{"id":2642,"date":"2020-01-05T06:35:37","date_gmt":"2020-01-05T06:35:37","guid":{"rendered":"https:\/\/aga.so\/so\/?p=2642"},"modified":"2020-09-29T15:48:36","modified_gmt":"2020-09-29T15:48:36","slug":"ararta-tixda-w-q-bare-c-laahi-sh-cabdi-aadan-gacanka","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/aga.so\/so\/ararta-tixda-w-q-bare-c-laahi-sh-cabdi-aadan-gacanka\/","title":{"rendered":"Ararta Tixda W\/Q: Bare C\/laahi Sh. Cabdi Aadan {Gacanka}"},"content":{"rendered":"<h4>Tixda Soomaalidu waxay leedahay rukumo ay ku dhisan tahay. Tix kastaa waxay ka koobnaan kartaa ugu badnaan: Seddax rukumood {qeybood}, ugu yaraanna laba rukumood. Seddaxda rukumood ee ay ka koobnaan karto waxay kala yihiin:<br \/>\n1. Arar.<br \/>\n2. Duluc iyo<br \/>\n3. Gunaanad.<\/h4>\n<h4>Guud ahaan abla ableynta qaabdhismeedka haltirinnada maansada. Marka aan isku soo xeerino macna-gudbintooda. Waxay u kala baxaan laba qeybood oo kala ah:<br \/>\n1. Tixooyin ku saleysan Arar, duluc iyo gunaanad.<br \/>\n2. Tixooyin ku saleysan Duluc iyo gunaanad.<\/h4>\n<h4>Qaabdhismeedka Tixooyinka lagu Ararto Awal-bilowgooda.<\/h4>\n<h4>Arartu Tixda oo keliya ku koobna Tiraabtana waa loo adeegsadaa. Balse, Tixda ayaa ku badan ararta marka loo eego Tiraabta. Arar suugaan ahaan waxaan ku qeexi karnaa: Gogoldhig lagu furfurto jaad halabuureed waliba oo loo adeegsado, ka hor inta aan loo gelin dulucda gundhigga u ah.<\/h4>\n<h4>Haddaba waxaa la is weyddiin karaa: Tixda maxaa loogu arartaa? Su\u2019aashaa jawaabteeda. Waxaan ku soo koobi karnaa: Laba xaaladood uun buu midkood ugu xishaa maanseeyuhu ararashadiisa tixeed oo kala ah.<br \/>\n1. Inuu ku soo jeediyo dareenka dadka uu u marinaayo.<br \/>\n2. Inuu ku heemaaliyo farshaxnimada tixdiisa.<\/h4>\n<h4>Jaadadka Ararta.<\/h4>\n<h4>Siyaabo kala duwan ayaa Tixda loogu arartaa. Inkastoo cilmibaaris qotadheer aan lagu sameyn jaadadka ararta. Haddana marka aan u kuurgalno maansooyinkii horey loogu soohey. Waxaan ku soo ururin karnaa: Shan qeybood oo qaarkood faracyo sii kala yeelanaya, oo kala ah:<br \/>\n1. Arar ammaan.<br \/>\n2. Arar sababeyn.<br \/>\n3. Arar halqabsiyeed.<br \/>\n4. Arar hogatusaaleyn.<br \/>\n5. Arar ekeyn ikk.<\/h4>\n<h4>Arar Ammaan: Waa jaadadka loogu adeegsiga badan yahay. Taana waxaa loo aaneyn karaa; is qabadka halabuurrada Soomaaliyeed oo had iyo jeeraale isu maansooda dhexdooda. Ha ugu badnaato xilligii toleysiga ee aaney Soomaalidu dowladdoobin. Gabyaaguna ahaa afhayeenka beeshiisa. Isammaanida ararasho, wuxuu gabyaagu ku muujiyaa maanso heli ogaanta hibada loo siiyey iyo innaan lagu gaarin. Tusaale aan u soo qaadano gabey xiraaleed uu mariyey Gooni Xaaji Cabdi oo ku arartey:<\/h4>\n<h4>Rag cayaayir iyo maanso waa, camalladiisiiye.<br \/>\nCeynaanka anigow hayiyo, celiyihiisiiye.<br \/>\nKol haddaan callaqo looma furo, cagaha dheeldheele.<br \/>\nLix iyo toban halaan soo cayimey, ceynka ka hingaagsha.