{"id":4165,"date":"2020-11-03T05:56:01","date_gmt":"2020-11-03T05:56:01","guid":{"rendered":"https:\/\/aga.so\/so\/?p=4165"},"modified":"2020-11-03T05:56:01","modified_gmt":"2020-11-03T05:56:01","slug":"murti-iyo-maahmaah-iftiimin-kooban","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/aga.so\/so\/murti-iyo-maahmaah-iftiimin-kooban\/","title":{"rendered":"Murti iyo Maahmaah \u201cIftiimin Kooban\u201d"},"content":{"rendered":"<h4>Waxaan maqalnaa erayada isku lammaan, sida: murti iyo maahmaah, tix iyo tiraab, sheeko iyo shaahid, war iyo wacaal ikk. Quruxda iyo afshaxannimada ka sokow, waa xirfad iyo hab ay Soomaalidu u abla`ableeyaan ama isu raaciyaan aqoonta iyo kasmada, isla markaana sahla helidda iyo soo xusuusashada.<\/h4>\n<h4>Halkan ayay ku arooraan labadan eray ee \u201cmurti iyo\u00a0maahmaah\u201d. Waase maxay murti iyo maahmaah? Maxay kala\u00a0yihiin? Maxayse isu yihiin?!<\/h4>\n<h4>Murtida iyo maahmaahdu waxa ay bilaan hadalka, waxayna xoojiyaan fahmidda dulucdiisa. Waxay hadalka taraan qurux, tayo iyo dhumuc intaba. Murtidu waa \u201chadal kooban oo farshaxannimo leh, oo xambaarsan kasmo iyo aqoon run ah oo laga helay waaya-argnimada\u201d.<\/h4>\n<h4>Maahmaahdu waa \u201chadal kooban oo farshaxannimo leh, oo dhacdo ama munaasabad ku soo baxay deedna faafay oo dadku jeclaysteen milgaha uu xambaarsan yahay darteed\u201d. Maahmaahda waxaa la soo qaataa marka la arko dhacdo u eg dhacdadii ay ku soo baxday.<\/h4>\n<h4>Maahmaahda waxaa ka mid ah:<br \/>\n<strong>1. Adduun i khatal.<\/strong><br \/>\n<strong>2. Maalintaan tabar hayay talo ma heyn, maanta oon talo hayana tabar ma hayo.<\/strong><br \/>\n<strong>3. Dani waa seeto.<\/strong><br \/>\n<strong>4. War taladii ba`day!, sow laba tallaabo dhexdood\u00a0talo kama dhalato.<\/strong><br \/>\n<strong>5. Canaan ka yaab reer\/beel ma doojo.<\/strong><\/h4>\n<h4>Shantan maahmaahoodba way inna soo gaareen munaasabaddii ay ku baxeen. Labada hore waxaa loo tiiriyaa Aadan Galaydh, tan saddexaadna Ducaale Suldaan, halka labada u dambeeya ee\u00a0afraad iyo shanaad ay inna soo gaartay sheekadii ama munaasabaddii ay ku dhasheen laakiin aynaan hayn qofkii curiyay, oo xusuus wadareedkii bulshada ka baxay.<\/h4>\n<h4>Halkaa waxaa ka muuqata in farqiga ugu weyn ee u dhexeeya murtida iyo maahmaahdu uu yahay munaasabaddii ay ku soo baxeen, oo maahmaahdu dhacdo wadato. Muddo ka dib, waxaa dhacda in maahmaahda keli ahi ku harto maskaxda dadka, lana illoobo dhacdadii maahmaahdu ku soo baxday. Halkaana maahmaahdii kula masawdo murtida.<\/h4>\n<h4>Maahmaahda waxaa lagu tiriyaa inay tiraab tahay. Haddana badanaaba astaamihii tixda wax bay ka wadataa. Badanaa maahmaahdu qaafiyad ayay leedahay, qiyaastiina maahmaah kastaa markii ay soo baxaysay qaafiyad ayay wadatay, oo adeegsigi badnaa ayay maahmaahaha qaarkood qaafiyaddii ku lumiyeen.<\/h4>\n<h4>Murtidu, iyadu, tix iyo tiraab labadaba way noqotaa. Waxaa jira murti iyadoo tiraab ah la curiyay, halka mid kalena ay ahayd meeris ama dhowr meeris oo tix ka mid ahaa.<br \/>\nWaad wada xusuusan kartaan murtida tiraabta ah, ee bal aan dhowr ka tilmaamo murtida tixda ah.