{"id":4200,"date":"2020-11-14T14:22:19","date_gmt":"2020-11-14T14:22:19","guid":{"rendered":"https:\/\/aga.so\/so\/?p=4200"},"modified":"2020-11-14T14:39:29","modified_gmt":"2020-11-14T14:39:29","slug":"gaashaanqaad-habaabay","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/aga.so\/so\/gaashaanqaad-habaabay\/","title":{"rendered":"Gaashaanqaad Habaabay"},"content":{"rendered":"<h4>Maradii uu ku duuduubnaa ayuu ka hurgufay. Wiilkii dhuubnaa ee marada ka soo dhex baxay ayaa dhawr jeer isku dayay in uu cagahiisa ku istaago wuuse kari waayay. Tabardarri ayuu la dalanbaabbiyay. Sariirtan korkeeda ayuu ku lafalafoobay. Hilaadin iyo hawa adduun baa nuxurkii iyo nafaqadii ka nuugay. Intuu feenmay ayuu fartaas ka dhuubdhuubtay. Firfircoonidii uu waxbarashada ku idleeyay iyo siday uga shiiqday isuma dhigmaan. Han weyn iyo hididdiilo ayuu saddex sanno ka hor uga baxay jaamacadda. Inuu shaqo helo, hooyadiis nasato ayuu sii qorshaystay. Dadaal taagan iyo damiir joogta ah ayuu dharaar kasta ku aadi jiray jaamacadda.<\/h4>\n<h4>Markuu jaamacadda ka baxo, in ay reerkiisu ka tallaabsan doonaan saboolnimo ayuu aaminsanaa. Inay hooyadiis dhigi doonto, baaldiga ay subax kasta la dheelmato, iyo inuu ka reebi doono qaylada dilootay ayuu ku sii tashaday. Hooyadiis waxay ku soo korisay isaga, walaalihiis iyo xataa aabbihiis, ganacsi jaadad badan. Siday u guursatayba waxay ku jirtay saalaxweetayntaas. Waxaa ugu dambeeya, baaldigaas ay ku soo wareejiso beerka iyo killida ariga. Aroor welibana la dhex qaaddo jidcaddayaasha xaafaddeeda ku xeeran oo dhan. Hadhowna soo noqoto iyadoo jidiin-qalallan oo daallan. Quudkii reerkasa waddo.<\/h4>\n<h4>Markuu qalin jebiyay ayuu isu diyaariyay inuu bilaabo shaqadii uu la sugayay shahaadada jaamacadda. Xirfaddii uu soo bartay ayuu la aaday ehelkeedii. Shirkad kastoo shaqo loogu sheegay ayuu albaabkeedii garaacay.Wuuse ku soo hungoobay. Dawladdii ayuu ula noqday dayradii iyo daalkii uu la soo kulmay. Dawladda wuu is xijinayay. Inay dadkoo dhan u siman tahay ayuu uurka ku hayay.<\/h4>\n<h4>Wuxuu soo galay xafiiskii loogu sheegay inuu qaabbilsan yahay shaqaalaynta cusub. Xafiisyadan uu damacsan yahay inuu ka shaqeeyo, waligiis ma soo dhexgalin inuu ag maro mooyee. Laakiin, hungadii ayuu u raaciyay quus iyo qalbi jab hor leh. Waxaa si cad loogu\u00a0 sheegay inuusan il saaraynin shaqo, isagoon la socon, ninka dawladda wakiilka uga ah. \u201cNin kastoo xil haya ma i matalo miyaa?\u201d ayuu yiri, isagoo muraaradillaacsan. Ninkii hor fadhiyay ayuu yu\u2019day. Isagoo u soo dhiibaya faylashiisii ayuu yiri: \u201cAdeer, waan ku arkayaa inaad cunug yar tahay. Waanse kuu sheegayaa siday wax yihiin. Qof kastoo aad ku arkayso dawladda dhexdeeda, wuxuu matalaa reerkiisa. Kollay nin uun baa ku mataloo, reer la\u2019aan ma tihid\u2026\u201d Isagoon hadalkii u dhammaynin buu albaabkii fur-dug ka soo yiri. Caaddifad ciil ku milan baa ka oggolaan weyday inuu si wanaagsan u dhuuxo, hadalkiisii waanada iyo diidmada ka wada tarjumayay.