<\/h4>\n<h4>Arar Sababeyn: Jaadkan ararasho waxaa lagu sababeeyaa waxa keeney Tixda marinteeda. Wuxuuna maansayahanku ku xusaa inuu gabyidii iska daayey, oo aanu muddo dheer wax tirin. Balse, ku soo noqoshadiisan ay keentey arrin la soo gudboonaatey oo uu ka aamusi waayey. Arar sababeynta waxaa inta badan loo adeegsadaa xaaladaha kala ah: Calaacalka, hawaala warran, waano, dardaaran ikk. Tusaale aan u soo qaadano gabey uu tiriyey Xaaji Aadan Afqallooc oo ku arartey:<\/h4>\n<h4>Ta\u2019da gabey waa taan ka tegey, tan iyo waa dheere.<br \/>\nIsticmaarku goortuu tagaan, teydii gaabsadaye.<br \/>\nCaawana ma tiriyeene, waa igu tahliigeene.<\/h4>\n<h4>Arar Halqabsiyeed: Waa magacdhabid lagu xuso Tixda oo siyaabo kala duwan loogu halqabsado. Siyaalaha kala duwanee loogu halqabsado. Waxaan ku soo ururin karnaa qoddobadan:<br \/>\n1. Inuu ugu halqabsado sababeynta Tixda.<br \/>\n2. Inuu ugu halqabsado qaddarin.<br \/>\n3. Inuu ugu halqabsado is ammaanid.<br \/>\n4. Inuu ugu halqabsado inuu duro.<br \/>\n5. Inuu ugu halqabsado dirasho.<br \/>\n6. Inuu ugu halqabsado sagootin.<\/h4>\n<h4>Arar Halqabsiyeedda Sababeynta. Tixooyinkii horey loogu soohey. Waxaa ka mid ah gabeygan uu mariyey Xaaji Cismaan Sharma\u2019arke, oo ku arartey:<br \/>\nTa\u2019da gabey Gurraasoow beryahan, daayey tiriskeede.<br \/>\nXalaan tow ka soo iri hurdada, goor dalool tegaye.<br \/>\nWaxaan tebayo mooyaane annoo, taahayaan kacaye.<\/h4>\n<h4>Arar Halqabsiyeedda Qaddarinta: Waxa uu maansayahanku ugu xishaa laba xaaladood midkood oo kala ah:<br \/>\n1. Inuu ugu halqabsado dhalyo ama dhareer wadaag ay yihiin.<br \/>\n2. Inuu ugu halqabsado u qirsanaan afmaalnimadiisa.<br \/>\nArar halqabsiyeeda qaddarinta: Tusaale aan u soo qaadano gabey uu tiriyey Khaliif Shiikh Maxamuud oo ku arartey:<\/h4>\n<h4>Aw Muusoow deelleyda gabey, adi laguu daaye.<br \/>\nAdigaa dabuubtiyo tixaha, soo dabaalbaraye.<br \/>\nDeelqaaf la\u2019aan waadigii, daadaheyn jiraye.<\/h4>\n<h4>Arar Halqabsi Ammaaneed: Tusaale aan u soo qaadano gabey uu tiriyey Salaan Carrabeey oo ku arartey:<br \/>\nLukaansi gabey Faaraxow, laaki ma laheynne.<br \/>\nLaflaf iyo lahwiga loo tirshiyo, jarey lurkiisiiye.<br \/>\nLa\u2019da xarafka laankiyo ba\u2019daan, looyar ku ahaaye.<br \/>\nNin awowgii loox ugu dhigoo, liil gelshaan ahaye.<\/h4>\n<h4>Arar Halqabsiyeedda Durida: Jaadkan ararasho wuxuu maansayahanku ugu xishaa. Si uu u duro tix uu mariyey ruuxa uu ku halqabsanayo. Isu maansood ha ka dhaxeeyo ama markaa ha is qabtaane. Tan kale, laba qaab ayuu ugu halqabsadaa oo kala ah: U qirsannaan murti heli ogaan gabey iyo liidid maanso gaabnidiisa. Tusaale aan u soo qaadano laba tixood oo ku kala aadan.<\/h4>\n<h4>Halqabsiga durida Tixda iyo u qirsanaanta gabey. Tusaale aan u soo qaadano. Gabey uu mariyey Cali Dhuux Aadan oo ku arartey:<\/h4>\n<h4>Ba\u2019da gabey Ismaaciil Miraa, buuni ku ahaaye.<br \/>\nBeydduu akhriyey ma oran, yaa beddela kaase.<br \/>\nMaantuuse runtii baalmarey, bilaha iideede.<\/h4>\n<h4>Halqabsiga durida Tixda iyo liidida maanseeyaha. Tusaale aan u soo qaadano gabey uu mariyey Samatar Baxnaan oo ku arartey:<\/h4>\n<h4>Laaqsi gabey Salaanow adaan, leyli ku ahaannin.<br \/>\nAan laaqin mooyee murtida, laaxin ka idleynin.<br \/>\nOo weli la liic liicayaad, rag isku laashaaye.