{"id":5101,"date":"2021-03-28T14:16:13","date_gmt":"2021-03-28T11:16:13","guid":{"rendered":"https:\/\/aga.so\/so\/?p=5101"},"modified":"2021-03-29T16:53:30","modified_gmt":"2021-03-29T13:53:30","slug":"madasha-aga-ee-bisha-maarso-2021-oo-si-cilmi-ah-loogu-faaqiday-suugaanta-soomaalida-iyo-waaxyaheeda","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/aga.so\/so\/madasha-aga-ee-bisha-maarso-2021-oo-si-cilmi-ah-loogu-faaqiday-suugaanta-soomaalida-iyo-waaxyaheeda\/","title":{"rendered":"Madasha AGA ee Bisha Maarso 2021 oo si Cilmi ah loogu Faaqiday Suugaanta Soomaalida iyo Waaxyaheeda"},"content":{"rendered":"<h4>Xalay oo ku beegnayd 27\/3\/2021, Akadeemiye-Goboleedka AfSoomaaliga (AGA) waxa ay ku guulaysatey qabashada Madasha AGA ee horumarinta iyo hal-abuurka Soomaaliyeed, taasi oo ah madal bishiiba hal mar la qabto, iyada oo lagu gorfeeyay mowduuc uu hal-ku-dheggiisu yahay<strong> \u201cSUUGAANTA SOOMAALIDA: <em>waxa ay tahay, waxa ay tarto iyo waaxyaha ay ka kooban tahay\u201d.<\/em><\/strong><\/h4>\n<h4>Madashaas oo aad u xiiso badneyd ayaa ka qabsoontay aaladda fogaan-aragga ee loo yaqaanno (ZOOM), waxaana ka soo qeyb-galay madaxda iyo maqaawiirta AGA, danjirayaal, maskax-maal ku taqasusay afka, dhaqanka iyo suugaanta, macallimiin, aqoonyahanno iyo marti sharaf kale oo kala joogtay daafyaha caalamka.<\/h4>\n<h4>Furitaankii madashaasi, waxaa hadal kooban oo isugu jiray soo dhaweyn iyo sharaxaad ku saabsan madasha AGA halkaasi ka soo jeediyay Macallin Cabdullaahi Cabdi Aadan (Gacanka) oo ka mid ah madaxda Akadeemiye-Goboleedka AfSoomaaliga, intaasi kadib waxaa cod-baahiyaha si sharaf iyo milgo leh loogu soo dhaweeyay xeel-dheerihii martida ku ahaa madasha, kaasi oo ahaa <em><strong>Guddoomiyaha Akadeemiye-Goboleedka AfSoomaaliga Dr. Maxamed Daahir Afrax.<\/strong><\/em><\/h4>\n<h4>Xeeldheere Maxamed Daahir ayaa ugu horeyntii waxa uu si cilmi ah uga hadlay suugaanta Soomaalida iyo qeybaha ay ka kooban tahay, gaar-ahaan Ereyga suugaan wixii loo aqoon jiray iyo waxa ku soo kordhay, Qiimaha suugaanta, Aag- aqooneedka suugaantu ka farcanto, Is barbardhigga suugaan hideed iyo suugaanta casriga ah, Jaad suugaaneedyada Soomaalida, Maansada iyo xeerarka xukuma, Dardaarankii Macallin Guush iyo baaq guud oo uu u jeediyay bulshada Soomaaliyeed, siiba inta jecel suugaanta Soomaalida.<\/h4>\n<h4>Dr. Afrax ayaa dulmarkaas kooban kadib, waxaa uu sheegay in suugaantu ay ka mid tahay rukunnada cilmiga, waxaana uu caddeeyay erey bixinta suugaanta Soomaalida in uu yahay mid curdun ah oo aan wali xasilin, isaga oo intaasi ku darey curiyaha ama darsaha suugaanta in looga baahan yahay in uu mar walba ka cabir-qaato halbeegga caalmiga ah, si ay u tixgaliso bahda aqoonta dunida.<\/h4>\n<h4>\u201cSuugaan waa erey soo jireen ah, lakiinse micno cusub la huwiyay xilligii la bilaabay erey bixinta casriga ah ee sannadihii Afartameeyadii, waxyaalihii suugaanta lagu magacaabi jirey waxaa ka mid ahaa: naqa curdunka ah ee hore u soo magoola marka roobku da\u2019o, tigaada xilliga jiilaalka isugu harta halka biyuhu ay fariistaan, cawska qoyan ee xilliga jiilaalka ka soo dhex magoola dhirta qallashay, saxan-saxada roobka iyo wixii la mid ah\u201d ayuu yiri Dr. Afrax oo ay ka muuqatay aqoonta ballaaran ee uu u leeyahay suugaanta iyo qeybaheeda.<\/h4>\n<h4>Mar uu ka hadlayay qiimaha suugaanta, waxaa uu caddeeyay in suugaantu ay tahay muraayadda ay bulshadu iska dhex aragto, dunida dibadduna ay ka daawato, kuna qadarsio, waxaana uu hoosta ka xariiqay suugaantu in ay tahay dhambaal sidaha ugu saameynta badan ee dadka Soomaaliyeed ay u isticmaalaan ka-talinta samaha yo ka digida xumaha, isaga oo intaasi raaciyay suugaantu in ay tahay dhaxalka ugu qiimaha sarreeya iyo diiwaanka ugu weyn oo ay ku kaydsan tahay soo jireenkii taariikhda Soomaalida iyo hab-dhaqankeedii hore.