{"id":4102,"date":"2020-10-28T15:17:15","date_gmt":"2020-10-28T15:17:15","guid":{"rendered":"https:\/\/aga.so\/so\/?p=4102"},"modified":"2020-10-28T15:37:52","modified_gmt":"2020-10-28T15:37:52","slug":"munaasabad-baaxad-weyn-oo-jaamacadda-bariga-afrika-ku-daahfurtay-buugga-cusub-ee-dr-afrax","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/aga.so\/so\/munaasabad-baaxad-weyn-oo-jaamacadda-bariga-afrika-ku-daahfurtay-buugga-cusub-ee-dr-afrax\/","title":{"rendered":"Munaasabad Baaxad weyn oo Jaamacadda Bariga Afrika ku Daahfurtay buugga Cusub ee Dr. Afrax"},"content":{"rendered":"<h4>Habeenkii xalay oo ku beegnaa 27ka Oktoobar Fagaaraha weyn ee Jaamacadda Bariga Afrika, magaalada Garoowe waxaa ka dhacday munaasabad aad u ballaaran oo ay soo cammireen boqollaal maskax-maal ah, ka sokow ardayda iyo macallimiinta Jaamacadda, waxgarad ka kala socdey xarumaha aqoonta, qaybaha bulshada, aqoonyahanno caan ah iyo madax sare oo ay ka mid ahaayeen wasiirro iyo xildhibaanno.<\/h4>\n<h4>Munaasabaddu waxay ka koobnayd laba qaybood oo is buuxinaya. Qaybta hore waxay ahayd muxaadarad-cilmiyeed aad u qota dheer, hal-ku-dheggeeduna ahaa \u201cAqoonta Dhabta ah: Ilaha laga Barto iyo Ujeedka loo Barto\u201d.<\/h4>\n<h4>Qoraa Sare Maxamed Daahir Afrax, oo ah Guddoomiyaha Akadeemiye-Goboleedka AfSoomaaliga, oo Jaamacaddu ka codsatay kuna marti-galisay ayaa soo jeediyey muxaadraddaas oo noqotay mid si weyn loogu riyaaqay. Qaybta labaadna waxay ahayd daahfurka, soo bandhigidda iyo falanqaynta buug cusub oo uu AfCarabi ku qoray Dr. Maxamed Daahir Afrax kuna saabsan darsidda iyo is barbardhigga dhaqannada iyo suugaanta dalalka Gacanka Cadmeed (Soomaaliya, Jabuutiiyo Yamen).<\/h4>\n<h4>Ugu horrayn munaasabadda waxaa furay Guddoomiye-ku-xigeenka Jaamacadda oo ku furay erayo isugu jirey soo dhaweyn, mahadcelin iyo bogaadin uu u jeediyey Dr Maxamed Daahir Afrax iyo qiimayn uu ku tilmaamayey sida jaamacaddu ugu faraxsan tahay soo bandhigidda buugga cusub oo ah mid aan noociisa hore loo arag.<\/h4>\n<h4>Waxaa ku xigey Ustaad Maxamed Faarax Ciise Gaashaan oo ka mid ah barayaasha jaamacadda, wasiir horena ka ahaa Dowladda Puntland. Mudane Gaashaan wuxuu aad ugu dheeraaday taariikhda iyo waxqadka baaxadda weyn ee Dr. Maxamed Daahir Afrax, kadibna asaga ayaa ku soo dhaweeyey cod-baahiyaha.<\/h4>\n<h4>Dr. Afrax markuu dhammeeyey muxaadaraddiisa oo dhinacyo fara badan iftiimineysey waxaa loo gudbey qaybtii labaad oo ahayd falanqaynta iyo soo bandhigidda buugga cusub ee magaciisu yahay<\/h4>\n<h3><strong> \u0646\u0627\u0641\u0630\u0629 \u0639\u0644\u0649 \u0627\u0644\u0627\u0628\u062f\u0627\u0639 \u0641\u0649 \u0645\u0646\u0637\u0642\u0629 \u062e\u0644\u064a\u062c \u0639\u062f\u0646: \u062f\u0631\u0627\u0633\u0627\u062a \u0641\u0649 \u0627\u0644\u062b\u0642\u0627\u0641\u0629 \u0648\u0627\u0644\u0641\u0646 \u0641\u0649 \u0627\u0644\u0635\u0648\u0645\u0627\u0644 \u0648\u0627\u0644\u064a\u0645\u0646 \u0648\u062c\u064a\u0628\u0648\u062a\u0649<\/strong><\/h3>\n<h4>Buugga waxaa si cilmiyaysan u falanqeeyey aqoonyahanno soo akhriyey oo ay ka mid ahaayeen Dr. Cabdifataax Nuur (Ashkir) oo ah Wasiiru dowlaha Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Dowladda Puntland, ahna qoraa iyo suxufi wax badan qoray, aqoonyahan Cali Xaaji Warsame, Wasiirkii hore ee Waxbarashada Puntland, iyo Sumeya Cabdulqaadir, Agaasimaha Waaxda Dhaqanka ee Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Puntland.<\/h4>\n<h4>Dhammaan aqoonyahannadaasi waxay ku dheeraadeen qiimaha sare ee buuggan iyo waxtarka cusub ee uu ku soo kordhinayo aqoonta dhaqanka, hal-abuurka iyo suugaanta dalalka dhaca Khooriga Cadmeed. Waxay ku taliyeen in buuggan lagu daro manhajka waxbarashada jaamacadaha, si ay wax badan uga faai\u2019deystaan ardaydu.<\/h4>\n<h4>Ugu dambayntii waxaa cod-baahiyaha lagu wareejiyey Guddoomiyaha Jaamacadda Sheekh Maxamuud Xaaji Yuusuf oo ku dheeraaday bogaadinta waxqabadka Dr. Afrax iyo qiimaha buuggiisa cusub.