<\/h4>\n<h4>Arar Halqabsiyeedda Dirashada: Jaadkan ararasho aad ayey ugu badan tahay maansada Soomaaliyeed. Waxaa xusid mudan sideedaba dirashada Tixda, halqabsi la\u2019aan ma noqoto ararashadeeda. Haddaan magac gaar ah lagu xusin. Waxaa lagu saleeyaa magac guud. Tusaale ahaan sida: Ragga bixitimayoow&#8230; iwm.<\/h4>\n<h4>Arar halqabsiyeedda dirashada, wuxuu maanseeyuhu ugu xishaa. La dardaaranka ruux uu igmadey inuu ka wargeeyo. Tusaale aan u soo qaadano gabey uu tiriyey Saalax Maley Direy oo ku arartey:<\/h4>\n<h4>Xuseenow arlada Hoobiyaad, aad is leedahaye.<br \/>\nAyaan iyo labaa kaaga hadhey, imitinkii meyle.<br \/>\nWaa amar Ilaah iyo shil yimid, waxad ku ooshaaye.<\/h4>\n<h4>Arar Halqabsiyeedda Sagootinta: Tusaale aan u soo qaadano gabey uu tiriyey Xuseen Dhiqle. Isagoo ku saleynaya magac guud, wuxuu yiri:<\/h4>\n<h4>Socdaalladatan joogow beraad, socod damceysaane.<br \/>\nSafaryahow salaama e haddaad, saaka naga guurto.<br \/>\nSangootigii iyo haddey sooryo idin raacdo.<br \/>\nSaraaryeelan meel simman bannaan, suudi iyo guure.<br \/>\nJidku waa sursuure haddii, Eebbe idin saabsho.<br \/>\nSabadii baddii waxaad u dhixi, laba siddeedaade.<\/h4>\n<h4>Arar hogatusaaleyn: Jaadkan ararasho wuxuu maansayahanku ku saleeyaa waaya-arragnimadiisii nololeed, fogaan arragiisa garasho.. iwm. Si uu ugu qiratusaaleyo waxa markaa taagan ka tixeyntooda. Tusaale waxaa innooga filan gabey uu mariyey Ismaaciil Mire oo ku arartey:<\/h4>\n<h4>In kastuu kabtiyo ama kallaho, ama kur dheer fuulo.<br \/>\nBad kalluun ku jira key tahay, amase koob shaaha.<br \/>\nKulligood addoomaha Rabbow, qeybshey kibistiiye.<br \/>\nNin waliba wixii loo katibey, waa la kulansiine.<br \/>\nNinna innaanu soo kororsanaheyn, kaa hala ogaado!<\/h4>\n<h4>Arar Ekeyn: Ekeyn ku soohida Tixda, ha lagu ararto ama ujeeddada ha lagu gudbiye. Waxay heemaalisaa Tixda farshaxannimadeeda murtiyeed. Jaadkan ararasho wuxuu maansayahanku ku saleeyaa waxa ku xeeran nolosheena noole iyo manooleba. Tusaale aan u soo qaadano tix uu mariyey gabyaa la oran jirey: Cabdille Laba Maar oo ku arartey:<\/h4>\n<h4>Rati weyne ridmada qaalin waa raro-gubyoodaaye.<br \/>\nHadduu aar wax reydalo dugaag sooma raadsado e.<br \/>\nRaxantana maroodiga u weyn yaa u rida geede.<br \/>\nRaageba riyaal buu ahaa reebey gabyaaye.<br \/>\nAnigana rankii baan ahoo reebey gaandhada e.<\/h4>\n<h4>Isku soo wada duuboo, jaadadkaa ararasho ee aan soo iftiimiyey. Marka laga tago waxaa jira, qeybo kale oo u baahan in si qotadheer oo cilmiyeed loo derso saleyntooda.<\/h4>\n<h4>W\/Q : Bare C\/laahi Sh. Cabdi Aadan {Gacanka}<\/h4>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Tixda Soomaalidu waxay leedahay rukumo ay ku dhisan tahay. Tix kastaa waxay ka koobnaan kartaa ugu badnaan: Seddax rukumood {qeybood}, ugu yaraanna laba rukumood. Seddaxda rukumood ee ay ka koobnaan karto waxay kala yihiin: 1. Arar. 2. Duluc iyo 3. Gunaanad. Guud ahaan abla ableynta qaabdhismeedka haltirinnada maansada. Marka aan isku soo xeerino macna-gudbintooda. Waxay [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":1,"featured_media":2305,"comment_status":"open","ping_status":"open","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"inline_featured_image":false},"categories":[24],"tags":[],"yoast_head":"<!