{"id":2884,"date":"2020-02-21T17:41:36","date_gmt":"2020-02-21T17:41:36","guid":{"rendered":"https:\/\/aga.so\/so\/?p=2884"},"modified":"2020-02-25T17:04:50","modified_gmt":"2020-02-25T17:04:50","slug":"akadeemiye-goboleedka-aga-iyo-somali-pen-oo-magaalada-gaalkacyo-ku-qabtay-xuska-maalinta-afka-hooyo","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/aga.so\/so\/akadeemiye-goboleedka-aga-iyo-somali-pen-oo-magaalada-gaalkacyo-ku-qabtay-xuska-maalinta-afka-hooyo\/","title":{"rendered":"Akadeemiye-Goboleedka AGA iyo Somali Pen oo Magaalada Gaalkacyo ku Qabtay Xuska Maalinta Afka Hooyo"},"content":{"rendered":"<p>Munaasabad heer sare ah oo lagu xusayay Maalinta Carro-edegeed ee Afka Hooyo, oo qaban-qaabadeeda ay horseed ka ahaayeen Akadeemiye-Goboleedka Af-soomaaliga AGA, iyo Naadiga Qalinleyda iyo Hal-abuurka Soomaaliyeed Somali Pen, ayaa maalintii Jimcaha ee taariiqdu ay ahayd 21-kii Febraayo ee 2020, waxaa lagu qabtay Maktabadda Dadweynaha ee Gaalkacyo.<\/p>\n<p>Xuska maalintaas waxaa isku arkay naadiyada akhriska iyo qoraalka, maktabadaha, jaamacadaha, ururrada firfircoon ee dhallinyarada, kuwa haweenka, ururrada ciyaaraha, hal-abuurka kala duwan, ganacsatada magaalada, warfidiyeenka iyo mas\u2019uuliyiin hay\u2019addo heer Dawlad-goboleed ka socday.<\/p>\n<p>Sannadahan danbe reer Gaalkacyo waxaa caado u ahayd kala qaybsanaan ku suntanayd siyaasad u kala qaybisay labo maamul (Puntland iyo Galmudug). Balse maalintaas waxay ahayd mid ka tallawday xudduudihii kala-qoqobka iyo jid-gooyooyinkii qalbiga!<\/p>\n<p>Marwo Caasho Geelle Diiriye, oo furitaankii xafladdaasi ka hadlaysay ayaa ugu horrayntii u mahad-celisay Akadeemiye-Goboleedka AGA iyo, sidoo kale Magtabadda Dadweynaha ee Gaalkacyo (SCANSOM ), oo xafladda marti-galisay. Marwo Caasho Geelle, oo sheegtay inay ka mid ahayd aas-aasayaashii Akadeemiye Goboleedka AGA, ayaa waxay ku bogaadisay AGA sida Bulshada Magaalada Gaalkacyo ay ugu horseedday markii koowaad inay si midaysan madal qura ugu xusaan Maalinta Carra-edegeed ee Afka Hooyo, 21-ka Febraayo, 2020.<\/p>\n<p>Iyadoo dhallinyarada Soomaaliyeed la dardaarmaysa Marwo Caasho Geelle waxay tiri \u201cAfkaagu waa maradaada! Afkaagu waa aqoontaada! Ha u malaynnin haddii aad Af-Soomaali ku hadasho inaadan aqoon lahayn! Afkaaga ku faan. Afkaaga xooji. Afkaaga ku dhaqan. Afkaaga horumari\u201d. Waxayna intaas ku dartay in Af-Soomaaligu uu yahay af guun ah oo ka badbaaday inuu u baabba\u2019o sida afaf badan oo Adduunkaba magacooda laga waayay! Waxayna talo ugu jeedinaysay maammullada Soomaaliya, heer Qaran iyo heer Goboleedba, inay horumariyaan Afka Hooyo. Dadkiisana ay ku dhiirri-galisaan. Waxayna ka digtay af qalaad oo aan faa\u2019-iido lahayn!.<\/p>\n<p>Cali-deeq Maxamed Xaashi, oo ka mid ah wakiillada Akadeemiye-Goboleedka AfSoomaaliga AGA, ayaa isna mahad-celin diirran u soo jeediyay ururrada iyo shaqsiyaadka wax ka-suura-galiyay hab-sami u qabsoomidda xafladda. Wuxuuna ka-qayb-galayaasha xafladda u soo gudbiyay labo salaamood oo gacaltooyo oo mid uu uga siday Guddoomiyaha Akadeemiye Goboleedka Af-soomaaliga AGA Dr. Maxammed Daahir Afrax, iyo salaanta labaad oo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti Halyeey Ismaaciil Cumar Geelle shacabka Soomaaliyeed uu soo faray Dr. Afrax. Ka-qayb-galayaasha xafladduna si gacaltooyo ayay uga guddoomeen labadaas salaamoodba!.