<\/h4>\n<h4>Ugu dambayntiina wuxuu magaca Jaamacadda Dr. Afrax ku guddoonsiiyey shahaado-sharaf heer sare ah oo ay ku qoran tahay in uu ku mutaystay \u201cKaalinta weyn ee uu ka qaatay horumarinta afka iyo dhaqanka Soomaaliyeed, ilaalinta sooyaalka Soomaaliyeed iyo yagleelidda Akadeemiye-Goboleedka Af-Soomaaliga (AGA).\u201d<\/h4>\n<h4>Munaasabaddu waxay ku soo dhammaatay jawi aad u xiisa badan iyo saxiix qoraagu buuggiisa u saxiixay dad fara badan oo iibsaday iyo qaaruu hadiyad u siiyey.<\/h4>\n<p><img decoding=\"async\" loading=\"lazy\" class=\"alignnone size-full wp-image-4108\" src=\"https:\/\/aga.so\/so\/wp-content\/uploads\/2020\/10\/123002723_3632029723527045_3395619232349854913_n.jpg\" alt=\"\" width=\"960\" height=\"640\" srcset=\"https:\/\/aga.so\/so\/wp-content\/uploads\/2020\/10\/123002723_3632029723527045_3395619232349854913_n.jpg 960w, https:\/\/aga.so\/so\/wp-content\/uploads\/2020\/10\/123002723_3632029723527045_3395619232349854913_n-300x200.jpg 300w, https:\/\/aga.so\/so\/wp-content\/uploads\/2020\/10\/123002723_3632029723527045_3395619232349854913_n-768x512.jpg 768w, https:\/\/aga.so\/so\/wp-content\/uploads\/2020\/10\/123002723_3632029723527045_3395619232349854913_n-150x100.jpg 150w, https:\/\/aga.so\/so\/wp-content\/uploads\/2020\/10\/123002723_3632029723527045_3395619232349854913_n-600x400.jpg 600w, https:\/\/aga.so\/so\/wp-content\/uploads\/2020\/10\/123002723_3632029723527045_3395619232349854913_n-696x464.jpg 696w, https:\/\/aga.so\/so\/wp-content\/uploads\/2020\/10\/123002723_3632029723527045_3395619232349854913_n-630x420.jpg 630w\" sizes=\"(max-width: 960px) 100vw, 960px\" \/><img decoding=\"async\" loading=\"lazy\" class=\"alignnone  wp-image-4116\" src=\"https:\/\/aga.so\/so\/wp-content\/uploads\/2020\/10\/122867297_685066059104727_6787130412165995715_n.jpg\" alt=\"\" width=\"1024\" height=\"683\" srcset=\"https:\/\/aga.so\/so\/wp-content\/uploads\/2020\/10\/122867297_685066059104727_6787130412165995715_n.jpg 1024w, https:\/\/aga.so\/so\/wp-content\/uploads\/2020\/10\/122867297_685066059104727_6787130412165995715_n-300x200.jpg 300w, https:\/\/aga.so\/so\/wp-content\/uploads\/2020\/10\/122867297_685066059104727_6787130412165995715_n-768x512.jpg 768w, https:\/\/aga.so\/so\/wp-content\/uploads\/2020\/10\/122867297_685066059104727_6787130412165995715_n-150x100.jpg 150w, https:\/\/aga.so\/so\/wp-content\/uploads\/2020\/10\/122867297_685066059104727_6787130412165995715_n-600x400.jpg 600w, https:\/\/aga.so\/so\/wp-content\/uploads\/2020\/10\/122867297_685066059104727_6787130412165995715_n-696x464.jpg 696w, https:\/\/aga.so\/so\/wp-content\/uploads\/2020\/10\/122867297_685066059104727_6787130412165995715_n-630x420.jpg 630w\" sizes=\"(max-width: 1024px) 100vw, 1024px\" \/> <img decoding=\"async\" loading=\"lazy\" class=\"alignnone size-full wp-image-4110\" src=\"https:\/\/aga.so\/so\/wp-content\/uploads\/2020\/10\/123026499_3632030033527014_667665260890002748_n.jpg\" alt=\"\" width=\"960\" height=\"640\" srcset=\"https:\/\/aga.so\/so\/wp-content\/uploads\/2020\/10\/123026499_3632030033527014_667665260890002748_n.jpg 960w, https:\/\/aga.so\/so\/wp-content\/uploads\/2020\/10\/123026499_3632030033527014_667665260890002748_n-300x200.jpg 300w, https:\/\/aga.so\/so\/wp-content\/uploads\/2020\/10\/123026499_3632030033527014_667665260890002748_n-768x512.jpg 768w, https:\/\/aga.so\/so\/wp-content\/uploads\/2020\/10\/123026499_3632030033527014_667665260890002748_n-150x100.jpg 150w, https:\/\/aga.so\/so\/wp-content\/uploads\/2020\/10\/123026499_3632030033527014_667665260890002748_n-600x400.jpg 600w, https:\/\/aga.so\/so\/wp-content\/uploads\/2020\/10\/123026499_3632030033527014_667665260890002748_n-696x464.jpg 696w, https:\/\/aga.so\/so\/wp-content\/uploads\/2020\/10\/123026499_3632030033527014_667665260890002748_n-630x420.jpg 630w\" sizes=\"(max-width: 960px) 100vw, 960px\" \/> <img decoding=\"async\" loading=\"lazy\" class=\"alignnone size-full wp-image-4107\" src=\"https:\/\/aga.so\/so\/wp-content\/uploads\/2020\/10\/122964855_3632030276860323_3449382554555483736_n.jpg\" alt=\"\" width=\"960\" height=\"640\" srcset=\"https:\/\/aga.so\/so\/wp-content\/uploads\/2020\/10\/122964855_3632030276860323_3449382554555483736_n.jpg 