{"id":4970,"date":"2021-03-01T21:31:24","date_gmt":"2021-03-01T18:31:24","guid":{"rendered":"https:\/\/aga.so\/so\/?p=4970"},"modified":"2021-03-01T22:32:44","modified_gmt":"2021-03-01T19:32:44","slug":"maantii-asaayuhu-dhacay","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/aga.so\/so\/maantii-asaayuhu-dhacay\/","title":{"rendered":"Maantii Asaayuhu Dhacay!"},"content":{"rendered":"<h4><em>Gu\u2019 samaaday oo saymo la\u2019 baa bartanka looga jiraa. Aroortii waa bariiso. Harkii waa mayay. Galabtii waa dhoolal isxigxiga. Habeenkiina waa gudgude na mira iyo miiraale na maansheeya.<\/em><\/h4>\n<h4><em>Dhulku waa tiqil cagaaran. Ruuman halkeer ah, waxa isqabsaday ciirdhuuqda, dareemada, cosobka, doomaarka, gocosaha, timo-haweenleha, tigaadda iyo gorgoorka oo ku tabcay barwaaqada gu\u2019ga. Xareedda iyo calcalyada ayaa dhulka waran. Raysku waa qoyan yahay, oo waa uu hinniyay. Ilwaad isku qoofalan dheh!<\/em><\/h4>\n<h4><em>Geelu xasil awgiis ayaa uu dabada lulayaa; lo\u2019duna duddada reerka ayaa ay barqo fadhisaa, oo ka dinaahiyaysaa, ka dib markii la soo barqiyay. Nayluhu dhereg awgiis ayaa ay kudibirro-dhacsanayaan orod iyo rabbaas, goosgoos ah. Ariguna kambalka reerka ayaa uu mayracanayaa. Ka ma walaaqna!<\/em><\/h4>\n<h4><em>Cawayskii waa balwo iyo bulshayn. Waayeelka ay da\u2019doodu hore u badatay ayuun baa fiidka hore ka diga in xoolaha xeryahooda lagu hubsado, ka gadaale markii bahal iyo baylahba laga jiray. Dumarka ayaa aan loogu tagin in ay agabka qoyaya aqallada ku hubsadaan.<\/em><\/h4>\n<h4><em>\u00a0 \u00a0 \u00a0 \u00a0 \u00a0 \u00a0 \u00a0 \u00a0 \u00a0 \u00a0 \u00a0 \u00a0 \u00a0 \u00a0 \u00a0 \u00a0 \u00a0 \u00a0 \u00a0 \u00a0 \u00a0<strong>***<\/strong><\/em><\/h4>\n<h4><em>Tiiyoo ay sidaas tahay, ayaa haddana waa arkaag e, waxa duleedka degmadeenna ka taagan buul aan habeenkii intiisa badan laga ledin\u2026 buul aan barwaaqadan tuunsan waxba u ogayn oo degmo oo idil ka go\u2019an\u2026 buul aan la haysan baraaraha waran meel kasta. Waa buulka <strong>Caddeey Guudeey<\/strong>, oo ah haween ay bushooyin dhawr ah la daalaa dhacaysa.<\/em><\/h4>\n<h4><em>Sannadkii hore dhammaadkiisa ayaa ay ahayd markii Caddeey oo muddaba la dhibtoonaysay xanuun uur-ku-jirta ka wareemay oo meel walba loo mariyay, iyadaoo la liidata, ay aakhirkii rabrabteeda ugu soo ururtay. Sannadkii hore dabayaaqadiisii ayaa ay ahayd markii ay, Caddeey, adduun iyo hawlihiisa oo dhan niyadda ka soo laabtay, markaasoo ay darka aakhiraad, iyada oo ifka joogta, iska diiwaangalisay.<\/em><\/h4>\n<h4><em>Caddeey, saddex carruur ah oo labo ay hablo yihiin bay u hooyo tahay. Ninkeeda Axmeddeey, waa beeraleey, oo badanaa hawlaha beerta ayaa uu kaga mashquulsan yahay. Lama uu joogi kari waayin ee quudkii uu reerku jaciiran lehaa buu maalin walba u harjadayaa sidii uu u soo dhicin lehaa. Eebbe waa garabgalaa. Waxa se aanu marnaba niyaddiisa ka saari karayn, lur iyo walaahowna ku haya, xanuunka ay gacalisadiisu la aadaarayso. Itaalkiisa oo dhan kama uu hagran, waqiis iyo intii uu jiray. Dawo in ay ku fayo helayso loogu sheegayna kala ma uu laballabayn!