{"id":3412,"date":"2020-08-10T18:02:26","date_gmt":"2020-08-10T18:02:26","guid":{"rendered":"https:\/\/aga.so\/so\/?p=3412"},"modified":"2020-08-10T18:04:15","modified_gmt":"2020-08-10T18:04:15","slug":"aga-oo-guul-ka-soo-hoysey-madashii-bisha-agoosto-2020","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/aga.so\/so\/aga-oo-guul-ka-soo-hoysey-madashii-bisha-agoosto-2020\/","title":{"rendered":"AGA oo Guul ka soo hoysey Madashii Bisha Agoosto 2020"},"content":{"rendered":"<h4>Madal aad u xiiso badan oo ay soo qaban-qaabisay Akademiye-Goboleedka AfSoomaaliga (AGA), loogana hadalayay \u201cXaaladda Adeegsiga Af Soomaaliga ee Maamulka iyo Ganacsiga\u201d ayaa 8\/8\/2020 waxa ay ka qabsoontay barta fogaan-aragga ee loo yaqaanno Zoom-ka, taasi oo si heer sare ah u dhacday.<\/h4>\n<h4>Madashaas qiimaha badan waxaa ka soo qeyb-galay Sii-hayaha Ra\u2019iisul Wasaaraha, JFS Mudane Mahdi Maxamed Guuleed \u2018Khadar\u2019 oo si rasmi ah u furey madasha. Masuulka sare wuxuu halkaasi ka soo jeediyay fall khudbad wax badan laga faai\u2019deystey oo ku saabsan qiimaha afka hooyo, hirgelintiisa iyo toosintiisaba, isaga oo si qoto dheer uga hadlay sida ay lagama maarmaan u tahay in si buuxda maamulka loogu adeegsado afka hooyo.<\/h4>\n<h4>\u201cSida xad-dhaafka ah ee looga soo qeyb-galay madashaan waxa ay i tusaysaa sida ay bulshadeenu u qiimaynayso afkeena hooyo, waxaana hambalyaynayaa Akadeemiye-Goboleedka AfSoomaaliga oo soo agaasintay barnaamijkaan. Dawlad ahaan waxaa naga go\u2019an in aan Akadeemiyada AGA kala shaqayno noolaynta, daryeelka iyo horumarinta afka hooyo\u201d ayuu yiri kusimaha Ra\u2019iisulwaasaruhu. Wuxuu ammaan u soo jeediyey AGA iyo hoggaankeeda oo uu ugu horreeyo Guddoomiyaha Dr. Maxamed Daahir Afrax.<\/h4>\n<h4>Wasiirka Arrimaha Dibedda ee JFS Danjire Axmed Ciise Cawad, oo ah aqoonyahan iyo xeeldheere arrimaha Soomaaliya, ayaa isna madasha ka soo jeediyey hadal qiima badan oo la xiriira adeegsiga afka ee hay\u2019adaha Soomaaliya, caqabadaha jira iyo sida looga bixi karo. Wuxuu xusay in dastuurka Soomaaliya uu si cad u qeexayo in afka rasmiga ah ee dalka uu yahay AfSoomaali, waajibna ay tahay in loo adeegsado hawlaha Dawladda.<\/h4>\n<h4>\u201cXaqiiqdii sida ay ummaduhu u bur-buraan ayaa afkana dhaawac u gaaraa, laakiin waxaa bishaaro ah inuu afka Soomaaligu soo kobcayo, mustaqbal fiican-na uu leeyahay, yididiilo iyo rajo badan ayaa ii muuqata, waxaana bogaadinayaa Akadeemiye-Goboleedka AfSoomaaliga oo isu xil saartay daryeelka iyo hiilka afkeena hooyo\u201d ayuu yiri Wasiir Cawad oo balan-qaaday inuu garab taagan yahay Akadeemiye-Goboleedka AGA.<\/h4>\n<h4>Macallin Siciid Saalax Axmed oo ka tirsan xeerdheerayaasha AGA ahna Wakiilka Akadeemiyada ee Woqooyiga Ameerika, ayaa si waafi ah uga hadlay afka iyo waxa uu qofka u taro. Wuxuu ka sheekeeyey sooyaalkii dheeraa ee AfSoomaaliga tan iyo xilligii faraaciinta iyo afka Soomaaligu halka uu ka soo jeedo kuna abtirsado. Wuxuu xusay qoraalkii farta iyo fidinteedii iyo sidii loo Soomaaliyeeyey hawlaha dawliga iyo darajooyinka ciidamada iyo kuwa madaniga ahba iyo sidoo kale manaahijtii dugsiyada.