960w, https:\/\/aga.so\/so\/wp-content\/uploads\/2020\/10\/122964855_3632030276860323_3449382554555483736_n-300x200.jpg 300w, https:\/\/aga.so\/so\/wp-content\/uploads\/2020\/10\/122964855_3632030276860323_3449382554555483736_n-768x512.jpg 768w, https:\/\/aga.so\/so\/wp-content\/uploads\/2020\/10\/122964855_3632030276860323_3449382554555483736_n-150x100.jpg 150w, https:\/\/aga.so\/so\/wp-content\/uploads\/2020\/10\/122964855_3632030276860323_3449382554555483736_n-600x400.jpg 600w, https:\/\/aga.so\/so\/wp-content\/uploads\/2020\/10\/122964855_3632030276860323_3449382554555483736_n-696x464.jpg 696w, https:\/\/aga.so\/so\/wp-content\/uploads\/2020\/10\/122964855_3632030276860323_3449382554555483736_n-630x420.jpg 630w\" sizes=\"(max-width: 960px) 100vw, 960px\" \/> <img decoding=\"async\" loading=\"lazy\" class=\"alignnone size-full wp-image-4112\" src=\"https:\/\/aga.so\/so\/wp-content\/uploads\/2020\/10\/123029637_3632030826860268_8310846582472980013_n.jpg\" alt=\"\" width=\"960\" height=\"640\" srcset=\"https:\/\/aga.so\/so\/wp-content\/uploads\/2020\/10\/123029637_3632030826860268_8310846582472980013_n.jpg 960w, https:\/\/aga.so\/so\/wp-content\/uploads\/2020\/10\/123029637_3632030826860268_8310846582472980013_n-300x200.jpg 300w, https:\/\/aga.so\/so\/wp-content\/uploads\/2020\/10\/123029637_3632030826860268_8310846582472980013_n-768x512.jpg 768w, https:\/\/aga.so\/so\/wp-content\/uploads\/2020\/10\/123029637_3632030826860268_8310846582472980013_n-150x100.jpg 150w, https:\/\/aga.so\/so\/wp-content\/uploads\/2020\/10\/123029637_3632030826860268_8310846582472980013_n-600x400.jpg 600w, https:\/\/aga.so\/so\/wp-content\/uploads\/2020\/10\/123029637_3632030826860268_8310846582472980013_n-696x464.jpg 696w, https:\/\/aga.so\/so\/wp-content\/uploads\/2020\/10\/123029637_3632030826860268_8310846582472980013_n-630x420.jpg 630w\" sizes=\"(max-width: 960px) 100vw, 960px\" \/> <img decoding=\"async\" loading=\"lazy\" class=\"alignnone size-full wp-image-4105\" src=\"https:\/\/aga.so\/so\/wp-content\/uploads\/2020\/10\/122950717_3632031050193579_601259224421927258_n.jpg\" alt=\"\" width=\"960\" height=\"640\" srcset=\"https:\/\/aga.so\/so\/wp-content\/uploads\/2020\/10\/122950717_3632031050193579_601259224421927258_n.jpg 960w, https:\/\/aga.so\/so\/wp-content\/uploads\/2020\/10\/122950717_3632031050193579_601259224421927258_n-300x200.jpg 300w, https:\/\/aga.so\/so\/wp-content\/uploads\/2020\/10\/122950717_3632031050193579_601259224421927258_n-768x512.jpg 768w, https:\/\/aga.so\/so\/wp-content\/uploads\/2020\/10\/122950717_3632031050193579_601259224421927258_n-150x100.jpg 150w, https:\/\/aga.so\/so\/wp-content\/uploads\/2020\/10\/122950717_3632031050193579_601259224421927258_n-600x400.jpg 600w, https:\/\/aga.so\/so\/wp-content\/uploads\/2020\/10\/122950717_3632031050193579_601259224421927258_n-696x464.jpg 696w, https:\/\/aga.so\/so\/wp-content\/uploads\/2020\/10\/122950717_3632031050193579_601259224421927258_n-630x420.jpg 630w\" sizes=\"(max-width: 960px) 100vw, 960px\" \/> <img decoding=\"async\" loading=\"lazy\" class=\"alignnone size-full wp-image-4109\" src=\"https:\/\/aga.so\/so\/wp-content\/uploads\/2020\/10\/123003030_3632031550193529_4753447345107686321_n.jpg\" alt=\"\" width=\"960\" height=\"640\" srcset=\"https:\/\/aga.so\/so\/wp-content\/uploads\/2020\/10\/123003030_3632031550193529_4753447345107686321_n.jpg 960w, https:\/\/aga.so\/so\/wp-content\/uploads\/2020\/10\/123003030_3632031550193529_4753447345107686321_n-300x200.jpg 300w, https:\/\/aga.so\/so\/wp-content\/uploads\/2020\/10\/123003030_3632031550193529_4753447345107686321_n-768x512.jpg 768w, https:\/\/aga.so\/so\/wp-content\/uploads\/2020\/10\/123003030_3632031550193529_4753447345107686321_n-150x100.jpg 150w, https:\/\/aga.so\/so\/wp-content\/uploads\/2020\/10\/123003030_3632031550193529_4753447345107686321_n-600x400.jpg 600w, https:\/\/aga.so\/so\/wp-content\/uploads\/2020\/10\/123003030_3632031550193529_4753447345107686321_n-696x464.jpg 