{"id":4172,"date":"2020-11-07T08:14:51","date_gmt":"2020-11-07T08:14:51","guid":{"rendered":"https:\/\/aga.so\/so\/?p=4172"},"modified":"2020-11-08T10:22:35","modified_gmt":"2020-11-08T10:22:35","slug":"dhextaallaynta-maansada-w-q-macallin-c-laahi-sh-cabdi-gacanka","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/aga.so\/so\/dhextaallaynta-maansada-w-q-macallin-c-laahi-sh-cabdi-gacanka\/","title":{"rendered":"Dhextaallaynta Maansada (W. Q. Macallin C\/laahi Sh. Cabdi Gacanka)"},"content":{"rendered":"<h5>Dhextaaleynta maansada haddaan soo koobno qeexideeda: Waa habab falkineedyo si gaara loogu dhiso dhammaan jaadad-tixeedyada kala duwan ee maansada, oo heemaaliya habdhaca sargooyadooda. Iyadoo loogu xilanayo in lagu dhumuc cusleeyo hadba xogta lagu gudbinayo falkada meeriseyntooda.<\/h5>\n<h5>Dhextaalleynta maansada, siyaallo kala duwan ayey ugu soohmaan haltirinnadeeda kala geddisan. Jaad-dhextaaleed waliba oo ay maansadu ku soohanto. Waxaa jira xaalado loo cuskado Tixda ku soohidiisa. Iyadoo loo eegayo xulashadiisa hadba xogta la doonayo in uu ku gudbiyo nooca ay tahay ku habboonaantiisa. Haddaba, halkaa waxaa innoogu caddaadey kala duwanaanta dhextaallada maansadu ay ku falkinsanto meeriseynteeda iyo jaad-dhextaaleed waliba in ay jirto sababo loogu xisho Tixda oo madhaafaan u ah ku soohidiisa.<\/h5>\n<h5>Inta aynaan u gelin faaqidaada dhextaalleynta maansada, guud ahaan iyo gaar ahaan hababka ay ugu soohmaan haltirinnadeeda kala duwan. Marka hore aan iftiimino qeybaha dhextaallada maansada ay u kala baxaan tusmeyntooda. Guud ahaan marka aan u kuurgalno qaabdhismeedka haltirinnada maansada qoran. Oo aan isku soo xeerino dhextaallada ay ku kala soohan yihiin. Waxaan ku soo ururin karnaa: Seddax jaad dhextaaleed oo kala ah:<\/h5>\n<p><strong><em>1. Dhextaal qodobeynta maansada.<\/em><\/strong><br \/>\n<strong><em>2. Dhextaal cusleynta maansada.<\/em><\/strong><br \/>\n<strong><em>3. Dhextaal baanida maanseeyaha.<\/em><\/strong><\/p>\n<h4><strong>Dhextaal-Qodobeynta Maansada<\/strong>.<\/h4>\n<h5>Faaqidaada dhextaal-qodobeynta maansada, inta aynnaan u gelin. Waxaa xusid mudan dhextaaleynta haltirinnada maansada ku soohida falkada meeriseyntooda. Inkastoo ay ka wada simman yihiin dhammaan jaadad-tixeedyada maansada oo aannu jirin mid ka maarma. Haddana waa ay ku kala badan yihiin dhanka dhextaal adeegsigooda. Gabeyga ayaa ah kan ugu adeegsi badan dhextaalka dhammaan haltirinnada kale ee maansada, oo ma jiro jaad-tixeed soo dhaweynaya gabayga marka loo eego heerka uu ka joogo dhextaalleyntiisa-tixeed. Sababta, uu ugu adeegsi batey waxba iyada taa hadda u geli meyno oo waxay innaga duweysaa mowduuca qormadeenna diiradu y saaran tahay iftiiminteeda.