{"id":6150,"date":"2021-11-18T19:58:44","date_gmt":"2021-11-18T16:58:44","guid":{"rendered":"https:\/\/aga.so\/so\/?p=6150"},"modified":"2021-11-29T15:39:04","modified_gmt":"2021-11-29T12:39:04","slug":"laabraac-sheeko-gaaban","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/aga.so\/so\/laabraac-sheeko-gaaban\/","title":{"rendered":"Laabraac (Sheeko gaaban)"},"content":{"rendered":"<h4>Eegmadiisaas walacsiga welwelsan ah, ma u doojin baa, caashaqii\u00a0 nafteeda madiga ku ahaa inay mataan u heshay?<\/h4>\n<h4>Iyadoo ciyaaraysa ayay hadba dib u damootaa, ninkaas isha ka qaadi la\u2019 ee soojeedkeeda isku barakaadiyay. Ninku, siday garoonka u soo gashay, marna kama jeesan. Xaggeeda ayuu indhihiisii iyo uurkiisii u qaaraamiyay. Isagoo sahwisan, soofsan, sakatisan ayuu soo ku soo ganayaa laba indhood oo aan libiqsanayn. Labadiisa indhood ee madmadow ayuu ku buruudshiilay. Ciyaar-wanaaggeedii xirfadda iyo xalladda lahayd ayuu eegmadiisa xasilloonnidii uga qaaday. Garoonka ciyaarta xiddig bay ka ahaan jirtay. Galabta-se wax baa kala dhantaalay. Eegmo duluc leh baa kartideedii kala dhintay. Sidii buu u eegayaa ninkii. Iyadoo xaggiisa soo wada jirta, ayay gabaarageddoomaysaa. Marna way iska maadinaysaa, marna way iska maahinaysaa. Kollaysaba dhankiisa ayay la haysataa.<\/h4>\n<h4>Dadka hareeraheeda fadhiya ee weegaarka garoonka soo buux-dhaafiyay, kuma baraarugsana isbeddelkeeda ee way u xiiso-sacbinayaan. Markay xaggooda soo aaddo iyo markay ka sii noqotaba sacab iyo hugun bay kala daba qaylinayaan. Kaligeed ayaa indhahooda camirtay. Gedgeddoonkeeda isdabajoogga ah waxay u qaateen, tabo cusub oo ciyaartu soo kordhisay. Kuwa giraanta kula jirase way garteen inay si wax ka noqdeen. Inay maqan tahay way garteen, illowse wax helay ma fahmin. Dhawr mar oo ay ciyaarta dhabqisay ayay wadajir u xalliyeen. Laabtooduna isbeddelkeeda ayay isweyddiinaysaa.<\/h4>\n<h4>Ninkii sidii buu u soo eegayaa. Mar sidii wax yaabban ama amakaagsan ayuu indhaha waaweynaynayaa. Mar sidii inuu wax shiishayo ama baarayo, ayuu labada indhood isku shiilayaa. Marna sidii wax indha-daraandarsan ayuu labada sunniyood kor ashqaraar ula saratagayaa. Jirkeeda cayaarta la socda ayuu indhihiisii saani u raaciyay. Si ka badbadis ah ayuu u soo eegayaa.<\/h4>\n<h4>Daymadiisu waxay ku noqotay xil-ka-bax xishood leh. Way kala wiiqantay\u2026 kala wanqaarantay\u2026 ciyaartii wadi weyday iyadaniina iswadi weyday.<\/h4>\n<h4>Dadkii isaga ka dambeeyay oo ay wada garanayso ayay gargaarsi-eegtay, iyadoo isagii sii dhaafaysa. Sacab hambalyayn ah ayay u tumayaan. Dhoollacaddayn iyo dhiirrigelin ayaa indhahooda ku wada sawiran. Waxay ku faraxsan yihiin, inuu maanta wiilkoodii gartay, gabadhaas iyo baahideedii xaggiisa soo jirtay. Way isu rabaan islana doonayaan, wiilkan qaraabadooda ah iyo gabadhaas macriifadooda ah ay wanaagga badan ka majeeranayaan.<\/h4>\n<h4>\u00a0 \u00a0 \u00a0 \u00a0 \u00a0 \u00a0 \u00a0 \u00a0 \u00a0 \u00a0 \u00a0 \u00a0 \u00a0 \u00a0 \u00a0 \u00a0 \u00a0 \u00a0****<\/h4>\n<h4>Beri uu safar ugu yimid reerihiisan ayay gabadhu jacayl kedis ah wiilka u qaadday. Hoosta ayay kala dhacday wiilkan dhuuban, deggan, mar kasta fikirsan; cid kalese lama wadaagin rabitaankeedii. Laabteeda dhexdeeda ayay arwaaxeeda ugubaysan ku dabooshay. Aamusnaantiisa xad-dhaafka ah ayaa sii daahisay inay kula degdegto, xataa barasho caadi ah. Way kula dhici weyday waxay u dareemaysay. Nafteedii ayay ku jujuubtay inay kaligeed-wax-jecel noqoto.<\/h4>\n<h4>Jacaylkeedii hawada ayuu ku dhex dhalaalay, markuu wiilkii baxay, isagoon war-u-haynin beerkeeda beeraadku ku beermay. Intii ka dambaysay oo dhan waxay la daalaadhacaysay ololkii uurkeeda ka dami diiday. Reerkiisan uu ku soo degay berigaas ayna ku dul baratay ayaa ogaaday arrinteedii. Inay la uur-gubyoodaan waxaan ahayn uma tari karayn. Wiilkii wuu tagay isagoo warmoog ah; haddii ay u sheegan lahaydna, wuxuu dhihi doonay lama saadaalin karin. Quus baa la wada guntaday.