696w, https:\/\/aga.so\/so\/wp-content\/uploads\/2020\/10\/123003030_3632031550193529_4753447345107686321_n-630x420.jpg 630w\" sizes=\"(max-width: 960px) 100vw, 960px\" \/> <img decoding=\"async\" loading=\"lazy\" class=\"alignnone size-full wp-image-4111\" src=\"https:\/\/aga.so\/so\/wp-content\/uploads\/2020\/10\/123026499_3632030546860296_2157106415333439204_n.jpg\" alt=\"\" width=\"960\" height=\"640\" srcset=\"https:\/\/aga.so\/so\/wp-content\/uploads\/2020\/10\/123026499_3632030546860296_2157106415333439204_n.jpg 960w, https:\/\/aga.so\/so\/wp-content\/uploads\/2020\/10\/123026499_3632030546860296_2157106415333439204_n-300x200.jpg 300w, https:\/\/aga.so\/so\/wp-content\/uploads\/2020\/10\/123026499_3632030546860296_2157106415333439204_n-768x512.jpg 768w, https:\/\/aga.so\/so\/wp-content\/uploads\/2020\/10\/123026499_3632030546860296_2157106415333439204_n-150x100.jpg 150w, https:\/\/aga.so\/so\/wp-content\/uploads\/2020\/10\/123026499_3632030546860296_2157106415333439204_n-600x400.jpg 600w, https:\/\/aga.so\/so\/wp-content\/uploads\/2020\/10\/123026499_3632030546860296_2157106415333439204_n-696x464.jpg 696w, https:\/\/aga.so\/so\/wp-content\/uploads\/2020\/10\/123026499_3632030546860296_2157106415333439204_n-630x420.jpg 630w\" sizes=\"(max-width: 960px) 100vw, 960px\" \/> <img decoding=\"async\" loading=\"lazy\" class=\"alignnone size-full wp-image-4106\" src=\"https:\/\/aga.so\/so\/wp-content\/uploads\/2020\/10\/122954916_3632031336860217_4975638990085567218_n.jpg\" alt=\"\" width=\"960\" height=\"640\" srcset=\"https:\/\/aga.so\/so\/wp-content\/uploads\/2020\/10\/122954916_3632031336860217_4975638990085567218_n.jpg 960w, https:\/\/aga.so\/so\/wp-content\/uploads\/2020\/10\/122954916_3632031336860217_4975638990085567218_n-300x200.jpg 300w, https:\/\/aga.so\/so\/wp-content\/uploads\/2020\/10\/122954916_3632031336860217_4975638990085567218_n-768x512.jpg 768w, https:\/\/aga.so\/so\/wp-content\/uploads\/2020\/10\/122954916_3632031336860217_4975638990085567218_n-150x100.jpg 150w, https:\/\/aga.so\/so\/wp-content\/uploads\/2020\/10\/122954916_3632031336860217_4975638990085567218_n-600x400.jpg 600w, https:\/\/aga.so\/so\/wp-content\/uploads\/2020\/10\/122954916_3632031336860217_4975638990085567218_n-696x464.jpg 696w, https:\/\/aga.so\/so\/wp-content\/uploads\/2020\/10\/122954916_3632031336860217_4975638990085567218_n-630x420.jpg 630w\" sizes=\"(max-width: 960px) 100vw, 960px\" \/> <img decoding=\"async\" loading=\"lazy\" class=\"alignnone size-full wp-image-4103\" src=\"https:\/\/aga.so\/so\/wp-content\/uploads\/2020\/10\/122750451_3632032056860145_8324647986735956892_n.jpg\" alt=\"\" width=\"960\" height=\"640\" srcset=\"https:\/\/aga.so\/so\/wp-content\/uploads\/2020\/10\/122750451_3632032056860145_8324647986735956892_n.jpg 960w, https:\/\/aga.so\/so\/wp-content\/uploads\/2020\/10\/122750451_3632032056860145_8324647986735956892_n-300x200.jpg 300w, https:\/\/aga.so\/so\/wp-content\/uploads\/2020\/10\/122750451_3632032056860145_8324647986735956892_n-768x512.jpg 768w, https:\/\/aga.so\/so\/wp-content\/uploads\/2020\/10\/122750451_3632032056860145_8324647986735956892_n-150x100.jpg 150w, https:\/\/aga.so\/so\/wp-content\/uploads\/2020\/10\/122750451_3632032056860145_8324647986735956892_n-600x400.jpg 600w, https:\/\/aga.so\/so\/wp-content\/uploads\/2020\/10\/122750451_3632032056860145_8324647986735956892_n-696x464.jpg 696w, https:\/\/aga.so\/so\/wp-content\/uploads\/2020\/10\/122750451_3632032056860145_8324647986735956892_n-630x420.jpg 630w\" sizes=\"(max-width: 960px) 100vw, 960px\" \/> <img decoding=\"async\" loading=\"lazy\" class=\"alignnone  wp-image-4104\" src=\"https:\/\/aga.so\/so\/wp-content\/uploads\/2020\/10\/122889606_3632031840193500_8257395281967859558_n.jpg\" alt=\"\" width=\"960\" height=\"640\" srcset=\"https:\/\/aga.so\/so\/wp-content\/uploads\/2020\/10\/122889606_3632031840193500_8257395281967859558_n.jpg 960w, https:\/\/aga.so\/so\/wp-content\/uploads\/2020\/10\/122889606_3632031840193500_8257395281967859558_n-300x200.jpg 