{"id":3064,"date":"2020-09-05T18:42:58","date_gmt":"2020-09-05T18:42:58","guid":{"rendered":"https:\/\/aga.so\/so\/?p=3064"},"modified":"2020-11-03T06:17:05","modified_gmt":"2020-11-03T06:17:05","slug":"nabsi-waalid-sheeko-gaaban","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/aga.so\/so\/nabsi-waalid-sheeko-gaaban\/","title":{"rendered":"NABSI WAALID {SHEEKO GAABAN}"},"content":{"rendered":"<h4>Shaqo raadis muddo dheer ah kadib, Mahad wuxuu helay shaqo uu aad uga helay. Daalkii iyo diiftii shaqo la\u2019aaneed muddo gaaban ayay kaga hartay.<\/h4>\n<h4>Maalin maalmaha ka mid ah, Mahad oo hawlo dibadda ugu sii socda, ayaa ganjeelka ku sii dhaafay islaan duq ah oo diifaysan, itaal iyo indhaba-darraysay oo uu tukhaantukhinayo waardiyaha shirkaddu. Aad ayuu uga damqaday sida uu waardiyuhu ula dhaqmayo duqda waayeelka ah ee mudan xurmaynta. \u201cMiyaad waalan tahay? Sideed u tukhaantukhinaysaa qof waayeel ah oo hooyadaa oo kale ah! Waa maxay xurmo-darridu\u2026 \u201d intay Mahad oon hadalkii dhammayn ka boobtay bay si quudhsi ku jiro u tiri: \u201cHooyo uma noqon karo, wiilkaygana ma gaaree ha ihabaarin!\u201d<\/h4>\n<h4>Mahad wuxuu u soo dhaqaaqay dhankii wadaaddu taagnayd, kolkaasuu ku yiri: \u201cHooyo raalli ahaw, maxaan kuu qabannaa oo aad u baahan tahay?\u201d duqdii intay is dajisay, garatayna in ninkani ka duwan yahay kuwan bilaa arxanka ah ee irridda jooga bay cod naxariis leh ku tiri: \u201cHooyo ducaqabo waxaad iigu yeerta mulkiilaha\u00a0 shirkadda.\u201d<\/h4>\n<h4>Wuxuu Mahad laabta iska yiri: \u2018<em>Kollay waa wadaad tuugsi u socota. Alla dantu adagaa waayeelkaasna ma dhaafi wayday? \u2019<\/em>Hoon gaari oo si bilaa arxan ah loo garaacay baa ka kala jaray maan iskala hadalkii. Intuu duqdii daymo naxariiseed daymooday buu ku yiri: \u201cHooyo isug balaan gaarsiiyo farriintaada e\u201d madaxa ayay gundhisay.<\/h4>\n<h4>Axmed oo ah maareeyaha shirkadda ee wadaaddu bannaanka u taagan tahay, la kulankiisa ballamaa loo qaataa! Mahadse naxariistiisa iyo maareeyaha oo uu ogyahay in uu aad u ixtiraamo awgeed buu isku hallaynayaa. Wuxuu soo galay xafiis aad u qabow oo udgoon, salaam kadibba wuxuu yiri: \u201cMudane, irridda waxa kuu taagan ruux dumar ah&#8230;\u201d Intuusan hadalkii dhammayn buu Axmed si aad u xamaasadaysan u yiri: \u201cDumaraa! Ma qaalidaan jeclaa ee Shukri baa? Maya ma noqon karto; waayo, waxay haysataa aqoon si aan qofna celin karin. Mahadow nin jacayl helay baan ahaye hayla yaabin.\u201d<\/h4>\n<h4>Dhoolla caddayn yar intuu muujiyay buu Mahad sii watay hadalkii laga kala jaray \u201cMudane waa islaan waayeel ah. Waxay ku hanjabtay in aanay meesha ka dhaqaaqayn jeer ay kula kulanto\u201d intuu istaagay buu yiri: \u201cBal inna mari.\u201d<\/h4>\n<h4>Markay soo gaareen bay duqdii isku duubtay maareeyihii shirkada iyadoo illin qubaysa oo leh: \u201cQalbi u rooroow, daymadaada oo qura ayaan dunidan ka doortay, qaadhaan kaama rabo, quudna kaama sugayee, qabriga intaan galayo qaali nuurkaaga hayga qarin\u201d.<\/h4>\n<h4>Intay ilintii iska tirtay oy cududiisa tuujisay ayay tiri: \u201cAlla hooyo waad caatawday! Hooyo ma kalidii baa ku xanuunaysa? Waagii inaan labadaba kuu saaray ahaydee Alle naxariistiisa ha ugu \u00a0deeqee aabbahaa baa diiday. Alla hooyo Ilaahow indho xumaan ha ku tusine, kaalay dhaqtarka ii raac aan ta kale kuu saaree&#8230;.