<\/h4>\n<h4>Macallinku wuxuu xusay burburkii Dawladdii dhexe ee Soomaaliya kadib sidii afkeena dhaawac weyn u gaaray, wuxuu tusaalooyin ka bixiyey sida looga il-duufo marar badan oo weliba maamulladu u hareer maraan. Wuxuu tusaale u soo qaatay sida amar ku saabsanaa in xafiisyada Dawladdu adeegsadaan afka Soomaaliga, hase yeeshee warqaddii amarka lagu soo saaray ay ku qornayd af Ingriisi. Macallin Siciid ayaa qiray in hadda uu horumar weyni jiro loona baahan yahay in la sii xoojiyo.<\/h4>\n<h4>Bilowgii madashaas waxaa iba-furey oo madaxda iyo aqoonyahankaba soo dhaweeyay Guddoomiyaha AGA Dr. Maxamed Daahir Afrax, waxaana uu si cilimyaysan u soo bandhigay tariikhda iyo halka ay iminka joogto Akadeemiye-Goboleedka AfSoomalaiga, waxaana uu iftiimiyay waajibaadka iyo hawlaha lixaadka leh oo ay qabato Akadeemiyada AGA, isaga oo Sii-hayaha Ra\u2019iisul Wasaaraha iyo Wasiirka Arimaha Dibadda uga mahadnaqay sida ay u soo sharfeen madasha AGA ee looga hadlo horumarinta afkeenna iyo hal-abuurkiisa. Waxa kelae oo uu u mahadceliyey xeeldheereyaashii waqtigooda soo huray, qabanqaabiyeyaasha iyo ka soo qaybgalayaasha intaba.<\/h4>\n<h4>Qaar ka mid ah boqollaalkii maskax-maal ee madashaas ka soo qeybgakay ayaa halkaasi ku soo bandhigay fekrado iyo tallooyin wax-ku-ool ah oo ay ku kordhinayeen madashaas, iyada oo intii uu barnaamijku socday ay barta Face book ee AGA kala socdeen dad gaaraya 8.9 kun, kuwaasi oo soo gudbinayay fikrado, talooyin iyo su\u2019aalo intaba.<\/h4>\n<p><img decoding=\"async\" loading=\"lazy\" class=\"alignnone size-full wp-image-3419\" src=\"https:\/\/aga.so\/so\/wp-content\/uploads\/2020\/08\/117442605_675770823063877_8493891120634581203_n.jpg\" alt=\"\" width=\"597\" height=\"477\" srcset=\"https:\/\/aga.so\/so\/wp-content\/uploads\/2020\/08\/117442605_675770823063877_8493891120634581203_n.jpg 597w, https:\/\/aga.so\/so\/wp-content\/uploads\/2020\/08\/117442605_675770823063877_8493891120634581203_n-300x240.jpg 300w\" sizes=\"(max-width: 597px) 100vw, 597px\" \/> <img decoding=\"async\" loading=\"lazy\" class=\"alignnone size-large wp-image-3418\" src=\"https:\/\/aga.so\/so\/wp-content\/uploads\/2020\/08\/117398226_1158957091148322_5322510426980543789_n-1024x570.jpg\" alt=\"\" width=\"618\" height=\"344\" srcset=\"https:\/\/aga.so\/so\/wp-content\/uploads\/2020\/08\/117398226_1158957091148322_5322510426980543789_n-1024x570.jpg 1024w, https:\/\/aga.so\/so\/wp-content\/uploads\/2020\/08\/117398226_1158957091148322_5322510426980543789_n-300x167.jpg 300w, https:\/\/aga.so\/so\/wp-content\/uploads\/2020\/08\/117398226_1158957091148322_5322510426980543789_n-768x427.jpg 768w, https:\/\/aga.so\/so\/wp-content\/uploads\/2020\/08\/117398226_1158957091148322_5322510426980543789_n.jpg 2048w\" sizes=\"(max-width: 618px) 100vw, 618px\" \/> <img