<\/h4>\n<h4>Runtii qaraareed ayaa sii dubatay maalmihii ka dambeeyay maalintaas uu dadnimadiisa, dalkiisa iyo dadkiisaba isla-nacay. Qof kastoo uu naxariis iyo nugayl ku bidayay ayuu kula eertay dhibtii soo wajahday. Waxaa lala raadiyay ninkii xafiiskii dawladda looga soo tilmaamay ee kursigii reerkiisa ku fadhiyay. Markuu tagay gurigiisii, in uu la kulmo Yabaal ayuu ka dhaartay ninkii. Waaba isagoon matalin dadka danyarta ah. Inta hodanka ah ayuu hawlahooda fududeeyaa. Isagoo dhab u aaminay maahmaahdii ahayd \u2018Nin geed u buuxo, ayay gari u go\u2019daa\u2019 ayuu ka soo luuday daartii ninkii maqaarsaarka ku matalayay. Siduu maalintaas u seexday ayuu u jiifaa.<\/h4>\n<h4>****<\/h4>\n<h4>Isagoo kor u haya maradii uu ka xayuubiyay ayuu yiri: \u201cHar iyo habeen sidaas ayaad u jiiftaa. Hurdo habar ma korisee, ka kac jiifka.\u201d<\/h4>\n<h4>Hooyadiis oo soo galaysa ayaa la soo kulantay qayladii dhex maraysay Yabaal iyo aabbihiis. Iyadoon si fiican u soo galin ayay la soo tanaagootay.\u201cHabari cid ay koris uga baahan tahay ma jirtee, wiilka ii dhaaf.\u201d<\/h4>\n<h4>\u201cMaxaad warka uga leexisaa majarihiisa! Wiilkan dheeggiisu dhulka caadaystay, waa in aan sidan u dhaanno.\u201d ayuu kula jeestay islaantiisii soo noogtay.<\/h4>\n<h4>Yabaali yo hooyadiis oo firkannaxsan ayaa wada eegay afkiisii.<\/h4>\n<h4>\u201cWaan diraynaa Yabaal.\u201d ayuu cod buuxa ku yiri.<\/h4>\n<h4><em>\u2018Allaylehe\u2019<\/em>ayay indhahoodii argaggax-faraxsanaa ku yiraahdeen. Yabaalkii iltaalka darnaa baa qummaati isu-taagay. Hooyadiis way qabtaa inuu baxo. Way doonaysaa, inuu isaga tago waddankan gantoobay maankiisii curdanka ahaa. Waxaana halhays u ah, dhimo ama dhoof. Laakiin, taasi waxay ka ahayd afgabaadsi ee waxay yiqiinsan tahay, inaysan haynin waxay ku dirto. Hadalkeedaas guubaabada ah, wuxuu ku guntamay laabtii Yabaal. Wuxuuba isku qafilay inuusan shaqo iyo sharafba ka halaynin waddankiisa. Wuxuu\u00a0 isu-qibleeyay bixitaan iyo dibad. Muxuuse ku baxaa, xaggeese ayuu adaa?<\/h4>\n<h4>****<\/h4>\n<h4>\u201cMaxaad ku diraysaa?\u201d ayay odaygii arrinta keenay weyddiisay.<\/h4>\n<h4>Saddexdoodii ayaa salka saartay sariirtii Yabaal. Odaygii afkiisii baa la wada dhawray. Intuu codkiisii xabeebta ka saaray ayuu yiri: \u201cWaan ogahay in aad isweyddiinaysaan, xagguu ka keenay hantida uu wiilka\u00a0 ku dhoofinayo\u2026\u201d<\/h4>\n<h4>Indhihiii ayay ku tageen. Sidii inuu fikraddii ka noqday ayuu gadaal u dagay.<\/h4>\n<h4>\u201cWad.Wad.\u201d ayay ku dhiirrigelisay.\u00a0 Yabaalna afkii ayuu gacanta ku dhaabay. Sidii inuu ka baqayo, inuu eray soo dhaafo.<\/h4>\n<h4>\u201cWaxaan doonayaa in aan iibiyo gurigeenna\u2026\u201d<\/h4>\n<h4>Yabaal baa istaagay. Hooyadiis baa ku xigsatay. Waxay ku noqotay naxdin holon ka kulul. Hooyadiis baase si fiican u gubatay. Iyadoo gadoodsan ayay tiri: \u201cMa cooshaddii aan ilmaha ku ilaashanay, ayay rajo kaa soo gashay!&#8230;\u201d<\/h4>\n<h4>\u201cAdigoon seefta la boodin, aan miyir wax isu fahamsiinno.\u201dayuu ku qaboojiyay.<\/h4>\n<h4>Iyadoo warwareeganaysa ayay tiri: \u201cHadduu Ilaahay odayga reerka tala xumo bado, abaar ka xun ay reerkaas gali lahaayeen ma jirto.\u201d<\/h4>\n<h4>\u201cWax-mataranimadii, ma talaxumo ayaad iigu dartay!\u201d<\/h4>\n<h4>\u201cSideed garashadaada uga dhaadhicisay, inaad iibiso, hoygii aan adduun ka lahayn?\u201d<\/h4>\n<h4>\u201cHooyo\u2026\u201d Yabaal baa isku dayay inuu kala dhexgalo.<\/h4>\n<h4>\u201cWaan ogaa in aad xumaan maagan tahay, markaad neefneefsanaysay.