<\/em><\/h4>\n<h4><em>Caddeey aabbaheed Guudeey waa waayeel axgabay se jirrada indha-kuushiisa, waa Caddeey e, ayaa uu la hawshoonayaa. In badan oo hore Quraan la saar, se isagu talo buuran ku ma uusan lehayn. Shalay galab, hiimsahiimsihii, ayaa lagu keenay gaari degmada laga leeyahay. Isaga ayaa ay ka soo fushay oo taladiisa ahayd in guriga Caddeey oo gabartiisa ah la geeyo.<\/em><\/h4>\n<h4><em>Waaberigii Arbacada ayaa uu ku kallahay sariibadda si uu labo neef oo inantiisa lagu tacshiiriyo u soo iibin lehaa. Toddobo wadaad oo uu duntooda yaqaan buu u ballamiyay. Caano geel buu cabbitaan ugaga yeelay; isaga oo bun iyo daango iyo weliba shaahna u diyaariyay.<\/em><\/h4>\n<h4><em>Waa aroor hore oo waa subaxdii Khamiista ee Quraan ku akhrinta Caddeey loo ballansanaa. Waxa duddada reeryowga ka soo muuqday Axmeddeey iyo nin kale oo wehliya. Haddii ay soo reer galeen baa la is warsaday oo la kala warqaatay. La is bariidi, oo belo aan xanuunka Caddeey ahayn la isu ma sheegin. Axmeddeey oo talada oday Guudeey aan u war hayn baa waxa uu magaalada ka soo waday nin daawo dhireed wax ku daweeya, sida uu isagu ku shoolay.<\/em><\/h4>\n<h4><em>Axmeddeey iyo ninkan sheeganaya in uu dhirta weligiisba dadka ku dawayn jiray ayaa in badan isaga digay in haddii Caddeey ay gacantiisa ku baxdo uu isaguna ka dabo carraabi doono. <strong>&#8220;Miidaamo dhego ma leh hadduu meleg dhawaaqaayo,&#8221;<\/strong> waa tii la yiriye, ninkii baa ku andacooday in aanay, arrintaas, sinna u dhici karayn! In gacantiisu barakaysan tahay buu ku tookhay. Hawraarsan baa lagu idleeyay.<\/em><\/h4>\n<h4><em>Axmeddeey ayaa bannaanka u la baxay xabbad sigaar ah oo uu, malaha, werwerka xanuunka Caddeey haya kaga gabbanayo. Caddeey, labo hablood oo la dhashay iyo oday Guudeey; iyo ninkii in uu daweeyo u joogay ayaa qolkii isugu soo haray. Juuni uu sitay buu, ninkii, caagad ay walax cagaaran ku seekaysan yihiin kala soo baxay. Markaas buu dalbaday in qaaddo iyo galalaco (baaquli) loo keeno. Laga yeel oo lala soo gaar.<\/em><\/h4>\n<h4><em>Caddeey oo uu fadhiguba ku adag yahay ayaa dhabarka laga soo galay, markaas baa barkimooyin teedsan lagu taageeray oo la fadhiisiyay. Hadday labo qaaddo oo ciirciiraya ka&#8217;dig&#8217;siiyay ayaa ay neef-tuurtay oo qaarka sare la wada kacday. Waa lagu soo xoomay oo <strong>&#8220;Yaasiinkaay!&#8221;<\/strong>\u00a0 lagu wada qayliyay!<\/em><\/h4>\n<h4><em>Haddiiba, waxa buuqii baxay maqlay Axmeddeey oo aad moodayso in waxa soo yeeri doona uu u toog hayay. Inta isa sii daayay buu aqal kiisa la ollog leh &#8216;daf&#8217; yiri, oo qori ay lehaayeen degdeg u weydiistay, &#8220;Jin baa xaaska looga saarayaayee iigu kaalmeeya qoriga!&#8221; inta uu ugu muunsannaabay bay halhaleel u soo siiyeen. Intii uu, Axmeddeey, maqnaa bay Caddeeyna ruq baxday. Ninkii oo cir iyo dhulba ay qaadi la&#8217; yihiin baa daaqadda qolkii lagu jiray xagga dambe ugaga dusay oo cagihiisa eersaday.<\/em><\/h4>\n<h4><em>Axmeddeey oo aad mooddo in xabadda uu ridayo iyo isaguba ay is cayrsanayaan baa ninkii kadabo baxay. Dhawr xabbadood oo uu ku riday baa Alle-Weyne ninkii hareer mariyay. Tani se waa ay haleeshay oo inta jeeniga bidix ka gashay bay feerta midig kaga dustay. Sidaas kuma uu dayne inta uu, qorigii la dul tagay, buu ruux-togay oo qasnaddii soddon qaadka ahayd ku faarujiyay.