decoding=\"async\" loading=\"lazy\" class=\"alignnone size-full wp-image-3417\" src=\"https:\/\/aga.so\/so\/wp-content\/uploads\/2020\/08\/117390830_425527291691512_232797148378182915_n.jpg\" alt=\"\" width=\"638\" height=\"420\" srcset=\"https:\/\/aga.so\/so\/wp-content\/uploads\/2020\/08\/117390830_425527291691512_232797148378182915_n.jpg 638w, https:\/\/aga.so\/so\/wp-content\/uploads\/2020\/08\/117390830_425527291691512_232797148378182915_n-300x197.jpg 300w, https:\/\/aga.so\/so\/wp-content\/uploads\/2020\/08\/117390830_425527291691512_232797148378182915_n-310x205.jpg 310w\" sizes=\"(max-width: 638px) 100vw, 638px\" \/> <img decoding=\"async\" loading=\"lazy\" class=\"alignnone size-full wp-image-3421\" src=\"https:\/\/aga.so\/so\/wp-content\/uploads\/2020\/08\/117444756_389415058706090_8315211615094640072_n.jpg\" alt=\"\" width=\"601\" height=\"410\" srcset=\"https:\/\/aga.so\/so\/wp-content\/uploads\/2020\/08\/117444756_389415058706090_8315211615094640072_n.jpg 601w, https:\/\/aga.so\/so\/wp-content\/uploads\/2020\/08\/117444756_389415058706090_8315211615094640072_n-300x205.jpg 300w, https:\/\/aga.so\/so\/wp-content\/uploads\/2020\/08\/117444756_389415058706090_8315211615094640072_n-110x75.jpg 110w\" sizes=\"(max-width: 601px) 100vw, 601px\" \/> <img decoding=\"async\" loading=\"lazy\" class=\"alignnone size-full wp-image-3413\" src=\"https:\/\/aga.so\/so\/wp-content\/uploads\/2020\/08\/117301104_2696954113861684_4656543284235938597_n.jpg\" alt=\"\" width=\"680\" height=\"416\" srcset=\"https:\/\/aga.so\/so\/wp-content\/uploads\/2020\/08\/117301104_2696954113861684_4656543284235938597_n.jpg 680w, https:\/\/aga.so\/so\/wp-content\/uploads\/2020\/08\/117301104_2696954113861684_4656543284235938597_n-300x184.jpg 300w\" sizes=\"(max-width: 680px) 100vw, 680px\" \/> <img decoding=\"async\" loading=\"lazy\" class=\"alignnone size-full wp-image-3416\" src=\"https:\/\/aga.so\/so\/wp-content\/uploads\/2020\/08\/117377581_749443872517392_6381489640531343979_n.jpg\" alt=\"\" width=\"720\" height=\"469\" srcset=\"https:\/\/aga.so\/so\/wp-content\/uploads\/2020\/08\/117377581_749443872517392_6381489640531343979_n.jpg 720w, https:\/\/aga.so\/so\/wp-content\/uploads\/2020\/08\/117377581_749443872517392_6381489640531343979_n-300x195.jpg 300w\" sizes=\"(max-width: 720px) 100vw, 720px\" \/> <img decoding=\"async\" loading=\"lazy\" class=\"alignnone size-large wp-image-3414\" src=\"https:\/\/aga.so\/so\/wp-content\/uploads\/2020\/08\/117312013_803380593533167_4610423250482549908_n-1024x583.jpg\" alt=\"\" width=\"618\" height=\"352\" srcset=\"https:\/\/aga.so\/so\/wp-content\/uploads\/2020\/08\/117312013_803380593533167_4610423250482549908_n-1024x583.jpg 1024w, https:\/\/aga.so\/so\/wp-content\/uploads\/2020\/08\/117312013_803380593533167_4610423250482549908_n-300x171.jpg 300w, https:\/\/aga.so\/so\/wp-content\/uploads\/2020\/08\/117312013_803380593533167_4610423250482549908_n-768x437.jpg 