{"id":3101,"date":"2020-04-17T09:06:17","date_gmt":"2020-04-17T09:06:17","guid":{"rendered":"https:\/\/aga.so\/so\/?p=3101"},"modified":"2020-04-17T09:17:01","modified_gmt":"2020-04-17T09:17:01","slug":"taariikhdii-cumar-cabdulle-shoolli-nooleeyihii-fanka-iyo-tiirkii-fannaaniinta-qaranka-soomaaliyeed","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/aga.so\/so\/taariikhdii-cumar-cabdulle-shoolli-nooleeyihii-fanka-iyo-tiirkii-fannaaniinta-qaranka-soomaaliyeed\/","title":{"rendered":"TAARIIKHDII CUMAR CABDULLE SHOOLLI:  \u201cNOOLEEYIHII FANKA IYO TIIRKII FANNAANIINTA QARANKA SOOMAALIYEED\u201d"},"content":{"rendered":"<h4>Al fannaan Cumar Cabdulle Shoolli, magaciisa saxda waxaa uu ahaa Cumar Cabdullaahi Cabdi, waxa uu ku dhashay Degmada Afgooye ee Gobolka Shabeellada Hoose, halkaas ayuu ku barbaaray, kana bilaabay dugsiga Quraanka, kadibna waxaa loo wareejiyey magaalada Muqdisho oo uu waxbarashadiisa ka sii waday.<\/h4>\n<h4>Cumar yaraantiisa, waxaa uu xiisayn jiray dabaasha badda, waxaa uuna dhalinyaradii saxiibadii ahaa uu kaga yaabsan jiray quusidda ama tiimbashada biyaha oo uu awood u lahaa in uu muddo ku maqnaado biyaha hoostooda, halkaas ayayna kasoo raacday naaneysta caanka ah ee Shoolli oo ah magac kalluun.<\/h4>\n<h4>Cumar Shoolli, waxaa uu aad u jeclaa yaraantiisa fanka iyo heesaha, waxa uuna nasiib u yeeshay in uu ku biiro Fannaaniinta Xoogga dalka, waqtigaas waxaa Koonfur ka jiray laba kooxood oo kala ah:<\/h4>\n<h4>Kooxda fannaaniinta Raadiyow Muqdisho iyo<br \/>\nKooxda Fannaaniinta Xoogga dalka.<\/h4>\n<h4>Cumar Shoolli, waxaa uu caan ku ahaa Garaacista Kitaarka, waxaa uu markii ugu horraysay toos u heesay sanadkii 1958kii.<\/h4>\n<h4>Heestii ugu horraysay ee Cumar looga qabto Raadiyow Muqdisho waxa ay ahayd, hees lagu magacaabi jiray \u201c Soo jeed wanaageey\u201d, hase yeeshee waxa uu Cumar ku soo caan baxay oo uu magac ku yeeshay heesta \u201c Waayahay Ku daayee, wadadeed maraysaa\u201d ee uu sameeyay abwaankii waynaa Xuseen Aw Faarax, miraha heestana waxaa ay qusaysaa isla fannaanka.<\/h4>\n<h4>Sida fannaanka uu ka sheekeeyay waxaa uu abwaanka ula tagay isagoo wata heestaani bayt kamid ah, 3da bayt ee kalena waxaa u raaciyay abwaan Xuseen Aw Faarax.<\/h4>\n<h4>Nafyahay wadaad iyo<br \/>\nWeligii la sheegaba<br \/>\nWaydiiyay cudurkaa<br \/>\nKu walaacinaayee \u2026\u2026.<br \/>\nAnigana wax sheegiyo<br \/>\nIga diiday waanee<br \/>\nWacdi kaala quustee<br \/>\nWaayahay ku daayee<br \/>\nWadadeed maraysaa \u2026\u2026\u2026?<\/h4>\n<h4>Cumar Cabdulle Shoolli, fanka uma uusan soo galin in uu ka helaa magac iyo qarash ee waxaa ku soo riixay waa jacayl uu u qabay Qarankiisa, waxaadna taas ka garan kartaa sida hufnaanta iyo hawlkarnimada leh uu ugu heellana shaqadiisa daacadna uu ugu ahaa.