<\/em><\/h4>\n<h4><em>Isaga, waa daweeye isku sheeggii e, iyo Caddeey baa mar kaliya, si wadajir ah, godka aakhiraad ugu wadahoyday oo la isku garab xabaalay.<\/em><\/h4>\n<h4><strong><em>W\/Q: Bilaal Qaasin Fiqi \u201cAar\u201d<\/em><\/strong><br \/>\n<strong><em>Email: Aarawfiqi@gmail.com<\/em><\/strong><\/h4>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Gu\u2019 samaaday oo saymo la\u2019 baa bartanka looga jiraa. Aroortii waa bariiso. Harkii waa mayay. Galabtii waa dhoolal isxigxiga. Habeenkiina waa gudgude na mira iyo miiraale na maansheeya. Dhulku waa tiqil cagaaran. Ruuman halkeer ah, waxa isqabsaday ciirdhuuqda, dareemada, cosobka, doomaarka, gocosaha, timo-haweenleha, tigaadda iyo gorgoorka oo ku tabcay barwaaqada gu\u2019ga. Xareedda iyo calcalyada ayaa [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":1,"featured_media":4978,"comment_status":"open","ping_status":"open","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"inline_featured_image":false},"categories":[32,17,19,33],"tags":[],"yoast_head":"<!-- This site is optimized with the Yoast SEO plugin v20.2.1 - https:\/\/yoast.com\/wordpress\/plugins\/seo\/ -->\n<title>Maantii Asaayuhu Dhacay! - Akademiye Goboleedka Af Soomaaliga AGA<\/title>\n<meta name=\"robots\" content=\"index, follow, max-snippet:-1, max-image-preview:large, max-video-preview:-1\" \/>\n<link rel=\"canonical\" href=\"https:\/\/aga.so\/so\/maantii-asaayuhu-dhacay\/\" \/>\n<meta property=\"og:locale\" content=\"en_US\" \/>\n<meta property=\"og:type\" content=\"article\" \/>\n<meta property=\"og:title\" content=\"Maantii Asaayuhu Dhacay! - Akademiye Goboleedka Af Soomaaliga AGA\" \/>\n<meta property=\"og:description\" content=\"Gu\u2019 samaaday oo saymo la\u2019 baa bartanka looga jiraa. Aroortii waa bariiso. Harkii waa mayay. Galabtii waa dhoolal isxigxiga. Habeenkiina waa gudgude na mira iyo miiraale na maansheeya. Dhulku waa tiqil cagaaran. Ruuman halkeer ah, waxa isqabsaday ciirdhuuqda, dareemada, cosobka, doomaarka, gocosaha, timo-haweenleha, tigaadda iyo gorgoorka oo ku tabcay barwaaqada gu\u2019ga. Xareedda iyo calcalyada ayaa [&hellip;]\" \/>\n<meta property=\"og:url\" content=\"https:\/\/aga.so\/so\/maantii-asaayuhu-dhacay\/\" \/>\n<meta property=\"og:site_name\" content=\"Akademiye Goboleedka Af Soomaaliga AGA\" \/>\n<meta property=\"article:published_time\" content=\"2021-03-01T18:31:24+00:00\" \/>\n<meta property=\"article:modified_time\" content=\"2021-03-01T19:32:44+00:00\" \/>\n<meta property=\"og:image\" content=\"https:\/\/aga.so\/so\/wp-content\/uploads\/2021\/03\/155511268_416513289632930_3526817939674928389_n.jpg\" \/>\n\t<meta property=\"og:image:width\" content=\"1256\" \/>\n\t<meta property=\"og:image:height\" content=\"720\" \/>\n\t<meta property=\"og:image:type\" content=\"image\/jpeg\" \/>\n<meta name=\"author\" content=\"hgb\" \/>\n<meta name=\"twitter:card\" content=\"summary_large_image\" \/>\n<meta name=\"twitter:label1\" content=\"Written by\" \/>\n\t<meta name=\"twitter:data1\" content=\"hgb\" \/>\n\t<meta