{"id":4669,"date":"2021-01-25T16:29:06","date_gmt":"2021-01-25T13:29:06","guid":{"rendered":"https:\/\/aga.so\/so\/?p=4669"},"modified":"2021-01-25T16:38:20","modified_gmt":"2021-01-25T13:38:20","slug":"muhiimadda-af-soomaaliga-iyo-halgankii-loo-soo-galay","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/aga.so\/so\/muhiimadda-af-soomaaliga-iyo-halgankii-loo-soo-galay\/","title":{"rendered":"Muhiimadda Af-Soomaaliga iyo Halgankii loo soo galay"},"content":{"rendered":"<h4>Sida aan la wada socono qoraalka Afka Soomaaliga waxa uu soo maray maraaxil kala duwan. Laga soo bilaabo 1949kii, waxaa jiray iskudayo badan oo la rabay in lagu rasmiyeeyo qoraalka Afka Soomaaliga, balse midkii lagu rasmiyeeyey, oo lagu hirgeliyey, waxaa ku guuleystay Golihii Sare ee Kacaanka, 21kii Janaayo 1972kii.<\/h4>\n<h4>Dowladdii kacaanka ee xukunka Dalka qabsatay 21kii Oktoobar 1969, waxyaabihii ay ballan qaadday waxaa ka mid ahaa qoraalka Af-Soomaaliga.\u00a0Hadaba dowladdii kacaanka iyadoo ka duuleyso ballan-qaadkeedii ahaa qoraalka af Soomaaliga, waxay magacawday, 21kii janaayo 1971kii , guddi ka kooban 23 xubnood oo loo bixiyey \u201c Guddiga Qoridda Af-Soomaaliga\u201d.<\/h4>\n<h4><strong>Magacyada Guddiga<\/strong><br \/>\n1-Shariif Saalax Maxmed Cali (Guddoomiye)<br \/>\n2-Muuse xaaji Ismaaciil Galaal. (Xubin)<br \/>\n3-Yaasiin Cismaan Keenadiid<br \/>\n4-Sheekh Ibraahim Xaashi Maxamuud<br \/>\n5-Cabduraxmaan Nuur Xirsi<br \/>\n6-Sheekh Jaamac Cumar Ciise<br \/>\n7-Mustafe Sheekh Xasan Cilmi<br \/>\n8-Maxamed Sheekh Xuseen \u201c Sheeka-xariir\u201d<br \/>\n9-Xuseen Sheekh Axmed \u201c Kadare\u201d<br \/>\n10- Cabdullaahi Xaaji Maxamuud \u201c Insaaniya\u2019<br \/>\n11- Xirsi Magan Ciise<br \/>\n12- Axmed Cartan Xaange<br \/>\n13- Iikar Baana Xaddaad<br \/>\n14- Cabdullaahi Ardeeye<br \/>\n15- Cabdi Daahir Afeey<br \/>\n16- Maxamed Xasan Aadan \u201c Gahayr\u201d<br \/>\n17- Dr. yuusuf Xirsi Axmed<br \/>\n18- Dahabo Faarax Xasan<br \/>\n19- Cabdullaahi Xaaji Abuubakar<br \/>\n20- Maxamed Nuur Caalin<br \/>\n21- Maxamed Shire Maxamed \u201cGaab\u201d<br \/>\n22- Axamed Cali Abokor<br \/>\n23- Cumar Aw Nuux<\/h4>\n<h4>Guddiga waxaa loo xilsaaray Mas\u2019uuliyaddan soo socota:<br \/>\n&#8211; Inuu dejiyo buugaagta Dugsiyada Hoose ee Dalka;<br \/>\n&#8211; Inuu dejio buug Naxwaha afsoomaaliga ah;<br \/>\n&#8211; Inuu dejiyo qaamuus Soomaali- Soomaali ah.<\/h4>\n<h4>Guddigan wuxuu lahaa guddi-hoosaadyo, sida : Kan Qaamuuska, Midka Taariikhda &amp; Juqraafiga, kan Cilmiga Sayniska, kan diyaarinta Buugaagta dugsiyada iyo kan Naxwaha.