{"id":2495,"date":"2019-12-14T04:10:29","date_gmt":"2019-12-14T04:10:29","guid":{"rendered":"https:\/\/aga.so\/so\/?p=2495"},"modified":"2020-11-02T13:58:40","modified_gmt":"2020-11-02T13:58:40","slug":"xuruufta-jacaylka","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/aga.so\/so\/xuruufta-jacaylka\/","title":{"rendered":"Xuruufta Jacaylka"},"content":{"rendered":"<p>Himhimmowga mugdiga habeenkoo soo galay ayay Hani u soo baxday jardiinka gurigooda hortiisa ah. Mugdiga sii xoogaysanaya waxaa garab socday, neecow-raxmadeed dubka xanataysaysa. Hawadoo qabow iyo shanqartoo yar awgeed, waxay Hani u sahashay, inay ku nasato riyo-hawaawi. Maankay ka sawiratay kana jeclaysatay nolosheedoo raynrayn la hodantay.<\/p>\n<p>Iyadoo eegaysa samada xiddiguhu teelteelka ku yihiin, ayay aragtay muug ka soo leexday waddada soona aaday dhankeeda. Wajigiisa ku soo dhawaaday garatay inuu yahay Liibaan. \u2018Waqti aan kuu baahnaa baa timid.\u2019 \u2018Waa inaan ka hadlaa caawa, guuxa laabtayda.\u2019 Uurkay ka wada hadleen.\u00a0Indhahay iska salaameen. Liibaan ayayse eegmadu cuslaysay. Labada gacan ayuu isku maraamaray isagoo taagan. Eegmadeedaa ka kala daadisay hadalladuu isku soo aadistay. \u201cWaan ku jeclahay!\u201d ayuu yiri arar la\u2019aan isagoo ogaal maqan. Waa sii watay, isagoo markan xoog dareemay. \u201cWaqti dheer ayay igu qaadatay inaan iraahdo hadalkan. Daqiiqad waliba fikirkaaga ayaa ii diidayay inaan ka hadlo dareenkayga.\u201d<\/p>\n<p>Iyadoo dhinac isku janjeerinaysa ayay ka durugtay, meel u fariistana u bannaysay. \u201cMa maqashay hadalkayga? Waxaan ku iri, waan ku jeclahay.\u201d ayuu weydiiyay markuu fariistay. Hani waxay sii wadatay hawaawiga riyada. Aamusnaanteeduu dareensaday.<\/p>\n<p>\u201cIi warran?\u201d ayay tiri iyadoon soo eegin. &#8220;Waan kuu xiisay.&#8221; ayuu ku nabdaadiyay isagoo shakisan. Si laba-labayn ah ayuu u eegay, oo dhawr mar hadalka hakiyay. Eegmada wajigeeda welwelka la\u2019 ayuu ku il-doogsaday.<br \/>\nLabadooda, midna ma garanayo meelay ka bilaabatay isi-soo-jiidashadan. Intay eegtay ka jeesatay iyadoo dhoollacaddaynaysa. Ma isagay u muusootay mise nafteeda. Laba sana iyo dheeraad ayay bilba bil ku ballaminaysay inuu soo gaaro halkan.\u00a0Hanina sanadahaas xusuus iyo xanuun bay uga soo kabatay xiriir fashilmay, tagaabada iyo taageerada Liibaan. Qalbiyadooda iskumay warheyn.<\/p>\n<p>\u201cWaxaan u baahanahay caddayn.\u201d ayay u tiri si deggan.<br \/>\n\u201cCaddayn maxay ah!\u201d ayuu lahawareer weyddiiyay.<br \/>\n\u201cMaxaa caddaynaya inaad i jeceshahay?\u201d<br \/>\n\u201c\u2026&#8230;&#8230;&#8230;&#8230;&#8230;..\u201d Irkig iyo anfariir buu la aamuusay.<br \/>\n\u201cHoray waa laygu yiri, waan ku jeclahay, dhibkii i soo gaarayna cid kaaga ogaal badan ma jirto.\u201d<\/p>\n<p>Iyadoo og ra\u2019yiguu ka qabay taariihkdeedii, inay tiraahdo hadalkan ayuu ka gubtay. Inay is garab dhigto isagoo si walba ugu gacan ahaa dhibkii gaaray iyo nin uga dhaqaaqay wadda dhexdeeda ayaa la ahaan weysay.<br \/>\n\u201cSideed isku miisaan u saartay, nin boggaaga dhaawacay iyo kii boogtaada dhayay!\u201d ayuu ku yiri luqad aysan ka marnayn xanaaq iyo xanuun.<\/p>\n<p>\u201cDammaanad ayaan u baahanahay.\u201d ayay kula asaraartay.