{"id":4641,"date":"2021-01-22T10:28:02","date_gmt":"2021-01-22T07:28:02","guid":{"rendered":"https:\/\/aga.so\/so\/?p=4641"},"modified":"2021-01-22T10:34:28","modified_gmt":"2021-01-22T07:34:28","slug":"wasaaradda-warfaafinta-oo-xustay-maalinta-saxaafadda-iyo-qoraalka-farta-soomaaliga","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/aga.so\/so\/wasaaradda-warfaafinta-oo-xustay-maalinta-saxaafadda-iyo-qoraalka-farta-soomaaliga\/","title":{"rendered":"Wasaaradda Warfaafinta oo Xustay Maalinta Saxaafadda iyo Qoraalka Farta Soomaaliga"},"content":{"rendered":"<h4>Xaflad aad u ballaaran oo lagu maamuusayay xuska maalinta Warfaafinta Soomaaliyeed oo ku astaysan maalintii ugu horeysay ee uu soo baxo wargayskii Xiddigtii Oktoobar ee sannadkii 1973-kii, ayna ka soo qeyb-galeen Wasiirro, Xildhibaanno, Guddoomiyaha Akadeemiye-Goboleedka AfSoomaaliga (AGA), Safiirro, aqoonyahanno, waxgarad, saxafiyiin iyo marti sharaf aad u badan ayaa habeenkii xalay ahaa oo ku beegneyd 21\/1\/2021, waxaa lagu qabtay xarunta Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska\u00a0 ee magaalada Muqdisho.<\/h4>\n<h4>Munaasabaddaasi oo si qurux badan loo soo agaasimay ayaa waxaa ka hadlay Agaasimaha Waaxda Qoraalka iyo Wargayska ee Wasaaradda Warfaafinta Ifraax Maxamed Cabdi-kariin, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta Naasir Xuseen iyo Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Md, Cismaan Abuukar Dubbe, kuwaasi oo si faahfaahsan uga sheekeeyay dadaalka ay Wasaaradda Warfaafinta ku bixiso soo saarista wargayska qaranka ee haatan loo bixiyay <strong>\u00a0Ilayska Dalka,<\/strong> iyaga oo dhinaca kale guud ahaan bahda warbaahinta Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay xuska maalinta 21 Janaayo oo loo dabaaldego xuska maalinta Warfaafinta Soomaaliyeed.<\/h4>\n<h4>Sidoo kale, waxaa xafladaasi ka hadlay Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda C\/raxmaan Ducaale Bayle, Senator Cabdi-waaxid Cilmi Goonjeex, Xildhibaan, Danjire C\/laahi Shiikh Ismaaciil, Guddoomiyaha Akadeemiye-Goboleedka AfSoomaaliga (AGA) Dr. Maxamed Daahir Afrax, Wasiir hore Aadan Maxamed Cali iyo masuuliyiin kale, kuwaasi oo si kala gooni-gooni ah uga hadlay taariikhda iyo heerarkii ay soo martay saxaafadda Soomaaliyeed iyo sida uu ku dhashay wargayskii ugu horeeyay ee 21 Janaayo 1973-kii ku soo baxa afkeena hooyo.<\/h4>\n<h4>Munaasabaddaasi ayaa intii ay socotay, waxaa lagu soo bandhigay suugaan iyo sheekooyin kala duwan, waxaana sidoo kale halkaasi lagu daawadey filim kooban oo ka tarjumayay sida loo soo saaro wargeyska <strong>Ilayska Dalka<\/strong> ee ku hadla codka Dawladda Federaalka Soomaaliya.