<br \/>\n<strong>Guddi-hoosaadka Qaamuuska<\/strong> waxaa ka mid ahaa:<br \/>\n1-Shariif Saalax Maxamed Cali<br \/>\n2-Yaasiin Cismaan Keenadiid<br \/>\n3-Xuseen Sheekh Axmed \u201c Kadare\u201d<\/h4>\n<h4><strong>Guddi-hoosaadka Taariikhda &amp; Juqraafiga<\/strong> wuxuu ka koobnaa:<br \/>\n1-Sheekh Jaamac Cumar Ciise<br \/>\n2-Axmed Cali Abokor<br \/>\n3-Cabdullaahi Xaaji Abuubakar, iyo<br \/>\n4-Cumar Aw Nuux<\/h4>\n<h4><strong>Guddi-hoosaadka xisaabta &amp; Culuumta<\/strong> waxay ka koobnaayeen:<br \/>\n1-Maxamed Xasan Aadan \u201cGahayr\u201d<br \/>\n2-Maxamed Nuur Caalin<\/h4>\n<h4><strong>Guddi-hoosaadka Naxwaha &amp; diyaarinta buugaagta Dugsiyada,<\/strong> waxaa ku qaybsanaa dhammaan xubnaha guddigu ka koobnaa.\u00a0Xubnaha Guddiga Qoridda Af-Soomaaliga waxaa ku jiray xubno ka mid ahaan jiray guddiyadii ay xukuumadihii hore ay magacaabi jireen, laga bilaabo 1961kii, waxaana ka mid ahaa xubnahaas:<br \/>\n1-Yaasiin Cismaan Keenadiid<br \/>\n2-Muuse Ismaaciil Galaal<br \/>\n3-Cabdullaahi Xaaji \u201c Insaaniya\u201d<br \/>\n4-Xuseen Sheekh Axmed \u201c kadare\u201d iyo<br \/>\n6-Mustafe Sheekh Xasan.<\/h4>\n<h4>Xubnaha guddigu waxay u badnaayeen kuwa toos ugu tirsan Wasaaradda Waxbarashada, qaarna waxay madax ka ahaayeen, hay\u2019addo hoos yimaada Wasaaradda, sida: Mudane Shariif Saalax Maxamed Cali oo waagaas ahaa Guddoomiyihii Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed (JUS), sharcigii lagu dhisay, oo jaamacad u dallacsiiyey, ay meel-mariyeen Golihii Sare ee Kacaanka, bishii Diiseembar 1969kii, isagoon weli laba bilood jirsan.<\/h4>\n<h4>Hadaba, Af-Soomaaliga maanta waxa uu marayaa meel khatar ku ah jiritaankiisa, maadaama muddo badan oo aan burbur iyo qaran-jab ku jirnay ay na soo martay, oo afka Soomaaliga, uu ula siman yahay sida ay u burbureen dhammaan wax allaale iyo wixii aan haysanay. Waxaan u baahan nahay inaan u istaagno badbaadinta afkeenna Soomaaliga ah si aynaan u noqon ummad dhaqan guurta, waayo afku waa mid midka xanbaara ilbaxnimada , aqoonta iyo dhaqanka ay ummad leedahay.<\/h4>\n<h4>Badbaadinta af Soomaaliga waxay si gaar ah mas\u2019uuliyad ugu saaran tahay hay\u2019adaha Dowladda oo ay ugu horreeyaan <strong>Wasaaradda Waxbarashada, Akadeemiye-Goboleedka AfSoomaaliga (AGA) iyo Akadeemiyada Cilmiga, Fanka iyo Suugaanta.<\/strong> Waa muhiim hay\u2019adahaas aan soo sheegay inay hormuud ka noqdaan ilaalinta, meelmarinta iyo hirgelinta afka si uu ula tartamo afafka caalamiga ah ee dunida ka jira.<\/h4>\n<h4>Waxaa sidoo kale muhiim ah in dhammaan hay\u2019adaha Dowladda, ay af-Soomaaligu u adeegsadaan xafiisyada, oo qasab laga dhigo adeegsigiisa, waayo waxaad arkeysaa in xafiisyadii dowladda ee la rabay inay hormuud ka noqdaan hirgellinta afka, in ay iyagiiba adeegsan, oo taa beddelkeed ay luuqado qalaad u isticmaalaan shaqo maalmeedkooda sida : Emailada iyo qoraalada kale ee la isku diro.<\/h4>\n<h4>Ugu danbeyn ilaalinta iyo horumarinta afkeenna waa mas\u2019uuliyad wadareed, oo looga baahan yahay qof kasta oo Soomaali ah meel walboo dunida ka joogo.