{"id":3108,"date":"2020-08-09T14:49:22","date_gmt":"2020-08-09T14:49:22","guid":{"rendered":"https:\/\/aga.so\/so\/?p=3108"},"modified":"2020-11-02T14:00:53","modified_gmt":"2020-11-02T14:00:53","slug":"riyadii-luntay","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/aga.so\/so\/riyadii-luntay\/","title":{"rendered":"Riyadii Luntay"},"content":{"rendered":"<h4>Waxay ahayd xilli lagu jiro abaar. Roobkii horee gu&#8217;ga biyihii kaydka ahaa ee balliyada galay iyo daaqii uu dhulka kasoo saarayba gabaabsi yihiin. Reer Rooble, waa reer ladan marka la eego nolosha baadiyaha. Meesiyada xoolaha noocyadiisa kala duwan buu Ilaahay ugu deeqay reerka. Kedino geel ah, tirooyin adhi ah iyo lo&#8217; tiro beeshayba way leeyihiin; ase kalsooni badan lo&#8217;da kuma qabaan hadday abaartu jabi waydo.<br \/>\n***<br \/>\nGeedi Rooble, waa curadka reer Rooble. Marka loo eego dhego nugaylka uu aabihii u leeyahay iyo baarrinimada shinkeed dhaaftay ee uu hooyadii Sabaad u hayo, waxay sabab u noqotay, inay reerku Geeddi ka jeclaadaan ubadkooda. Baarrinimada ka sokow, Geeddi waa wiil karti iyo dadaal la gaariyoobay. Sidaasdarteed, reerku waxay uga nasteen masuuliyadda xoolaha.<br \/>\n***<br \/>\nGeeddi, isagoo carro Ciideed geela geeyay, ayuu maalin tagay magaalada Wardheer. Wardheer waxa uu kula kulmay Ladan oo iyadana u soo dukaamaysi doonatay magaalada. Ladan, waa gabadh Ilaahay qurux u dhaliyay, qotonka jooggeeda, dhex-yaraanteeda, midabkeeda masciideedka u eg iyo qorqornaateedaba. Aragtida Ladan saamayn weyn ayay ku yeelatay Geeddi. Waxay gilgishay dareenkiisa. Geeddi, weligii niyadiisa kuma soo dhicin arrin guur. Laakiin, aragtidii Ladan ka dib, wax weyn ayaa iska beddelay.<\/h4>\n<h4>Markay Ladan baxday ayuu Geeddi wareysi Ladan ku saabsan la galay Casob. &#8220;Ee aayo gabadhu waa ayo.\u201d ayuu si lama filaan ah u waydiiyay Cosob. &#8220;Waa gabadh ina Dhamac la yidhaahdo.\u201d ayay Cosob ugu hal-celisay. &#8220;Jano gashadu Jaah qurxoonaa!&#8221; ayuu si beraad la&#8217; u yiri.<br \/>\nCosob baa inta wajigiisa eegtay ka hubsatay malaheeda. &#8220;Gabadha ma damac baa kaa galay?\u201d<br \/>\n&#8220;Awowgeed la gubto, ma wax damac rag ka geliwaayaa! Midho dhafaruureed ayaaba la moodaaye&#8221;. ayuu kula kaftamay.<\/h4>\n<h4>Cosob baa ku taabtay waxay ka garanaysay Ladan, una raacisay in aabbaheed Dhamac aan laga marin geela xaggiisa. Iyadoo si dadban ugu sheegaysa inuu geel badan iska diyaariyo, si uu u helo gabadha. Geelisuu ku fikiray. In Ladan geel iyo ka badanba istaahisho ayuu isku guubaabi. Maanka ayuu ka qorshaystay arrinta ugubka ku ah.<br \/>\n\u2018Waa curad ninkii dhalay, laga siiyo cuudoo Waa curad ninkii dhalay, mahad looga celiyee.\u2019 ayuu cod hoose isugula heesay.<\/h4>\n<h4>Markuu cabbaar fikiray, wuxuu go\u2019aansaday inuu Ladan u geed fariisto. Aabbihii Rooble ayuu farriin u diray oo garab iyo gacanba weyddiistay.<\/h4>\n<h4>Fariinta markay gaadhay Rooble; kamana xumaan, kumana farxin. Wuxuuse shuruud uga dhigay inuu sugo wakhtiga roobku da&#8217;o. Isagoo ku halqabsanaya oraahdii ahayd &#8220;Aabbo dayrta soo socota hadday wanaagsanaato anaa guursanba adiga daaye; haddayse xumaato macal hooyadaa baa la furi.