<\/p>\n<p>Cali-deeq, ayaa dhanka kale, wuxuu si danqasho leh uga hadlay dhaawacyada Af-Soomaaliga ay gaarsiiyeen labo dhibaato, oo mid Soomaalidu ay u geysanayso! Dhibaatada kalena ay tahay wareentooyin Af-Soomaaliga ay ku warjaafayaan afaf shisheeye oo duullaan ba\u2019-an ku haya!.Wuxuuna qiray in Afkeenna Hooyo uu noo yahay Waalid aan ku caasi-garawnay, halkii aynu baarriyaal u noqon lahayn!. Wuxuuna tilmaamay \u201cKAAF IYO KALA-DHEERI\u2019\u2019 qaalinnimada Af-Soomaaliga iyo sida aan u qiima-tiraynno!<\/p>\n<p>Saxafi Burhaan Axmed Daahir, oo ka tirsan Naadiga Qorayaasha iyo Hal-abuurka Soomaaliyeed, kana mid ah Masuullada Akadeemiye Goboleedka Af-soomaaliga AGA, oo qudbad qiima badan ka soo jeediyay xafladda, ayaa sheegay inuu aad ugu faraxsanyahay marti-sharafta tirada badan ee sida weyn u soo cammiray Munaasabadda Maalinta Caalamiga ah ee Afka Hooyo.<\/p>\n<p>Mar uu ka hadlayay sababta loo xusayo Maalinta Afka Hooyo ayaa Burhaan Axmed Daahir waxa uu sheegay inay tahay cabsi laga qabo afafka dabar-go\u2019aya!. Waxaa la sheegay in maalin kasta uu hal af dhinto; Af-guri ha ahaado ama af qoomiyadeed ha ahaado e!.<\/p>\n<p>Isagoo faahfaahinaya sida ay u darantahay iyo heerka ay gaarsiisan tahay waxyeellada weyn ee Soomaalidu badankeedu aysan ku baraarugsanayn ee Af-soomaaligu uu la wiiqan yahay, meelaha ay waxyeelladaasi uga imaanayso iyo sida ugu habboon ee looga samata-bixin karo, ayaa Burhaan Axmed Daahir waxa uu si xamaasad leh u yiri \u201cAf-soomaaliga waxaa lagu soo daray afafka laga baqdin-qabo in konton sano gudohood ay dabar-go\u2019-aan! Waxaan rajaynayaa inaan afkeenna daba-qabanno. Kana badbaadinno inuu dabar-go\u2019o!.<\/p>\n<p>Aqoonyahan Bashiir Cabdulqaadir Maxammed, oo ku magac-dheer Bashiir Suuley, ahna bare Jaamacaddeed, ayaa wuxuu si xeel-dheer u qaadaa-dhigay taariiq barasho iyo xusuusba mudan oo Qoraalka Far-soomaalida u soo billaabatay horraantii Qarnigii Labaatanaad. Isagoo xusay aqoonyahannadii Soomaaliyeed ee hor-seedka ka ahaa soo-yaalkaas, oo ay ka mid ahaayeen Cusmaan Yuusuf Keenadiid iyo Sh. Cabdiraxmaan Qaaddi.<\/p>\n<p>Yurub Muxyaddiin Sh. Cali, oo ka mid ah hooyooyinka aqoonyahannada ah, kuna hadlaysay magaca Ururrada Haweenka ee Gobolka Mudug, ayaa waxay sheegtay inay aad ula qiirootay farxad sida Af-soomaaliga loogu maammuusay xafladdan. \u201cWaayo?\u2018\u2019 bay tiri \u2018\u2019Anigu Af-Soomaaliga ayaan wax ku soo bartay. Walina Dalkayga Hooyo ayaan joogaa. Waxaan ku boorrinayaa Wasaaradaha Waxbarashada ee Dawladda Federaalkaa iyo kuwa Maammul-goboleedyada in dib loo soo celiyo qiimihii Af-soomaaliga.<\/p>\n<p>Dr. Maxammuud Cali Kaahiye, oo ka tirsan Jaamacadda Gaalkacyo, kuna hadlayay magaca Jaamacadaha Gobolka Mudug, ayaa mahad-celin ka dib, wuxuu codsi u soo qaddimay Akadeemiye Goboleedka AGA. Wuxuuna yiri \u2018\u2019Maantay oo ah Maalinta Afka Hooyo Reer Gaalkacyo waxay u tahay maalmaha ay ku midoobaan. Marka waxaan codsanayaa in maantoo kale naloo badiyo. Oo sannadkiiba hal maalin aan laga dhigine dhawr maalmood nalooga dhigo!\u2019\u2019.<\/p>\n<p>Burhaan Warsame Xirsi, oo ka tirsan Maammulka Jaamacadda Modren University faraceeda Gaalkacyo, kuna hadlayay magaca Madasha Dhallinyarada Nabadda iyo Isdhex-galka Gaalkacyo, oo hadal kooban oo aad u qiimo badan ka soo jeediyay xafladda ayaa yiri \u201cMaanta oo kale, maaddaama ay tahay Maalinta Afka Hooyo, waa maalin agteenna aad qiimo ugu leh! Waa maalin aan dhammaanteen muujinaynno jiritaankeenna! Sidaas darteed, qof kastoo naga mid ah ha u istaago sidii uu Afka Hooyo hiil ugu noqon lahaa!. Dad baa u soo halgamay. Dad baa u soo dadaalay. Meeshan bay soo gaarsiiyeen. Annagana waxaad mooddaa inaan u hanqal-taagaynno af qalaad!