{"id":4748,"date":"2021-02-08T19:21:02","date_gmt":"2021-02-08T16:21:02","guid":{"rendered":"https:\/\/aga.so\/so\/?p=4748"},"modified":"2021-02-08T20:07:09","modified_gmt":"2021-02-08T17:07:09","slug":"guddoomiyah-aga-oo-jaamacadaha-soomaalida-ugu-baaqay-in-ay-afka-soomaaliga-ka-dhigaan-afka-rasmiga-ah-ee-waxbarashada","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/aga.so\/so\/guddoomiyah-aga-oo-jaamacadaha-soomaalida-ugu-baaqay-in-ay-afka-soomaaliga-ka-dhigaan-afka-rasmiga-ah-ee-waxbarashada\/","title":{"rendered":"Guddoomiyaha AGA oo Jaamacadaha Soomaalida ugu Baaqay in ay Afka Soomaaliga ka dhigaan Afka Rasmiga ah ee Waxbarashada"},"content":{"rendered":"<h4>Guddoomiyaha Akadeemiye-Goboleedka AfSoomaaliga (AGA) Dr. Maxamed Daahir Afrax oo khudbad qiimo badan ka soo jeediyay munaasabaddii lagu maamuusayay 20-guurada dhalashada Jaamacadda Jabuuti ayaa si cilmi leh u soo bandhigay qiimaha, hodontinnimada iyo muhiimadda uu leeyahay uu Afka Soomaaliga.<\/h4>\n<h4>Dr. Maxamed Daahir Afrax ayaa ugu horeyntii sheegay inuu afka Soomaaliga yahay deeq iyo nimco uu Alle siiyay ummadda Soomaaliyeed, waxaana uu caddeeyay in culumada caalamka ay afka Soomaaliga ku tilmaameen inuu ka mid yahay afafka ugu qiimaha badan adduunka, isaga oo intaasi raaciyay in uu afka Soomaaligu ka mid noqday afafka Jaamacaddaha caalamka lagu barto, isla markaana la darso taariikhdiisa, hodontinimadiisa, qoto dheeridiisa, suugaantiisa iyo hal-abuurkiisa.<\/h4>\n<h4>\u201cAkadeemiyada Afafka ee Qaaradda Afrika (Acalan) waxa ay afka Soomaaliga ku dartay 12-ka af ee laga soo xulay Qaaradda oo dhan, kuwaasi oo la siiyo tixgalin gaar ah, afka qiimahaas leh halis ayuu ku jiraa, waxuuna u baahan yahay hiil iyo gurmad ummadeed, si uu uga badbaado khatartaas\u201d ayuu yir Dr. Afrax oo jaamacadaha iyo maamulada ay Soomaalidu leedahay ku boorriyay in ay ka qeyb-qaataan ilaalinta afka Soomaaliga.<\/h4>\n<h4>Guddoomiyaha Akadeemiye-Goboleedka AfSoomaaliga oo ka hadlay waxqabadka AGA ayaa sheegay in ay Akadeemiyadu qabato hawlo isugu jira Cilmi baaris, Wacyigalin, Tababbar xirfadeedyo ku saabsan afka, u ololeynta sidii afka lagu soo celin lahaa Maqaamkii uu ku lahaa Maamulka iyo Waxbarashada iyo shaqooyin kale oo muhiim ah, isaga oo xusay AGA inay laamo ku leedahay magaalooyinka Soomaalida ee Geeska Afrika iyo wadmada caalamka oo ay Soomaalida ku badan tahay.<\/h4>\n<h4>Guddoomiyaha AGA Dr. Maxamed Daahir ayaa u soo jeediyay madaxda jaamacadaha ku yaalo Geeska Afrika oo ay Soomaalidu leedahay in ay qaataan afka Soomaaliga, si uu uga caawiyo qoddobo ay ka mid yihiin:-<br \/>\n1-Fahamka guud ee ardayda wax baranayso,<br \/>\n2- In ay jaamacaduhu soo saaraan aqoonayahanno dhinac walba ka dhisan.<br \/>\n3-Qaadashada afka Soomaaliga waxa uu jaamacadda ka caawinayaa in ay jaamacaddu balaarato .<br \/>\n4- Sidoo kale, waxa uu ka bad-baadinayaa Dhaliisha ah maxaa Afkiinna u tixgalin weydeen.<br \/>\n5- Qaadashada afka Soomaaliga, waxaa kale oo uu ka caawin karaa jaamacdaha dhanka Magac bixinta.<\/h4>\n<h4>Dr. Afrax ayaa si qoto dheer u iftiimiyay sida ay jaamacaduhu ugu hiilin karaan afka Soomaaliga, waxaana uu saldhig uga dhigay qodobadaan:-<br \/>\n1-In ay jaamacaduhu afka Soomaaliga ka dhigaan afka rasmiga ah ee waxbarashada, gaar ahaan Culuunta Bulshada.<br \/>\n2-In Manhajka lagu daro maadada af Soomaaliga iyo hal-abuurkiisa<br \/>\n3-In ay jaamacaduhu yeeshaan Waax u gaar ah daraasadka afka Soomaaliga iyo Suugantiisa.<br \/>\n4-In deeq waxbarasho la siiyo ardayda baranayso maadooyinka la xiriira afka iyo suugaantiisa.<br \/>\n6-In jaamacaduhu ay faraan ardayda Qalin-badalanaysa sidii ay buugooda qalin jabinta ugu soo dari lahayeen mowduucyo ku saabsan afka Soomaaliga.<br \/>\n7-In jaamacaduhu sameeyaan bandhig dhaqameedyo, si ardayda ay afkooda wax ugu curiyaan.<\/h4>\n<h4>Guddoomiyaha AGA ayaa sheegay inay Akademiyadu ka go\u2019an tahay sidii ay jaamacadaha gacan uga siin lahaayeen:-<br \/>\n1-Tababbar-siinta macalimiinta dhigta afka.<br \/>\n2-Tifaftirka Manhajka.<br \/>\n3- In ay jaamacadaha ku soo xirto aqoonyahano iyo masakxda ay u baahan yihiin.<br \/>\n3-In khudbado cilmi ah (Leggers) oo ku saabsan afka ay u jeediyaan ardayda.<br \/>\n4- In ay Akadeemiyadu horseed ka noqoto bahwadaagnimo ay sameystaan AGA iyo Jaamacadaha.