768w, https:\/\/aga.so\/so\/wp-content\/uploads\/2020\/08\/117312013_803380593533167_4610423250482549908_n.jpg 2048w\" sizes=\"(max-width: 618px) 100vw, 618px\" \/> <img decoding=\"async\" loading=\"lazy\" class=\"alignnone size-full wp-image-3422\" src=\"https:\/\/aga.so\/so\/wp-content\/uploads\/2020\/08\/117591289_728932101001997_2538101807847141893_n.jpg\" alt=\"\" width=\"714\" height=\"450\" srcset=\"https:\/\/aga.so\/so\/wp-content\/uploads\/2020\/08\/117591289_728932101001997_2538101807847141893_n.jpg 714w, https:\/\/aga.so\/so\/wp-content\/uploads\/2020\/08\/117591289_728932101001997_2538101807847141893_n-300x189.jpg 300w\" sizes=\"(max-width: 714px) 100vw, 714px\" \/> <img decoding=\"async\" loading=\"lazy\" class=\"alignnone size-full wp-image-3415\" src=\"https:\/\/aga.so\/so\/wp-content\/uploads\/2020\/08\/117335930_740179963218153_1699253995903540056_n.jpg\" alt=\"\" width=\"610\" height=\"401\" srcset=\"https:\/\/aga.so\/so\/wp-content\/uploads\/2020\/08\/117335930_740179963218153_1699253995903540056_n.jpg 610w, https:\/\/aga.so\/so\/wp-content\/uploads\/2020\/08\/117335930_740179963218153_1699253995903540056_n-300x197.jpg 300w, https:\/\/aga.so\/so\/wp-content\/uploads\/2020\/08\/117335930_740179963218153_1699253995903540056_n-310x205.jpg 310w\" sizes=\"(max-width: 610px) 100vw, 610px\" \/> <img decoding=\"async\" loading=\"lazy\" class=\"alignnone size-full wp-image-3420\" src=\"https:\/\/aga.so\/so\/wp-content\/uploads\/2020\/08\/117444443_617830665604294_4854304379515342299_n.jpg\" alt=\"\" width=\"720\" height=\"461\" srcset=\"https:\/\/aga.so\/so\/wp-content\/uploads\/2020\/08\/117444443_617830665604294_4854304379515342299_n.jpg 720w, https:\/\/aga.so\/so\/wp-content\/uploads\/2020\/08\/117444443_617830665604294_4854304379515342299_n-300x192.jpg 300w\" sizes=\"(max-width: 720px) 100vw, 720px\" \/><\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Madal aad u xiiso badan oo ay soo qaban-qaabisay Akademiye-Goboleedka AfSoomaaliga (AGA), loogana hadalayay \u201cXaaladda Adeegsiga Af Soomaaliga ee Maamulka iyo Ganacsiga\u201d ayaa 8\/8\/2020 waxa ay ka qabsoontay barta fogaan-aragga ee loo yaqaanno Zoom-ka, taasi oo si heer sare ah u dhacday. Madashaas qiimaha badan waxaa ka soo qeyb-galay Sii-hayaha Ra\u2019iisul Wasaaraha, JFS Mudane Mahdi [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":1,"featured_media":3419,"comment_status":"open","ping_status":"open","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"inline_featured_image":false},"categories":[1],"tags":[],"yoast_head":"<!