<\/h4>\n<h4><img decoding=\"async\" loading=\"lazy\" class=\"alignnone size-large wp-image-4642\" src=\"https:\/\/aga.so\/so\/wp-content\/uploads\/2021\/01\/IMG_6190-1024x683.jpg\" alt=\"\" width=\"696\" height=\"464\" srcset=\"https:\/\/aga.so\/so\/wp-content\/uploads\/2021\/01\/IMG_6190-1024x683.jpg 1024w, https:\/\/aga.so\/so\/wp-content\/uploads\/2021\/01\/IMG_6190-300x200.jpg 300w, https:\/\/aga.so\/so\/wp-content\/uploads\/2021\/01\/IMG_6190-768x512.jpg 768w, https:\/\/aga.so\/so\/wp-content\/uploads\/2021\/01\/IMG_6190-1536x1024.jpg 1536w, https:\/\/aga.so\/so\/wp-content\/uploads\/2021\/01\/IMG_6190-2048x1365.jpg 2048w, https:\/\/aga.so\/so\/wp-content\/uploads\/2021\/01\/IMG_6190-150x100.jpg 150w, https:\/\/aga.so\/so\/wp-content\/uploads\/2021\/01\/IMG_6190-600x400.jpg 600w, https:\/\/aga.so\/so\/wp-content\/uploads\/2021\/01\/IMG_6190-696x464.jpg 696w, https:\/\/aga.so\/so\/wp-content\/uploads\/2021\/01\/IMG_6190-1392x928.jpg 1392w, https:\/\/aga.so\/so\/wp-content\/uploads\/2021\/01\/IMG_6190-1068x712.jpg 1068w, https:\/\/aga.so\/so\/wp-content\/uploads\/2021\/01\/IMG_6190-1920x1280.jpg 1920w, https:\/\/aga.so\/so\/wp-content\/uploads\/2021\/01\/IMG_6190-630x420.jpg 630w, https:\/\/aga.so\/so\/wp-content\/uploads\/2021\/01\/IMG_6190-1260x840.jpg 1260w\" sizes=\"(max-width: 696px) 100vw, 696px\" \/><\/h4>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Xaflad aad u ballaaran oo lagu maamuusayay xuska maalinta Warfaafinta Soomaaliyeed oo ku astaysan maalintii ugu horeysay ee uu soo baxo wargayskii Xiddigtii Oktoobar ee sannadkii 1973-kii, ayna ka soo qeyb-galeen Wasiirro, Xildhibaanno, Guddoomiyaha Akadeemiye-Goboleedka AfSoomaaliga (AGA), Safiirro, aqoonyahanno, waxgarad, saxafiyiin iyo marti sharaf aad u badan ayaa habeenkii xalay ahaa oo ku beegneyd 21\/1\/2021, [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":1,"featured_media":4642,"comment_status":"open","ping_status":"open","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"inline_featured_image":false},"categories":[32,17,1],"tags":[],"yoast_head":"<!-- This site is optimized with the Yoast SEO plugin v20.2.1 - https:\/\/yoast.com\/wordpress\/plugins\/seo\/ -->\n<title>Wasaaradda Warfaafinta oo Xustay Maalinta Saxaafadda iyo Qoraalka Farta Soomaaliga - Akademiye Goboleedka Af Soomaaliga AGA<\/title>\n<meta name=\"robots\" content=\"index, follow, max-snippet:-1, max-image-preview:large, max-video-preview:-1\" \/>\n<link rel=\"canonical\" href=\"https:\/\/aga.so\/so\/wasaaradda-warfaafinta-oo-xustay-maalinta-saxaafadda-iyo-qoraalka-farta-soomaaliga\/\" \/>\n<meta property=\"og:locale\" content=\"en_US\" \/>\n<meta property=\"og:type\" content=\"article\" \/>\n<meta property=\"og:title\" content=\"Wasaaradda Warfaafinta oo Xustay Maalinta Saxaafadda iyo Qoraalka Farta Soomaaliga - Akademiye Goboleedka Af Soomaaliga AGA\" \/>\n<meta property=\"og:description\" content=\"Xaflad aad u ballaaran oo lagu maamuusayay xuska maalinta Warfaafinta Soomaaliyeed oo ku astaysan maalintii ugu horeysay ee uu soo baxo wargayskii Xiddigtii Oktoobar ee sannadkii 1973-kii, ayna ka soo qeyb-galeen Wasiirro, Xildhibaanno, Guddoomiyaha Akadeemiye-Goboleedka AfSoomaaliga (AGA), Safiirro, aqoonyahanno, waxgarad, saxafiyiin iyo marti sharaf aad u badan ayaa habeenkii xalay ahaa oo ku beegneyd 