300w, https:\/\/aga.so\/so\/wp-content\/uploads\/2020\/10\/122889606_3632031840193500_8257395281967859558_n-768x512.jpg 768w, https:\/\/aga.so\/so\/wp-content\/uploads\/2020\/10\/122889606_3632031840193500_8257395281967859558_n-150x100.jpg 150w, https:\/\/aga.so\/so\/wp-content\/uploads\/2020\/10\/122889606_3632031840193500_8257395281967859558_n-600x400.jpg 600w, https:\/\/aga.so\/so\/wp-content\/uploads\/2020\/10\/122889606_3632031840193500_8257395281967859558_n-696x464.jpg 696w, https:\/\/aga.so\/so\/wp-content\/uploads\/2020\/10\/122889606_3632031840193500_8257395281967859558_n-630x420.jpg 630w\" sizes=\"(max-width: 960px) 100vw, 960px\" \/><img decoding=\"async\" loading=\"lazy\" class=\"alignnone  wp-image-4117\" src=\"https:\/\/aga.so\/so\/wp-content\/uploads\/2020\/10\/122706909_399802178065078_29990436872992582_n-1024x683.jpg\" alt=\"\" width=\"696\" height=\"464\" srcset=\"https:\/\/aga.so\/so\/wp-content\/uploads\/2020\/10\/122706909_399802178065078_29990436872992582_n-1024x683.jpg 1024w, https:\/\/aga.so\/so\/wp-content\/uploads\/2020\/10\/122706909_399802178065078_29990436872992582_n-300x200.jpg 300w, https:\/\/aga.so\/so\/wp-content\/uploads\/2020\/10\/122706909_399802178065078_29990436872992582_n-768x512.jpg 768w, https:\/\/aga.so\/so\/wp-content\/uploads\/2020\/10\/122706909_399802178065078_29990436872992582_n-150x100.jpg 150w, https:\/\/aga.so\/so\/wp-content\/uploads\/2020\/10\/122706909_399802178065078_29990436872992582_n-600x400.jpg 600w, https:\/\/aga.so\/so\/wp-content\/uploads\/2020\/10\/122706909_399802178065078_29990436872992582_n-696x464.jpg 696w, https:\/\/aga.so\/so\/wp-content\/uploads\/2020\/10\/122706909_399802178065078_29990436872992582_n-1068x712.jpg 1068w, https:\/\/aga.so\/so\/wp-content\/uploads\/2020\/10\/122706909_399802178065078_29990436872992582_n-630x420.jpg 630w, https:\/\/aga.so\/so\/wp-content\/uploads\/2020\/10\/122706909_399802178065078_29990436872992582_n.jpg 1080w\" sizes=\"(max-width: 696px) 100vw, 696px\" \/><\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Habeenkii xalay oo ku beegnaa 27ka Oktoobar Fagaaraha weyn ee Jaamacadda Bariga Afrika, magaalada Garoowe waxaa ka dhacday munaasabad aad u ballaaran oo ay soo cammireen boqollaal maskax-maal ah, ka sokow ardayda iyo macallimiinta Jaamacadda, waxgarad ka kala socdey xarumaha aqoonta, qaybaha bulshada, aqoonyahanno caan ah iyo madax sare oo ay ka mid ahaayeen wasiirro [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":1,"featured_media":4108,"comment_status":"open","ping_status":"open","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"inline_featured_image":false},"categories":[10,32,1],"tags":[],"yoast_head":"<!-- This site is optimized with the Yoast SEO plugin v20.2.1 - https:\/\/yoast.com\/wordpress\/plugins\/seo\/ -->\n<title>Munaasabad Baaxad weyn oo Jaamacadda Bariga Afrika ku Daahfurtay buugga Cusub ee Dr. Afrax - Akademiye Goboleedka Af Soomaaliga AGA<\/title>\n<meta name=\"robots\" content=\"index, follow, max-snippet:-1, max-image-preview:large, max-video-preview:-1\" \/>\n<link rel=\"canonical\" href=\"https:\/\/aga.so\/so\/munaasabad-baaxad-weyn-oo-jaamacadda-bariga-afrika-ku-daahfurtay-buugga-cusub-ee-dr-afrax\/\" \/>\n<meta property=\"og:locale\" content=\"en_US\" \/>\n<meta property=\"og:type\" content=\"article\" \/>\n<meta property=\"og:title\" content=\"Munaasabad Baaxad weyn oo Jaamacadda Bariga Afrika ku Daahfurtay buugga Cusub ee Dr. Afrax - Akademiye Goboleedka Af Soomaaliga AGA\" \/>\n<meta property=\"og:description\" content=\"Habeenkii xalay oo ku beegnaa 27ka Oktoobar Fagaaraha weyn ee Jaamacadda Bariga Afrika, magaalada Garoowe waxaa ka dhacday munaasabad aad u ballaaran oo ay soo cammireen boqollaal maskax-maal ah, ka sokow ardayda iyo macallimiinta Jaamacadda, waxgarad ka kala socdey xarumaha aqoonta, qaybaha bulshada, aqoonyahanno caan ah iyo madax sare oo ay ka mid ahaayeen wasiirro [&hellip;]\" \/>\n<meta