{"id":4146,"date":"2020-10-31T07:08:01","date_gmt":"2020-10-31T07:08:01","guid":{"rendered":"https:\/\/aga.so\/so\/?p=4146"},"modified":"2020-10-31T07:11:41","modified_gmt":"2020-10-31T07:11:41","slug":"qoraalka-akhriska-awoodda-gudbinta-aqoonta-ogaalka","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/aga.so\/so\/qoraalka-akhriska-awoodda-gudbinta-aqoonta-ogaalka\/","title":{"rendered":"Qoraalka &#038; Akhriska: Awoodda Gudbinta Aqoonta &#038; Ogaalka"},"content":{"rendered":"<h4><em>Muddo dheer ayuu aadanuhu ku dadaalayey horumarinta awoodda gudbinta aqoonta iyo ogaalka. Qoraalka ayaa soo maray heerar kala duwan, dhagxaan iyo looxyo la xardho, xarfo kala duwan oo la hindiso oo mar walbaana la horumarinayey, ilaa farta dadka aragga la\u2019 ee uu allifay Louis Braille qaadatayna magaciisa ay ku soo biirto aqoonta dunida qaybna ka noqoto in waxbarashada loo sinnaado. Markii la galay xilligan casriga ahna makiinado wax lagu qoro iyo kuwo wax lagu daabaco ayaa soo kordhay oo hawlihii fududeeya qurxiyeyna.<\/em><\/h4>\n<h4><em>Xilligan ay dunidu ku tartanto aqoonta ayaa qoraal-akhrisku u yahay fure, bulsho aan lahayn karti qoraal-akhris waxay halis u tahay dib u dhac joogta ah mana gaarto xorriyad maskaxeed iyo mid maanba. Qoraalkii farta Soomaaliga ka dib, Soomaaliya waa tii qaadday ololayaal lagula dagaalamayey jahliga; kuwaasoo laga gaaray guula waaweyn duniduna uga marag furtay.<\/em><\/h4>\n<h4><em>\u00a0<\/em><em>Iyadoo markii hore tirada dadkeenna ee wax qorta ama akhriyi kartaa lagu qiyaasay in ka yar 10%, ayaa ololayaashii is daba joogga ahaa ka dib waxaa tiradii la gaarsiiyey in ka badan 46%. Waxay ahayd guul weyn oo u soo hoyatay ummadda Soomaaliyeed miyi iyo magaalaba. Hase\u00a0yeeshee, waxaan shaki ku jirin in dhibaatooyinkii badnaa ee aanu soo marnay ay keeneen hoos u dhac baaxad weyn oo heerkii aanu gaarnay bartamihii toddobaatamaadkii iska daa in aan horay muga sii soconnee uu dhimmaal weyn uu ku yimid Soomaaliyana lagu tiriyo dalalka ugu hooseeya dunida dhanka qoraal-akhriska.<\/em><\/h4>\n<h4><em>Dadaallo badan ayay shakhsiyaad iyo hay\u2019ado madaxbannaan wadeen sannadihii aanu soo dhaafnay. Waxaan shaki ku jirin kaalintii ballaarnayd ee <strong>Akadeemiye-Goboleedka AfSoomaaliga \u201cAGA\u201d iyo Naadiga Qalinleyda iyo Hal-abuurka Soomaaliyeed \u201cSomali Speaking PEN\u201d<\/strong> ay ku lahaayeen baraarujinta iyo kor u qaadidda qoraal-akhriska, maantana ay weli ka yihiin\u00a0horkacayaal loo aqoonsan yahay kaalintooda hormuudnimo.<\/em><\/h4>\n<h4><em>Labadaas hay\u2019adood waxay soo saareen qoraallo ku saleysan aqoon baarisyo ay sameeyeen, waxay si joogta ah u qabtaan aqoon isweydaarisyo, waxay dhiirrigeliyaan tababarrana ay siiyaan dadka leh hibada iyo kuwa jecel in ay wax qoraan, waxay weyneeyaan munaasabadaha qoraalka iyo hal-abuurka.<\/em><\/h4>\n<h4><em>Ruux walba oo innaga mid ah inta uu is xilqaamo ayay ku xiran tahay horumarka aan ka gaari karno higsigeenna, gaar ahaan dhanka qoraal-akhriska. Waa mid aan keli keli iyo wadarba u sameyn karno. Annagoo ka duuleyno halkudheggii ahaa \u201cHaddaad taqaan bar, haddaad aqoonna baro\u201d ayaan qaadi karnaa olole aan si rasmi ah loo shaacin balse mira dhal ah,\u00a0waxaana ka dhalan kara olole aan abaabulneyn balse la mid ah kuwii horraantii iyo bartamihii\u00a0toddobaatameeyadii . <\/em><\/h4>\n<h4><em>\u00a0<\/em><em>Ruux aan horay u helin fursad uu ku barto qoraal-akhriska haddii aan siiinno waqtigeena in yar oo ka mid ah, waxaa ka soo bixi kara natiijo lama filaan ah oo weyn. Bal qiyaas tirada baaxaddaa leh oo wax barata iyo sida ay u fududeyn karto horumarka ummaddeenna.