name=\"twitter:label2\" content=\"Est. reading time\" \/>\n\t<meta name=\"twitter:data2\" content=\"5 minutes\" \/>\n<script type=\"application\/ld+json\" class=\"yoast-schema-graph\">{\"@context\":\"https:\/\/schema.org\",\"@graph\":[{\"@type\":\"Article\",\"@id\":\"https:\/\/aga.so\/so\/maantii-asaayuhu-dhacay\/#article\",\"isPartOf\":{\"@id\":\"https:\/\/aga.so\/so\/maantii-asaayuhu-dhacay\/\"},\"author\":{\"name\":\"hgb\",\"@id\":\"https:\/\/aga.so\/so\/#\/schema\/person\/c89f24807531a9b3d9df95d848134d50\"},\"headline\":\"Maantii Asaayuhu Dhacay!\",\"datePublished\":\"2021-03-01T18:31:24+00:00\",\"dateModified\":\"2021-03-01T19:32:44+00:00\",\"mainEntityOfPage\":{\"@id\":\"https:\/\/aga.so\/so\/maantii-asaayuhu-dhacay\/\"},\"wordCount\":905,\"commentCount\":0,\"publisher\":{\"@id\":\"https:\/\/aga.so\/so\/#organization\"},\"articleSection\":[\"Dhacdooyin Cusub\",\"Featured\",\"Hal-abuurka &amp; Suugaanta\",\"Sheeko\"],\"inLanguage\":\"en-US\",\"potentialAction\":[{\"@type\":\"CommentAction\",\"name\":\"Comment\",\"target\":[\"https:\/\/aga.so\/so\/maantii-asaayuhu-dhacay\/#respond\"]}]},{\"@type\":\"WebPage\",\"@id\":\"https:\/\/aga.so\/so\/maantii-asaayuhu-dhacay\/\",\"url\":\"https:\/\/aga.so\/so\/maantii-asaayuhu-dhacay\/\",\"name\":\"Maantii Asaayuhu Dhacay! - Akademiye Goboleedka Af Soomaaliga AGA\",\"isPartOf\":{\"@id\":\"https:\/\/aga.so\/so\/#website\"},\"datePublished\":\"2021-03-01T18:31:24+00:00\",\"dateModified\":\"2021-03-01T19:32:44+00:00\",\"breadcrumb\":{\"@id\":\"https:\/\/aga.so\/so\/maantii-asaayuhu-dhacay\/#breadcrumb\"},\"inLanguage\":\"en-US\",\"potentialAction\":[{\"@type\":\"ReadAction\",\"target\":[\"https:\/\/aga.so\/so\/maantii-asaayuhu-dhacay\/\"]}]},{\"@type\":\"BreadcrumbList\",\"@id\":\"https:\/\/aga.so\/so\/maantii-asaayuhu-dhacay\/#breadcrumb\",\"itemListElement\":[{\"@type\":\"ListItem\",\"position\":1,\"name\":\"Home\",\"item\":\"https:\/\/aga.so\/so\/\"},{\"@type\":\"ListItem\",\"position\":2,\"name\":\"Maantii Asaayuhu Dhacay!\"}]},{\"@type\":\"WebSite\",\"@id\":\"https:\/\/aga.so\/so\/#website\",\"url\":\"https:\/\/aga.so\/so\/\",\"name\":\"Akademiye Goboleedka Af Soomaaliga AGA\",\"description\":\"\",\"publisher\":{\"@id\":\"https:\/\/aga.so\/so\/#organization\"},\"potentialAction\":[{\"@type\":\"SearchAction\",\"target\":{\"@type\":\"EntryPoint\",\"urlTemplate\":\"https:\/\/aga.so\/so\/?s={search_term_string}\"},\"query-input\":\"required name=search_term_string\"}],\"inLanguage\":\"en-US\"},{\"@type\":\"Organization\",\"@id\":\"https:\/\/aga.so\/so\/#organization\",\"name\":\"AGA - Akadeemiya Goboleedka AfSoomaaliga\",\"url\":\"https:\/\/aga.so\/so\/\",\"logo\":{\"@type\":\"ImageObject\",\"inLanguage\":\"en-US\",\"@id\":\"https:\/\/aga.so\/so\/#\/schema\/logo\/image\/\",\"url\":\"https:\/\/aga.so\/so\/wp-content\/uploads\/2020\/10\/favicon-2.png\",\"contentUrl\":\"https:\/\/aga.so\/so\/wp-content\/uploads\/2020\/10\/favicon-2.png\",\"width\":162,\"height\":83,\"caption\":\"AGA - Akadeemiya Goboleedka