<\/h5>\n<h5>Haddaan u soo noqdo, faaqidaada dhextaal qodobeynta maansada. Waxaa loogu xishaa ku soohideeda Tixda, marka la doonayo in lagu gudbiyo, dhowr arrimood oo kala geddisan oo haddana isku daaban kala soocidooda ayaa loogu saleeyaa sababteeda. Si aaney Tixdu u noqon mid isku dhexyaacsan oo uu mugdi galo macna-gudbinteeda.<\/h5>\n<h5>Dhextaal-qodobeynta maansada. Waxaa had iyo jeeraale lagu falkiyaa awal-bilowga Tixda oo dulmar ahaan loogu kala qeexo hadba arrimaha gundhigga u ah xogtebinteeda. Kala qodobeyntaasoo u sahleysa maanseeyaha inuu marba qodob u galo faahfaahintiisa. Bal aan tusaale u soo qaadano dhextaal-qodobeynta mid ka mid ah, tixooyinkii horey loogu soohey awalbilowga meerisyeeda oo aad ku garataan.<\/h5>\n<h5><em><strong>Indhaweydba waataan qubin qaaraddii gabaye.<\/strong><\/em><br \/>\n<em><strong>Waan ka qatanaa meeshan iyo qubadkii deyreede.<\/strong><\/em><br \/>\n<em><strong>Marka idinka qaarkiin gam\u2019aa leygu soo qubaye.<\/strong><\/em><br \/>\n<em><strong>Qamaan iyo sidii Weerar baan ugu qiseeyaaye.<\/strong><\/em><br \/>\n<em><strong>Qaraabooy i maqal caawa waan soo qaddimayaaye.<\/strong><\/em><\/h5>\n<h5><em><strong>Qodob waxaan ka iri dunidan iyo qab aan ka faalleeyey.<\/strong><\/em><br \/>\n<em><strong>Qodobna waa degmada reer Xasan qowl aan maqashiiyey.<\/strong><\/em><br \/>\n<em><strong>Qisa kalena waa anniga iyo qun iska sheegeyga. {Aar Maxamed Dhowre}.<\/strong><\/em><\/h5>\n<h4><strong>Dhextaal Cusleynta Maansada.<\/strong><\/h4>\n<h5>Jaad-dhextaaleedkan ku soohidiisa Tixda. Waxaa loogu xishaa in lagu dhumuc cusleeyo hadba xogta la doonayo in lagu gudbinayo falkadeeda. Si ay saameyn u yeelato dhacda werinteeda oo loogu baraarugo miisaanka ay leedahay muujinta ogaalkeeda.<\/h5>\n<h5>Jaad-dhextaaleedkan qaab ahaan waa soo celcelin, tuduc ama tuducyo isku mida oo aan marna is beddelin xarafraacooda ereyeed oo hadba ku soo noqnoqda Tixda taxankeeda. Jaad-dhextaaleedkan tixooyinka loo xusho in lagu sooho qaabdhismeedkooda. Waxay u sameysaan qaab hooris hooris ah oo ah: Tuducyo inta badan isku sargo\u2019an sida: Seddax seddax ama afar afar&#8230;.iwm. Tusaale ahaan, tixooyinka hooris hooriska u sameysma qaabdhismeedkoodu. Waa sida meerisyada soo socda oo kale.<\/h5>\n<h5><em><strong>Safnigii abaartiyo la reeb, sifihii jiilaale.<\/strong><\/em><br \/>\n<em><strong>Caanaha saboolkiinu nacay, yaan sac maashaday.<\/strong><\/em><br \/>\n<em><strong>Suus gabanna innaynaan mitibin, geela igu siiya.<\/strong><\/em><\/h5>\n<h5><em><strong>Samri waayayoo waxaan deymoon, sidigtii Maahire.<\/strong><\/em><br \/>\n<em><strong>Saakana hal gaadhi muddada, soolka igu daaya.<\/strong><\/em><br \/>\n<em><strong>Seeddiyo abtaan wada nahay, geela igu siiya. {Aw Yuusuf Bare}<\/strong><\/em><\/h5>\n<h5>Geesta kale jaad-dhextaaleedkan dhumuc cusleynta Tixda oo ah soo celcelinta meeriska ama meerisyada oo hadba ku soo noqnoqda taxankeeda. Waxay xambaarsan yihiin dulucda Tixda biyadhaca u ah xogtebinteeda. Bal aan soo qaato laba tusaale oo aad ku kala garataan tixooyinkii horey loogu soohey qaar ka mid ah meerisyadooda.