<br \/>\n<\/em><em>\u00a0 \u00a0 \u00a0 \u00a0 \u00a0 \u00a0<strong>Qoraa Sare<\/strong><br \/>\n<strong>Cabdiraxmaan Maxamed Abtidoon<\/strong><\/em><\/h4>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Muddo dheer ayuu aadanuhu ku dadaalayey horumarinta awoodda gudbinta aqoonta iyo ogaalka. Qoraalka ayaa soo maray heerar kala duwan, dhagxaan iyo looxyo la xardho, xarfo kala duwan oo la hindiso oo mar walbaana la horumarinayey, ilaa farta dadka aragga la\u2019 ee uu allifay Louis Braille qaadatayna magaciisa ay ku soo biirto aqoonta dunida qaybna ka [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":1,"featured_media":4147,"comment_status":"open","ping_status":"open","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"inline_featured_image":false},"categories":[24],"tags":[],"yoast_head":"<!-- This site is optimized with the Yoast SEO plugin v20.2.1 - https:\/\/yoast.com\/wordpress\/plugins\/seo\/ -->\n<title>Qoraalka &amp; Akhriska: Awoodda Gudbinta Aqoonta &amp; Ogaalka - Akademiye Goboleedka Af Soomaaliga AGA<\/title>\n<meta name=\"robots\" content=\"index, follow, max-snippet:-1, max-image-preview:large, max-video-preview:-1\" \/>\n<link rel=\"canonical\" href=\"https:\/\/aga.so\/so\/qoraalka-akhriska-awoodda-gudbinta-aqoonta-ogaalka\/\" \/>\n<meta property=\"og:locale\" content=\"en_US\" \/>\n<meta property=\"og:type\" content=\"article\" \/>\n<meta property=\"og:title\" content=\"Qoraalka &amp; Akhriska: Awoodda Gudbinta Aqoonta &amp; Ogaalka - Akademiye Goboleedka Af Soomaaliga AGA\" \/>\n<meta property=\"og:description\" content=\"Muddo dheer ayuu aadanuhu ku dadaalayey horumarinta awoodda gudbinta aqoonta iyo ogaalka. Qoraalka ayaa soo maray heerar kala duwan, dhagxaan iyo looxyo la xardho, xarfo kala duwan oo la hindiso oo mar walbaana la horumarinayey, ilaa farta dadka aragga la\u2019 ee uu allifay Louis Braille qaadatayna magaciisa ay ku soo biirto aqoonta dunida qaybna ka [&hellip;]\" \/>\n<meta property=\"og:url\" content=\"https:\/\/aga.so\/so\/qoraalka-akhriska-awoodda-gudbinta-aqoonta-ogaalka\/\" \/>\n<meta property=\"og:site_name\" content=\"Akademiye Goboleedka Af Soomaaliga AGA\" \/>\n<meta property=\"article:published_time\" content=\"2020-10-31T07:08:01+00:00\" \/>\n<meta property=\"article:modified_time\" content=\"2020-10-31T07:11:41+00:00\" \/>\n<meta property=\"og:image\" content=\"https:\/\/aga.so\/so\/wp-content\/uploads\/2020\/10\/maxresdefault.jpg\" \/>\n\t<meta property=\"og:image:width\" content=\"1280\" \/>\n\t<meta property=\"og:image:height\" content=\"720\" \/>\n\t<meta property=\"og:image:type\" content=\"image\/jpeg\" \/>\n<meta name=\"author\" content=\"hgb\" \/>\n<meta name=\"twitter:card\" content=\"summary_large_image\" \/>\n<meta name=\"twitter:label1\" content=\"Written by\" \/>\n\t<meta name=\"twitter:data1\" content=\"hgb\" \/>\n\t<meta name=\"twitter:label2\" content=\"Est. reading time\" \/>\n\t<meta name=\"twitter:data2\" content=\"2 minutes\" \/>\n<script