-- This site is optimized with the Yoast SEO plugin v20.2.1 - https:\/\/yoast.com\/wordpress\/plugins\/seo\/ -->\n<title>Ararta Tixda W\/Q: Bare C\/laahi Sh. Cabdi Aadan {Gacanka} - Akademiye Goboleedka Af Soomaaliga AGA<\/title>\n<meta name=\"robots\" content=\"index, follow, max-snippet:-1, max-image-preview:large, max-video-preview:-1\" \/>\n<link rel=\"canonical\" href=\"https:\/\/aga.so\/so\/ararta-tixda-w-q-bare-c-laahi-sh-cabdi-aadan-gacanka\/\" \/>\n<meta property=\"og:locale\" content=\"en_US\" \/>\n<meta property=\"og:type\" content=\"article\" \/>\n<meta property=\"og:title\" content=\"Ararta Tixda W\/Q: Bare C\/laahi Sh. Cabdi Aadan {Gacanka} - Akademiye Goboleedka Af Soomaaliga AGA\" \/>\n<meta property=\"og:description\" content=\"Tixda Soomaalidu waxay leedahay rukumo ay ku dhisan tahay. Tix kastaa waxay ka koobnaan kartaa ugu badnaan: Seddax rukumood {qeybood}, ugu yaraanna laba rukumood. Seddaxda rukumood ee ay ka koobnaan karto waxay kala yihiin: 1. Arar. 2. Duluc iyo 3. Gunaanad. Guud ahaan abla ableynta qaabdhismeedka haltirinnada maansada. Marka aan isku soo xeerino macna-gudbintooda. Waxay [&hellip;]\" \/>\n<meta property=\"og:url\" content=\"https:\/\/aga.so\/so\/ararta-tixda-w-q-bare-c-laahi-sh-cabdi-aadan-gacanka\/\" \/>\n<meta property=\"og:site_name\" content=\"Akademiye Goboleedka Af Soomaaliga AGA\" \/>\n<meta property=\"article:published_time\" content=\"2020-01-05T06:35:37+00:00\" \/>\n<meta property=\"article:modified_time\" content=\"2020-09-29T15:48:36+00:00\" \/>\n<meta property=\"og:image\" content=\"https:\/\/aga.so\/so\/wp-content\/uploads\/2019\/10\/thumbnail_20180221_082526.jpg\" \/>\n\t<meta property=\"og:image:width\" content=\"1280\" \/>\n\t<meta property=\"og:image:height\" content=\"720\" \/>\n\t<meta property=\"og:image:type\" content=\"image\/jpeg\" \/>\n<meta name=\"author\" content=\"hgb\" \/>\n<meta name=\"twitter:card\" content=\"summary_large_image\" \/>\n<meta name=\"twitter:label1\" content=\"Written by\" \/>\n\t<meta name=\"twitter:data1\" content=\"hgb\" \/>\n\t<meta name=\"twitter:label2\" content=\"Est. reading time\" \/>\n\t<meta name=\"twitter:data2\" content=\"6 minutes\" \/>\n<script type=\"application\/ld+json\" class=\"yoast-schema-graph\">{\"@context\":\"https:\/\/schema.org\",\"@graph\":[{\"@type\":\"Article\",\"@id\":\"https:\/\/aga.so\/so\/ararta-tixda-w-q-bare-c-laahi-sh-cabdi-aadan-gacanka\/#article\",\"isPartOf\":{\"@id\":\"https:\/\/aga.so\/so\/ararta-tixda-w-q-bare-c-laahi-sh-cabdi-aadan-gacanka\/\"},\"author\":{\"name\":\"hgb\",\"@id\":\"https:\/\/aga.so\/so\/#\/schema\/person\/c89f24807531a9b3d9df95d848134d50\"},\"headline\":\"Ararta Tixda W\/Q: Bare C\/laahi Sh. Cabdi Aadan {Gacanka}\",\"datePublished\":\"2020-01-05T06:35:37+00:00\",\"dateModified\":\"2020-09-29T15:48:36+00:00\",\"mainEntityOfPage\":{\"@id\":\"https:\/\/aga.so\/so\/ararta-tixda-w-q-bare-c-laahi-sh-cabdi-aadan-gacanka\/\"},\"wordCount\":1112,\"commentCount\":0,\"publisher\":{\"@id\":\"https:\/\/aga.so\/so\/#organization\"},\"articleSection\":[\"Xulka