\u201d<\/h4>\n<h4>\u201cHooyo\u2026\u201dintaan u dhamayn Yabaal ayay ka dhexgashay.<\/h4>\n<h4>\u201cHooyo, hooyo ha ku wardinee, ma ku raacsan tahay aabbahaa, in laguu iibiyo gurigaas xunka ah? \u201dHoos buu madaxa u rogtay. Mar labaad ayay qarracantay. Guriga, odayga, ilmaha iyo adduunkoo dhan Yabaal bay ka jeceshahay. Laba daran mid dooro ayaa ku legdantay uurkeedii.<\/h4>\n<h4>****<\/h4>\n<h4>Lacagaan u qalmin ayay gurigii ku rahmeen. Markii dambana waa lagala wareegay. Yabaal wuu baxay. Isagoon garanaynin meel uu ka bilaabo socodkiisa iyo yoolkiisa toonna ayuu waddankii ka tagay. Waddamadii geesta Afrika ayuu isu-dhaafay. Markii dambe, ayuu socodkiisii af-yeeshay. Koofur Afrika inuu aado ayuu ku dhex go\u2019aansaday waddankuu sii marayay. Reerkiisii ayuu u soo sheegay rabitaankiisa. Duco iyo nolol bay u rajeeyeen.<\/h4>\n<h4>Intaas ka dib, buu hadalkiisii go\u2019ay. Beryo iyo bilaba waa la baafiyay. Cidaan la weyddiinin iyo meel aan laga raadinin ma jirto. Baadigoob badan ay sameeyeen reerkiisii, waxbase kama soo naasacaddaan. Hammigii uu la dalaabay ayuu la maqan yahay. Aakhiradii la yaqaanay laguma hubo. Adduunkii la joogayna laguma oga.<\/h4>\n<h4><strong>Saynab Xaaji Axmed \u201cUgbaad\u201d<\/strong><\/h4>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Maradii uu ku duuduubnaa ayuu ka hurgufay. Wiilkii dhuubnaa ee marada ka soo dhex baxay ayaa dhawr jeer isku dayay in uu cagahiisa ku istaago wuuse kari waayay. Tabardarri ayuu la dalanbaabbiyay. Sariirtan korkeeda ayuu ku lafalafoobay. Hilaadin iyo hawa adduun baa nuxurkii iyo nafaqadii ka nuugay. Intuu feenmay ayuu fartaas ka dhuubdhuubtay. Firfircoonidii uu [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":1,"featured_media":4202,"comment_status":"open","ping_status":"open","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"inline_featured_image":false},"categories":[17,19,33],"tags":[],"yoast_head":"<!-- This site is optimized with the Yoast SEO plugin v20.2.1 - https:\/\/yoast.com\/wordpress\/plugins\/seo\/ -->\n<title>Gaashaanqaad Habaabay - Akademiye Goboleedka Af Soomaaliga AGA<\/title>\n<meta name=\"robots\" content=\"index, follow, max-snippet:-1, max-image-preview:large, max-video-preview:-1\" \/>\n<link rel=\"canonical\" href=\"https:\/\/aga.so\/so\/gaashaanqaad-habaabay\/\" \/>\n<meta property=\"og:locale\" content=\"en_US\" \/>\n<meta property=\"og:type\" content=\"article\" \/>\n<meta property=\"og:title\" content=\"Gaashaanqaad Habaabay - Akademiye Goboleedka Af Soomaaliga AGA\" \/>\n<meta property=\"og:description\" content=\"Maradii uu ku duuduubnaa ayuu ka hurgufay. Wiilkii dhuubnaa ee marada ka soo dhex baxay ayaa dhawr jeer isku dayay in uu cagahiisa ku istaago wuuse kari waayay. Tabardarri ayuu la dalanbaabbiyay. Sariirtan korkeeda ayuu ku lafalafoobay. Hilaadin iyo hawa adduun baa nuxurkii iyo nafaqadii ka nuugay. Intuu feenmay ayuu fartaas ka dhuubdhuubtay. Firfircoonidii uu [&hellip;]\" \/>\n<meta property=\"og:url\" content=\"https:\/\/aga.so\/so\/gaashaanqaad-habaabay\/\" \/>\n<meta property=\"og:site_name\" content=\"Akademiye Goboleedka Af Soomaaliga AGA\" \/>\n<meta property=\"article:published_time\" content=\"2020-11-14T14:22:19+00:00\" \/>\n<meta property=\"article:modified_time\" content=\"2020-11-14T14:39:29+00:00\" \/>\n<meta