type=\"application\/ld+json\" class=\"yoast-schema-graph\">{\"@context\":\"https:\/\/schema.org\",\"@graph\":[{\"@type\":\"Article\",\"@id\":\"https:\/\/aga.so\/so\/qoraalka-akhriska-awoodda-gudbinta-aqoonta-ogaalka\/#article\",\"isPartOf\":{\"@id\":\"https:\/\/aga.so\/so\/qoraalka-akhriska-awoodda-gudbinta-aqoonta-ogaalka\/\"},\"author\":{\"name\":\"hgb\",\"@id\":\"https:\/\/aga.so\/so\/#\/schema\/person\/c89f24807531a9b3d9df95d848134d50\"},\"headline\":\"Qoraalka &#038; Akhriska: Awoodda Gudbinta Aqoonta &#038; Ogaalka\",\"datePublished\":\"2020-10-31T07:08:01+00:00\",\"dateModified\":\"2020-10-31T07:11:41+00:00\",\"mainEntityOfPage\":{\"@id\":\"https:\/\/aga.so\/so\/qoraalka-akhriska-awoodda-gudbinta-aqoonta-ogaalka\/\"},\"wordCount\":456,\"commentCount\":0,\"publisher\":{\"@id\":\"https:\/\/aga.so\/so\/#organization\"},\"articleSection\":[\"Xulka Maqaallada\"],\"inLanguage\":\"en-US\",\"potentialAction\":[{\"@type\":\"CommentAction\",\"name\":\"Comment\",\"target\":[\"https:\/\/aga.so\/so\/qoraalka-akhriska-awoodda-gudbinta-aqoonta-ogaalka\/#respond\"]}]},{\"@type\":\"WebPage\",\"@id\":\"https:\/\/aga.so\/so\/qoraalka-akhriska-awoodda-gudbinta-aqoonta-ogaalka\/\",\"url\":\"https:\/\/aga.so\/so\/qoraalka-akhriska-awoodda-gudbinta-aqoonta-ogaalka\/\",\"name\":\"Qoraalka & Akhriska: Awoodda Gudbinta Aqoonta & Ogaalka - Akademiye Goboleedka Af Soomaaliga AGA\",\"isPartOf\":{\"@id\":\"https:\/\/aga.so\/so\/#website\"},\"datePublished\":\"2020-10-31T07:08:01+00:00\",\"dateModified\":\"2020-10-31T07:11:41+00:00\",\"breadcrumb\":{\"@id\":\"https:\/\/aga.so\/so\/qoraalka-akhriska-awoodda-gudbinta-aqoonta-ogaalka\/#breadcrumb\"},\"inLanguage\":\"en-US\",\"potentialAction\":[{\"@type\":\"ReadAction\",\"target\":[\"https:\/\/aga.so\/so\/qoraalka-akhriska-awoodda-gudbinta-aqoonta-ogaalka\/\"]}]},{\"@type\":\"BreadcrumbList\",\"@id\":\"https:\/\/aga.so\/so\/qoraalka-akhriska-awoodda-gudbinta-aqoonta-ogaalka\/#breadcrumb\",\"itemListElement\":[{\"@type\":\"ListItem\",\"position\":1,\"name\":\"Home\",\"item\":\"https:\/\/aga.so\/so\/\"},{\"@type\":\"ListItem\",\"position\":2,\"name\":\"Qoraalka &#038; Akhriska: Awoodda Gudbinta Aqoonta &#038; Ogaalka\"}]},{\"@type\":\"WebSite\",\"@id\":\"https:\/\/aga.so\/so\/#website\",\"url\":\"https:\/\/aga.so\/so\/\",\"name\":\"Akademiye Goboleedka Af Soomaaliga AGA\",\"description\":\"\",\"publisher\":{\"@id\":\"https:\/\/aga.so\/so\/#organization\"},\"potentialAction\":[{\"@type\":\"SearchAction\",\"target\":{\"@type\":\"EntryPoint\",\"urlTemplate\":\"https:\/\/aga.so\/so\/?s={search_term_string}\"},\"query-input\":\"required name=search_term_string\"}],\"inLanguage\":\"en-US\"},{\"@type\":\"Organization\",\"@id\":\"https:\/\/aga.so\/so\/#organization\",\"name\":\"AGA - Akadeemiya Goboleedka AfSoomaaliga\",\"url\":\"https:\/\/aga.so\/so\/\",\"logo\":{\"@type\":\"ImageObject\",\"inLanguage\":\"en-US\",\"@id\":\"https:\/\/aga.so\/so\/#\/schema\/logo\/image\/\",\"url\":\"https:\/\/aga.so\/so\/wp-content\/uploads\/2020\/10\/favicon-2.png\",\"contentUrl\":\"https:\/\/aga.so\/so\/wp-content\/uploads\/2020\/10\/favicon-2.png\",\"width\":162,\"height\":83,\"caption\":\"AGA - Akadeemiya Goboleedka AfSoomaaliga\"},\"image\":{\"@id\":\"https:\/\/aga.so\/so\/#\/schema\/logo\/image\/\"}},{\"@type\":\"Person\",\"@id\":\"https:\/\/aga.so\/so\/#\/schema\/person\/c89f24807531a9b3d9df95d848134d50\",\"name\":\"hgb\",\"image\":{\"@type\":\"ImageObject\",\"inLanguage\":\"en-US\",\"@id\":\"https:\/\/aga.so\/so\/#\/schema\/person\/image\/\",\"url\":\"https:\/\/secure.gravatar.com\/avatar\/9cc2fe393829a669530037fc59abb837?s=96&d=mm&r=g\",\"contentUrl\":\"https:\/\/secure.gravatar.com\/avatar\/9cc2fe393829a669530037fc59abb837?s=96&d=mm&r=g\",\"caption\":\"hgb\"},\"url\":\"https:\/\/aga.so\/so\/author\/hgb\/\"}]}<\/script>\n<!