\u2019\u2019.<\/p>\n<p>Wasiir ku xigeenka Waxbarashada Puntland Bashiir Jaamac Maxammed, oo qudbaddii u danbaysay ka soo jeediyay munaasabadda, ayaa yiri \u2018\u2019Aad baan ugu faraxsanahay ka-qayb-galka xafladdan Af-Soomaaliga loogu hiillinayo. Waa waajib dhammaanteen na wada saaran inaan Afkeenna Hooyo kor u qaadno. Haddaadan afkaaga u hiillin jiritaankaaga oo dhan baa lumaya! Qalin-leyda iyo abwaannadu way ka madax-bannaanyihiin kooxaysiga iyo qabyaaladda! Runtii farxad bay ii tahay Mudug dakii lagu tuhmayay aqoonta inay Maanta u meel wada joogaan.<br \/>\nDadku markuu afkiisa ilaashado waxaa u badbaadaya dhallaankiisa iyo aayihiisa!. Ka-wasaarad ahaan, waxaan rajaynayaa dhawaan inaan soo daabici doonno Man-haj dhammays-tiran oo Af-soomaaliga iyo dhaqanka si fiican uga turjumaya, Fasalka Koowaad illaa ka Afraad!\u2019\u2019.<\/p>\n<p>Waxyaalaha xusuus-reebka leh ee xafladdaas lagu soo ban-dhigay ayaa waxaa ka mid aha Shin-tiris (Calender) Soomaali ah oo aqoonyahan magaciisa la yiraahdo Maxamuud Cabdullaahi Kulmiye oo ku magac-dheer Joqoraafi, uu sameeyay isagoo ku keenay baaritaan muddo dheer uu ku waday aqoontii Yabaahuurta Soomaalida.<\/p>\n<p>Meelaha Shin-tiriskaas ay dadku aadka uga xiisaynayeen waxaa ka mid ahaa magacyadii awoowayaasheennii hore ay u yaqaanneen 12-ka bilood ee sannadka. Kuwaasoo sida Shin-tiriskaas ku qoran kala ah sidatan:-<\/p>\n<p>1; KALA-HAAN \u00a0 \u00a0 \u00a0 \u00a0 \u00a0 \u00a0 \u00a0 \u00a0 (OCTOBER)<br \/>\n2. DANBAR-SAME \u00a0 \u00a0 \u00a0 \u00a0(NOVEMBER)<br \/>\n3. BAL-DAAQ \u00a0 \u00a0 \u00a0 \u00a0 \u00a0 \u00a0 \u00a0 \u00a0 \u00a0(DESEMBER)<br \/>\n4. DIRAAC-GOOD \u00a0 \u00a0 \u00a0 \u00a0 \u00a0(JANAURY)<br \/>\n5. LIX-KOR \u00a0 \u00a0 \u00a0 \u00a0 \u00a0 \u00a0 \u00a0 \u00a0 \u00a0 \u00a0 (FEBRAURY)<br \/>\n6. TODDOB \u00a0 \u00a0 \u00a0 \u00a0 \u00a0 \u00a0 \u00a0 \u00a0 \u00a0 \u00a0 \u00a0 (MARCH)<br \/>\n7. FUSHADE \u00a0 \u00a0 \u00a0 \u00a0 \u00a0 \u00a0 \u00a0 \u00a0 \u00a0 \u00a0 \u00a0 \u00a0(APRIL)<br \/>\n8. GU\u2019SOORE \u00a0 \u00a0 \u00a0 \u00a0 \u00a0 \u00a0 \u00a0 \u00a0 \u00a0 \u00a0 \u00a0 \u00a0(MAY)<br \/>\n9. SAMOOLAD \u00a0 \u00a0 \u00a0 \u00a0 \u00a0 \u00a0 \u00a0 \u00a0 \u00a0 \u00a0(JUNE)<br \/>\n10. DIRIR-SAGAARO \u00a0 \u00a0 \u00a0 \u00a0 (JULY)<br \/>\n11.LAXO-DHAQO \u00a0 \u00a0 \u00a0 \u00a0 \u00a0( AUGEUST) IYO<br \/>\n12. SAMALOHO \u00a0 \u00a0 \u00a0 \u00a0 \u00a0 \u00a0 (SEPTEMBER).<\/p>\n<p>Waxaa Diyaariyay:<br \/>\nCali-deeq Maxamed Xaashi<\/p>\n<p><img decoding=\"async\" loading=\"lazy\" class=\"alignnone size-full wp-image-2885\" src=\"https:\/\/aga.so\/so\/wp-content\/uploads\/2020\/02\/87279115_640213876553803_3882372525430145024_n.jpg\" alt=\"\" width=\"720\" height=\"960\" srcset=\"https:\/\/aga.so\/so\/wp-content\/uploads\/2020\/02\/87279115_640213876553803_3882372525430145024_n.jpg 720w, https:\/\/aga.so\/so\/wp-content\/uploads\/2020\/02\/87279115_640213876553803_3882372525430145024_n-225x300.jpg 225w\" sizes=\"(max-width: 720px) 100vw, 720px\" \/> <img decoding=\"async\" loading=\"lazy\" class=\"alignnone size-full wp-image-2886\" src=\"https:\/\/aga.so\/so\/wp-content\/uploads\/2020\/02\/87326610_763042884187315_2222937100880183296_n.jpg\" alt=\"\" width=\"720\" height=\"960\" srcset=\"https:\/\/aga.so\/so\/wp-content\/uploads\/2020\/02\/87326610_763042884187315_2222937100880183296_n.jpg 