<\/h4>\n<h4>Fannaaniinta Xoogga dalka waxaa ku jiray oo ay Cumar kusoo kulmeen, fannaaniin waaweyn oo magac leh, waxaan ka xusi karnaa:<\/h4>\n<h4>Maxamuud Cabdullaahi Ciise \u201cSingub\u201d<br \/>\nMiicaad Miigane \u201cAw Maacalaysh\u201d<br \/>\nCusmaan Aadan Askari<br \/>\nCumar Xasan Rooraaye<br \/>\nYuusuf Aadan<br \/>\nFaadumo Cali Nakruuma<br \/>\nKhadiija Foodeey<br \/>\nSaafi Ducaale<br \/>\nSaalax Qaasim Naaji iyo fannaaniin kale.<\/h4>\n<h4>Cumar Shoolli, waxaa uu ahaa nin aad u firfircoon, dabeecad wanaagsan, karti badan, Farxaan ah oo kaftama, dadka jecel oo soo dhoweeya.<\/h4>\n<h4>Cumar, waxaa uu soo gacan qabtay fannaaniin waawayn oo uu fanka ku soo daray, tiro bandanna waxaa uu u garaacay tartankii heesaha hirgalay oo ay fannaaniin badan ku soo bixi jireen.<\/h4>\n<h4>Fannaaniinta uu Cumar Shoolli, soo gacan qabtay oo tira badnaa waxaan ka soo qaadan karnaa:<\/h4>\n<h4>\u2022 Maxamuud Xaaji Cali \u201cGaay wurrow\u201d<br \/>\n\u2022 Daa`uud Cali Misxaf<br \/>\n\u2022 Maxamed Aadan Isaaq<br \/>\n\u2022 Aways Goobe<br \/>\n\u2022 Macallin Maysar<br \/>\n\u2022 Daahir Muuse<br \/>\n\u2022 Sanqoolle<br \/>\n\u2022 Joon dalloori<br \/>\n\u2022 Jooqle Shire iyo fannaaniin badan.<\/h4>\n<h4>Fannaaniinta kusoo baxay heesaha hirgalay ee uu Cumar gacantiisa ugu garaacay waxaa kamid ahaa:<\/h4>\n<h4>Xasan Aadan Samatar<br \/>\nCumar Nuur Cabdulle<br \/>\nMaxamed Aadan Isaaq<br \/>\nCabdi Xasan Dige<br \/>\nCabdinaasir Macallin Saciid<br \/>\nCabdiqadar xasan Xuseen<br \/>\nCabdiqaadir Bagaag.<\/h4>\n<h4>Xilligii Dowladdii Kacaanka , waxaa hormarro waaweyn laga sameeyay xagga fanka, waxaana dhismay kooxo kala duwan oo ay ugu wayneyd dhismihii Fannaaniinta Qaranka Waaberi.<\/h4>\n<h4>Ruwaayado badan ayuu fanaanka kitaarka u garaacay, waxaan kasoo qaadan karnaa:<\/h4>\n<h4>Qabrigii Jacaylka<br \/>\nXuud baa liqay jacaylka<br \/>\nWad iyo wacad<br \/>\nBiya sare tagay waa la sugaa<br \/>\nDhado roob noqon wayday iyo riwaayado kale.<\/h4>\n<h4>Al fannaan Cumar Cabdullaahi Cabdi \u201cShoolli\u201dwaxaa lagu naaneysay oo loogu wanqalay \u201cMadaalihii hoballada Waaberi\u201d, waxaa uu ahaa nin hawlkar ah oo laga yaabo in hal maalin kaliya saddex Ogaysiis laga sii daayo Raadiyow Muqdisho, Cumar Shoolli oo riwaayad ka tumaya Baydhabo ama Jowhar, Isla caawa waxaa uu ka tumayaa hoteel Jubba, isla berri subax barnaamijka Kedis waxaa uu ka tumayaa Tiyaatarka.<\/h4>\n<h4>Waxaa kale uu ahaa nin aan ka daalin in uu dadka madadaaliyo inta riwaayadda laga bilaabayo.\u00a0Waxaa magacaasi \u201c Madaalaha Hoballada Waaberi\u201d u bixiyay Allaha u naxariistee Al Ustaad Cabdalla Nuuradiin Axmed.<\/h4>\n<h4>Cumar Cabdulle Shoolli, ma lahayn wax balwad ah, taasna waxaa ay u suurta galisay in uu la yimaaddo shaqooyin iyo hal abuurro dheeraad ah isla markaana uu noqdaa nin shaqadiisa ka adag, waqtigana aad u ilaaliya, kuna dadaala qancinta dadwaynaha.