property=\"og:image\" content=\"https:\/\/aga.so\/so\/wp-content\/uploads\/2020\/11\/22222222222222.jpg\" \/>\n\t<meta property=\"og:image:width\" content=\"675\" \/>\n\t<meta property=\"og:image:height\" content=\"733\" \/>\n\t<meta property=\"og:image:type\" content=\"image\/jpeg\" \/>\n<meta name=\"author\" content=\"hgb\" \/>\n<meta name=\"twitter:card\" content=\"summary_large_image\" \/>\n<meta name=\"twitter:label1\" content=\"Written by\" \/>\n\t<meta name=\"twitter:data1\" content=\"hgb\" \/>\n\t<meta name=\"twitter:label2\" content=\"Est. reading time\" \/>\n\t<meta name=\"twitter:data2\" content=\"5 minutes\" \/>\n<script type=\"application\/ld+json\" class=\"yoast-schema-graph\">{\"@context\":\"https:\/\/schema.org\",\"@graph\":[{\"@type\":\"Article\",\"@id\":\"https:\/\/aga.so\/so\/gaashaanqaad-habaabay\/#article\",\"isPartOf\":{\"@id\":\"https:\/\/aga.so\/so\/gaashaanqaad-habaabay\/\"},\"author\":{\"name\":\"hgb\",\"@id\":\"https:\/\/aga.so\/so\/#\/schema\/person\/c89f24807531a9b3d9df95d848134d50\"},\"headline\":\"Gaashaanqaad Habaabay\",\"datePublished\":\"2020-11-14T14:22:19+00:00\",\"dateModified\":\"2020-11-14T14:39:29+00:00\",\"mainEntityOfPage\":{\"@id\":\"https:\/\/aga.so\/so\/gaashaanqaad-habaabay\/\"},\"wordCount\":1010,\"commentCount\":0,\"publisher\":{\"@id\":\"https:\/\/aga.so\/so\/#organization\"},\"articleSection\":[\"Featured\",\"Hal-abuurka &amp; Suugaanta\",\"Sheeko\"],\"inLanguage\":\"en-US\",\"potentialAction\":[{\"@type\":\"CommentAction\",\"name\":\"Comment\",\"target\":[\"https:\/\/aga.so\/so\/gaashaanqaad-habaabay\/#respond\"]}]},{\"@type\":\"WebPage\",\"@id\":\"https:\/\/aga.so\/so\/gaashaanqaad-habaabay\/\",\"url\":\"https:\/\/aga.so\/so\/gaashaanqaad-habaabay\/\",\"name\":\"Gaashaanqaad Habaabay - Akademiye Goboleedka Af Soomaaliga AGA\",\"isPartOf\":{\"@id\":\"https:\/\/aga.so\/so\/#website\"},\"datePublished\":\"2020-11-14T14:22:19+00:00\",\"dateModified\":\"2020-11-14T14:39:29+00:00\",\"breadcrumb\":{\"@id\":\"https:\/\/aga.so\/so\/gaashaanqaad-habaabay\/#breadcrumb\"},\"inLanguage\":\"en-US\",\"potentialAction\":[{\"@type\":\"ReadAction\",\"target\":[\"https:\/\/aga.so\/so\/gaashaanqaad-habaabay\/\"]}]},{\"@type\":\"BreadcrumbList\",\"@id\":\"https:\/\/aga.so\/so\/gaashaanqaad-habaabay\/#breadcrumb\",\"itemListElement\":[{\"@type\":\"ListItem\",\"position\":1,\"name\":\"Home\",\"item\":\"https:\/\/aga.so\/so\/\"},{\"@type\":\"ListItem\",\"position\":2,\"name\":\"Gaashaanqaad Habaabay\"}]},{\"@type\":\"WebSite\",\"@id\":\"https:\/\/aga.so\/so\/#website\",\"url\":\"https:\/\/aga.so\/so\/\",\"name\":\"Akademiye Goboleedka Af Soomaaliga AGA\",\"description\":\"\",\"publisher\":{\"@id\":\"https:\/\/aga.so\/so\/#organization\"},\"potentialAction\":[{\"@type\":\"SearchAction\",\"target\":{\"@type\":\"EntryPoint\",\"urlTemplate\":\"https:\/\/aga.so\/so\/?s={search_term_string}\"},\"query-input\":\"required name=search_term_string\"}],\"inLanguage\":\"en-US\"},{\"@type\":\"Organization\",\"@id\":\"https:\/\/aga.so\/so\/#organization\",\"name\":\"AGA - Akadeemiya Goboleedka