\u201d Geeddina waa ku dagay farriinta aabbihii, isagoo niyadda ka sawirtay sida dayrta loo barwaaqoobi doono.<br \/>\n***<\/h4>\n<h4>Geeddi, wuxuu diyaar u galay siduu geela u gayn lahaa meel daaqsi leh. Isagoo sugi la\u2019 dayrta iyo goortay Ladan kulmi doonaan.<\/h4>\n<h4>Wakhtigu waxa uu isguraba, durba waxaa la gaadhay dayrtii. Roobkii u horreeyayna waxaa lagu sheegay meelo ka mida deegaanada ka ag dhaw geela Geeddi. Goor habeen badh ah oo la hurdo, waa ka gud-gude qabsaday. Habeenkii oo dhan wuxuu jir ku hayoba waabarigii ayuu ka qaaday.<\/h4>\n<h4>Niyadda Geeddi iyo deegaankaba waa qaboobay. Riyada qalbigiisa inay rumoobi doonto ayuu ku tashaday.<\/h4>\n<h4>\u201cLaba kale bariday kala war la\u2019.\u201d bay ahayd maahmaahduye. Ladan geesteeda waxay sheeka-wadaag ahaayeen Cali oo ay isku ollog yihiin. Ladan, inkastay Geeddi isku deegaan yihiin, maalin kaliyana magaalada ku aragtay, haddana war umay hayn qorshihiisa. Cali bay ka heshay oy iska fahmeen dhallinyada la deegaankeeda ah. Markii danbana isla gaareen ilaa heer guur. Galabtii danbe ayuu Cali u soo geed fariistay Ladan, geel bandanna ka keenay. Sidii caadada ahaydna lagu siiyay qalbi saafi ah. Aroos si fiican loo gangaamay ayaa loo dhigay Ladan iyo Cali, oo lagu sagootiyay.<\/h4>\n<h4>***<br \/>\nGeeddi, wuxuu u soo jeedsaday dhankii reerkooda, si uu geelu inta barwaaqada ah reerka isaga ag\u2019joogo isna hawlaha ka qabyaysan u dhamaysto. Wuxuu ka fikirayaa hadba tirada geel iyo gamaan iyo qoriba leh ee uu ka bixin doono gabadha uu caashaqsan yahay. Geeddi geelii wuxuu soo gaadhsiiyay reerka. Mashxarad badan baa lagu soo dhaweeyay. Farxad iyo raynrayn badan ka dib, gabalkii markuu dhacay ayaa dhaanto farxadeed la qabsaday.<\/h4>\n<h4>***<br \/>\nGeeddi iyo aabihii waxay ku ballameen in barri ay wada tashan doonaan, waa san haddii uu u baryo. \u2018Dardaaran habeen, kallahaad arooryaad buu leeyahay.\u2019 Markii waagu dillaacay ee la kala gartay qof iyo geed, ayay isu yimaadeen Geeddi iyo aabihii. Talo, toosin iyo tusaaleyaal badan ka dib, aabbihii wuxuu ugu dambayn ku waafaqay inuu si qurux badan uga xoolo bixin doono, haddii gabadhaas reerkoodu u oggolaadaan.<\/h4>\n<h4>Inuu magaalada Wardheer horta tago, oo ka soo iibsado alaab la xidhiidha dadabgalka ayuu go\u2019aansaday. Tulud ka mida geela ayuu soo kaxaystay Geeddi. Dadkii oo aan weli soo toosin ayuu jarmaaday. Wuxuu sii socdaba waxuu gaadhay meeshii uu soo qasdiyay.<\/h4>\n<h4>Socdaalka waxaa ku weheliyay labo barbaar oo ilmo-adeeradii ah. Judhiiba wuxuu abbaaray meheradii Cosob. Cosob dukaankeeda waxa uu ka ahaa Geeddi macamiil, markii danbana waaba sii jeclaaday, markay qaraaba dhaw noqdeen Cosob iyo Dhamac. Meheradda markuu soo galay ayay Cosob war dhiillo leh ka hor keentay. &#8220;War Geeddi, gabadhii aad caashaqsanaydna waa la guursadayee ma ogtahay.&#8221;<br \/>\n&#8220;Yaaaaah!&#8221; ayuu si naxdini hadhaysay ugu jawaabay.