{"id":315,"date":"2018-03-28T21:40:55","date_gmt":"2018-03-28T21:40:55","guid":{"rendered":"http:\/\/aga.so\/so\/?p=315"},"modified":"2018-04-03T12:17:07","modified_gmt":"2018-04-03T12:17:07","slug":"madasha-aga-oo-lagu-lafaguray-buug-ay-qortay-gabar-da-yar-oo-ka-tirsan-bahda-aga","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/aga.so\/so\/madasha-aga-oo-lagu-lafaguray-buug-ay-qortay-gabar-da-yar-oo-ka-tirsan-bahda-aga\/","title":{"rendered":"\u2018MADASHA AGA\u2019 OO LAGU LAFAGURAY BUUG AY QORTAY GABAR DA\u2019 YAR OO KA TIRSAN BAHDA AGA"},"content":{"rendered":"<p>Madal-cilmiyeed si qurux badan loo soo agaasimay laguna gorfeynayay \u00a0buugga la magac baxay <strong><em>Habeen-eersi<\/em><\/strong> \u00a0\u00a0ee ay qortay Dayax Axmed Maxamed \u00a0oo ah gabar dhallinyaro ah oo ka tirsan Akadeemiye-Goboleedka AfSoomaalia (AGA) ayaa maanta oo ku beegan 28\/3\/2018 \u00a0waxaa\u00a0 lagu qabtay Magaalada Muqdisho.<\/p>\n<p>Madashaasi oo aad loo jecleystay ayaa waxaa ka soo qeyb galay \u00a0madax, marti sharaf \u00a0iyo dad aad u fara badan oo ka mid ah bahda qalinleyda iyo hal-abuurka, \u00a0waxaana madashaasi \u00a0soo qaban-qaabiyay <em>Akdeemiye-Goboleedka AfSoomaaliga (AGA<\/em>).<\/p>\n<p>Gudoomiyaha Akadeemiye-Goboleedka AfSoomaaliga, Prof. Maxamed Daahir Afrax oo ka hadlayay munaasabadii furitaanka madashaasi ayaa sheegay \u00a0inuu guud ahaan bahda qalinka iyo hal-abuurka, gaar ahaanna dhallinyarada hibada leh\u00a0 uu ku soo dhaweynayo Madasha AGA \u00a0ee loogu tala galay hiilka afka hooyo, dhiiri galinta qorayaasha, \u00a0horumarinta hal-abuurka iyo suugaanta Soomaaliyeed, waxaana uu ku nuux-nuuxsadey inay \u00a0AGA sii wadi doonto qabashada madalaha caynkaan oo kale ah.<\/p>\n<p>Prof. Afrax wuxuu shaaca ka qaaday inay\u00a0 Akadeemiyadu furi doonto Tartan lagu qiimeyn doono Buuggaagta iyo hal-abuurka ay ka midka yihiin Sheekooyinka \u00a0iyo Maansada, kuwaasi oo lagu bixin doono abaal marino qiimo badan, waxaana uu\u00a0 dhinac kale iftiimiyey waxtarka weyn ee ay lafa-gurka buugaagta iyo faaqidaadda suugaantu\u00a0 u leeyihiin horumarinta hal-abuurka iyo kobcinta aqoonta. Waana sababta ay AGA xoogga u saari doonto.<\/p>\n<p>Madashaasi oo aad u xiiso badneyd waxaa iyaduna ka hadashay gabadhii qortay\u00a0 buuggii miiska saarnaa ee <em>Habeen-eersi<\/em>\u00a0 Dayax Axmed Maxamed, taasi oo ka sheekeeysay\u00a0 sida ay ugu suurta-gashay qoraalka buuggaasi, waxaana ay tibaaxday in buuggeeda lagu soo bandhigay Tobban goobood oo isugu jiray qaar ka mid ah Magaalooyinka Soomaaliya iyo labbo Carwo buuggaageed oo lagu kala dhigay Muqdisho iyo Garowe.<\/p>\n<p>Dhanka kale waxay u mahad celisay Gudoomiyaha AGA, Dr Afrax, oo ay ku tilmaamtay inuu yahay Barbaariye wanaagsan oo ay abaal weyn ugu hayso taageerada iyo dhiirrigalinta uu isku garab taagey iyada da\u2019yarta kale eek u hawllan dadaalka noocaan ah.