<br \/>\n<strong>W\/Q: Maxamed Cabdullaahi Cabdiraxmaan<\/strong><\/h4>\n<p><img decoding=\"async\" loading=\"lazy\" class=\"alignnone size-full wp-image-4670\" src=\"https:\/\/aga.so\/so\/wp-content\/uploads\/2021\/01\/45443426_757246344623792_5730510194283118592_n.jpg\" alt=\"\" width=\"610\" height=\"617\" srcset=\"https:\/\/aga.so\/so\/wp-content\/uploads\/2021\/01\/45443426_757246344623792_5730510194283118592_n.jpg 610w, https:\/\/aga.so\/so\/wp-content\/uploads\/2021\/01\/45443426_757246344623792_5730510194283118592_n-297x300.jpg 297w, https:\/\/aga.so\/so\/wp-content\/uploads\/2021\/01\/45443426_757246344623792_5730510194283118592_n-150x152.jpg 150w, https:\/\/aga.so\/so\/wp-content\/uploads\/2021\/01\/45443426_757246344623792_5730510194283118592_n-300x303.jpg 300w, https:\/\/aga.so\/so\/wp-content\/uploads\/2021\/01\/45443426_757246344623792_5730510194283118592_n-600x607.jpg 600w, https:\/\/aga.so\/so\/wp-content\/uploads\/2021\/01\/45443426_757246344623792_5730510194283118592_n-415x420.jpg 415w\" sizes=\"(max-width: 610px) 100vw, 610px\" \/><\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Sida aan la wada socono qoraalka Afka Soomaaliga waxa uu soo maray maraaxil kala duwan. Laga soo bilaabo 1949kii, waxaa jiray iskudayo badan oo la rabay in lagu rasmiyeeyo qoraalka Afka Soomaaliga, balse midkii lagu rasmiyeeyey, oo lagu hirgeliyey, waxaa ku guuleystay Golihii Sare ee Kacaanka, 21kii Janaayo 1972kii. Dowladdii kacaanka ee xukunka Dalka qabsatay [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":1,"featured_media":4670,"comment_status":"open","ping_status":"open","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"inline_featured_image":false},"categories":[32,17,24],"tags":[],"yoast_head":"<!-- This site is optimized with the Yoast SEO plugin v20.2.1 - https:\/\/yoast.com\/wordpress\/plugins\/seo\/ -->\n<title>Muhiimadda Af-Soomaaliga iyo Halgankii loo soo galay - Akademiye Goboleedka Af Soomaaliga AGA<\/title>\n<meta name=\"robots\" content=\"index, follow, max-snippet:-1, max-image-preview:large, max-video-preview:-1\" \/>\n<link rel=\"canonical\" href=\"https:\/\/aga.so\/so\/muhiimadda-af-soomaaliga-iyo-halgankii-loo-soo-galay\/\" \/>\n<meta property=\"og:locale\" content=\"en_US\" \/>\n<meta property=\"og:type\" content=\"article\" \/>\n<meta property=\"og:title\" content=\"Muhiimadda Af-Soomaaliga iyo Halgankii loo soo galay - Akademiye Goboleedka Af Soomaaliga AGA\" \/>\n<meta property=\"og:description\" content=\"Sida aan la wada socono qoraalka Afka Soomaaliga waxa uu soo maray maraaxil kala duwan. Laga soo bilaabo 1949kii, waxaa jiray iskudayo badan oo la rabay in lagu rasmiyeeyo qoraalka Afka Soomaaliga, balse midkii lagu rasmiyeeyey, oo lagu hirgeliyey, waxaa ku guuleystay Golihii Sare