<br \/>\nTusaalaha 1aad: Soo Celcelinta Meeris Qura dhextaaleyntiisa: Aan soo qaato gabey dheer oo uu mariyey AHN <strong>Cali Xuseen Xirsi<\/strong>. Oo uu dhextaal uga dhigey soo celcelinta meeriska soo socda:<\/h5>\n<h5><em><strong>Gabeygaan rakibey iyo dhulkaan xaley garaacaayey.<\/strong><\/em><br \/>\n<em><strong>Gurxanka iyo reenkaad libaax go\u2019aya moodeysey.<\/strong><\/em><br \/>\n<em><strong>Gam\u2019i waayey Soomaaliyeey gocoshadaadiiye.<\/strong><\/em><\/h5>\n<h5><em><strong>Sidii odey gablamayaan wuxuu dhaley gargaareynin.<\/strong><\/em><br \/>\n<em><strong>Oo fiid gadhkiyo labada low meel isugu geeyey.<\/strong><\/em><br \/>\n<em><strong>Gam\u2019i waayey Soomaaliyeey gocoshadaadiiye.<\/strong><\/em><\/h5>\n<h5><em><strong>Sidii gaadhi kii qabey dhintoo galab la sii qaadey.<\/strong><\/em><br \/>\n<em><strong>Oo gorodda loo geliyey midaan gabadhu dooneynin.<\/strong><\/em><br \/>\n<em><strong>Oo geeridiisii ilmada gabax ka siineysa.<\/strong><\/em><br \/>\n<em><strong>Gam\u2019i waayey Soomaaliyeey gocoshadaadiiye.<\/strong><\/em><\/h5>\n<h5><strong>Tusaalaha 2aad: Soo Celcelinta Meerisyada Dhowrka ah:<\/strong> Aan soo qaadann gabaygii abaaldhaca ahaa ee uu mariyey AHN <em><strong>Salaan Carrabey.<\/strong><\/em> Waxaa dhextaal u ah oo hadba ku soo noqnoqonaya taxankiisa afartan meeris ee ah:<\/h5>\n<h5><em><strong>Dumarkuba xublada foosha waa, xanaf wareeraane.<\/strong><\/em><br \/>\n<em><strong>Bal iney xusuus daran yihiin, xeylka kale mooge!<\/strong><\/em><br \/>\n<em><strong>Waxba yaanu xeerkey i marin, xoogna ii furine.<\/strong><\/em><br \/>\n<em><strong>Xaaha e nin libin kaa xistiyey, xumihii waa yaabe!<\/strong><\/em><\/h5>\n<h4><strong>Dhextaal Baanida Maanseeyaha.<\/strong><\/h4>\n<h5>Jaad-dhextaaleedkan baanida. Wuxuu maanseeyuhu ku muujiyaa heerka sare ee uu ka joogo halabuurka Tixda iyo sida uu ugu caanbaxay murti heli ogaan. Waana kala wareegid arrin laga soo warramey ka gudbideeda iyo u gelida tu kale oo hor leh wax ka dhihideeda.<\/h5>\n<h5>Geesta kale, jaad-dhextaaleedkan marka laga tago baanida maansayahanka, oo laga eego dhanka kala wareegida labada arrimood kala soocidooda xogeed. Wuxuu si dadban ula qaab yahay jaad-dhextaaleedka qodobeynta ee aan kor ku soo marney. Waxaa kaloo xusid mudan Jaad-dhextaaleedkan baanida ama kala wareegida waxaa furre u ah garashadiisa ereyga Afartaasi&#8230; sidaa iyo&#8230;. sidaa. Bal aan tusaale u soo qaadano mid ka mid ah tixooyinkii horey loogu soohey qeyb ka mid ah meerisyadeeda.<\/h5>\n<h5><em><strong>Afartaasi ballaysinka horraan, bilic u yeellaaye.<\/strong><\/em><br \/>\n<em><strong>Waxaan baydda uga giijiyaa, baxar colaadeede.