<\/p>\n<p>Intaasi dabadeed waxaa la guda galay lafagurkii buugga, waxaana halkaasi gorfayntooda ku soo bandhigay \u00a0Prof.Mustafa C\/llaahi Feyruus, Ustaad C\/llahi Shiikh Cabdi (Gacanka), Abwaan Salaad C\/lle Cabdi iyo Seynab Xaaji oo ahaa lafa-gurayaashii soo aqriyay buuggaasi, kuwaasi oo \u00a0madasha \u00a0la wadaagey\u00a0 falaqayn kala duwan oo isugu jiray\u00a0 ammaan, dhalliilo yaryar, toosin iyo hoga tusaaleyn ku saabsan sheekada Habeen-Eersi.<\/p>\n<p>Qaar ka mid ahaa ka qeybgalayaashii madashaasi oo cabirayay dareenkooda \u00a0ayaa sheegay inay ku faraxsan yihiin qaabka ay AGA u soo abaabushay madashaasi, waxaana ay codsadeen in la joogteeyo, \u00a0Gaba-gabadii\u00a0 madashaasi waxaa ka hadlay Agaasimaha Waaxda Wacyigalinta iyo Hal-abuurka Wasaaradda Dhallinyarada iyo Isbortiga, Md Maxamed Cali Cilmi (Gaa-gaale) iyo Ku-simaha Gudoomiyaha Golaha Abwaanda Somaaliyeed Abwaan Xersi Dhuux Maxamed oo hambalyeeyay qabashada madashaasi lagu lafagurayay buugga Habeen-eersi.<\/p>\n<p>Madasha AGA oo ah madal Bille ah ayaa si joogtaysan waxaa ugu kulma bahda Akadeemiyada, ehelada AfSoomaaliga iyo suugaantiisa, bahda Dhaqanka iyo aqoon-faafinta, bahda Waxbarashada iyo cilmi-baarista, bahda Warbaahinta iyo guud ahaan inta ku hawllan ama jecel afka, hal-abuurka, dhaqanka, qoraalka iyo aqoon faafinta,\u00a0waxaana si gaar ah uga faa`iidaysta da`yarta xiiseeya akhriska iyo qoraalka oo ay ka midka yihiin xubnaha naadiyada dhallinyarada iyo ardayda jaamacadaha.<\/p>\n<p><img decoding=\"async\" loading=\"lazy\" class=\"alignnone wp-image-321 size-full\" src=\"http:\/\/aga.so\/so\/wp-content\/uploads\/2018\/03\/29663446_1722283834498764_560270699_n.jpg\" alt=\"\" width=\"960\" height=\"720\" srcset=\"https:\/\/aga.so\/so\/wp-content\/uploads\/2018\/03\/29663446_1722283834498764_560270699_n.jpg 960w, https:\/\/aga.so\/so\/wp-content\/uploads\/2018\/03\/29663446_1722283834498764_560270699_n-300x225.jpg 300w, https:\/\/aga.so\/so\/wp-content\/uploads\/2018\/03\/29663446_1722283834498764_560270699_n-768x576.jpg 768w\" sizes=\"(max-width: 960px) 100vw, 960px\" \/> <img decoding=\"async\" loading=\"lazy\" class=\"alignnone size-large wp-image-317\" src=\"http:\/\/aga.so\/so\/wp-content\/uploads\/2018\/03\/29665855_1722283944498753_265377007_n.jpg\" alt=\"\" width=\"618\" height=\"464\" srcset=\"https:\/\/aga.so\/so\/wp-content\/uploads\/2018\/03\/29665855_1722283944498753_265377007_n.jpg 960w, https:\/\/aga.so\/so\/wp-content\/uploads\/2018\/03\/29665855_1722283944498753_265377007_n-300x225.jpg 300w, https:\/\/aga.so\/so\/wp-content\/uploads\/2018\/03\/29665855_1722283944498753_265377007_n-768x576.jpg 768w\" sizes=\"(max-width: 618px) 100vw, 618px\" \/> <img decoding=\"async\" loading=\"lazy\" class=\"alignnone size-large wp-image-318\" src=\"http:\/\/aga.so\/so\/wp-content\/uploads\/2018\/03\/29663778_1722283971165417_1563181981_n.jpg\" alt=\"\" width=\"618\" height=\"464\" srcset=\"https:\/\/aga.so\/so\/wp-content\/uploads\/2018\/03\/29663778_1722283971165417_1563181981_n.jpg 