ee Kacaanka, 21kii Janaayo 1972kii. Dowladdii kacaanka ee xukunka Dalka qabsatay [&hellip;]\" \/>\n<meta property=\"og:url\" content=\"https:\/\/aga.so\/so\/muhiimadda-af-soomaaliga-iyo-halgankii-loo-soo-galay\/\" \/>\n<meta property=\"og:site_name\" content=\"Akademiye Goboleedka Af Soomaaliga AGA\" \/>\n<meta property=\"article:published_time\" content=\"2021-01-25T13:29:06+00:00\" \/>\n<meta property=\"article:modified_time\" content=\"2021-01-25T13:38:20+00:00\" \/>\n<meta property=\"og:image\" content=\"https:\/\/aga.so\/so\/wp-content\/uploads\/2021\/01\/45443426_757246344623792_5730510194283118592_n.jpg\" \/>\n\t<meta property=\"og:image:width\" content=\"610\" \/>\n\t<meta property=\"og:image:height\" content=\"617\" \/>\n\t<meta property=\"og:image:type\" content=\"image\/jpeg\" \/>\n<meta name=\"author\" content=\"hgb\" \/>\n<meta name=\"twitter:card\" content=\"summary_large_image\" \/>\n<meta name=\"twitter:label1\" content=\"Written by\" \/>\n\t<meta name=\"twitter:data1\" content=\"hgb\" \/>\n\t<meta name=\"twitter:label2\" content=\"Est. reading time\" \/>\n\t<meta name=\"twitter:data2\" content=\"3 minutes\" \/>\n<script type=\"application\/ld+json\" class=\"yoast-schema-graph\">{\"@context\":\"https:\/\/schema.org\",\"@graph\":[{\"@type\":\"Article\",\"@id\":\"https:\/\/aga.so\/so\/muhiimadda-af-soomaaliga-iyo-halgankii-loo-soo-galay\/#article\",\"isPartOf\":{\"@id\":\"https:\/\/aga.so\/so\/muhiimadda-af-soomaaliga-iyo-halgankii-loo-soo-galay\/\"},\"author\":{\"name\":\"hgb\",\"@id\":\"https:\/\/aga.so\/so\/#\/schema\/person\/c89f24807531a9b3d9df95d848134d50\"},\"headline\":\"Muhiimadda Af-Soomaaliga iyo Halgankii loo soo galay\",\"datePublished\":\"2021-01-25T13:29:06+00:00\",\"dateModified\":\"2021-01-25T13:38:20+00:00\",\"mainEntityOfPage\":{\"@id\":\"https:\/\/aga.so\/so\/muhiimadda-af-soomaaliga-iyo-halgankii-loo-soo-galay\/\"},\"wordCount\":632,\"commentCount\":0,\"publisher\":{\"@id\":\"https:\/\/aga.so\/so\/#organization\"},\"articleSection\":[\"Dhacdooyin Cusub\",\"Featured\",\"Xulka Maqaallada\"],\"inLanguage\":\"en-US\",\"potentialAction\":[{\"@type\":\"CommentAction\",\"name\":\"Comment\",\"target\":[\"https:\/\/aga.so\/so\/muhiimadda-af-soomaaliga-iyo-halgankii-loo-soo-galay\/#respond\"]}]},{\"@type\":\"WebPage\",\"@id\":\"https:\/\/aga.so\/so\/muhiimadda-af-soomaaliga-iyo-halgankii-loo-soo-galay\/\",\"url\":\"https:\/\/aga.so\/so\/muhiimadda-af-soomaaliga-iyo-halgankii-loo-soo-galay\/\",\"name\":\"Muhiimadda Af-Soomaaliga iyo Halgankii loo soo galay - Akademiye Goboleedka Af Soomaaliga