<\/h4>\n<h4>Cumar Shoolli, waxaa uu ahaa koox dhan oo guuraysa, meel kastaa uu tagayana kama hari jirin kabankiisa iyo kitaarkiisa.<\/h4>\n<h4>Abwaanno badan ayaa cumar heeso u sameeyay, waxaan kasoo qaadan karnaa:<\/h4>\n<h4>Abwaan Xuseen Aw faarax \u201cDubbad\u201d<br \/>\nAbwaan Maxamuud Cabdullaahi Ciise \u201cSingub\u201d<br \/>\nAbwaan Cabdalla Nuuradiin Axmed<br \/>\nAbwaan Maxamed warsame tabantaabo<br \/>\nAbwaan Ismaaciil Xersi Dhagjar.<\/h4>\n<h4>Cumar Shoolli inta badan kama uusan hoos qaraaban jirin abwaannada waawayn, waxaa uu aad u jeclaa in uu heeso ka qaato abwaannada yaryar, si`uu u gudbiyo dareenka ka dhex-guuxaya abwaannadaasi, waxaa uu aaminsanaa in miraha heesta aysan abwaan gaara ku xirnayn oo heesta uu qurxin karaa ama uu xumayn karaa fannaanka qaadaya.<\/h4>\n<h4>Heesaha Cumar Shoolli, waa badwayn oo lama wada gaari karo, Tirana laguma keeni karo, waxaanse idinka xusuusin karnaa:<\/h4>\n<h4>La dabaalo caashaqa<br \/>\nUma qalantid caashaqa<br \/>\nHaku daayo caashaqa<br \/>\nCeelgaab ama Abyan<br \/>\nWaayahay ku daayee<br \/>\nLadnaan ku waaree<br \/>\nIfraax<br \/>\nLaama loodshe<br \/>\nWacad<br \/>\nMirihii fardowsaad<br \/>\nAroos wacan<br \/>\nMoor diinle<br \/>\nGardarrida ina abtaay,<br \/>\nMiyi iyo magaalo iyo boqollaal heeso kale.<\/h4>\n<h4>Cumar Shoolli, waxaa uu maalmihii ugu dambeeyay ku xanuunsanayey magaalada Muqdisho, waxaa uu la xanuunsaneyey xanuunka macaanka uu fannaanku qabay, taasoo uu ugu dambeyn u geeriyooday 14ka bishaan, waxaana isla 15ka bishaan lagu aasay Qabuuraha Jeneraal Kaahiye ee degmada Xamar Jajab.<\/h4>\n<h4>Waxaa aaska fanaanka kasoo qayb galay ehelldiisa, Xildhibaanno, maamulka Gobolka Banaadir, Golaha Abwaannada Soomaaliyeed iyo dadwayne aad u tira badan.<\/h4>\n<h4>Waxaa geerida fannaanka ka tacsiyeeyay masuuliyiin iyo madax kala duwan oo uu kamid yahay Guddoomiyaha Akadeemiye-Goboleedka AfSoomaaliga (AGA) Dr.Maxamed Daahir Afrax. Waxaa uuna marxuumka u rajeeyay in uu Ilaahay jannadiisa Fardowsa ka waraabiyo.<\/h4>\n<h4>Allaha u naxariisto Cumar Cabdullaahi Cabdi \u201cShoolli\u201d waxaa uu ahaa tiirkii fannaaniinta Qaranka Soomaaliyeed.<\/h4>\n<h4>\u00a0 \u00a0 \u00a0 \u00a0 \u00a0 Waxaa Diyaariyay:<\/h4>\n<h4>\u00a0 C\/qaadir Cabdi Axmed (Jubba)<\/h4>\n<p><img decoding=\"async\" loading=\"lazy\" class=\"alignnone size-full wp-image-3102\" src=\"https:\/\/aga.so\/so\/wp-content\/uploads\/2020\/04\/Shooli-696x385.png\" alt=\"\" width=\"696\" height=\"385\" srcset=\"https:\/\/aga.so\/so\/wp-content\/uploads\/2020\/04\/Shooli-696x385.png 696w, https:\/\/aga.so\/so\/wp-content\/uploads\/2020\/04\/Shooli-696x385-300x166.png 300w\" sizes=\"(max-width: 696px) 100vw, 696px\" \/><\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Al fannaan Cumar Cabdulle Shoolli, magaciisa saxda waxaa uu ahaa Cumar Cabdullaahi Cabdi, waxa uu ku dhashay Degmada Afgooye ee Gobolka