-- \/ Yoast SEO plugin. -->","yoast_head_json":{"title":"Qoraalka & Akhriska: Awoodda Gudbinta Aqoonta & Ogaalka - Akademiye Goboleedka Af Soomaaliga AGA","robots":{"index":"index","follow":"follow","max-snippet":"max-snippet:-1","max-image-preview":"max-image-preview:large","max-video-preview":"max-video-preview:-1"},"canonical":"https:\/\/aga.so\/so\/qoraalka-akhriska-awoodda-gudbinta-aqoonta-ogaalka\/","og_locale":"en_US","og_type":"article","og_title":"Qoraalka & Akhriska: Awoodda Gudbinta Aqoonta & Ogaalka - Akademiye Goboleedka Af Soomaaliga AGA","og_description":"Muddo dheer ayuu aadanuhu ku dadaalayey horumarinta awoodda gudbinta aqoonta iyo ogaalka. Qoraalka ayaa soo maray heerar kala duwan, dhagxaan iyo looxyo la xardho, xarfo kala duwan oo la hindiso oo mar walbaana la horumarinayey, ilaa farta dadka aragga la\u2019 ee uu allifay Louis Braille qaadatayna magaciisa ay ku soo biirto aqoonta dunida qaybna ka [&hellip;]","og_url":"https:\/\/aga.so\/so\/qoraalka-akhriska-awoodda-gudbinta-aqoonta-ogaalka\/","og_site_name":"Akademiye Goboleedka Af Soomaaliga AGA","article_published_time":"2020-10-31T07:08:01+00:00","article_modified_time":"2020-10-31T07:11:41+00:00","og_image":[{"width":1280,"height":720,"url":"https:\/\/aga.so\/so\/wp-content\/uploads\/2020\/10\/maxresdefault.jpg","type":"image\/jpeg"}],"author":"hgb","twitter_card":"summary_large_image","twitter_misc":{"Written by":"hgb","Est. reading time":"2 minutes"},"schema":{"@context":"https:\/\/schema.org","@graph":[{"@type":"Article","@id":"https:\/\/aga.so\/so\/qoraalka-akhriska-awoodda-gudbinta-aqoonta-ogaalka\/#article","isPartOf":{"@id":"https:\/\/aga.so\/so\/qoraalka-akhriska-awoodda-gudbinta-aqoonta-ogaalka\/"},"author":{"name":"hgb","@id":"https:\/\/aga.so\/so\/#\/schema\/person\/c89f24807531a9b3d9df95d848134d50"},"headline":"Qoraalka &#038; Akhriska: Awoodda Gudbinta Aqoonta &#038; Ogaalka","datePublished":"2020-10-31T07:08:01+00:00","dateModified":"2020-10-31T07:11:41+00:00","mainEntityOfPage":{"@id":"https:\/\/aga.so\/so\/qoraalka-akhriska-awoodda-gudbinta-aqoonta-ogaalka\/"},"wordCount":456,"commentCount":0,"publisher":{"@id":"https:\/\/aga.so\/so\/#organization"},"articleSection":["Xulka Maqaallada"],"inLanguage":"en-US","potentialAction":[{"@type":"CommentAction","name":"Comment","target":["https:\/\/aga.so\/so\/qoraalka-akhriska-awoodda-gudbinta-aqoonta-ogaalka\/#respond"]}]},{"@type":"WebPage","@id":"https:\/\/aga.so\/so\/qoraalka-akhriska-awoodda-gudbinta-aqoonta-ogaalka\/","url":"https:\/\/aga.so\/so\/qoraalka-akhriska-awoodda-gudbinta-aqoonta-ogaalka\/","name":"Qoraalka & Akhriska: Awoodda Gudbinta Aqoonta & Ogaalka - Akademiye Goboleedka Af Soomaaliga