{"id":5227,"date":"2021-04-30T16:08:15","date_gmt":"2021-04-30T13:08:15","guid":{"rendered":"https:\/\/aga.so\/so\/?p=5227"},"modified":"2021-04-30T16:22:22","modified_gmt":"2021-04-30T13:22:22","slug":"gorfeynta-godob-iyo-gallad-w-q-georgi-kapchits","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/aga.so\/so\/gorfeynta-godob-iyo-gallad-w-q-georgi-kapchits\/","title":{"rendered":"Gorfeynta \u201cGodob iyo Gallad\u201d  W\/Q: Georgi Kapchits"},"content":{"rendered":"<h4><em>\u201cGodob iyo Gallad\u201d waa qiso ka sheekeyneysa wixii ka dhacay magaalo hebel ah sanooyinkii toddobaatameeyo ee qarnigii la soo dhaafay. Hase yeeshee in ay magaaladaasi ahayd Muqdisho shaki kuma jiro, maadaama si fudud loogu aqoonsan karo astaamo dhowr ah. Waxaa ka mid ah lafguriga buuggani uu ku qoran yahay, ayna ku hadlaan dadka uu ku saabsan yahay.<\/em><\/h4>\n<h4><em>Afka buuggu waa mid hodon ah oo ku dhisan waxyaallaha sifada u ah af Soomaaliga. Waxaa ka mid ah maansada iyo maahmaahaha. \u201cGodob iyo Gallad\u201d waxaan ka bartay:<\/em><br \/>\n<em>\u2022 Xalaal iyo xoog<\/em><br \/>\n<em>\u2022 Suu ku xero galo<\/em><br \/>\n<em>\u2022 Midna kuma xuma!<\/em><br \/>\n<em>\u2022 Meel xabbado badan<\/em><br \/>\n<em>\u2022 Oo rag ku xarbiyey<\/em><br \/>\n<em>\u2022 Ooy xinjiri taal<\/em><br \/>\n<em>\u2022 Xayaad ololaay.<\/em><\/h4>\n<h4><em>\u201cGodob iyo Gallad\u201d waa qaamuus oo kale oo laga baran karo maahmaahaha xikmadda qotata dheer leh ee abkii hore laga dhaxlay. Waxaa ka mid ah:<\/em><br \/>\n<em>1. Adduunyada hawli kama dhammaato.<\/em><br \/>\n<em>2. Allow, eexo ha nooga tegin, aqoondarro iyo ogaalxumana ha nagu cadaabin.<\/em><br \/>\n<em>3. Aroos lagumana raago, lagamana raago.<\/em><br \/>\n<em>4. Aqoon la\u2019aaneey, dabkaa ba\u2019.<\/em><br \/>\n<em>5. Baroortu orgigay ka weyn tahay.<\/em><br \/>\n<em>6. Booddo qoyaankaa lagu qabtaa.<\/em><br \/>\n<em>7. Carrab iyo ilkana waa is qaniinaan.<\/em><br \/>\n<em>8. Damiin far waa weynaa wax loogu dhigaa.<\/em><br \/>\n<em>9. Degdegsiinyo door ma dhasho.<\/em><br \/>\n<em>10. Dhib badanaa dad aad sugeysoon soo socon iyo marti aad soortayoo aan kaa socon.<\/em><br \/>\n<em>11. Fallaartii cirka loo ganay cid walbow filo.<\/em><br \/>\n<em>12. Gari laba nin kama wada qosliso.<\/em><br \/>\n<em>13. Geed walba in gubtaa hoos taal.<\/em><br \/>\n<em>14. Geela waxaa leh ciddii uu mooradeeda ku xeroodo.<\/em><br \/>\n<em>15. Geeri ma qarsoonto.<\/em><br \/>\n<em>16. Geeriyi waxay ku fiican tahay geeljire iyo nin aadan garanaynin.<\/em><br \/>\n<em>17. God sireed ha qodin, haddaad qoddana ha dheeraynin, ku dhici doontidaa ma ogide.<\/em><br \/>\n<em>18. Isma hurtooy, hays hallayn.<\/em><br \/>\n<em>19. Ka dar oo dibi dhal.<\/em><br \/>\n<em>20. Kor waayeel waa wada indho.<\/em><br \/>\n<em>21. La joojiyaa bannaan, la jiifiyaana bannaan.