{"id":4343,"date":"2020-11-20T07:03:40","date_gmt":"2020-11-20T07:03:40","guid":{"rendered":"https:\/\/aga.so\/so\/?p=4343"},"modified":"2020-12-07T07:06:49","modified_gmt":"2020-12-07T07:06:49","slug":"akadeemiye-goboleedka-aga-oo-bandhig-ballaaran-u-sameysay-daahfurka-buugga-cusub-ee-dr-afrax-2","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/aga.so\/so\/akadeemiye-goboleedka-aga-oo-bandhig-ballaaran-u-sameysay-daahfurka-buugga-cusub-ee-dr-afrax-2\/","title":{"rendered":"Akadeemiye-Goboleedka (AGA) oo Bandhig Ballaaran u Sameysay Daahfurka Buugga Cusub ee Dr. Afrax"},"content":{"rendered":"<h4><em>Xaflad si qurux badan loo soo agaasimay, laguna maamuusayay daahfrurka buug cusub oo uu AfCarabi ku qoray Dr. Maxamed Daahir Afrax, ayna ka soo qeyb-galeen Wasiirro, Xildhibaanno, Siyaasiyiin, maamulka degmooyinka G\/Banaadir, maskax-maal, abwaaanno, qorayaal, aqoonyahanno, waxgarad, dhallinyarada jecel akhriska iyo qoraalka, bahda waxbarashada iyo marti sharaf kale ayaa maanta oo ku beegan 24\/11\/2020, waxaa lagu qabtay magaalada Muqdisho.<\/em><\/h4>\n<h4><em>Furitaankii munaasabaddaas waxaa ka hadlay Guddoomiyaha Gudigga Qaban-qaababada Daahfurka buugaas, ahna masuul sare oo ka tirsan Akadeemiye-Goboleedka AfSoomaaliga Bare sare Mustafa C\/llaahi Feyruus oo sheegay inuu ku faraxsan yahay daahfurka loo samayanyo buugga cusub oo uu AfCarabi ku qoray Dr. Maxamed Daahir Afrax, kuna saabsan darsidda iyo is barbardhigga dhaqannada iyo suugaanta dalalka Gacanka Cadmeed (Soomaaliya, Jabuuti iyo Yamen), isaga oo si gaar ah u bogaadiyay qoraha soo saaray buugaas.<\/em><\/h4>\n<h4><em>Intaas dabadeed waxaa la guda-galay gorfaynta buugga, waxaana buugaas si cilmiyaysan u falanqeeyey aqoonyahannadii soo akhriyey oo kala ahaa Xildhibaan Maxamed Cumar Dhalxa, Saxafi sare Cali Xalane iyo qoraa Faadumo-sahro, waxaana ay ka warbixiyeen cutubyada uu ka kooban yahay buugaasi, nuxurka uu xambaarsan yahay, macluumaadka qiimaha badan ee ku jira iyo faa\u2019iidooyinka uu ummaddaha gacanka Khaliijka u leeyahay buugaasi, iyaga oo ku dheeraaday qiimaha sare ee buuggan iyo waxtarka cusub ee uu ku soo kordhinayo aqoonta dhaqanka, hal-abuurka iyo suugaanta dalalka dhaca Khooriga Cadmeed.<\/em><\/h4>\n<h4><em>\u201cBuuggani marba meel ayuu ku gaynayaa, waxaana uu si cilmi ah kuu siinayaa macluumaad ballaaran oo la xiriira dhaqanka, ilbaxnimada iyo suugaanta seddexda dal ee uu ka hadlayo, xaqiiqdii waa buug aan akhriskiisa laga xiiso dhaceyn, waxaana ku talinaynaa in buuggan lagu daro manhajka waxbarashada jaamacadaha, si ay wax badan uga faai\u2019deystaan ardaydu, sidoo kalana waxaaan soo jeedinaynaa in la dhigo maktabadaha Jaamacadaha Carabta\u201d ayay yiraahdeen aqoonayhannadii soo akhriyay buugaasi oo qoraa sare Dr. Maxamed Daahir ku ammaanay sida farshaxannimada ah ee uu u qorey buuggiisa.