960w, https:\/\/aga.so\/so\/wp-content\/uploads\/2018\/03\/29663778_1722283971165417_1563181981_n-300x225.jpg 300w, https:\/\/aga.so\/so\/wp-content\/uploads\/2018\/03\/29663778_1722283971165417_1563181981_n-768x576.jpg 768w\" sizes=\"(max-width: 618px) 100vw, 618px\" \/> <img decoding=\"async\" loading=\"lazy\" class=\"alignnone size-large wp-image-319\" src=\"http:\/\/aga.so\/so\/wp-content\/uploads\/2018\/03\/29550252_1722283737832107_2065144643_n.jpg\" alt=\"\" width=\"618\" height=\"464\" srcset=\"https:\/\/aga.so\/so\/wp-content\/uploads\/2018\/03\/29550252_1722283737832107_2065144643_n.jpg 960w, https:\/\/aga.so\/so\/wp-content\/uploads\/2018\/03\/29550252_1722283737832107_2065144643_n-300x225.jpg 300w, https:\/\/aga.so\/so\/wp-content\/uploads\/2018\/03\/29550252_1722283737832107_2065144643_n-768x576.jpg 768w\" sizes=\"(max-width: 618px) 100vw, 618px\" \/> <img decoding=\"async\" loading=\"lazy\" class=\"alignnone size-large wp-image-320\" src=\"http:\/\/aga.so\/so\/wp-content\/uploads\/2018\/03\/29663839_1722284757832005_671320317_n.jpg\" alt=\"\" width=\"618\" height=\"464\" srcset=\"https:\/\/aga.so\/so\/wp-content\/uploads\/2018\/03\/29663839_1722284757832005_671320317_n.jpg 960w, https:\/\/aga.so\/so\/wp-content\/uploads\/2018\/03\/29663839_1722284757832005_671320317_n-300x225.jpg 300w, https:\/\/aga.so\/so\/wp-content\/uploads\/2018\/03\/29663839_1722284757832005_671320317_n-768x576.jpg 768w\" sizes=\"(max-width: 618px) 100vw, 618px\" \/> <img decoding=\"async\" loading=\"lazy\" class=\"alignnone wp-image-324 size-full\" src=\"http:\/\/aga.so\/so\/wp-content\/uploads\/2018\/03\/29550066_1722284041165410_982829776_n-1.jpg\" alt=\"\" width=\"960\" height=\"720\" srcset=\"https:\/\/aga.so\/so\/wp-content\/uploads\/2018\/03\/29550066_1722284041165410_982829776_n-1.jpg 960w, https:\/\/aga.so\/so\/wp-content\/uploads\/2018\/03\/29550066_1722284041165410_982829776_n-1-300x225.jpg 300w, https:\/\/aga.so\/so\/wp-content\/uploads\/2018\/03\/29550066_1722284041165410_982829776_n-1-768x576.jpg 768w\" sizes=\"(max-width: 960px) 100vw, 960px\" \/> <img decoding=\"async\" loading=\"lazy\" class=\"alignnone size-large wp-image-322\" src=\"http:\/\/aga.so\/so\/wp-content\/uploads\/2018\/03\/29663622_1722283987832082_863169935_n.jpg\" alt=\"\" width=\"618\" height=\"464\" srcset=\"https:\/\/aga.so\/so\/wp-content\/uploads\/2018\/03\/29663622_1722283987832082_863169935_n.jpg 960w, https:\/\/aga.so\/so\/wp-content\/uploads\/2018\/03\/29663622_1722283987832082_863169935_n-300x225.jpg 300w, https:\/\/aga.so\/so\/wp-content\/uploads\/2018\/03\/29663622_1722283987832082_863169935_n-768x576.jpg 768w\" sizes=\"(max-width: 618px) 100vw, 618px\" \/> <img decoding=\"async\" loading=\"lazy\" class=\"alignnone size-large