<\/h4>\n<h4><em>Nin labaatan buuxsaday adduun<\/em><br \/>\n<em>way legdamayaane<\/em><br \/>\n<strong><em>Salaan Carrabey<\/em><\/strong><br \/>\n<em>Maandhow ixsaan lagama tago<\/em><br \/>\n<em>eed haddaad faliye<\/em><br \/>\n<em><strong>Sayid Maxamed C Xasan<\/strong>\u00a0<\/em><\/h4>\n<h4>Murti iyo maahmaah kasta qof ayaa curiyay. Hase yeeshee mar kasta oo murtida ama maahmaahda la sheegayo lama raaciyo ciddii curisay. Sidaas darteed, muddo dabadeed qofkaasi wuu ka baxaa xusuusta bulshada, oo waa la illoobaa.<\/h4>\n<h4>Maahmaahda qaarkeed waxaa la garan karaa xilliga ama degaanka ay ka soo baxday. Tusaale ahaan, \u201cLuuqluuq marrow laasim laamiyaas ku\u00a0dhacaa\u201d waxaa laga garan karaa in la curiyay muddo aan sii dheerayn, laguna curiyay degaanka Banaadir ama inta ku xeeran.<br \/>\n<em><strong>W.Q. Bare Sare<\/strong><\/em><br \/>\n<em><strong>Mustafa Fayruus<\/strong><\/em><\/h4>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Waxaan maqalnaa erayada isku lammaan, sida: murti iyo maahmaah, tix iyo tiraab, sheeko iyo shaahid, war iyo wacaal ikk. Quruxda iyo afshaxannimada ka sokow, waa xirfad iyo hab ay Soomaalidu u abla`ableeyaan ama isu raaciyaan aqoonta iyo kasmada, isla markaana sahla helidda iyo soo xusuusashada. Halkan ayay ku arooraan labadan eray ee \u201cmurti iyo\u00a0maahmaah\u201d. Waase [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":1,"featured_media":4166,"comment_status":"open","ping_status":"open","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"inline_featured_image":false},"categories":[17,19],"tags":[],"yoast_head":"<!-- This site is optimized with the Yoast SEO plugin v20.2.1 - https:\/\/yoast.com\/wordpress\/plugins\/seo\/ -->\n<title>Murti iyo Maahmaah \u201cIftiimin Kooban\u201d - Akademiye Goboleedka Af Soomaaliga AGA<\/title>\n<meta name=\"robots\" content=\"index, follow, max-snippet:-1, max-image-preview:large, max-video-preview:-1\" \/>\n<link rel=\"canonical\" href=\"https:\/\/aga.so\/so\/murti-iyo-maahmaah-iftiimin-kooban\/\" \/>\n<meta property=\"og:locale\" content=\"en_US\" \/>\n<meta property=\"og:type\" content=\"article\" \/>\n<meta property=\"og:title\" content=\"Murti iyo Maahmaah \u201cIftiimin Kooban\u201d - Akademiye Goboleedka Af Soomaaliga AGA\" \/>\n<meta property=\"og:description\" content=\"Waxaan maqalnaa erayada isku lammaan, sida: murti iyo maahmaah, tix iyo tiraab, sheeko iyo shaahid, war iyo wacaal ikk. Quruxda iyo afshaxannimada ka sokow, waa xirfad iyo hab ay Soomaalidu u abla`ableeyaan ama isu raaciyaan aqoonta iyo kasmada, isla markaana sahla helidda iyo soo xusuusashada. Halkan ayay ku arooraan labadan eray ee \u201cmurti iyo\u00a0maahmaah\u201d. Waase [&hellip;]\" \/>\n<meta property=\"og:url\" content=\"https:\/\/aga.so\/so\/murti-iyo-maahmaah-iftiimin-kooban\/\" \/>\n<meta property=\"og:site_name\" content=\"Akademiye Goboleedka Af Soomaaliga AGA\" \/>\n<meta property=\"article:published_time\" content=\"2020-11-03T05:56:01+00:00\" \/>\n<meta property=\"og:image\" content=\"https:\/\/aga.so\/so\/wp-content\/uploads\/2020\/11\/EQ_zm4bXYAMnUeH.jpg\" \/>\n\t<meta property=\"og:image:width\" content=\"798\" \/>\n\t<meta property=\"og:image:height\" content=\"384\" \/>\n\t<meta property=\"og:image:type\" content=\"image\/jpeg\" \/>\n<meta name=\"author\" content=\"hgb\" \/>\n<meta name=\"twitter:card\" content=\"summary_large_image\" \/>\n<meta