<\/em><\/h4>\n<h4><em>Wasiir Axmed Ciise Cawad, Xildhibaan Sahro Cumar Maalin, Guddoomiyaha Degmada C\/casiis, Marwo Ubax-Rooda, iyo Guddoomiyaha Golaha Abwaannada Soomaaliyeed Abwaan Xirsi Dhuux Maxamed oo idilkood ku hadlayay magaca martida munaasabaddaasi ayaa wada qiray qiimaha buuggaan iyo sida uu u soo jiitey magaca loo bixiyay buugaasi, waxaana ay hoosta ka xarriiqeen inuu buugani xambaarsan yahay badweyn cilmi ah oo aan laga xiiso dhacayn. waxayna qoraa sare Dr. Maxamed Daahir Afrax uga mahadnaqeen in uu ummaddiisa u soo saaray buug waxtar badan oo dhaxal-reeb ah.<\/em><\/h4>\n<h4><em>Qoraha buugga, ahna Guddoomiyaha Akadeemiye-Goboleedka AfSoomaaliga (AGA) Dr. Maxamed Daahir Afrax iyo Guddoomiye-sharafeedka Somali Pen, oo gaba-gabadii xafladdaasi ka hadlay ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay sida mugga weyn ee looga soo qayb-galay daafurka buugiisa, waxaana uu u mahadceliyay dhammaan dadkii ka soo qeyb-galay munaasabaddii lagu sharfayay bandhigga buugiisa. Wuxuu kaloo u mahadceliyey dadkii gacanta ka siiyey buugga, kuwaasoo magacyadoodu ku xusan yihiin buugga qudhiisa, iyo sidoo kale shirkaddii soo saartay buugga, Hill Press, oo uu si gaar ah ugu mahadceliyey.<\/em><\/h4>\n<h4><em>Munaasabaddaasi oo aad loo jeclaystay ayaa waxa ay ku soo dhammaatay jawi aad u xiisa badan iyo saxiix qoraagu buuggiisa u saxiixay dad fara badan oo iibsaday.<\/em><\/h4>\n<p><img decoding=\"async\" loading=\"lazy\" class=\"alignnone size-large wp-image-4344\" src=\"https:\/\/aga.so\/so\/wp-content\/uploads\/2020\/12\/130254157_1034107853725337_2837748962603417940_n-977x1024.jpg\" alt=\"\" width=\"696\" height=\"729\" srcset=\"https:\/\/aga.so\/so\/wp-content\/uploads\/2020\/12\/130254157_1034107853725337_2837748962603417940_n-977x1024.jpg 977w, https:\/\/aga.so\/so\/wp-content\/uploads\/2020\/12\/130254157_1034107853725337_2837748962603417940_n-286x300.jpg 286w, https:\/\/aga.so\/so\/wp-content\/uploads\/2020\/12\/130254157_1034107853725337_2837748962603417940_n-768x805.jpg 768w, https:\/\/aga.so\/so\/wp-content\/uploads\/2020\/12\/130254157_1034107853725337_2837748962603417940_n-150x157.jpg 150w, https:\/\/aga.so\/so\/wp-content\/uploads\/2020\/12\/130254157_1034107853725337_2837748962603417940_n-300x315.jpg 300w, https:\/\/aga.so\/so\/wp-content\/uploads\/2020\/12\/130254157_1034107853725337_2837748962603417940_n-600x629.jpg 600w, https:\/\/aga.so\/so\/wp-content\/uploads\/2020\/12\/130254157_1034107853725337_2837748962603417940_n-696x730.jpg 696w, https:\/\/aga.so\/so\/wp-content\/uploads\/2020\/12\/130254157_1034107853725337_2837748962603417940_n-401x420.jpg 401w, https:\/\/aga.so\/so\/wp-content\/uploads\/2020\/12\/130254157_1034107853725337_2837748962603417940_n-801x840.jpg 801w, https:\/\/aga.so\/so\/wp-content\/uploads\/2020\/12\/130254157_1034107853725337_2837748962603417940_n.jpg 1030w\" sizes=\"(max-width: 696px) 100vw, 696px\" \/> <img decoding=\"async\" loading=\"lazy\" class=\"alignnone size-large wp-image-4345\" src=\"https:\/\/aga.so\/so\/wp-content\/uploads\/2020\/12\/129508074_2639415869516687_5892680544325032846_n-1024x896.jpg\" alt=\"\" width=\"696\" height=\"609\" srcset=\"https:\/\/aga.so\/so\/wp-content\/uploads\/2020\/12\/129508074_2639415869516687_5892680544325032846_n-1024x896.jpg 1024w, https:\/\/aga.so\/so\/wp-content\/uploads\/2020\/12\/129508074_2639415869516687_5892680544325032846_n-300x263.jpg 