<\/h4>\n<h4>Aqoonyahan Maxamed Daahir oo hadalkiisa sii wata ayaa si qoto dheer waxa uu u sharaxay qeybaha suugaanta, jaad suugaaneedyada Soomaalida, maansada iyo xeerarka xukuma, isaga oo soo qaatay tusaalooyin kala duwan oo uu ku cabiray maansada iyo xeerarkeeda.<\/h4>\n<h4>Ugu dambayntii xeeldhere Maxamed Daahir waxaa uu la wadaagay maskax-maalkii xalay ka qeyb-galay madashaasi dardaarankii Macallin Guush, waxaana uu sheegay Macallinku in uu caddeeyay Soomaalidu in ay leedahay suugaan aad u heer sarreysa, sidaasi daradaeed looga baahan yahay in ay kobciyaan, isla markaana ay ilaashadaan dhinac walba oo ka mid ah suugaantaasi, isaga oo dhinaca kale ugu baaqay bulshada Soomaaliyeed in ay bartaan suugaantooda, murtideedana ay dhuuxaan, sidoo kalana ay ku ababiyana dhallaankooda.<\/h4>\n<h4>Gaba-gabadii madashaasi waxaa uu Dr. Afrax ka war-celiyay dhawr su\u2019aalood oo la soo weydiiyay, iyada oo qaar ka mid ah ka qeyb-galayaashii madashaasi ay halkaasi ku soo gudbiyeen talooyin wax ku ool ah oo ku saabsanaa mowduucii laga hadlayay iyo arimo kale oo la xiriira afka iyo hal-abuurkiisa.<\/h4>\n<p><img decoding=\"async\" loading=\"lazy\" class=\"alignnone size-large wp-image-5105\" src=\"https:\/\/aga.so\/so\/wp-content\/uploads\/2021\/03\/164058085_151592750175629_3807741895843655945_n-1024x614.jpg\" alt=\"\" width=\"696\" height=\"417\" srcset=\"https:\/\/aga.so\/so\/wp-content\/uploads\/2021\/03\/164058085_151592750175629_3807741895843655945_n-1024x614.jpg 1024w, https:\/\/aga.so\/so\/wp-content\/uploads\/2021\/03\/164058085_151592750175629_3807741895843655945_n-300x180.jpg 300w, https:\/\/aga.so\/so\/wp-content\/uploads\/2021\/03\/164058085_151592750175629_3807741895843655945_n-768x461.jpg 768w, https:\/\/aga.so\/so\/wp-content\/uploads\/2021\/03\/164058085_151592750175629_3807741895843655945_n-150x90.jpg 150w, https:\/\/aga.so\/so\/wp-content\/uploads\/2021\/03\/164058085_151592750175629_3807741895843655945_n-600x360.jpg 600w, https:\/\/aga.so\/so\/wp-content\/uploads\/2021\/03\/164058085_151592750175629_3807741895843655945_n-696x417.jpg 696w, https:\/\/aga.so\/so\/wp-content\/uploads\/2021\/03\/164058085_151592750175629_3807741895843655945_n-1068x640.jpg 1068w, https:\/\/aga.so\/so\/wp-content\/uploads\/2021\/03\/164058085_151592750175629_3807741895843655945_n-700x420.jpg 700w, https:\/\/aga.so\/so\/wp-content\/uploads\/2021\/03\/164058085_151592750175629_3807741895843655945_n.jpg 1284w\" sizes=\"(max-width: 696px) 100vw, 696px\" \/><img decoding=\"async\" loading=\"lazy\" class=\"alignnone size-large wp-image-5106\" style=\"line-height: 1.74;\" src=\"https:\/\/aga.so\/so\/wp-content\/uploads\/2021\/03\/164681954_119591186759792_2059091217672177137_n-1024x415.jpg\" alt=\"\" width=\"696\" height=\"282\" srcset=\"https:\/\/aga.so\/so\/wp-content\/uploads\/2021\/03\/164681954_119591186759792_2059091217672177137_n-1024x415.jpg 1024w, https:\/\/aga.so\/so\/wp-content\/uploads\/2021\/03\/164681954_119591186759792_2059091217672177137_n-300x121.jpg 300w, https:\/\/aga.so\/so\/wp-content\/uploads\/2021\/03\/164681954_119591186759792_2059091217672177137_n-768x311.jpg 768w, https:\/\/aga.so\/so\/wp-content\/uploads\/2021\/03\/164681954_119591186759792_2059091217672177137_n-150x61.jpg 150w, https:\/\/aga.so\/so\/wp-content\/uploads\/2021\/03\/164681954_119591186759792_2059091217672177137_n-600x243.jpg 600w, https:\/\/aga.so\/so\/wp-content\/uploads\/2021\/03\/164681954_119591186759792_2059091217672177137_n-696x282.jpg 696w, https:\/\/aga.so\/so\/wp-content\/uploads\/2021\/03\/164681954_119591186759792_2059091217672177137_n-1068x432.jpg 1068w, https:\/\/aga.so\/so\/wp-content\/uploads\/2021\/03\/164681954_119591186759792_2059091217672177137_n-1037x420.jpg 1037w, https:\/\/aga.so\/so\/wp-content\/uploads\/2021\/03\/164681954_119591186759792_2059091217672177137_n.jpg 