property=\"og:url\" content=\"https:\/\/aga.so\/so\/munaasabad-baaxad-weyn-oo-jaamacadda-bariga-afrika-ku-daahfurtay-buugga-cusub-ee-dr-afrax\/\" \/>\n<meta property=\"og:site_name\" content=\"Akademiye Goboleedka Af Soomaaliga AGA\" \/>\n<meta property=\"article:published_time\" content=\"2020-10-28T15:17:15+00:00\" \/>\n<meta property=\"article:modified_time\" content=\"2020-10-28T15:37:52+00:00\" \/>\n<meta property=\"og:image\" content=\"https:\/\/aga.so\/so\/wp-content\/uploads\/2020\/10\/123002723_3632029723527045_3395619232349854913_n.jpg\" \/>\n\t<meta property=\"og:image:width\" content=\"960\" \/>\n\t<meta property=\"og:image:height\" content=\"640\" \/>\n\t<meta property=\"og:image:type\" content=\"image\/jpeg\" \/>\n<meta name=\"author\" content=\"hgb\" \/>\n<meta name=\"twitter:card\" content=\"summary_large_image\" \/>\n<meta name=\"twitter:label1\" content=\"Written by\" \/>\n\t<meta name=\"twitter:data1\" content=\"hgb\" \/>\n\t<meta name=\"twitter:label2\" content=\"Est. reading time\" \/>\n\t<meta name=\"twitter:data2\" content=\"2 minutes\" \/>\n<script type=\"application\/ld+json\" class=\"yoast-schema-graph\">{\"@context\":\"https:\/\/schema.org\",\"@graph\":[{\"@type\":\"Article\",\"@id\":\"https:\/\/aga.so\/so\/munaasabad-baaxad-weyn-oo-jaamacadda-bariga-afrika-ku-daahfurtay-buugga-cusub-ee-dr-afrax\/#article\",\"isPartOf\":{\"@id\":\"https:\/\/aga.so\/so\/munaasabad-baaxad-weyn-oo-jaamacadda-bariga-afrika-ku-daahfurtay-buugga-cusub-ee-dr-afrax\/\"},\"author\":{\"name\":\"hgb\",\"@id\":\"https:\/\/aga.so\/so\/#\/schema\/person\/c89f24807531a9b3d9df95d848134d50\"},\"headline\":\"Munaasabad Baaxad weyn oo Jaamacadda Bariga Afrika ku Daahfurtay buugga Cusub ee Dr. Afrax\",\"datePublished\":\"2020-10-28T15:17:15+00:00\",\"dateModified\":\"2020-10-28T15:37:52+00:00\",\"mainEntityOfPage\":{\"@id\":\"https:\/\/aga.so\/so\/munaasabad-baaxad-weyn-oo-jaamacadda-bariga-afrika-ku-daahfurtay-buugga-cusub-ee-dr-afrax\/\"},\"wordCount\":471,\"commentCount\":0,\"publisher\":{\"@id\":\"https:\/\/aga.so\/so\/#organization\"},\"articleSection\":[\"Buugaag\",\"Dhacdooyin Cusub\",\"Wararka AGA\"],\"inLanguage\":\"en-US\",\"potentialAction\":[{\"@type\":\"CommentAction\",\"name\":\"Comment\",\"target\":[\"https:\/\/aga.so\/so\/munaasabad-baaxad-weyn-oo-jaamacadda-bariga-afrika-ku-daahfurtay-buugga-cusub-ee-dr-afrax\/#respond\"]}]},{\"@type\":\"WebPage\",\"@id\":\"https:\/\/aga.so\/so\/munaasabad-baaxad-weyn-oo-jaamacadda-bariga-afrika-ku-daahfurtay-buugga-cusub-ee-dr-afrax\/\",\"url\":\"https:\/\/aga.so\/so\/munaasabad-baaxad-weyn-oo-jaamacadda-bariga-afrika-ku-daahfurtay-buugga-cusub-ee-dr-afrax\/\",\"name\":\"Munaasabad Baaxad weyn oo Jaamacadda Bariga Afrika ku Daahfurtay buugga Cusub ee Dr. Afrax - Akademiye Goboleedka Af Soomaaliga AGA\",\"isPartOf\":{\"@id\":\"https:\/\/aga.so\/so\/#website\"},\"datePublished\":\"2020-10-28T15:17:15+00:00\",\"dateModified\":\"2020-10-28T15:37:52+00:00\",\"breadcrumb\":{\"@id\":\"https:\/\/aga.so\/so\/munaasabad-baaxad-weyn-oo-jaamacadda-bariga-afrika-ku-daahfurtay-buugga-cusub-ee-dr-afrax\/#breadcrumb\"},\"inLanguage\":\"en-US\",\"potentialAction\":[{\"@type\":\"ReadAction\",\"target\":[\"https:\/\/aga.so\/so\/munaasabad-baaxad-weyn-oo-jaamacadda-bariga-afrika-ku-daahfurtay-buugga-cusub-ee-dr-afrax\/\"]}]},{\"@type\":\"BreadcrumbList\",\"@id\":\"https:\/\/aga.so\/so\/munaasabad-baaxad-weyn-oo-jaamacadda-bariga-afrika-ku-daahfurtay-buugga-cusub-ee-dr-afrax\/#breadcrumb\",\"itemListElement\":[{\"@type\":\"ListItem\",\"position\":1,\"name\":\"Home\",\"item\":\"https:\/\/aga.so\/so\/\"},{\"@type\":\"ListItem\",\"position\":2,\"name\":\"Munaasabad Baaxad weyn oo Jaamacadda Bariga Afrika ku Daahfurtay buugga Cusub ee Dr. Afrax\"}]},{\"@type\":\"WebSite\",\"@id\":\"https:\/\/aga.so\/so\/#website\",\"url\":\"https:\/\/aga.so\/so\/\",\"name\":\"Akademiye Goboleedka Af Soomaaliga AGA\",\"description\":\"\",\"publisher\":{\"@id\":\"https:\/\/aga.so\/so\/#organization\"},\"potentialAction\":[{\"@type\":\"SearchAction\",\"target\":{\"@type\":\"EntryPoint\",\"urlTemplate\":\"https:\/\/aga.so\/so\/?s={search_term_string}\"},\"query-input\":\"required