<\/h4>\n<h4>\u00a0Dr. Afrax ayaa ugu dambayntii sheegay AGA iyo jaamacaduhu in ay iska kaashan karaan:-<br \/>\n1-In la wada qabto cilmi baaris ku saabsan afka iyo hal-abuurkiisa,<br \/>\n2-In la abaabulo kulan aqooneed ay si wadajir ah u marti-galiyaan labada dhinac.<br \/>\n3-In la iska kaashado bandhigyada dhaqanka iyo suugaanta oo ay jaamacduhu qabtaan.<br \/>\n4- In ay Jamaacad kasta wada shaqeeyn ay la yeelato laanta AGA ee ka furan halka ay ku taalo.<\/h4>\n<h4>Gaba-gabadii ayaa Guddoomiyaha AGA waxa uu madaxda jaamacadaha kula dardaarmay in la dadaallo, loona halwgallo sidii ay garab ugu noqon lhaayeen hiilka Afka Soomaaliga iyo hal-abuurkiisa.<\/h4>\n<p><img decoding=\"async\" loading=\"lazy\" class=\"alignnone size-large wp-image-4755\" src=\"https:\/\/aga.so\/so\/wp-content\/uploads\/2021\/02\/146637554_228393248958232_6452989620557944255_n-1024x683.jpg\" alt=\"\" width=\"696\" height=\"464\" srcset=\"https:\/\/aga.so\/so\/wp-content\/uploads\/2021\/02\/146637554_228393248958232_6452989620557944255_n-1024x683.jpg 1024w, https:\/\/aga.so\/so\/wp-content\/uploads\/2021\/02\/146637554_228393248958232_6452989620557944255_n-300x200.jpg 300w, https:\/\/aga.so\/so\/wp-content\/uploads\/2021\/02\/146637554_228393248958232_6452989620557944255_n-768x512.jpg 768w, https:\/\/aga.so\/so\/wp-content\/uploads\/2021\/02\/146637554_228393248958232_6452989620557944255_n-150x100.jpg 150w, https:\/\/aga.so\/so\/wp-content\/uploads\/2021\/02\/146637554_228393248958232_6452989620557944255_n-600x400.jpg 600w, https:\/\/aga.so\/so\/wp-content\/uploads\/2021\/02\/146637554_228393248958232_6452989620557944255_n-696x464.jpg 696w, https:\/\/aga.so\/so\/wp-content\/uploads\/2021\/02\/146637554_228393248958232_6452989620557944255_n-1068x712.jpg 1068w, https:\/\/aga.so\/so\/wp-content\/uploads\/2021\/02\/146637554_228393248958232_6452989620557944255_n-630x420.jpg 630w, https:\/\/aga.so\/so\/wp-content\/uploads\/2021\/02\/146637554_228393248958232_6452989620557944255_n-1260x840.jpg 1260w, https:\/\/aga.so\/so\/wp-content\/uploads\/2021\/02\/146637554_228393248958232_6452989620557944255_n.jpg 1284w\" sizes=\"(max-width: 696px) 100vw, 696px\" \/> <img decoding=\"async\" loading=\"lazy\" class=\"alignnone size-large wp-image-4759\" src=\"https:\/\/aga.so\/so\/wp-content\/uploads\/2021\/02\/147671405_173510837560883_4609661975775808450_n-1024x882.jpg\" alt=\"\" width=\"696\" height=\"599\" srcset=\"https:\/\/aga.so\/so\/wp-content\/uploads\/2021\/02\/147671405_173510837560883_4609661975775808450_n-1024x882.jpg 1024w, https:\/\/aga.so\/so\/wp-content\/uploads\/2021\/02\/147671405_173510837560883_4609661975775808450_n-300x258.jpg 300w, https:\/\/aga.so\/so\/wp-content\/uploads\/2021\/02\/147671405_173510837560883_4609661975775808450_n-768x662.jpg 768w, https:\/\/aga.so\/so\/wp-content\/uploads\/2021\/02\/147671405_173510837560883_4609661975775808450_n-150x129.jpg 150w, https:\/\/aga.so\/so\/wp-content\/uploads\/2021\/02\/147671405_173510837560883_4609661975775808450_n-600x517.jpg 600w, https:\/\/aga.so\/so\/wp-content\/uploads\/2021\/02\/147671405_173510837560883_4609661975775808450_n-696x600.jpg 696w, https:\/\/aga.so\/so\/wp-content\/uploads\/2021\/02\/147671405_173510837560883_4609661975775808450_n-1068x920.jpg 1068w, https:\/\/aga.so\/so\/wp-content\/uploads\/2021\/02\/147671405_173510837560883_4609661975775808450_n-488x420.jpg 488w, https:\/\/aga.so\/so\/wp-content\/uploads\/2021\/02\/147671405_173510837560883_4609661975775808450_n-975x840.jpg 975w, https:\/\/aga.so\/so\/wp-content\/uploads\/2021\/02\/147671405_173510837560883_4609661975775808450_n.jpg 1284w\" sizes=\"(max-width: 696px) 100vw, 696px\" \/> <img decoding=\"async\" loading=\"lazy\" class=\"alignnone size-large wp-image-4758\" src=\"https:\/\/aga.so\/so\/wp-content\/uploads\/2021\/02\/147014110_183377896901891_7926059807699581757_n-1024x892.jpg\" alt=\"\" width=\"696\" height=\"606\" srcset=\"https:\/\/aga.so\/so\/wp-content\/uploads\/2021\/02\/147014110_183377896901891_7926059807699581757_n-1024x892.jpg 1024w, https:\/\/aga.so\/so\/wp-content\/uploads\/2021\/02\/147014110_183377896901891_7926059807699581757_n-300x261.jpg 300w, https:\/\/aga.so\/so\/wp-content\/uploads\/2021\/02\/147014110_183377896901891_7926059807699581757_n-768x669.jpg 768w, https:\/\/aga.so\/so\/wp-content\/uploads\/2021\/02\/147014110_183377896901891_7926059807699581757_n-150x131.jpg 