Shabeellada Hoose, halkaas ayuu ku barbaaray, kana bilaabay dugsiga Quraanka, kadibna waxaa loo wareejiyey magaalada Muqdisho oo uu waxbarashadiisa ka sii waday. Cumar yaraantiisa, waxaa uu xiisayn jiray dabaasha badda, waxaa uuna dhalinyaradii saxiibadii [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":1,"featured_media":3102,"comment_status":"open","ping_status":"open","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"inline_featured_image":false},"categories":[1],"tags":[],"yoast_head":"<!-- This site is optimized with the Yoast SEO plugin v20.2.1 - https:\/\/yoast.com\/wordpress\/plugins\/seo\/ -->\n<title>TAARIIKHDII CUMAR CABDULLE SHOOLLI: \u201cNOOLEEYIHII FANKA IYO TIIRKII FANNAANIINTA QARANKA SOOMAALIYEED\u201d - Akademiye Goboleedka Af Soomaaliga AGA<\/title>\n<meta name=\"robots\" content=\"index, follow, max-snippet:-1, max-image-preview:large, max-video-preview:-1\" \/>\n<link rel=\"canonical\" href=\"https:\/\/aga.so\/so\/taariikhdii-cumar-cabdulle-shoolli-nooleeyihii-fanka-iyo-tiirkii-fannaaniinta-qaranka-soomaaliyeed\/\" \/>\n<meta property=\"og:locale\" content=\"en_US\" \/>\n<meta property=\"og:type\" content=\"article\" \/>\n<meta property=\"og:title\" content=\"TAARIIKHDII CUMAR CABDULLE SHOOLLI: \u201cNOOLEEYIHII FANKA IYO TIIRKII FANNAANIINTA QARANKA SOOMAALIYEED\u201d - Akademiye Goboleedka Af Soomaaliga AGA\" \/>\n<meta property=\"og:description\" content=\"Al fannaan Cumar Cabdulle Shoolli, magaciisa saxda waxaa uu ahaa Cumar Cabdullaahi Cabdi, waxa uu ku dhashay Degmada Afgooye ee Gobolka Shabeellada Hoose, halkaas ayuu ku barbaaray, kana bilaabay dugsiga Quraanka, kadibna waxaa loo wareejiyey magaalada Muqdisho oo uu waxbarashadiisa ka sii waday. Cumar yaraantiisa, waxaa uu xiisayn jiray dabaasha badda, waxaa uuna dhalinyaradii saxiibadii [&hellip;]\" \/>\n<meta property=\"og:url\" content=\"https:\/\/aga.so\/so\/taariikhdii-cumar-cabdulle-shoolli-nooleeyihii-fanka-iyo-tiirkii-fannaaniinta-qaranka-soomaaliyeed\/\" \/>\n<meta property=\"og:site_name\" content=\"Akademiye Goboleedka Af Soomaaliga AGA\" \/>\n<meta property=\"article:published_time\" content=\"2020-04-17T09:06:17+00:00\" \/>\n<meta property=\"article:modified_time\" content=\"2020-04-17T09:17:01+00:00\" \/>\n<meta property=\"og:image\" content=\"https:\/\/aga.so\/so\/wp-content\/uploads\/2020\/04\/Shooli-696x385.png\" \/>\n\t<meta property=\"og:image:width\" content=\"696\" \/>\n\t<meta property=\"og:image:height\" content=\"385\" \/>\n\t<meta property=\"og:image:type\" content=\"image\/png\" \/>\n<meta name=\"author\" content=\"hgb\" \/>\n<meta name=\"twitter:card\" content=\"summary_large_image\" \/>\n<meta name=\"twitter:label1\" content=\"Written by\" \/>\n\t<meta name=\"twitter:data1\" content=\"hgb\" \/>\n\t<meta name=\"twitter:label2\" content=\"Est. reading time\" \/>\n\t<meta