<\/strong><\/em><br \/>\n<em><strong>Jeeraan baroorkiyo sengaha, badi u soo fuulo<\/strong><\/em><br \/>\n<em><strong>Oo ay bullaaliyo hadhaan, baqal nin heenseystey.<\/strong><\/em><br \/>\n<em><strong>Ma badheedhin maansada haddaad, bogan laheydeene.<\/strong><\/em><br \/>\n<em><strong>Balfis gabeygu iiguma baxee, erey kalaan baaney. {Yuusuf Shaacir}.<\/strong><\/em><\/h5>\n<h5>Gebagebadii qormadan kooban ee aan ku qaadaadhigey dhextaallada maansada. Waxan ku soo gunaanadayaa keliya waa iftiimin bilow ah ee ma ahan mid biyo kama dhibcaan ah. Maadaama horey wax muuqda oo la sheego aan looga qorin jaadad-dhextaaleedyada maansada, oo ay taasi u baahan tahay in cilmibaaris intan ka qotadheer lagu sameeyo. Si looga gungaaro dhextaallada ay maansadu yeelan karto kala saleyntooda.<\/h5>\n<h5><em><strong>Macallin C\/laahi Shiikh Cabdi Aadan {Gacanka}<\/strong><\/em><\/h5>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Dhextaaleynta maansada haddaan soo koobno qeexideeda: Waa habab falkineedyo si gaara loogu dhiso dhammaan jaadad-tixeedyada kala duwan ee maansada, oo heemaaliya habdhaca sargooyadooda. Iyadoo loogu xilanayo in lagu dhumuc cusleeyo hadba xogta lagu gudbinayo falkada meeriseyntooda. Dhextaalleynta maansada, siyaallo kala duwan ayey ugu soohmaan haltirinnadeeda kala geddisan. Jaad-dhextaaleed waliba oo ay maansadu ku soohanto. Waxaa [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":1,"featured_media":2985,"comment_status":"open","ping_status":"open","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"inline_featured_image":false},"categories":[19],"tags":[],"yoast_head":"<!-- This site is optimized with the Yoast SEO plugin v20.2.1 - https:\/\/yoast.com\/wordpress\/plugins\/seo\/ -->\n<title>Dhextaallaynta Maansada (W. Q. Macallin C\/laahi Sh. Cabdi Gacanka) - Akademiye Goboleedka Af Soomaaliga AGA<\/title>\n<meta name=\"robots\" content=\"index, follow, max-snippet:-1, max-image-preview:large, max-video-preview:-1\" \/>\n<link rel=\"canonical\" href=\"https:\/\/aga.so\/so\/dhextaallaynta-maansada-w-q-macallin-c-laahi-sh-cabdi-gacanka\/\" \/>\n<meta property=\"og:locale\" content=\"en_US\" \/>\n<meta property=\"og:type\" content=\"article\" \/>\n<meta property=\"og:title\" content=\"Dhextaallaynta Maansada (W. Q. Macallin C\/laahi Sh. Cabdi Gacanka) - Akademiye Goboleedka Af Soomaaliga AGA\" \/>\n<meta property=\"og:description\" content=\"Dhextaaleynta maansada haddaan soo koobno qeexideeda: Waa habab falkineedyo si gaara loogu dhiso dhammaan jaadad-tixeedyada kala duwan ee maansada, oo heemaaliya habdhaca sargooyadooda. Iyadoo loogu xilanayo in lagu dhumuc cusleeyo hadba xogta lagu gudbinayo falkada meeriseyntooda. Dhextaalleynta maansada, siyaallo kala duwan ayey ugu soohmaan haltirinnadeeda kala geddisan. Jaad-dhextaaleed waliba oo ay maansadu ku soohanto. Waxaa [&hellip;]\" \/>\n<meta