720w, https:\/\/aga.so\/so\/wp-content\/uploads\/2020\/02\/87326610_763042884187315_2222937100880183296_n-225x300.jpg 225w\" sizes=\"(max-width: 720px) 100vw, 720px\" \/> <img decoding=\"async\" loading=\"lazy\" class=\"alignnone size-full wp-image-2887\" src=\"https:\/\/aga.so\/so\/wp-content\/uploads\/2020\/02\/87389632_203704001008609_7358427838850007040_n.jpg\" alt=\"\" width=\"720\" height=\"960\" srcset=\"https:\/\/aga.so\/so\/wp-content\/uploads\/2020\/02\/87389632_203704001008609_7358427838850007040_n.jpg 720w, https:\/\/aga.so\/so\/wp-content\/uploads\/2020\/02\/87389632_203704001008609_7358427838850007040_n-225x300.jpg 225w\" sizes=\"(max-width: 720px) 100vw, 720px\" \/> <img decoding=\"async\" loading=\"lazy\" class=\"alignnone size-full wp-image-2891\" src=\"https:\/\/aga.so\/so\/wp-content\/uploads\/2020\/02\/87077159_186751109091618_7881150540166463488_n.jpg\" alt=\"\" width=\"720\" height=\"960\" srcset=\"https:\/\/aga.so\/so\/wp-content\/uploads\/2020\/02\/87077159_186751109091618_7881150540166463488_n.jpg 720w, https:\/\/aga.so\/so\/wp-content\/uploads\/2020\/02\/87077159_186751109091618_7881150540166463488_n-225x300.jpg 225w\" sizes=\"(max-width: 720px) 100vw, 720px\" \/> <img decoding=\"async\" loading=\"lazy\" class=\"alignnone size-full wp-image-2888\" src=\"https:\/\/aga.so\/so\/wp-content\/uploads\/2020\/02\/87421632_878522825899613_5630653368587255808_n.jpg\" alt=\"\" width=\"960\" height=\"720\" srcset=\"https:\/\/aga.so\/so\/wp-content\/uploads\/2020\/02\/87421632_878522825899613_5630653368587255808_n.jpg 960w, https:\/\/aga.so\/so\/wp-content\/uploads\/2020\/02\/87421632_878522825899613_5630653368587255808_n-300x225.jpg 300w, https:\/\/aga.so\/so\/wp-content\/uploads\/2020\/02\/87421632_878522825899613_5630653368587255808_n-768x576.jpg 768w\" sizes=\"(max-width: 960px) 100vw, 960px\" \/> <img decoding=\"async\" loading=\"lazy\" class=\"alignnone size-full wp-image-2889\" src=\"https:\/\/aga.so\/so\/wp-content\/uploads\/2020\/02\/87054350_937228393358891_3813478380964151296_n.jpg\" alt=\"\" width=\"720\" height=\"960\" srcset=\"https:\/\/aga.so\/so\/wp-content\/uploads\/2020\/02\/87054350_937228393358891_3813478380964151296_n.jpg 720w, https:\/\/aga.so\/so\/wp-content\/uploads\/2020\/02\/87054350_937228393358891_3813478380964151296_n-225x300.jpg 225w\" sizes=\"(max-width: 720px) 100vw, 720px\" \/> <img decoding=\"async\" loading=\"lazy\" class=\"alignnone size-full wp-image-2890\" src=\"https:\/\/aga.so\/so\/wp-content\/uploads\/2020\/02\/87060104_222951462194580_2130693469788700672_n.jpg\" alt=\"\" width=\"960\" height=\"720\" srcset=\"https:\/\/aga.so\/so\/wp-content\/uploads\/2020\/02\/87060104_222951462194580_2130693469788700672_n.jpg 960w, https:\/\/aga.so\/so\/wp-content\/uploads\/2020\/02\/87060104_222951462194580_2130693469788700672_n-300x225.jpg 300w, https:\/\/aga.so\/so\/wp-content\/uploads\/2020\/02\/87060104_222951462194580_2130693469788700672_n-768x576.jpg 768w\" sizes=\"(max-width: 960px) 100vw, 960px\" \/><\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Munaasabad heer sare ah oo lagu xusayay Maalinta Carro-edegeed ee Afka Hooyo, oo qaban-qaabadeeda ay horseed ka ahaayeen Akadeemiye-Goboleedka Af-soomaaliga AGA, iyo Naadiga Qalinleyda iyo Hal-abuurka Soomaaliyeed Somali Pen, ayaa maalintii Jimcaha ee taariiqdu ay ahayd 21-kii Febraayo ee 2020, waxaa lagu qabtay Maktabadda Dadweynaha ee Gaalkacyo. Xuska maalintaas waxaa isku arkay naadiyada akhriska iyo [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":1,"featured_media":2896,"comment_status":"open","ping_status":"open","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"inline_featured_image":false},"categories":[1],"tags":[],"yoast_head":"<!