AfSoomaaliga\",\"url\":\"https:\/\/aga.so\/so\/\",\"logo\":{\"@type\":\"ImageObject\",\"inLanguage\":\"en-US\",\"@id\":\"https:\/\/aga.so\/so\/#\/schema\/logo\/image\/\",\"url\":\"https:\/\/aga.so\/so\/wp-content\/uploads\/2020\/10\/favicon-2.png\",\"contentUrl\":\"https:\/\/aga.so\/so\/wp-content\/uploads\/2020\/10\/favicon-2.png\",\"width\":162,\"height\":83,\"caption\":\"AGA - Akadeemiya Goboleedka AfSoomaaliga\"},\"image\":{\"@id\":\"https:\/\/aga.so\/so\/#\/schema\/logo\/image\/\"}},{\"@type\":\"Person\",\"@id\":\"https:\/\/aga.so\/so\/#\/schema\/person\/c89f24807531a9b3d9df95d848134d50\",\"name\":\"hgb\",\"image\":{\"@type\":\"ImageObject\",\"inLanguage\":\"en-US\",\"@id\":\"https:\/\/aga.so\/so\/#\/schema\/person\/image\/\",\"url\":\"https:\/\/secure.gravatar.com\/avatar\/9cc2fe393829a669530037fc59abb837?s=96&d=mm&r=g\",\"contentUrl\":\"https:\/\/secure.gravatar.com\/avatar\/9cc2fe393829a669530037fc59abb837?s=96&d=mm&r=g\",\"caption\":\"hgb\"},\"url\":\"https:\/\/aga.so\/so\/author\/hgb\/\"}]}<\/script>\n<!-- \/ Yoast SEO plugin. -->","yoast_head_json":{"title":"Gaashaanqaad Habaabay - Akademiye Goboleedka Af Soomaaliga AGA","robots":{"index":"index","follow":"follow","max-snippet":"max-snippet:-1","max-image-preview":"max-image-preview:large","max-video-preview":"max-video-preview:-1"},"canonical":"https:\/\/aga.so\/so\/gaashaanqaad-habaabay\/","og_locale":"en_US","og_type":"article","og_title":"Gaashaanqaad Habaabay - Akademiye Goboleedka Af Soomaaliga AGA","og_description":"Maradii uu ku duuduubnaa ayuu ka hurgufay. Wiilkii dhuubnaa ee marada ka soo dhex baxay ayaa dhawr jeer isku dayay in uu cagahiisa ku istaago wuuse kari waayay. Tabardarri ayuu la dalanbaabbiyay. Sariirtan korkeeda ayuu ku lafalafoobay. Hilaadin iyo hawa adduun baa nuxurkii iyo nafaqadii ka nuugay. Intuu feenmay ayuu fartaas ka dhuubdhuubtay. Firfircoonidii uu [&hellip;]","og_url":"https:\/\/aga.so\/so\/gaashaanqaad-habaabay\/","og_site_name":"Akademiye Goboleedka Af Soomaaliga AGA","article_published_time":"2020-11-14T14:22:19+00:00","article_modified_time":"2020-11-14T14:39:29+00:00","og_image":[{"width":675,"height":733,"url":"https:\/\/aga.so\/so\/wp-content\/uploads\/2020\/11\/22222222222222.jpg","type":"image\/jpeg"}],"author":"hgb","twitter_card":"summary_large_image","twitter_misc":{"Written by":"hgb","Est. reading time":"5 minutes"},"schema":{"@context":"https:\/\/schema.org","@graph":[{"@type":"Article","@id":"https:\/\/aga.so\/so\/gaashaanqaad-habaabay\/#article","isPartOf":{"@id":"https:\/\/aga.so\/so\/gaashaanqaad-habaabay\/"},"author":{"name":"hgb","@id":"https:\/\/aga.so\/so\/#\/schema\/person\/c89f24807531a9b3d9df95d848134d50"},"headline":"Gaashaanqaad Habaabay","datePublished":"2020-11-14T14:22:19+00:00","dateModified":"2020-11-14T14:39:29+00:00","mainEntityOfPage":{"@id":"https:\/\/aga.so\/so\/gaashaanqaad-habaabay\/"},"wordCount":1010,"commentCount":0,"publisher":{"@id":"https:\/\/aga.so\/so\/#organization"},"articleSection":["Featured","Hal-abuurka &amp; Suugaanta","Sheeko"],"inLanguage":"en-US","potentialAction":[{"@type":"CommentAction","name":"Comment","target":["https:\/\/aga.so\/so\/gaashaanqaad-habaabay\/#respond"]}]},{"@type":"WebPage","@id":"https:\/\/aga.so\/so\/gaashaanqaad-habaabay\/","url":"https:\/\/aga.so\/so\/gaashaanqaad-habaabay\/","name":"Gaashaanqaad Habaabay - Akademiye Goboleedka Af Soomaaliga