<\/h4>\n<h4>Shalay-daan qoyan ayuu mar kale kedis ku yimid. Ehelkiisii iyo uurkeedii baa ku wada farxay, imaanshihiisa. Maanta oo ay reerka gabadhu aroos qabeen ayay isla martiqaadday reerkii iyo wiilkoodiiba. Iyadoo uga gol-lahayd, inay hesho fursad ayay ugu fasirto, jacaylkeeda caashaqa u xuubsiibtay.<\/h4>\n<h4>\u201cGalabta, si fiican u ciyaar oo is tus ninka; soo jiido araggiisa iyo indhihiisa.\u201d ayay kula soo dardaarmeen reerkiisii oo qalbiyadoodu la jireen, gabadhaas deriskooda ah. \u201cGaroonka wacdaro ka dhig.\u201d qaar baa ku tirtirsiiyay. Waxay og yihiin, inay ciyaarta ku fiican tahay. \u201cWaa yahay,\u201d ayay ugu warcelisay, ismase hubin. Cabsi xooggan baa boggeedii isku fidisay. Iyadoo naxsan ayay isu diyaarisay, inay yeesho siday kula taliyeen. Si xaraggo leh ayay u soo labbisatay, iyadoo isla maqan.<\/h4>\n<h4>Dharkeedii oo u hagar-baxay maanta ayaa soo saaray dheeheedii iyo dhalaalkeedii. Markay garoonka soo gashayba waa la wada dhugtay. Sacab iyo farax baa laysku daray. Riyaaq iyo raynrayn baa lagu soo wada dhaweeyay labbiskeeda iyo bilicdeeda indho-qabadka leh. Reerkiisii taageerayaasheeda ahaa baa sii biritaaray; ammaan iyo alalaas bay u raaciyeen sacabkoodii.<\/h4>\n<h4>Fagtii hore, isagu ma arkin gabadha lagu wada buuqay; meel kale ayuu ku sii jeeday. Dadkiisii la fadhiyay baa dareemay, inuusan weli la qabsan waxa dhacaya. Xaggii garoonka ayay u soo jeediyeen. Bal, hadduu dhugmo u yeesho halkay la doonayaan. Waa siday qorsheeyeene, wuxuu labadiisii indhood ee madmadoobaa dhag ku siiyay, gabadhii bartanka ciyaarta ka bidhaamaysay. Ilqabadkeedii ayay indha-cuddoonaan aan caadi ahayn kula soo degtay. Sidii biriqdii ayay hortiisii uga hillaacday. Walalac!<\/h4>\n<h4>Wuu u bogay eegmadeeda kana baaraandegay sii eegisteeda. Dheeheeda iyo dhabankeeda wanaagsan ayuu ka helay. Markay is-wareejisaba wuxuu isagoo wada jira sii xiiso-jalleecayaa xaggeedii. Markay xaggiisa ka jeesatana wuxuu isagoo hiyikacsan sii jamasho-jeedaalinayaa dhankay aadday. Mar gacanta ayuu afka saarayaa. Mar kulleetiga shaatigiisa ayuu toos-toosinayaa. Mar labada gacmood ayuu isku maraamarayaa. Marna labada garbood ayuu dubaaxinayaa\u2026 muruq-roor ciyaarteeda la haysta ayuu la gariirayaa. Mar halcunka ayuu dhaqdhaqaajinayaa\u2026 sidii in uu hadal ku shig-shigsan yahay. Marna kursigiisa ayuu ku ribanayaa. Wuu salkacsan yahay. Wuu siyaysan yahay. Wuu soo samirdarroobayaa. Gabadhii uu galabtadan arkay baa xiskiisii xasarad ka kicisay. Isagoon bartiisii ka kicin bay qalbigiisii dhufsatay. Calmasho cusub iyo lahasho cuddoon baa niyaddiisii isu-celiyay. Siduu ugu dhaygagay ayuu u sii dhawrayaa. Feker iyo walaac dhabannada la haystaa.<\/h4>\n<h4>\u00a0 \u00a0 \u00a0 \u00a0 \u00a0 \u00a0 \u00a0 \u00a0 \u00a0 \u00a0 \u00a0 \u00a0 \u00a0 \u00a0 \u00a0 \u00a0 \u00a0****<\/h4>\n<h4>Jirkeedii oo naxdin iyo yaxyax la cuslaaday bay dhawr jeer is-buuratay. Inay iska kor timaado ayay ka baqday. Ciyaartii saddexaad oo lagu soo khasbay bay idin la\u2019aan ka baxday. Gabdhihii la ciyaarayay baa iyagoo fajacsan sii waday ciyaartii ay uga tagtay.<\/h4>\n<h4>Iyadoo soo socota ayay indhahoodii isku dhaceen; ninkii baahideedii bilaha soo jirtay barkumataal ka dhigay ee daymo kaliya ku bajiyay ugana badiyay. Iyadoo awood-yarideeda guusha huwan dareensan bay soo dhinac martay dadkii kuraasta tixnaa. Dhankii midig ee hoolka ayay gucle uga baxday.