Maqaallada\"],\"inLanguage\":\"en-US\",\"potentialAction\":[{\"@type\":\"CommentAction\",\"name\":\"Comment\",\"target\":[\"https:\/\/aga.so\/so\/ararta-tixda-w-q-bare-c-laahi-sh-cabdi-aadan-gacanka\/#respond\"]}]},{\"@type\":\"WebPage\",\"@id\":\"https:\/\/aga.so\/so\/ararta-tixda-w-q-bare-c-laahi-sh-cabdi-aadan-gacanka\/\",\"url\":\"https:\/\/aga.so\/so\/ararta-tixda-w-q-bare-c-laahi-sh-cabdi-aadan-gacanka\/\",\"name\":\"Ararta Tixda W\/Q: Bare C\/laahi Sh. Cabdi Aadan {Gacanka} - Akademiye Goboleedka Af Soomaaliga AGA\",\"isPartOf\":{\"@id\":\"https:\/\/aga.so\/so\/#website\"},\"datePublished\":\"2020-01-05T06:35:37+00:00\",\"dateModified\":\"2020-09-29T15:48:36+00:00\",\"breadcrumb\":{\"@id\":\"https:\/\/aga.so\/so\/ararta-tixda-w-q-bare-c-laahi-sh-cabdi-aadan-gacanka\/#breadcrumb\"},\"inLanguage\":\"en-US\",\"potentialAction\":[{\"@type\":\"ReadAction\",\"target\":[\"https:\/\/aga.so\/so\/ararta-tixda-w-q-bare-c-laahi-sh-cabdi-aadan-gacanka\/\"]}]},{\"@type\":\"BreadcrumbList\",\"@id\":\"https:\/\/aga.so\/so\/ararta-tixda-w-q-bare-c-laahi-sh-cabdi-aadan-gacanka\/#breadcrumb\",\"itemListElement\":[{\"@type\":\"ListItem\",\"position\":1,\"name\":\"Home\",\"item\":\"https:\/\/aga.so\/so\/\"},{\"@type\":\"ListItem\",\"position\":2,\"name\":\"Ararta Tixda W\/Q: Bare C\/laahi Sh. Cabdi Aadan {Gacanka}\"}]},{\"@type\":\"WebSite\",\"@id\":\"https:\/\/aga.so\/so\/#website\",\"url\":\"https:\/\/aga.so\/so\/\",\"name\":\"Akademiye Goboleedka Af Soomaaliga AGA\",\"description\":\"\",\"publisher\":{\"@id\":\"https:\/\/aga.so\/so\/#organization\"},\"potentialAction\":[{\"@type\":\"SearchAction\",\"target\":{\"@type\":\"EntryPoint\",\"urlTemplate\":\"https:\/\/aga.so\/so\/?s={search_term_string}\"},\"query-input\":\"required name=search_term_string\"}],\"inLanguage\":\"en-US\"},{\"@type\":\"Organization\",\"@id\":\"https:\/\/aga.so\/so\/#organization\",\"name\":\"AGA - Akadeemiya Goboleedka AfSoomaaliga\",\"url\":\"https:\/\/aga.so\/so\/\",\"logo\":{\"@type\":\"ImageObject\",\"inLanguage\":\"en-US\",\"@id\":\"https:\/\/aga.so\/so\/#\/schema\/logo\/image\/\",\"url\":\"https:\/\/aga.so\/so\/wp-content\/uploads\/2020\/10\/favicon-2.png\",\"contentUrl\":\"https:\/\/aga.so\/so\/wp-content\/uploads\/2020\/10\/favicon-2.png\",\"width\":162,\"height\":83,\"caption\":\"AGA - Akadeemiya Goboleedka AfSoomaaliga\"},\"image\":{\"@id\":\"https:\/\/aga.so\/so\/#\/schema\/logo\/image\/\"}},{\"@type\":\"Person\",\"@id\":\"https:\/\/aga.so\/so\/#\/schema\/person\/c89f24807531a9b3d9df95d848134d50\",\"name\":\"hgb\",\"image\":{\"@type\":\"ImageObject\",\"inLanguage\":\"en-US\",\"@id\":\"https:\/\/aga.so\/so\/#\/schema\/person\/image\/\",\"url\":\"https:\/\/secure.gravatar.com\/avatar\/9cc2fe393829a669530037fc59abb837?s=96&d=mm&r=g\",\"contentUrl\":\"https:\/\/secure.gravatar.com\/avatar\/9cc2fe393829a669530037fc59abb837?s=96&d=mm&r=g\",\"caption\":\"hgb\"},\"url\":\"https:\/\/aga.so\/so\/author\/hgb\/\"}]}<\/script>\n<!