300w, https:\/\/aga.so\/so\/wp-content\/uploads\/2020\/12\/129508074_2639415869516687_5892680544325032846_n-768x672.jpg 768w, https:\/\/aga.so\/so\/wp-content\/uploads\/2020\/12\/129508074_2639415869516687_5892680544325032846_n-150x131.jpg 150w, https:\/\/aga.so\/so\/wp-content\/uploads\/2020\/12\/129508074_2639415869516687_5892680544325032846_n-600x525.jpg 600w, https:\/\/aga.so\/so\/wp-content\/uploads\/2020\/12\/129508074_2639415869516687_5892680544325032846_n-696x609.jpg 696w, https:\/\/aga.so\/so\/wp-content\/uploads\/2020\/12\/129508074_2639415869516687_5892680544325032846_n-1068x935.jpg 1068w, https:\/\/aga.so\/so\/wp-content\/uploads\/2020\/12\/129508074_2639415869516687_5892680544325032846_n-480x420.jpg 480w, https:\/\/aga.so\/so\/wp-content\/uploads\/2020\/12\/129508074_2639415869516687_5892680544325032846_n-960x840.jpg 960w, https:\/\/aga.so\/so\/wp-content\/uploads\/2020\/12\/129508074_2639415869516687_5892680544325032846_n.jpg 1080w\" sizes=\"(max-width: 696px) 100vw, 696px\" \/><\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Xaflad si qurux badan loo soo agaasimay, laguna maamuusayay daahfrurka buug cusub oo uu AfCarabi ku qoray Dr. Maxamed Daahir Afrax, ayna ka soo qeyb-galeen Wasiirro, Xildhibaanno, Siyaasiyiin, maamulka degmooyinka G\/Banaadir, maskax-maal, abwaaanno, qorayaal, aqoonyahanno, waxgarad, dhallinyarada jecel akhriska iyo qoraalka, bahda waxbarashada iyo marti sharaf kale ayaa maanta oo ku beegan 24\/11\/2020, waxaa lagu [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":1,"featured_media":4344,"comment_status":"open","ping_status":"open","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"inline_featured_image":false},"categories":[42,10,17],"tags":[],"yoast_head":"<!-- This site is optimized with the Yoast SEO plugin v20.2.1 - https:\/\/yoast.com\/wordpress\/plugins\/seo\/ -->\n<title>Akadeemiye-Goboleedka (AGA) oo Bandhig Ballaaran u Sameysay Daahfurka Buugga Cusub ee Dr. Afrax - Akademiye Goboleedka Af Soomaaliga AGA<\/title>\n<meta name=\"robots\" content=\"index, follow, max-snippet:-1, max-image-preview:large, max-video-preview:-1\" \/>\n<link rel=\"canonical\" href=\"https:\/\/aga.so\/so\/akadeemiye-goboleedka-aga-oo-bandhig-ballaaran-u-sameysay-daahfurka-buugga-cusub-ee-dr-afrax-2\/\" \/>\n<meta property=\"og:locale\" content=\"en_US\" \/>\n<meta property=\"og:type\" content=\"article\" \/>\n<meta property=\"og:title\" content=\"Akadeemiye-Goboleedka (AGA) oo Bandhig Ballaaran u Sameysay Daahfurka Buugga Cusub ee Dr. Afrax - Akademiye Goboleedka Af Soomaaliga AGA\" \/>\n<meta property=\"og:description\" content=\"Xaflad si qurux badan loo soo agaasimay, laguna maamuusayay daahfrurka buug cusub oo uu AfCarabi ku qoray Dr. Maxamed Daahir Afrax, ayna ka soo qeyb-galeen Wasiirro, Xildhibaanno, Siyaasiyiin, maamulka degmooyinka G\/Banaadir, maskax-maal, abwaaanno, qorayaal, aqoonyahanno, waxgarad, dhallinyarada jecel akhriska iyo qoraalka, bahda waxbarashada iyo marti sharaf kale ayaa maanta oo ku beegan 24\/11\/2020, waxaa lagu [&hellip;]\" \/>\n<meta property=\"og:url\" content=\"https:\/\/aga.so\/so\/akadeemiye-goboleedka-aga-oo-bandhig-ballaaran-u-sameysay-daahfurka-buugga-cusub-ee-dr-afrax-2\/\" \/>\n<meta property=\"og:site_name\" content=\"Akademiye Goboleedka Af Soomaaliga AGA\" \/>\n<meta property=\"article:published_time\" content=\"2020-11-20T07:03:40+00:00\" \/>\n<meta property=\"article:modified_time\" content=\"2020-12-07T07:06:49+00:00\" \/>\n<meta property=\"og:image\" content=\"https:\/\/aga.so\/so\/wp-content\/uploads\/2020\/12\/130254157_1034107853725337_2837748962603417940_n.jpg\" \/>\n\t<meta property=\"og:image:width\" content=\"1030\" \/>\n\t<meta property=\"og:image:height\" content=\"1080\" \/>\n\t<meta property=\"og:image:type\" content=\"image\/jpeg\" \/>\n<meta name=\"author\" content=\"hgb\" \/>\n<meta name=\"twitter:card\" content=\"summary_large_image\" \/>\n<meta name=\"twitter:label1\" content=\"Written by\" \/>\n\t<meta name=\"twitter:data1\" content=\"hgb\" \/>\n\t<meta name=\"twitter:label2\" content=\"Est. reading time\" \/>\n\t<meta name=\"twitter:data2\" content=\"2 minutes\" \/>\n<script type=\"application\/ld+json\" class=\"yoast-schema-graph\">{\"@context\":\"https:\/\/schema.org\",\"@graph\":[{\"@type\":\"Article\",\"@id\":\"https:\/\/aga.so\/so\/akadeemiye-goboleedka-aga-oo-bandhig-ballaaran-u-sameysay-daahfurka-buugga-cusub-ee-dr-afrax-2\/#article\",\"isPartOf\":{\"@id\":\"https:\/\/aga.so\/so\/akadeemiye-goboleedka-aga-oo-bandhig-ballaaran-u-sameysay-daahfurka-buugga-cusub-ee-dr-afrax-2\/\"},\"author\":{\"name\":\"hgb\",\"@id\":\"https:\/\/aga.so\/so\/#\/schema\/person\/c89f24807531a9b3d9df95d848134d50\"},\"headline\":\"Akadeemiye-Goboleedka (AGA) oo Bandhig Ballaaran u Sameysay Daahfurka Buugga Cusub ee Dr. Afrax\",\"datePublished\":\"2020-11-20T07:03:40+00:00\",\"dateModified\":\"2020-12-07T07:06:49+00:00\",\"mainEntityOfPage\":{\"@id\":\"https:\/\/aga.so\/so\/akadeemiye-goboleedka-aga-oo-bandhig-ballaaran-u-sameysay-daahfurka-buugga-cusub-ee-dr-afrax-2\/\"},\"wordCount\":505,\"commentCount\":0,\"publisher\":{\"@id\":\"https:\/\/aga.so\/so\/#organization\"},\"articleSection\":[\"2020\",\"Buugaag\",\"Featured\"],\"inLanguage\":\"en-US\",\"potentialAction\":[{\"@type\":\"CommentAction\",\"name\":\"Comment\",\"target\":[\"https:\/\/aga.so\/so\/akadeemiye-goboleedka-aga-oo-bandhig-ballaaran-u-sameysay-daahfurka-buugga-cusub-ee-dr-afrax-2\/#respond\"]}]},{\"@type\":\"WebPage\",\"@id\":\"https:\/\/aga.so\/so\/akadeemiye-goboleedka-aga-oo-bandhig-ballaaran-u-sameysay-daahfurka-buugga-cusub-ee-dr-afrax-2\/\",\"url\":\"https:\/\/aga.so\/so\/akadeemiye-goboleedka-aga-oo-bandhig-ballaaran-u-sameysay-daahfurka-buugga-cusub-ee-dr-afrax-2\/\",\"name\":\"Akadeemiye-Goboleedka (AGA) oo Bandhig Ballaaran u Sameysay Daahfurka Buugga Cusub ee Dr. Afrax - Akademiye Goboleedka Af Soomaaliga