<\/h4>\n<h4>\u00a0 \u00a0 \u00a0 \u00a0 \u00a0 \u00a0 \u00a0 \u00a0 \u00a0 \u00a0 \u00a0 \u00a0 \u00a0 \u00a0 \u00a0 \u00a0 \u00a0 \u00a0 \u00a0 \u00a0 \u00a0 ****<\/h4>\n<h4>Inkastoo ay ku dadaashay inay saantirato sanqar la\u2019aanna baxdo, haddana bixisteeda waa la wada arkayay. Reerkiisii saaxibbadeeda ahaa baa eegmo habrasho ah ku toyday. Ninkii oo awal ku farxay in ay garoonkii ciriiriga ahaa ka soo baxday isuna diyaarinayay inuu u tago, markay kaligeed meel fadhiisato, ayaa ku hungoobay markay dhinac martay. Siijeedkeedii ayuu eegmo fikirsan kala soo noqday. Mar buu isyiri: ma nin baa halkaas dambe ku sugaya. Haddana wuxuu isyiri: suuli bay aadday ee isdaji. Wuxuu isyiri: biyo ayay doonatay, way harraadan tahay. Cabbaar markay sii maqnayd buu ka dhego-adeegi waayay, maladiisii ahayd: inay nin aadday.<\/h4>\n<h4>Si fiican wax looguma jeedo. Dhedo iyo ciiro is wata baa habeenkii soo horkacay. Mugdi-mugdigaas ayay dhex istaagtay. Feker ayay isula-noqotay. Haddii uu maanta sidaas u eegayay, miyuusan la qabin waxay dareemayso? Haddiise, reerkiisu gacan ku siinayaan inay is helaan, dhabna ka tahay garabsiintoodu, miyaysan ka soo daba diraynin, si ay ula hadasho? Isagoon cidi soo dirin, waa kaas iskiis u soo kacay. Waa kaas soo daba socda. Waa kaas laftiisu isla maqan. <em>\u2018Tolow, muxuu damacsan yahay, waa isagaas soo lixaadsanayee?\u2019<\/em><\/h4>\n<h4>Markay hubisay inuu xaggeedii soo aaday ayay horay u sii socotay. Islamarkiiba talaa ku dhalatay. Iyadu waxba maba weyddiin doontee, hadduu isagu wax su\u2019aalo, tabar iyo taag ay ugu warceliso ma haysaa! Isagoo degdegaya ayuu markuu arkay socodkiisii iyo tallaabadiisii kala reebtay. Way sii hor-socotay. Wuu ka sii daba gaatamay. Markay aragtay inuusan ku soo dhiirranayn ayay fikirtay. Waxay samayn lahayd -oo mira-dhal noqon lahaa- ayay garashadeedii la kaashatay. Shaki yar ugama jiro, inuu ninku rabitaan uga soo daba baxay. Laakiin, maxay samaysaa hee, si ay u sii hubsato!<\/h4>\n<h4>Waa bishaaradeedee\u2026. waxaa dhankii ay u siijeedday ka soo baxay, wiil asxaabteeda ay isku dheer yihiin ah. Xaggiisii ayay u soo orodday. Intay garabka ku salaantay ayay dhego-hadal u bilawday. Salaanteedii daw-dhaafka ahayd waxba uma qaadan wiilkii yimid. Laakiin, waxay hakisay ninkii daba socday. Wiilkay salaantay oo awalba ahaa bulshaawi baashaalkiisu furan yahay ayaa ku sii dardarsaday. Laakiinse, salaantiisii muraadkii ay ka lahayd way ka gaartay. Ninkii ay doonistiisa imtixaanaysay, waa kaas isagoo isgalay hinaasaha la noqday.<\/h4>\n<h4>Markii dambe, ayay u dulqaadan weyday wiilkii iyo gacmo-gacmayntiisii badnayd. Intay iska maaraysay ayay hareeraheedii eeg-eegtay. Ninkii imtixaankii jacaylkeeda ku baasay waa kaas iska tagay. Tubbooyinka biyaha xaggoodii ayuu ku leexday. Illaa uu ku shalwaday oo muuqiisii qarsoomay. Wuu soo noqon doonaa bay isku qancisay. Cabbaar bay sii sugtay. Wax soo muuqda ma laha. Ninkii aaway! Ma albaab gadaale ayuu ka baxay mise dhulkaa liqay!<\/h4>\n<h4>Iyadoo caraysan ayay soo baxday. Waxay islahayd, wuu kaa soo horreeyaa. Reerkiisii oo wada ilko-caddaynaya abaalna ka sugaya ayaa eegmo himilo leh ka hor keenay. Waxay ku tashteen, inay wiilkii is heleen. Iyadoon eegin farxaddoodii bay isagii labadeedii indhood oo wada-jira ku baafisay. Hungo badanaa! Ninkii ma muuqdo! Markay aragtay kursigiisii oo maran ayay caradeedii sii tarantay. Wixii oo dhan bay xuf iyo daf dhankii kale ula dhaaftay. Dadkiisii deriskeeda ahaa, dareen basaasan bay hoos ula wada rogteen. Maxaa gabadha sidaas uga soo xanaajiyay! Way caddahay inuu wiilkoodii u soo dayriyay.\u00a0 Isagoo fikir gadaasheeda la taagan markay arkeen ayay reerkiisii sii hanjabeen. Tolow, muxuu gabadha ku diiday?<\/h4>\n<h4>\u201cDabinkii baa bixi waayay.\u201d ayuu odaygii adeerkiisa ahaa dooddoodii cabbursanayd ku furay.<\/h4>\n<h4>\u201cWay dookh xumaatay.\u201d ayay ina-adeertiis wiilkii ugu kaftan-dhabaalaysay.<\/h4>\n<h4>\u201cWay dareen habowday.