property=\"og:url\" content=\"https:\/\/aga.so\/so\/dhextaallaynta-maansada-w-q-macallin-c-laahi-sh-cabdi-gacanka\/\" \/>\n<meta property=\"og:site_name\" content=\"Akademiye Goboleedka Af Soomaaliga AGA\" \/>\n<meta property=\"article:published_time\" content=\"2020-11-07T08:14:51+00:00\" \/>\n<meta property=\"article:modified_time\" content=\"2020-11-08T10:22:35+00:00\" \/>\n<meta property=\"og:image\" content=\"https:\/\/aga.so\/so\/wp-content\/uploads\/2020\/03\/88438112_210485350321635_1464891466378641408_n-1.jpg\" \/>\n\t<meta property=\"og:image:width\" content=\"960\" \/>\n\t<meta property=\"og:image:height\" content=\"720\" \/>\n\t<meta property=\"og:image:type\" content=\"image\/jpeg\" \/>\n<meta name=\"author\" content=\"hgb\" \/>\n<meta name=\"twitter:card\" content=\"summary_large_image\" \/>\n<meta name=\"twitter:label1\" content=\"Written by\" \/>\n\t<meta name=\"twitter:data1\" content=\"hgb\" \/>\n\t<meta name=\"twitter:label2\" content=\"Est. reading time\" \/>\n\t<meta name=\"twitter:data2\" content=\"5 minutes\" \/>\n<script type=\"application\/ld+json\" class=\"yoast-schema-graph\">{\"@context\":\"https:\/\/schema.org\",\"@graph\":[{\"@type\":\"Article\",\"@id\":\"https:\/\/aga.so\/so\/dhextaallaynta-maansada-w-q-macallin-c-laahi-sh-cabdi-gacanka\/#article\",\"isPartOf\":{\"@id\":\"https:\/\/aga.so\/so\/dhextaallaynta-maansada-w-q-macallin-c-laahi-sh-cabdi-gacanka\/\"},\"author\":{\"name\":\"hgb\",\"@id\":\"https:\/\/aga.so\/so\/#\/schema\/person\/c89f24807531a9b3d9df95d848134d50\"},\"headline\":\"Dhextaallaynta Maansada (W. Q. Macallin C\/laahi Sh. Cabdi Gacanka)\",\"datePublished\":\"2020-11-07T08:14:51+00:00\",\"dateModified\":\"2020-11-08T10:22:35+00:00\",\"mainEntityOfPage\":{\"@id\":\"https:\/\/aga.so\/so\/dhextaallaynta-maansada-w-q-macallin-c-laahi-sh-cabdi-gacanka\/\"},\"wordCount\":1029,\"commentCount\":0,\"publisher\":{\"@id\":\"https:\/\/aga.so\/so\/#organization\"},\"articleSection\":[\"Hal-abuurka &amp; Suugaanta\"],\"inLanguage\":\"en-US\",\"potentialAction\":[{\"@type\":\"CommentAction\",\"name\":\"Comment\",\"target\":[\"https:\/\/aga.so\/so\/dhextaallaynta-maansada-w-q-macallin-c-laahi-sh-cabdi-gacanka\/#respond\"]}]},{\"@type\":\"WebPage\",\"@id\":\"https:\/\/aga.so\/so\/dhextaallaynta-maansada-w-q-macallin-c-laahi-sh-cabdi-gacanka\/\",\"url\":\"https:\/\/aga.so\/so\/dhextaallaynta-maansada-w-q-macallin-c-laahi-sh-cabdi-gacanka\/\",\"name\":\"Dhextaallaynta Maansada (W. Q. Macallin C\/laahi Sh. Cabdi Gacanka) - Akademiye Goboleedka Af Soomaaliga