\u201d hooyo&#8230;.hooyo iyo ilin kalgacal qubanaysa baa islaantii ka soo hartay.<\/h4>\n<h4>Dadkii amakaag bay ku noqotay isna intuu ka khashaafay oo uu xanaaqay buu si hiftan ah dadkana iskaga gadayo u yiri: \u201cMa waanan ku oran goobtayda shaqo ha iman, maxaad u timi hooyo? \u201dDuqdii intay foorarsatay, oy kiish ka soo saartay kulayliso bay tiri: \u00a0\u201cWiilkaygiiyow, hooyo waad itiri, balse in yar oo hiliba oo sidaad jeclaydaan kuugu soo shiilay, baan kuu wadaye, ma jecli dhibkaagee raalli noqo. Intay u dhiibtay Mahad oo amakaagsan bay socod maagtay dhinac bayse u dhacday.<\/h4>\n<h4>Isla markiiba dhaqtar baa la geeyay. Wuxuu sheegay dhaqtarku in wadaada jirkeeda goror biyo ah lahayn! Afar garaam oo dhiig ihina ku jirto! Bad baadana aanay lahayn! Waliba maskaxdeeda uu buuq ku furan yahay! Taasoo sababi karta in dhiig madaxa kaga furmo!<\/h4>\n<h4>Dhaqtarkii oo baaraya duqda, ayaa arkay faraqeeda wax ku guntan. Wuu furay, waa cajalad kuwa rikoorka la galiyo ah. Isla markiiba intuu rikoor soo qaaday ayuu galiyay. Waxa ka soo baxay cod murugo ah. Hadalkii ku duubnaa wuxuu ahaa sidan: \u201cHooyo macaane, markaan ku dhalay ilaa iyo maanta, waxaan kaaga baahnaa, hal eray oo wanaagsan. Hooyo saw ma ogid in aan shan sano ku xanbaarsanaa, oo aad ahayd curyaan dushaydana aad ku hadal baratay. Markaad jaamacadda dhammaysay, ee ay kalyuhu ku fariisteena, inaan tayda kuu saaray Inkastood curadkaygiiyow caasi noqotay ood ciil ibadday haddana caadil cidla kuma dhigo. Hooyo ku jecel cafi aakhira iyo adduunba ku leh.\u201d<\/h4>\n<h4>Dhaqtarkii naxdin iyo amakaag ayay ku noqotay arrintu, wuxuuna isku dayay in uu islaanta badbaadiyo; wuuse awoodi waayay, oo waxa ka waynaaday awoodda Alle, sidaas ayay ku geeriyootay.<\/h4>\n<h4>Waxa maalinkaas lagu qaaday, gaari aanay cimrigeed ku riyoon. Waxa loo sameeyay aas ballaaran, oo ay ka soo qeyb-galeen kumanyaal kun oo qof. Waxaa lagu qalay aaskeedii geel iyo lo\u2019o. Hanti aad u culus ayuu wiilkeedii maalintaa burburiyay. Hadda ogsoonow islaantaas waxa ku jiray afar garaam oo dhiig ah!<\/h4>\n<h4>Shan sano kadib geeridii hooyadii ayuu maariyihii shirkaddu guursaday Shukri oo ahayd gabadhii uu jeclaa. Waxaa u dhacay aroos lays la dhexmaray. Muddo kadib ayuu u dhashay hal wiil oo uu u bixiyay Deeq. Wuxuu Axmed ku noolaa badhaadhe adduun. Ilaa maalin uu galay shil. Xabbad baa ka haleeshay xiniin. Muddo kadib ayuu ka bogsaday dhaawacaas adag ee halbawlaha ka soo gaadhay, laakiin, raadka uga tagay. Dhaawacu wuxuu gayeysiisay in uu noqdo madhalays.<\/h4>\n<h4>Wuxuu ku dadaalay in uu koriyo wiilka kaliga ku ah. Tacab badan kadib wuxuu ka soo saaray jaamacad. Deeq markuu garaad iyo gu\u2019ba is biday ayuu isku rogay, mar uu aabbihii xado iyo mar uu caayo. Muddo kadibna, waaba kala wareegay hantidii oo dhan.<\/h4>\n<h4>Murugo iyo ciil ayuu sida libaax fallaadhi sudhan tahay u wareegay.\u00a0 Hantidiisii, xooggiisii iyo wiilkiisiiba isku waddo ayay mareen.<\/h4>\n<h4>Isagoo galab tukubaya waddo dadku aad u maraan ayaa waxa arkay oday yaqaannay yaraantiisii, kolkaasuu intuu madaxa ruxay yiri: \u201cAdduunyooy magacaaba\u2019, saw Axmed ma aha odaygaas aragga iyo itaalka yari!