AfSoomaaliga\"},\"image\":{\"@id\":\"https:\/\/aga.so\/so\/#\/schema\/logo\/image\/\"}},{\"@type\":\"Person\",\"@id\":\"https:\/\/aga.so\/so\/#\/schema\/person\/c89f24807531a9b3d9df95d848134d50\",\"name\":\"hgb\",\"image\":{\"@type\":\"ImageObject\",\"inLanguage\":\"en-US\",\"@id\":\"https:\/\/aga.so\/so\/#\/schema\/person\/image\/\",\"url\":\"https:\/\/secure.gravatar.com\/avatar\/9cc2fe393829a669530037fc59abb837?s=96&d=mm&r=g\",\"contentUrl\":\"https:\/\/secure.gravatar.com\/avatar\/9cc2fe393829a669530037fc59abb837?s=96&d=mm&r=g\",\"caption\":\"hgb\"},\"url\":\"https:\/\/aga.so\/so\/author\/hgb\/\"}]}<\/script>\n<!-- \/ Yoast SEO plugin. -->","yoast_head_json":{"title":"Maantii Asaayuhu Dhacay! - Akademiye Goboleedka Af Soomaaliga AGA","robots":{"index":"index","follow":"follow","max-snippet":"max-snippet:-1","max-image-preview":"max-image-preview:large","max-video-preview":"max-video-preview:-1"},"canonical":"https:\/\/aga.so\/so\/maantii-asaayuhu-dhacay\/","og_locale":"en_US","og_type":"article","og_title":"Maantii Asaayuhu Dhacay! - Akademiye Goboleedka Af Soomaaliga AGA","og_description":"Gu\u2019 samaaday oo saymo la\u2019 baa bartanka looga jiraa. Aroortii waa bariiso. Harkii waa mayay. Galabtii waa dhoolal isxigxiga. Habeenkiina waa gudgude na mira iyo miiraale na maansheeya. Dhulku waa tiqil cagaaran. Ruuman halkeer ah, waxa isqabsaday ciirdhuuqda, dareemada, cosobka, doomaarka, gocosaha, timo-haweenleha, tigaadda iyo gorgoorka oo ku tabcay barwaaqada gu\u2019ga. Xareedda iyo calcalyada ayaa [&hellip;]","og_url":"https:\/\/aga.so\/so\/maantii-asaayuhu-dhacay\/","og_site_name":"Akademiye Goboleedka Af Soomaaliga AGA","article_published_time":"2021-03-01T18:31:24+00:00","article_modified_time":"2021-03-01T19:32:44+00:00","og_image":[{"width":1256,"height":720,"url":"https:\/\/aga.so\/so\/wp-content\/uploads\/2021\/03\/155511268_416513289632930_3526817939674928389_n.jpg","type":"image\/jpeg"}],"author":"hgb","twitter_card":"summary_large_image","twitter_misc":{"Written by":"hgb","Est. reading time":"5 minutes"},"schema":{"@context":"https:\/\/schema.org","@graph":[{"@type":"Article","@id":"https:\/\/aga.so\/so\/maantii-asaayuhu-dhacay\/#article","isPartOf":{"@id":"https:\/\/aga.so\/so\/maantii-asaayuhu-dhacay\/"},"author":{"name":"hgb","@id":"https:\/\/aga.so\/so\/#\/schema\/person\/c89f24807531a9b3d9df95d848134d50"},"headline":"Maantii Asaayuhu Dhacay!","datePublished":"2021-03-01T18:31:24+00:00","dateModified":"2021-03-01T19:32:44+00:00","mainEntityOfPage":{"@id":"https:\/\/aga.so\/so\/maantii-asaayuhu-dhacay\/"},"wordCount":905,"commentCount":0,"publisher":{"@id":"https:\/\/aga.so\/so\/#organization"},"articleSection":["Dhacdooyin Cusub","Featured","Hal-abuurka &amp; Suugaanta","Sheeko"],"inLanguage":"en-US","potentialAction":[{"@type":"CommentAction","name":"Comment","target":["https:\/\/aga.so\/so\/maantii-asaayuhu-dhacay\/#respond"]}]},{"@type":"WebPage","@id":"https:\/\/aga.so\/so\/maantii-asaayuhu-dhacay\/","url":"https:\/\/aga.so\/so\/maantii-asaayuhu-dhacay\/","name":"Maantii Asaayuhu Dhacay! - Akademiye Goboleedka Af Soomaaliga AGA","isPartOf":{"@id":"https:\/\/aga.so\/so\/#website"},"datePublished":"2021-03-01T18:31:24+00:00","dateModified":"2021-03-01T19:32:44+00:00","breadcrumb":{"@id":"https:\/\/aga.so\/so\/maantii-asaayuhu-dhacay\/#breadcrumb"},"inLanguage":"en-US","potentialAction":[{"@type":"ReadAction","target":["https:\/\/aga.so\/so\/maantii-asaayuhu-dhacay\/"]}]},{"@type":"BreadcrumbList","@id":"https:\/\/aga.so\/so\/maantii-asaayuhu-dhacay\/#breadcrumb","itemListElement":[{"@type":"ListItem","position":1,"name":"Home","item":"https:\/\/aga.so\/so\/"},{"@type":"ListItem","position":2,"name":"Maantii Asaayuhu Dhacay!"