1282w\" sizes=\"(max-width: 696px) 100vw, 696px\" \/> <img decoding=\"async\" loading=\"lazy\" class=\"alignnone size-large wp-image-5103\" style=\"line-height: 1.74;\" src=\"https:\/\/aga.so\/so\/wp-content\/uploads\/2021\/03\/163422116_479915236701046_1463278952227819083_n-1024x545.jpg\" alt=\"\" width=\"696\" height=\"370\" srcset=\"https:\/\/aga.so\/so\/wp-content\/uploads\/2021\/03\/163422116_479915236701046_1463278952227819083_n-1024x545.jpg 1024w, https:\/\/aga.so\/so\/wp-content\/uploads\/2021\/03\/163422116_479915236701046_1463278952227819083_n-300x160.jpg 300w, https:\/\/aga.so\/so\/wp-content\/uploads\/2021\/03\/163422116_479915236701046_1463278952227819083_n-768x409.jpg 768w, https:\/\/aga.so\/so\/wp-content\/uploads\/2021\/03\/163422116_479915236701046_1463278952227819083_n-150x80.jpg 150w, https:\/\/aga.so\/so\/wp-content\/uploads\/2021\/03\/163422116_479915236701046_1463278952227819083_n-600x319.jpg 600w, https:\/\/aga.so\/so\/wp-content\/uploads\/2021\/03\/163422116_479915236701046_1463278952227819083_n-696x370.jpg 696w, https:\/\/aga.so\/so\/wp-content\/uploads\/2021\/03\/163422116_479915236701046_1463278952227819083_n-1068x568.jpg 1068w, https:\/\/aga.so\/so\/wp-content\/uploads\/2021\/03\/163422116_479915236701046_1463278952227819083_n-790x420.jpg 790w, https:\/\/aga.so\/so\/wp-content\/uploads\/2021\/03\/163422116_479915236701046_1463278952227819083_n.jpg 1282w\" sizes=\"(max-width: 696px) 100vw, 696px\" \/><img decoding=\"async\" loading=\"lazy\" class=\"alignnone size-large wp-image-5115\" src=\"https:\/\/aga.so\/so\/wp-content\/uploads\/2021\/03\/166307682_1078717392614098_1612127365957950345_n-1024x605.jpg\" alt=\"\" width=\"696\" height=\"411\" srcset=\"https:\/\/aga.so\/so\/wp-content\/uploads\/2021\/03\/166307682_1078717392614098_1612127365957950345_n-1024x605.jpg 1024w, https:\/\/aga.so\/so\/wp-content\/uploads\/2021\/03\/166307682_1078717392614098_1612127365957950345_n-300x177.jpg 300w, https:\/\/aga.so\/so\/wp-content\/uploads\/2021\/03\/166307682_1078717392614098_1612127365957950345_n-768x454.jpg 768w, https:\/\/aga.so\/so\/wp-content\/uploads\/2021\/03\/166307682_1078717392614098_1612127365957950345_n-150x89.jpg 150w, https:\/\/aga.so\/so\/wp-content\/uploads\/2021\/03\/166307682_1078717392614098_1612127365957950345_n-600x355.jpg 600w, https:\/\/aga.so\/so\/wp-content\/uploads\/2021\/03\/166307682_1078717392614098_1612127365957950345_n-696x412.jpg 696w, https:\/\/aga.so\/so\/wp-content\/uploads\/2021\/03\/166307682_1078717392614098_1612127365957950345_n-1068x631.jpg 1068w, https:\/\/aga.so\/so\/wp-content\/uploads\/2021\/03\/166307682_1078717392614098_1612127365957950345_n-710x420.jpg 710w, https:\/\/aga.so\/so\/wp-content\/uploads\/2021\/03\/166307682_1078717392614098_1612127365957950345_n.jpg 1282w\" sizes=\"(max-width: 696px) 100vw, 696px\" \/><img decoding=\"async\" loading=\"lazy\" class=\"alignnone  wp-image-5104\" style=\"line-height: 1.74;\" src=\"https:\/\/aga.so\/so\/wp-content\/uploads\/2021\/03\/163649914_782869689306833_454074312278082602_n-1024x606.jpg\" alt=\"\" width=\"696\" height=\"412\" srcset=\"https:\/\/aga.so\/so\/wp-content\/uploads\/2021\/03\/163649914_782869689306833_454074312278082602_n-1024x606.jpg 1024w, https:\/\/aga.so\/so\/wp-content\/uploads\/2021\/03\/163649914_782869689306833_454074312278082602_n-300x178.jpg 300w, https:\/\/aga.so\/so\/wp-content\/uploads\/2021\/03\/163649914_782869689306833_454074312278082602_n-768x455.jpg 768w, https:\/\/aga.so\/so\/wp-content\/uploads\/2021\/03\/163649914_782869689306833_454074312278082602_n-150x89.jpg 150w, https:\/\/aga.so\/so\/wp-content\/uploads\/2021\/03\/163649914_782869689306833_454074312278082602_n-600x355.jpg 600w, https:\/\/aga.so\/so\/wp-content\/uploads\/2021\/03\/163649914_782869689306833_454074312278082602_n-696x412.jpg 