-- This site is optimized with the Yoast SEO plugin v20.2.1 - https:\/\/yoast.com\/wordpress\/plugins\/seo\/ -->\n<title>Akadeemiye-Goboleedka AGA iyo Somali Pen oo Magaalada Gaalkacyo ku Qabtay Xuska Maalinta Afka Hooyo - Akademiye Goboleedka Af Soomaaliga AGA<\/title>\n<meta name=\"robots\" content=\"index, follow, max-snippet:-1, max-image-preview:large, max-video-preview:-1\" \/>\n<link rel=\"canonical\" href=\"https:\/\/aga.so\/so\/akadeemiye-goboleedka-aga-iyo-somali-pen-oo-magaalada-gaalkacyo-ku-qabtay-xuska-maalinta-afka-hooyo\/\" \/>\n<meta property=\"og:locale\" content=\"en_US\" \/>\n<meta property=\"og:type\" content=\"article\" \/>\n<meta property=\"og:title\" content=\"Akadeemiye-Goboleedka AGA iyo Somali Pen oo Magaalada Gaalkacyo ku Qabtay Xuska Maalinta Afka Hooyo - Akademiye Goboleedka Af Soomaaliga AGA\" \/>\n<meta property=\"og:description\" content=\"Munaasabad heer sare ah oo lagu xusayay Maalinta Carro-edegeed ee Afka Hooyo, oo qaban-qaabadeeda ay horseed ka ahaayeen Akadeemiye-Goboleedka Af-soomaaliga AGA, iyo Naadiga Qalinleyda iyo Hal-abuurka Soomaaliyeed Somali Pen, ayaa maalintii Jimcaha ee taariiqdu ay ahayd 21-kii Febraayo ee 2020, waxaa lagu qabtay Maktabadda Dadweynaha ee Gaalkacyo. Xuska maalintaas waxaa isku arkay naadiyada akhriska iyo [&hellip;]\" \/>\n<meta property=\"og:url\" content=\"https:\/\/aga.so\/so\/akadeemiye-goboleedka-aga-iyo-somali-pen-oo-magaalada-gaalkacyo-ku-qabtay-xuska-maalinta-afka-hooyo\/\" \/>\n<meta property=\"og:site_name\" content=\"Akademiye Goboleedka Af Soomaaliga AGA\" \/>\n<meta property=\"article:published_time\" content=\"2020-02-21T17:41:36+00:00\" \/>\n<meta property=\"article:modified_time\" content=\"2020-02-25T17:04:50+00:00\" \/>\n<meta property=\"og:image\" content=\"https:\/\/aga.so\/so\/wp-content\/uploads\/2020\/02\/87551954_127381605329465_4526244138064019456_n.jpg\" \/>\n\t<meta property=\"og:image:width\" content=\"1008\" \/>\n\t<meta property=\"og:image:height\" content=\"477\" \/>\n\t<meta property=\"og:image:type\" content=\"image\/jpeg\" \/>\n<meta name=\"author\" content=\"hgb\" \/>\n<meta name=\"twitter:card\" content=\"summary_large_image\" \/>\n<meta name=\"twitter:label1\" content=\"Written by\" \/>\n\t<meta name=\"twitter:data1\" content=\"hgb\" \/>\n\t<meta name=\"twitter:label2\" content=\"Est. reading time\" \/>\n\t<meta name=\"twitter:data2\" content=\"5 minutes\" \/>\n<script type=\"application\/ld+json\" class=\"yoast-schema-graph\">{\"@context\":\"https:\/\/schema.org\",\"@graph\":[{\"@type\":\"Article\",\"@id\":\"https:\/\/aga.so\/so\/akadeemiye-goboleedka-aga-iyo-somali-pen-oo-magaalada-gaalkacyo-ku-qabtay-xuska-maalinta-afka-hooyo\/#article\",\"isPartOf\":{\"@id\":\"https:\/\/aga.so\/so\/akadeemiye-goboleedka-aga-iyo-somali-pen-oo-magaalada-gaalkacyo-ku-qabtay-xuska-maalinta-afka-hooyo\/\"},\"author\":{\"name\":\"hgb\",\"@id\":\"https:\/\/aga.so\/so\/#\/schema\/person\/c89f24807531a9b3d9df95d848134d50\"},\"headline\":\"Akadeemiye-Goboleedka AGA iyo Somali Pen oo Magaalada Gaalkacyo ku Qabtay Xuska Maalinta Afka Hooyo\",\"datePublished\":\"2020-02-21T17:41:36+00:00\",\"dateModified\":\"2020-02-25T17:04:50+00:00\",\"mainEntityOfPage\":{\"@id\":\"https:\/\/aga.so\/so\/akadeemiye-goboleedka-aga-iyo-somali-pen-oo-magaalada-gaalkacyo-ku-qabtay-xuska-maalinta-afka-hooyo\/\"},\"wordCount\":1091,\"commentCount\":0,\"publisher\":{\"@id\":\"https:\/\/aga.so\/so\/#organization\"},\"articleSection\":[\"Wararka