured_image":false},"categories":[17,19,34],"tags":[],"yoast_head":"<!-- This site is optimized with the Yoast SEO plugin v20.2.1 - https:\/\/yoast.com\/wordpress\/plugins\/seo\/ -->\n<title>Mahuraan Baroordiiqdu! - Akademiye Goboleedka Af Soomaaliga AGA<\/title>\n<meta name=\"robots\" content=\"index, follow, max-snippet:-1, max-image-preview:large, max-video-preview:-1\" \/>\n<link rel=\"canonical\" href=\"https:\/\/aga.so\/so\/mahuraan-baroordiiqdu\/\" \/>\n<meta property=\"og:locale\" content=\"en_US\" \/>\n<meta property=\"og:type\" content=\"article\" \/>\n<meta property=\"og:title\" content=\"Mahuraan Baroordiiqdu! - Akademiye Goboleedka Af Soomaaliga AGA\" \/>\n<meta property=\"og:description\" content=\"Gabaygan waxaa tiriyay Macallin Siciid Saalax Axmed 23\/10\/2021, Minnesota (USA). Wuxuu abwaanku ka tiriyay kulan ah duco, baroordiiq iyo milicsi waxqabadkii marxuum Dr Maxamed Daahir Afrax oo lagu qabtay aaladda Zoomka, oo ay soo qabanqaabisay Akadeemiye-goboleedka AfSoomaaliga, ayna ka soo qaybgaleen aqoonyahan iyo waxgarad kala jooga dunida daafaheeda. \u00a0 \u00a0 \u00a0 \u00a0 \u00a0 \u00a0 \u00a0 [&hellip;]\" \/>\n<meta property=\"og:url\" content=\"https:\/\/aga.so\/so\/mahuraan-baroordiiqdu\/\" \/>\n<meta property=\"og:site_name\" content=\"Akademiye Goboleedka Af Soomaaliga AGA\" \/>\n<meta property=\"article:published_time\" content=\"2021-12-30T05:50:20+00:00\" \/>\n<meta property=\"article:modified_time\" content=\"2022-01-29T06:09:45+00:00\" \/>\n<meta property=\"og:image\" content=\"https:\/\/aga.so\/so\/wp-content\/uploads\/2021\/12\/272021618_535651500836202_6713415752766199111_n.jpg\" \/>\n\t<meta property=\"og:image:width\" content=\"1284\" \/>\n\t<meta property=\"og:image:height\" content=\"658\" \/>\n\t<meta property=\"og:image:type\" content=\"image\/jpeg\" \/>\n<meta name=\"author\" content=\"hgb\" \/>\n<meta name=\"twitter:card\" content=\"summary_large_image\" \/>\n<meta name=\"twitter:label1\" content=\"Written by\" \/>\n\t<meta name=\"twitter:data1\" content=\"hgb\" \/>\n\t<meta name=\"twitter:label2\" content=\"Est. reading time\" \/>\n\t<meta name=\"twitter:data2\" content=\"5 minutes\" \/>\n<script type=\"application\/ld+json\" class=\"yoast-schema-graph\">{\"@context\":\"https:\/\/schema.org\",\"@graph\":[{\"@type\":\"Article\",\"@id\":\"https:\/\/aga.so\/so\/mahuraan-baroordiiqdu\/#article\",\"isPartOf\":{\"@id\":\"https:\/\/aga.so\/so\/mahuraan-baroordiiqdu\/\"},\"author\":{\"name\":\"hgb\",\"@id\":\"https:\/\/aga.so\/so\/#\/schema\/person\/c89f24807531a9b3d9df95d848134d50\"},\"headline\":\"Mahuraan Baroordiiqdu!\",\"datePublished\":\"2021-12-30T05:50:20+00:00\",\"dateModified\":\"2022-01-29T06:09:45+00:00\",\"mainEntityOfPage\":{\"@id\":\"https:\/\/aga.so\/so\/mahuraan-baroordiiqdu\/\"},\"wordCount\":962,\"commentCount\":0,\"publisher\":{\"@id\":\"https:\/\/aga.so\/so\/#organization\"},\"articleSection\":[\"Featured\",\"Hal-abuurka &amp; Suugaanta\",\"Maanso\"],\"inLanguage\":\"en-US\",\"potentialAction\":[{\"@type\":\"CommentAction\",\"name\":\"Comment\",\"target\":[\"https:\/\/aga.so\/so\/mahuraan-baroordiiqdu\/#respond\"]}]},{\"@type\":\"WebPage\",\"@id\":\"https:\/\/aga.so\/so\/mahuraan-baroordiiqdu\/\",\"url\":\"https:\/\/aga.so\/so\/mahuraan-baroordiiqdu\/\",\"name\":\"Mahuraan Baroordiiqdu! - Akademiye Goboleedka Af Soomaaliga AGA\",\"isPartOf\":{\"@id\":\"https:\/\/aga.so\/so\/#website\"},\"datePublished\":\"2021-12-30T05:50:20+00:00\",\"dateModified\":\"2022-01-29T06:09:45+00:00\",\"breadcrumb\":{\"@id\":\"https:\/\/aga.so\/so\/mahuraan-baroordiiqdu\/#breadcrumb\"},\"inLanguage\":\"en-US\",\"potentialAction\":[{\"@type\":\"ReadAction\",\"target\":[\"https:\/\/aga.so\/so\/mahuraan-baroordiiqdu\/\"]}]},{\"@type\":\"BreadcrumbList\",\"@id\":\"https:\/\/aga.so\/so\/mahuraan-baroordiiqdu\/#breadcrumb\",\"itemListElement\":[{\"@type\":\"ListItem\",\"position\":1,\"name\":\"Home\",\"item\":\"https:\/\/aga.so\/so\/\"},{\"@type\":\"ListItem\",\"position\":2,\"name\":\"Mahuraan Baroordiiqdu!