-- \/ Yoast SEO plugin. -->","yoast_head_json":{"title":"Ararta Tixda W\/Q: Bare C\/laahi Sh. Cabdi Aadan {Gacanka} - Akademiye Goboleedka Af Soomaaliga AGA","robots":{"index":"index","follow":"follow","max-snippet":"max-snippet:-1","max-image-preview":"max-image-preview:large","max-video-preview":"max-video-preview:-1"},"canonical":"https:\/\/aga.so\/so\/ararta-tixda-w-q-bare-c-laahi-sh-cabdi-aadan-gacanka\/","og_locale":"en_US","og_type":"article","og_title":"Ararta Tixda W\/Q: Bare C\/laahi Sh. Cabdi Aadan {Gacanka} - Akademiye Goboleedka Af Soomaaliga AGA","og_description":"Tixda Soomaalidu waxay leedahay rukumo ay ku dhisan tahay. Tix kastaa waxay ka koobnaan kartaa ugu badnaan: Seddax rukumood {qeybood}, ugu yaraanna laba rukumood. Seddaxda rukumood ee ay ka koobnaan karto waxay kala yihiin: 1. Arar. 2. Duluc iyo 3. Gunaanad. Guud ahaan abla ableynta qaabdhismeedka haltirinnada maansada. Marka aan isku soo xeerino macna-gudbintooda. Waxay [&hellip;]","og_url":"https:\/\/aga.so\/so\/ararta-tixda-w-q-bare-c-laahi-sh-cabdi-aadan-gacanka\/","og_site_name":"Akademiye Goboleedka Af Soomaaliga AGA","article_published_time":"2020-01-05T06:35:37+00:00","article_modified_time":"2020-09-29T15:48:36+00:00","og_image":[{"width":1280,"height":720,"url":"https:\/\/aga.so\/so\/wp-content\/uploads\/2019\/10\/thumbnail_20180221_082526.jpg","type":"image\/jpeg"}],"author":"hgb","twitter_card":"summary_large_image","twitter_misc":{"Written by":"hgb","Est. reading time":"6 minutes"},"schema":{"@context":"https:\/\/schema.org","@graph":[{"@type":"Article","@id":"https:\/\/aga.so\/so\/ararta-tixda-w-q-bare-c-laahi-sh-cabdi-aadan-gacanka\/#article","isPartOf":{"@id":"https:\/\/aga.so\/so\/ararta-tixda-w-q-bare-c-laahi-sh-cabdi-aadan-gacanka\/"},"author":{"name":"hgb","@id":"https:\/\/aga.so\/so\/#\/schema\/person\/c89f24807531a9b3d9df95d848134d50"},"headline":"Ararta Tixda W\/Q: Bare C\/laahi Sh. Cabdi Aadan {Gacanka}","datePublished":"2020-01-05T06:35:37+00:00","dateModified":"2020-09-29T15:48:36+00:00","mainEntityOfPage":{"@id":"https:\/\/aga.so\/so\/ararta-tixda-w-q-bare-c-laahi-sh-cabdi-aadan-gacanka\/"},"wordCount":1112,"commentCount":0,"publisher":{"@id":"https:\/\/aga.so\/so\/#organization"},"articleSection":["Xulka Maqaallada"],"inLanguage":"en-US","potentialAction":[{"@type":"CommentAction","name":"Comment","target":["https:\/\/aga.so\/so\/ararta-tixda-w-q-bare-c-laahi-sh-cabdi-aadan-gacanka\/#respond"]}]},{"@type":"WebPage","@id":"https:\/\/aga.so\/so\/ararta-tixda-w-q-bare-c-laahi-sh-cabdi-aadan-gacanka\/","url":"https:\/\/aga.so\/so\/ararta-tixda-w-q-bare-c-laahi-sh-cabdi-aadan-gacanka\/","name":"Ararta Tixda W\/Q: Bare C\/laahi Sh. Cabdi Aadan {Gacanka} - Akademiye Goboleedka Af Soomaaliga AGA","isPartOf":{"@id":"https:\/\/aga.so\/so\/#website"},"datePublished":"2020-01-05T06:35:37+00:00","dateModified":"2020-09-29T15:48:36+00:00","breadcrumb":{"@id":"https:\/\/aga.so\/so\/ararta-tixda-w-q-bare-c-laahi-sh-cabdi-aadan-gacanka\/#breadcrumb"},"inLanguage":"en-US","potentialAction":[{"@type":"ReadAction","target":["https:\/\/aga.so\/so\/ararta-tixda-w-q-bare-c-laahi-sh-cabdi-aadan-gacanka\/"]}]},{"@type":"BreadcrumbList","@id":"https:\/\/aga.so\/so\/ararta-tixda-w-q-bare-c-laahi-sh-cabdi-aadan-gacanka\/#breadcrumb","itemListElement":[{"@type":"ListItem","position":1,"name":"Home","item":"https:\/\/aga.so\/so\/"},{"@type":"ListItem","position":2,"name":"Ararta