<\/em><br \/>\n<em>22. Laba kala bariday kala war la\u2019.<\/em><br \/>\n<em>23. Magac laga miskiin ma aha.<\/em><br \/>\n<em>24. Magefe waa Ilaah.<\/em><br \/>\n<em>25. Masugto meher ma leh \/ninkeeduna markhaati ma galo\/.<\/em><br \/>\n<em>26. Miskiin ayaa misko la koro leh.<\/em><br \/>\n<em>27. Mukulaal mininkeeda joogto miciyo loibaax bay leedahay.<\/em><br \/>\n<em>28. Nin la tumaa talo jirtaa.<\/em><br \/>\n<em>29. Nin xil qaaday eed qaad.<\/em><br \/>\n<em>30. Nimaan cabsan waa loo cabsadaa.<\/em><br \/>\n<em>31. Oday oday loo waayay waa oday la\u2019aan.<\/em><br \/>\n<em>32. Qori iyo qaaciis waa laysla tuuraa.<\/em><br \/>\n<em>33. Sabraa sed hela.<\/em><br \/>\n<em>34. Taladaan la ruugin waa lagu rafaadaa.<\/em><br \/>\n<em>35. Talo adaa ku nool ee iyada kuguma noola.<\/em><br \/>\n<em>36. Waa adduunyoo nin walbaa tiisaa dabartay.<\/em><br \/>\n<em>37. War jiraaba cakaaruu imaan.<\/em><br \/>\n<em>38. Wareer cawo waa loo wada bariistaa.<\/em><br \/>\n<em>39. Xaalku waa bude-qabe iyo biyo-qabe.<\/em><br \/>\n<em>40. Xoorkii lagu dhamay xagaagiyo xasuus baa geela lagu xero geeyaa.<\/em><\/h4>\n<h4><em>Inkastoon ku hawlan ahay ururinta iyo baaritaanka maahmaahaha Soomaaliyeed muddo konton sano ah in ka badamn, haddana qaar ka mid ah kuwii aan kula kulmay \u201cGodob iyo Gallad\u201d weligay iyo waaqay mana arag.<\/em><\/h4>\n<h4><em>Waxaan si gaar ah ula dhacay waxa afka qalaad lagu yiraahdo IDEOPHONE (jaf, jug, shib ku wad) oo ay weheliyaan falalka kala ah dhihi, oran, lahaan iyo siin ee buuggani ay ka buuxaan:<\/em><br \/>\n<em>dhulka <strong>BALAQ<\/strong> bay ku tiri<\/em><br \/>\n<em>albaabkii <strong>BIIB<\/strong> buu ka lahaa<\/em><br \/>\n<em>afka <strong>BULBUL<\/strong> buu ka siiyey<\/em><br \/>\n<em>miiska <strong>BUUG-BUUG<\/strong> buu ka siiyey<\/em><br \/>\n<em><strong>DAF<\/strong> buu soo yiri<\/em><br \/>\n<em>qosol yar intuu <strong>DHAG-DHAG<\/strong> ka siisay<\/em><br \/>\n<em>qolkii <strong>DALAQ<\/strong> bay tiri<\/em><br \/>\n<em>waxayna <strong>DIG<\/strong> soo siisay Xaaji Axmed<\/em><br \/>\n<em>albaabkii <strong>FAK<\/strong> baa la siiyey<\/em><br \/>\n<em><strong>FATAQ<\/strong> baa lagu siiyey fatuuraddii<\/em><br \/>\n<em><strong>FIIQ<\/strong> bay tiri fatuuraddii<\/em><br \/>\n<em><strong>FUD<\/strong> buu ka soo yiri<\/em><br \/>\n<em><strong>GADDOON<\/strong> buu ka yiri gurigii<\/em><br \/>\n<em>burriskiina miiska <strong>GAW-GAW<\/strong> buu ka siiyey<\/em><br \/>\n<em>dhulka <strong>HABAQ<\/strong> bay ku tiri<\/em><br \/>\n<em>qolka <strong>HAW<\/strong> buu ka soo yiri<\/em><br \/>\n<em>indhihiisa ilmo ayaa ka <strong>HIBITIQ<\/strong> lahaay<\/em><br \/>\n<em>intuu <strong>JAF<\/strong> ka yiri<\/em><br \/>\n<em>dhegse <strong>JALAQ<\/strong> uma siinin warka gebertiisa<\/em><br \/>\n<em>tusbaxana <strong>JALAW-JALAW<\/strong> buu ka siiyey<\/em><br \/>\n<em>afka <strong>JUG<\/strong> buu isku dhahay<\/em><br \/>\n<em>albaabkii <strong>JUGJUG<\/strong> buu ku soo siiyey<\/em><br \/>\n<em>rabtay fadhay ayuu <strong>JUS<\/strong> ka soo yiri<\/em><br \/>\n<em><strong>JUUQ<\/strong> baa la yiri<\/em><br \/>\n<em><strong>JUUQ<\/strong> iyo <strong>JAAQ<\/strong> midna ma laha<\/em><br \/>\n<em><strong>KUB<\/strong> hayga soo siin<\/em><br \/>\n<em>indhaha <strong>KULUC<\/strong> ayuu ku siisay aabbaheed<\/em><br \/>\n<em>indhaha <strong>QAC<\/strong> buu ku siiyey<\/em><br \/>\n<em><strong>SHIB<\/strong> dheh<\/em><br \/>\n<em>Indhihiisu ilmo baa ka <strong>TIBIQ<\/strong> lahayd<\/em><br \/>\n<em><strong>XAF<\/strong> bay siisay.<\/em><\/h4>\n<h4><em>Afguriga ay ku hadlaan jileyaasha buuggu waa mid Banaadiri ah, gaar ahaan, nooca u gaarka ah Muqdisho. Tusaalooyin dhowr ah aan ka bixiyo:<\/em><br \/>\n<em>\u2022 igaar<\/em><br \/>\n<em>\u2022 unuka<\/em><br \/>\n<em>\u2022 minan<\/em><br \/>\n<em>\u2022 beeso<\/em><br \/>\n<em>\u2022 mug<\/em><br \/>\n<em>\u2022 seddax<\/em><br \/>\n<em>\u2022 ma ahan<\/em><br \/>\n<em>\u2022 hayabe na kicihee<\/em><br \/>\n<em>\u2022 ma imaahaayo<\/em><br \/>\n<em>\u2022 waan isla socodsiiheynaa<\/em><br \/>\n<em>\u2022 hadhow aan casheeyhaahe<\/em><br \/>\n<em>\u2022 xaa loo xiray?<\/em><br \/>\n<em>\u2022 wixii aad jirisiin ma weysiin<\/em><br \/>\n<em>\u2022 waxaw sheegto waa sii haynaahe<\/em><br \/>\n<em>\u2022 xaalkaada sow yahay?<\/em><br \/>\n<em>\u2022 Xaan hee yeelnaa hadda?<\/em><\/h4>\n<h4><em>\u201cGodob iyo Gallad\u201d dulucdeeda haddii la soo koobo waa tan: laba wiil oo mid ka mid ahi uu reer magaal yahay, midka kalana uu miyi ka yimid oo intii la xiray ayaa lagu eedeeyey dembi aanay gelin oo ah in ay dileen gabar ay isku deyeen in ay kufsadaan. Wiilka reer magaalka ah aabbihiis aad buu u murugsanaa, mar hadduu garan waayay wuxuu u qaban kari lahaa wiilkiisa. Tan iyo maalintii wiilkiisii la xiray aabbihiis waxaa ku dhacay belooyin kale oo farabadan oo uu kuu caloolgubyooday: gurigiisii waa la dhacay, afadiisii waa ay ka taktay, shaqadiisiina waa ay ka luntay. Hase yeeshee gargaarkii uu ka helay laba qof oo hufan ayuu dib u soo noolaaday. Wiilkiisii waa la sii daayay, marwadiisii waa ay soo noqotay, shaqo ka wanaagsan tii laga eryayba ayuu helay.<\/em><\/h4>\n<h4><em>\u201cGodob iyo Gallad\u201d waxyaallo bandan oo aan la soo koobi karin ayaan ka faa\u2019iideystay, aqoonta uu qoruhu u leeyahay nidaamka caddaaladdu siduu ahaa waqtigii Soomaaliya uu maamuulayay Maxamed Siyaad Barre aad baan ula dhacay.