{"id":5910,"date":"2021-09-11T17:50:16","date_gmt":"2021-09-11T14:50:16","guid":{"rendered":"https:\/\/aga.so\/so\/?p=5910"},"modified":"2021-09-11T17:50:16","modified_gmt":"2021-09-11T14:50:16","slug":"aabbannimo","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/aga.so\/so\/aabbannimo\/","title":{"rendered":"Aabbannimo"},"content":{"rendered":"<h4>Inkastoo aan haystay dhaqaale igu filan oo aan nolashayda ku maareeyo walaalna aan wax ka siin karo, haddana ma ahayn mid nafsad ahaan u daggan. Anoo og wax weliba in ay xag Alle ka ahaadeen ayey haddana nafta mararka qaarkood ii jiidaysay fakar iyo walbahaar joogto ah.<\/h4>\n<h4>Aad baan dadka u xariirin jiray. Ma sheegto e, qofka aan ka roonahay ama aan wax dhaamo ama culeys adduun soo foodsaara inta karaankayga ah ayaan caawin jiray. Tolka iyo reerka, xididka iyo xasabada dhammaantood nin og ayaan ahaa; qaraabada iyo qaaraanka inta iiga soo aaddo, habeenna lama seexan jiray oo waan dhiibi jiray.<\/h4>\n<h4>Kulannada iyo isu-imaatinnada xigtada, xoog iyo xoolo waxa iiga soo aado waan gayn jiray\u2026 Deriska iyo dadka xaafadda ila deggan waxaan u ahaa nin ay aad u qaddariyaan. Inkastoo shaqadayda iska adag awgeed, ii oggolayn in wax badan laga maqnaado, haddana maalinta Jimcada waxaan ku dukan jiray Jaamacadana salaadda kula oogi jiray masaajid aan ka fogayn gurigayga. Aad baan ugu hayay ixtiraam iyo qaddarin dadka aan xaafadda wada deggannahay, inta uu insaan karo ama uu awoodana xaqooda diiniga waan ilaalin jiray.<\/h4>\n<h4>Dhegtaadu kaa war dheer ishaaduna waa kula file, mararka qaarkood xanta iyo nux-nuxda ay hablaha xaafadda igu durayaan ama ay u gaysanayaan xaaskayga midna waxba uma arki jirin, waayoo aniga waxaan aaminsanaa in ayan iyaga xaggooda waxba iiga maqanayn\u2026 Ilaahay xaggiisa kaliya wax iga jiraan isagana uu i siinayo goortuu doono ama awooddiisa iigu diidayo wixii uusan ii qorin. Calaaya xaal, waxaan ahaa nin qaddarta aaminsan kuna sabarsan.<\/h4>\n<h4>\u00a0 \u00a0 \u00a0 \u00a0 \u00a0 \u00a0 \u00a0 \u00a0 \u00a0 \u00a0 \u00a0 \u00a0 \u00a0 \u00a0 \u00a0 \u00a0 \u00a0 \u00a0 \u00a0 \u00a0 \u00a0 \u00a0****<\/h4>\n<h4>Waxa aan lahaa dukaan wax walba oo quutul-daruuri ah lagu iibiyo. Waxa gacanteenna ku jiraa waa ay dhammaanayaan kaliya waxaa baaqi ahaanayo waxa aad Ilaahay xaggiisa gaysato taas ayaana anfac iyo iimaanba laga helayaa adduun iyo aakhiraba. Anoo yaqiinsan inay dantu tahay in nin walba uu taagtiisa tallaabsanayo madaalna meel uu yaallo uu ka beegmo ayaan subax walba bixin jiray saddaqo, moos iyo rooti. Waxaan siin jiray masaakiin gacan-hoorsata ah oo aroor weliba iyagoo koox ah dukaankayga hortiisa soo tuban jiray.<\/h4>\n<h4>Deeqda iyo garashada Ilaahay ayaa bixiya, dadkuna isku miisaan ma ahan e, masaakiinta aan gacanta u taagi jiray waxaa ka mid ahayd gabar yar oo muuqaal ahaan aad u qurxoonayd, haddana Ilaahay ugu deeqay astur iyo xishood dheeraad ah.<\/h4>\n<h4>Layaabka qalbigayga buuxiyay waxa uu ahaa marka aan gabadha gacanta u taago, waxaa ay igu dhihi jirtay iiguna ducayn jirtay: \u201cIlaahay ha ku siiyo awlaad baarri ah.