-- This site is optimized with the Yoast SEO plugin v20.2.1 - https:\/\/yoast.com\/wordpress\/plugins\/seo\/ -->\n<title>AGA oo Guul ka soo hoysey Madashii Bisha Agoosto 2020 - Akademiye Goboleedka Af Soomaaliga AGA<\/title>\n<meta name=\"robots\" content=\"index, follow, max-snippet:-1, max-image-preview:large, max-video-preview:-1\" \/>\n<link rel=\"canonical\" href=\"https:\/\/aga.so\/so\/aga-oo-guul-ka-soo-hoysey-madashii-bisha-agoosto-2020\/\" \/>\n<meta property=\"og:locale\" content=\"en_US\" \/>\n<meta property=\"og:type\" content=\"article\" \/>\n<meta property=\"og:title\" content=\"AGA oo Guul ka soo hoysey Madashii Bisha Agoosto 2020 - Akademiye Goboleedka Af Soomaaliga AGA\" \/>\n<meta property=\"og:description\" content=\"Madal aad u xiiso badan oo ay soo qaban-qaabisay Akademiye-Goboleedka AfSoomaaliga (AGA), loogana hadalayay \u201cXaaladda Adeegsiga Af Soomaaliga ee Maamulka iyo Ganacsiga\u201d ayaa 8\/8\/2020 waxa ay ka qabsoontay barta fogaan-aragga ee loo yaqaanno Zoom-ka, taasi oo si heer sare ah u dhacday. Madashaas qiimaha badan waxaa ka soo qeyb-galay Sii-hayaha Ra\u2019iisul Wasaaraha, JFS Mudane Mahdi [&hellip;]\" \/>\n<meta property=\"og:url\" content=\"https:\/\/aga.so\/so\/aga-oo-guul-ka-soo-hoysey-madashii-bisha-agoosto-2020\/\" \/>\n<meta property=\"og:site_name\" content=\"Akademiye Goboleedka Af Soomaaliga AGA\" \/>\n<meta property=\"article:published_time\" content=\"2020-08-10T18:02:26+00:00\" \/>\n<meta property=\"article:modified_time\" content=\"2020-08-10T18:04:15+00:00\" \/>\n<meta property=\"og:image\" content=\"https:\/\/aga.so\/so\/wp-content\/uploads\/2020\/08\/117442605_675770823063877_8493891120634581203_n.jpg\" \/>\n\t<meta property=\"og:image:width\" content=\"597\" \/>\n\t<meta property=\"og:image:height\" content=\"477\" \/>\n\t<meta property=\"og:image:type\" content=\"image\/jpeg\" \/>\n<meta name=\"author\" content=\"hgb\" \/>\n<meta name=\"twitter:card\" content=\"summary_large_image\" \/>\n<meta name=\"twitter:label1\" content=\"Written by\" \/>\n\t<meta name=\"twitter:data1\" content=\"hgb\" \/>\n\t<meta name=\"twitter:label2\" content=\"Est. reading time\" \/>\n\t<meta name=\"twitter:data2\" content=\"3 minutes\" \/>\n<script type=\"application\/ld+json\" class=\"yoast-schema-graph\">{\"@context\":\"https:\/\/schema.org\",\"@graph\":[{\"@type\":\"Article\",\"@id\":\"https:\/\/aga.so\/so\/aga-oo-guul-ka-soo-hoysey-madashii-bisha-agoosto-2020\/#article\",\"isPartOf\":{\"@id\":\"https:\/\/aga.so\/so\/aga-oo-guul-ka-soo-hoysey-madashii-bisha-agoosto-2020\/\"},\"author\":{\"name\":\"hgb\",\"@id\":\"https:\/\/aga.so\/so\/#\/schema\/person\/c89f24807531a9b3d9df95d848134d50\"},\"headline\":\"AGA oo Guul ka soo hoysey Madashii Bisha Agoosto 2020\",\"datePublished\":\"2020-08-10T18:02:26+00:00\",\"dateModified\":\"2020-08-10T18:04:15+00:00\",\"mainEntityOfPage\":{\"@id\":\"https:\/\/aga.so\/so\/aga-oo-guul-ka-soo-hoysey-madashii-bisha-agoosto-2020\/\"},\"wordCount\":595,\"commentCount\":0,\"publisher\":{\"@id\":\"https:\/\/aga.so\/so\/#organization\"},\"articleSection\":[\"Wararka AGA\"],\"inLanguage\":\"en-US\",\"potentialAction\":[{\"@type\":\"CommentAction\",\"name\":\"Comment\",\"target\":[\"https:\/\/aga.so\/so\/aga-oo-guul-ka-soo-hoysey-madashii-bisha-agoosto-2020\/#respond\"]}]},{\"@type\":\"WebPage\",\"@id\":\"https:\/\/aga.so\/so\/aga-oo-guul-ka-soo-hoysey-madashii-bisha-agoosto-2020\/\",\"url\":\"https:\/\/aga.so\/so\/aga-oo-guul-ka-soo-hoysey-madashii-bisha-agoosto-2020\/\",\"name\":\"AGA