AGA\"],\"inLanguage\":\"en-US\",\"potentialAction\":[{\"@type\":\"CommentAction\",\"name\":\"Comment\",\"target\":[\"https:\/\/aga.so\/so\/akadeemiye-goboleedka-aga-iyo-somali-pen-oo-magaalada-gaalkacyo-ku-qabtay-xuska-maalinta-afka-hooyo\/#respond\"]}]},{\"@type\":\"WebPage\",\"@id\":\"https:\/\/aga.so\/so\/akadeemiye-goboleedka-aga-iyo-somali-pen-oo-magaalada-gaalkacyo-ku-qabtay-xuska-maalinta-afka-hooyo\/\",\"url\":\"https:\/\/aga.so\/so\/akadeemiye-goboleedka-aga-iyo-somali-pen-oo-magaalada-gaalkacyo-ku-qabtay-xuska-maalinta-afka-hooyo\/\",\"name\":\"Akadeemiye-Goboleedka AGA iyo Somali Pen oo Magaalada Gaalkacyo ku Qabtay Xuska Maalinta Afka Hooyo - Akademiye Goboleedka Af Soomaaliga AGA\",\"isPartOf\":{\"@id\":\"https:\/\/aga.so\/so\/#website\"},\"datePublished\":\"2020-02-21T17:41:36+00:00\",\"dateModified\":\"2020-02-25T17:04:50+00:00\",\"breadcrumb\":{\"@id\":\"https:\/\/aga.so\/so\/akadeemiye-goboleedka-aga-iyo-somali-pen-oo-magaalada-gaalkacyo-ku-qabtay-xuska-maalinta-afka-hooyo\/#breadcrumb\"},\"inLanguage\":\"en-US\",\"potentialAction\":[{\"@type\":\"ReadAction\",\"target\":[\"https:\/\/aga.so\/so\/akadeemiye-goboleedka-aga-iyo-somali-pen-oo-magaalada-gaalkacyo-ku-qabtay-xuska-maalinta-afka-hooyo\/\"]}]},{\"@type\":\"BreadcrumbList\",\"@id\":\"https:\/\/aga.so\/so\/akadeemiye-goboleedka-aga-iyo-somali-pen-oo-magaalada-gaalkacyo-ku-qabtay-xuska-maalinta-afka-hooyo\/#breadcrumb\",\"itemListElement\":[{\"@type\":\"ListItem\",\"position\":1,\"name\":\"Home\",\"item\":\"https:\/\/aga.so\/so\/\"},{\"@type\":\"ListItem\",\"position\":2,\"name\":\"Akadeemiye-Goboleedka AGA iyo Somali Pen oo Magaalada Gaalkacyo ku Qabtay Xuska Maalinta Afka Hooyo\"}]},{\"@type\":\"WebSite\",\"@id\":\"https:\/\/aga.so\/so\/#website\",\"url\":\"https:\/\/aga.so\/so\/\",\"name\":\"Akademiye Goboleedka Af Soomaaliga AGA\",\"description\":\"\",\"publisher\":{\"@id\":\"https:\/\/aga.so\/so\/#organization\"},\"potentialAction\":[{\"@type\":\"SearchAction\",\"target\":{\"@type\":\"EntryPoint\",\"urlTemplate\":\"https:\/\/aga.so\/so\/?s={search_term_string}\"},\"query-input\":\"required name=search_term_string\"}],\"inLanguage\":\"en-US\"},{\"@type\":\"Organization\",\"@id\":\"https:\/\/aga.so\/so\/#organization\",\"name\":\"AGA - Akadeemiya Goboleedka AfSoomaaliga\",\"url\":\"https:\/\/aga.so\/so\/\",\"logo\":{\"@type\":\"ImageObject\",\"inLanguage\":\"en-US\",\"@id\":\"https:\/\/aga.so\/so\/#\/schema\/logo\/image\/\",\"url\":\"https:\/\/aga.so\/so\/wp-content\/uploads\/2020\/10\/favicon-2.png\",\"contentUrl\":\"https:\/\/aga.so\/so\/wp-content\/uploads\/2020\/10\/favicon-2.png\",\"width\":162,\"height\":83,\"caption\":\"AGA - Akadeemiya Goboleedka AfSoomaaliga\"},\"image\":{\"@id\":\"https:\/\/aga.so\/so\/#\/schema\/logo\/image\/\"}},{\"@type\":\"Person\",\"@id\":\"https:\/\/aga.so\/so\/#\/schema\/person\/c89f24807531a9b3d9df95d848134d50\",\"name\":\"hgb\",\"image\":{\"@type\":\"ImageObject\",\"inLanguage\":\"en-US\",\"@id\":\"https:\/\/aga.so\/so\/#\/schema\/person\/image\/\",\"url\":\"https:\/\/secure.gravatar.com\/avatar\/9cc2fe393829a669530037fc59abb837?s=96&d=mm&r=g\",\"contentUrl\":\"https:\/\/secure.gravatar.com\/avatar\/9cc2fe393829a669530037fc59abb837?s=96&d=mm&r=g\",\"caption\":\"hgb\"},\"url\":\"https:\/\/aga.so\/so\/author\/hgb\/\"}]}<\/script>\n<!