{"id":5875,"date":"2021-09-03T11:21:54","date_gmt":"2021-09-03T08:21:54","guid":{"rendered":"https:\/\/aga.so\/so\/?p=5875"},"modified":"2022-09-19T09:05:30","modified_gmt":"2022-09-19T06:05:30","slug":"adeegsiga-af-soomaaliga-iyo-cilmi-baarista","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/aga.so\/so\/adeegsiga-af-soomaaliga-iyo-cilmi-baarista\/","title":{"rendered":"Adeegsiga Af Soomaaliga iyo Cilmi Baarista"},"content":{"rendered":"<h4><strong><em>Horudhac<\/em><\/strong><\/h4>\n<h4><em>Maxaa u diiday in cilmibaarista lagu qoro Af Soomaali? Waa su\u2019aal u baahan in la isweydiiyo, lagana fiiriyo meelo badan, lana falanqeeyo.<\/em><\/h4>\n<h4><em>Maqaalkani waxa uu isku dayi doonaa in uu jawaab u raadiyo su\u2019aashaas, isaga oo ka fiirinaya sababaha u diiday in af Soomaaliga loo adeegsado cilmibaarista, sidoo kale waxa uu iftiimin doonaa faa\u2019iidada ku jirta in af Soomaaliga loo adeegsado cilmibaarista. Gabagabada waxa uu soo gudbin doonaa talooyin ku saabsan, sidii si guud loogu horumarin lahaa adeegsiga Af Soomaaliga xagga waxbarashada, si gaar ahaaneedna cilmibaarista.<\/em><\/h4>\n<h4><strong><em>Sababaha keenay adeegsiga afafka qalaad<\/em><\/strong><\/h4>\n<h4><em>Inkasta oo ay jiraan hay\u2019ado cilmibaariseed oo Af Soomali ku qora cilmibaaristooda, haddana inta uu qoruhu ka warqabo ma jiraan Jaamacado cilmibaaristooda ku qora af Soomaali. Waxaa dhici karta, in sababta aan loo adeegsanayn Af Soomaaliga ay tahay sida uu qabo (Bare Sare Cabdulwahab Cabdullahi Cilmi), Gudoomiye Ku-xigeenkii hore ee Jaamacadda Jamhuuriya, inay hoosayso aqoonta loo leeyahay Afk Soomaaliga ama in loo arko sharaf ama darajo in cilmi baaris lagu qoro af Ingiriisi, iyada oo la liidaayo Af Soomaaliga.<\/em><\/h4>\n<h4><em>Waxaa la ogyahay in ardayda dhigata waxbarashada sare, badankoodu in ay wax ku bartaan afka Ingiriiska. Waxa la dhihi karaa sababta ugu wayn ee taas keentay inay tahay agabka waxbarasho oo la heli karo in uu ku qoran yahay Af Ingiirsi. Sabab kale waxa ay noqon kartaa in\u00a0\u00a0 jaamacaduhu ay doonayaan inay cilmibaaristooda la wadaagaan dunida kale iyo ardayda ay soo saaraan oo laga yaabo in waxbarasho sare ay u doontaan waddanka dibadiisa, taas oo uga baahan adeegsi af-qalaad, sida af Ingiriis.<\/em><\/h4>\n<h4><strong><em>Caqabadaha heysta barayaasha iyo ardayda<\/em><\/strong><\/h4>\n<h4><em>Duruufaha ku xeeran ardaydeena dartood, heerka ardaydu ay ka joogaan afka ay wax ku baranayaan ma gaarsiisna heerkii laga rabay in uu joogo arday dhigta jaamacad. Sidoo kale waxaa laga yaabaa in baraha maadada naf ahaantiisu uu heerkiisa aqoon\u2013afeed uusan gaarsiisnayn heerkii laga rabay. La iskama indho tiri karo in ay jiraan barayaal sare oo leh aqoon iyo karti ay ku gudbin karaan cilmiga ay dhigayaan, sidoo kalena soo saari kara cilmibaarisyo caalami ah iyo arday heerkooda afeed iyo aqooneed uu sareeyo.