<br \/>\nDooddeeduu ka gidaaday. Markuu eegaba baraad la\u2019aan bay eegtaa. Tamartuu ku raadinayay inuu isku difaaco ama ku caddeeyo rabitaankiisa ayuu ku dhex cara qarxay. Mar quruu karaarka jabiyay. \u201cWaxaa la yiri \u2018dumarka waligoodba waxay jecelyihiin ninka u daran. \u201cWaa dhaqan doqonnimo ah oo caada idiin ah. Muxuu garaadkiisu u tarayaa ruuxa, haddii uusan u kala sooci karin, wax u daran iyo wax u dana? Maya! Haddii aad is barbar dhigayso nin ku dilay, oo dhib mooyee aadan kala kulmin wax kale iyo mid ku taamaya saacad kasta siduu kugu hanan lahaa, waa nasiibdarro! Sideen u caddeeyaa inaan ku jeclahay? Ma inaan nafta kuu gooyo, si aad u hubsato inaan ku jeclahay anna taariikhda u galo?\u201d halkaas buu ku neefsaday.<\/p>\n<p>\u201cLiibaan?\u201d ayay tiri, iyadoo eegaysa wajigiisa dareenka la diihaalowbay ee dayaxa soo baxaya ka dhex muuqanaya.<br \/>\nMarkuu neef qaatay ayuu rakaaday doodda. \u201cWaxaad iga doonayso waa maxay? Maxaa iga doonaysaa ii sheeg? Maxaa ka garanaysaa wax\u2026\u2026\u2026&#8230;&#8230;&#8230;.!\u201d<br \/>\n&#8220;Anigaba waan ku jeclahay.\u201d ayay uga naxsatay iyadoo gacanteeda ku soo qabanaysa tiisa laaban ee naxdinta la qabowday. Hadalkeeduu ka faranaxay.<br \/>\n\u201cKu-ku celi.\u201d<br \/>\nWaan ku jeclahay.\u201d<br \/>\n\u201c\u2026\u2026\u2026\u2026\u2026&#8230;&#8230;&#8230;&#8230;..!\u201d<br \/>\n\u201cHaddii aad ogaan lahayd sidaan kuu jeclahay Liibaan&#8221;.<br \/>\n\u201cMaxaa tiri!\u201d<br \/>\n\u201cAad baan kuu jeclahay.\u201d<br \/>\n\u201c\u2026\u2026\u2026\u2026\u2026&#8230;&#8230;.\u201d degganaanteedaa sii ashqaraarisay.<\/p>\n<p>Haddii aadan i dhihi lahayna, anigaa ku dhihi lahaa. Laakiin, laakiin haddii aad iiga hormatay, waxay rahan u tahay xiriirkeenna mustaqbalka.<\/p>\n<p>\u201cWaxaa u caddaatay Liibaan, inay Hani ku jeclaatay aqligeeda ka hor qalbigeeda. Eegmadeeduu laba jeclaaday. Waa sii fiiriyay fiira dheer.<\/p>\n<p>\u201cWaan ku jeclahay.\u201d ayay uga jawaabtay eegmadiisa kalgacalaysan.<\/p>\n<p>Waa qoslay, ilmeeyay oo aamusay. Hadalkeeday ku celcelisay hawada maqalka dhegtiisa.<\/p>\n<p>\u2018Waan ku jeclahay\u2026ku Jeclahay\u2026 jeclahay\u2026 lahay\u2026 hay\u2026.<\/p>\n<p>Ololka naftiisuu laabta ka higgaadshay.<strong> \u201cJ..a..c..a..y..l.\u201d<\/strong><\/p>\n<p><strong>W\/ Q:-<\/strong><br \/>\n<strong>Saynab Xaaji Axmed \u201cUgbaad\u201d<\/strong><\/p>\n<p><img decoding=\"async\" loading=\"lazy\" class=\"alignnone size-full wp-image-2500\" src=\"https:\/\/aga.so\/so\/wp-content\/uploads\/2019\/12\/pic_1312_092931_1576298285692.jpg\" alt=\"\" width=\"720\" height=\"691\" srcset=\"https:\/\/aga.so\/so\/wp-content\/uploads\/2019\/12\/pic_1312_092931_1576298285692.jpg 720w, https:\/\/aga.so\/so\/wp-content\/uploads\/2019\/12\/pic_1312_092931_1576298285692-300x288.jpg 300w\" sizes=\"(max-width: 720px) 100vw, 720px\" \/><\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Himhimmowga mugdiga habeenkoo soo galay ayay Hani u soo baxday jardiinka gurigooda hortiisa ah. Mugdiga sii xoogaysanaya waxaa garab socday, neecow-raxmadeed dubka xanataysaysa. Hawadoo qabow iyo shanqartoo yar awgeed, waxay Hani u sahashay, inay ku nasato riyo-hawaawi. Maankay ka sawiratay kana jeclaysatay nolosheedoo raynrayn la hodantay. Iyadoo eegaysa samada xiddiguhu teelteelka ku yihiin, ayay aragtay [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":1,"featured_media":4164,"comment_status":"open","ping_status":"open","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"inline_featured_image":false},"categories":[33],"tags":[],"yoast_head":"<!