-- \/ Yoast SEO plugin. -->","yoast_head_json":{"title":"Akadeemiye-Goboleedka AGA iyo Somali Pen oo Magaalada Gaalkacyo ku Qabtay Xuska Maalinta Afka Hooyo - Akademiye Goboleedka Af Soomaaliga AGA","robots":{"index":"index","follow":"follow","max-snippet":"max-snippet:-1","max-image-preview":"max-image-preview:large","max-video-preview":"max-video-preview:-1"},"canonical":"https:\/\/aga.so\/so\/akadeemiye-goboleedka-aga-iyo-somali-pen-oo-magaalada-gaalkacyo-ku-qabtay-xuska-maalinta-afka-hooyo\/","og_locale":"en_US","og_type":"article","og_title":"Akadeemiye-Goboleedka AGA iyo Somali Pen oo Magaalada Gaalkacyo ku Qabtay Xuska Maalinta Afka Hooyo - Akademiye Goboleedka Af Soomaaliga AGA","og_description":"Munaasabad heer sare ah oo lagu xusayay Maalinta Carro-edegeed ee Afka Hooyo, oo qaban-qaabadeeda ay horseed ka ahaayeen Akadeemiye-Goboleedka Af-soomaaliga AGA, iyo Naadiga Qalinleyda iyo Hal-abuurka Soomaaliyeed Somali Pen, ayaa maalintii Jimcaha ee taariiqdu ay ahayd 21-kii Febraayo ee 2020, waxaa lagu qabtay Maktabadda Dadweynaha ee Gaalkacyo. Xuska maalintaas waxaa isku arkay naadiyada akhriska iyo [&hellip;]","og_url":"https:\/\/aga.so\/so\/akadeemiye-goboleedka-aga-iyo-somali-pen-oo-magaalada-gaalkacyo-ku-qabtay-xuska-maalinta-afka-hooyo\/","og_site_name":"Akademiye Goboleedka Af Soomaaliga AGA","article_published_time":"2020-02-21T17:41:36+00:00","article_modified_time":"2020-02-25T17:04:50+00:00","og_image":[{"width":1008,"height":477,"url":"https:\/\/aga.so\/so\/wp-content\/uploads\/2020\/02\/87551954_127381605329465_4526244138064019456_n.jpg","type":"image\/jpeg"}],"author":"hgb","twitter_card":"summary_large_image","twitter_misc":{"Written by":"hgb","Est. reading time":"5 minutes"},"schema":{"@context":"https:\/\/schema.org","@graph":[{"@type":"Article","@id":"https:\/\/aga.so\/so\/akadeemiye-goboleedka-aga-iyo-somali-pen-oo-magaalada-gaalkacyo-ku-qabtay-xuska-maalinta-afka-hooyo\/#article","isPartOf":{"@id":"https:\/\/aga.so\/so\/akadeemiye-goboleedka-aga-iyo-somali-pen-oo-magaalada-gaalkacyo-ku-qabtay-xuska-maalinta-afka-hooyo\/"},"author":{"name":"hgb","@id":"https:\/\/aga.so\/so\/#\/schema\/person\/c89f24807531a9b3d9df95d848134d50"},"headline":"Akadeemiye-Goboleedka AGA iyo Somali Pen oo Magaalada Gaalkacyo ku Qabtay Xuska Maalinta Afka Hooyo","datePublished":"2020-02-21T17:41:36+00:00","dateModified":"2020-02-25T17:04:50+00:00","mainEntityOfPage":{"@id":"https:\/\/aga.so\/so\/akadeemiye-goboleedka-aga-iyo-somali-pen-oo-magaalada-gaalkacyo-ku-qabtay-xuska-maalinta-afka-hooyo\/"},"wordCount":1091,"commentCount":0,"publisher":{"@id":"https:\/\/aga.so\/so\/#organization"},"articleSection":["Wararka AGA"],"inLanguage":"en-US","potentialAction":[{"@type":"CommentAction","name":"Comment","target":["https:\/\/aga.so\/so\/akadeemiye-goboleedka-aga-iyo-somali-pen-oo-magaalada-gaalkacyo-ku-qabtay-xuska-maalinta-afka-hooyo\/#respond"]}]},{"@type":"WebPage","@id":"https:\/\/aga.so\/so\/akadeemiye-goboleedka-aga-iyo-somali-pen-oo-magaalada-gaalkacyo-ku-qabtay-xuska-maalinta-afka-hooyo\/","url":"https:\/\/aga.so\/so\/akadeemiye-goboleedka-aga-iyo-somali-pen-oo-magaalada-gaalkacyo-ku-qabtay-xuska-maalinta-afka-hooyo\/","name":"Akadeemiye-Goboleedka AGA iyo Somali Pen oo Magaalada Gaalkacyo ku Qabtay Xuska Maalinta Afka Hooyo - Akademiye Goboleedka Af Soomaaliga