wp-image-323\" src=\"http:\/\/aga.so\/so\/wp-content\/uploads\/2018\/03\/28511362_1691515054242309_1004255995_n-1.jpg\" alt=\"\" width=\"618\" height=\"464\" srcset=\"https:\/\/aga.so\/so\/wp-content\/uploads\/2018\/03\/28511362_1691515054242309_1004255995_n-1.jpg 894w, https:\/\/aga.so\/so\/wp-content\/uploads\/2018\/03\/28511362_1691515054242309_1004255995_n-1-300x225.jpg 300w, https:\/\/aga.so\/so\/wp-content\/uploads\/2018\/03\/28511362_1691515054242309_1004255995_n-1-768x576.jpg 768w\" sizes=\"(max-width: 618px) 100vw, 618px\" \/><\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Madal-cilmiyeed si qurux badan loo soo agaasimay laguna gorfeynayay \u00a0buugga la magac baxay Habeen-eersi \u00a0\u00a0ee ay qortay Dayax Axmed Maxamed \u00a0oo ah gabar dhallinyaro ah oo ka tirsan Akadeemiye-Goboleedka AfSoomaalia (AGA) ayaa maanta oo ku beegan 28\/3\/2018 \u00a0waxaa\u00a0 lagu qabtay Magaalada Muqdisho. Madashaasi oo aad loo jecleystay ayaa waxaa ka soo qeyb galay \u00a0madax, marti [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":1,"featured_media":321,"comment_status":"open","ping_status":"open","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"inline_featured_image":false},"categories":[3,1],"tags":[],"yoast_head":"<!-- This site is optimized with the Yoast SEO plugin v20.2.1 - https:\/\/yoast.com\/wordpress\/plugins\/seo\/ -->\n<title>\u2018MADASHA AGA\u2019 OO LAGU LAFAGURAY BUUG AY QORTAY GABAR DA\u2019 YAR OO KA TIRSAN BAHDA AGA - Akademiye Goboleedka Af Soomaaliga AGA<\/title>\n<meta name=\"robots\" content=\"index, follow, max-snippet:-1, max-image-preview:large, max-video-preview:-1\" \/>\n<link rel=\"canonical\" href=\"https:\/\/aga.so\/so\/madasha-aga-oo-lagu-lafaguray-buug-ay-qortay-gabar-da-yar-oo-ka-tirsan-bahda-aga\/\" \/>\n<meta property=\"og:locale\" content=\"en_US\" \/>\n<meta property=\"og:type\" content=\"article\" \/>\n<meta property=\"og:title\" content=\"\u2018MADASHA AGA\u2019 OO LAGU LAFAGURAY BUUG AY QORTAY GABAR DA\u2019 YAR OO KA TIRSAN BAHDA AGA - Akademiye Goboleedka Af Soomaaliga AGA\" \/>\n<meta property=\"og:description\" content=\"Madal-cilmiyeed si qurux badan loo soo agaasimay laguna gorfeynayay \u00a0buugga la magac baxay Habeen-eersi \u00a0\u00a0ee ay qortay Dayax Axmed Maxamed \u00a0oo ah gabar dhallinyaro ah oo ka tirsan Akadeemiye-Goboleedka AfSoomaalia (AGA) ayaa maanta oo ku beegan 28\/3\/2018 \u00a0waxaa\u00a0 lagu qabtay Magaalada Muqdisho. Madashaasi oo aad loo jecleystay ayaa waxaa ka soo qeyb galay \u00a0madax, marti [&hellip;]\" \/>\n<meta property=\"og:url\" content=\"https:\/\/aga.so\/so\/madasha-aga-oo-lagu-lafaguray-buug-ay-qortay-gabar-da-yar-oo-ka-tirsan-bahda-aga\/\" \/>\n<meta property=\"og:site_name\" content=\"Akademiye Goboleedka Af Soomaaliga AGA\" \/>\n<meta property=\"article:published_time\" content=\"2018-03-28T21:40:55+00:00\" \/>\n<meta property=\"article:modified_time\" content=\"2018-04-03T12:17:07+00:00\" \/>\n<meta