696w, https:\/\/aga.so\/so\/wp-content\/uploads\/2021\/03\/163649914_782869689306833_454074312278082602_n-1068x632.jpg 1068w, https:\/\/aga.so\/so\/wp-content\/uploads\/2021\/03\/163649914_782869689306833_454074312278082602_n-710x420.jpg 710w, https:\/\/aga.so\/so\/wp-content\/uploads\/2021\/03\/163649914_782869689306833_454074312278082602_n.jpg 1284w\" sizes=\"(max-width: 696px) 100vw, 696px\" \/> <img decoding=\"async\" loading=\"lazy\" class=\"alignnone size-large wp-image-5107\" style=\"line-height: 1.74;\" src=\"https:\/\/aga.so\/so\/wp-content\/uploads\/2021\/03\/164728625_285023246330027_269661030350157614_n-1024x595.jpg\" alt=\"\" width=\"696\" height=\"404\" srcset=\"https:\/\/aga.so\/so\/wp-content\/uploads\/2021\/03\/164728625_285023246330027_269661030350157614_n-1024x595.jpg 1024w, https:\/\/aga.so\/so\/wp-content\/uploads\/2021\/03\/164728625_285023246330027_269661030350157614_n-300x174.jpg 300w, https:\/\/aga.so\/so\/wp-content\/uploads\/2021\/03\/164728625_285023246330027_269661030350157614_n-768x446.jpg 768w, https:\/\/aga.so\/so\/wp-content\/uploads\/2021\/03\/164728625_285023246330027_269661030350157614_n-150x87.jpg 150w, https:\/\/aga.so\/so\/wp-content\/uploads\/2021\/03\/164728625_285023246330027_269661030350157614_n-600x348.jpg 600w, https:\/\/aga.so\/so\/wp-content\/uploads\/2021\/03\/164728625_285023246330027_269661030350157614_n-696x404.jpg 696w, https:\/\/aga.so\/so\/wp-content\/uploads\/2021\/03\/164728625_285023246330027_269661030350157614_n-1068x620.jpg 1068w, https:\/\/aga.so\/so\/wp-content\/uploads\/2021\/03\/164728625_285023246330027_269661030350157614_n-723x420.jpg 723w, https:\/\/aga.so\/so\/wp-content\/uploads\/2021\/03\/164728625_285023246330027_269661030350157614_n.jpg 1245w\" sizes=\"(max-width: 696px) 100vw, 696px\" \/> <img decoding=\"async\" loading=\"lazy\" class=\"alignnone size-large wp-image-5102\" style=\"line-height: 1.74;\" src=\"https:\/\/aga.so\/so\/wp-content\/uploads\/2021\/03\/165384802_895662537887708_4098747425344104530_n-1024x595.jpg\" alt=\"\" width=\"696\" height=\"404\" srcset=\"https:\/\/aga.so\/so\/wp-content\/uploads\/2021\/03\/165384802_895662537887708_4098747425344104530_n-1024x595.jpg 1024w, https:\/\/aga.so\/so\/wp-content\/uploads\/2021\/03\/165384802_895662537887708_4098747425344104530_n-300x174.jpg 300w, https:\/\/aga.so\/so\/wp-content\/uploads\/2021\/03\/165384802_895662537887708_4098747425344104530_n-768x446.jpg 768w, https:\/\/aga.so\/so\/wp-content\/uploads\/2021\/03\/165384802_895662537887708_4098747425344104530_n-150x87.jpg 150w, https:\/\/aga.so\/so\/wp-content\/uploads\/2021\/03\/165384802_895662537887708_4098747425344104530_n-600x349.jpg 600w, https:\/\/aga.so\/so\/wp-content\/uploads\/2021\/03\/165384802_895662537887708_4098747425344104530_n-696x405.jpg 696w, https:\/\/aga.so\/so\/wp-content\/uploads\/2021\/03\/165384802_895662537887708_4098747425344104530_n-1068x621.jpg 1068w, https:\/\/aga.so\/so\/wp-content\/uploads\/2021\/03\/165384802_895662537887708_4098747425344104530_n-723x420.jpg 723w, https:\/\/aga.so\/so\/wp-content\/uploads\/2021\/03\/165384802_895662537887708_4098747425344104530_n.jpg 1230w\" sizes=\"(max-width: 696px) 100vw, 696px\" \/> <img decoding=\"async\" loading=\"lazy\" class=\"alignnone size-large wp-image-5108\" style=\"line-height: 1.74;\" src=\"https:\/\/aga.so\/so\/wp-content\/uploads\/2021\/03\/164816922_439466260480116_5952186813069801070_n-1024x606.jpg\" alt=\"\" width=\"696\" height=\"412\" srcset=\"https:\/\/aga.so\/so\/wp-content\/uploads\/2021\/03\/164816922_439466260480116_5952186813069801070_n-1024x606.jpg 1024w, https:\/\/aga.so\/so\/wp-content\/uploads\/2021\/03\/164816922_439466260480116_5952186813069801070_n-300x178.jpg 300w, https:\/\/aga.so\/so\/wp-content\/uploads\/2021\/03\/164816922_439466260480116_5952186813069801070_n-768x454.jpg 