AGA","isPartOf":{"@id":"https:\/\/aga.so\/so\/#website"},"datePublished":"2020-02-21T17:41:36+00:00","dateModified":"2020-02-25T17:04:50+00:00","breadcrumb":{"@id":"https:\/\/aga.so\/so\/akadeemiye-goboleedka-aga-iyo-somali-pen-oo-magaalada-gaalkacyo-ku-qabtay-xuska-maalinta-afka-hooyo\/#breadcrumb"},"inLanguage":"en-US","potentialAction":[{"@type":"ReadAction","target":["https:\/\/aga.so\/so\/akadeemiye-goboleedka-aga-iyo-somali-pen-oo-magaalada-gaalkacyo-ku-qabtay-xuska-maalinta-afka-hooyo\/"]}]},{"@type":"BreadcrumbList","@id":"https:\/\/aga.so\/so\/akadeemiye-goboleedka-aga-iyo-somali-pen-oo-magaalada-gaalkacyo-ku-qabtay-xuska-maalinta-afka-hooyo\/#breadcrumb","itemListElement":[{"@type":"ListItem","position":1,"name":"Home","item":"https:\/\/aga.so\/so\/"},{"@type":"ListItem","position":2,"name":"Akadeemiye-Goboleedka AGA iyo Somali Pen oo Magaalada Gaalkacyo ku Qabtay Xuska Maalinta Afka Hooyo"}]},{"@type":"WebSite","@id":"https:\/\/aga.so\/so\/#website","url":"https:\/\/aga.so\/so\/","name":"Akademiye Goboleedka Af Soomaaliga AGA","description":"","publisher":{"@id":"https:\/\/aga.so\/so\/#organization"},"potentialAction":[{"@type":"SearchAction","target":{"@type":"EntryPoint","urlTemplate":"https:\/\/aga.so\/so\/?s={search_term_string}"},"query-input":"required name=search_term_string"}],"inLanguage":"en-US"},{"@type":"Organization","@id":"https:\/\/aga.so\/so\/#organization","name":"AGA - Akadeemiya Goboleedka AfSoomaaliga","url":"https:\/\/aga.so\/so\/","logo":{"@type":"ImageObject","inLanguage":"en-US","@id":"https:\/\/aga.so\/so\/#\/schema\/logo\/image\/","url":"https:\/\/aga.so\/so\/wp-content\/uploads\/2020\/10\/favicon-2.png","contentUrl":"https:\/\/aga.so\/so\/wp-content\/uploads\/2020\/10\/favicon-2.png","width":162,"height":83,"caption":"AGA - Akadeemiya Goboleedka AfSoomaaliga"},"image":{"@id":"https:\/\/aga.so\/so\/#\/schema\/logo\/image\/"}},{"@type":"Person","@id":"https:\/\/aga.so\/so\/#\/schema\/person\/c89f24807531a9b3d9df95d848134d50","name":"hgb","image":{"@type":"ImageObject","inLanguage":"en-US","@id":"https:\/\/aga.so\/so\/#\/schema\/person\/image\/","url":"https:\/\/secure.gravatar.com\/avatar\/9cc2fe393829a669530037fc59abb837?s=96&d=mm&r=g","contentUrl":"https:\/\/secure.gravatar.com\/avatar\/9cc2fe393829a669530037fc59abb837?s=96&d=mm&r=g","caption":"hgb"},"url":"https:\/\/aga.so\/so\/author\/hgb\/"}]}},"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/aga.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/2884"}],"collection":[{"href":"https:\/\/aga.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/aga.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/aga.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/users\/1"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/aga.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=2884"}],"version-history":[{"count":5,"href":"https:\/\/aga.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/2884\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":2929,"href":"https:\/\/aga.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/2884\/revisions\/2929"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/aga.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media\/2896"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/aga.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=2884"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/aga.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=2884"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/aga.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=2884"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}