21\/1\/2021, [&hellip;]\" \/>\n<meta property=\"og:url\" content=\"https:\/\/aga.so\/so\/wasaaradda-warfaafinta-oo-xustay-maalinta-saxaafadda-iyo-qoraalka-farta-soomaaliga\/\" \/>\n<meta property=\"og:site_name\" content=\"Akademiye Goboleedka Af Soomaaliga AGA\" \/>\n<meta property=\"article:published_time\" content=\"2021-01-22T07:28:02+00:00\" \/>\n<meta property=\"article:modified_time\" content=\"2021-01-22T07:34:28+00:00\" \/>\n<meta property=\"og:image\" content=\"https:\/\/aga.so\/so\/wp-content\/uploads\/2021\/01\/IMG_6190-scaled.jpg\" \/>\n\t<meta property=\"og:image:width\" content=\"2560\" \/>\n\t<meta property=\"og:image:height\" content=\"1707\" \/>\n\t<meta property=\"og:image:type\" content=\"image\/jpeg\" \/>\n<meta name=\"author\" content=\"hgb\" \/>\n<meta name=\"twitter:card\" content=\"summary_large_image\" \/>\n<meta name=\"twitter:label1\" content=\"Written by\" \/>\n\t<meta name=\"twitter:data1\" content=\"hgb\" \/>\n\t<meta name=\"twitter:label2\" content=\"Est. reading time\" \/>\n\t<meta name=\"twitter:data2\" content=\"1 minute\" \/>\n<script type=\"application\/ld+json\" class=\"yoast-schema-graph\">{\"@context\":\"https:\/\/schema.org\",\"@graph\":[{\"@type\":\"Article\",\"@id\":\"https:\/\/aga.so\/so\/wasaaradda-warfaafinta-oo-xustay-maalinta-saxaafadda-iyo-qoraalka-farta-soomaaliga\/#article\",\"isPartOf\":{\"@id\":\"https:\/\/aga.so\/so\/wasaaradda-warfaafinta-oo-xustay-maalinta-saxaafadda-iyo-qoraalka-farta-soomaaliga\/\"},\"author\":{\"name\":\"hgb\",\"@id\":\"https:\/\/aga.so\/so\/#\/schema\/person\/c89f24807531a9b3d9df95d848134d50\"},\"headline\":\"Wasaaradda Warfaafinta oo Xustay Maalinta Saxaafadda iyo Qoraalka Farta Soomaaliga\",\"datePublished\":\"2021-01-22T07:28:02+00:00\",\"dateModified\":\"2021-01-22T07:34:28+00:00\",\"mainEntityOfPage\":{\"@id\":\"https:\/\/aga.so\/so\/wasaaradda-warfaafinta-oo-xustay-maalinta-saxaafadda-iyo-qoraalka-farta-soomaaliga\/\"},\"wordCount\":267,\"commentCount\":0,\"publisher\":{\"@id\":\"https:\/\/aga.so\/so\/#organization\"},\"articleSection\":[\"Dhacdooyin Cusub\",\"Featured\",\"Wararka AGA\"],\"inLanguage\":\"en-US\",\"potentialAction\":[{\"@type\":\"CommentAction\",\"name\":\"Comment\",\"target\":[\"https:\/\/aga.so\/so\/wasaaradda-warfaafinta-oo-xustay-maalinta-saxaafadda-iyo-qoraalka-farta-soomaaliga\/#respond\"]}]},{\"@type\":\"WebPage\",\"@id\":\"https:\/\/aga.so\/so\/wasaaradda-warfaafinta-oo-xustay-maalinta-saxaafadda-iyo-qoraalka-farta-soomaaliga\/\",\"url\":\"https:\/\/aga.so\/so\/wasaaradda-warfaafinta-oo-xustay-maalinta-saxaafadda-iyo-qoraalka-farta-soomaaliga\/\",\"name\":\"Wasaaradda Warfaafinta oo Xustay Maalinta Saxaafadda iyo Qoraalka Farta Soomaaliga - Akademiye Goboleedka Af Soomaaliga