<\/em><\/h4>\n<h4><em>Haddii ay daldaloolo ka jiraan aqoonta loo leeyahay afka wax lagu baranayo, ka dibna loo adeegsanayo cilmibaaris, maxay noqon karaan miraha ama natiijada ka dhalan karta cilmibaaristaas?. Marka dhinac laga fiiriyo waxa ay noqon kartaa in cilmibaaristaasi ay ka soo baxaan natiijooyin fiican; dhinaca kalena waxa ay noqon kartaa, maadaama ardayga cilmibaaraha ahi iyo baraha hagayaba uu hooseeyo afka ay u adeegsanayaan cilmibaarista, in tayada cilmibaaristooda aysan gaarin heerkii laga doonayey. Sababta oo ah fikirka qofka ku jiro waxa ugu wanaagsan ee uu ku cabiri karo ama ku fikiri karo waa afka uu sida fiican u yaqaano, kaas oo gaarsiisan heer afeedka laga doonayo qof cilmibaare ah.<\/em><\/h4>\n<h4><em>Iyada oo ay caqabadahaas aqoon-afeedku ay jiraan, haddana waxa la dhihi karaa dadaal ayey sameynayaan ardayda iyo barayaasha jaamacaduhu. Sababta oo ah in af-qalaad u adeegsadaan waxbarashada, gaar ahaan cilmibaarista, waxaa ku qasbay duruufaha ku xeeran.<\/em><\/h4>\n<h4><strong><em>Talo jeedin:<\/em><\/strong><\/h4>\n<h4><em>Haddaba, sidee ayaan ku gaari karnaa in aan ka faa\u2019iidaysano afkeena hooyo, uguna adeegsano cilmibaaris, loona awdo daldalloolada kor ku xusan. Waxa aan dhihi karnaa, marka hore waa inaan ogaannaa in afkeenu yahay kan ugu mudan, uguna fudud oo aan ku fikiri karno, wixii maskaxdeenna ku jirana aan dhigaal iyo dhihidba ugu soo gudbin karno.<\/em><\/h4>\n<h4><em>Tan labaad haddii aan badinno adeegsiga afkeena, waxa aan kordhinaynaa \u00a0tarankiisa.<\/em><\/h4>\n<h4><em>Tan saddexaad, waxaan sare u qaadaynaa qiimaha afkeenna.<\/em><\/h4>\n<h4><em>Haddaba si loo hirgeliyo adeegsiga afka xaga waxbarashada sare iyo cilmibaarista waxaan talo ahaan u soo jeedin lahaa:<\/em><\/h4>\n<h4><em>\u2013 In maaddo af Soomaaliga lagu barto oo qasab ah lagu daro maaddooyinka lagu qaato laamaha kala duwan ee jaamacadaha dalka.<\/em><\/h4>\n<h4><em>\u2013 In jaamacaduhu ardayda u ogolaadaan, kuna dhiirigeliyaan in cilmibaarista u adeegsadaan Af Soomaali, sidoo kalena dhigaallada qalin-jebinta\/qalin bedelashada iyo imtixaanadaba ku qoraan Af-Soomaali<\/em><\/h4>\n<h4><em>\u2013 In Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ay dhiirigeliso hirgelinta arrintaas, iyada oo adeegsanaysa awoodaheeda fullineed.<\/em><\/h4>\n<h4><em>\u2013 In <strong>Akadeemiya Goboleedka AfSoomaaliga (AGA)<\/strong> iyo Guddiga Af-Soomaaliga ee dhawaan la sameeyey ay arrintan diiradda saaraan oo ay jaamacadaha ka caawiyaan sidii ay u hirgelin lahaayeen adeegsiga Af Soomaaliga, sidoo kalena doodo arrintaas ku saabsan ay u qabtaan dhammaan inta ay khuseyso.<\/em><\/h4>\n<h4><em>Fullinta arrimahaas waxa ay keeni karaan in afkii horumar sameeyo. Waxaa bilaaban karta in buugaagta cilmiga la af Soomaaliyeeyo oo ardaygii uu helo ilo tayo leh oo uu ka heli karo agabkii ka caawinaayey waxbarashadiisa. Ujeedadu ma ahan in meesha laga saaro adeegsiga buugaagta ku qoran afafka qalaad ee kaliya waa xoojin ku wajahan Af Soomaaliga.<\/em><\/h4>\n<h4><em>Waxa aan shaki ku jirin in haddii la billaabo arrimahaas kor kuxusan, in uu isbedel ku imaan doono adeegsiga Afka.<\/em><\/h4>\n<h4><em>Hadda waxa aan aragnaa in ay soo badanayaan dhigaallada ku qoran Af Soomaaliga, kuwaas oo u badan dhigaallo la\u00a0 xiriira suugaanta iyo arrimaha bulshada, laakiin waxaa imaan doonta in la gaaro xilli uu Af-Soomaaligu sii horumaro, laguna qoro culuunta kala duwan sida: Tan Sayniska iyo Tiknoolajiga, culuunta bulshada sida dhaqaalaha iyo cilmi-nafsiga iyo tan aadamaha (humanities) iwm. Taas waxaa la gaari karaa marka qiimo loo yeelo adeegsiga Af Soomaaliga, loona adeegsado waxbarashada guud, gaar ahaanna tacliinta sare.