768w, https:\/\/aga.so\/so\/wp-content\/uploads\/2021\/03\/164816922_439466260480116_5952186813069801070_n-150x89.jpg 150w, https:\/\/aga.so\/so\/wp-content\/uploads\/2021\/03\/164816922_439466260480116_5952186813069801070_n-600x355.jpg 600w, https:\/\/aga.so\/so\/wp-content\/uploads\/2021\/03\/164816922_439466260480116_5952186813069801070_n-696x412.jpg 696w, https:\/\/aga.so\/so\/wp-content\/uploads\/2021\/03\/164816922_439466260480116_5952186813069801070_n-1068x632.jpg 1068w, https:\/\/aga.so\/so\/wp-content\/uploads\/2021\/03\/164816922_439466260480116_5952186813069801070_n-710x420.jpg 710w, https:\/\/aga.so\/so\/wp-content\/uploads\/2021\/03\/164816922_439466260480116_5952186813069801070_n.jpg 1227w\" sizes=\"(max-width: 696px) 100vw, 696px\" \/><\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Xalay oo ku beegnayd 27\/3\/2021, Akadeemiye-Goboleedka AfSoomaaliga (AGA) waxa ay ku guulaysatey qabashada Madasha AGA ee horumarinta iyo hal-abuurka Soomaaliyeed, taasi oo ah madal bishiiba hal mar la qabto, iyada oo lagu gorfeeyay mowduuc uu hal-ku-dheggiisu yahay \u201cSUUGAANTA SOOMAALIDA: waxa ay tahay, waxa ay tarto iyo waaxyaha ay ka kooban tahay\u201d. Madashaas oo aad u [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":1,"featured_media":5110,"comment_status":"open","ping_status":"open","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"inline_featured_image":false},"categories":[32,17,44,1],"tags":[],"yoast_head":"<!-- This site is optimized with the Yoast SEO plugin v20.2.1 - https:\/\/yoast.com\/wordpress\/plugins\/seo\/ -->\n<title>Madasha AGA ee Bisha Maarso 2021 oo si Cilmi ah loogu Faaqiday Suugaanta Soomaalida iyo Waaxyaheeda - Akademiye Goboleedka Af Soomaaliga AGA<\/title>\n<meta name=\"robots\" content=\"index, follow, max-snippet:-1, max-image-preview:large, max-video-preview:-1\" \/>\n<link rel=\"canonical\" href=\"https:\/\/aga.so\/so\/madasha-aga-ee-bisha-maarso-2021-oo-si-cilmi-ah-loogu-faaqiday-suugaanta-soomaalida-iyo-waaxyaheeda\/\" \/>\n<meta property=\"og:locale\" content=\"en_US\" \/>\n<meta property=\"og:type\" content=\"article\" \/>\n<meta property=\"og:title\" content=\"Madasha AGA ee Bisha Maarso 2021 oo si Cilmi ah loogu Faaqiday Suugaanta Soomaalida iyo Waaxyaheeda - Akademiye Goboleedka Af Soomaaliga AGA\" \/>\n<meta property=\"og:description\" content=\"Xalay oo ku beegnayd 27\/3\/2021, Akadeemiye-Goboleedka AfSoomaaliga (AGA) waxa ay ku guulaysatey qabashada Madasha AGA ee horumarinta iyo hal-abuurka Soomaaliyeed, taasi oo ah madal bishiiba hal mar la qabto, iyada oo lagu gorfeeyay mowduuc uu hal-ku-dheggiisu yahay \u201cSUUGAANTA SOOMAALIDA: waxa ay tahay, waxa ay tarto iyo waaxyaha ay ka kooban tahay\u201d. Madashaas oo aad u [&hellip;]\" \/>\n<meta property=\"og:url\" content=\"https:\/\/aga.so\/so\/madasha-aga-ee-bisha-maarso-2021-oo-si-cilmi-ah-loogu-faaqiday-suugaanta-soomaalida-iyo-waaxyaheeda\/\" \/>\n<meta property=\"og:site_name\" content=\"Akademiye Goboleedka Af Soomaaliga AGA\" \/>\n<meta property=\"article:published_time\" content=\"2021-03-28T11:16:13+00:00\" \/>\n<meta property=\"article:modified_time\" content=\"2021-03-29T13:53:30+00:00\" \/>\n<meta property=\"og:image\" content=\"https:\/\/aga.so\/so\/wp-content\/uploads\/2021\/03\/maxresdefault-1024x576-1.jpg\" \/>\n\t<meta property=\"og:image:width\" content=\"1024\" \/>\n\t<meta property=\"og:image:height\" content=\"576\" \/>\n\t<meta property=\"og:image:type\" content=\"image\/jpeg\" \/>\n<meta name=\"author\" content=\"hgb\" \/>\n<meta name=\"twitter:card\" content=\"summary_large_image\" \/>\n<meta name=\"twitter:label1\" content=\"Written by\" \/>\n\t<meta name=\"twitter:data1\" content=\"hgb\" \/>\n\t<meta name=\"twitter:label2\" content=\"Est. reading time\" \/>\n\t<meta