\u201d wiil uu dhalay odaygan qiiro hadlaya ayaa waydiiyay odaygan wuxuu yahay. Odaygii oo wiilkiisa u warramaya baa yiri: \u201cAabbe waxaan sheego garan maayee waa uun nin Rabbi ibtileeyay. Islaan baa dad kaligii ka dhashay, laakiin, uu ifka ku dayacay. Isna kuu dhalay baa isku dayay in uu dilo, Alle dilaa dhintee xabbaddii ma dilin waxaanse u malayn in uusan waxba ku noolayn. Adduunka lagu kadeed akhirana Rabbi cafiya waa leeyahay se inkaar guray.\u201d<\/h4>\n<h4><strong>\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0 W.Q. <\/strong><\/h4>\n<h4><strong>Dayax Axmed Iley<\/strong><\/h4>\n<p><img decoding=\"async\" loading=\"lazy\" class=\"alignnone size-full wp-image-3065\" src=\"https:\/\/aga.so\/so\/wp-content\/uploads\/2020\/04\/images.jpg\" alt=\"\" width=\"275\" height=\"183\" \/><\/p>\n<h4><\/h4>\n<h4><\/h4>\n<h4><\/h4>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Shaqo raadis muddo dheer ah kadib, Mahad wuxuu helay shaqo uu aad uga helay. Daalkii iyo diiftii shaqo la\u2019aaneed muddo gaaban ayay kaga hartay. Maalin maalmaha ka mid ah, Mahad oo hawlo dibadda ugu sii socda, ayaa ganjeelka ku sii dhaafay islaan duq ah oo diifaysan, itaal iyo indhaba-darraysay oo uu tukhaantukhinayo waardiyaha shirkaddu. Aad [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":1,"featured_media":3065,"comment_status":"open","ping_status":"open","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"inline_featured_image":false},"categories":[19,33],"tags":[],"yoast_head":"<!-- This site is optimized with the Yoast SEO plugin v20.2.1 - https:\/\/yoast.com\/wordpress\/plugins\/seo\/ -->\n<title>NABSI WAALID {SHEEKO GAABAN} - Akademiye Goboleedka Af Soomaaliga AGA<\/title>\n<meta name=\"robots\" content=\"index, follow, max-snippet:-1, max-image-preview:large, max-video-preview:-1\" \/>\n<link rel=\"canonical\" href=\"https:\/\/aga.so\/so\/nabsi-waalid-sheeko-gaaban\/\" \/>\n<meta property=\"og:locale\" content=\"en_US\" \/>\n<meta property=\"og:type\" content=\"article\" \/>\n<meta property=\"og:title\" content=\"NABSI WAALID {SHEEKO GAABAN} - Akademiye Goboleedka Af Soomaaliga AGA\" \/>\n<meta property=\"og:description\" content=\"Shaqo raadis muddo dheer ah kadib, Mahad wuxuu helay shaqo uu aad uga helay. Daalkii iyo diiftii shaqo la\u2019aaneed muddo gaaban ayay kaga hartay. Maalin maalmaha ka mid ah, Mahad oo hawlo dibadda ugu sii socda, ayaa ganjeelka ku sii dhaafay islaan duq ah oo diifaysan, itaal iyo indhaba-darraysay oo uu tukhaantukhinayo waardiyaha shirkaddu. Aad [&hellip;]\" \/>\n<meta property=\"og:url\" content=\"https:\/\/aga.so\/so\/nabsi-waalid-sheeko-gaaban\/\" \/>\n<meta property=\"og:site_name\" content=\"Akademiye Goboleedka Af Soomaaliga AGA\" \/>\n<meta property=\"article:published_time\" content=\"2020-09-05T18:42:58+00:00\" \/>\n<meta property=\"article:modified_time\" content=\"2020-11-03T06:17:05+00:00\" \/>\n<meta property=\"og:image\" content=\"https:\/\/aga.so\/so\/wp-content\/uploads\/2020\/04\/images.jpg\" \/>\n\t<meta property=\"og:image:width\" content=\"275\" \/>\n\t<meta property=\"og:image:height\" content=\"183\" \/>\n\t<meta