<\/em><\/h4>\n<h4><strong><em>W\/Q : Cabdiraxmaan Cali Ibraahim<\/em><\/strong><\/h4>\n<h4><strong><em>Bare, Dugsiga sare Fredrik II, Fredrikstad, Norway<\/em><\/strong><\/h4>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Horudhac Maxaa u diiday in cilmibaarista lagu qoro Af Soomaali? Waa su\u2019aal u baahan in la isweydiiyo, lagana fiiriyo meelo badan, lana falanqeeyo. Maqaalkani waxa uu isku dayi doonaa in uu jawaab u raadiyo su\u2019aashaas, isaga oo ka fiirinaya sababaha u diiday in af Soomaaliga loo adeegsado cilmibaarista, sidoo kale waxa uu iftiimin doonaa faa\u2019iidada [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":1,"featured_media":5876,"comment_status":"open","ping_status":"open","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"inline_featured_image":false},"categories":[5,17,24],"tags":[],"yoast_head":"<!-- This site is optimized with the Yoast SEO plugin v20.2.1 - https:\/\/yoast.com\/wordpress\/plugins\/seo\/ -->\n<title>Adeegsiga Af Soomaaliga iyo Cilmi Baarista - Akademiye Goboleedka Af Soomaaliga AGA<\/title>\n<meta name=\"robots\" content=\"index, follow, max-snippet:-1, max-image-preview:large, max-video-preview:-1\" \/>\n<link rel=\"canonical\" href=\"https:\/\/aga.so\/so\/adeegsiga-af-soomaaliga-iyo-cilmi-baarista\/\" \/>\n<meta property=\"og:locale\" content=\"en_US\" \/>\n<meta property=\"og:type\" content=\"article\" \/>\n<meta property=\"og:title\" content=\"Adeegsiga Af Soomaaliga iyo Cilmi Baarista - Akademiye Goboleedka Af Soomaaliga AGA\" \/>\n<meta property=\"og:description\" content=\"Horudhac Maxaa u diiday in cilmibaarista lagu qoro Af Soomaali? Waa su\u2019aal u baahan in la isweydiiyo, lagana fiiriyo meelo badan, lana falanqeeyo. Maqaalkani waxa uu isku dayi doonaa in uu jawaab u raadiyo su\u2019aashaas, isaga oo ka fiirinaya sababaha u diiday in af Soomaaliga loo adeegsado cilmibaarista, sidoo kale waxa uu iftiimin doonaa faa\u2019iidada [&hellip;]\" \/>\n<meta property=\"og:url\" content=\"https:\/\/aga.so\/so\/adeegsiga-af-soomaaliga-iyo-cilmi-baarista\/\" \/>\n<meta property=\"og:site_name\" content=\"Akademiye Goboleedka Af Soomaaliga AGA\" \/>\n<meta property=\"article:published_time\" content=\"2021-09-03T08:21:54+00:00\" \/>\n<meta property=\"article:modified_time\" content=\"2022-09-19T06:05:30+00:00\" \/>\n<meta property=\"og:image\" content=\"https:\/\/aga.so\/so\/wp-content\/uploads\/2021\/09\/maxresdefault.jpg\" \/>\n\t<meta property=\"og:image:width\" content=\"1280\" \/>\n\t<meta property=\"og:image:height\" content=\"720\" \/>\n\t<meta property=\"og:image:type\" content=\"image\/jpeg\" \/>\n<meta name=\"author\" content=\"hgb\" \/>\n<meta name=\"twitter:card\" content=\"summary_large_image\" \/>\n<meta name=\"twitter:label1\" content=\"Written by\" \/>\n\t<meta name=\"twitter:data1\" content=\"hgb\" \/>\n\t<meta name=\"twitter:label2\" content=\"Est. reading time\" \/>\n\t<meta name=\"twitter:data2\" content=\"4 minutes\" \/>\n<script