AGA\",\"isPartOf\":{\"@id\":\"https:\/\/aga.so\/so\/#website\"},\"datePublished\":\"2020-11-20T07:03:40+00:00\",\"dateModified\":\"2020-12-07T07:06:49+00:00\",\"breadcrumb\":{\"@id\":\"https:\/\/aga.so\/so\/akadeemiye-goboleedka-aga-oo-bandhig-ballaaran-u-sameysay-daahfurka-buugga-cusub-ee-dr-afrax-2\/#breadcrumb\"},\"inLanguage\":\"en-US\",\"potentialAction\":[{\"@type\":\"ReadAction\",\"target\":[\"https:\/\/aga.so\/so\/akadeemiye-goboleedka-aga-oo-bandhig-ballaaran-u-sameysay-daahfurka-buugga-cusub-ee-dr-afrax-2\/\"]}]},{\"@type\":\"BreadcrumbList\",\"@id\":\"https:\/\/aga.so\/so\/akadeemiye-goboleedka-aga-oo-bandhig-ballaaran-u-sameysay-daahfurka-buugga-cusub-ee-dr-afrax-2\/#breadcrumb\",\"itemListElement\":[{\"@type\":\"ListItem\",\"position\":1,\"name\":\"Home\",\"item\":\"https:\/\/aga.so\/so\/\"},{\"@type\":\"ListItem\",\"position\":2,\"name\":\"Akadeemiye-Goboleedka (AGA) oo Bandhig Ballaaran u Sameysay Daahfurka Buugga Cusub ee Dr. Afrax\"}]},{\"@type\":\"WebSite\",\"@id\":\"https:\/\/aga.so\/so\/#website\",\"url\":\"https:\/\/aga.so\/so\/\",\"name\":\"Akademiye Goboleedka Af Soomaaliga AGA\",\"description\":\"\",\"publisher\":{\"@id\":\"https:\/\/aga.so\/so\/#organization\"},\"potentialAction\":[{\"@type\":\"SearchAction\",\"target\":{\"@type\":\"EntryPoint\",\"urlTemplate\":\"https:\/\/aga.so\/so\/?s={search_term_string}\"},\"query-input\":\"required name=search_term_string\"}],\"inLanguage\":\"en-US\"},{\"@type\":\"Organization\",\"@id\":\"https:\/\/aga.so\/so\/#organization\",\"name\":\"AGA - Akadeemiya Goboleedka AfSoomaaliga\",\"url\":\"https:\/\/aga.so\/so\/\",\"logo\":{\"@type\":\"ImageObject\",\"inLanguage\":\"en-US\",\"@id\":\"https:\/\/aga.so\/so\/#\/schema\/logo\/image\/\",\"url\":\"https:\/\/aga.so\/so\/wp-content\/uploads\/2020\/10\/favicon-2.png\",\"contentUrl\":\"https:\/\/aga.so\/so\/wp-content\/uploads\/2020\/10\/favicon-2.png\",\"width\":162,\"height\":83,\"caption\":\"AGA - Akadeemiya Goboleedka AfSoomaaliga\"},\"image\":{\"@id\":\"https:\/\/aga.so\/so\/#\/schema\/logo\/image\/\"}},{\"@type\":\"Person\",\"@id\":\"https:\/\/aga.so\/so\/#\/schema\/person\/c89f24807531a9b3d9df95d848134d50\",\"name\":\"hgb\",\"image\":{\"@type\":\"ImageObject\",\"inLanguage\":\"en-US\",\"@id\":\"https:\/\/aga.so\/so\/#\/schema\/person\/image\/\",\"url\":\"https:\/\/secure.gravatar.com\/avatar\/9cc2fe393829a669530037fc59abb837?s=96&d=mm&r=g\",\"contentUrl\":\"https:\/\/secure.gravatar.com\/avatar\/9cc2fe393829a669530037fc59abb837?s=96&d=mm&r=g\",\"caption\":\"hgb\"},\"url\":\"https:\/\/aga.so\/so\/author\/hgb\/\"}]}<\/script>\n<!-- \/ Yoast SEO plugin. -->","yoast_head_json":{"title":"Akadeemiye-Goboleedka (AGA) oo Bandhig Ballaaran u Sameysay Daahfurka Buugga Cusub ee Dr. Afrax - Akademiye Goboleedka Af Soomaaliga AGA","robots":{"index":"index","follow":"follow","max-snippet":"max-snippet:-1","max-image-preview":"max-image-preview:large","max-video-preview":"max-video-preview:-1"},"canonical":"https:\/\/aga.so\/so\/akadeemiye-goboleedka-aga-oo-bandhig-ballaaran-u-sameysay-daahfurka-buugga-cusub-ee-dr-afrax-2\/","og_locale":"en_US","og_type":"article","og_title":"Akadeemiye-Goboleedka (AGA) oo Bandhig Ballaaran u Sameysay Daahfurka Buugga Cusub ee Dr. Afrax - Akademiye Goboleedka Af Soomaaliga AGA","og_description":"Xaflad si qurux badan loo soo agaasimay, laguna