AGA\",\"isPartOf\":{\"@id\":\"https:\/\/aga.so\/so\/#website\"},\"datePublished\":\"2020-11-07T08:14:51+00:00\",\"dateModified\":\"2020-11-08T10:22:35+00:00\",\"breadcrumb\":{\"@id\":\"https:\/\/aga.so\/so\/dhextaallaynta-maansada-w-q-macallin-c-laahi-sh-cabdi-gacanka\/#breadcrumb\"},\"inLanguage\":\"en-US\",\"potentialAction\":[{\"@type\":\"ReadAction\",\"target\":[\"https:\/\/aga.so\/so\/dhextaallaynta-maansada-w-q-macallin-c-laahi-sh-cabdi-gacanka\/\"]}]},{\"@type\":\"BreadcrumbList\",\"@id\":\"https:\/\/aga.so\/so\/dhextaallaynta-maansada-w-q-macallin-c-laahi-sh-cabdi-gacanka\/#breadcrumb\",\"itemListElement\":[{\"@type\":\"ListItem\",\"position\":1,\"name\":\"Home\",\"item\":\"https:\/\/aga.so\/so\/\"},{\"@type\":\"ListItem\",\"position\":2,\"name\":\"Dhextaallaynta Maansada (W. Q. Macallin C\/laahi Sh. Cabdi Gacanka)\"}]},{\"@type\":\"WebSite\",\"@id\":\"https:\/\/aga.so\/so\/#website\",\"url\":\"https:\/\/aga.so\/so\/\",\"name\":\"Akademiye Goboleedka Af Soomaaliga AGA\",\"description\":\"\",\"publisher\":{\"@id\":\"https:\/\/aga.so\/so\/#organization\"},\"potentialAction\":[{\"@type\":\"SearchAction\",\"target\":{\"@type\":\"EntryPoint\",\"urlTemplate\":\"https:\/\/aga.so\/so\/?s={search_term_string}\"},\"query-input\":\"required name=search_term_string\"}],\"inLanguage\":\"en-US\"},{\"@type\":\"Organization\",\"@id\":\"https:\/\/aga.so\/so\/#organization\",\"name\":\"AGA - Akadeemiya Goboleedka AfSoomaaliga\",\"url\":\"https:\/\/aga.so\/so\/\",\"logo\":{\"@type\":\"ImageObject\",\"inLanguage\":\"en-US\",\"@id\":\"https:\/\/aga.so\/so\/#\/schema\/logo\/image\/\",\"url\":\"https:\/\/aga.so\/so\/wp-content\/uploads\/2020\/10\/favicon-2.png\",\"contentUrl\":\"https:\/\/aga.so\/so\/wp-content\/uploads\/2020\/10\/favicon-2.png\",\"width\":162,\"height\":83,\"caption\":\"AGA - Akadeemiya Goboleedka AfSoomaaliga\"},\"image\":{\"@id\":\"https:\/\/aga.so\/so\/#\/schema\/logo\/image\/\"}},{\"@type\":\"Person\",\"@id\":\"https:\/\/aga.so\/so\/#\/schema\/person\/c89f24807531a9b3d9df95d848134d50\",\"name\":\"hgb\",\"image\":{\"@type\":\"ImageObject\",\"inLanguage\":\"en-US\",\"@id\":\"https:\/\/aga.so\/so\/#\/schema\/person\/image\/\",\"url\":\"https:\/\/secure.gravatar.com\/avatar\/9cc2fe393829a669530037fc59abb837?s=96&d=mm&r=g\",\"contentUrl\":\"https:\/\/secure.gravatar.com\/avatar\/9cc2fe393829a669530037fc59abb837?s=96&d=mm&r=g\",\"caption\":\"hgb\"},\"url\":\"https:\/\/aga.so\/so\/author\/hgb\/\"}]}<\/script>\n<!-- \/ Yoast SEO plugin. -->","yoast_head_json":{"title":"Dhextaallaynta Maansada (W. Q. Macallin C\/laahi Sh. Cabdi Gacanka) - Akademiye Goboleedka Af Soomaaliga AGA","robots":{"index":"index","follow":"follow","max-snippet":"max-snippet:-1","max-image-preview":"max-image-preview:large","max-video-preview":"max-video-preview:-1"},"canonical":"https:\/\/aga.so\/so\/dhextaallaynta-maansada-w-q-macallin-c-laahi-sh-cabdi-gacanka\/","og_locale":"en_US","og_type":"article","og_title":"Dhextaallaynta Maansada (W. Q. Macallin C\/laahi Sh. Cabdi Gacanka) - Akademiye Goboleedka Af Soomaaliga AGA","og_description":"Dhextaaleynta maansada haddaan soo koobno qeexideeda: Waa habab falkineedyo si gaara loogu dhiso dhammaan jaadad-tixeedyada kala