property=\"og:image\" content=\"https:\/\/aga.so\/so\/wp-content\/uploads\/2018\/03\/29663446_1722283834498764_560270699_n.jpg\" \/>\n\t<meta property=\"og:image:width\" content=\"960\" \/>\n\t<meta property=\"og:image:height\" content=\"720\" \/>\n\t<meta property=\"og:image:type\" content=\"image\/jpeg\" \/>\n<meta name=\"author\" content=\"hgb\" \/>\n<meta name=\"twitter:card\" content=\"summary_large_image\" \/>\n<meta name=\"twitter:label1\" content=\"Written by\" \/>\n\t<meta name=\"twitter:data1\" content=\"hgb\" \/>\n\t<meta name=\"twitter:label2\" content=\"Est. reading time\" \/>\n\t<meta name=\"twitter:data2\" content=\"2 minutes\" \/>\n<script type=\"application\/ld+json\" class=\"yoast-schema-graph\">{\"@context\":\"https:\/\/schema.org\",\"@graph\":[{\"@type\":\"Article\",\"@id\":\"https:\/\/aga.so\/so\/madasha-aga-oo-lagu-lafaguray-buug-ay-qortay-gabar-da-yar-oo-ka-tirsan-bahda-aga\/#article\",\"isPartOf\":{\"@id\":\"https:\/\/aga.so\/so\/madasha-aga-oo-lagu-lafaguray-buug-ay-qortay-gabar-da-yar-oo-ka-tirsan-bahda-aga\/\"},\"author\":{\"name\":\"hgb\",\"@id\":\"https:\/\/aga.so\/so\/#\/schema\/person\/c89f24807531a9b3d9df95d848134d50\"},\"headline\":\"\u2018MADASHA AGA\u2019 OO LAGU LAFAGURAY BUUG AY QORTAY GABAR DA\u2019 YAR OO KA TIRSAN BAHDA AGA\",\"datePublished\":\"2018-03-28T21:40:55+00:00\",\"dateModified\":\"2018-04-03T12:17:07+00:00\",\"mainEntityOfPage\":{\"@id\":\"https:\/\/aga.so\/so\/madasha-aga-oo-lagu-lafaguray-buug-ay-qortay-gabar-da-yar-oo-ka-tirsan-bahda-aga\/\"},\"wordCount\":513,\"commentCount\":0,\"publisher\":{\"@id\":\"https:\/\/aga.so\/so\/#organization\"},\"articleSection\":[\"Dhacdooyin\",\"Wararka AGA\"],\"inLanguage\":\"en-US\",\"potentialAction\":[{\"@type\":\"CommentAction\",\"name\":\"Comment\",\"target\":[\"https:\/\/aga.so\/so\/madasha-aga-oo-lagu-lafaguray-buug-ay-qortay-gabar-da-yar-oo-ka-tirsan-bahda-aga\/#respond\"]}]},{\"@type\":\"WebPage\",\"@id\":\"https:\/\/aga.so\/so\/madasha-aga-oo-lagu-lafaguray-buug-ay-qortay-gabar-da-yar-oo-ka-tirsan-bahda-aga\/\",\"url\":\"https:\/\/aga.so\/so\/madasha-aga-oo-lagu-lafaguray-buug-ay-qortay-gabar-da-yar-oo-ka-tirsan-bahda-aga\/\",\"name\":\"\u2018MADASHA AGA\u2019 OO LAGU LAFAGURAY BUUG AY QORTAY GABAR DA\u2019 YAR OO KA TIRSAN BAHDA AGA - Akademiye Goboleedka Af Soomaaliga AGA\",\"isPartOf\":{\"@id\":\"https:\/\/aga.so\/so\/#website\"},\"datePublished\":\"2018-03-28T21:40:55+00:00\",\"dateModified\":\"2018-04-03T12:17:07+00:00\",\"breadcrumb\":{\"@id\":\"https:\/\/aga.so\/so\/madasha-aga-oo-lagu-lafaguray-buug-ay-qortay-gabar-da-yar-oo-ka-tirsan-bahda-aga\/#breadcrumb\"},\"inLanguage\":\"en-US\",\"potentialAction\":[{\"@type\":\"ReadAction\",\"target\":[\"https:\/\/aga.so\/so\/madasha-aga-oo-lagu-lafaguray-buug-ay-qortay-gabar-da-yar-oo-ka-tirsan-bahda-aga\/\"]}]},{\"@type\":\"BreadcrumbList\",\"@id\":\"https:\/\/aga.so\/so\/madasha-aga-oo-lagu-lafaguray-buug-ay-qortay-gabar-da-yar-oo-ka-tirsan-bahda-aga\/#breadcrumb\",\"itemListElement\":[{\"@type\":\"ListItem\",\"position\":1,\"name\":\"Home\",\"item\":\"https:\/\/aga.so\/so\/\"},{\"@type\":\"ListItem\",\"position\":2,\"name\":\"\u2018MADASHA