maamuusayay daahfrurka buug cusub oo uu AfCarabi ku qoray Dr. Maxamed Daahir Afrax, ayna ka soo qeyb-galeen Wasiirro, Xildhibaanno, Siyaasiyiin, maamulka degmooyinka G\/Banaadir, maskax-maal, abwaaanno, qorayaal, aqoonyahanno, waxgarad, dhallinyarada jecel akhriska iyo qoraalka, bahda waxbarashada iyo marti sharaf kale ayaa maanta oo ku beegan 24\/11\/2020, waxaa lagu [&hellip;]","og_url":"https:\/\/aga.so\/so\/akadeemiye-goboleedka-aga-oo-bandhig-ballaaran-u-sameysay-daahfurka-buugga-cusub-ee-dr-afrax-2\/","og_site_name":"Akademiye Goboleedka Af Soomaaliga AGA","article_published_time":"2020-11-20T07:03:40+00:00","article_modified_time":"2020-12-07T07:06:49+00:00","og_image":[{"width":1030,"height":1080,"url":"https:\/\/aga.so\/so\/wp-content\/uploads\/2020\/12\/130254157_1034107853725337_2837748962603417940_n.jpg","type":"image\/jpeg"}],"author":"hgb","twitter_card":"summary_large_image","twitter_misc":{"Written by":"hgb","Est. reading time":"2 minutes"},"schema":{"@context":"https:\/\/schema.org","@graph":[{"@type":"Article","@id":"https:\/\/aga.so\/so\/akadeemiye-goboleedka-aga-oo-bandhig-ballaaran-u-sameysay-daahfurka-buugga-cusub-ee-dr-afrax-2\/#article","isPartOf":{"@id":"https:\/\/aga.so\/so\/akadeemiye-goboleedka-aga-oo-bandhig-ballaaran-u-sameysay-daahfurka-buugga-cusub-ee-dr-afrax-2\/"},"author":{"name":"hgb","@id":"https:\/\/aga.so\/so\/#\/schema\/person\/c89f24807531a9b3d9df95d848134d50"},"headline":"Akadeemiye-Goboleedka (AGA) oo Bandhig Ballaaran u Sameysay Daahfurka Buugga Cusub ee Dr. Afrax","datePublished":"2020-11-20T07:03:40+00:00","dateModified":"2020-12-07T07:06:49+00:00","mainEntityOfPage":{"@id":"https:\/\/aga.so\/so\/akadeemiye-goboleedka-aga-oo-bandhig-ballaaran-u-sameysay-daahfurka-buugga-cusub-ee-dr-afrax-2\/"},"wordCount":505,"commentCount":0,"publisher":{"@id":"https:\/\/aga.so\/so\/#organization"},"articleSection":["2020","Buugaag","Featured"],"inLanguage":"en-US","potentialAction":[{"@type":"CommentAction","name":"Comment","target":["https:\/\/aga.so\/so\/akadeemiye-goboleedka-aga-oo-bandhig-ballaaran-u-sameysay-daahfurka-buugga-cusub-ee-dr-afrax-2\/#respond"]}]},{"@type":"WebPage","@id":"https:\/\/aga.so\/so\/akadeemiye-goboleedka-aga-oo-bandhig-ballaaran-u-sameysay-daahfurka-buugga-cusub-ee-dr-afrax-2\/","url":"https:\/\/aga.so\/so\/akadeemiye-goboleedka-aga-oo-bandhig-ballaaran-u-sameysay-daahfurka-buugga-cusub-ee-dr-afrax-2\/","name":"Akadeemiye-Goboleedka (AGA) oo Bandhig Ballaaran u Sameysay Daahfurka Buugga Cusub ee Dr. Afrax - Akademiye Goboleedka Af Soomaaliga AGA","isPartOf":{"@id":"https:\/\/aga.so\/so\/#website"},"datePublished":"2020-11-20T07:03:40+00:00","dateModified":"2020-12-07T07:06:49+00:00","breadcrumb":{"@id":"https:\/\/aga.so\/so\/akadeemiye-goboleedka-aga-oo-bandhig-ballaaran-u-sameysay-daahfurka-buugga-cusub-ee-dr-afrax-2\/#breadcrumb"},"inLanguage":"en-US","potentialAction":[{"@type":"ReadAction","target":["https:\/\/aga.so\/so\/akadeemiye-goboleedka-aga-oo-bandhig-ballaaran-u-sameysay-daahfurka-buugga-cusub-ee-dr-afrax-2\/"]}]},{"@type":"BreadcrumbList","@id":"https:\/\/aga.so\/so\/akadeemiye-goboleedka-aga-oo-bandhig-ballaaran-u-sameysay-daahfurka-buugga-cusub-ee-dr-afrax-2\/#breadcrumb","itemListElement":[{"@type":"ListItem","position":1,"name":"Home","item":"https:\/\/aga.so\/so\/"},{"@type":"ListItem","position":2,"name":"Akadeemiye-Goboleedka (AGA) oo Bandhig Ballaaran u Sameysay Daahfurka Buugga Cusub ee Dr. Afrax"}]},{"@type":"WebSite","@id":"https:\/\/aga.so\/so\/#website","url":"https:\/\/aga.so\/so\/","name":"Akademiye Goboleedka Af Soomaaliga AGA","description":"","publisher":{"@id":"https:\/\/aga.so\/so\/#organization"},"potentialAction":[{"@type":"SearchAction","target":{"@type":"EntryPoint","urlTemplate":"https:\/\/aga.so\/so\/?s={search_term_string}"},"query-input":"required name=search_term_string"}],"inLanguage":"en-US"},{"@type":"Organization","@id":"https:\/\/aga.so\/so\/#organization","name":"AGA - Akadeemiya Goboleedka AfSoomaaliga","url":"https:\/\/aga.so\/so\/","logo":{"@type":"ImageObject","inLanguage":"en-US","@id":"https:\/\/aga.so\/so\/#\/schema\/logo\/image\/","url":"https:\/\/aga.so\/so\/wp-content\/uploads\/2020\/10\/favicon-2.png","contentUrl":"https:\/\/aga.so\/so\/wp-content\/uploads\/2020\/10\/favicon-2.png","width":162,"height":83,"caption":"AGA - Akadeemiya Goboleedka AfSoomaaliga"},"image":{"@id":"https:\/\/aga.so\/so\/#\/schema\/logo\/image\/"}},{"@type":"Person","@id":"https:\/\/aga.so\/so\/#\/schema\/person\/c89f24807531a9b3d9df95d848134d50","name":"hgb","image":{"@type":"ImageObject","inLanguage":"en-US","@id":"https:\/\/aga.so\/so\/#\/schema\/person\/image\/","url":"https:\/\/secure.gravatar.com\/avatar\/9cc2fe393829a669530037fc59abb837?s=96&d=mm&r=g","contentUrl":"https:\/\/secure.gravatar.com\/avatar\/9cc2fe393829a669530037fc59abb837?s=96&d=mm&r=g","caption":"hgb"},"url":"https:\/\/aga.so\/so\/author\/hgb\/"}]}},"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/aga.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/4343"}],"collection":[{"href":"https:\/\/aga.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/aga.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/aga.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/users\/1"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/aga.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=4343"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/aga.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/4343\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":4346,"href":"https:\/\/aga.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/4343\/revisions\/4346"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/aga.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media\/4344"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/aga.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=4343"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/aga.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=4343"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/aga.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=4343"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}