<\/em><\/h4>\n<h4><em>Haddii wax laga taataabtana iimaha buuggu uu leeyahay, tiradoodu ma badna. Marka ugu horreysa, aniga haddaan ahay akhriste ku hanaqaaday suugaanta Ruushka, gaar ahaan qisooyinkii ay qoreen Leo Tolsto, Fiyodor Dostoyevski iyo Anton Jekov ayaa waxaan \u201cGodob iyo Gallad\u201d ka waayay jileyaal aan sahlanayn oo dabiicaddoodu ay mideyso astaamo wanwanaagsan, kuwo dhexdhexaadi ah iyo kuwa aan lagu faani karinba. Dadka uu ka hadlayana qoraagu laba nooc bay u kala baxaan: kuwa wada qumman iyo kuwa wada qalloocanba. Ilama aha in dadka caynkaas oo kala ahi ay ku badan yihiin Soomaalida.<\/em><\/h4>\n<h4><em>Taa waxaa weliba u sii dheer in \u201cGodob iyo Gallad\u201d aanay ku yarayn gefaf xarfo-qoraal ah oo dhibaya isha akhristaha kala garan og eray si sax ah u daabacan iyo mid dadbanba. Inkastoo ay sidaasi tahay, haddana aad baan uga helay Xuseen M. Cabdulle (Wadaad) buuggiisa.<\/em><\/h4>\n<h3><em> Kaddib markii aan akhristay boggii ugu dambeeyey \u201cGodob iyo Gallad\u201d si uu madluni ku jirto baan isu iri: \u201cNinyohow, waa ay kuu dhammaatay booqashadii la-yaabka lahayd ee aad ku joogtay Muqdisho aadan hore u ogayn.\u201d<\/em><br \/>\n<strong>W\/Q: Georgi Kapchits<\/strong><br \/>\n<strong>Moosko<\/strong><\/h3>\n<p><img decoding=\"async\" loading=\"lazy\" class=\"alignnone size-full wp-image-5231\" src=\"https:\/\/aga.so\/so\/wp-content\/uploads\/2021\/04\/image-2.png\" alt=\"\" width=\"624\" height=\"416\" srcset=\"https:\/\/aga.so\/so\/wp-content\/uploads\/2021\/04\/image-2.png 624w, https:\/\/aga.so\/so\/wp-content\/uploads\/2021\/04\/image-2-300x200.png 300w, https:\/\/aga.so\/so\/wp-content\/uploads\/2021\/04\/image-2-150x100.png 150w, https:\/\/aga.so\/so\/wp-content\/uploads\/2021\/04\/image-2-600x400.png 600w\" sizes=\"(max-width: 624px) 100vw, 624px\" \/><\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>\u201cGodob iyo Gallad\u201d waa qiso ka sheekeyneysa wixii ka dhacay magaalo hebel ah sanooyinkii toddobaatameeyo ee qarnigii la soo dhaafay. Hase yeeshee in ay magaaladaasi ahayd Muqdisho shaki kuma jiro, maadaama si fudud loogu aqoonsan karo astaamo dhowr ah. Waxaa ka mid ah lafguriga buuggani uu ku qoran yahay, ayna ku hadlaan dadka uu ku [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":1,"featured_media":5231,"comment_status":"open","ping_status":"open","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"inline_featured_image":false},"categories":[10,32,17,24],"tags":[],"yoast_head":"<!-- This site is optimized with the Yoast SEO plugin v20.2.1 - https:\/\/yoast.com\/wordpress\/plugins\/seo\/ -->\n<title>Gorfeynta \u201cGodob iyo Gallad\u201d W\/Q: Georgi Kapchits - Akademiye Goboleedka Af Soomaaliga AGA<\/title>\n<meta name=\"robots\" content=\"index, follow, max-snippet:-1, max-image-preview:large, max-video-preview:-1\" \/>\n<link rel=\"canonical\" href=\"https:\/\/aga.so\/so\/gorfeynta-godob-iyo-gallad-w-q-georgi-kapchits\/\" \/>\n<meta property=\"og:locale\" content=\"en_US\" \/>\n<meta property=\"og:type\" content=\"article\" \/>\n<meta property=\"og:title\" content=\"Gorfeynta \u201cGodob iyo Gallad\u201d W\/Q: Georgi Kapchits - Akademiye Goboleedka Af Soomaaliga AGA\" \/>\n<meta property=\"og:description\" content=\"\u201cGodob iyo Gallad\u201d waa qiso ka sheekeyneysa wixii ka dhacay magaalo hebel ah sanooyinkii toddobaatameeyo ee qarnigii la soo dhaafay. Hase yeeshee in ay magaaladaasi ahayd Muqdisho shaki kuma jiro, maadaama si fudud loogu aqoonsan karo astaamo dhowr ah. Waxaa ka mid ah lafguriga buuggani uu ku qoran yahay, ayna ku hadlaan dadka uu ku [&hellip;]\" \/>\n<meta property=\"og:url\" content=\"https:\/\/aga.so\/so\/gorfeynta-godob-iyo-gallad-w-q-georgi-kapchits\/\" \/>\n<meta property=\"og:site_name\" content=\"Akademiye Goboleedka Af Soomaaliga AGA\" \/>\n<meta property=\"article:published_time\" content=\"2021-04-30T13:08:15+00:00\" \/>\n<meta property=\"article:modified_time\" content=\"2021-04-30T13:22:22+00:00\" \/>\n<meta property=\"og:image\" content=\"https:\/\/aga.so\/so\/wp-content\/uploads\/2021\/04\/image-2.png\" \/>\n\t<meta property=\"og:image:width\" content=\"624\" \/>\n\t<meta property=\"og:image:height\" content=\"416\" \/>\n\t<meta property=\"og:image:type\" content=\"image\/png\" \/>\n<meta name=\"author\" content=\"hgb\" \/>\n<meta name=\"twitter:card\" content=\"summary_large_image\" \/>\n<meta name=\"twitter:label1\" content=\"Written by\" \/>\n\t<meta name=\"twitter:data1\" content=\"hgb\" \/>\n\t<meta name=\"twitter:label2\" content=\"Est. reading time\" \/>\n\t<meta name=\"twitter:data2\" content=\"5 minutes\" \/>\n<script type=\"application\/ld+json\" class=\"yoast-schema-graph\">{\"@context\":\"https:\/\/schema.org\",\"@graph\":[{\"@type\":\"Article\",\"@id\":\"https:\/\/aga.so\/so\/gorfeynta-godob-iyo-gallad-w-q-georgi-kapchits\/#article\",\"isPartOf\":{\"@id\":\"https:\/\/aga.so\/so\/gorfeynta-godob-iyo-gallad-w-q-georgi-kapchits\/\"},\"author\":{\"name\":\"hgb\",\"@id\":\"https:\/\/aga.so\/so\/#\/schema\/person\/c89f24807531a9b3d9df95d848134d50\"},\"headline\":\"Gorfeynta \u201cGodob iyo Gallad\u201d W\/Q: Georgi Kapchits\",\"datePublished\":\"2021-04-30T13:08:15+00:00\",\"dateModified\":\"2021-04-30T13:22:22+00:00\",\"mainEntityOfPage\":{\"@id\":\"https:\/\/aga.so\/so\/gorfeynta-godob-iyo-gallad-w-q-georgi-kapchits\/\"},\"wordCount\":1018,\"commentCount\":0,\"publisher\":{\"@id\":\"https:\/\/aga.so\/so\/#organization\"},\"articleSection\":[\"Buugaag\",\"Dhacdooyin Cusub\",\"Featured\",\"Xulka Maqaallada\"],\"inLanguage\":\"en-US\",\"potentialAction\":[{\"@type\":\"CommentAction\",\"name\":\"Comment\",\"target\":[\"https:\/\/aga.so\/so\/gorfeynta-godob-iyo-gallad-w-q-georgi-kapchits\/#respond\"]}]},{\"@type\":\"WebPage\",\"@id\":\"https:\/\/aga.so\/so\/gorfeynta-godob-iyo-gallad-w-q-georgi-kapchits\/\",\"url\":\"https:\/\/aga.so\/so\/gorfeynta-godob-iyo-gallad-w-q-georgi-kapchits\/\",\"name\":\"Gorfeynta \u201cGodob iyo Gallad\u201d W\/Q: Georgi Kapchits - Akademiye Goboleedka