150w, https:\/\/aga.so\/so\/wp-content\/uploads\/2021\/02\/147014110_183377896901891_7926059807699581757_n-600x522.jpg 600w, https:\/\/aga.so\/so\/wp-content\/uploads\/2021\/02\/147014110_183377896901891_7926059807699581757_n-696x606.jpg 696w, https:\/\/aga.so\/so\/wp-content\/uploads\/2021\/02\/147014110_183377896901891_7926059807699581757_n-1068x930.jpg 1068w, https:\/\/aga.so\/so\/wp-content\/uploads\/2021\/02\/147014110_183377896901891_7926059807699581757_n-482x420.jpg 482w, https:\/\/aga.so\/so\/wp-content\/uploads\/2021\/02\/147014110_183377896901891_7926059807699581757_n-965x840.jpg 965w, https:\/\/aga.so\/so\/wp-content\/uploads\/2021\/02\/147014110_183377896901891_7926059807699581757_n.jpg 1284w\" sizes=\"(max-width: 696px) 100vw, 696px\" \/> <img decoding=\"async\" loading=\"lazy\" class=\"alignnone size-large wp-image-4756\" src=\"https:\/\/aga.so\/so\/wp-content\/uploads\/2021\/02\/146727470_1248036805592172_3368428459914820368_n-1024x711.jpg\" alt=\"\" width=\"696\" height=\"483\" srcset=\"https:\/\/aga.so\/so\/wp-content\/uploads\/2021\/02\/146727470_1248036805592172_3368428459914820368_n-1024x711.jpg 1024w, https:\/\/aga.so\/so\/wp-content\/uploads\/2021\/02\/146727470_1248036805592172_3368428459914820368_n-300x208.jpg 300w, https:\/\/aga.so\/so\/wp-content\/uploads\/2021\/02\/146727470_1248036805592172_3368428459914820368_n-768x534.jpg 768w, https:\/\/aga.so\/so\/wp-content\/uploads\/2021\/02\/146727470_1248036805592172_3368428459914820368_n-150x104.jpg 150w, https:\/\/aga.so\/so\/wp-content\/uploads\/2021\/02\/146727470_1248036805592172_3368428459914820368_n-218x150.jpg 218w, https:\/\/aga.so\/so\/wp-content\/uploads\/2021\/02\/146727470_1248036805592172_3368428459914820368_n-600x417.jpg 600w, https:\/\/aga.so\/so\/wp-content\/uploads\/2021\/02\/146727470_1248036805592172_3368428459914820368_n-696x484.jpg 696w, https:\/\/aga.so\/so\/wp-content\/uploads\/2021\/02\/146727470_1248036805592172_3368428459914820368_n-1068x742.jpg 1068w, https:\/\/aga.so\/so\/wp-content\/uploads\/2021\/02\/146727470_1248036805592172_3368428459914820368_n-605x420.jpg 605w, https:\/\/aga.so\/so\/wp-content\/uploads\/2021\/02\/146727470_1248036805592172_3368428459914820368_n-1209x840.jpg 1209w, https:\/\/aga.so\/so\/wp-content\/uploads\/2021\/02\/146727470_1248036805592172_3368428459914820368_n-100x70.jpg 100w, https:\/\/aga.so\/so\/wp-content\/uploads\/2021\/02\/146727470_1248036805592172_3368428459914820368_n-200x140.jpg 200w, https:\/\/aga.so\/so\/wp-content\/uploads\/2021\/02\/146727470_1248036805592172_3368428459914820368_n.jpg 1284w\" sizes=\"(max-width: 696px) 100vw, 696px\" \/> <img decoding=\"async\" loading=\"lazy\" class=\"alignnone size-large wp-image-4753\" src=\"https:\/\/aga.so\/so\/wp-content\/uploads\/2021\/02\/146458279_325622728840785_1276019465734959960_n-683x1024.jpg\" alt=\"\" width=\"683\" height=\"1024\" srcset=\"https:\/\/aga.so\/so\/wp-content\/uploads\/2021\/02\/146458279_325622728840785_1276019465734959960_n-683x1024.jpg 683w, https:\/\/aga.so\/so\/wp-content\/uploads\/2021\/02\/146458279_325622728840785_1276019465734959960_n-200x300.jpg 200w, https:\/\/aga.so\/so\/wp-content\/uploads\/2021\/02\/146458279_325622728840785_1276019465734959960_n-150x225.jpg 150w, https:\/\/aga.so\/so\/wp-content\/uploads\/2021\/02\/146458279_325622728840785_1276019465734959960_n-300x450.jpg 300w, https:\/\/aga.so\/so\/wp-content\/uploads\/2021\/02\/146458279_325622728840785_1276019465734959960_n-600x900.jpg 600w, https:\/\/aga.so\/so\/wp-content\/uploads\/2021\/02\/146458279_325622728840785_1276019465734959960_n-696x1044.jpg 696w, https:\/\/aga.so\/so\/wp-content\/uploads\/2021\/02\/146458279_325622728840785_1276019465734959960_n-280x420.jpg 280w, https:\/\/aga.so\/so\/wp-content\/uploads\/2021\/02\/146458279_325622728840785_1276019465734959960_n-560x840.jpg 560w, https:\/\/aga.so\/so\/wp-content\/uploads\/2021\/02\/146458279_325622728840785_1276019465734959960_n.jpg 720w\" sizes=\"(max-width: 683px) 100vw, 683px\" \/> <img decoding=\"async\" loading=\"lazy\" class=\"alignnone size-large wp-image-4752\" src=\"https:\/\/aga.so\/so\/wp-content\/uploads\/2021\/02\/146223686_1366910473656171_2976688108090508158_n-1024x652.jpg\" alt=\"\" width=\"696\" height=\"443\" srcset=\"https:\/\/aga.so\/so\/wp-content\/uploads\/2021\/02\/146223686_1366910473656171_2976688108090508158_n-1024x652.jpg 