<br \/>\n&#8220;War gabadhii la soo doon, la bixi, la guursay, imikana waa nin marwadiisa.\u201d<\/h4>\n<h4>Ad-adayg uu u dhashay iyo noloshii qallafsanayd ee geel jirinimo ee uu ku noola ayuu ku caymaday ee istaagguu ka dhici lahaa. Dhidid badan baa qooyay. Nabar naxdimeed ayuu ku noqday hadalkii Cosob. Riyadii uu dayrta la sugayaa hortiisa ku hallawday. Haba rumaysan lahaayaa riyada! Haba caashaqin lahaayaa Ladan! Haba u iman lahaayaa Cosob! Isagoo miyir-qab iyo waalli u dhexeeya, kabna laallaadinaya midna lulaya ayuu toos ugu laabtay dhabbadii uu soo qaaday ee reerkooda ku qummanayd.<\/h4>\n<h4>W.Q<br \/>\nKhaalid Cismaan<\/h4>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Waxay ahayd xilli lagu jiro abaar. Roobkii horee gu&#8217;ga biyihii kaydka ahaa ee balliyada galay iyo daaqii uu dhulka kasoo saarayba gabaabsi yihiin. Reer Rooble, waa reer ladan marka la eego nolosha baadiyaha. Meesiyada xoolaha noocyadiisa kala duwan buu Ilaahay ugu deeqay reerka. Kedino geel ah, tirooyin adhi ah iyo lo&#8217; tiro beeshayba way leeyihiin; [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":1,"featured_media":3112,"comment_status":"open","ping_status":"open","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"inline_featured_image":false},"categories":[33],"tags":[],"yoast_head":"<!-- This site is optimized with the Yoast SEO plugin v20.2.1 - https:\/\/yoast.com\/wordpress\/plugins\/seo\/ -->\n<title>Riyadii Luntay - Akademiye Goboleedka Af Soomaaliga AGA<\/title>\n<meta name=\"robots\" content=\"index, follow, max-snippet:-1, max-image-preview:large, max-video-preview:-1\" \/>\n<link rel=\"canonical\" href=\"https:\/\/aga.so\/so\/riyadii-luntay\/\" \/>\n<meta property=\"og:locale\" content=\"en_US\" \/>\n<meta property=\"og:type\" content=\"article\" \/>\n<meta property=\"og:title\" content=\"Riyadii Luntay - Akademiye Goboleedka Af Soomaaliga AGA\" \/>\n<meta property=\"og:description\" content=\"Waxay ahayd xilli lagu jiro abaar. Roobkii horee gu&#8217;ga biyihii kaydka ahaa ee balliyada galay iyo daaqii uu dhulka kasoo saarayba gabaabsi yihiin. Reer Rooble, waa reer ladan marka la eego nolosha baadiyaha. Meesiyada xoolaha noocyadiisa kala duwan buu Ilaahay ugu deeqay reerka. Kedino geel ah, tirooyin adhi ah iyo lo&#8217; tiro beeshayba way leeyihiin; [&hellip;]\" \/>\n<meta property=\"og:url\" content=\"https:\/\/aga.so\/so\/riyadii-luntay\/\" \/>\n<meta property=\"og:site_name\" content=\"Akademiye Goboleedka Af Soomaaliga AGA\" \/>\n<meta property=\"article:published_time\" content=\"2020-08-09T14:49:22+00:00\" \/>\n<meta property=\"article:modified_time\" content=\"2020-11-02T14:00:53+00:00\" \/>\n<meta property=\"og:image\" content=\"https:\/\/aga.so\/so\/wp-content\/uploads\/2020\/04\/unnamed.jpg\" \/>\n\t<meta property=\"og:image:width\" content=\"240\" \/>\n\t<meta property=\"og:image:height\" content=\"179\" \/>\n\t<meta property=\"og:image:type\" content=\"image\/jpeg\" \/>\n<meta name=\"author\" content=\"hgb\" \/>\n<meta