name=\"twitter:data2\" content=\"5 minutes\" \/>\n<script type=\"application\/ld+json\" class=\"yoast-schema-graph\">{\"@context\":\"https:\/\/schema.org\",\"@graph\":[{\"@type\":\"Article\",\"@id\":\"https:\/\/aga.so\/so\/taariikhdii-cumar-cabdulle-shoolli-nooleeyihii-fanka-iyo-tiirkii-fannaaniinta-qaranka-soomaaliyeed\/#article\",\"isPartOf\":{\"@id\":\"https:\/\/aga.so\/so\/taariikhdii-cumar-cabdulle-shoolli-nooleeyihii-fanka-iyo-tiirkii-fannaaniinta-qaranka-soomaaliyeed\/\"},\"author\":{\"name\":\"hgb\",\"@id\":\"https:\/\/aga.so\/so\/#\/schema\/person\/c89f24807531a9b3d9df95d848134d50\"},\"headline\":\"TAARIIKHDII CUMAR CABDULLE SHOOLLI: \u201cNOOLEEYIHII FANKA IYO TIIRKII FANNAANIINTA QARANKA SOOMAALIYEED\u201d\",\"datePublished\":\"2020-04-17T09:06:17+00:00\",\"dateModified\":\"2020-04-17T09:17:01+00:00\",\"mainEntityOfPage\":{\"@id\":\"https:\/\/aga.so\/so\/taariikhdii-cumar-cabdulle-shoolli-nooleeyihii-fanka-iyo-tiirkii-fannaaniinta-qaranka-soomaaliyeed\/\"},\"wordCount\":953,\"commentCount\":0,\"publisher\":{\"@id\":\"https:\/\/aga.so\/so\/#organization\"},\"articleSection\":[\"Wararka AGA\"],\"inLanguage\":\"en-US\",\"potentialAction\":[{\"@type\":\"CommentAction\",\"name\":\"Comment\",\"target\":[\"https:\/\/aga.so\/so\/taariikhdii-cumar-cabdulle-shoolli-nooleeyihii-fanka-iyo-tiirkii-fannaaniinta-qaranka-soomaaliyeed\/#respond\"]}]},{\"@type\":\"WebPage\",\"@id\":\"https:\/\/aga.so\/so\/taariikhdii-cumar-cabdulle-shoolli-nooleeyihii-fanka-iyo-tiirkii-fannaaniinta-qaranka-soomaaliyeed\/\",\"url\":\"https:\/\/aga.so\/so\/taariikhdii-cumar-cabdulle-shoolli-nooleeyihii-fanka-iyo-tiirkii-fannaaniinta-qaranka-soomaaliyeed\/\",\"name\":\"TAARIIKHDII CUMAR CABDULLE SHOOLLI: \u201cNOOLEEYIHII FANKA IYO TIIRKII FANNAANIINTA QARANKA SOOMAALIYEED\u201d - Akademiye Goboleedka Af Soomaaliga AGA\",\"isPartOf\":{\"@id\":\"https:\/\/aga.so\/so\/#website\"},\"datePublished\":\"2020-04-17T09:06:17+00:00\",\"dateModified\":\"2020-04-17T09:17:01+00:00\",\"breadcrumb\":{\"@id\":\"https:\/\/aga.so\/so\/taariikhdii-cumar-cabdulle-shoolli-nooleeyihii-fanka-iyo-tiirkii-fannaaniinta-qaranka-soomaaliyeed\/#breadcrumb\"},\"inLanguage\":\"en-US\",\"potentialAction\":[{\"@type\":\"ReadAction\",\"target\":[\"https:\/\/aga.so\/so\/taariikhdii-cumar-cabdulle-shoolli-nooleeyihii-fanka-iyo-tiirkii-fannaaniinta-qaranka-soomaaliyeed\/\"]}]},{\"@type\":\"BreadcrumbList\",\"@id\":\"https:\/\/aga.so\/so\/taariikhdii-cumar-cabdulle-shoolli-nooleeyihii-fanka-iyo-tiirkii-fannaaniinta-qaranka-soomaaliyeed\/#breadcrumb\",\"itemListElement\":[{\"@type\":\"ListItem\",\"position\":1,\"name\":\"Home\",\"item\":\"https:\/\/aga.so\/so\/\"},{\"@type\":\"ListItem\",\"position\":2,\"name\":\"TAARIIKHDII CUMAR CABDULLE SHOOLLI: \u201cNOOLEEYIHII FANKA IYO TIIRKII FANNAANIINTA QARANKA