\u201d Eray kale ima dhihi jirin. Maalin weliba oo ay ii timaaddo eraygaas afkeeda kama baxo, ima tiraahdo mid ka duwan, mana ku soo darto mid dheeraad ah. Hadalkeedaas iyo ducadeedaas erayada kooban ah, aad ayuu ii taabtay.<\/h4>\n<h4>Inkastoo aan haystay dhaqaale aan habeen ku seexan karo, haddana Ilaahay iguma irsaaqin ilqabowsiga dunida oo ah carruur\u2026 maalinna nasiib uma yeelan in canug aan dhalay dhabtayda saaro\u2026 habeenna kuma seexan anoo dhunkaday canug yar afkiisa carfayo ee aan ilka lahayn\u2026 maalinna aqalkayga dhaxdiisa iigama soo yeerin oo la ima dhihin aabbe\u2026 marna ma gelin dukaamada lagu iibiyo alaabta carruurta si aan canugayga ugu soo iibiyo\u2026 subaxna dhabtayda kuma kaadin canug yar oo aan dhalay oo maradayda ma nijaasoobin\u2026 maalinna dhaqaale wanqal carruurtayda ma bixin. Murugadaas iyo xanuunno badan oo qalbigayga jiifay, haddana ima qalbijabin, waayo, Ilaahay siiye ayaa wax gardaadiya.<\/h4>\n<h4>Erayga ay gabadhu subax kasta igu tiraahdo wuxuu iiga tagay saamays weyn. Waxaan gaaray heer aan dhararo oo aan sugi waayo\u00a0 gabadha iyo ducadeedii ahayd: \u201cIlaahay ha ku siiyo awlaad baarri ah.\u201d Hal mar ayuu qalbigayga is-beddelay oo aan wax weyn tabay. Waan isla-hadlay: <em>\u2018Kaalay, gabadha sidan maalin kasta kugu leh, armay tahay tii uu Ilaahay kaa irsaaqi rabay tagoogana kuugu furi rabay!\u2019<\/em><\/h4>\n<h4>Waxaan go\u2019aansaday in aan gabadha si gaar ah u reebto oo aan la hadlo si aan xaalkeeda qofeed iyo midda qoyseedba u ogaado.<\/h4>\n<h4>Gabadha marka ay masaakiinta soo istaagaan ma ahayn mid dadka soo dardarta ama iimaanka iska qaadda ee hadaf ka dhigata yaysan saddaqadu kaa dhammaan. Intay dadka iska soo hormariso ayay gadaal isu dhigi jirtay. Aniga, taasi waxay ii ahayd fursadda iyo albaabka aan ka gali karo hadalka billowgiisa, maadaama ayan qof kale na wehlinayn.<\/h4>\n<h4>\u00a0 \u00a0 \u00a0 \u00a0 \u00a0 \u00a0 \u00a0 \u00a0 \u00a0 \u00a0 \u00a0 \u00a0 \u00a0 \u00a0 \u00a0 \u00a0 \u00a0 \u00a0 \u00a0 \u00a0 \u00a0 \u00a0 \u00a0 \u00a0 \u00a0 \u00a0 \u00a0 \u00a0****<\/h4>\n<h4>Subax ayay ii soo taagay gacan xijaab duugga ah lagu daday oo ay ka muuqato xishood. Mar kaliya ayuu qalbigaygii wareegay oo dhidid waawayn iga soo daatay. Waxaan garan waayay in aan wax sido iyo in kale. Markaas ayaan aniga oo moog u taagay gacan aan waxba ku jirin. Cod yar oo xabeeb ay ku jirto ayay iigu yiri: \u201cWalaal ma fiican tahay! Gacantaadu way maran tahay, dhibse malaha oo wixii calaf ah ayaa la cunaa. Wax badan moos iyo rooti waad ii soo taagtay.\u201d Markaas ayuu miirka igu soo noqday oo aan naxay. Hadal aan badnayn oo ay ku muuqato gariir ayaan ku iri:\u201cIga raalli ahaw. Dukaanku wuu buuxaa, laakiin xisaab kale ayaan galay.\u201d Jawaab ay ka muuqato xikmad iyo xilkasnimo ayay igu tiri: \u201cAdduun hawl kama dhammaatee, intaad gaari karto kaliya ka qabo, wixii aad kari waysana Ilaahay ayay u taallaa.