Af Soomaaliga AGA\",\"isPartOf\":{\"@id\":\"https:\/\/aga.so\/so\/#website\"},\"datePublished\":\"2021-04-30T13:08:15+00:00\",\"dateModified\":\"2021-04-30T13:22:22+00:00\",\"breadcrumb\":{\"@id\":\"https:\/\/aga.so\/so\/gorfeynta-godob-iyo-gallad-w-q-georgi-kapchits\/#breadcrumb\"},\"inLanguage\":\"en-US\",\"potentialAction\":[{\"@type\":\"ReadAction\",\"target\":[\"https:\/\/aga.so\/so\/gorfeynta-godob-iyo-gallad-w-q-georgi-kapchits\/\"]}]},{\"@type\":\"BreadcrumbList\",\"@id\":\"https:\/\/aga.so\/so\/gorfeynta-godob-iyo-gallad-w-q-georgi-kapchits\/#breadcrumb\",\"itemListElement\":[{\"@type\":\"ListItem\",\"position\":1,\"name\":\"Home\",\"item\":\"https:\/\/aga.so\/so\/\"},{\"@type\":\"ListItem\",\"position\":2,\"name\":\"Gorfeynta \u201cGodob iyo Gallad\u201d W\/Q: Georgi Kapchits\"}]},{\"@type\":\"WebSite\",\"@id\":\"https:\/\/aga.so\/so\/#website\",\"url\":\"https:\/\/aga.so\/so\/\",\"name\":\"Akademiye Goboleedka Af Soomaaliga AGA\",\"description\":\"\",\"publisher\":{\"@id\":\"https:\/\/aga.so\/so\/#organization\"},\"potentialAction\":[{\"@type\":\"SearchAction\",\"target\":{\"@type\":\"EntryPoint\",\"urlTemplate\":\"https:\/\/aga.so\/so\/?s={search_term_string}\"},\"query-input\":\"required name=search_term_string\"}],\"inLanguage\":\"en-US\"},{\"@type\":\"Organization\",\"@id\":\"https:\/\/aga.so\/so\/#organization\",\"name\":\"AGA - Akadeemiya Goboleedka AfSoomaaliga\",\"url\":\"https:\/\/aga.so\/so\/\",\"logo\":{\"@type\":\"ImageObject\",\"inLanguage\":\"en-US\",\"@id\":\"https:\/\/aga.so\/so\/#\/schema\/logo\/image\/\",\"url\":\"https:\/\/aga.so\/so\/wp-content\/uploads\/2020\/10\/favicon-2.png\",\"contentUrl\":\"https:\/\/aga.so\/so\/wp-content\/uploads\/2020\/10\/favicon-2.png\",\"width\":162,\"height\":83,\"caption\":\"AGA - Akadeemiya Goboleedka AfSoomaaliga\"},\"image\":{\"@id\":\"https:\/\/aga.so\/so\/#\/schema\/logo\/image\/\"}},{\"@type\":\"Person\",\"@id\":\"https:\/\/aga.so\/so\/#\/schema\/person\/c89f24807531a9b3d9df95d848134d50\",\"name\":\"hgb\",\"image\":{\"@type\":\"ImageObject\",\"inLanguage\":\"en-US\",\"@id\":\"https:\/\/aga.so\/so\/#\/schema\/person\/image\/\",\"url\":\"https:\/\/secure.gravatar.com\/avatar\/9cc2fe393829a669530037fc59abb837?s=96&d=mm&r=g\",\"contentUrl\":\"https:\/\/secure.gravatar.com\/avatar\/9cc2fe393829a669530037fc59abb837?s=96&d=mm&r=g\",\"caption\":\"hgb\"},\"url\":\"https:\/\/aga.so\/so\/author\/hgb\/\"}]}<\/script>\n<!