AGA\",\"isPartOf\":{\"@id\":\"https:\/\/aga.so\/so\/#website\"},\"datePublished\":\"2021-01-22T07:28:02+00:00\",\"dateModified\":\"2021-01-22T07:34:28+00:00\",\"breadcrumb\":{\"@id\":\"https:\/\/aga.so\/so\/wasaaradda-warfaafinta-oo-xustay-maalinta-saxaafadda-iyo-qoraalka-farta-soomaaliga\/#breadcrumb\"},\"inLanguage\":\"en-US\",\"potentialAction\":[{\"@type\":\"ReadAction\",\"target\":[\"https:\/\/aga.so\/so\/wasaaradda-warfaafinta-oo-xustay-maalinta-saxaafadda-iyo-qoraalka-farta-soomaaliga\/\"]}]},{\"@type\":\"BreadcrumbList\",\"@id\":\"https:\/\/aga.so\/so\/wasaaradda-warfaafinta-oo-xustay-maalinta-saxaafadda-iyo-qoraalka-farta-soomaaliga\/#breadcrumb\",\"itemListElement\":[{\"@type\":\"ListItem\",\"position\":1,\"name\":\"Home\",\"item\":\"https:\/\/aga.so\/so\/\"},{\"@type\":\"ListItem\",\"position\":2,\"name\":\"Wasaaradda Warfaafinta oo Xustay Maalinta Saxaafadda iyo Qoraalka Farta Soomaaliga\"}]},{\"@type\":\"WebSite\",\"@id\":\"https:\/\/aga.so\/so\/#website\",\"url\":\"https:\/\/aga.so\/so\/\",\"name\":\"Akademiye Goboleedka Af Soomaaliga AGA\",\"description\":\"\",\"publisher\":{\"@id\":\"https:\/\/aga.so\/so\/#organization\"},\"potentialAction\":[{\"@type\":\"SearchAction\",\"target\":{\"@type\":\"EntryPoint\",\"urlTemplate\":\"https:\/\/aga.so\/so\/?s={search_term_string}\"},\"query-input\":\"required name=search_term_string\"}],\"inLanguage\":\"en-US\"},{\"@type\":\"Organization\",\"@id\":\"https:\/\/aga.so\/so\/#organization\",\"name\":\"AGA - Akadeemiya Goboleedka AfSoomaaliga\",\"url\":\"https:\/\/aga.so\/so\/\",\"logo\":{\"@type\":\"ImageObject\",\"inLanguage\":\"en-US\",\"@id\":\"https:\/\/aga.so\/so\/#\/schema\/logo\/image\/\",\"url\":\"https:\/\/aga.so\/so\/wp-content\/uploads\/2020\/10\/favicon-2.png\",\"contentUrl\":\"https:\/\/aga.so\/so\/wp-content\/uploads\/2020\/10\/favicon-2.png\",\"width\":162,\"height\":83,\"caption\":\"AGA - Akadeemiya Goboleedka AfSoomaaliga\"},\"image\":{\"@id\":\"https:\/\/aga.so\/so\/#\/schema\/logo\/image\/\"}},{\"@type\":\"Person\",\"@id\":\"https:\/\/aga.so\/so\/#\/schema\/person\/c89f24807531a9b3d9df95d848134d50\",\"name\":\"hgb\",\"image\":{\"@type\":\"ImageObject\",\"inLanguage\":\"en-US\",\"@id\":\"https:\/\/aga.so\/so\/#\/schema\/person\/image\/\",\"url\":\"https:\/\/secure.gravatar.com\/avatar\/9cc2fe393829a669530037fc59abb837?s=96&d=mm&r=g\",\"contentUrl\":\"https:\/\/secure.gravatar.com\/avatar\/9cc2fe393829a669530037fc59abb837?s=96&d=mm&r=g\",\"caption\":\"hgb\"},\"url\":\"https:\/\/aga.so\/so\/author\/hgb\/\"}]}<\/script>\n<!-- \/ Yoast SEO plugin. -->","yoast_head_json":{"title":"Wasaaradda Warfaafinta oo Xustay Maalinta Saxaafadda iyo Qoraalka Farta Soomaaliga - Akademiye Goboleedka Af Soomaaliga AGA","robots":{"index":"index","follow":"follow","max-snippet":"max-snippet:-1","max-image-preview":"max-image-preview:large","max-video-preview":"max-video-preview:-1"},"canonical":"https:\/\/aga.so\/so\/wasaaradda-warfaafinta-oo-xustay-maalinta-saxaafadda-iyo-qoraalka-farta-soomaaliga\/","og_locale":"en_US","og_type":"article","og_title":"Wasaaradda Warfaafinta oo Xustay Maalinta Saxaafadda iyo Qoraalka Farta Soomaaliga - Akademiye Goboleedka Af Soomaaliga AGA","og_description":"Xaflad aad u ballaaran oo lagu maamuusayay xuska maalinta