\u201d Aad buu hadalkeeda iyo caqligeedu u sii shiday olalkii igu dhex socday. Waxaan dukaanka dhexdiisa ayaan soo geliyay. Waan xog waraystay. Waxay iiga hadashay xaaladda reerkeeda oo dhan iyo in ay u dawarsato hooyadeed oo indho la` aabbaheedna uu dhintay, hal wiil ee la walaalka ahna uu qof naafo ah yahay.<\/h4>\n<h4>Aad bay ii taabatay xanuunka iyo culayska gabadha haysta, waxaanse ku farxay erayadeeda eray ka mid ahaa oo ahaa in ay tahay gabar oo aan waligeed la guursan. Dadaal iyo is-fahansiin dheer waxa aan gabadhii ku heshiinnay in aan is-guursanno reerkeedana aan ka faalo qaado oo aan hooyadeed iyo walaalaheedba la soo dajiyo hal meelna ay kuwada noolaadaan. Ilaahayna waa ii suurageliyay oo waa ii aqbalay rabitaankaygii iyo ducadii gabadha ee joogtada ahayd. iyadii hadalkaas i dhihi jirtay ayuu Ilaahay wax iigu daray oo awlaad badan oo gabdho iyo wiilalba leh iga siiyay. Ilaahay ayaa ku mahadsan oo sabarkayga iigu naxariistay, waxaan ahay aabbe carruur iyo xaas leh.<\/h4>\n<h4><strong>\u00a0 \u00a0 \u00a0 \u00a0 \u00a0 \u00a0 \u00a0 \u00a0 \u00a0 \u00a0 \u00a0 W.Q<\/strong><\/h4>\n<h4><strong>Axmed Maxamuud Dhicisoow (Yaanyo)<\/strong><\/h4>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Inkastoo aan haystay dhaqaale igu filan oo aan nolashayda ku maareeyo walaalna aan wax ka siin karo, haddana ma ahayn mid nafsad ahaan u daggan. Anoo og wax weliba in ay xag Alle ka ahaadeen ayey haddana nafta mararka qaarkood ii jiidaysay fakar iyo walbahaar joogto ah. Aad baan dadka u xariirin jiray. Ma sheegto [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":1,"featured_media":5911,"comment_status":"open","ping_status":"open","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"inline_featured_image":false},"categories":[17,19,33],"tags":[],"yoast_head":"<!-- This site is optimized with the Yoast SEO plugin v20.2.1 - https:\/\/yoast.com\/wordpress\/plugins\/seo\/ -->\n<title>Aabbannimo - Akademiye Goboleedka Af Soomaaliga AGA<\/title>\n<meta name=\"robots\" content=\"index, follow, max-snippet:-1, max-image-preview:large, max-video-preview:-1\" \/>\n<link rel=\"canonical\" href=\"https:\/\/aga.so\/so\/aabbannimo\/\" \/>\n<meta property=\"og:locale\" content=\"en_US\" \/>\n<meta property=\"og:type\" content=\"article\" \/>\n<meta property=\"og:title\" content=\"Aabbannimo - Akademiye Goboleedka Af Soomaaliga AGA\" \/>\n<meta property=\"og:description\" content=\"Inkastoo aan haystay dhaqaale igu filan oo aan nolashayda ku maareeyo walaalna aan wax ka siin karo, haddana ma ahayn mid nafsad ahaan u daggan. Anoo og wax weliba in ay xag Alle ka ahaadeen ayey haddana nafta mararka qaarkood ii jiidaysay fakar iyo walbahaar joogto ah. Aad baan dadka u xariirin jiray. Ma sheegto [&hellip;]\" \/>\n<meta property=\"og:url\" content=\"https:\/\/aga.so\/so\/aabbannimo\/\" \/>\n<meta property=\"og:site_name\" content=\"Akademiye Goboleedka Af Soomaaliga AGA\" \/>\n<meta property=\"article:published_time\" content=\"2021-09-11T14:50:16+00:00\" \/>\n<meta property=\"og:image\" content=\"https:\/\/aga.so\/so\/wp-content\/uploads\/2021\/09\/241177496_383788513373251_3997988097734375167_n.jpg\" \/>\n\t<meta property=\"og:image:width\" content=\"780\" \/>\n\t<meta