-- \/ Yoast SEO plugin. -->","yoast_head_json":{"title":"Gorfeynta \u201cGodob iyo Gallad\u201d W\/Q: Georgi Kapchits - Akademiye Goboleedka Af Soomaaliga AGA","robots":{"index":"index","follow":"follow","max-snippet":"max-snippet:-1","max-image-preview":"max-image-preview:large","max-video-preview":"max-video-preview:-1"},"canonical":"https:\/\/aga.so\/so\/gorfeynta-godob-iyo-gallad-w-q-georgi-kapchits\/","og_locale":"en_US","og_type":"article","og_title":"Gorfeynta \u201cGodob iyo Gallad\u201d W\/Q: Georgi Kapchits - Akademiye Goboleedka Af Soomaaliga AGA","og_description":"\u201cGodob iyo Gallad\u201d waa qiso ka sheekeyneysa wixii ka dhacay magaalo hebel ah sanooyinkii toddobaatameeyo ee qarnigii la soo dhaafay. Hase yeeshee in ay magaaladaasi ahayd Muqdisho shaki kuma jiro, maadaama si fudud loogu aqoonsan karo astaamo dhowr ah. Waxaa ka mid ah lafguriga buuggani uu ku qoran yahay, ayna ku hadlaan dadka uu ku [&hellip;]","og_url":"https:\/\/aga.so\/so\/gorfeynta-godob-iyo-gallad-w-q-georgi-kapchits\/","og_site_name":"Akademiye Goboleedka Af Soomaaliga AGA","article_published_time":"2021-04-30T13:08:15+00:00","article_modified_time":"2021-04-30T13:22:22+00:00","og_image":[{"width":624,"height":416,"url":"https:\/\/aga.so\/so\/wp-content\/uploads\/2021\/04\/image-2.png","type":"image\/png"}],"author":"hgb","twitter_card":"summary_large_image","twitter_misc":{"Written by":"hgb","Est. reading time":"5 minutes"},"schema":{"@context":"https:\/\/schema.org","@graph":[{"@type":"Article","@id":"https:\/\/aga.so\/so\/gorfeynta-godob-iyo-gallad-w-q-georgi-kapchits\/#article","isPartOf":{"@id":"https:\/\/aga.so\/so\/gorfeynta-godob-iyo-gallad-w-q-georgi-kapchits\/"},"author":{"name":"hgb","@id":"https:\/\/aga.so\/so\/#\/schema\/person\/c89f24807531a9b3d9df95d848134d50"},"headline":"Gorfeynta \u201cGodob iyo Gallad\u201d W\/Q: Georgi Kapchits","datePublished":"2021-04-30T13:08:15+00:00","dateModified":"2021-04-30T13:22:22+00:00","mainEntityOfPage":{"@id":"https:\/\/aga.so\/so\/gorfeynta-godob-iyo-gallad-w-q-georgi-kapchits\/"},"wordCount":1018,"commentCount":0,"publisher":{"@id":"https:\/\/aga.so\/so\/#organization"},"articleSection":["Buugaag","Dhacdooyin Cusub","Featured","Xulka Maqaallada"],"inLanguage":"en-US","potentialAction":[{"@type":"CommentAction","name":"Comment","target":["https:\/\/aga.so\/so\/gorfeynta-godob-iyo-gallad-w-q-georgi-kapchits\/#respond"]}]},{"@type":"WebPage","@id":"https:\/\/aga.so\/so\/gorfeynta-godob-iyo-gallad-w-q-georgi-kapchits\/","url":"https:\/\/aga.so\/so\/gorfeynta-godob-iyo-gallad-w-q-georgi-kapchits\/","name":"Gorfeynta \u201cGodob iyo Gallad\u201d W\/Q: Georgi Kapchits - Akademiye Goboleedka Af Soomaaliga AGA","isPartOf":{"@id":"https:\/\/aga.so\/so\/#website"},"datePublished":"2021-04-30T13:08:15+00:00","dateModified":"2021-04-30T13:22:22+00:00","breadcrumb":{"@id":"https:\/\/aga.so\/so\/gorfeynta-godob-iyo-gallad-w-q-georgi-kapchits\/#breadcrumb"},"inLanguage":"en-US","potentialAction":[{"@type":"ReadAction","target":["https:\/\/aga.so\/so\/gorfeynta-godob-iyo-gallad-w-q-georgi-kapchits\/"]}]},{"@type":"BreadcrumbList","@id":"https:\/\/aga.so\/so\/gorfeynta-godob-iyo-gallad-w-q-georgi-kapchits\/#breadcrumb","itemListElement":[{"@type":"ListItem","position":1,"name":"Home","item":"https:\/\/aga.so\/so\/"},{"@type":"ListItem","position":2,"name":"Gorfeynta \u201cGodob iyo Gallad\u201d W\/Q: Georgi Kapchits"}]},{"@type":"WebSite","@id":"https:\/\/aga.so\/so\/#website","url":"https:\/\/aga.so\/so\/","name":"Akademiye Goboleedka Af Soomaaliga AGA","description":"","publisher":{"@id":"https:\/\/aga.so\/so\/#organization"},"potentialAction":[{"@type":"SearchAction","target":{"@type":"EntryPoint","urlTemplate":"https:\/\/aga.so\/so\/?s={search_term_string}"},"query-input":"required name=search_term_string"}],"inLanguage":"en-US"},{"@type":"Organization","@id":"https:\/\/aga.so\/so\/#organization","name":"AGA - Akadeemiya Goboleedka AfSoomaaliga","url":"https:\/\/aga.so\/so\/","logo":{"@type":"ImageObject","inLanguage":"en-US","@id":"https:\/\/aga.so\/so\/#\/schema\/logo\/image\/","url":"https:\/\/aga.so\/so\/wp-content\/uploads\/2020\/10\/favicon-2.png","contentUrl":"https:\/\/aga.so\/so\/wp-content\/uploads\/2020\/10\/favicon-2.png","width":162,"height":83,"caption":"AGA - Akadeemiya Goboleedka AfSoomaaliga"},"image":{"@id":"https:\/\/aga.so\/so\/#\/schema\/logo\/image\/"}},{"@type":"Person","@id":"https:\/\/aga.so\/so\/#\/schema\/person\/c89f24807531a9b3d9df95d848134d50","name":"hgb","image":{"@type":"ImageObject","inLanguage":"en-US","@id":"https:\/\/aga.so\/so\/#\/schema\/person\/image\/","url":"https:\/\/secure.gravatar.com\/avatar\/9cc2fe393829a669530037fc59abb837?s=96&d=mm&r=g","contentUrl":"https:\/\/secure.gravatar.com\/avatar\/9cc2fe393829a669530037fc59abb837?s=96&d=mm&r=g","caption":"hgb"},"url":"https:\/\/aga.so\/so\/author\/hgb\/"}]}},"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/aga.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/5227"}],"collection":[{"href":"https:\/\/aga.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/aga.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/aga.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/users\/1"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/aga.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=5227"}],"version-history":[{"count":4,"href":"https:\/\/aga.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/5227\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":5235,"href":"https:\/\/aga.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/5227\/revisions\/5235"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/aga.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media\/5231"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/aga.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=5227"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/aga.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=5227"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/aga.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=5227"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}