AGA\",\"isPartOf\":{\"@id\":\"https:\/\/aga.so\/so\/#website\"},\"datePublished\":\"2021-01-25T13:29:06+00:00\",\"dateModified\":\"2021-01-25T13:38:20+00:00\",\"breadcrumb\":{\"@id\":\"https:\/\/aga.so\/so\/muhiimadda-af-soomaaliga-iyo-halgankii-loo-soo-galay\/#breadcrumb\"},\"inLanguage\":\"en-US\",\"potentialAction\":[{\"@type\":\"ReadAction\",\"target\":[\"https:\/\/aga.so\/so\/muhiimadda-af-soomaaliga-iyo-halgankii-loo-soo-galay\/\"]}]},{\"@type\":\"BreadcrumbList\",\"@id\":\"https:\/\/aga.so\/so\/muhiimadda-af-soomaaliga-iyo-halgankii-loo-soo-galay\/#breadcrumb\",\"itemListElement\":[{\"@type\":\"ListItem\",\"position\":1,\"name\":\"Home\",\"item\":\"https:\/\/aga.so\/so\/\"},{\"@type\":\"ListItem\",\"position\":2,\"name\":\"Muhiimadda Af-Soomaaliga iyo Halgankii loo soo galay\"}]},{\"@type\":\"WebSite\",\"@id\":\"https:\/\/aga.so\/so\/#website\",\"url\":\"https:\/\/aga.so\/so\/\",\"name\":\"Akademiye Goboleedka Af Soomaaliga AGA\",\"description\":\"\",\"publisher\":{\"@id\":\"https:\/\/aga.so\/so\/#organization\"},\"potentialAction\":[{\"@type\":\"SearchAction\",\"target\":{\"@type\":\"EntryPoint\",\"urlTemplate\":\"https:\/\/aga.so\/so\/?s={search_term_string}\"},\"query-input\":\"required name=search_term_string\"}],\"inLanguage\":\"en-US\"},{\"@type\":\"Organization\",\"@id\":\"https:\/\/aga.so\/so\/#organization\",\"name\":\"AGA - Akadeemiya Goboleedka AfSoomaaliga\",\"url\":\"https:\/\/aga.so\/so\/\",\"logo\":{\"@type\":\"ImageObject\",\"inLanguage\":\"en-US\",\"@id\":\"https:\/\/aga.so\/so\/#\/schema\/logo\/image\/\",\"url\":\"https:\/\/aga.so\/so\/wp-content\/uploads\/2020\/10\/favicon-2.png\",\"contentUrl\":\"https:\/\/aga.so\/so\/wp-content\/uploads\/2020\/10\/favicon-2.png\",\"width\":162,\"height\":83,\"caption\":\"AGA - Akadeemiya Goboleedka AfSoomaaliga\"},\"image\":{\"@id\":\"https:\/\/aga.so\/so\/#\/schema\/logo\/image\/\"}},{\"@type\":\"Person\",\"@id\":\"https:\/\/aga.so\/so\/#\/schema\/person\/c89f24807531a9b3d9df95d848134d50\",\"name\":\"hgb\",\"image\":{\"@type\":\"ImageObject\",\"inLanguage\":\"en-US\",\"@id\":\"https:\/\/aga.so\/so\/#\/schema\/person\/image\/\",\"url\":\"https:\/\/secure.gravatar.com\/avatar\/9cc2fe393829a669530037fc59abb837?s=96&d=mm&r=g\",\"contentUrl\":\"https:\/\/secure.gravatar.com\/avatar\/9cc2fe393829a669530037fc59abb837?s=96&d=mm&r=g\",\"caption\":\"hgb\"},\"url\":\"https:\/\/aga.so\/so\/author\/hgb\/\"}]}<\/script>\n<!-- \/ Yoast SEO plugin. -->","yoast_head_json":{"title":"Muhiimadda Af-Soomaaliga iyo Halgankii loo soo galay - Akademiye Goboleedka Af Soomaaliga AGA","robots":{"index":"index","follow":"follow","max-snippet":"max-snippet:-1","max-image-preview":"max-image-preview:large","max-video-preview":"max-video-preview:-1"},"canonical":"https:\/\/aga.so\/so\/muhiimadda-af-soomaaliga-iyo-halgankii-loo-soo-galay\/","og_locale":"en_US","og_type":"article","og_title":"Muhiimadda Af-Soomaaliga iyo Halgankii loo soo galay - Akademiye Goboleedka Af Soomaaliga AGA","og_description":"Sida aan la wada socono qoraalka