name=search_term_string\"}],\"inLanguage\":\"en-US\"},{\"@type\":\"Organization\",\"@id\":\"https:\/\/aga.so\/so\/#organization\",\"name\":\"AGA - Akadeemiya Goboleedka AfSoomaaliga\",\"url\":\"https:\/\/aga.so\/so\/\",\"logo\":{\"@type\":\"ImageObject\",\"inLanguage\":\"en-US\",\"@id\":\"https:\/\/aga.so\/so\/#\/schema\/logo\/image\/\",\"url\":\"https:\/\/aga.so\/so\/wp-content\/uploads\/2020\/10\/favicon-2.png\",\"contentUrl\":\"https:\/\/aga.so\/so\/wp-content\/uploads\/2020\/10\/favicon-2.png\",\"width\":162,\"height\":83,\"caption\":\"AGA - Akadeemiya Goboleedka AfSoomaaliga\"},\"image\":{\"@id\":\"https:\/\/aga.so\/so\/#\/schema\/logo\/image\/\"}},{\"@type\":\"Person\",\"@id\":\"https:\/\/aga.so\/so\/#\/schema\/person\/c89f24807531a9b3d9df95d848134d50\",\"name\":\"hgb\",\"image\":{\"@type\":\"ImageObject\",\"inLanguage\":\"en-US\",\"@id\":\"https:\/\/aga.so\/so\/#\/schema\/person\/image\/\",\"url\":\"https:\/\/secure.gravatar.com\/avatar\/9cc2fe393829a669530037fc59abb837?s=96&d=mm&r=g\",\"contentUrl\":\"https:\/\/secure.gravatar.com\/avatar\/9cc2fe393829a669530037fc59abb837?s=96&d=mm&r=g\",\"caption\":\"hgb\"},\"url\":\"https:\/\/aga.so\/so\/author\/hgb\/\"}]}<\/script>\n<!-- \/ Yoast SEO plugin. -->","yoast_head_json":{"title":"Munaasabad Baaxad weyn oo Jaamacadda Bariga Afrika ku Daahfurtay buugga Cusub ee Dr. Afrax - Akademiye Goboleedka Af Soomaaliga AGA","robots":{"index":"index","follow":"follow","max-snippet":"max-snippet:-1","max-image-preview":"max-image-preview:large","max-video-preview":"max-video-preview:-1"},"canonical":"https:\/\/aga.so\/so\/munaasabad-baaxad-weyn-oo-jaamacadda-bariga-afrika-ku-daahfurtay-buugga-cusub-ee-dr-afrax\/","og_locale":"en_US","og_type":"article","og_title":"Munaasabad Baaxad weyn oo Jaamacadda Bariga Afrika ku Daahfurtay buugga Cusub ee Dr. Afrax - Akademiye Goboleedka Af Soomaaliga AGA","og_description":"Habeenkii xalay oo ku beegnaa 27ka Oktoobar Fagaaraha weyn ee Jaamacadda Bariga Afrika, magaalada Garoowe waxaa ka dhacday munaasabad aad u ballaaran oo ay soo cammireen boqollaal maskax-maal ah, ka sokow ardayda iyo macallimiinta Jaamacadda, waxgarad ka kala socdey xarumaha aqoonta, qaybaha bulshada, aqoonyahanno caan ah iyo madax sare oo ay ka mid ahaayeen wasiirro [&hellip;]","og_url":"https:\/\/aga.so\/so\/munaasabad-baaxad-weyn-oo-jaamacadda-bariga-afrika-ku-daahfurtay-buugga-cusub-ee-dr-afrax\/","og_site_name":"Akademiye Goboleedka Af Soomaaliga AGA","article_published_time":"2020-10-28T15:17:15+00:00","article_modified_time":"2020-10-28T15:37:52+00:00","og_image":[{"width":960,"height":640,"url":"https:\/\/aga.so\/so\/wp-content\/uploads\/2020\/10\/123002723_3632029723527045_3395619232349854913_n.jpg","type":"image\/jpeg"}],"author":"hgb","twitter_card":"summary_large_image","twitter_misc":{"Written by":"hgb","Est. reading time":"2 minutes"},"schema":{"@context":"https:\/\/schema.org","@graph":[{"@type":"Article","@id":"https:\/\/aga.so\/so\/munaasabad-baaxad-weyn-oo-jaamacadda-bariga-afrika-ku-daahfurtay-buugga-cusub-ee-dr-afrax\/#article","isPartOf":{"@id":"https:\/\/aga.so\/so\/munaasabad-baaxad-weyn-oo-jaamacadda-bariga-afrika-ku-daahfurtay-buugga-cusub-ee-dr-afrax\/"},"author":{"name":"hgb","@id":"https:\/\/aga.so\/so\/#\/schema\/person\/c89f24807531a9b3d9df95d848134d50"},"headline":"Munaasabad Baaxad weyn oo Jaamacadda Bariga Afrika ku Daahfurtay buugga Cusub ee Dr. Afrax","datePublished":"2020-10-28T15:17:15+00:00","dateModified":"2020-10-28T15:37:52+00:00","mainEntityOfPage":{"@id":"https:\/\/aga.so\/so\/munaasabad-baaxad-weyn-oo-jaamacadda-bariga-afrika-ku-daahfurtay-buugga-cusub-ee-dr-afrax\/"},"wordCount":471,"commentCount":0,"publisher":{"@id":"https:\/\/aga.so\/so\/#organization"},"articleSection":["Buugaag","Dhacdooyin Cusub","Wararka