1024w, https:\/\/aga.so\/so\/wp-content\/uploads\/2021\/02\/146223686_1366910473656171_2976688108090508158_n-300x191.jpg 300w, https:\/\/aga.so\/so\/wp-content\/uploads\/2021\/02\/146223686_1366910473656171_2976688108090508158_n-768x489.jpg 768w, https:\/\/aga.so\/so\/wp-content\/uploads\/2021\/02\/146223686_1366910473656171_2976688108090508158_n-150x96.jpg 150w, https:\/\/aga.so\/so\/wp-content\/uploads\/2021\/02\/146223686_1366910473656171_2976688108090508158_n-600x382.jpg 600w, https:\/\/aga.so\/so\/wp-content\/uploads\/2021\/02\/146223686_1366910473656171_2976688108090508158_n-696x443.jpg 696w, https:\/\/aga.so\/so\/wp-content\/uploads\/2021\/02\/146223686_1366910473656171_2976688108090508158_n-1068x680.jpg 1068w, https:\/\/aga.so\/so\/wp-content\/uploads\/2021\/02\/146223686_1366910473656171_2976688108090508158_n-659x420.jpg 659w, https:\/\/aga.so\/so\/wp-content\/uploads\/2021\/02\/146223686_1366910473656171_2976688108090508158_n.jpg 1284w\" sizes=\"(max-width: 696px) 100vw, 696px\" \/> <img decoding=\"async\" loading=\"lazy\" class=\"alignnone size-large wp-image-4749\" src=\"https:\/\/aga.so\/so\/wp-content\/uploads\/2021\/02\/145916919_1617449161796363_1392592262897240241_n-1024x767.jpg\" alt=\"\" width=\"696\" height=\"521\" srcset=\"https:\/\/aga.so\/so\/wp-content\/uploads\/2021\/02\/145916919_1617449161796363_1392592262897240241_n-1024x767.jpg 1024w, https:\/\/aga.so\/so\/wp-content\/uploads\/2021\/02\/145916919_1617449161796363_1392592262897240241_n-300x225.jpg 300w, https:\/\/aga.so\/so\/wp-content\/uploads\/2021\/02\/145916919_1617449161796363_1392592262897240241_n-768x575.jpg 768w, https:\/\/aga.so\/so\/wp-content\/uploads\/2021\/02\/145916919_1617449161796363_1392592262897240241_n-150x112.jpg 150w, https:\/\/aga.so\/so\/wp-content\/uploads\/2021\/02\/145916919_1617449161796363_1392592262897240241_n-600x450.jpg 600w, https:\/\/aga.so\/so\/wp-content\/uploads\/2021\/02\/145916919_1617449161796363_1392592262897240241_n-696x521.jpg 696w, https:\/\/aga.so\/so\/wp-content\/uploads\/2021\/02\/145916919_1617449161796363_1392592262897240241_n-1068x800.jpg 1068w, https:\/\/aga.so\/so\/wp-content\/uploads\/2021\/02\/145916919_1617449161796363_1392592262897240241_n-561x420.jpg 561w, https:\/\/aga.so\/so\/wp-content\/uploads\/2021\/02\/145916919_1617449161796363_1392592262897240241_n-1121x840.jpg 1121w, https:\/\/aga.so\/so\/wp-content\/uploads\/2021\/02\/145916919_1617449161796363_1392592262897240241_n-80x60.jpg 80w, https:\/\/aga.so\/so\/wp-content\/uploads\/2021\/02\/145916919_1617449161796363_1392592262897240241_n-160x120.jpg 160w, https:\/\/aga.so\/so\/wp-content\/uploads\/2021\/02\/145916919_1617449161796363_1392592262897240241_n-265x198.jpg 265w, https:\/\/aga.so\/so\/wp-content\/uploads\/2021\/02\/145916919_1617449161796363_1392592262897240241_n-530x396.jpg 530w, https:\/\/aga.so\/so\/wp-content\/uploads\/2021\/02\/145916919_1617449161796363_1392592262897240241_n.jpg 1284w\" sizes=\"(max-width: 696px) 100vw, 696px\" \/> <img decoding=\"async\" loading=\"lazy\" class=\"alignnone size-large wp-image-4754\" src=\"https:\/\/aga.so\/so\/wp-content\/uploads\/2021\/02\/146478769_959014687965083_5630477063122201666_n-1024x475.jpg\" alt=\"\" width=\"696\" height=\"323\" srcset=\"https:\/\/aga.so\/so\/wp-content\/uploads\/2021\/02\/146478769_959014687965083_5630477063122201666_n-1024x475.jpg 1024w, https:\/\/aga.so\/so\/wp-content\/uploads\/2021\/02\/146478769_959014687965083_5630477063122201666_n-300x139.jpg 300w, https:\/\/aga.so\/so\/wp-content\/uploads\/2021\/02\/146478769_959014687965083_5630477063122201666_n-768x356.jpg 768w, https:\/\/aga.so\/so\/wp-content\/uploads\/2021\/02\/146478769_959014687965083_5630477063122201666_n-150x70.jpg 150w, https:\/\/aga.so\/so\/wp-content\/uploads\/2021\/02\/146478769_959014687965083_5630477063122201666_n-600x279.jpg 600w, https:\/\/aga.so\/so\/wp-content\/uploads\/2021\/02\/146478769_959014687965083_5630477063122201666_n-696x323.jpg 696w, https:\/\/aga.so\/so\/wp-content\/uploads\/2021\/02\/146478769_959014687965083_5630477063122201666_n-1068x496.jpg 1068w, https:\/\/aga.so\/so\/wp-content\/uploads\/2021\/02\/146478769_959014687965083_5630477063122201666_n-905x420.jpg 