name=\"twitter:label1\" content=\"Written by\" \/>\n\t<meta name=\"twitter:data1\" content=\"hgb\" \/>\n\t<meta name=\"twitter:label2\" content=\"Est. reading time\" \/>\n\t<meta name=\"twitter:data2\" content=\"2 minutes\" \/>\n<script type=\"application\/ld+json\" class=\"yoast-schema-graph\">{\"@context\":\"https:\/\/schema.org\",\"@graph\":[{\"@type\":\"Article\",\"@id\":\"https:\/\/aga.so\/so\/murti-iyo-maahmaah-iftiimin-kooban\/#article\",\"isPartOf\":{\"@id\":\"https:\/\/aga.so\/so\/murti-iyo-maahmaah-iftiimin-kooban\/\"},\"author\":{\"name\":\"hgb\",\"@id\":\"https:\/\/aga.so\/so\/#\/schema\/person\/c89f24807531a9b3d9df95d848134d50\"},\"headline\":\"Murti iyo Maahmaah \u201cIftiimin Kooban\u201d\",\"datePublished\":\"2020-11-03T05:56:01+00:00\",\"dateModified\":\"2020-11-03T05:56:01+00:00\",\"mainEntityOfPage\":{\"@id\":\"https:\/\/aga.so\/so\/murti-iyo-maahmaah-iftiimin-kooban\/\"},\"wordCount\":476,\"commentCount\":0,\"publisher\":{\"@id\":\"https:\/\/aga.so\/so\/#organization\"},\"articleSection\":[\"Featured\",\"Hal-abuurka &amp; Suugaanta\"],\"inLanguage\":\"en-US\",\"potentialAction\":[{\"@type\":\"CommentAction\",\"name\":\"Comment\",\"target\":[\"https:\/\/aga.so\/so\/murti-iyo-maahmaah-iftiimin-kooban\/#respond\"]}]},{\"@type\":\"WebPage\",\"@id\":\"https:\/\/aga.so\/so\/murti-iyo-maahmaah-iftiimin-kooban\/\",\"url\":\"https:\/\/aga.so\/so\/murti-iyo-maahmaah-iftiimin-kooban\/\",\"name\":\"Murti iyo Maahmaah \u201cIftiimin Kooban\u201d - Akademiye Goboleedka Af Soomaaliga AGA\",\"isPartOf\":{\"@id\":\"https:\/\/aga.so\/so\/#website\"},\"datePublished\":\"2020-11-03T05:56:01+00:00\",\"dateModified\":\"2020-11-03T05:56:01+00:00\",\"breadcrumb\":{\"@id\":\"https:\/\/aga.so\/so\/murti-iyo-maahmaah-iftiimin-kooban\/#breadcrumb\"},\"inLanguage\":\"en-US\",\"potentialAction\":[{\"@type\":\"ReadAction\",\"target\":[\"https:\/\/aga.so\/so\/murti-iyo-maahmaah-iftiimin-kooban\/\"]}]},{\"@type\":\"BreadcrumbList\",\"@id\":\"https:\/\/aga.so\/so\/murti-iyo-maahmaah-iftiimin-kooban\/#breadcrumb\",\"itemListElement\":[{\"@type\":\"ListItem\",\"position\":1,\"name\":\"Home\",\"item\":\"https:\/\/aga.so\/so\/\"},{\"@type\":\"ListItem\",\"position\":2,\"name\":\"Murti iyo Maahmaah \u201cIftiimin Kooban\u201d\"}]},{\"@type\":\"WebSite\",\"@id\":\"https:\/\/aga.so\/so\/#website\",\"url\":\"https:\/\/aga.so\/so\/\",\"name\":\"Akademiye Goboleedka Af Soomaaliga AGA\",\"description\":\"\",\"publisher\":{\"@id\":\"https:\/\/aga.so\/so\/#organization\"},\"potentialAction\":[{\"@type\":\"SearchAction\",\"target\":{\"@type\":\"EntryPoint\",\"urlTemplate\":\"https:\/\/aga.so\/so\/?s={search_term_string}\"},\"query-input\":\"required name=search_term_string\"}],\"inLanguage\":\"en-US\"},{\"@type\":\"Organization\",\"@id\":\"https:\/\/aga.so\/so\/#organization\",\"name\":\"AGA - Akadeemiya Goboleedka AfSoomaaliga\",\"url\":\"https:\/\/aga.so\/so\/\",\"logo\":{\"@type\":\"ImageObject\",\"inLanguage\":\"en-US\",\"@id\":\"https:\/\/aga.so\/so\/#\/schema\/logo\/image\/\",\"url\":\"https:\/\/aga.so\/so\/wp-content\/uploads\/2020\/10\/favicon-2.png\",\"contentUrl\":\"https:\/\/aga.so\/so\/wp-content\/uploads\/2020\/10\/favicon-2.png\",\"width\":162,\"height\":83,\"caption\":\"AGA - Akadeemiya Goboleedka