duwan ee maansada, oo heemaaliya habdhaca sargooyadooda. Iyadoo loogu xilanayo in lagu dhumuc cusleeyo hadba xogta lagu gudbinayo falkada meeriseyntooda. Dhextaalleynta maansada, siyaallo kala duwan ayey ugu soohmaan haltirinnadeeda kala geddisan. Jaad-dhextaaleed waliba oo ay maansadu ku soohanto. Waxaa [&hellip;]","og_url":"https:\/\/aga.so\/so\/dhextaallaynta-maansada-w-q-macallin-c-laahi-sh-cabdi-gacanka\/","og_site_name":"Akademiye Goboleedka Af Soomaaliga AGA","article_published_time":"2020-11-07T08:14:51+00:00","article_modified_time":"2020-11-08T10:22:35+00:00","og_image":[{"width":960,"height":720,"url":"https:\/\/aga.so\/so\/wp-content\/uploads\/2020\/03\/88438112_210485350321635_1464891466378641408_n-1.jpg","type":"image\/jpeg"}],"author":"hgb","twitter_card":"summary_large_image","twitter_misc":{"Written by":"hgb","Est. reading time":"5 minutes"},"schema":{"@context":"https:\/\/schema.org","@graph":[{"@type":"Article","@id":"https:\/\/aga.so\/so\/dhextaallaynta-maansada-w-q-macallin-c-laahi-sh-cabdi-gacanka\/#article","isPartOf":{"@id":"https:\/\/aga.so\/so\/dhextaallaynta-maansada-w-q-macallin-c-laahi-sh-cabdi-gacanka\/"},"author":{"name":"hgb","@id":"https:\/\/aga.so\/so\/#\/schema\/person\/c89f24807531a9b3d9df95d848134d50"},"headline":"Dhextaallaynta Maansada (W. Q. Macallin C\/laahi Sh. Cabdi Gacanka)","datePublished":"2020-11-07T08:14:51+00:00","dateModified":"2020-11-08T10:22:35+00:00","mainEntityOfPage":{"@id":"https:\/\/aga.so\/so\/dhextaallaynta-maansada-w-q-macallin-c-laahi-sh-cabdi-gacanka\/"},"wordCount":1029,"commentCount":0,"publisher":{"@id":"https:\/\/aga.so\/so\/#organization"},"articleSection":["Hal-abuurka &amp; Suugaanta"],"inLanguage":"en-US","potentialAction":[{"@type":"CommentAction","name":"Comment","target":["https:\/\/aga.so\/so\/dhextaallaynta-maansada-w-q-macallin-c-laahi-sh-cabdi-gacanka\/#respond"]}]},{"@type":"WebPage","@id":"https:\/\/aga.so\/so\/dhextaallaynta-maansada-w-q-macallin-c-laahi-sh-cabdi-gacanka\/","url":"https:\/\/aga.so\/so\/dhextaallaynta-maansada-w-q-macallin-c-laahi-sh-cabdi-gacanka\/","name":"Dhextaallaynta Maansada (W. Q. Macallin C\/laahi Sh. Cabdi Gacanka) - Akademiye Goboleedka Af Soomaaliga AGA","isPartOf":{"@id":"https:\/\/aga.so\/so\/#website"},"datePublished":"2020-11-07T08:14:51+00:00","dateModified":"2020-11-08T10:22:35+00:00","breadcrumb":{"@id":"https:\/\/aga.so\/so\/dhextaallaynta-maansada-w-q-macallin-c-laahi-sh-cabdi-gacanka\/#breadcrumb"},"inLanguage":"en-US","potentialAction":[{"@type":"ReadAction","target":["https:\/\/aga.so\/so\/dhextaallaynta-maansada-w-q-macallin-c-laahi-sh-cabdi-gacanka\/"]}]},{"@type":"BreadcrumbList","@id":"https:\/\/aga.so\/so\/dhextaallaynta-maansada-w-q-macallin-c-laahi-sh-cabdi-gacanka\/#breadcrumb","itemListElement":[{"@type":"ListItem","position":1,"name":"Home","item":"https:\/\/aga.so\/so\/"},{"@type":"ListItem","position":2,"name":"Dhextaallaynta