AGA","isPartOf":{"@id":"https:\/\/aga.so\/so\/#website"},"datePublished":"2020-11-14T14:22:19+00:00","dateModified":"2020-11-14T14:39:29+00:00","breadcrumb":{"@id":"https:\/\/aga.so\/so\/gaashaanqaad-habaabay\/#breadcrumb"},"inLanguage":"en-US","potentialAction":[{"@type":"ReadAction","target":["https:\/\/aga.so\/so\/gaashaanqaad-habaabay\/"]}]},{"@type":"BreadcrumbList","@id":"https:\/\/aga.so\/so\/gaashaanqaad-habaabay\/#breadcrumb","itemListElement":[{"@type":"ListItem","position":1,"name":"Home","item":"https:\/\/aga.so\/so\/"},{"@type":"ListItem","position":2,"name":"Gaashaanqaad Habaabay"}]},{"@type":"WebSite","@id":"https:\/\/aga.so\/so\/#website","url":"https:\/\/aga.so\/so\/","name":"Akademiye Goboleedka Af Soomaaliga AGA","description":"","publisher":{"@id":"https:\/\/aga.so\/so\/#organization"},"potentialAction":[{"@type":"SearchAction","target":{"@type":"EntryPoint","urlTemplate":"https:\/\/aga.so\/so\/?s={search_term_string}"},"query-input":"required name=search_term_string"}],"inLanguage":"en-US"},{"@type":"Organization","@id":"https:\/\/aga.so\/so\/#organization","name":"AGA - Akadeemiya Goboleedka AfSoomaaliga","url":"https:\/\/aga.so\/so\/","logo":{"@type":"ImageObject","inLanguage":"en-US","@id":"https:\/\/aga.so\/so\/#\/schema\/logo\/image\/","url":"https:\/\/aga.so\/so\/wp-content\/uploads\/2020\/10\/favicon-2.png","contentUrl":"https:\/\/aga.so\/so\/wp-content\/uploads\/2020\/10\/favicon-2.png","width":162,"height":83,"caption":"AGA - Akadeemiya Goboleedka AfSoomaaliga"},"image":{"@id":"https:\/\/aga.so\/so\/#\/schema\/logo\/image\/"}},{"@type":"Person","@id":"https:\/\/aga.so\/so\/#\/schema\/person\/c89f24807531a9b3d9df95d848134d50","name":"hgb","image":{"@type":"ImageObject","inLanguage":"en-US","@id":"https:\/\/aga.so\/so\/#\/schema\/person\/image\/","url":"https:\/\/secure.gravatar.com\/avatar\/9cc2fe393829a669530037fc59abb837?s=96&d=mm&r=g","contentUrl":"https:\/\/secure.gravatar.com\/avatar\/9cc2fe393829a669530037fc59abb837?s=96&d=mm&r=g","caption":"hgb"},"url":"https:\/\/aga.so\/so\/author\/hgb\/"}]}},"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/aga.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/4200"}],"collection":[{"href":"https:\/\/aga.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/aga.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/aga.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/users\/1"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/aga.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=4200"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/aga.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/4200\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":4201,"href":"https:\/\/aga.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/4200\/revisions\/4201"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/aga.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media\/4202"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/aga.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=4200"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/aga.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=4200"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/aga.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=4200"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}