name=\"twitter:data2\" content=\"3 minutes\" \/>\n<script type=\"application\/ld+json\" class=\"yoast-schema-graph\">{\"@context\":\"https:\/\/schema.org\",\"@graph\":[{\"@type\":\"Article\",\"@id\":\"https:\/\/aga.so\/so\/madasha-aga-ee-bisha-maarso-2021-oo-si-cilmi-ah-loogu-faaqiday-suugaanta-soomaalida-iyo-waaxyaheeda\/#article\",\"isPartOf\":{\"@id\":\"https:\/\/aga.so\/so\/madasha-aga-ee-bisha-maarso-2021-oo-si-cilmi-ah-loogu-faaqiday-suugaanta-soomaalida-iyo-waaxyaheeda\/\"},\"author\":{\"name\":\"hgb\",\"@id\":\"https:\/\/aga.so\/so\/#\/schema\/person\/c89f24807531a9b3d9df95d848134d50\"},\"headline\":\"Madasha AGA ee Bisha Maarso 2021 oo si Cilmi ah loogu Faaqiday Suugaanta Soomaalida iyo Waaxyaheeda\",\"datePublished\":\"2021-03-28T11:16:13+00:00\",\"dateModified\":\"2021-03-29T13:53:30+00:00\",\"mainEntityOfPage\":{\"@id\":\"https:\/\/aga.so\/so\/madasha-aga-ee-bisha-maarso-2021-oo-si-cilmi-ah-loogu-faaqiday-suugaanta-soomaalida-iyo-waaxyaheeda\/\"},\"wordCount\":627,\"commentCount\":0,\"publisher\":{\"@id\":\"https:\/\/aga.so\/so\/#organization\"},\"articleSection\":[\"Dhacdooyin Cusub\",\"Featured\",\"Madasha AGA\",\"Wararka AGA\"],\"inLanguage\":\"en-US\",\"potentialAction\":[{\"@type\":\"CommentAction\",\"name\":\"Comment\",\"target\":[\"https:\/\/aga.so\/so\/madasha-aga-ee-bisha-maarso-2021-oo-si-cilmi-ah-loogu-faaqiday-suugaanta-soomaalida-iyo-waaxyaheeda\/#respond\"]}]},{\"@type\":\"WebPage\",\"@id\":\"https:\/\/aga.so\/so\/madasha-aga-ee-bisha-maarso-2021-oo-si-cilmi-ah-loogu-faaqiday-suugaanta-soomaalida-iyo-waaxyaheeda\/\",\"url\":\"https:\/\/aga.so\/so\/madasha-aga-ee-bisha-maarso-2021-oo-si-cilmi-ah-loogu-faaqiday-suugaanta-soomaalida-iyo-waaxyaheeda\/\",\"name\":\"Madasha AGA ee Bisha Maarso 2021 oo si Cilmi ah loogu Faaqiday Suugaanta Soomaalida iyo Waaxyaheeda - Akademiye Goboleedka Af Soomaaliga AGA\",\"isPartOf\":{\"@id\":\"https:\/\/aga.so\/so\/#website\"},\"datePublished\":\"2021-03-28T11:16:13+00:00\",\"dateModified\":\"2021-03-29T13:53:30+00:00\",\"breadcrumb\":{\"@id\":\"https:\/\/aga.so\/so\/madasha-aga-ee-bisha-maarso-2021-oo-si-cilmi-ah-loogu-faaqiday-suugaanta-soomaalida-iyo-waaxyaheeda\/#breadcrumb\"},\"inLanguage\":\"en-US\",\"potentialAction\":[{\"@type\":\"ReadAction\",\"target\":[\"https:\/\/aga.so\/so\/madasha-aga-ee-bisha-maarso-2021-oo-si-cilmi-ah-loogu-faaqiday-suugaanta-soomaalida-iyo-waaxyaheeda\/\"]}]},{\"@type\":\"BreadcrumbList\",\"@id\":\"https:\/\/aga.so\/so\/madasha-aga-ee-bisha-maarso-2021-oo-si-cilmi-ah-loogu-faaqiday-suugaanta-soomaalida-iyo-waaxyaheeda\/#breadcrumb\",\"itemListElement\":[{\"@type\":\"ListItem\",\"position\":1,\"name\":\"Home\",\"item\":\"https:\/\/aga.so\/so\/\"},{\"@type\":\"ListItem\",\"position\":2,\"name\":\"Madasha AGA ee Bisha Maarso 2021 oo si Cilmi ah loogu Faaqiday Suugaanta Soomaalida iyo Waaxyaheeda\"}]},{\"@type\":\"WebSite\",\"@id\":\"https:\/\/aga.so\/so\/#website\",\"url\":\"https:\/\/aga.so\/so\/\",\"name\":\"Akademiye Goboleedka Af Soomaaliga AGA\",\"description\":\"\",\"publisher\":{\"@id\":\"https:\/\/aga.so\/so\/#organization\"},\"potentialAction\":[{\"@type\":\"SearchAction\",\"target\":{\"@type\":\"EntryPoint\",\"urlTemplate\":\"https:\/\/aga.so\/so\/?s={search_term_string}\"},\"query-input\":\"required name=search_term_string\"}],\"inLanguage\":\"en-US\"},{\"@type\":\"Organization\",\"@id\":\"https:\/\/aga.so\/so\/#organization\",\"name\":\"AGA - Akadeemiya Goboleedka AfSoomaaliga\",\"url\":\"https:\/\/aga.so\/so\/\",\"logo\":{\"@type\":\"ImageObject\",\"inLanguage\":\"en-US\",\"@id\":\"https:\/\/aga.so\/so\/#\/schema\/logo\/image\/\",\"url\":\"https:\/\/aga.so\/so\/wp-content\/uploads\/2020\/10\/favicon-2.png\",\"contentUrl\":\"https:\/\/aga.so\/so\/wp-content\/uploads\/2020\/10\/favicon-2.png\",\"width\":162,\"height\":83,\"caption\":\"AGA - Akadeemiya Goboleedka AfSoomaaliga\"},\"image\":{\"@id\":\"https:\/\/aga.so\/so\/#\/schema\/logo\/image\/\"}},{\"@type\":\"Person\",\"@id\":\"https:\/\/aga.so\/so\/#\/schema\/person\/c89f24807531a9b3d9df95d848134d50\",\"name\":\"hgb\",\"image\":{\"@type\":\"ImageObject\",\"inLanguage\":\"en-US\",\"@id\":\"https:\/\/aga.so\/so\/#\/schema\/person\/image\/\",\"url\":\"https:\/\/secure.gravatar.com\/avatar\/9cc2fe393829a669530037fc59abb837?s=96&d=mm&r=g\",\"contentUrl\":\"https:\/\/secure.gravatar.com\/avatar\/9cc2fe393829a669530037fc59abb837?s=96&d=mm&r=g\",\"caption\":\"hgb\"},\"url\":\"https:\/\/aga.so\/so\/author\/hgb\/\"}]}<\/script>\n<!-- \/ Yoast SEO plugin. -->","yoast_head_json":{"title":"Madasha AGA ee Bisha Maarso 2021 oo si Cilmi ah loogu Faaqiday Suugaanta Soomaalida iyo Waaxyaheeda - Akademiye Goboleedka Af Soomaaliga AGA","robots":{"index":"index","follow":"follow","max-snippet":"max-snippet:-1","max-image-preview":"max-image-preview:large","max-video-preview":"max-video-preview:-1"},"canonical":"https:\/\/aga.so\/so\/madasha-aga-ee-bisha-maarso-2021-oo-si-cilmi-ah-loogu-faaqiday-suugaanta-soomaalida-iyo-waaxyaheeda\/","og_locale":"en_US","og_type":"article","og_title":"Madasha AGA ee Bisha Maarso 2021 oo si Cilmi ah loogu Faaqiday Suugaanta Soomaalida iyo Waaxyaheeda - Akademiye Goboleedka Af Soomaaliga AGA","og_description":"Xalay oo ku beegnayd 27\/3\/2021, Akadeemiye-Goboleedka AfSoomaaliga (AGA) waxa ay ku guulaysatey qabashada Madasha AGA ee horumarinta iyo hal-abuurka Soomaaliyeed, taasi oo ah madal bishiiba hal mar la qabto, iyada oo lagu gorfeeyay mowduuc uu hal-ku-dheggiisu yahay \u201cSUUGAANTA SOOMAALIDA: waxa ay tahay, waxa ay tarto iyo waaxyaha ay ka kooban tahay\u201d. Madashaas oo aad u [&hellip;]","og_url":"https:\/\/aga.so\/so\/madasha-aga-ee-bisha-maarso-2021-oo-si-cilmi-ah-loogu-faaqiday-suugaanta-soomaalida-iyo-waaxyaheeda\/","og_site_name":"Akademiye Goboleedka Af Soomaaliga AGA","article_published_time":"2021-03-28T11:16:13+00:00","article_modified_time":"2021-03-29T13:53:30+00:00","og_image":[{"width":1024,"height":576,"url":"https:\/\/aga.so\/so\/wp-content\/uploads\/2021\/03\/maxresdefault-1024x576-1.jpg","type":"image\/jpeg"}],"author":"hgb","twitter_card":"summary_large_image","twitter_misc":{"Written by":"hgb","Est. reading time":"3 minutes"},"schema":{"@context":"https:\/\/schema.org","@graph":[{"@type":"Article","@id":"https:\/\/aga.so\/so\/madasha-aga-ee-bisha-maarso-2021-oo-si-cilmi-ah-loogu-faaqiday-suugaanta-soomaalida-iyo-waaxyaheeda\/#article","isPartOf":{"@id":"https:\/\/aga.so\/so\/madasha-aga-ee-bisha-maarso-2021-oo-si-cilmi-ah-loogu-faaqiday-suugaanta-soomaalida-iyo-waaxyaheeda\/"},"author":{"name":"hgb","@id":"https:\/\/aga.so\/so\/#\/schema\/person\/c89f24807531a9b3d9df95d848134d50"},"headline":"Madasha AGA ee Bisha Maarso 2021 oo si Cilmi ah loogu Faaqiday Suugaanta Soomaalida iyo Waaxyaheeda","datePublished":"2021-03-28T11:16:13+00:00","dateModified":"2021-03-29T13:53:30+00:00","mainEntityOfPage":{"@id":"https:\/\/aga.so\/so\/madasha-aga-ee-bisha-maarso-2021-oo-si-cilmi-ah-loogu-faaqiday-suugaanta-soomaalida-iyo-waaxyaheeda\/"},"wordCount":627,"commentCount":0,"publisher":{"@id":"https:\/\/aga.so\/so\/#organization"},"articleSection":["Dhacdooyin Cusub","Featured","Madasha AGA","Wararka AGA"],"inLanguage":"en-US","potentialAction":[{"@type":"CommentAction","name":"Comment","target":["https:\/\/aga.so\/so\/madasha-aga-ee-bisha-maarso-2021-oo-si-cilmi-ah-loogu-faaqiday-suugaanta-soomaalida-iyo-waaxyaheeda\/#respond"]}]},{"@type":"WebPage","@id":"https:\/\/aga.so\/so\/madasha-aga-ee-bisha-maarso-2021-oo-si-cilmi-ah-loogu-faaqiday-suugaanta-soomaalida-iyo-waaxyaheeda\/","url":"https:\/\/aga.so\/so\/madasha-aga-ee-bisha-maarso-2021-oo-si-cilmi-ah-loogu-faaqiday-suugaanta-soomaalida-iyo-waaxyaheeda\/","name":"Madasha