Afka Soomaaliga waxa uu soo maray maraaxil kala duwan. Laga soo bilaabo 1949kii, waxaa jiray iskudayo badan oo la rabay in lagu rasmiyeeyo qoraalka Afka Soomaaliga, balse midkii lagu rasmiyeeyey, oo lagu hirgeliyey, waxaa ku guuleystay Golihii Sare ee Kacaanka, 21kii Janaayo 1972kii. Dowladdii kacaanka ee xukunka Dalka qabsatay [&hellip;]","og_url":"https:\/\/aga.so\/so\/muhiimadda-af-soomaaliga-iyo-halgankii-loo-soo-galay\/","og_site_name":"Akademiye Goboleedka Af Soomaaliga AGA","article_published_time":"2021-01-25T13:29:06+00:00","article_modified_time":"2021-01-25T13:38:20+00:00","og_image":[{"width":610,"height":617,"url":"https:\/\/aga.so\/so\/wp-content\/uploads\/2021\/01\/45443426_757246344623792_5730510194283118592_n.jpg","type":"image\/jpeg"}],"author":"hgb","twitter_card":"summary_large_image","twitter_misc":{"Written by":"hgb","Est. reading time":"3 minutes"},"schema":{"@context":"https:\/\/schema.org","@graph":[{"@type":"Article","@id":"https:\/\/aga.so\/so\/muhiimadda-af-soomaaliga-iyo-halgankii-loo-soo-galay\/#article","isPartOf":{"@id":"https:\/\/aga.so\/so\/muhiimadda-af-soomaaliga-iyo-halgankii-loo-soo-galay\/"},"author":{"name":"hgb","@id":"https:\/\/aga.so\/so\/#\/schema\/person\/c89f24807531a9b3d9df95d848134d50"},"headline":"Muhiimadda Af-Soomaaliga iyo Halgankii loo soo galay","datePublished":"2021-01-25T13:29:06+00:00","dateModified":"2021-01-25T13:38:20+00:00","mainEntityOfPage":{"@id":"https:\/\/aga.so\/so\/muhiimadda-af-soomaaliga-iyo-halgankii-loo-soo-galay\/"},"wordCount":632,"commentCount":0,"publisher":{"@id":"https:\/\/aga.so\/so\/#organization"},"articleSection":["Dhacdooyin Cusub","Featured","Xulka Maqaallada"],"inLanguage":"en-US","potentialAction":[{"@type":"CommentAction","name":"Comment","target":["https:\/\/aga.so\/so\/muhiimadda-af-soomaaliga-iyo-halgankii-loo-soo-galay\/#respond"]}]},{"@type":"WebPage","@id":"https:\/\/aga.so\/so\/muhiimadda-af-soomaaliga-iyo-halgankii-loo-soo-galay\/","url":"https:\/\/aga.so\/so\/muhiimadda-af-soomaaliga-iyo-halgankii-loo-soo-galay\/","name":"Muhiimadda Af-Soomaaliga iyo Halgankii loo soo galay - Akademiye Goboleedka Af Soomaaliga AGA","isPartOf":{"@id":"https:\/\/aga.so\/so\/#website"},"datePublished":"2021-01-25T13:29:06+00:00","dateModified":"2021-01-25T13:38:20+00:00","breadcrumb":{"@id":"https:\/\/aga.so\/so\/muhiimadda-af-soomaaliga-iyo-halgankii-loo-soo-galay\/#breadcrumb"},"inLanguage":"en-US","potentialAction":[{"@type":"ReadAction","target":["https:\/\/aga.so\/so\/muhiimadda-af-soomaaliga-iyo-halgankii-loo-soo-galay\/"]}]},{"@type":"BreadcrumbList","@id":"https:\/\/aga.so\/so\/muhiimadda-af-soomaaliga-iyo-halgankii-loo-soo-galay\/#breadcrumb","itemListElement":[{"@type":"ListItem","position":1,"name":"Home","item":"https:\/\/aga.so\/so\/"},{"@type":"ListItem","position":2,"name":"Muhiimadda