oo Guul ka soo hoysey Madashii Bisha Agoosto 2020 - Akademiye Goboleedka Af Soomaaliga AGA\",\"isPartOf\":{\"@id\":\"https:\/\/aga.so\/so\/#website\"},\"datePublished\":\"2020-08-10T18:02:26+00:00\",\"dateModified\":\"2020-08-10T18:04:15+00:00\",\"breadcrumb\":{\"@id\":\"https:\/\/aga.so\/so\/aga-oo-guul-ka-soo-hoysey-madashii-bisha-agoosto-2020\/#breadcrumb\"},\"inLanguage\":\"en-US\",\"potentialAction\":[{\"@type\":\"ReadAction\",\"target\":[\"https:\/\/aga.so\/so\/aga-oo-guul-ka-soo-hoysey-madashii-bisha-agoosto-2020\/\"]}]},{\"@type\":\"BreadcrumbList\",\"@id\":\"https:\/\/aga.so\/so\/aga-oo-guul-ka-soo-hoysey-madashii-bisha-agoosto-2020\/#breadcrumb\",\"itemListElement\":[{\"@type\":\"ListItem\",\"position\":1,\"name\":\"Home\",\"item\":\"https:\/\/aga.so\/so\/\"},{\"@type\":\"ListItem\",\"position\":2,\"name\":\"AGA oo Guul ka soo hoysey Madashii Bisha Agoosto 2020\"}]},{\"@type\":\"WebSite\",\"@id\":\"https:\/\/aga.so\/so\/#website\",\"url\":\"https:\/\/aga.so\/so\/\",\"name\":\"Akademiye Goboleedka Af Soomaaliga AGA\",\"description\":\"\",\"publisher\":{\"@id\":\"https:\/\/aga.so\/so\/#organization\"},\"potentialAction\":[{\"@type\":\"SearchAction\",\"target\":{\"@type\":\"EntryPoint\",\"urlTemplate\":\"https:\/\/aga.so\/so\/?s={search_term_string}\"},\"query-input\":\"required name=search_term_string\"}],\"inLanguage\":\"en-US\"},{\"@type\":\"Organization\",\"@id\":\"https:\/\/aga.so\/so\/#organization\",\"name\":\"AGA - Akadeemiya Goboleedka AfSoomaaliga\",\"url\":\"https:\/\/aga.so\/so\/\",\"logo\":{\"@type\":\"ImageObject\",\"inLanguage\":\"en-US\",\"@id\":\"https:\/\/aga.so\/so\/#\/schema\/logo\/image\/\",\"url\":\"https:\/\/aga.so\/so\/wp-content\/uploads\/2020\/10\/favicon-2.png\",\"contentUrl\":\"https:\/\/aga.so\/so\/wp-content\/uploads\/2020\/10\/favicon-2.png\",\"width\":162,\"height\":83,\"caption\":\"AGA - Akadeemiya Goboleedka AfSoomaaliga\"},\"image\":{\"@id\":\"https:\/\/aga.so\/so\/#\/schema\/logo\/image\/\"}},{\"@type\":\"Person\",\"@id\":\"https:\/\/aga.so\/so\/#\/schema\/person\/c89f24807531a9b3d9df95d848134d50\",\"name\":\"hgb\",\"image\":{\"@type\":\"ImageObject\",\"inLanguage\":\"en-US\",\"@id\":\"https:\/\/aga.so\/so\/#\/schema\/person\/image\/\",\"url\":\"https:\/\/secure.gravatar.com\/avatar\/9cc2fe393829a669530037fc59abb837?s=96&d=mm&r=g\",\"contentUrl\":\"https:\/\/secure.gravatar.com\/avatar\/9cc2fe393829a669530037fc59abb837?s=96&d=mm&r=g\",\"caption\":\"hgb\"},\"url\":\"https:\/\/aga.so\/so\/author\/hgb\/\"}]}<\/script>\n<!