property=\"og:image:type\" content=\"image\/jpeg\" \/>\n<meta name=\"author\" content=\"hgb\" \/>\n<meta name=\"twitter:card\" content=\"summary_large_image\" \/>\n<meta name=\"twitter:label1\" content=\"Written by\" \/>\n\t<meta name=\"twitter:data1\" content=\"hgb\" \/>\n\t<meta name=\"twitter:label2\" content=\"Est. reading time\" \/>\n\t<meta name=\"twitter:data2\" content=\"5 minutes\" \/>\n<script type=\"application\/ld+json\" class=\"yoast-schema-graph\">{\"@context\":\"https:\/\/schema.org\",\"@graph\":[{\"@type\":\"Article\",\"@id\":\"https:\/\/aga.so\/so\/nabsi-waalid-sheeko-gaaban\/#article\",\"isPartOf\":{\"@id\":\"https:\/\/aga.so\/so\/nabsi-waalid-sheeko-gaaban\/\"},\"author\":{\"name\":\"hgb\",\"@id\":\"https:\/\/aga.so\/so\/#\/schema\/person\/c89f24807531a9b3d9df95d848134d50\"},\"headline\":\"NABSI WAALID {SHEEKO GAABAN}\",\"datePublished\":\"2020-09-05T18:42:58+00:00\",\"dateModified\":\"2020-11-03T06:17:05+00:00\",\"mainEntityOfPage\":{\"@id\":\"https:\/\/aga.so\/so\/nabsi-waalid-sheeko-gaaban\/\"},\"wordCount\":996,\"commentCount\":0,\"publisher\":{\"@id\":\"https:\/\/aga.so\/so\/#organization\"},\"articleSection\":[\"Hal-abuurka &amp; Suugaanta\",\"Sheeko\"],\"inLanguage\":\"en-US\",\"potentialAction\":[{\"@type\":\"CommentAction\",\"name\":\"Comment\",\"target\":[\"https:\/\/aga.so\/so\/nabsi-waalid-sheeko-gaaban\/#respond\"]}]},{\"@type\":\"WebPage\",\"@id\":\"https:\/\/aga.so\/so\/nabsi-waalid-sheeko-gaaban\/\",\"url\":\"https:\/\/aga.so\/so\/nabsi-waalid-sheeko-gaaban\/\",\"name\":\"NABSI WAALID {SHEEKO GAABAN} - Akademiye Goboleedka Af Soomaaliga AGA\",\"isPartOf\":{\"@id\":\"https:\/\/aga.so\/so\/#website\"},\"datePublished\":\"2020-09-05T18:42:58+00:00\",\"dateModified\":\"2020-11-03T06:17:05+00:00\",\"breadcrumb\":{\"@id\":\"https:\/\/aga.so\/so\/nabsi-waalid-sheeko-gaaban\/#breadcrumb\"},\"inLanguage\":\"en-US\",\"potentialAction\":[{\"@type\":\"ReadAction\",\"target\":[\"https:\/\/aga.so\/so\/nabsi-waalid-sheeko-gaaban\/\"]}]},{\"@type\":\"BreadcrumbList\",\"@id\":\"https:\/\/aga.so\/so\/nabsi-waalid-sheeko-gaaban\/#breadcrumb\",\"itemListElement\":[{\"@type\":\"ListItem\",\"position\":1,\"name\":\"Home\",\"item\":\"https:\/\/aga.so\/so\/\"},{\"@type\":\"ListItem\",\"position\":2,\"name\":\"NABSI WAALID {SHEEKO GAABAN}\"}]},{\"@type\":\"WebSite\",\"@id\":\"https:\/\/aga.so\/so\/#website\",\"url\":\"https:\/\/aga.so\/so\/\",\"name\":\"Akademiye Goboleedka Af Soomaaliga AGA\",\"description\":\"\",\"publisher\":{\"@id\":\"https:\/\/aga.so\/so\/#organization\"},\"potentialAction\":[{\"@type\":\"SearchAction\",\"target\":{\"@type\":\"EntryPoint\",\"urlTemplate\":\"https:\/\/aga.so\/so\/?s={search_term_string}\"},\"query-input\":\"required name=search_term_string\"}],\"inLanguage\":\"en-US\"},{\"@type\":\"Organization\",\"@id\":\"https:\/\/aga.so\/so\/#organization\",\"name\":\"AGA - Akadeemiya Goboleedka AfSoomaaliga\",\"url\":\"https:\/\/aga.so\/so\/\",\"logo\":{\"@type\":\"ImageObject\",\"inLanguage\":\"en-US\",\"@id\":\"https:\/\/aga.so\/so\/#\/schema\/logo\/image\/\",\"url\":\"https:\/\/aga.so\/so\/wp-content\/uploads\/2020\/10\/favicon-2.png\",\"contentUrl\":\"https:\/\/aga.so\/so\/wp-content\/uploads\/2020\/10\/favicon-2.png\",\"width\":162,\"height\":83,\"caption\":\"AGA - Akadeemiya Goboleedka AfSoomaaliga\"},\"image\":{\"@id\":\"https:\/\/aga.so\/so\/#\/schema\/logo\/image\/\"}},{\"@type\":\"Person\",\"@id\":\"https:\/\/aga.so\/so\/#\/schema\/person\/c89f24807531a9b3d9df95d848134d50\",\"name\":\"hgb\",\"image\":{\"@type\":\"ImageObject\",\"inLanguage\":\"en-US\",\"@id\":\"https:\/\/aga.so\/so\/#\/schema\/person\/image\/\",\"url\":\"https:\/\/secure.gravatar.com\/avatar\/9cc2fe393829a669530037fc59abb837?s=96&d=mm&r=g\",\"contentUrl\":\"https:\/\/secure.gravatar.com\/avatar\/9cc2fe393829a669530037fc59abb837?s=96&d=mm&r=g\",\"caption\":\"hgb\"},\"url\":\"https:\/\/aga.so\/so\/author\/hgb\/\"}]}<\/script>\n<!-- \/ Yoast SEO plugin. -->","yoast_head_json":{"title":"NABSI WAALID {SHEEKO GAABAN} - Akademiye Goboleedka Af Soomaaliga AGA","robots":{"index":"index","follow":"follow","max-snippet":"max-snippet:-1","max-image-preview":"max-image-preview:large","max-video-preview":"max-video-preview:-1"},"canonical":"https:\/\/aga.so\/so\/nabsi-waalid-sheeko-gaaban\/","og_locale":"en_US","og_type":"article","og_title":"NABSI WAALID {SHEEKO GAABAN} - Akademiye Goboleedka Af Soomaaliga AGA","og_description":"Shaqo raadis muddo dheer ah kadib, Mahad wuxuu helay shaqo uu aad uga helay. Daalkii iyo diiftii shaqo la\u2019aaneed muddo gaaban ayay kaga hartay. Maalin maalmaha ka mid ah, Mahad oo hawlo dibadda ugu sii socda, ayaa ganjeelka ku sii dhaafay islaan duq ah oo diifaysan, itaal iyo indhaba-darraysay oo uu tukhaantukhinayo waardiyaha shirkaddu. Aad [&hellip;]","og_url":"https:\/\/aga.so\/so\/nabsi-waalid-sheeko-gaaban\/","og_site_name":"Akademiye Goboleedka Af Soomaaliga AGA","article_published_time":"2020-09-05T18:42:58+00:00","article_modified_time":"2020-11-03T06:17:05+00:00","og_image":[{"width":275,"height":183,"url":"https:\/\/aga.so\/so\/wp-content\/uploads\/2020\/04\/images.jpg","type":"image\/jpeg"}],"author":"hgb","twitter_card":"summary_large_image","twitter_misc":{"Written by":"hgb","Est. reading time":"5 minutes"},"schema":{"@context":"https:\/\/schema.org","@graph":[{"@type":"Article","@id":"https:\/\/aga.so\/so\/nabsi-waalid-sheeko-gaaban\/#article","isPartOf":{"@id":"https:\/\/aga.so\/so\/nabsi-waalid-sheeko-gaaban\/"},"author":{"name":"hgb","@id":"https:\/\/aga.so\/so\/#\/schema\/person\/c89f24807531a9b3d9df95d848134d50"},"headline":"NABSI WAALID {SHEEKO GAABAN}","datePublished":"2020-09-05T18:42:58+00:00","dateModified":"2020-11-03T06:17:05+00:00","mainEntityOfPage":{"@id":"https:\/\/aga.so\/so\/nabsi-waalid-sheeko-gaaban\/"},"wordCount":996,"commentCount":0,"publisher":{"@id":"https:\/\/aga.so\/so\/#organization"},"articleSection":["Hal-abuurka &amp; Suugaanta","Sheeko"],"inLanguage":"en-US","potentialAction":[{"@type":"CommentAction","name":"Comment","target":["https:\/\/aga.so\/so\/nabsi-waalid-sheeko-gaaban\/#respond"]}]},{"@type":"WebPage","@id":"https:\/\/aga.so\/so\/nabsi-waalid-sheeko-gaaban\/","url":"https:\/\/aga.so\/so\/nabsi-waalid-sheeko-gaaban\/","name":"NABSI WAALID {SHEEKO GAABAN} - Akademiye Goboleedka Af Soomaaliga