property=\"og:image:height\" content=\"405\" \/>\n\t<meta property=\"og:image:type\" content=\"image\/jpeg\" \/>\n<meta name=\"author\" content=\"hgb\" \/>\n<meta name=\"twitter:card\" content=\"summary_large_image\" \/>\n<meta name=\"twitter:label1\" content=\"Written by\" \/>\n\t<meta name=\"twitter:data1\" content=\"hgb\" \/>\n\t<meta name=\"twitter:label2\" content=\"Est. reading time\" \/>\n\t<meta name=\"twitter:data2\" content=\"5 minutes\" \/>\n<script type=\"application\/ld+json\" class=\"yoast-schema-graph\">{\"@context\":\"https:\/\/schema.org\",\"@graph\":[{\"@type\":\"Article\",\"@id\":\"https:\/\/aga.so\/so\/aabbannimo\/#article\",\"isPartOf\":{\"@id\":\"https:\/\/aga.so\/so\/aabbannimo\/\"},\"author\":{\"name\":\"hgb\",\"@id\":\"https:\/\/aga.so\/so\/#\/schema\/person\/c89f24807531a9b3d9df95d848134d50\"},\"headline\":\"Aabbannimo\",\"datePublished\":\"2021-09-11T14:50:16+00:00\",\"dateModified\":\"2021-09-11T14:50:16+00:00\",\"mainEntityOfPage\":{\"@id\":\"https:\/\/aga.so\/so\/aabbannimo\/\"},\"wordCount\":986,\"commentCount\":0,\"publisher\":{\"@id\":\"https:\/\/aga.so\/so\/#organization\"},\"articleSection\":[\"Featured\",\"Hal-abuurka &amp; Suugaanta\",\"Sheeko\"],\"inLanguage\":\"en-US\",\"potentialAction\":[{\"@type\":\"CommentAction\",\"name\":\"Comment\",\"target\":[\"https:\/\/aga.so\/so\/aabbannimo\/#respond\"]}]},{\"@type\":\"WebPage\",\"@id\":\"https:\/\/aga.so\/so\/aabbannimo\/\",\"url\":\"https:\/\/aga.so\/so\/aabbannimo\/\",\"name\":\"Aabbannimo - Akademiye Goboleedka Af Soomaaliga AGA\",\"isPartOf\":{\"@id\":\"https:\/\/aga.so\/so\/#website\"},\"datePublished\":\"2021-09-11T14:50:16+00:00\",\"dateModified\":\"2021-09-11T14:50:16+00:00\",\"breadcrumb\":{\"@id\":\"https:\/\/aga.so\/so\/aabbannimo\/#breadcrumb\"},\"inLanguage\":\"en-US\",\"potentialAction\":[{\"@type\":\"ReadAction\",\"target\":[\"https:\/\/aga.so\/so\/aabbannimo\/\"]}]},{\"@type\":\"BreadcrumbList\",\"@id\":\"https:\/\/aga.so\/so\/aabbannimo\/#breadcrumb\",\"itemListElement\":[{\"@type\":\"ListItem\",\"position\":1,\"name\":\"Home\",\"item\":\"https:\/\/aga.so\/so\/\"},{\"@type\":\"ListItem\",\"position\":2,\"name\":\"Aabbannimo\"}]},{\"@type\":\"WebSite\",\"@id\":\"https:\/\/aga.so\/so\/#website\",\"url\":\"https:\/\/aga.so\/so\/\",\"name\":\"Akademiye Goboleedka Af Soomaaliga AGA\",\"description\":\"\",\"publisher\":{\"@id\":\"https:\/\/aga.so\/so\/#organization\"},\"potentialAction\":[{\"@type\":\"SearchAction\",\"target\":{\"@type\":\"EntryPoint\",\"urlTemplate\":\"https:\/\/aga.so\/so\/?s={search_term_string}\"},\"query-input\":\"required name=search_term_string\"}],\"inLanguage\":\"en-US\"},{\"@type\":\"Organization\",\"@id\":\"https:\/\/aga.so\/so\/#organization\",\"name\":\"AGA - Akadeemiya Goboleedka AfSoomaaliga\",\"url\":\"https:\/\/aga.so\/so\/\",\"logo\":{\"@type\":\"ImageObject\",\"inLanguage\":\"en-US\",\"@id\":\"https:\/\/aga.so\/so\/#\/schema\/logo\/image\/\",\"url\":\"https:\/\/aga.so\/so\/wp-content\/uploads\/2020\/10\/favicon-2.png\",\"contentUrl\":\"https:\/\/aga.so\/so\/wp-content\/uploads\/2020\/10\/favicon-2.png\",\"width\":162,\"height\":83,\"caption\":\"AGA - Akadeemiya Goboleedka AfSoomaaliga\"},\"image\":{\"@id\":\"https:\/\/aga.so\/so\/#\/schema\/logo\/image\/\"}},{\"@type\":\"Person\",\"@id\":\"https:\/\/aga.so\/so\/#\/schema\/person\/c89f24807531a9b3d9df95d848134d50\",\"name\":\"hgb\",\"image\":{\"@type\":\"ImageObject\",\"inLanguage\":\"en-US\",\"@id\":\"https:\/\/aga.so\/so\/#\/schema\/person\/image\/\",\"url\":\"https:\/\/secure.gravatar.com\/avatar\/9cc2fe393829a669530037fc59abb837?s=96&d=mm&r=g\",\"contentUrl\":\"https:\/\/secure.gravatar.com\/avatar\/9cc2fe393829a669530037fc59abb837?s=96&d=mm&r=g\",\"caption\":\"hgb\"},\"url\":\"https:\/\/aga.so\/so\/author\/hgb\/\"}]}<\/script>\n<!-- \/ Yoast SEO plugin. -->","yoast_head_json":{"title":"Aabbannimo - Akademiye Goboleedka Af Soomaaliga AGA","robots":{"index":"index","follow":"follow","max-snippet":"max-snippet:-1","max-image-preview":"max-image-preview:large","max-video-preview":"max-video-preview:-1"},"canonical":"https:\/\/aga.so\/so\/aabbannimo\/","og_locale":"en_US","og_type":"article","og_title":"Aabbannimo - Akademiye Goboleedka Af Soomaaliga AGA","og_description":"Inkastoo aan haystay dhaqaale igu filan oo aan nolashayda ku maareeyo walaalna aan wax ka siin karo, haddana ma ahayn mid nafsad ahaan u daggan. Anoo og wax weliba in ay xag Alle ka ahaadeen ayey haddana nafta mararka qaarkood ii jiidaysay fakar iyo walbahaar joogto ah. Aad baan dadka u xariirin jiray. Ma sheegto [&hellip;]","og_url":"https:\/\/aga.so\/so\/aabbannimo\/","og_site_name":"Akademiye Goboleedka Af Soomaaliga AGA","article_published_time":"2021-09-11T14:50:16+00:00","og_image":[{"width":780,"height":405,"url":"https:\/\/aga.so\/so\/wp-content\/uploads\/2021\/09\/241177496_383788513373251_3997988097734375167_n.jpg","type":"image\/jpeg"}],"author":"hgb","twitter_card":"summary_large_image","twitter_misc":{"Written by":"hgb","Est. reading time":"5 minutes"},"schema":{"@context":"https:\/\/schema.org","@graph":[{"@type":"Article","@id":"https:\/\/aga.so\/so\/aabbannimo\/#article","isPartOf":{"@id":"https:\/\/aga.so\/so\/aabbannimo\/"},"author":{"name":"hgb","@id":"https:\/\/aga.so\/so\/#\/schema\/person\/c89f24807531a9b3d9df95d848134d50"},"headline":"Aabbannimo","datePublished":"2021-09-11T14:50:16+00:00","dateModified":"2021-09-11T14:50:16+00:00","mainEntityOfPage":{"@id":"https:\/\/aga.so\/so\/aabbannimo\/"},"wordCount":986,"commentCount":0,"publisher":{"@id":"https:\/\/aga.so\/so\/#organization"},"articleSection":["Featured","Hal-abuurka &amp; Suugaanta","Sheeko"],"inLanguage":"en-US","potentialAction":[{"@type":"CommentAction","name":"Comment","target":["https:\/\/aga.so\/so\/aabbannimo\/#respond"]}]},{"@type":"WebPage","@id":"https:\/\/aga.so\/so\/aabbannimo\/","url":"https:\/\/aga.so\/so\/aabbannimo\/","name":"Aabbannimo - Akademiye Goboleedka Af Soomaaliga