SOOMAALIYEED\u201d\"}]},{\"@type\":\"WebSite\",\"@id\":\"https:\/\/aga.so\/so\/#website\",\"url\":\"https:\/\/aga.so\/so\/\",\"name\":\"Akademiye Goboleedka Af Soomaaliga AGA\",\"description\":\"\",\"publisher\":{\"@id\":\"https:\/\/aga.so\/so\/#organization\"},\"potentialAction\":[{\"@type\":\"SearchAction\",\"target\":{\"@type\":\"EntryPoint\",\"urlTemplate\":\"https:\/\/aga.so\/so\/?s={search_term_string}\"},\"query-input\":\"required name=search_term_string\"}],\"inLanguage\":\"en-US\"},{\"@type\":\"Organization\",\"@id\":\"https:\/\/aga.so\/so\/#organization\",\"name\":\"AGA - Akadeemiya Goboleedka AfSoomaaliga\",\"url\":\"https:\/\/aga.so\/so\/\",\"logo\":{\"@type\":\"ImageObject\",\"inLanguage\":\"en-US\",\"@id\":\"https:\/\/aga.so\/so\/#\/schema\/logo\/image\/\",\"url\":\"https:\/\/aga.so\/so\/wp-content\/uploads\/2020\/10\/favicon-2.png\",\"contentUrl\":\"https:\/\/aga.so\/so\/wp-content\/uploads\/2020\/10\/favicon-2.png\",\"width\":162,\"height\":83,\"caption\":\"AGA - Akadeemiya Goboleedka AfSoomaaliga\"},\"image\":{\"@id\":\"https:\/\/aga.so\/so\/#\/schema\/logo\/image\/\"}},{\"@type\":\"Person\",\"@id\":\"https:\/\/aga.so\/so\/#\/schema\/person\/c89f24807531a9b3d9df95d848134d50\",\"name\":\"hgb\",\"image\":{\"@type\":\"ImageObject\",\"inLanguage\":\"en-US\",\"@id\":\"https:\/\/aga.so\/so\/#\/schema\/person\/image\/\",\"url\":\"https:\/\/secure.gravatar.com\/avatar\/9cc2fe393829a669530037fc59abb837?s=96&d=mm&r=g\",\"contentUrl\":\"https:\/\/secure.gravatar.com\/avatar\/9cc2fe393829a669530037fc59abb837?s=96&d=mm&r=g\",\"caption\":\"hgb\"},\"url\":\"https:\/\/aga.so\/so\/author\/hgb\/\"}]}<\/script>\n<!-- \/ Yoast SEO plugin. -->","yoast_head_json":{"title":"TAARIIKHDII CUMAR CABDULLE SHOOLLI: \u201cNOOLEEYIHII FANKA IYO TIIRKII FANNAANIINTA QARANKA SOOMAALIYEED\u201d - Akademiye Goboleedka Af Soomaaliga AGA","robots":{"index":"index","follow":"follow","max-snippet":"max-snippet:-1","max-image-preview":"max-image-preview:large","max-video-preview":"max-video-preview:-1"},"canonical":"https:\/\/aga.so\/so\/taariikhdii-cumar-cabdulle-shoolli-nooleeyihii-fanka-iyo-tiirkii-fannaaniinta-qaranka-soomaaliyeed\/","og_locale":"en_US","og_type":"article","og_title":"TAARIIKHDII CUMAR CABDULLE SHOOLLI: \u201cNOOLEEYIHII FANKA IYO TIIRKII FANNAANIINTA QARANKA SOOMAALIYEED\u201d - Akademiye Goboleedka Af Soomaaliga AGA","og_description":"Al fannaan Cumar Cabdulle Shoolli, magaciisa saxda waxaa uu ahaa Cumar Cabdullaahi Cabdi, waxa uu ku dhashay Degmada Afgooye ee Gobolka Shabeellada Hoose, halkaas ayuu ku barbaaray, kana bilaabay dugsiga Quraanka, kadibna waxaa loo wareejiyey magaalada Muqdisho oo uu waxbarashadiisa ka sii waday. Cumar yaraantiisa, waxaa uu xiisayn jiray dabaasha badda, waxaa uuna dhalinyaradii saxiibadii [&hellip;]","og_url":"https:\/\/aga.so\/so\/taariikhdii-cumar-cabdulle-shoolli-nooleeyihii-fanka-iyo-tiirkii-fannaaniinta-qaranka-soomaaliyeed\/","og_site_name":"Akademiye