AGA\u2019 OO LAGU LAFAGURAY BUUG AY QORTAY GABAR DA\u2019 YAR OO KA TIRSAN BAHDA AGA\"}]},{\"@type\":\"WebSite\",\"@id\":\"https:\/\/aga.so\/so\/#website\",\"url\":\"https:\/\/aga.so\/so\/\",\"name\":\"Akademiye Goboleedka Af Soomaaliga AGA\",\"description\":\"\",\"publisher\":{\"@id\":\"https:\/\/aga.so\/so\/#organization\"},\"potentialAction\":[{\"@type\":\"SearchAction\",\"target\":{\"@type\":\"EntryPoint\",\"urlTemplate\":\"https:\/\/aga.so\/so\/?s={search_term_string}\"},\"query-input\":\"required name=search_term_string\"}],\"inLanguage\":\"en-US\"},{\"@type\":\"Organization\",\"@id\":\"https:\/\/aga.so\/so\/#organization\",\"name\":\"AGA - Akadeemiya Goboleedka AfSoomaaliga\",\"url\":\"https:\/\/aga.so\/so\/\",\"logo\":{\"@type\":\"ImageObject\",\"inLanguage\":\"en-US\",\"@id\":\"https:\/\/aga.so\/so\/#\/schema\/logo\/image\/\",\"url\":\"https:\/\/aga.so\/so\/wp-content\/uploads\/2020\/10\/favicon-2.png\",\"contentUrl\":\"https:\/\/aga.so\/so\/wp-content\/uploads\/2020\/10\/favicon-2.png\",\"width\":162,\"height\":83,\"caption\":\"AGA - Akadeemiya Goboleedka AfSoomaaliga\"},\"image\":{\"@id\":\"https:\/\/aga.so\/so\/#\/schema\/logo\/image\/\"}},{\"@type\":\"Person\",\"@id\":\"https:\/\/aga.so\/so\/#\/schema\/person\/c89f24807531a9b3d9df95d848134d50\",\"name\":\"hgb\",\"image\":{\"@type\":\"ImageObject\",\"inLanguage\":\"en-US\",\"@id\":\"https:\/\/aga.so\/so\/#\/schema\/person\/image\/\",\"url\":\"https:\/\/secure.gravatar.com\/avatar\/9cc2fe393829a669530037fc59abb837?s=96&d=mm&r=g\",\"contentUrl\":\"https:\/\/secure.gravatar.com\/avatar\/9cc2fe393829a669530037fc59abb837?s=96&d=mm&r=g\",\"caption\":\"hgb\"},\"url\":\"https:\/\/aga.so\/so\/author\/hgb\/\"}]}<\/script>\n<!-- \/ Yoast SEO plugin. -->","yoast_head_json":{"title":"\u2018MADASHA AGA\u2019 OO LAGU LAFAGURAY BUUG AY QORTAY GABAR DA\u2019 YAR OO KA TIRSAN BAHDA AGA - Akademiye Goboleedka Af Soomaaliga AGA","robots":{"index":"index","follow":"follow","max-snippet":"max-snippet:-1","max-image-preview":"max-image-preview:large","max-video-preview":"max-video-preview:-1"},"canonical":"https:\/\/aga.so\/so\/madasha-aga-oo-lagu-lafaguray-buug-ay-qortay-gabar-da-yar-oo-ka-tirsan-bahda-aga\/","og_locale":"en_US","og_type":"article","og_title":"\u2018MADASHA AGA\u2019 OO LAGU LAFAGURAY BUUG AY QORTAY GABAR DA\u2019 YAR OO KA TIRSAN BAHDA AGA - Akademiye Goboleedka Af Soomaaliga AGA","og_description":"Madal-cilmiyeed si qurux badan loo soo agaasimay laguna gorfeynayay \u00a0buugga la magac baxay Habeen-eersi \u00a0\u00a0ee ay qortay Dayax Axmed Maxamed \u00a0oo ah gabar dhallinyaro ah oo ka tirsan Akadeemiye-Goboleedka AfSoomaalia (AGA) ayaa