type=\"application\/ld+json\" class=\"yoast-schema-graph\">{\"@context\":\"https:\/\/schema.org\",\"@graph\":[{\"@type\":\"Article\",\"@id\":\"https:\/\/aga.so\/so\/adeegsiga-af-soomaaliga-iyo-cilmi-baarista\/#article\",\"isPartOf\":{\"@id\":\"https:\/\/aga.so\/so\/adeegsiga-af-soomaaliga-iyo-cilmi-baarista\/\"},\"author\":{\"name\":\"hgb\",\"@id\":\"https:\/\/aga.so\/so\/#\/schema\/person\/c89f24807531a9b3d9df95d848134d50\"},\"headline\":\"Adeegsiga Af Soomaaliga iyo Cilmi Baarista\",\"datePublished\":\"2021-09-03T08:21:54+00:00\",\"dateModified\":\"2022-09-19T06:05:30+00:00\",\"mainEntityOfPage\":{\"@id\":\"https:\/\/aga.so\/so\/adeegsiga-af-soomaaliga-iyo-cilmi-baarista\/\"},\"wordCount\":855,\"commentCount\":0,\"publisher\":{\"@id\":\"https:\/\/aga.so\/so\/#organization\"},\"articleSection\":[\"Cilmi Baaris\",\"Featured\",\"Xulka Maqaallada\"],\"inLanguage\":\"en-US\",\"potentialAction\":[{\"@type\":\"CommentAction\",\"name\":\"Comment\",\"target\":[\"https:\/\/aga.so\/so\/adeegsiga-af-soomaaliga-iyo-cilmi-baarista\/#respond\"]}]},{\"@type\":\"WebPage\",\"@id\":\"https:\/\/aga.so\/so\/adeegsiga-af-soomaaliga-iyo-cilmi-baarista\/\",\"url\":\"https:\/\/aga.so\/so\/adeegsiga-af-soomaaliga-iyo-cilmi-baarista\/\",\"name\":\"Adeegsiga Af Soomaaliga iyo Cilmi Baarista - Akademiye Goboleedka Af Soomaaliga AGA\",\"isPartOf\":{\"@id\":\"https:\/\/aga.so\/so\/#website\"},\"datePublished\":\"2021-09-03T08:21:54+00:00\",\"dateModified\":\"2022-09-19T06:05:30+00:00\",\"breadcrumb\":{\"@id\":\"https:\/\/aga.so\/so\/adeegsiga-af-soomaaliga-iyo-cilmi-baarista\/#breadcrumb\"},\"inLanguage\":\"en-US\",\"potentialAction\":[{\"@type\":\"ReadAction\",\"target\":[\"https:\/\/aga.so\/so\/adeegsiga-af-soomaaliga-iyo-cilmi-baarista\/\"]}]},{\"@type\":\"BreadcrumbList\",\"@id\":\"https:\/\/aga.so\/so\/adeegsiga-af-soomaaliga-iyo-cilmi-baarista\/#breadcrumb\",\"itemListElement\":[{\"@type\":\"ListItem\",\"position\":1,\"name\":\"Home\",\"item\":\"https:\/\/aga.so\/so\/\"},{\"@type\":\"ListItem\",\"position\":2,\"name\":\"Adeegsiga Af Soomaaliga iyo Cilmi Baarista\"}]},{\"@type\":\"WebSite\",\"@id\":\"https:\/\/aga.so\/so\/#website\",\"url\":\"https:\/\/aga.so\/so\/\",\"name\":\"Akademiye Goboleedka Af Soomaaliga AGA\",\"description\":\"\",\"publisher\":{\"@id\":\"https:\/\/aga.so\/so\/#organization\"},\"potentialAction\":[{\"@type\":\"SearchAction\",\"target\":{\"@type\":\"EntryPoint\",\"urlTemplate\":\"https:\/\/aga.so\/so\/?s={search_term_string}\"},\"query-input\":\"required name=search_term_string\"}],\"inLanguage\":\"en-US\"},{\"@type\":\"Organization\",\"@id\":\"https:\/\/aga.so\/so\/#organization\",\"name\":\"AGA - Akadeemiya Goboleedka AfSoomaaliga\",\"url\":\"https:\/\/aga.so\/so\/\",\"logo\":{\"@type\":\"ImageObject\",\"inLanguage\":\"en-US\",\"@id\":\"https:\/\/aga.so\/so\/#\/schema\/logo\/image\/\",\"url\":\"https:\/\/aga.so\/so\/wp-content\/uploads\/2020\/10\/favicon-2.png\",\"contentUrl\":\"https:\/\/aga.so\/so\/wp-content\/uploads\/2020\/10\/favicon-2.png\",\"width\":162,\"height\":83,\"caption\":\"AGA - Akadeemiya Goboleedka AfSoomaaliga\"},\"image\":{\"@id\":\"https:\/\/aga.so\/so\/#\/schema\/logo\/image\/\"}},{\"@type\":\"Person\",\"@id\":\"https:\/\/aga.so\/so\/#\/schema\/person\/c89f24807531a9b3d9df95d848134d50\",\"name\":\"hgb\",\"image\":{\"@type\":\"ImageObject\",\"inLanguage\":\"en-US\",\"@id\":\"https:\/\/aga.so\/so\/#\/schema\/person\/image\/\",\"url\":\"https:\/\/secure.gravatar.com\/avatar\/9cc2fe393829a669530037fc59abb837?s=96&d=mm&r=g\",\"contentUrl\":\"https:\/\/secure.gravatar.com\/avatar\/9cc2fe393829a669530037fc59abb837?s=96&d=mm&r=g\",\"caption\":\"hgb\"},\"url\":\"https:\/\/aga.so\/so\/author\/hgb\/\"}]}<\/script>\n<!