Goboleedka Af Soomaaliga AGA","article_published_time":"2020-04-17T09:06:17+00:00","article_modified_time":"2020-04-17T09:17:01+00:00","og_image":[{"width":696,"height":385,"url":"https:\/\/aga.so\/so\/wp-content\/uploads\/2020\/04\/Shooli-696x385.png","type":"image\/png"}],"author":"hgb","twitter_card":"summary_large_image","twitter_misc":{"Written by":"hgb","Est. reading time":"5 minutes"},"schema":{"@context":"https:\/\/schema.org","@graph":[{"@type":"Article","@id":"https:\/\/aga.so\/so\/taariikhdii-cumar-cabdulle-shoolli-nooleeyihii-fanka-iyo-tiirkii-fannaaniinta-qaranka-soomaaliyeed\/#article","isPartOf":{"@id":"https:\/\/aga.so\/so\/taariikhdii-cumar-cabdulle-shoolli-nooleeyihii-fanka-iyo-tiirkii-fannaaniinta-qaranka-soomaaliyeed\/"},"author":{"name":"hgb","@id":"https:\/\/aga.so\/so\/#\/schema\/person\/c89f24807531a9b3d9df95d848134d50"},"headline":"TAARIIKHDII CUMAR CABDULLE SHOOLLI: \u201cNOOLEEYIHII FANKA IYO TIIRKII FANNAANIINTA QARANKA SOOMAALIYEED\u201d","datePublished":"2020-04-17T09:06:17+00:00","dateModified":"2020-04-17T09:17:01+00:00","mainEntityOfPage":{"@id":"https:\/\/aga.so\/so\/taariikhdii-cumar-cabdulle-shoolli-nooleeyihii-fanka-iyo-tiirkii-fannaaniinta-qaranka-soomaaliyeed\/"},"wordCount":953,"commentCount":0,"publisher":{"@id":"https:\/\/aga.so\/so\/#organization"},"articleSection":["Wararka AGA"],"inLanguage":"en-US","potentialAction":[{"@type":"CommentAction","name":"Comment","target":["https:\/\/aga.so\/so\/taariikhdii-cumar-cabdulle-shoolli-nooleeyihii-fanka-iyo-tiirkii-fannaaniinta-qaranka-soomaaliyeed\/#respond"]}]},{"@type":"WebPage","@id":"https:\/\/aga.so\/so\/taariikhdii-cumar-cabdulle-shoolli-nooleeyihii-fanka-iyo-tiirkii-fannaaniinta-qaranka-soomaaliyeed\/","url":"https:\/\/aga.so\/so\/taariikhdii-cumar-cabdulle-shoolli-nooleeyihii-fanka-iyo-tiirkii-fannaaniinta-qaranka-soomaaliyeed\/","name":"TAARIIKHDII CUMAR CABDULLE SHOOLLI: \u201cNOOLEEYIHII FANKA IYO TIIRKII FANNAANIINTA QARANKA SOOMAALIYEED\u201d - Akademiye Goboleedka Af Soomaaliga AGA","isPartOf":{"@id":"https:\/\/aga.so\/so\/#website"},"datePublished":"2020-04-17T09:06:17+00:00","dateModified":"2020-04-17T09:17:01+00:00","breadcrumb":{"@id":"https:\/\/aga.so\/so\/taariikhdii-cumar-cabdulle-shoolli-nooleeyihii-fanka-iyo-tiirkii-fannaaniinta-qaranka-soomaaliyeed\/#breadcrumb"},"inLanguage":"en-US","potentialAction":[{"@type":"ReadAction","target":["https:\/\/aga.so\/so\/taariikhdii-cumar-cabdulle-shoolli-nooleeyihii-fanka-iyo-tiirkii-fannaaniinta-qaranka-soomaaliyeed\/"]}]},{"@type":"BreadcrumbList","@id":"https:\/\/aga.so\/so\/taariikhdii-cumar-cabdulle-shoolli-nooleeyihii-fanka-iyo-tiirkii-fannaaniinta-qaranka-soomaaliyeed\/#breadcrumb","itemListElement":[{"@type":"ListItem","position":1,"name":"Home","item":"https:\/\/aga.so\/so\/"},{"@type":"ListItem","position":2,"name":"TAARIIKHDII