maanta oo ku beegan 28\/3\/2018 \u00a0waxaa\u00a0 lagu qabtay Magaalada Muqdisho. Madashaasi oo aad loo jecleystay ayaa waxaa ka soo qeyb galay \u00a0madax, marti [&hellip;]","og_url":"https:\/\/aga.so\/so\/madasha-aga-oo-lagu-lafaguray-buug-ay-qortay-gabar-da-yar-oo-ka-tirsan-bahda-aga\/","og_site_name":"Akademiye Goboleedka Af Soomaaliga AGA","article_published_time":"2018-03-28T21:40:55+00:00","article_modified_time":"2018-04-03T12:17:07+00:00","og_image":[{"width":960,"height":720,"url":"https:\/\/aga.so\/so\/wp-content\/uploads\/2018\/03\/29663446_1722283834498764_560270699_n.jpg","type":"image\/jpeg"}],"author":"hgb","twitter_card":"summary_large_image","twitter_misc":{"Written by":"hgb","Est. reading time":"2 minutes"},"schema":{"@context":"https:\/\/schema.org","@graph":[{"@type":"Article","@id":"https:\/\/aga.so\/so\/madasha-aga-oo-lagu-lafaguray-buug-ay-qortay-gabar-da-yar-oo-ka-tirsan-bahda-aga\/#article","isPartOf":{"@id":"https:\/\/aga.so\/so\/madasha-aga-oo-lagu-lafaguray-buug-ay-qortay-gabar-da-yar-oo-ka-tirsan-bahda-aga\/"},"author":{"name":"hgb","@id":"https:\/\/aga.so\/so\/#\/schema\/person\/c89f24807531a9b3d9df95d848134d50"},"headline":"\u2018MADASHA AGA\u2019 OO LAGU LAFAGURAY BUUG AY QORTAY GABAR DA\u2019 YAR OO KA TIRSAN BAHDA AGA","datePublished":"2018-03-28T21:40:55+00:00","dateModified":"2018-04-03T12:17:07+00:00","mainEntityOfPage":{"@id":"https:\/\/aga.so\/so\/madasha-aga-oo-lagu-lafaguray-buug-ay-qortay-gabar-da-yar-oo-ka-tirsan-bahda-aga\/"},"wordCount":513,"commentCount":0,"publisher":{"@id":"https:\/\/aga.so\/so\/#organization"},"articleSection":["Dhacdooyin","Wararka AGA"],"inLanguage":"en-US","potentialAction":[{"@type":"CommentAction","name":"Comment","target":["https:\/\/aga.so\/so\/madasha-aga-oo-lagu-lafaguray-buug-ay-qortay-gabar-da-yar-oo-ka-tirsan-bahda-aga\/#respond"]}]},{"@type":"WebPage","@id":"https:\/\/aga.so\/so\/madasha-aga-oo-lagu-lafaguray-buug-ay-qortay-gabar-da-yar-oo-ka-tirsan-bahda-aga\/","url":"https:\/\/aga.so\/so\/madasha-aga-oo-lagu-lafaguray-buug-ay-qortay-gabar-da-yar-oo-ka-tirsan-bahda-aga\/","name":"\u2018MADASHA AGA\u2019 OO LAGU LAFAGURAY BUUG AY QORTAY GABAR DA\u2019 YAR OO KA TIRSAN BAHDA AGA - Akademiye Goboleedka Af Soomaaliga AGA","isPartOf":{"@id":"https:\/\/aga.so\/so\/#website"},"datePublished":"2018-03-28T21:40:55+00:00","dateModified":"2018-04-03T12:17:07+00:00","breadcrumb":{"@id":"https:\/\/aga.so\/so\/madasha-aga-oo-lagu-lafaguray-buug-ay-qortay-gabar-da-yar-oo-ka-tirsan-bahda-aga\/#breadcrumb"},"inLanguage":"en-US","potentialAction":[{"@type":"ReadAction","target":["https:\/\/aga.so\/so\/madasha-aga-oo-lagu-lafaguray-buug-ay-qortay-gabar-da-yar-oo-ka-tirsan-bahda-aga\/"]}]},{"@type":"BreadcrumbList","@id":"https:\/\/aga.so\/so\/madasha-aga-oo-lagu-lafaguray-buug-ay-qortay-gabar-da-yar-oo-ka-tirsan-bahda-aga\/#breadcrumb","itemListElement":[{"@type":"ListItem","position":1,"name":"Home","item":"https:\/\/aga.so\/so\/"},{"@type":"ListItem","position":2,"name":"\u2018MADASHA