Warfaafinta Soomaaliyeed oo ku astaysan maalintii ugu horeysay ee uu soo baxo wargayskii Xiddigtii Oktoobar ee sannadkii 1973-kii, ayna ka soo qeyb-galeen Wasiirro, Xildhibaanno, Guddoomiyaha Akadeemiye-Goboleedka AfSoomaaliga (AGA), Safiirro, aqoonyahanno, waxgarad, saxafiyiin iyo marti sharaf aad u badan ayaa habeenkii xalay ahaa oo ku beegneyd 21\/1\/2021, [&hellip;]","og_url":"https:\/\/aga.so\/so\/wasaaradda-warfaafinta-oo-xustay-maalinta-saxaafadda-iyo-qoraalka-farta-soomaaliga\/","og_site_name":"Akademiye Goboleedka Af Soomaaliga AGA","article_published_time":"2021-01-22T07:28:02+00:00","article_modified_time":"2021-01-22T07:34:28+00:00","og_image":[{"width":2560,"height":1707,"url":"https:\/\/aga.so\/so\/wp-content\/uploads\/2021\/01\/IMG_6190-scaled.jpg","type":"image\/jpeg"}],"author":"hgb","twitter_card":"summary_large_image","twitter_misc":{"Written by":"hgb","Est. reading time":"1 minute"},"schema":{"@context":"https:\/\/schema.org","@graph":[{"@type":"Article","@id":"https:\/\/aga.so\/so\/wasaaradda-warfaafinta-oo-xustay-maalinta-saxaafadda-iyo-qoraalka-farta-soomaaliga\/#article","isPartOf":{"@id":"https:\/\/aga.so\/so\/wasaaradda-warfaafinta-oo-xustay-maalinta-saxaafadda-iyo-qoraalka-farta-soomaaliga\/"},"author":{"name":"hgb","@id":"https:\/\/aga.so\/so\/#\/schema\/person\/c89f24807531a9b3d9df95d848134d50"},"headline":"Wasaaradda Warfaafinta oo Xustay Maalinta Saxaafadda iyo Qoraalka Farta Soomaaliga","datePublished":"2021-01-22T07:28:02+00:00","dateModified":"2021-01-22T07:34:28+00:00","mainEntityOfPage":{"@id":"https:\/\/aga.so\/so\/wasaaradda-warfaafinta-oo-xustay-maalinta-saxaafadda-iyo-qoraalka-farta-soomaaliga\/"},"wordCount":267,"commentCount":0,"publisher":{"@id":"https:\/\/aga.so\/so\/#organization"},"articleSection":["Dhacdooyin Cusub","Featured","Wararka AGA"],"inLanguage":"en-US","potentialAction":[{"@type":"CommentAction","name":"Comment","target":["https:\/\/aga.so\/so\/wasaaradda-warfaafinta-oo-xustay-maalinta-saxaafadda-iyo-qoraalka-farta-soomaaliga\/#respond"]}]},{"@type":"WebPage","@id":"https:\/\/aga.so\/so\/wasaaradda-warfaafinta-oo-xustay-maalinta-saxaafadda-iyo-qoraalka-farta-soomaaliga\/","url":"https:\/\/aga.so\/so\/wasaaradda-warfaafinta-oo-xustay-maalinta-saxaafadda-iyo-qoraalka-farta-soomaaliga\/","name":"Wasaaradda Warfaafinta oo Xustay Maalinta Saxaafadda iyo Qoraalka Farta Soomaaliga - Akademiye Goboleedka Af Soomaaliga AGA","isPartOf":{"@id":"https:\/\/aga.so\/so\/#website"},"datePublished":"2021-01-22T07:28:02+00:00","dateModified":"2021-01-22T07:34:28+00:00","breadcrumb":{"@id":"https:\/\/aga.so\/so\/wasaaradda-warfaafinta-oo-xustay-maalinta-saxaafadda-iyo-qoraalka-farta-soomaaliga\/#breadcrumb"},"inLanguage":"en-US","potentialAction":[{"@type":"ReadAction","target":["https:\/\/aga.so\/so\/wasaaradda-warfaafinta-oo-xustay-maalinta-saxaafadda-iyo-qoraalka-farta-soomaaliga\/"]}]},{"@type":"BreadcrumbList","@id":"https:\/\/aga.so\/so\/wasaaradda-warfaafinta-oo-xustay-maalinta-saxaafadda-iyo-qoraalka-farta-soomaaliga\/#breadcrumb","itemListElement":[{"@type":"ListItem","position":1,"name":"Home","item":"https:\/\/aga.so\/so\/"},{"@type":"ListItem","position":2,"name":"Wasaaradda