name=\"twitter:card\" content=\"summary_large_image\" \/>\n<meta name=\"twitter:label1\" content=\"Written by\" \/>\n\t<meta name=\"twitter:data1\" content=\"hgb\" \/>\n\t<meta name=\"twitter:label2\" content=\"Est. reading time\" \/>\n\t<meta name=\"twitter:data2\" content=\"5 minutes\" \/>\n<script type=\"application\/ld+json\" class=\"yoast-schema-graph\">{\"@context\":\"https:\/\/schema.org\",\"@graph\":[{\"@type\":\"Article\",\"@id\":\"https:\/\/aga.so\/so\/riyadii-luntay\/#article\",\"isPartOf\":{\"@id\":\"https:\/\/aga.so\/so\/riyadii-luntay\/\"},\"author\":{\"name\":\"hgb\",\"@id\":\"https:\/\/aga.so\/so\/#\/schema\/person\/c89f24807531a9b3d9df95d848134d50\"},\"headline\":\"Riyadii Luntay\",\"datePublished\":\"2020-08-09T14:49:22+00:00\",\"dateModified\":\"2020-11-02T14:00:53+00:00\",\"mainEntityOfPage\":{\"@id\":\"https:\/\/aga.so\/so\/riyadii-luntay\/\"},\"wordCount\":917,\"commentCount\":0,\"publisher\":{\"@id\":\"https:\/\/aga.so\/so\/#organization\"},\"articleSection\":[\"Sheeko\"],\"inLanguage\":\"en-US\",\"potentialAction\":[{\"@type\":\"CommentAction\",\"name\":\"Comment\",\"target\":[\"https:\/\/aga.so\/so\/riyadii-luntay\/#respond\"]}]},{\"@type\":\"WebPage\",\"@id\":\"https:\/\/aga.so\/so\/riyadii-luntay\/\",\"url\":\"https:\/\/aga.so\/so\/riyadii-luntay\/\",\"name\":\"Riyadii Luntay - Akademiye Goboleedka Af Soomaaliga AGA\",\"isPartOf\":{\"@id\":\"https:\/\/aga.so\/so\/#website\"},\"datePublished\":\"2020-08-09T14:49:22+00:00\",\"dateModified\":\"2020-11-02T14:00:53+00:00\",\"breadcrumb\":{\"@id\":\"https:\/\/aga.so\/so\/riyadii-luntay\/#breadcrumb\"},\"inLanguage\":\"en-US\",\"potentialAction\":[{\"@type\":\"ReadAction\",\"target\":[\"https:\/\/aga.so\/so\/riyadii-luntay\/\"]}]},{\"@type\":\"BreadcrumbList\",\"@id\":\"https:\/\/aga.so\/so\/riyadii-luntay\/#breadcrumb\",\"itemListElement\":[{\"@type\":\"ListItem\",\"position\":1,\"name\":\"Home\",\"item\":\"https:\/\/aga.so\/so\/\"},{\"@type\":\"ListItem\",\"position\":2,\"name\":\"Riyadii Luntay\"}]},{\"@type\":\"WebSite\",\"@id\":\"https:\/\/aga.so\/so\/#website\",\"url\":\"https:\/\/aga.so\/so\/\",\"name\":\"Akademiye Goboleedka Af Soomaaliga AGA\",\"description\":\"\",\"publisher\":{\"@id\":\"https:\/\/aga.so\/so\/#organization\"},\"potentialAction\":[{\"@type\":\"SearchAction\",\"target\":{\"@type\":\"EntryPoint\",\"urlTemplate\":\"https:\/\/aga.so\/so\/?s={search_term_string}\"},\"query-input\":\"required name=search_term_string\"}],\"inLanguage\":\"en-US\"},{\"@type\":\"Organization\",\"@id\":\"https:\/\/aga.so\/so\/#organization\",\"name\":\"AGA - Akadeemiya Goboleedka AfSoomaaliga\",\"url\":\"https:\/\/aga.so\/so\/\",\"logo\":{\"@type\":\"ImageObject\",\"inLanguage\":\"en-US\",\"@id\":\"https:\/\/aga.so\/so\/#\/schema\/logo\/image\/\",\"url\":\"https:\/\/aga.so\/so\/wp-content\/uploads\/2020\/10\/favicon-2.png\",\"contentUrl\":\"https:\/\/aga.so\/so\/wp-content\/uploads\/2020\/10\/favicon-2.png\",\"width\":162,\"height\":83,\"caption\":\"AGA - Akadeemiya Goboleedka