AGA","isPartOf":{"@id":"https:\/\/aga.so\/so\/#website"},"datePublished":"2020-09-05T18:42:58+00:00","dateModified":"2020-11-03T06:17:05+00:00","breadcrumb":{"@id":"https:\/\/aga.so\/so\/nabsi-waalid-sheeko-gaaban\/#breadcrumb"},"inLanguage":"en-US","potentialAction":[{"@type":"ReadAction","target":["https:\/\/aga.so\/so\/nabsi-waalid-sheeko-gaaban\/"]}]},{"@type":"BreadcrumbList","@id":"https:\/\/aga.so\/so\/nabsi-waalid-sheeko-gaaban\/#breadcrumb","itemListElement":[{"@type":"ListItem","position":1,"name":"Home","item":"https:\/\/aga.so\/so\/"},{"@type":"ListItem","position":2,"name":"NABSI WAALID {SHEEKO GAABAN}"}]},{"@type":"WebSite","@id":"https:\/\/aga.so\/so\/#website","url":"https:\/\/aga.so\/so\/","name":"Akademiye Goboleedka Af Soomaaliga AGA","description":"","publisher":{"@id":"https:\/\/aga.so\/so\/#organization"},"potentialAction":[{"@type":"SearchAction","target":{"@type":"EntryPoint","urlTemplate":"https:\/\/aga.so\/so\/?s={search_term_string}"},"query-input":"required name=search_term_string"}],"inLanguage":"en-US"},{"@type":"Organization","@id":"https:\/\/aga.so\/so\/#organization","name":"AGA - Akadeemiya Goboleedka AfSoomaaliga","url":"https:\/\/aga.so\/so\/","logo":{"@type":"ImageObject","inLanguage":"en-US","@id":"https:\/\/aga.so\/so\/#\/schema\/logo\/image\/","url":"https:\/\/aga.so\/so\/wp-content\/uploads\/2020\/10\/favicon-2.png","contentUrl":"https:\/\/aga.so\/so\/wp-content\/uploads\/2020\/10\/favicon-2.png","width":162,"height":83,"caption":"AGA - Akadeemiya Goboleedka AfSoomaaliga"},"image":{"@id":"https:\/\/aga.so\/so\/#\/schema\/logo\/image\/"}},{"@type":"Person","@id":"https:\/\/aga.so\/so\/#\/schema\/person\/c89f24807531a9b3d9df95d848134d50","name":"hgb","image":{"@type":"ImageObject","inLanguage":"en-US","@id":"https:\/\/aga.so\/so\/#\/schema\/person\/image\/","url":"https:\/\/secure.gravatar.com\/avatar\/9cc2fe393829a669530037fc59abb837?s=96&d=mm&r=g","contentUrl":"https:\/\/secure.gravatar.com\/avatar\/9cc2fe393829a669530037fc59abb837?s=96&d=mm&r=g","caption":"hgb"},"url":"https:\/\/aga.so\/so\/author\/hgb\/"}]}},"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/aga.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/3064"}],"collection":[{"href":"https:\/\/aga.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/aga.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/aga.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/users\/1"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/aga.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=3064"}],"version-history":[{"count":3,"href":"https:\/\/aga.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/3064\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":3068,"href":"https:\/\/aga.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/3064\/revisions\/3068"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/aga.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media\/3065"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/aga.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=3064"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/aga.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=3064"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/aga.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=3064"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}