Warfaafinta oo Xustay Maalinta Saxaafadda iyo Qoraalka Farta Soomaaliga"}]},{"@type":"WebSite","@id":"https:\/\/aga.so\/so\/#website","url":"https:\/\/aga.so\/so\/","name":"Akademiye Goboleedka Af Soomaaliga AGA","description":"","publisher":{"@id":"https:\/\/aga.so\/so\/#organization"},"potentialAction":[{"@type":"SearchAction","target":{"@type":"EntryPoint","urlTemplate":"https:\/\/aga.so\/so\/?s={search_term_string}"},"query-input":"required name=search_term_string"}],"inLanguage":"en-US"},{"@type":"Organization","@id":"https:\/\/aga.so\/so\/#organization","name":"AGA - Akadeemiya Goboleedka AfSoomaaliga","url":"https:\/\/aga.so\/so\/","logo":{"@type":"ImageObject","inLanguage":"en-US","@id":"https:\/\/aga.so\/so\/#\/schema\/logo\/image\/","url":"https:\/\/aga.so\/so\/wp-content\/uploads\/2020\/10\/favicon-2.png","contentUrl":"https:\/\/aga.so\/so\/wp-content\/uploads\/2020\/10\/favicon-2.png","width":162,"height":83,"caption":"AGA - Akadeemiya Goboleedka AfSoomaaliga"},"image":{"@id":"https:\/\/aga.so\/so\/#\/schema\/logo\/image\/"}},{"@type":"Person","@id":"https:\/\/aga.so\/so\/#\/schema\/person\/c89f24807531a9b3d9df95d848134d50","name":"hgb","image":{"@type":"ImageObject","inLanguage":"en-US","@id":"https:\/\/aga.so\/so\/#\/schema\/person\/image\/","url":"https:\/\/secure.gravatar.com\/avatar\/9cc2fe393829a669530037fc59abb837?s=96&d=mm&r=g","contentUrl":"https:\/\/secure.gravatar.com\/avatar\/9cc2fe393829a669530037fc59abb837?s=96&d=mm&r=g","caption":"hgb"},"url":"https:\/\/aga.so\/so\/author\/hgb\/"}]}},"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/aga.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/4641"}],"collection":[{"href":"https:\/\/aga.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/aga.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/aga.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/users\/1"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/aga.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=4641"}],"version-history":[{"count":3,"href":"https:\/\/aga.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/4641\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":4646,"href":"https:\/\/aga.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/4641\/revisions\/4646"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/aga.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media\/4642"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/aga.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=4641"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/aga.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=4641"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/aga.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=4641"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}