}]},{"@type":"WebSite","@id":"https:\/\/aga.so\/so\/#website","url":"https:\/\/aga.so\/so\/","name":"Akademiye Goboleedka Af Soomaaliga AGA","description":"","publisher":{"@id":"https:\/\/aga.so\/so\/#organization"},"potentialAction":[{"@type":"SearchAction","target":{"@type":"EntryPoint","urlTemplate":"https:\/\/aga.so\/so\/?s={search_term_string}"},"query-input":"required name=search_term_string"}],"inLanguage":"en-US"},{"@type":"Organization","@id":"https:\/\/aga.so\/so\/#organization","name":"AGA - Akadeemiya Goboleedka AfSoomaaliga","url":"https:\/\/aga.so\/so\/","logo":{"@type":"ImageObject","inLanguage":"en-US","@id":"https:\/\/aga.so\/so\/#\/schema\/logo\/image\/","url":"https:\/\/aga.so\/so\/wp-content\/uploads\/2020\/10\/favicon-2.png","contentUrl":"https:\/\/aga.so\/so\/wp-content\/uploads\/2020\/10\/favicon-2.png","width":162,"height":83,"caption":"AGA - Akadeemiya Goboleedka AfSoomaaliga"},"image":{"@id":"https:\/\/aga.so\/so\/#\/schema\/logo\/image\/"}},{"@type":"Person","@id":"https:\/\/aga.so\/so\/#\/schema\/person\/c89f24807531a9b3d9df95d848134d50","name":"hgb","image":{"@type":"ImageObject","inLanguage":"en-US","@id":"https:\/\/aga.so\/so\/#\/schema\/person\/image\/","url":"https:\/\/secure.gravatar.com\/avatar\/9cc2fe393829a669530037fc59abb837?s=96&d=mm&r=g","contentUrl":"https:\/\/secure.gravatar.com\/avatar\/9cc2fe393829a669530037fc59abb837?s=96&d=mm&r=g","caption":"hgb"},"url":"https:\/\/aga.so\/so\/author\/hgb\/"}]}},"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/aga.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/4970"}],"collection":[{"href":"https:\/\/aga.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/aga.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/aga.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/users\/1"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/aga.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=4970"}],"version-history":[{"count":5,"href":"https:\/\/aga.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/4970\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":4982,"href":"https:\/\/aga.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/4970\/revisions\/4982"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/aga.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media\/4978"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/aga.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=4970"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/aga.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=4970"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/aga.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=4970"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}