\u201d ayay gabar kale kula asaraartay walaalkeed.<\/h4>\n<h4>Markuu soo fadhiistay ayay eegmo ku canaanteen. Wajiyadoodii shiiqsanaa ayuu araggiisii fikirsanaa u qaybiyay. Sidee bay wax u jiraan? Qof kasta, guuldarro ayuu hogan yahay. Hoos buu u jeedaa. Sheeko ayuu u bilaabay dadkii carada la wada fooraray. Way la wadi waayeen. Kaftan ayuu isyiri, waa lagu dhegaystay. Qosol buu maagay, kaligiis ayuu noqday.<\/h4>\n<h4>\u201cMaxaad iga tabanaysaan?\u201d ayuu wadar u weyddiiyay.<\/h4>\n<h4>Odaygii adeerkiisa ahaa ayaa u sheegay sheekadii gabadha, min bilaw iyo dhammaad. Rajadoodii galabta iyo siday ugu hanweynaayeen inuu gabadha fahmo waxna la qabto, ayuu u raaciyay. Wuxuu ka codsaday, inuu wanaajiyo gabadhaas uu reerkeeda garanayo. Yaab iyo farxad ayuu ku dhegaystay erayadii adeerkiis. <em>\u2018Ma intaas baad ii colaadinayseen!\u2019<\/em> Ma gabadhii uu galabta hawa-raacay baa isaga jecel? Weliba reerkiisu la rabaan! Waa sed uu Eebbe keenay. Isagoon doonistiisa caddaysanayn ayuu caadi iska dhigay. Qof qaatay hadalkii qaraabadiisa ixsaanna falaya ayuu iska dhigay. Hadday u oggolaan waayaan inuu dhaqso u raadceeyo gabadhii jacalayd, laftiisaa furka tuuran doona. <em>\u2018Yaa! Oo waaba i jeclayd miyaa? Nasiib badaniyaa, haddana nasiib daraniyaa? Waan arki jiray gabadha, laakiinse, maanta ka hor si fiican<\/em> <em>uguma fiirsan. Yartu, qurux iyo qaayaba way isugu biireen\u2026 hadday jacayl ay ii qabto ku sii darsatay\u2026 hee!.. Gabadhaas ilwaadsan ee edebta leh, dookhayga ah miyaa i jecel! Isla-doonasho Ilaahay&#8230;.\u2019<\/em> Hoos buu\u00a0 u dhadhabayaa. Afka wuxuu uga qosol-jilayaa dadkiisa la fadhiya. Uurkase, wuxuu kala haasaawayaa gabadhii uu dayacay.<\/h4>\n<h4>\u201cMaxaan hadda yeelaa\u2026?\u201d ayuu iska weyddiiyay, wuuse go\u2019aansaday wuxuu yeelayo. Laabta ayuu ka bogaadsaday kana qorshaystay inuu gabadhii raadiyo. Laftiisuba gabadhu way sidataa, hadduusan is-jikaarayn.<\/h4>\n<h4>\u201cDoqonyahow waxgaradka ah, gabadha miskiinta ah u miciin.\u201d bay tiri, ina-adeertiis oo uu waligiisba necbaa hadal-adeeggeeda.<\/h4>\n<h4>Xaggay u tilmaameen ayuu u goobay, isagoo far-faraxsan, fud-fudud oo fikirsan.<\/h4>\n<h4>\u00a0 \u00a0 \u00a0 \u00a0 \u00a0 \u00a0 \u00a0 \u00a0 \u00a0 \u00a0 \u00a0 \u00a0 \u00a0 \u00a0 \u00a0 \u00a0 \u00a0 \u00a0 \u00a0 \u00a0 ****<\/h4>\n<h4>Wax u sheegayba waxay dareentay, inuu ninkii agagaarkeeda ka soo dhawaaday. Ruuxaan baa si hoose ruuxdeeda ula shawrtay. <em>\u2018Isagoo ku doonaya ayuu ku soo aaday,\u2019 <\/em>bay ruuxaantu dhegteeda ugu siraysay. \u2018Maxaan u sheegayaa, hadduu igu yiraahdo waan ku rabaa?\u2019 ayay isweyddiisay. Miyirkii ay warcelinta isaga sugi lahayd baa ku soo gaabtay. Sarkadhaban iyo salkac baa ku dhacay. Degganidii bay isla keeni weyday.<\/h4>\n<h4>Waxay fadhiday albaabka weyn hortiisa. Gurigii aroosku ka dhacayay iridkiisa ayay ku tallamaysay. Dareenkii u sheegay inuu ninkii soo raadiyay baa soo looyaamiyay. Markay soo gashay ayay eegmo cabsiyaysan gudihii ku baahisay. Waaba ninkii ay ku welwelaysay oo soo tiigsanaya. Way ka soo geddoontay. Bannaankii ay ka timid ayay u soo baxday. Jidkii ayay horay u haysay. Ninkii daba socday ayay ismoogaysiisay.<\/h4>\n<h4>Markuu ku soo dhawaaday ayay socodkeedii rucle u beddeshay. Si bay u faraxsan tahay una baydadsan tahay. Ninkii ay jeclayd baa u muuqda, iyaduna ka baxsanaysaa! Hadday jeclayd isaganiina siday filayso la qaatay, miyaysan hoodo iyo haybad ahayn, maxay uga sii rooraysaa! Dadkiisii, maxay u soo sheegeen, ninkan ku dadaalaya inuu soo gaaro?<\/h4>\n<h4>\u201cBalqiisa.\u201d <em>\u2018Kud.\u2019<\/em> Codkiisii debacsanaa baa beerdulucsaday.