AfSoomaaliga\"},\"image\":{\"@id\":\"https:\/\/aga.so\/so\/#\/schema\/logo\/image\/\"}},{\"@type\":\"Person\",\"@id\":\"https:\/\/aga.so\/so\/#\/schema\/person\/c89f24807531a9b3d9df95d848134d50\",\"name\":\"hgb\",\"image\":{\"@type\":\"ImageObject\",\"inLanguage\":\"en-US\",\"@id\":\"https:\/\/aga.so\/so\/#\/schema\/person\/image\/\",\"url\":\"https:\/\/secure.gravatar.com\/avatar\/9cc2fe393829a669530037fc59abb837?s=96&d=mm&r=g\",\"contentUrl\":\"https:\/\/secure.gravatar.com\/avatar\/9cc2fe393829a669530037fc59abb837?s=96&d=mm&r=g\",\"caption\":\"hgb\"},\"url\":\"https:\/\/aga.so\/so\/author\/hgb\/\"}]}<\/script>\n<!-- \/ Yoast SEO plugin. -->","yoast_head_json":{"title":"Riyadii Luntay - Akademiye Goboleedka Af Soomaaliga AGA","robots":{"index":"index","follow":"follow","max-snippet":"max-snippet:-1","max-image-preview":"max-image-preview:large","max-video-preview":"max-video-preview:-1"},"canonical":"https:\/\/aga.so\/so\/riyadii-luntay\/","og_locale":"en_US","og_type":"article","og_title":"Riyadii Luntay - Akademiye Goboleedka Af Soomaaliga AGA","og_description":"Waxay ahayd xilli lagu jiro abaar. Roobkii horee gu&#8217;ga biyihii kaydka ahaa ee balliyada galay iyo daaqii uu dhulka kasoo saarayba gabaabsi yihiin. Reer Rooble, waa reer ladan marka la eego nolosha baadiyaha. Meesiyada xoolaha noocyadiisa kala duwan buu Ilaahay ugu deeqay reerka. Kedino geel ah, tirooyin adhi ah iyo lo&#8217; tiro beeshayba way leeyihiin; [&hellip;]","og_url":"https:\/\/aga.so\/so\/riyadii-luntay\/","og_site_name":"Akademiye Goboleedka Af Soomaaliga AGA","article_published_time":"2020-08-09T14:49:22+00:00","article_modified_time":"2020-11-02T14:00:53+00:00","og_image":[{"width":240,"height":179,"url":"https:\/\/aga.so\/so\/wp-content\/uploads\/2020\/04\/unnamed.jpg","type":"image\/jpeg"}],"author":"hgb","twitter_card":"summary_large_image","twitter_misc":{"Written by":"hgb","Est. reading time":"5 minutes"},"schema":{"@context":"https:\/\/schema.org","@graph":[{"@type":"Article","@id":"https:\/\/aga.so\/so\/riyadii-luntay\/#article","isPartOf":{"@id":"https:\/\/aga.so\/so\/riyadii-luntay\/"},"author":{"name":"hgb","@id":"https:\/\/aga.so\/so\/#\/schema\/person\/c89f24807531a9b3d9df95d848134d50"},"headline":"Riyadii Luntay","datePublished":"2020-08-09T14:49:22+00:00","dateModified":"2020-11-02T14:00:53+00:00","mainEntityOfPage":{"@id":"https:\/\/aga.so\/so\/riyadii-luntay\/"},"wordCount":917,"commentCount":0,"publisher":{"@id":"https:\/\/aga.so\/so\/#organization"},"articleSection":["Sheeko"],"inLanguage":"en-US","potentialAction":[{"@type":"CommentAction","name":"Comment","target":["https:\/\/aga.so\/so\/riyadii-luntay\/#respond"]}]},{"@type":"WebPage","@id":"https:\/\/aga.so\/so\/riyadii-luntay\/","url":"https:\/\/aga.so\/so\/riyadii-luntay\/","name":"Riyadii Luntay - Akademiye Goboleedka Af Soomaaliga