AGA\u2019 OO LAGU LAFAGURAY BUUG AY QORTAY GABAR DA\u2019 YAR OO KA TIRSAN BAHDA AGA"}]},{"@type":"WebSite","@id":"https:\/\/aga.so\/so\/#website","url":"https:\/\/aga.so\/so\/","name":"Akademiye Goboleedka Af Soomaaliga AGA","description":"","publisher":{"@id":"https:\/\/aga.so\/so\/#organization"},"potentialAction":[{"@type":"SearchAction","target":{"@type":"EntryPoint","urlTemplate":"https:\/\/aga.so\/so\/?s={search_term_string}"},"query-input":"required name=search_term_string"}],"inLanguage":"en-US"},{"@type":"Organization","@id":"https:\/\/aga.so\/so\/#organization","name":"AGA - Akadeemiya Goboleedka AfSoomaaliga","url":"https:\/\/aga.so\/so\/","logo":{"@type":"ImageObject","inLanguage":"en-US","@id":"https:\/\/aga.so\/so\/#\/schema\/logo\/image\/","url":"https:\/\/aga.so\/so\/wp-content\/uploads\/2020\/10\/favicon-2.png","contentUrl":"https:\/\/aga.so\/so\/wp-content\/uploads\/2020\/10\/favicon-2.png","width":162,"height":83,"caption":"AGA - Akadeemiya Goboleedka AfSoomaaliga"},"image":{"@id":"https:\/\/aga.so\/so\/#\/schema\/logo\/image\/"}},{"@type":"Person","@id":"https:\/\/aga.so\/so\/#\/schema\/person\/c89f24807531a9b3d9df95d848134d50","name":"hgb","image":{"@type":"ImageObject","inLanguage":"en-US","@id":"https:\/\/aga.so\/so\/#\/schema\/person\/image\/","url":"https:\/\/secure.gravatar.com\/avatar\/9cc2fe393829a669530037fc59abb837?s=96&d=mm&r=g","contentUrl":"https:\/\/secure.gravatar.com\/avatar\/9cc2fe393829a669530037fc59abb837?s=96&d=mm&r=g","caption":"hgb"},"url":"https:\/\/aga.so\/so\/author\/hgb\/"}]}},"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/aga.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/315"}],"collection":[{"href":"https:\/\/aga.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/aga.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/aga.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/users\/1"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/aga.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=315"}],"version-history":[{"count":3,"href":"https:\/\/aga.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/315\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":327,"href":"https:\/\/aga.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/315\/revisions\/327"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/aga.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media\/321"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/aga.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=315"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/aga.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=315"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/aga.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=315"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}