AGA","isPartOf":{"@id":"https:\/\/aga.so\/so\/#website"},"datePublished":"2021-09-11T14:50:16+00:00","dateModified":"2021-09-11T14:50:16+00:00","breadcrumb":{"@id":"https:\/\/aga.so\/so\/aabbannimo\/#breadcrumb"},"inLanguage":"en-US","potentialAction":[{"@type":"ReadAction","target":["https:\/\/aga.so\/so\/aabbannimo\/"]}]},{"@type":"BreadcrumbList","@id":"https:\/\/aga.so\/so\/aabbannimo\/#breadcrumb","itemListElement":[{"@type":"ListItem","position":1,"name":"Home","item":"https:\/\/aga.so\/so\/"},{"@type":"ListItem","position":2,"name":"Aabbannimo"}]},{"@type":"WebSite","@id":"https:\/\/aga.so\/so\/#website","url":"https:\/\/aga.so\/so\/","name":"Akademiye Goboleedka Af Soomaaliga AGA","description":"","publisher":{"@id":"https:\/\/aga.so\/so\/#organization"},"potentialAction":[{"@type":"SearchAction","target":{"@type":"EntryPoint","urlTemplate":"https:\/\/aga.so\/so\/?s={search_term_string}"},"query-input":"required name=search_term_string"}],"inLanguage":"en-US"},{"@type":"Organization","@id":"https:\/\/aga.so\/so\/#organization","name":"AGA - Akadeemiya Goboleedka AfSoomaaliga","url":"https:\/\/aga.so\/so\/","logo":{"@type":"ImageObject","inLanguage":"en-US","@id":"https:\/\/aga.so\/so\/#\/schema\/logo\/image\/","url":"https:\/\/aga.so\/so\/wp-content\/uploads\/2020\/10\/favicon-2.png","contentUrl":"https:\/\/aga.so\/so\/wp-content\/uploads\/2020\/10\/favicon-2.png","width":162,"height":83,"caption":"AGA - Akadeemiya Goboleedka AfSoomaaliga"},"image":{"@id":"https:\/\/aga.so\/so\/#\/schema\/logo\/image\/"}},{"@type":"Person","@id":"https:\/\/aga.so\/so\/#\/schema\/person\/c89f24807531a9b3d9df95d848134d50","name":"hgb","image":{"@type":"ImageObject","inLanguage":"en-US","@id":"https:\/\/aga.so\/so\/#\/schema\/person\/image\/","url":"https:\/\/secure.gravatar.com\/avatar\/9cc2fe393829a669530037fc59abb837?s=96&d=mm&r=g","contentUrl":"https:\/\/secure.gravatar.com\/avatar\/9cc2fe393829a669530037fc59abb837?s=96&d=mm&r=g","caption":"hgb"},"url":"https:\/\/aga.so\/so\/author\/hgb\/"}]}},"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/aga.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/5910"}],"collection":[{"href":"https:\/\/aga.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/aga.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/aga.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/users\/1"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/aga.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=5910"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/aga.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/5910\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":5913,"href":"https:\/\/aga.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/5910\/revisions\/5913"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/aga.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media\/5911"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/aga.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=5910"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/aga.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=5910"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/aga.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=5910"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}