<\/h4>\n<h4>Magaceedii ayuu ugu yeeray. Balqiisa ayuu afkiisa ka yiri. Ma isagaa yiri, mise way u qaadatay! Labadeeda dhegood ayay ku maqashay, \u201cBalqiisa\u201d oo ka soo dhex baxday xargaha iyo moqorraha cunaha cod rageed. Weliba, rag kale maahee waxay la noqotay, inuu codkaasi yahay kay jeclayd. Yaa soo baray magaceeda? Yaa kale oo aan reerkiisii ahayn!<\/h4>\n<h4>Horteedii ayuu isku gudbay isagoo neeftuuraya. Laftiisu baqdin way ku jirtaa laakiin sideeda uguma badna. Hadday iyadu jacayl la baqayso, maxaa isaga cabsida u keenay? Maxaanan u keenin! Sow isagu maaha, kii galabta, qudhiisu araggeedii laabraacay\u2026 la beerqaadmay\u2026 jacaylku markiisa u bilawday? Haah dheh!<\/h4>\n<h4>Inay dhinac midig u goyso ayay damacday. Xaggii midigtiisa ayuu isu badiyay. Inay bidixdiisa marto ayay isku dayday. Labadiisii gacmood ayuu kala baaciyay. Markay dhexdiisii ku soo beegantay ayuu labadeedii cududood oo aad ugu dhawaa isku qabtay.<\/h4>\n<h4>\u201cWax weliba waan ogahay\u2026\u201d ayuu ku hakaday.<\/h4>\n<h4>Ilnugayl iyo illin bay ugu jawaabtay. Wajigeedu wuu isbeddelay.<\/h4>\n<h4>\u201cWaan ogahay, in aad i jaclayd anigoon kuu ogeyn.\u201d ayuu ku sii watay.<\/h4>\n<h4>Aamus iyo anfariir bay ugu warcelisay. Gadaal bay isu majiirtay. Runtaas ah inay jeclayd iyo wajigeeda ka mara-kacaya ayay isu diidday. Gacantiisii ayuu ku sii adkeeyay, hadalkiina kor ayuu u sii qaaday. Si ay isugu diyaariso, go\u2019aankiisa jacaylkeeda u jawaabaya.<\/h4>\n<h4>\u201cAniguba waan kaa helay. Waad i cajabisay runtii\u2026\u201d ayuu ku yiri, cod culus oo cabbursan.<\/h4>\n<h4>Ciriiriga haysta ayay ku garatay culayska ay leedahay iyo siday u adag tahay, in dareen dhab kaa ah aad soo gudbiso. Waad i cajabisay, siduu ku yiri iyo dhibtuu ka maray, Ilaahay kaliyaa og.<\/h4>\n<h4>Iyadoo hubta inuu dhab uga helay ayay dhoollacaddayn isla dadabtay. Waxay u hollatay inay ku sii dhawaato, haddana gadaal ayay uga soo degtay. Xishood dheddignimo ayaa maquuniyay. Wajigeedii ayuu xannaano-eegay. Iyadoo kalsooni iska dareentay ayay laabtiisii si daallan ugu tiirsatay. Isagoo fikirsan ayuu madaxisii kor u soo qaaday. Labadii gacmood ayay si tartiib ah isu-weydaarsadeen\u2026 hab isla dhaafeen\u2026 gudub isu mareen.<\/h4>\n<h4>\u201cWaxaad iigu yeertaa Oomaar. Oomaar baa lay yiraahdaa.\u201d ayuu wajigiisii dhabarkeedii xaggiisa ula dhaafay.<\/h4>\n<h4>\u201cWaan ku garanayaa.\u201d ayay dhegtiisa gadaasheeda ka tiri. Cod aad u gaaban ayay ugu qiratay, inay taqaan na jeceshahay.<\/h4>\n<h4>\u201cWaan illaaway in aad i garanayso\u2026\u201dayuu cudurdaar ahaan u yiri, isagoo qosol iska raadinaya.<\/h4>\n<h4>Iyadoo qosolka ku raacaysa ayay himbiriirsi-muusootay. Xabadkiisii ayuu ku sii xafuujiyay. Boggiisa diirran ayuu ku martigeliyay ugana masaxay cabashadii ay la ciiraysay. Sambabadeedii abaarsaday baa neecow qabow jiitay. Habeen cusub baa u bilawday wadajirkooda.<\/h4>\n<h4><strong>\u00a0 \u00a0 \u00a0 \u00a0 \u00a0 \u00a0 \u00a0 \u00a0 \u00a0 \u00a0 \u00a0 \u00a0 \u00a0 \u00a0 \u00a0 \u00a0 \u00a0 \u00a0 \u00a0 \u00a0 \u00a0 \u00a0 \u00a0 \u2026Ebyoon\u2026<\/strong><\/h4>\n<h4><strong>\u00a0 \u00a0 \u00a0 \u00a0 \u00a0 \u00a0 \u00a0<em>W.Q <\/em><\/strong><\/h4>\n<h4><em><strong>Saynab Xaaji (Ugbaad)<\/strong><\/em><\/h4>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Eegmadiisaas walacsiga welwelsan ah, ma u doojin baa, caashaqii\u00a0 nafteeda madiga ku ahaa inay mataan u heshay? Iyadoo ciyaaraysa ayay hadba dib u damootaa, ninkaas isha ka qaadi la\u2019 ee soojeedkeeda isku barakaadiyay. Ninku, siday garoonka u soo gashay, marna kama jeesan. Xaggeeda ayuu indhihiisii iyo uurkiisii u qaaraamiyay. Isagoo sahwisan, soofsan, sakatisan ayuu soo [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":1,"featured_media":6151,"comment_status":"open","ping_status":"open","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"inline_featured_image":false},"categories":[17,19,33],"tags":[],"yoast_head":"<!