AGA ee Bisha Maarso 2021 oo si Cilmi ah loogu Faaqiday Suugaanta Soomaalida iyo Waaxyaheeda - Akademiye Goboleedka Af Soomaaliga AGA","isPartOf":{"@id":"https:\/\/aga.so\/so\/#website"},"datePublished":"2021-03-28T11:16:13+00:00","dateModified":"2021-03-29T13:53:30+00:00","breadcrumb":{"@id":"https:\/\/aga.so\/so\/madasha-aga-ee-bisha-maarso-2021-oo-si-cilmi-ah-loogu-faaqiday-suugaanta-soomaalida-iyo-waaxyaheeda\/#breadcrumb"},"inLanguage":"en-US","potentialAction":[{"@type":"ReadAction","target":["https:\/\/aga.so\/so\/madasha-aga-ee-bisha-maarso-2021-oo-si-cilmi-ah-loogu-faaqiday-suugaanta-soomaalida-iyo-waaxyaheeda\/"]}]},{"@type":"BreadcrumbList","@id":"https:\/\/aga.so\/so\/madasha-aga-ee-bisha-maarso-2021-oo-si-cilmi-ah-loogu-faaqiday-suugaanta-soomaalida-iyo-waaxyaheeda\/#breadcrumb","itemListElement":[{"@type":"ListItem","position":1,"name":"Home","item":"https:\/\/aga.so\/so\/"},{"@type":"ListItem","position":2,"name":"Madasha AGA ee Bisha Maarso 2021 oo si Cilmi ah loogu Faaqiday Suugaanta Soomaalida iyo Waaxyaheeda"}]},{"@type":"WebSite","@id":"https:\/\/aga.so\/so\/#website","url":"https:\/\/aga.so\/so\/","name":"Akademiye Goboleedka Af Soomaaliga AGA","description":"","publisher":{"@id":"https:\/\/aga.so\/so\/#organization"},"potentialAction":[{"@type":"SearchAction","target":{"@type":"EntryPoint","urlTemplate":"https:\/\/aga.so\/so\/?s={search_term_string}"},"query-input":"required name=search_term_string"}],"inLanguage":"en-US"},{"@type":"Organization","@id":"https:\/\/aga.so\/so\/#organization","name":"AGA - Akadeemiya Goboleedka AfSoomaaliga","url":"https:\/\/aga.so\/so\/","logo":{"@type":"ImageObject","inLanguage":"en-US","@id":"https:\/\/aga.so\/so\/#\/schema\/logo\/image\/","url":"https:\/\/aga.so\/so\/wp-content\/uploads\/2020\/10\/favicon-2.png","contentUrl":"https:\/\/aga.so\/so\/wp-content\/uploads\/2020\/10\/favicon-2.png","width":162,"height":83,"caption":"AGA - Akadeemiya Goboleedka AfSoomaaliga"},"image":{"@id":"https:\/\/aga.so\/so\/#\/schema\/logo\/image\/"}},{"@type":"Person","@id":"https:\/\/aga.so\/so\/#\/schema\/person\/c89f24807531a9b3d9df95d848134d50","name":"hgb","image":{"@type":"ImageObject","inLanguage":"en-US","@id":"https:\/\/aga.so\/so\/#\/schema\/person\/image\/","url":"https:\/\/secure.gravatar.com\/avatar\/9cc2fe393829a669530037fc59abb837?s=96&d=mm&r=g","contentUrl":"https:\/\/secure.gravatar.com\/avatar\/9cc2fe393829a669530037fc59abb837?s=96&d=mm&r=g","caption":"hgb"},"url":"https:\/\/aga.so\/so\/author\/hgb\/"}]}},"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/aga.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/5101"}],"collection":[{"href":"https:\/\/aga.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/aga.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/aga.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/users\/1"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/aga.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=5101"}],"version-history":[{"count":5,"href":"https:\/\/aga.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/5101\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":5116,"href":"https:\/\/aga.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/5101\/revisions\/5116"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/aga.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media\/5110"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/aga.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=5101"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/aga.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=5101"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/aga.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=5101"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}