905w, https:\/\/aga.so\/so\/wp-content\/uploads\/2021\/02\/146478769_959014687965083_5630477063122201666_n.jpg 1284w\" sizes=\"(max-width: 696px) 100vw, 696px\" \/> <img decoding=\"async\" loading=\"lazy\" class=\"alignnone size-large wp-image-4750\" src=\"https:\/\/aga.so\/so\/wp-content\/uploads\/2021\/02\/145964815_282933073408140_6318644972159921434_n-1024x767.jpg\" alt=\"\" width=\"696\" height=\"521\" srcset=\"https:\/\/aga.so\/so\/wp-content\/uploads\/2021\/02\/145964815_282933073408140_6318644972159921434_n-1024x767.jpg 1024w, https:\/\/aga.so\/so\/wp-content\/uploads\/2021\/02\/145964815_282933073408140_6318644972159921434_n-300x225.jpg 300w, https:\/\/aga.so\/so\/wp-content\/uploads\/2021\/02\/145964815_282933073408140_6318644972159921434_n-768x575.jpg 768w, https:\/\/aga.so\/so\/wp-content\/uploads\/2021\/02\/145964815_282933073408140_6318644972159921434_n-150x112.jpg 150w, https:\/\/aga.so\/so\/wp-content\/uploads\/2021\/02\/145964815_282933073408140_6318644972159921434_n-600x450.jpg 600w, https:\/\/aga.so\/so\/wp-content\/uploads\/2021\/02\/145964815_282933073408140_6318644972159921434_n-696x521.jpg 696w, https:\/\/aga.so\/so\/wp-content\/uploads\/2021\/02\/145964815_282933073408140_6318644972159921434_n-1068x800.jpg 1068w, https:\/\/aga.so\/so\/wp-content\/uploads\/2021\/02\/145964815_282933073408140_6318644972159921434_n-561x420.jpg 561w, https:\/\/aga.so\/so\/wp-content\/uploads\/2021\/02\/145964815_282933073408140_6318644972159921434_n-1121x840.jpg 1121w, https:\/\/aga.so\/so\/wp-content\/uploads\/2021\/02\/145964815_282933073408140_6318644972159921434_n-80x60.jpg 80w, https:\/\/aga.so\/so\/wp-content\/uploads\/2021\/02\/145964815_282933073408140_6318644972159921434_n-160x120.jpg 160w, https:\/\/aga.so\/so\/wp-content\/uploads\/2021\/02\/145964815_282933073408140_6318644972159921434_n-265x198.jpg 265w, https:\/\/aga.so\/so\/wp-content\/uploads\/2021\/02\/145964815_282933073408140_6318644972159921434_n-530x396.jpg 530w, https:\/\/aga.so\/so\/wp-content\/uploads\/2021\/02\/145964815_282933073408140_6318644972159921434_n.jpg 1284w\" sizes=\"(max-width: 696px) 100vw, 696px\" \/><\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Guddoomiyaha Akadeemiye-Goboleedka AfSoomaaliga (AGA) Dr. Maxamed Daahir Afrax oo khudbad qiimo badan ka soo jeediyay munaasabaddii lagu maamuusayay 20-guurada dhalashada Jaamacadda Jabuuti ayaa si cilmi leh u soo bandhigay qiimaha, hodontinnimada iyo muhiimadda uu leeyahay uu Afka Soomaaliga. Dr. Maxamed Daahir Afrax ayaa ugu horeyntii sheegay inuu afka Soomaaliga yahay deeq iyo nimco uu Alle [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":1,"featured_media":4755,"comment_status":"open","ping_status":"open","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"inline_featured_image":false},"categories":[32,17,1],"tags":[],"yoast_head":"<!-- This site is optimized with the Yoast SEO plugin v20.2.1 - https:\/\/yoast.com\/wordpress\/plugins\/seo\/ -->\n<title>Guddoomiyaha AGA oo Jaamacadaha Soomaalida ugu Baaqay in ay Afka Soomaaliga ka dhigaan Afka Rasmiga ah ee Waxbarashada - Akademiye Goboleedka Af Soomaaliga AGA<\/title>\n<meta name=\"robots\" content=\"index, follow, max-snippet:-1, max-image-preview:large, max-video-preview:-1\" \/>\n<link rel=\"canonical\" href=\"https:\/\/aga.so\/so\/guddoomiyah-aga-oo-jaamacadaha-soomaalida-ugu-baaqay-in-ay-afka-soomaaliga-ka-dhigaan-afka-rasmiga-ah-ee-waxbarashada\/\" \/>\n<meta property=\"og:locale\" content=\"en_US\" \/>\n<meta property=\"og:type\" content=\"article\" \/>\n<meta property=\"og:title\" content=\"Guddoomiyaha AGA oo Jaamacadaha Soomaalida ugu Baaqay in ay Afka Soomaaliga ka dhigaan Afka Rasmiga ah ee Waxbarashada - Akademiye Goboleedka Af Soomaaliga AGA\" \/>\n<meta property=\"og:description\" content=\"Guddoomiyaha Akadeemiye-Goboleedka AfSoomaaliga (AGA) Dr. Maxamed Daahir Afrax oo khudbad qiimo badan ka soo jeediyay munaasabaddii lagu maamuusayay 20-guurada dhalashada Jaamacadda Jabuuti ayaa si cilmi leh u soo bandhigay qiimaha, hodontinnimada iyo muhiimadda uu leeyahay uu Afka Soomaaliga. Dr. Maxamed Daahir Afrax ayaa ugu horeyntii sheegay inuu afka Soomaaliga yahay deeq iyo nimco uu Alle [&hellip;]\" \/>\n<meta