AfSoomaaliga\"},\"image\":{\"@id\":\"https:\/\/aga.so\/so\/#\/schema\/logo\/image\/\"}},{\"@type\":\"Person\",\"@id\":\"https:\/\/aga.so\/so\/#\/schema\/person\/c89f24807531a9b3d9df95d848134d50\",\"name\":\"hgb\",\"image\":{\"@type\":\"ImageObject\",\"inLanguage\":\"en-US\",\"@id\":\"https:\/\/aga.so\/so\/#\/schema\/person\/image\/\",\"url\":\"https:\/\/secure.gravatar.com\/avatar\/9cc2fe393829a669530037fc59abb837?s=96&d=mm&r=g\",\"contentUrl\":\"https:\/\/secure.gravatar.com\/avatar\/9cc2fe393829a669530037fc59abb837?s=96&d=mm&r=g\",\"caption\":\"hgb\"},\"url\":\"https:\/\/aga.so\/so\/author\/hgb\/\"}]}<\/script>\n<!-- \/ Yoast SEO plugin. -->","yoast_head_json":{"title":"Murti iyo Maahmaah \u201cIftiimin Kooban\u201d - Akademiye Goboleedka Af Soomaaliga AGA","robots":{"index":"index","follow":"follow","max-snippet":"max-snippet:-1","max-image-preview":"max-image-preview:large","max-video-preview":"max-video-preview:-1"},"canonical":"https:\/\/aga.so\/so\/murti-iyo-maahmaah-iftiimin-kooban\/","og_locale":"en_US","og_type":"article","og_title":"Murti iyo Maahmaah \u201cIftiimin Kooban\u201d - Akademiye Goboleedka Af Soomaaliga AGA","og_description":"Waxaan maqalnaa erayada isku lammaan, sida: murti iyo maahmaah, tix iyo tiraab, sheeko iyo shaahid, war iyo wacaal ikk. Quruxda iyo afshaxannimada ka sokow, waa xirfad iyo hab ay Soomaalidu u abla`ableeyaan ama isu raaciyaan aqoonta iyo kasmada, isla markaana sahla helidda iyo soo xusuusashada. Halkan ayay ku arooraan labadan eray ee \u201cmurti iyo\u00a0maahmaah\u201d. Waase [&hellip;]","og_url":"https:\/\/aga.so\/so\/murti-iyo-maahmaah-iftiimin-kooban\/","og_site_name":"Akademiye Goboleedka Af Soomaaliga AGA","article_published_time":"2020-11-03T05:56:01+00:00","og_image":[{"width":798,"height":384,"url":"https:\/\/aga.so\/so\/wp-content\/uploads\/2020\/11\/EQ_zm4bXYAMnUeH.jpg","type":"image\/jpeg"}],"author":"hgb","twitter_card":"summary_large_image","twitter_misc":{"Written by":"hgb","Est. reading time":"2 minutes"},"schema":{"@context":"https:\/\/schema.org","@graph":[{"@type":"Article","@id":"https:\/\/aga.so\/so\/murti-iyo-maahmaah-iftiimin-kooban\/#article","isPartOf":{"@id":"https:\/\/aga.so\/so\/murti-iyo-maahmaah-iftiimin-kooban\/"},"author":{"name":"hgb","@id":"https:\/\/aga.so\/so\/#\/schema\/person\/c89f24807531a9b3d9df95d848134d50"},"headline":"Murti iyo Maahmaah \u201cIftiimin Kooban\u201d","datePublished":"2020-11-03T05:56:01+00:00","dateModified":"2020-11-03T05:56:01+00:00","mainEntityOfPage":{"@id":"https:\/\/aga.so\/so\/murti-iyo-maahmaah-iftiimin-kooban\/"},"wordCount":476,"commentCount":0,"publisher":{"@id":"https:\/\/aga.so\/so\/#organization"},"articleSection":["Featured","Hal-abuurka &amp; Suugaanta"],"inLanguage":"en-US","potentialAction":[{"@type":"CommentAction","name":"Comment","target":["https:\/\/aga.so\/so\/murti-iyo-maahmaah-iftiimin-kooban\/#respond"]}]},{"@type":"WebPage","@id":"https:\/\/aga.so\/so\/murti-iyo-maahmaah-iftiimin-kooban\/","url":"https:\/\/aga.so\/so\/murti-iyo-maahmaah-iftiimin-kooban\/","name":"Murti iyo Maahmaah \u201cIftiimin Kooban\u201d - Akademiye Goboleedka Af Soomaaliga