Maansada (W. Q. Macallin C\/laahi Sh. Cabdi Gacanka)"}]},{"@type":"WebSite","@id":"https:\/\/aga.so\/so\/#website","url":"https:\/\/aga.so\/so\/","name":"Akademiye Goboleedka Af Soomaaliga AGA","description":"","publisher":{"@id":"https:\/\/aga.so\/so\/#organization"},"potentialAction":[{"@type":"SearchAction","target":{"@type":"EntryPoint","urlTemplate":"https:\/\/aga.so\/so\/?s={search_term_string}"},"query-input":"required name=search_term_string"}],"inLanguage":"en-US"},{"@type":"Organization","@id":"https:\/\/aga.so\/so\/#organization","name":"AGA - Akadeemiya Goboleedka AfSoomaaliga","url":"https:\/\/aga.so\/so\/","logo":{"@type":"ImageObject","inLanguage":"en-US","@id":"https:\/\/aga.so\/so\/#\/schema\/logo\/image\/","url":"https:\/\/aga.so\/so\/wp-content\/uploads\/2020\/10\/favicon-2.png","contentUrl":"https:\/\/aga.so\/so\/wp-content\/uploads\/2020\/10\/favicon-2.png","width":162,"height":83,"caption":"AGA - Akadeemiya Goboleedka AfSoomaaliga"},"image":{"@id":"https:\/\/aga.so\/so\/#\/schema\/logo\/image\/"}},{"@type":"Person","@id":"https:\/\/aga.so\/so\/#\/schema\/person\/c89f24807531a9b3d9df95d848134d50","name":"hgb","image":{"@type":"ImageObject","inLanguage":"en-US","@id":"https:\/\/aga.so\/so\/#\/schema\/person\/image\/","url":"https:\/\/secure.gravatar.com\/avatar\/9cc2fe393829a669530037fc59abb837?s=96&d=mm&r=g","contentUrl":"https:\/\/secure.gravatar.com\/avatar\/9cc2fe393829a669530037fc59abb837?s=96&d=mm&r=g","caption":"hgb"},"url":"https:\/\/aga.so\/so\/author\/hgb\/"}]}},"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/aga.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/4172"}],"collection":[{"href":"https:\/\/aga.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/aga.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/aga.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/users\/1"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/aga.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=4172"}],"version-history":[{"count":4,"href":"https:\/\/aga.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/4172\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":4177,"href":"https:\/\/aga.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/4172\/revisions\/4177"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/aga.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media\/2985"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/aga.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=4172"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/aga.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=4172"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/aga.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=4172"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}