property=\"og:url\" content=\"https:\/\/aga.so\/so\/guddoomiyah-aga-oo-jaamacadaha-soomaalida-ugu-baaqay-in-ay-afka-soomaaliga-ka-dhigaan-afka-rasmiga-ah-ee-waxbarashada\/\" \/>\n<meta property=\"og:site_name\" content=\"Akademiye Goboleedka Af Soomaaliga AGA\" \/>\n<meta property=\"article:published_time\" content=\"2021-02-08T16:21:02+00:00\" \/>\n<meta property=\"article:modified_time\" content=\"2021-02-08T17:07:09+00:00\" \/>\n<meta property=\"og:image\" content=\"https:\/\/aga.so\/so\/wp-content\/uploads\/2021\/02\/146637554_228393248958232_6452989620557944255_n.jpg\" \/>\n\t<meta property=\"og:image:width\" content=\"1284\" \/>\n\t<meta property=\"og:image:height\" content=\"856\" \/>\n\t<meta property=\"og:image:type\" content=\"image\/jpeg\" \/>\n<meta name=\"author\" content=\"hgb\" \/>\n<meta name=\"twitter:card\" content=\"summary_large_image\" \/>\n<meta name=\"twitter:label1\" content=\"Written by\" \/>\n\t<meta name=\"twitter:data1\" content=\"hgb\" \/>\n\t<meta name=\"twitter:label2\" content=\"Est. reading time\" \/>\n\t<meta name=\"twitter:data2\" content=\"3 minutes\" \/>\n<script type=\"application\/ld+json\" class=\"yoast-schema-graph\">{\"@context\":\"https:\/\/schema.org\",\"@graph\":[{\"@type\":\"Article\",\"@id\":\"https:\/\/aga.so\/so\/guddoomiyah-aga-oo-jaamacadaha-soomaalida-ugu-baaqay-in-ay-afka-soomaaliga-ka-dhigaan-afka-rasmiga-ah-ee-waxbarashada\/#article\",\"isPartOf\":{\"@id\":\"https:\/\/aga.so\/so\/guddoomiyah-aga-oo-jaamacadaha-soomaalida-ugu-baaqay-in-ay-afka-soomaaliga-ka-dhigaan-afka-rasmiga-ah-ee-waxbarashada\/\"},\"author\":{\"name\":\"hgb\",\"@id\":\"https:\/\/aga.so\/so\/#\/schema\/person\/c89f24807531a9b3d9df95d848134d50\"},\"headline\":\"Guddoomiyaha AGA oo Jaamacadaha Soomaalida ugu Baaqay in ay Afka Soomaaliga ka dhigaan Afka Rasmiga ah ee Waxbarashada\",\"datePublished\":\"2021-02-08T16:21:02+00:00\",\"dateModified\":\"2021-02-08T17:07:09+00:00\",\"mainEntityOfPage\":{\"@id\":\"https:\/\/aga.so\/so\/guddoomiyah-aga-oo-jaamacadaha-soomaalida-ugu-baaqay-in-ay-afka-soomaaliga-ka-dhigaan-afka-rasmiga-ah-ee-waxbarashada\/\"},\"wordCount\":617,\"commentCount\":0,\"publisher\":{\"@id\":\"https:\/\/aga.so\/so\/#organization\"},\"articleSection\":[\"Dhacdooyin Cusub\",\"Featured\",\"Wararka AGA\"],\"inLanguage\":\"en-US\",\"potentialAction\":[{\"@type\":\"CommentAction\",\"name\":\"Comment\",\"target\":[\"https:\/\/aga.so\/so\/guddoomiyah-aga-oo-jaamacadaha-soomaalida-ugu-baaqay-in-ay-afka-soomaaliga-ka-dhigaan-afka-rasmiga-ah-ee-waxbarashada\/#respond\"]}]},{\"@type\":\"WebPage\",\"@id\":\"https:\/\/aga.so\/so\/guddoomiyah-aga-oo-jaamacadaha-soomaalida-ugu-baaqay-in-ay-afka-soomaaliga-ka-dhigaan-afka-rasmiga-ah-ee-waxbarashada\/\",\"url\":\"https:\/\/aga.so\/so\/guddoomiyah-aga-oo-jaamacadaha-soomaalida-ugu-baaqay-in-ay-afka-soomaaliga-ka-dhigaan-afka-rasmiga-ah-ee-waxbarashada\/\",\"name\":\"Guddoomiyaha AGA oo Jaamacadaha Soomaalida ugu Baaqay in ay Afka Soomaaliga ka dhigaan Afka Rasmiga ah ee Waxbarashada - Akademiye Goboleedka Af Soomaaliga AGA\",\"isPartOf\":{\"@id\":\"https:\/\/aga.so\/so\/#website\"},\"datePublished\":\"2021-02-08T16:21:02+00:00\",\"dateModified\":\"2021-02-08T17:07:09+00:00\",\"breadcrumb\":{\"@id\":\"https:\/\/aga.so\/so\/guddoomiyah-aga-oo-jaamacadaha-soomaalida-ugu-baaqay-in-ay-afka-soomaaliga-ka-dhigaan-afka-rasmiga-ah-ee-waxbarashada\/#breadcrumb\"},\"inLanguage\":\"en-US\",\"potentialAction\":[{\"@type\":\"ReadAction\",\"target\":[\"https:\/\/aga.so\/so\/guddoomiyah-aga-oo-jaamacadaha-soomaalida-ugu-baaqay-in-ay-afka-soomaaliga-ka-dhigaan-afka-rasmiga-ah-ee-waxbarashada\/\"]}]},{\"@type\":\"BreadcrumbList\",\"@id\":\"https:\/\/aga.so\/so\/guddoomiyah-aga-oo-jaamacadaha-soomaalida-ugu-baaqay-in-ay-afka-soomaaliga-ka-dhigaan-afka-rasmiga-ah-ee-waxbarashada\/#breadcrumb\",\"itemListElement\":[{\"@type\":\"ListItem\",\"position\":1,\"name\":\"Home\",\"item\":\"https:\/\/aga.so\/so\/\"},{\"@type\":\"ListItem\",\"position\":2,\"name\":\"Guddoomiyaha AGA oo Jaamacadaha Soomaalida ugu Baaqay in ay Afka Soomaaliga ka dhigaan Afka Rasmiga ah ee Waxbarashada\"}]},{\"@type\":\"WebSite\",\"@id\":\"https:\/\/aga.so\/so\/#website\",\"url\":\"https:\/\/aga.so\/so\/\",\"name\":\"Akademiye Goboleedka Af Soomaaliga AGA\",\"description\":\"\",\"publisher\":{\"@id\":\"https:\/\/aga.so\/so\/#organization\"},\"potentialAction\":[{\"@type\":\"SearchAction\",\"target\":{\"@type\":\"EntryPoint\",\"urlTemplate\":\"https:\/\/aga.so\/so\/?s={search_term_string}\"},\"query-input\":\"required