-- \/ Yoast SEO plugin. -->","yoast_head_json":{"title":"AGA oo Guul ka soo hoysey Madashii Bisha Agoosto 2020 - Akademiye Goboleedka Af Soomaaliga AGA","robots":{"index":"index","follow":"follow","max-snippet":"max-snippet:-1","max-image-preview":"max-image-preview:large","max-video-preview":"max-video-preview:-1"},"canonical":"https:\/\/aga.so\/so\/aga-oo-guul-ka-soo-hoysey-madashii-bisha-agoosto-2020\/","og_locale":"en_US","og_type":"article","og_title":"AGA oo Guul ka soo hoysey Madashii Bisha Agoosto 2020 - Akademiye Goboleedka Af Soomaaliga AGA","og_description":"Madal aad u xiiso badan oo ay soo qaban-qaabisay Akademiye-Goboleedka AfSoomaaliga (AGA), loogana hadalayay \u201cXaaladda Adeegsiga Af Soomaaliga ee Maamulka iyo Ganacsiga\u201d ayaa 8\/8\/2020 waxa ay ka qabsoontay barta fogaan-aragga ee loo yaqaanno Zoom-ka, taasi oo si heer sare ah u dhacday. Madashaas qiimaha badan waxaa ka soo qeyb-galay Sii-hayaha Ra\u2019iisul Wasaaraha, JFS Mudane Mahdi [&hellip;]","og_url":"https:\/\/aga.so\/so\/aga-oo-guul-ka-soo-hoysey-madashii-bisha-agoosto-2020\/","og_site_name":"Akademiye Goboleedka Af Soomaaliga AGA","article_published_time":"2020-08-10T18:02:26+00:00","article_modified_time":"2020-08-10T18:04:15+00:00","og_image":[{"width":597,"height":477,"url":"https:\/\/aga.so\/so\/wp-content\/uploads\/2020\/08\/117442605_675770823063877_8493891120634581203_n.jpg","type":"image\/jpeg"}],"author":"hgb","twitter_card":"summary_large_image","twitter_misc":{"Written by":"hgb","Est. reading time":"3 minutes"},"schema":{"@context":"https:\/\/schema.org","@graph":[{"@type":"Article","@id":"https:\/\/aga.so\/so\/aga-oo-guul-ka-soo-hoysey-madashii-bisha-agoosto-2020\/#article","isPartOf":{"@id":"https:\/\/aga.so\/so\/aga-oo-guul-ka-soo-hoysey-madashii-bisha-agoosto-2020\/"},"author":{"name":"hgb","@id":"https:\/\/aga.so\/so\/#\/schema\/person\/c89f24807531a9b3d9df95d848134d50"},"headline":"AGA oo Guul ka soo hoysey Madashii Bisha Agoosto 2020","datePublished":"2020-08-10T18:02:26+00:00","dateModified":"2020-08-10T18:04:15+00:00","mainEntityOfPage":{"@id":"https:\/\/aga.so\/so\/aga-oo-guul-ka-soo-hoysey-madashii-bisha-agoosto-2020\/"},"wordCount":595,"commentCount":0,"publisher":{"@id":"https:\/\/aga.so\/so\/#organization"},"articleSection":["Wararka AGA"],"inLanguage":"en-US","potentialAction":[{"@type":"CommentAction","name":"Comment","target":["https:\/\/aga.so\/so\/aga-oo-guul-ka-soo-hoysey-madashii-bisha-agoosto-2020\/#respond"]}]},{"@type":"WebPage","@id":"https:\/\/aga.so\/so\/aga-oo-guul-ka-soo-hoysey-madashii-bisha-agoosto-2020\/","url":"https:\/\/aga.so\/so\/aga-oo-guul-ka-soo-hoysey-madashii-bisha-agoosto-2020\/","name":"AGA oo Guul ka soo hoysey Madashii Bisha Agoosto 2020 - Akademiye Goboleedka Af Soomaaliga AGA","isPartOf":{"@id":"https:\/\/aga.so\/so\/#website"},"datePublished":"2020-08-10T18:02:26+00:00","dateModified":"2020-08-10T18:04:15+00:00","breadcrumb":{"@id":"https:\/\/aga.so\/so\/aga-oo-guul-ka-soo-hoysey-madashii-bisha-agoosto-2020\/#breadcrumb"},"inLanguage":"en-US","potentialAction":[{"@type":"ReadAction","target":["https:\/\/aga.so\/so\/aga-oo-guul-ka-soo-hoysey-madashii-bisha-agoosto-2020\/"]}]},{"@type":"BreadcrumbList","@id":"https:\/\/aga.so\/so\/aga-oo-guul-ka-soo-hoysey-madashii-bisha-agoosto-2020\/#breadcrumb","itemListElement":[{"@type":"ListItem","position":1,"name":"Home","item":"https:\/\/aga.so\/so\/"},{"@type":"ListItem","position":2,"name":"AGA