CUMAR CABDULLE SHOOLLI: \u201cNOOLEEYIHII FANKA IYO TIIRKII FANNAANIINTA QARANKA SOOMAALIYEED\u201d"}]},{"@type":"WebSite","@id":"https:\/\/aga.so\/so\/#website","url":"https:\/\/aga.so\/so\/","name":"Akademiye Goboleedka Af Soomaaliga AGA","description":"","publisher":{"@id":"https:\/\/aga.so\/so\/#organization"},"potentialAction":[{"@type":"SearchAction","target":{"@type":"EntryPoint","urlTemplate":"https:\/\/aga.so\/so\/?s={search_term_string}"},"query-input":"required name=search_term_string"}],"inLanguage":"en-US"},{"@type":"Organization","@id":"https:\/\/aga.so\/so\/#organization","name":"AGA - Akadeemiya Goboleedka AfSoomaaliga","url":"https:\/\/aga.so\/so\/","logo":{"@type":"ImageObject","inLanguage":"en-US","@id":"https:\/\/aga.so\/so\/#\/schema\/logo\/image\/","url":"https:\/\/aga.so\/so\/wp-content\/uploads\/2020\/10\/favicon-2.png","contentUrl":"https:\/\/aga.so\/so\/wp-content\/uploads\/2020\/10\/favicon-2.png","width":162,"height":83,"caption":"AGA - Akadeemiya Goboleedka AfSoomaaliga"},"image":{"@id":"https:\/\/aga.so\/so\/#\/schema\/logo\/image\/"}},{"@type":"Person","@id":"https:\/\/aga.so\/so\/#\/schema\/person\/c89f24807531a9b3d9df95d848134d50","name":"hgb","image":{"@type":"ImageObject","inLanguage":"en-US","@id":"https:\/\/aga.so\/so\/#\/schema\/person\/image\/","url":"https:\/\/secure.gravatar.com\/avatar\/9cc2fe393829a669530037fc59abb837?s=96&d=mm&r=g","contentUrl":"https:\/\/secure.gravatar.com\/avatar\/9cc2fe393829a669530037fc59abb837?s=96&d=mm&r=g","caption":"hgb"},"url":"https:\/\/aga.so\/so\/author\/hgb\/"}]}},"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/aga.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/3101"}],"collection":[{"href":"https:\/\/aga.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/aga.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/aga.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/users\/1"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/aga.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=3101"}],"version-history":[{"count":5,"href":"https:\/\/aga.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/3101\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":3107,"href":"https:\/\/aga.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/3101\/revisions\/3107"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/aga.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media\/3102"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/aga.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=3101"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/aga.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=3101"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/aga.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=3101"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}