name=search_term_string\"}],\"inLanguage\":\"en-US\"},{\"@type\":\"Organization\",\"@id\":\"https:\/\/aga.so\/so\/#organization\",\"name\":\"AGA - Akadeemiya Goboleedka AfSoomaaliga\",\"url\":\"https:\/\/aga.so\/so\/\",\"logo\":{\"@type\":\"ImageObject\",\"inLanguage\":\"en-US\",\"@id\":\"https:\/\/aga.so\/so\/#\/schema\/logo\/image\/\",\"url\":\"https:\/\/aga.so\/so\/wp-content\/uploads\/2020\/10\/favicon-2.png\",\"contentUrl\":\"https:\/\/aga.so\/so\/wp-content\/uploads\/2020\/10\/favicon-2.png\",\"width\":162,\"height\":83,\"caption\":\"AGA - Akadeemiya Goboleedka AfSoomaaliga\"},\"image\":{\"@id\":\"https:\/\/aga.so\/so\/#\/schema\/logo\/image\/\"}},{\"@type\":\"Person\",\"@id\":\"https:\/\/aga.so\/so\/#\/schema\/person\/c89f24807531a9b3d9df95d848134d50\",\"name\":\"hgb\",\"image\":{\"@type\":\"ImageObject\",\"inLanguage\":\"en-US\",\"@id\":\"https:\/\/aga.so\/so\/#\/schema\/person\/image\/\",\"url\":\"https:\/\/secure.gravatar.com\/avatar\/9cc2fe393829a669530037fc59abb837?s=96&d=mm&r=g\",\"contentUrl\":\"https:\/\/secure.gravatar.com\/avatar\/9cc2fe393829a669530037fc59abb837?s=96&d=mm&r=g\",\"caption\":\"hgb\"},\"url\":\"https:\/\/aga.so\/so\/author\/hgb\/\"}]}<\/script>\n<!-- \/ Yoast SEO plugin. -->","yoast_head_json":{"title":"Guddoomiyaha AGA oo Jaamacadaha Soomaalida ugu Baaqay in ay Afka Soomaaliga ka dhigaan Afka Rasmiga ah ee Waxbarashada - Akademiye Goboleedka Af Soomaaliga AGA","robots":{"index":"index","follow":"follow","max-snippet":"max-snippet:-1","max-image-preview":"max-image-preview:large","max-video-preview":"max-video-preview:-1"},"canonical":"https:\/\/aga.so\/so\/guddoomiyah-aga-oo-jaamacadaha-soomaalida-ugu-baaqay-in-ay-afka-soomaaliga-ka-dhigaan-afka-rasmiga-ah-ee-waxbarashada\/","og_locale":"en_US","og_type":"article","og_title":"Guddoomiyaha AGA oo Jaamacadaha Soomaalida ugu Baaqay in ay Afka Soomaaliga ka dhigaan Afka Rasmiga ah ee Waxbarashada - Akademiye Goboleedka Af Soomaaliga AGA","og_description":"Guddoomiyaha Akadeemiye-Goboleedka AfSoomaaliga (AGA) Dr. Maxamed Daahir Afrax oo khudbad qiimo badan ka soo jeediyay munaasabaddii lagu maamuusayay 20-guurada dhalashada Jaamacadda Jabuuti ayaa si cilmi leh u soo bandhigay qiimaha, hodontinnimada iyo muhiimadda uu leeyahay uu Afka Soomaaliga. Dr. Maxamed Daahir Afrax ayaa ugu horeyntii sheegay inuu afka Soomaaliga yahay deeq iyo nimco uu Alle [&hellip;]","og_url":"https:\/\/aga.so\/so\/guddoomiyah-aga-oo-jaamacadaha-soomaalida-ugu-baaqay-in-ay-afka-soomaaliga-ka-dhigaan-afka-rasmiga-ah-ee-waxbarashada\/","og_site_name":"Akademiye Goboleedka Af Soomaaliga AGA","article_published_time":"2021-02-08T16:21:02+00:00","article_modified_time":"2021-02-08T17:07:09+00:00","og_image":[{"width":1284,"height":856,"url":"https:\/\/aga.so\/so\/wp-content\/uploads\/2021\/02\/146637554_228393248958232_6452989620557944255_n.jpg","type":"image\/jpeg"}],"author":"hgb","twitter_card":"summary_large_image","twitter_misc":{"Written by":"hgb","Est. reading time":"3 minutes"},"schema":{"@context":"https:\/\/schema.org","@graph":[{"@type":"Article","@id":"https:\/\/aga.so\/so\/guddoomiyah-aga-oo-jaamacadaha-soomaalida-ugu-baaqay-in-ay-afka-soomaaliga-ka-dhigaan-afka-rasmiga-ah-ee-waxbarashada\/#article","isPartOf":{"@id":"https:\/\/aga.so\/so\/guddoomiyah-aga-oo-jaamacadaha-soomaalida-ugu-baaqay-in-ay-afka-soomaaliga-ka-dhigaan-afka-rasmiga-ah-ee-waxbarashada\/"},"author":{"name":"hgb","@id":"https:\/\/aga.so\/so\/#\/schema\/person\/c89f24807531a9b3d9df95d848134d50"},"headline":"Guddoomiyaha AGA oo Jaamacadaha Soomaalida ugu Baaqay in ay Afka Soomaaliga ka dhigaan Afka Rasmiga ah ee Waxbarashada","datePublished":"2021-02-08T16:21:02+00:00","dateModified":"2021-02-08T17:07:09+00:00","mainEntityOfPage":{"@id":"https:\/\/aga.so\/so\/guddoomiyah-aga-oo-jaamacadaha-soomaalida-ugu-baaqay-in-ay-afka-soomaaliga-ka-dhigaan-afka-rasmiga-ah-ee-waxbarashada\/"},"wordCount":617,"commentCount":0,"publisher":{"@id":"https:\/\/aga.so\/so\/#organization"},"articleSection":["Dhacdooyin Cusub","Featured","Wararka