\"}]},{\"@type\":\"WebSite\",\"@id\":\"https:\/\/aga.so\/so\/#website\",\"url\":\"https:\/\/aga.so\/so\/\",\"name\":\"Akademiye Goboleedka Af Soomaaliga AGA\",\"description\":\"\",\"publisher\":{\"@id\":\"https:\/\/aga.so\/so\/#organization\"},\"potentialAction\":[{\"@type\":\"SearchAction\",\"target\":{\"@type\":\"EntryPoint\",\"urlTemplate\":\"https:\/\/aga.so\/so\/?s={search_term_string}\"},\"query-input\":\"required name=search_term_string\"}],\"inLanguage\":\"en-US\"},{\"@type\":\"Organization\",\"@id\":\"https:\/\/aga.so\/so\/#organization\",\"name\":\"AGA - Akadeemiya Goboleedka AfSoomaaliga\",\"url\":\"https:\/\/aga.so\/so\/\",\"logo\":{\"@type\":\"ImageObject\",\"inLanguage\":\"en-US\",\"@id\":\"https:\/\/aga.so\/so\/#\/schema\/logo\/image\/\",\"url\":\"https:\/\/aga.so\/so\/wp-content\/uploads\/2020\/10\/favicon-2.png\",\"contentUrl\":\"https:\/\/aga.so\/so\/wp-content\/uploads\/2020\/10\/favicon-2.png\",\"width\":162,\"height\":83,\"caption\":\"AGA - Akadeemiya Goboleedka AfSoomaaliga\"},\"image\":{\"@id\":\"https:\/\/aga.so\/so\/#\/schema\/logo\/image\/\"}},{\"@type\":\"Person\",\"@id\":\"https:\/\/aga.so\/so\/#\/schema\/person\/c89f24807531a9b3d9df95d848134d50\",\"name\":\"hgb\",\"image\":{\"@type\":\"ImageObject\",\"inLanguage\":\"en-US\",\"@id\":\"https:\/\/aga.so\/so\/#\/schema\/person\/image\/\",\"url\":\"https:\/\/secure.gravatar.com\/avatar\/9cc2fe393829a669530037fc59abb837?s=96&d=mm&r=g\",\"contentUrl\":\"https:\/\/secure.gravatar.com\/avatar\/9cc2fe393829a669530037fc59abb837?s=96&d=mm&r=g\",\"caption\":\"hgb\"},\"url\":\"https:\/\/aga.so\/so\/author\/hgb\/\"}]}<\/script>\n<!-- \/ Yoast SEO plugin. -->","yoast_head_json":{"title":"Mahuraan Baroordiiqdu! - Akademiye Goboleedka Af Soomaaliga AGA","robots":{"index":"index","follow":"follow","max-snippet":"max-snippet:-1","max-image-preview":"max-image-preview:large","max-video-preview":"max-video-preview:-1"},"canonical":"https:\/\/aga.so\/so\/mahuraan-baroordiiqdu\/","og_locale":"en_US","og_type":"article","og_title":"Mahuraan Baroordiiqdu! - Akademiye Goboleedka Af Soomaaliga AGA","og_description":"Gabaygan waxaa tiriyay Macallin Siciid Saalax Axmed 23\/10\/2021, Minnesota (USA). Wuxuu abwaanku ka tiriyay kulan ah duco, baroordiiq iyo milicsi waxqabadkii marxuum Dr Maxamed Daahir Afrax oo lagu qabtay aaladda Zoomka, oo ay soo qabanqaabisay Akadeemiye-goboleedka AfSoomaaliga, ayna ka soo qaybgaleen aqoonyahan iyo waxgarad kala jooga dunida daafaheeda. \u00a0 \u00a0 \u00a0 \u00a0 \u00a0 \u00a0 \u00a0 [&hellip;]","og_url":"https:\/\/aga.so\/so\/mahuraan-baroordiiqdu\/","og_site_name":"Akademiye Goboleedka Af Soomaaliga AGA","article_published_time":"2021-12-30T05:50:20+00:00","article_modified_time":"2022-01-29T06:09:45+00:00","og_image":[{"width":1284,"height":658,"url":"https:\/\/aga.so\/so\/wp-content\/uploads\/2021\/12\/272021618_535651500836202_6713415752766199111_n.jpg","type":"image\/jpeg"}],"author":"hgb","twitter_card":"summary_large_image","twitter_misc":{"Written by":"hgb","Est. reading time":"5 minutes"},"schema":{"@context":"https:\/\/schema.org","@graph":[{"@type":"Article","@id":"https:\/\/aga.so\/so\/mahuraan-baroordiiqdu\/#article","isPartOf":{"@id":"https:\/\/aga.so\/so\/mahuraan-baroordiiqdu\/"},"author":{"name":"hgb","@id":"https:\/\/aga.so\/so\/#\/schema\/person\/c89f24807531a9b3d9df95d848134d50"},"headline":"Mahuraan Baroordiiqdu!","datePublished":"2021-12-30T05:50:20+00:00","dateModified":"2022-01-29T06:09:45+00:00","mainEntityOfPage":{"@id":"https:\/\/aga.so\/so\/mahuraan-baroordiiqdu\/"},"wordCount":962,"commentCount":0,"publisher":{"@id":"https:\/\/aga.so\/so\/#organization"},"articleSection":["Featured","Hal-abuurka &amp; Suugaanta","Maanso"],"inLanguage":"en-US","potentialAction":[{"@type":"CommentAction","name":"Comment","target":["https:\/\/aga.so\/so\/mahuraan-baroordiiqdu\/#respond"]}]},{"@type":"WebPage","@id":"https:\/\/aga.so\/so\/mahuraan-baroordiiqdu\/","url":"https:\/\/aga.so\/so\/mahuraan-baroordiiqdu\/","name":"Mahuraan Baroordiiqdu! - Akademiye Goboleedka Af Soomaaliga AGA","isPartOf":{"@id":"https:\/\/aga.so\/so\/#website"},"datePublished":"2021-12-30T05:50:20+00:00","dateModified":"2022-01-29T06:09:45+00:00","breadcrumb":{"@id":"https:\/\/aga.so\/so\/mahuraan-baroordiiqdu\/#breadcrumb"},"inLanguage":"en-US","potentialAction":[{"@type":"ReadAction","target":["https:\/\/aga.so\/so\/mahuraan-baroordiiqdu\/"]}]},{"@type":"BreadcrumbList","@id":"https:\/\/aga.so\/so\/mahuraan-baroordiiqdu\/#breadcrumb","itemListElement":[{"@type":"ListItem","position":1,"name":"Home","item":"https:\/\/aga.so\/so\/"},{"@type":"ListItem","position":2,"name":"Mahuraan Baroordiiqdu!"}]},{"@type":"WebSite","@id":"https:\/\/aga.so\/so\/#website","url":"https:\/\/aga.so\/so\/","name":"Akademiye Goboleedka Af Soomaaliga AGA","description":"","publisher":{"@id":"https:\/\/aga.so\/so\/#organization"},"potentialAction":[{"@type":"SearchAction","target":{"@type":"EntryPoint","urlTemplate":"https:\/\/aga.so\/so\/?s={search_term_string}"},"query-input":"required name=search_term_string"}],"inLanguage":"en-US"},{"@type":"Organization","@id":"https:\/\/aga.so\/so\/#organization","name":"AGA - Akadeemiya Goboleedka AfSoomaaliga","url":"https:\/\/aga.so\/so\/","logo":{"@type":"ImageObject","inLanguage":"en-US","@id":"https:\/\/aga.so\/so\/#\/schema\/logo\/image\/","url":"https:\/\/aga.so\/so\/wp-content\/uploads\/2020\/10\/favicon-2.png","contentUrl":"https:\/\/aga.so\/so\/wp-content\/uploads\/2020\/10\/favicon-2.png","width":162,"height":83,"caption":"AGA - Akadeemiya Goboleedka AfSoomaaliga"},"image":{"@id":"https:\/\/aga.so\/so\/#\/schema\/logo\/image\/"}},{"@type":"Person","@id":"https:\/\/aga.so\/so\/#\/schema\/person\/c89f24807531a9b3d9df95d848134d50","name":"hgb","image":{"@type":"ImageObject","inLanguage":"en-US","@id":"https:\/\/aga.so\/so\/#\/schema\/person\/image\/","url":"https:\/\/secure.gravatar.com\/avatar\/9cc2fe393829a669530037fc59abb837?s=96&d=mm&r=g","contentUrl":"https:\/\/secure.gravatar.com\/avatar\/9cc2fe393829a669530037fc59abb837?s=96&d=mm&r=g","caption":"hgb"},"url":"https:\/\/aga.so\/so\/author\/hgb\/"}]}},"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/aga.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/6373"}],"collection":[{"href":"https:\/\/aga.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/aga.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/aga.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/users\/1"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/aga.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=6373"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/aga.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/6373\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":6375,"href":"https:\/\/aga.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/6373\/revisions\/6375"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/aga.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media\/6377"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/aga.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=6373"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/aga.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=6373"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/aga.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=6373"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}