AGA","isPartOf":{"@id":"https:\/\/aga.so\/so\/#website"},"datePublished":"2020-10-31T07:08:01+00:00","dateModified":"2020-10-31T07:11:41+00:00","breadcrumb":{"@id":"https:\/\/aga.so\/so\/qoraalka-akhriska-awoodda-gudbinta-aqoonta-ogaalka\/#breadcrumb"},"inLanguage":"en-US","potentialAction":[{"@type":"ReadAction","target":["https:\/\/aga.so\/so\/qoraalka-akhriska-awoodda-gudbinta-aqoonta-ogaalka\/"]}]},{"@type":"BreadcrumbList","@id":"https:\/\/aga.so\/so\/qoraalka-akhriska-awoodda-gudbinta-aqoonta-ogaalka\/#breadcrumb","itemListElement":[{"@type":"ListItem","position":1,"name":"Home","item":"https:\/\/aga.so\/so\/"},{"@type":"ListItem","position":2,"name":"Qoraalka &#038; Akhriska: Awoodda Gudbinta Aqoonta &#038; Ogaalka"}]},{"@type":"WebSite","@id":"https:\/\/aga.so\/so\/#website","url":"https:\/\/aga.so\/so\/","name":"Akademiye Goboleedka Af Soomaaliga AGA","description":"","publisher":{"@id":"https:\/\/aga.so\/so\/#organization"},"potentialAction":[{"@type":"SearchAction","target":{"@type":"EntryPoint","urlTemplate":"https:\/\/aga.so\/so\/?s={search_term_string}"},"query-input":"required name=search_term_string"}],"inLanguage":"en-US"},{"@type":"Organization","@id":"https:\/\/aga.so\/so\/#organization","name":"AGA - Akadeemiya Goboleedka AfSoomaaliga","url":"https:\/\/aga.so\/so\/","logo":{"@type":"ImageObject","inLanguage":"en-US","@id":"https:\/\/aga.so\/so\/#\/schema\/logo\/image\/","url":"https:\/\/aga.so\/so\/wp-content\/uploads\/2020\/10\/favicon-2.png","contentUrl":"https:\/\/aga.so\/so\/wp-content\/uploads\/2020\/10\/favicon-2.png","width":162,"height":83,"caption":"AGA - Akadeemiya Goboleedka AfSoomaaliga"},"image":{"@id":"https:\/\/aga.so\/so\/#\/schema\/logo\/image\/"}},{"@type":"Person","@id":"https:\/\/aga.so\/so\/#\/schema\/person\/c89f24807531a9b3d9df95d848134d50","name":"hgb","image":{"@type":"ImageObject","inLanguage":"en-US","@id":"https:\/\/aga.so\/so\/#\/schema\/person\/image\/","url":"https:\/\/secure.gravatar.com\/avatar\/9cc2fe393829a669530037fc59abb837?s=96&d=mm&r=g","contentUrl":"https:\/\/secure.gravatar.com\/avatar\/9cc2fe393829a669530037fc59abb837?s=96&d=mm&r=g","caption":"hgb"},"url":"https:\/\/aga.so\/so\/author\/hgb\/"}]}},"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/aga.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/4146"}],"collection":[{"href":"https:\/\/aga.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/aga.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/aga.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/users\/1"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/aga.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=4146"}],"version-history":[{"count":3,"href":"https:\/\/aga.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/4146\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":4150,"href":"https:\/\/aga.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/4146\/revisions\/4150"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/aga.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media\/4147"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/aga.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=4146"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/aga.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=4146"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/aga.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=4146"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}