AGA"],"inLanguage":"en-US","potentialAction":[{"@type":"CommentAction","name":"Comment","target":["https:\/\/aga.so\/so\/guddoomiyah-aga-oo-jaamacadaha-soomaalida-ugu-baaqay-in-ay-afka-soomaaliga-ka-dhigaan-afka-rasmiga-ah-ee-waxbarashada\/#respond"]}]},{"@type":"WebPage","@id":"https:\/\/aga.so\/so\/guddoomiyah-aga-oo-jaamacadaha-soomaalida-ugu-baaqay-in-ay-afka-soomaaliga-ka-dhigaan-afka-rasmiga-ah-ee-waxbarashada\/","url":"https:\/\/aga.so\/so\/guddoomiyah-aga-oo-jaamacadaha-soomaalida-ugu-baaqay-in-ay-afka-soomaaliga-ka-dhigaan-afka-rasmiga-ah-ee-waxbarashada\/","name":"Guddoomiyaha AGA oo Jaamacadaha Soomaalida ugu Baaqay in ay Afka Soomaaliga ka dhigaan Afka Rasmiga ah ee Waxbarashada - Akademiye Goboleedka Af Soomaaliga AGA","isPartOf":{"@id":"https:\/\/aga.so\/so\/#website"},"datePublished":"2021-02-08T16:21:02+00:00","dateModified":"2021-02-08T17:07:09+00:00","breadcrumb":{"@id":"https:\/\/aga.so\/so\/guddoomiyah-aga-oo-jaamacadaha-soomaalida-ugu-baaqay-in-ay-afka-soomaaliga-ka-dhigaan-afka-rasmiga-ah-ee-waxbarashada\/#breadcrumb"},"inLanguage":"en-US","potentialAction":[{"@type":"ReadAction","target":["https:\/\/aga.so\/so\/guddoomiyah-aga-oo-jaamacadaha-soomaalida-ugu-baaqay-in-ay-afka-soomaaliga-ka-dhigaan-afka-rasmiga-ah-ee-waxbarashada\/"]}]},{"@type":"BreadcrumbList","@id":"https:\/\/aga.so\/so\/guddoomiyah-aga-oo-jaamacadaha-soomaalida-ugu-baaqay-in-ay-afka-soomaaliga-ka-dhigaan-afka-rasmiga-ah-ee-waxbarashada\/#breadcrumb","itemListElement":[{"@type":"ListItem","position":1,"name":"Home","item":"https:\/\/aga.so\/so\/"},{"@type":"ListItem","position":2,"name":"Guddoomiyaha AGA oo Jaamacadaha Soomaalida ugu Baaqay in ay Afka Soomaaliga ka dhigaan Afka Rasmiga ah ee Waxbarashada"}]},{"@type":"WebSite","@id":"https:\/\/aga.so\/so\/#website","url":"https:\/\/aga.so\/so\/","name":"Akademiye Goboleedka Af Soomaaliga AGA","description":"","publisher":{"@id":"https:\/\/aga.so\/so\/#organization"},"potentialAction":[{"@type":"SearchAction","target":{"@type":"EntryPoint","urlTemplate":"https:\/\/aga.so\/so\/?s={search_term_string}"},"query-input":"required name=search_term_string"}],"inLanguage":"en-US"},{"@type":"Organization","@id":"https:\/\/aga.so\/so\/#organization","name":"AGA - Akadeemiya Goboleedka AfSoomaaliga","url":"https:\/\/aga.so\/so\/","logo":{"@type":"ImageObject","inLanguage":"en-US","@id":"https:\/\/aga.so\/so\/#\/schema\/logo\/image\/","url":"https:\/\/aga.so\/so\/wp-content\/uploads\/2020\/10\/favicon-2.png","contentUrl":"https:\/\/aga.so\/so\/wp-content\/uploads\/2020\/10\/favicon-2.png","width":162,"height":83,"caption":"AGA - Akadeemiya Goboleedka AfSoomaaliga"},"image":{"@id":"https:\/\/aga.so\/so\/#\/schema\/logo\/image\/"}},{"@type":"Person","@id":"https:\/\/aga.so\/so\/#\/schema\/person\/c89f24807531a9b3d9df95d848134d50","name":"hgb","image":{"@type":"ImageObject","inLanguage":"en-US","@id":"https:\/\/aga.so\/so\/#\/schema\/person\/image\/","url":"https:\/\/secure.gravatar.com\/avatar\/9cc2fe393829a669530037fc59abb837?s=96&d=mm&r=g","contentUrl":"https:\/\/secure.gravatar.com\/avatar\/9cc2fe393829a669530037fc59abb837?s=96&d=mm&r=g","caption":"hgb"},"url":"https:\/\/aga.so\/so\/author\/hgb\/"}]}},"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/aga.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/4748"}],"collection":[{"href":"https:\/\/aga.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/aga.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/aga.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/users\/1"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/aga.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=4748"}],"version-history":[{"count":7,"href":"https:\/\/aga.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/4748\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":4766,"href":"https:\/\/aga.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/4748\/revisions\/4766"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/aga.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media\/4755"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/aga.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=4748"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/aga.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=4748"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/aga.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=4748"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}