oo Guul ka soo hoysey Madashii Bisha Agoosto 2020"}]},{"@type":"WebSite","@id":"https:\/\/aga.so\/so\/#website","url":"https:\/\/aga.so\/so\/","name":"Akademiye Goboleedka Af Soomaaliga AGA","description":"","publisher":{"@id":"https:\/\/aga.so\/so\/#organization"},"potentialAction":[{"@type":"SearchAction","target":{"@type":"EntryPoint","urlTemplate":"https:\/\/aga.so\/so\/?s={search_term_string}"},"query-input":"required name=search_term_string"}],"inLanguage":"en-US"},{"@type":"Organization","@id":"https:\/\/aga.so\/so\/#organization","name":"AGA - Akadeemiya Goboleedka AfSoomaaliga","url":"https:\/\/aga.so\/so\/","logo":{"@type":"ImageObject","inLanguage":"en-US","@id":"https:\/\/aga.so\/so\/#\/schema\/logo\/image\/","url":"https:\/\/aga.so\/so\/wp-content\/uploads\/2020\/10\/favicon-2.png","contentUrl":"https:\/\/aga.so\/so\/wp-content\/uploads\/2020\/10\/favicon-2.png","width":162,"height":83,"caption":"AGA - Akadeemiya Goboleedka AfSoomaaliga"},"image":{"@id":"https:\/\/aga.so\/so\/#\/schema\/logo\/image\/"}},{"@type":"Person","@id":"https:\/\/aga.so\/so\/#\/schema\/person\/c89f24807531a9b3d9df95d848134d50","name":"hgb","image":{"@type":"ImageObject","inLanguage":"en-US","@id":"https:\/\/aga.so\/so\/#\/schema\/person\/image\/","url":"https:\/\/secure.gravatar.com\/avatar\/9cc2fe393829a669530037fc59abb837?s=96&d=mm&r=g","contentUrl":"https:\/\/secure.gravatar.com\/avatar\/9cc2fe393829a669530037fc59abb837?s=96&d=mm&r=g","caption":"hgb"},"url":"https:\/\/aga.so\/so\/author\/hgb\/"}]}},"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/aga.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/3412"}],"collection":[{"href":"https:\/\/aga.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/aga.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/aga.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/users\/1"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/aga.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=3412"}],"version-history":[{"count":2,"href":"https:\/\/aga.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/3412\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":3424,"href":"https:\/\/aga.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/3412\/revisions\/3424"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/aga.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media\/3419"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/aga.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=3412"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/aga.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=3412"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/aga.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=3412"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}