-- This site is optimized with the Yoast SEO plugin v20.2.1 - https:\/\/yoast.com\/wordpress\/plugins\/seo\/ -->\n<title>Laabraac (Sheeko gaaban) - Akademiye Goboleedka Af Soomaaliga AGA<\/title>\n<meta name=\"robots\" content=\"index, follow, max-snippet:-1, max-image-preview:large, max-video-preview:-1\" \/>\n<link rel=\"canonical\" href=\"https:\/\/aga.so\/so\/laabraac-sheeko-gaaban\/\" \/>\n<meta property=\"og:locale\" content=\"en_US\" \/>\n<meta property=\"og:type\" content=\"article\" \/>\n<meta property=\"og:title\" content=\"Laabraac (Sheeko gaaban) - Akademiye Goboleedka Af Soomaaliga AGA\" \/>\n<meta property=\"og:description\" content=\"Eegmadiisaas walacsiga welwelsan ah, ma u doojin baa, caashaqii\u00a0 nafteeda madiga ku ahaa inay mataan u heshay? Iyadoo ciyaaraysa ayay hadba dib u damootaa, ninkaas isha ka qaadi la\u2019 ee soojeedkeeda isku barakaadiyay. Ninku, siday garoonka u soo gashay, marna kama jeesan. Xaggeeda ayuu indhihiisii iyo uurkiisii u qaaraamiyay. Isagoo sahwisan, soofsan, sakatisan ayuu soo [&hellip;]\" \/>\n<meta property=\"og:url\" content=\"https:\/\/aga.so\/so\/laabraac-sheeko-gaaban\/\" \/>\n<meta property=\"og:site_name\" content=\"Akademiye Goboleedka Af Soomaaliga AGA\" \/>\n<meta property=\"article:published_time\" content=\"2021-11-18T16:58:44+00:00\" \/>\n<meta property=\"article:modified_time\" content=\"2021-11-29T12:39:04+00:00\" \/>\n<meta property=\"og:image\" content=\"https:\/\/aga.so\/so\/wp-content\/uploads\/2021\/11\/IMG-20211115-WA0000.jpg\" \/>\n\t<meta property=\"og:image:width\" content=\"901\" \/>\n\t<meta property=\"og:image:height\" content=\"1080\" \/>\n\t<meta property=\"og:image:type\" content=\"image\/jpeg\" \/>\n<meta name=\"author\" content=\"hgb\" \/>\n<meta name=\"twitter:card\" content=\"summary_large_image\" \/>\n<meta name=\"twitter:label1\" content=\"Written by\" \/>\n\t<meta name=\"twitter:data1\" content=\"hgb\" \/>\n\t<meta name=\"twitter:label2\" content=\"Est. reading time\" \/>\n\t<meta name=\"twitter:data2\" content=\"12 minutes\" \/>\n<script type=\"application\/ld+json\" class=\"yoast-schema-graph\">{\"@context\":\"https:\/\/schema.org\",\"@graph\":[{\"@type\":\"Article\",\"@id\":\"https:\/\/aga.so\/so\/laabraac-sheeko-gaaban\/#article\",\"isPartOf\":{\"@id\":\"https:\/\/aga.so\/so\/laabraac-sheeko-gaaban\/\"},\"author\":{\"name\":\"hgb\",\"@id\":\"https:\/\/aga.so\/so\/#\/schema\/person\/c89f24807531a9b3d9df95d848134d50\"},\"headline\":\"Laabraac (Sheeko gaaban)\",\"datePublished\":\"2021-11-18T16:58:44+00:00\",\"dateModified\":\"2021-11-29T12:39:04+00:00\",\"mainEntityOfPage\":{\"@id\":\"https:\/\/aga.so\/so\/laabraac-sheeko-gaaban\/\"},\"wordCount\":2338,\"commentCount\":0,\"publisher\":{\"@id\":\"https:\/\/aga.so\/so\/#organization\"},\"articleSection\":[\"Featured\",\"Hal-abuurka &amp; Suugaanta\",\"Sheeko\"],\"inLanguage\":\"en-US\",\"potentialAction\":[{\"@type\":\"CommentAction\",\"name\":\"Comment\",\"target\":[\"https:\/\/aga.so\/so\/laabraac-sheeko-gaaban\/#respond\"]}]},{\"@type\":\"WebPage\",\"@id\":\"https:\/\/aga.so\/so\/laabraac-sheeko-gaaban\/\",\"url\":\"https:\/\/aga.so\/so\/laabraac-sheeko-gaaban\/\",\"name\":\"Laabraac (Sheeko gaaban) - Akademiye Goboleedka Af Soomaaliga AGA\",\"isPartOf\":{\"@id\":\"https:\/\/aga.so\/so\/#website\"},\"datePublished\":\"2021-11-18T16:58:44+00:00\",\"dateModified\":\"2021-11-29T12:39:04+00:00\",\"breadcrumb\":{\"@id\":\"https:\/\/aga.so\/so\/laabraac-sheeko-gaaban\/#breadcrumb\"},\"inLanguage\":\"en-US\",\"potentialAction\":[{\"@type\":\"ReadAction\",\"target\":[\"https:\/\/aga.so\/so\/laabraac-sheeko-gaaban\/\"]}]},{\"@type\":\"BreadcrumbList\",\"@id\":\"https:\/\/aga.so\/so\/laabraac-sheeko-gaaban\/#breadcrumb\",\"itemListElement\":[{\"@type\":\"ListItem\",\"position\":1,\"name\":\"Home\",\"item\":\"https:\/\/aga.so\/so\/\"},{\"@type\":\"ListItem\",\"position\":2,\"name\":\"Laabraac (Sheeko gaaban)\"}]},{\"@type\":\"WebSite\",\"@id\":\"https:\/\/aga.so\/so\/#website\",\"url\":\"https:\/\/aga.so\/so\/\",\"name\":\"Akademiye Goboleedka Af Soomaaliga AGA\",\"description\":\"\",\"publisher\":{\"@id\":\"https:\/\/aga.so\/so\/#organization\"},\"potentialAction\":[{\"@type\":\"SearchAction\",\"target\":{\"@type\":\"EntryPoint\",\"urlTemplate\":\"https:\/\/aga.so\/so\/?s={search_term_string}\"},\"query-input\":\"required name=search_term_string\"}],\"inLanguage\":\"en-US\"},{\"@type\":\"Organization\",\"@id\":\"https:\/\/aga.so\/so\/#organization\",\"name\":\"AGA - Akadeemiya Goboleedka AfSoomaaliga\",\"url\":\"https:\/\/aga.so\/so\/\",\"logo\":{\"@type\":\"ImageObject\",\"inLanguage\":\"en-US\",\"@id\":\"https:\/\/aga.so\/so\/#\/schema\/logo\/image\/\",\"url\":\"https:\/\/aga.so\/so\/wp-content\/uploads\/2020\/10\/favicon-2.png\",\"contentUrl\":\"https:\/\/aga.so\/so\/wp-content\/uploads\/2020\/10\/favicon-2.png\",\"width\":162,\"height\":83,\"caption\":\"AGA - Akadeemiya Goboleedka AfSoomaaliga\"},\"image\":{\"@id\":\"https:\/\/aga.so\/so\/#\/schema\/logo\/image\/\"}},{\"@type\":\"Person\",\"@id\":\"https:\/\/aga.so\/so\/#\/schema\/person\/c89f24807531a9b3d9df95d848134d50\",\"name\":\"hgb\",\"image\":{\"@type\":\"ImageObject\",\"inLanguage\":\"en-US\",\"@id\":\"https:\/\/aga.so\/so\/#\/schema\/person\/image\/\",\"url\":\"https:\/\/secure.gravatar.com\/avatar\/9cc2fe393829a669530037fc59abb837?s=96&d=mm&r=g\",\"contentUrl\":\"https:\/\/secure.gravatar.com\/avatar\/9cc2fe393829a669530037fc59abb837?s=96&d=mm&r=g\",\"caption\":\"hgb\"},\"url\":\"https:\/\/aga.so\/so\/author\/hgb\/\"}]}<\/script>\n<!-- \/ Yoast SEO plugin. -->","yoast_head_json":{"title":"Laabraac (Sheeko gaaban) - Akademiye Goboleedka Af Soomaaliga AGA","robots":{"index":"index","follow":"follow","max-snippet":"max-snippet:-1","max-image-preview":"max-image-preview:large","max-video-preview":"max-video-preview:-1"},"canonical":"https:\/\/aga.so\/so\/laabraac-sheeko-gaaban\/","og_locale":"en_US","og_type":"article","og_title":"Laabraac (Sheeko gaaban) - Akademiye Goboleedka Af Soomaaliga AGA","og_description":"Eegmadiisaas walacsiga welwelsan ah, ma u doojin baa, caashaqii\u00a0 nafteeda madiga ku ahaa inay mataan u heshay? Iyadoo ciyaaraysa ayay hadba dib u damootaa, ninkaas isha ka qaadi la\u2019 ee soojeedkeeda isku barakaadiyay. Ninku, siday garoonka u soo gashay, marna kama jeesan. Xaggeeda ayuu indhihiisii iyo uurkiisii u qaaraamiyay. Isagoo sahwisan, soofsan, sakatisan ayuu soo [&hellip;]","og_url":"https:\/\/aga.so\/so\/laabraac-sheeko-gaaban\/","og_site_name":"Akademiye Goboleedka Af Soomaaliga AGA","article_published_time":"2021-11-18T16:58:44+00:00","article_modified_time":"2021-11-29T12:39:04+00:00","og_image":[{"width":901,"height":1080,"url":"https:\/\/aga.so\/so\/wp-content\/uploads\/2021\/11\/IMG-20211115-WA0000.jpg","type":"image\/jpeg"}],"author":"hgb","twitter_card":"summary_large_image","twitter_misc":{"Written by":"hgb","Est. reading time":"12 minutes"},"schema":{"@context":"https:\/\/schema.org","@graph":[{"@type":"Article","@id":"https:\/\/aga.so\/so\/laabraac-sheeko-gaaban\/#article","isPartOf":{"@id":"https:\/\/aga.so\/so\/laabraac-sheeko-gaaban\/"},"author":{"name":"hgb","@id":"https:\/\/aga.so\/so\/#\/schema\/person\/c89f24807531a9b3d9df95d848134d50"},"headline":"Laabraac (Sheeko gaaban)","datePublished":"2021-11-18T16:58:44+00:00","dateModified":"2021-11-29T12:39:04+00:00","mainEntityOfPage":{"@id":"https:\/\/aga.so\/so\/laabraac-sheeko-gaaban\/"},"wordCount":2338,"commentCount":0,"publisher":{"@id":"https:\/\/aga.so\/so\/#organization"},"articleSection":["Featured","Hal-abuurka &amp; Suugaanta","Sheeko"],"inLanguage":"en-US","potentialAction":[{"@type":"CommentAction","name":"Comment","target":["https:\/\/aga.so\/so\/laabraac-sheeko-gaaban\/#respond"]}]},{"@type":"WebPage","@id":"https:\/\/aga.so\/so\/laabraac-sheeko-gaaban\/","url":"https:\/\/aga.so\/so\/laabraac-sheeko-gaaban\/","name":"Laabraac (Sheeko gaaban) - Akademiye Goboleedka Af Soomaaliga AGA","isPartOf":{"@id":"https:\/\/aga.so\/so\/#website"},"datePublished":"2021-11-18T16:58:44+00:00","dateModified":"2021-11-29T12:39:04+00:00","breadcrumb":{"@id":"https:\/\/aga.so\/so\/laabraac-sheeko-gaaban\/#breadcrumb"},"inLanguage":"en-US","potentialAction":[{"@type":"ReadAction","target":["https:\/\/aga.so\/so\/laabraac-sheeko-gaaban\/"]}]},{"@type":"BreadcrumbList","@id":"https:\/\/aga.so\/so\/laabraac-sheeko-gaaban\/#breadcrumb","itemListElement":[{"@type":"ListItem","position":1,"name":"Home","item":"https:\/\/aga.so\/so\/"},{"@type":"ListItem","position":2,"name":"Laabraac (Sheeko gaaban)"}]},{"@type":"WebSite","@id":"https:\/\/aga.so\/so\/#website","url":"https:\/\/aga.so\/so\/","name":"Akademiye Goboleedka Af Soomaaliga AGA","description":"","publisher":{"@id":"https:\/\/aga.so\/so\/#organization"},"potentialAction":[{"@type":"SearchAction","target":{"@type":"EntryPoint","urlTemplate":"https:\/\/aga.so\/so\/?s={search_term_string}"},"query-input":"required name=search_term_string"}],"inLanguage":"en-US"},{"@type":"Organization","@id":"https:\/\/aga.so\/so\/#organization","name":"AGA - Akadeemiya Goboleedka AfSoomaaliga","url":"https:\/\/aga.so\/so\/","logo":{"@type":"ImageObject","inLanguage":"en-US","@id":"https:\/\/aga.so\/so\/#\/schema\/logo\/image\/","url":"https:\/\/aga.so\/so\/wp-content\/uploads\/2020\/10\/favicon-2.png","contentUrl":"https:\/\/aga.so\/so\/wp-content\/uploads\/2020\/10\/favicon-2.png","width":162,"height":83,"caption":"AGA - Akadeemiya Goboleedka AfSoomaaliga"},"image":{"@id":"https:\/\/aga.so\/so\/#\/schema\/logo\/image\/"}},{"@type":"Person","@id":"https:\/\/aga.so\/so\/#\/schema\/person\/c89f24807531a9b3d9df95d848134d50","name":"hgb","image":{"@type":"ImageObject","inLanguage":"en-US","@id":"https:\/\/aga.so\/so\/#\/schema\/person\/image\/","url":"https:\/\/secure.gravatar.com\/avatar\/9cc2fe393829a669530037fc59abb837?s=96&d=mm&r=g","contentUrl":"https:\/\/secure.gravatar.com\/avatar\/9cc2fe393829a669530037fc59abb837?s=96&d=mm&r=g","caption":"hgb"},"url":"https:\/\/aga.so\/so\/author\/hgb\/"}]}},"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/aga.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/6150"}],"collection":[{"href":"https:\/\/aga.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/aga.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/aga.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/users\/1"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/aga.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=6150"}],"version-history":[{"count":6,"href":"https:\/\/aga.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/6150\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":6222,"href":"https:\/\/aga.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/6150\/revisions\/6222"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/aga.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media\/6151"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/aga.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=6150"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/aga.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=6150"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/aga.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=6150"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}