Tixda W\/Q: Bare C\/laahi Sh. Cabdi Aadan {Gacanka}"}]},{"@type":"WebSite","@id":"https:\/\/aga.so\/so\/#website","url":"https:\/\/aga.so\/so\/","name":"Akademiye Goboleedka Af Soomaaliga AGA","description":"","publisher":{"@id":"https:\/\/aga.so\/so\/#organization"},"potentialAction":[{"@type":"SearchAction","target":{"@type":"EntryPoint","urlTemplate":"https:\/\/aga.so\/so\/?s={search_term_string}"},"query-input":"required name=search_term_string"}],"inLanguage":"en-US"},{"@type":"Organization","@id":"https:\/\/aga.so\/so\/#organization","name":"AGA - Akadeemiya Goboleedka AfSoomaaliga","url":"https:\/\/aga.so\/so\/","logo":{"@type":"ImageObject","inLanguage":"en-US","@id":"https:\/\/aga.so\/so\/#\/schema\/logo\/image\/","url":"https:\/\/aga.so\/so\/wp-content\/uploads\/2020\/10\/favicon-2.png","contentUrl":"https:\/\/aga.so\/so\/wp-content\/uploads\/2020\/10\/favicon-2.png","width":162,"height":83,"caption":"AGA - Akadeemiya Goboleedka AfSoomaaliga"},"image":{"@id":"https:\/\/aga.so\/so\/#\/schema\/logo\/image\/"}},{"@type":"Person","@id":"https:\/\/aga.so\/so\/#\/schema\/person\/c89f24807531a9b3d9df95d848134d50","name":"hgb","image":{"@type":"ImageObject","inLanguage":"en-US","@id":"https:\/\/aga.so\/so\/#\/schema\/person\/image\/","url":"https:\/\/secure.gravatar.com\/avatar\/9cc2fe393829a669530037fc59abb837?s=96&d=mm&r=g","contentUrl":"https:\/\/secure.gravatar.com\/avatar\/9cc2fe393829a669530037fc59abb837?s=96&d=mm&r=g","caption":"hgb"},"url":"https:\/\/aga.so\/so\/author\/hgb\/"}]}},"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/aga.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/2642"}],"collection":[{"href":"https:\/\/aga.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/aga.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/aga.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/users\/1"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/aga.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=2642"}],"version-history":[{"count":3,"href":"https:\/\/aga.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/2642\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":2645,"href":"https:\/\/aga.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/2642\/revisions\/2645"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/aga.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media\/2305"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/aga.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=2642"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/aga.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=2642"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/aga.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=2642"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}