Af-Soomaaliga iyo Halgankii loo soo galay"}]},{"@type":"WebSite","@id":"https:\/\/aga.so\/so\/#website","url":"https:\/\/aga.so\/so\/","name":"Akademiye Goboleedka Af Soomaaliga AGA","description":"","publisher":{"@id":"https:\/\/aga.so\/so\/#organization"},"potentialAction":[{"@type":"SearchAction","target":{"@type":"EntryPoint","urlTemplate":"https:\/\/aga.so\/so\/?s={search_term_string}"},"query-input":"required name=search_term_string"}],"inLanguage":"en-US"},{"@type":"Organization","@id":"https:\/\/aga.so\/so\/#organization","name":"AGA - Akadeemiya Goboleedka AfSoomaaliga","url":"https:\/\/aga.so\/so\/","logo":{"@type":"ImageObject","inLanguage":"en-US","@id":"https:\/\/aga.so\/so\/#\/schema\/logo\/image\/","url":"https:\/\/aga.so\/so\/wp-content\/uploads\/2020\/10\/favicon-2.png","contentUrl":"https:\/\/aga.so\/so\/wp-content\/uploads\/2020\/10\/favicon-2.png","width":162,"height":83,"caption":"AGA - Akadeemiya Goboleedka AfSoomaaliga"},"image":{"@id":"https:\/\/aga.so\/so\/#\/schema\/logo\/image\/"}},{"@type":"Person","@id":"https:\/\/aga.so\/so\/#\/schema\/person\/c89f24807531a9b3d9df95d848134d50","name":"hgb","image":{"@type":"ImageObject","inLanguage":"en-US","@id":"https:\/\/aga.so\/so\/#\/schema\/person\/image\/","url":"https:\/\/secure.gravatar.com\/avatar\/9cc2fe393829a669530037fc59abb837?s=96&d=mm&r=g","contentUrl":"https:\/\/secure.gravatar.com\/avatar\/9cc2fe393829a669530037fc59abb837?s=96&d=mm&r=g","caption":"hgb"},"url":"https:\/\/aga.so\/so\/author\/hgb\/"}]}},"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/aga.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/4669"}],"collection":[{"href":"https:\/\/aga.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/aga.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/aga.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/users\/1"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/aga.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=4669"}],"version-history":[{"count":4,"href":"https:\/\/aga.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/4669\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":4676,"href":"https:\/\/aga.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/4669\/revisions\/4676"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/aga.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media\/4670"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/aga.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=4669"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/aga.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=4669"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/aga.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=4669"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}