AGA","isPartOf":{"@id":"https:\/\/aga.so\/so\/#website"},"datePublished":"2020-11-03T05:56:01+00:00","dateModified":"2020-11-03T05:56:01+00:00","breadcrumb":{"@id":"https:\/\/aga.so\/so\/murti-iyo-maahmaah-iftiimin-kooban\/#breadcrumb"},"inLanguage":"en-US","potentialAction":[{"@type":"ReadAction","target":["https:\/\/aga.so\/so\/murti-iyo-maahmaah-iftiimin-kooban\/"]}]},{"@type":"BreadcrumbList","@id":"https:\/\/aga.so\/so\/murti-iyo-maahmaah-iftiimin-kooban\/#breadcrumb","itemListElement":[{"@type":"ListItem","position":1,"name":"Home","item":"https:\/\/aga.so\/so\/"},{"@type":"ListItem","position":2,"name":"Murti iyo Maahmaah \u201cIftiimin Kooban\u201d"}]},{"@type":"WebSite","@id":"https:\/\/aga.so\/so\/#website","url":"https:\/\/aga.so\/so\/","name":"Akademiye Goboleedka Af Soomaaliga AGA","description":"","publisher":{"@id":"https:\/\/aga.so\/so\/#organization"},"potentialAction":[{"@type":"SearchAction","target":{"@type":"EntryPoint","urlTemplate":"https:\/\/aga.so\/so\/?s={search_term_string}"},"query-input":"required name=search_term_string"}],"inLanguage":"en-US"},{"@type":"Organization","@id":"https:\/\/aga.so\/so\/#organization","name":"AGA - Akadeemiya Goboleedka AfSoomaaliga","url":"https:\/\/aga.so\/so\/","logo":{"@type":"ImageObject","inLanguage":"en-US","@id":"https:\/\/aga.so\/so\/#\/schema\/logo\/image\/","url":"https:\/\/aga.so\/so\/wp-content\/uploads\/2020\/10\/favicon-2.png","contentUrl":"https:\/\/aga.so\/so\/wp-content\/uploads\/2020\/10\/favicon-2.png","width":162,"height":83,"caption":"AGA - Akadeemiya Goboleedka AfSoomaaliga"},"image":{"@id":"https:\/\/aga.so\/so\/#\/schema\/logo\/image\/"}},{"@type":"Person","@id":"https:\/\/aga.so\/so\/#\/schema\/person\/c89f24807531a9b3d9df95d848134d50","name":"hgb","image":{"@type":"ImageObject","inLanguage":"en-US","@id":"https:\/\/aga.so\/so\/#\/schema\/person\/image\/","url":"https:\/\/secure.gravatar.com\/avatar\/9cc2fe393829a669530037fc59abb837?s=96&d=mm&r=g","contentUrl":"https:\/\/secure.gravatar.com\/avatar\/9cc2fe393829a669530037fc59abb837?s=96&d=mm&r=g","caption":"hgb"},"url":"https:\/\/aga.so\/so\/author\/hgb\/"}]}},"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/aga.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/4165"}],"collection":[{"href":"https:\/\/aga.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/aga.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/aga.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/users\/1"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/aga.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=4165"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/aga.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/4165\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":4167,"href":"https:\/\/aga.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/4165\/revisions\/4167"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/aga.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media\/4166"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/aga.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=4165"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/aga.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=4165"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/aga.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=4165"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}