-- \/ Yoast SEO plugin. -->","yoast_head_json":{"title":"Adeegsiga Af Soomaaliga iyo Cilmi Baarista - Akademiye Goboleedka Af Soomaaliga AGA","robots":{"index":"index","follow":"follow","max-snippet":"max-snippet:-1","max-image-preview":"max-image-preview:large","max-video-preview":"max-video-preview:-1"},"canonical":"https:\/\/aga.so\/so\/adeegsiga-af-soomaaliga-iyo-cilmi-baarista\/","og_locale":"en_US","og_type":"article","og_title":"Adeegsiga Af Soomaaliga iyo Cilmi Baarista - Akademiye Goboleedka Af Soomaaliga AGA","og_description":"Horudhac Maxaa u diiday in cilmibaarista lagu qoro Af Soomaali? Waa su\u2019aal u baahan in la isweydiiyo, lagana fiiriyo meelo badan, lana falanqeeyo. Maqaalkani waxa uu isku dayi doonaa in uu jawaab u raadiyo su\u2019aashaas, isaga oo ka fiirinaya sababaha u diiday in af Soomaaliga loo adeegsado cilmibaarista, sidoo kale waxa uu iftiimin doonaa faa\u2019iidada [&hellip;]","og_url":"https:\/\/aga.so\/so\/adeegsiga-af-soomaaliga-iyo-cilmi-baarista\/","og_site_name":"Akademiye Goboleedka Af Soomaaliga AGA","article_published_time":"2021-09-03T08:21:54+00:00","article_modified_time":"2022-09-19T06:05:30+00:00","og_image":[{"width":1280,"height":720,"url":"https:\/\/aga.so\/so\/wp-content\/uploads\/2021\/09\/maxresdefault.jpg","type":"image\/jpeg"}],"author":"hgb","twitter_card":"summary_large_image","twitter_misc":{"Written by":"hgb","Est. reading time":"4 minutes"},"schema":{"@context":"https:\/\/schema.org","@graph":[{"@type":"Article","@id":"https:\/\/aga.so\/so\/adeegsiga-af-soomaaliga-iyo-cilmi-baarista\/#article","isPartOf":{"@id":"https:\/\/aga.so\/so\/adeegsiga-af-soomaaliga-iyo-cilmi-baarista\/"},"author":{"name":"hgb","@id":"https:\/\/aga.so\/so\/#\/schema\/person\/c89f24807531a9b3d9df95d848134d50"},"headline":"Adeegsiga Af Soomaaliga iyo Cilmi Baarista","datePublished":"2021-09-03T08:21:54+00:00","dateModified":"2022-09-19T06:05:30+00:00","mainEntityOfPage":{"@id":"https:\/\/aga.so\/so\/adeegsiga-af-soomaaliga-iyo-cilmi-baarista\/"},"wordCount":855,"commentCount":0,"publisher":{"@id":"https:\/\/aga.so\/so\/#organization"},"articleSection":["Cilmi Baaris","Featured","Xulka Maqaallada"],"inLanguage":"en-US","potentialAction":[{"@type":"CommentAction","name":"Comment","target":["https:\/\/aga.so\/so\/adeegsiga-af-soomaaliga-iyo-cilmi-baarista\/#respond"]}]},{"@type":"WebPage","@id":"https:\/\/aga.so\/so\/adeegsiga-af-soomaaliga-iyo-cilmi-baarista\/","url":"https:\/\/aga.so\/so\/adeegsiga-af-soomaaliga-iyo-cilmi-baarista\/","name":"Adeegsiga Af Soomaaliga iyo Cilmi Baarista - Akademiye Goboleedka Af Soomaaliga