AGA"],"inLanguage":"en-US","potentialAction":[{"@type":"CommentAction","name":"Comment","target":["https:\/\/aga.so\/so\/munaasabad-baaxad-weyn-oo-jaamacadda-bariga-afrika-ku-daahfurtay-buugga-cusub-ee-dr-afrax\/#respond"]}]},{"@type":"WebPage","@id":"https:\/\/aga.so\/so\/munaasabad-baaxad-weyn-oo-jaamacadda-bariga-afrika-ku-daahfurtay-buugga-cusub-ee-dr-afrax\/","url":"https:\/\/aga.so\/so\/munaasabad-baaxad-weyn-oo-jaamacadda-bariga-afrika-ku-daahfurtay-buugga-cusub-ee-dr-afrax\/","name":"Munaasabad Baaxad weyn oo Jaamacadda Bariga Afrika ku Daahfurtay buugga Cusub ee Dr. Afrax - Akademiye Goboleedka Af Soomaaliga AGA","isPartOf":{"@id":"https:\/\/aga.so\/so\/#website"},"datePublished":"2020-10-28T15:17:15+00:00","dateModified":"2020-10-28T15:37:52+00:00","breadcrumb":{"@id":"https:\/\/aga.so\/so\/munaasabad-baaxad-weyn-oo-jaamacadda-bariga-afrika-ku-daahfurtay-buugga-cusub-ee-dr-afrax\/#breadcrumb"},"inLanguage":"en-US","potentialAction":[{"@type":"ReadAction","target":["https:\/\/aga.so\/so\/munaasabad-baaxad-weyn-oo-jaamacadda-bariga-afrika-ku-daahfurtay-buugga-cusub-ee-dr-afrax\/"]}]},{"@type":"BreadcrumbList","@id":"https:\/\/aga.so\/so\/munaasabad-baaxad-weyn-oo-jaamacadda-bariga-afrika-ku-daahfurtay-buugga-cusub-ee-dr-afrax\/#breadcrumb","itemListElement":[{"@type":"ListItem","position":1,"name":"Home","item":"https:\/\/aga.so\/so\/"},{"@type":"ListItem","position":2,"name":"Munaasabad Baaxad weyn oo Jaamacadda Bariga Afrika ku Daahfurtay buugga Cusub ee Dr. Afrax"}]},{"@type":"WebSite","@id":"https:\/\/aga.so\/so\/#website","url":"https:\/\/aga.so\/so\/","name":"Akademiye Goboleedka Af Soomaaliga AGA","description":"","publisher":{"@id":"https:\/\/aga.so\/so\/#organization"},"potentialAction":[{"@type":"SearchAction","target":{"@type":"EntryPoint","urlTemplate":"https:\/\/aga.so\/so\/?s={search_term_string}"},"query-input":"required name=search_term_string"}],"inLanguage":"en-US"},{"@type":"Organization","@id":"https:\/\/aga.so\/so\/#organization","name":"AGA - Akadeemiya Goboleedka AfSoomaaliga","url":"https:\/\/aga.so\/so\/","logo":{"@type":"ImageObject","inLanguage":"en-US","@id":"https:\/\/aga.so\/so\/#\/schema\/logo\/image\/","url":"https:\/\/aga.so\/so\/wp-content\/uploads\/2020\/10\/favicon-2.png","contentUrl":"https:\/\/aga.so\/so\/wp-content\/uploads\/2020\/10\/favicon-2.png","width":162,"height":83,"caption":"AGA - Akadeemiya Goboleedka AfSoomaaliga"},"image":{"@id":"https:\/\/aga.so\/so\/#\/schema\/logo\/image\/"}},{"@type":"Person","@id":"https:\/\/aga.so\/so\/#\/schema\/person\/c89f24807531a9b3d9df95d848134d50","name":"hgb","image":{"@type":"ImageObject","inLanguage":"en-US","@id":"https:\/\/aga.so\/so\/#\/schema\/person\/image\/","url":"https:\/\/secure.gravatar.com\/avatar\/9cc2fe393829a669530037fc59abb837?s=96&d=mm&r=g","contentUrl":"https:\/\/secure.gravatar.com\/avatar\/9cc2fe393829a669530037fc59abb837?s=96&d=mm&r=g","caption":"hgb"},"url":"https:\/\/aga.so\/so\/author\/hgb\/"}]}},"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/aga.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/4102"}],"collection":[{"href":"https:\/\/aga.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/aga.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/aga.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/users\/1"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/aga.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=4102"}],"version-history":[{"count":4,"href":"https:\/\/aga.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/4102\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":4118,"href":"https:\/\/aga.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/4102\/revisions\/4118"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/aga.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media\/4108"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/aga.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=4102"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/aga.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=4102"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/aga.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=4102"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}