AGA","isPartOf":{"@id":"https:\/\/aga.so\/so\/#website"},"datePublished":"2020-08-09T14:49:22+00:00","dateModified":"2020-11-02T14:00:53+00:00","breadcrumb":{"@id":"https:\/\/aga.so\/so\/riyadii-luntay\/#breadcrumb"},"inLanguage":"en-US","potentialAction":[{"@type":"ReadAction","target":["https:\/\/aga.so\/so\/riyadii-luntay\/"]}]},{"@type":"BreadcrumbList","@id":"https:\/\/aga.so\/so\/riyadii-luntay\/#breadcrumb","itemListElement":[{"@type":"ListItem","position":1,"name":"Home","item":"https:\/\/aga.so\/so\/"},{"@type":"ListItem","position":2,"name":"Riyadii Luntay"}]},{"@type":"WebSite","@id":"https:\/\/aga.so\/so\/#website","url":"https:\/\/aga.so\/so\/","name":"Akademiye Goboleedka Af Soomaaliga AGA","description":"","publisher":{"@id":"https:\/\/aga.so\/so\/#organization"},"potentialAction":[{"@type":"SearchAction","target":{"@type":"EntryPoint","urlTemplate":"https:\/\/aga.so\/so\/?s={search_term_string}"},"query-input":"required name=search_term_string"}],"inLanguage":"en-US"},{"@type":"Organization","@id":"https:\/\/aga.so\/so\/#organization","name":"AGA - Akadeemiya Goboleedka AfSoomaaliga","url":"https:\/\/aga.so\/so\/","logo":{"@type":"ImageObject","inLanguage":"en-US","@id":"https:\/\/aga.so\/so\/#\/schema\/logo\/image\/","url":"https:\/\/aga.so\/so\/wp-content\/uploads\/2020\/10\/favicon-2.png","contentUrl":"https:\/\/aga.so\/so\/wp-content\/uploads\/2020\/10\/favicon-2.png","width":162,"height":83,"caption":"AGA - Akadeemiya Goboleedka AfSoomaaliga"},"image":{"@id":"https:\/\/aga.so\/so\/#\/schema\/logo\/image\/"}},{"@type":"Person","@id":"https:\/\/aga.so\/so\/#\/schema\/person\/c89f24807531a9b3d9df95d848134d50","name":"hgb","image":{"@type":"ImageObject","inLanguage":"en-US","@id":"https:\/\/aga.so\/so\/#\/schema\/person\/image\/","url":"https:\/\/secure.gravatar.com\/avatar\/9cc2fe393829a669530037fc59abb837?s=96&d=mm&r=g","contentUrl":"https:\/\/secure.gravatar.com\/avatar\/9cc2fe393829a669530037fc59abb837?s=96&d=mm&r=g","caption":"hgb"},"url":"https:\/\/aga.so\/so\/author\/hgb\/"}]}},"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/aga.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/3108"}],"collection":[{"href":"https:\/\/aga.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/aga.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/aga.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/users\/1"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/aga.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=3108"}],"version-history":[{"count":2,"href":"https:\/\/aga.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/3108\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":3113,"href":"https:\/\/aga.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/3108\/revisions\/3113"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/aga.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media\/3112"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/aga.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=3108"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/aga.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=3108"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/aga.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=3108"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}