AGA","isPartOf":{"@id":"https:\/\/aga.so\/so\/#website"},"datePublished":"2021-09-03T08:21:54+00:00","dateModified":"2022-09-19T06:05:30+00:00","breadcrumb":{"@id":"https:\/\/aga.so\/so\/adeegsiga-af-soomaaliga-iyo-cilmi-baarista\/#breadcrumb"},"inLanguage":"en-US","potentialAction":[{"@type":"ReadAction","target":["https:\/\/aga.so\/so\/adeegsiga-af-soomaaliga-iyo-cilmi-baarista\/"]}]},{"@type":"BreadcrumbList","@id":"https:\/\/aga.so\/so\/adeegsiga-af-soomaaliga-iyo-cilmi-baarista\/#breadcrumb","itemListElement":[{"@type":"ListItem","position":1,"name":"Home","item":"https:\/\/aga.so\/so\/"},{"@type":"ListItem","position":2,"name":"Adeegsiga Af Soomaaliga iyo Cilmi Baarista"}]},{"@type":"WebSite","@id":"https:\/\/aga.so\/so\/#website","url":"https:\/\/aga.so\/so\/","name":"Akademiye Goboleedka Af Soomaaliga AGA","description":"","publisher":{"@id":"https:\/\/aga.so\/so\/#organization"},"potentialAction":[{"@type":"SearchAction","target":{"@type":"EntryPoint","urlTemplate":"https:\/\/aga.so\/so\/?s={search_term_string}"},"query-input":"required name=search_term_string"}],"inLanguage":"en-US"},{"@type":"Organization","@id":"https:\/\/aga.so\/so\/#organization","name":"AGA - Akadeemiya Goboleedka AfSoomaaliga","url":"https:\/\/aga.so\/so\/","logo":{"@type":"ImageObject","inLanguage":"en-US","@id":"https:\/\/aga.so\/so\/#\/schema\/logo\/image\/","url":"https:\/\/aga.so\/so\/wp-content\/uploads\/2020\/10\/favicon-2.png","contentUrl":"https:\/\/aga.so\/so\/wp-content\/uploads\/2020\/10\/favicon-2.png","width":162,"height":83,"caption":"AGA - Akadeemiya Goboleedka AfSoomaaliga"},"image":{"@id":"https:\/\/aga.so\/so\/#\/schema\/logo\/image\/"}},{"@type":"Person","@id":"https:\/\/aga.so\/so\/#\/schema\/person\/c89f24807531a9b3d9df95d848134d50","name":"hgb","image":{"@type":"ImageObject","inLanguage":"en-US","@id":"https:\/\/aga.so\/so\/#\/schema\/person\/image\/","url":"https:\/\/secure.gravatar.com\/avatar\/9cc2fe393829a669530037fc59abb837?s=96&d=mm&r=g","contentUrl":"https:\/\/secure.gravatar.com\/avatar\/9cc2fe393829a669530037fc59abb837?s=96&d=mm&r=g","caption":"hgb"},"url":"https:\/\/aga.so\/so\/author\/hgb\/"}]}},"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/aga.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/5875"}],"collection":[{"href":"https:\/\/aga.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/aga.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/aga.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/users\/1"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/aga.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=5875"}],"version-history":[{"count":3,"href":"https:\/\/aga.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/5875\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":7122,"href":"https:\/\/aga.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/5875\/revisions\/7122"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/aga.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media\/5876"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/aga.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=5875"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/aga.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=5875"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/aga.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=5875"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}