-- This site is optimized with the Yoast SEO plugin v20.2.1 - https:\/\/yoast.com\/wordpress\/plugins\/seo\/ -->\n<title>Xuruufta Jacaylka - Akademiye Goboleedka Af Soomaaliga AGA<\/title>\n<meta name=\"robots\" content=\"index, follow, max-snippet:-1, max-image-preview:large, max-video-preview:-1\" \/>\n<link rel=\"canonical\" href=\"https:\/\/aga.so\/so\/xuruufta-jacaylka\/\" \/>\n<meta property=\"og:locale\" content=\"en_US\" \/>\n<meta property=\"og:type\" content=\"article\" \/>\n<meta property=\"og:title\" content=\"Xuruufta Jacaylka - Akademiye Goboleedka Af Soomaaliga AGA\" \/>\n<meta property=\"og:description\" content=\"Himhimmowga mugdiga habeenkoo soo galay ayay Hani u soo baxday jardiinka gurigooda hortiisa ah. Mugdiga sii xoogaysanaya waxaa garab socday, neecow-raxmadeed dubka xanataysaysa. Hawadoo qabow iyo shanqartoo yar awgeed, waxay Hani u sahashay, inay ku nasato riyo-hawaawi. Maankay ka sawiratay kana jeclaysatay nolosheedoo raynrayn la hodantay. Iyadoo eegaysa samada xiddiguhu teelteelka ku yihiin, ayay aragtay [&hellip;]\" \/>\n<meta property=\"og:url\" content=\"https:\/\/aga.so\/so\/xuruufta-jacaylka\/\" \/>\n<meta property=\"og:site_name\" content=\"Akademiye Goboleedka Af Soomaaliga AGA\" \/>\n<meta property=\"article:published_time\" content=\"2019-12-14T04:10:29+00:00\" \/>\n<meta property=\"article:modified_time\" content=\"2020-11-02T13:58:40+00:00\" \/>\n<meta property=\"og:image\" content=\"https:\/\/aga.so\/so\/wp-content\/uploads\/2020\/08\/WhatsApp-Image-2020-11-02-at-05.20.31-e1604325513710.jpeg\" \/>\n\t<meta property=\"og:image:width\" content=\"810\" \/>\n\t<meta property=\"og:image:height\" content=\"779\" \/>\n\t<meta property=\"og:image:type\" content=\"image\/jpeg\" \/>\n<meta name=\"author\" content=\"hgb\" \/>\n<meta name=\"twitter:card\" content=\"summary_large_image\" \/>\n<meta name=\"twitter:label1\" content=\"Written by\" \/>\n\t<meta name=\"twitter:data1\" content=\"hgb\" \/>\n\t<meta name=\"twitter:label2\" content=\"Est. reading time\" \/>\n\t<meta name=\"twitter:data2\" content=\"3 minutes\" \/>\n<script type=\"application\/ld+json\" class=\"yoast-schema-graph\">{\"@context\":\"https:\/\/schema.org\",\"@graph\":[{\"@type\":\"Article\",\"@id\":\"https:\/\/aga.so\/so\/xuruufta-jacaylka\/#article\",\"isPartOf\":{\"@id\":\"https:\/\/aga.so\/so\/xuruufta-jacaylka\/\"},\"author\":{\"name\":\"hgb\",\"@id\":\"https:\/\/aga.so\/so\/#\/schema\/person\/c89f24807531a9b3d9df95d848134d50\"},\"headline\":\"Xuruufta Jacaylka\",\"datePublished\":\"2019-12-14T04:10:29+00:00\",\"dateModified\":\"2020-11-02T13:58:40+00:00\",\"mainEntityOfPage\":{\"@id\":\"https:\/\/aga.so\/so\/xuruufta-jacaylka\/\"},\"wordCount\":657,\"commentCount\":0,\"publisher\":{\"@id\":\"https:\/\/aga.so\/so\/#organization\"},\"articleSection\":[\"Sheeko\"],\"inLanguage\":\"en-US\",\"potentialAction\":[{\"@type\":\"CommentAction\",\"name\":\"Comment\",\"target\":[\"https:\/\/aga.so\/so\/xuruufta-jacaylka\/#respond\"]}]},{\"@type\":\"WebPage\",\"@id\":\"https:\/\/aga.so\/so\/xuruufta-jacaylka\/\",\"url\":\"https:\/\/aga.so\/so\/xuruufta-jacaylka\/\",\"name\":\"Xuruufta Jacaylka - Akademiye Goboleedka Af Soomaaliga AGA\",\"isPartOf\":{\"@id\":\"https:\/\/aga.so\/so\/#website\"},\"datePublished\":\"2019-12-14T04:10:29+00:00\",\"dateModified\":\"2020-11-02T13:58:40+00:00\",\"breadcrumb\":{\"@id\":\"https:\/\/aga.so\/so\/xuruufta-jacaylka\/#breadcrumb\"},\"inLanguage\":\"en-US\",\"potentialAction\":[{\"@type\":\"ReadAction\",\"target\":[\"https:\/\/aga.so\/so\/xuruufta-jacaylka\/\"]}]},{\"@type\":\"BreadcrumbList\",\"@id\":\"https:\/\/aga.so\/so\/xuruufta-jacaylka\/#breadcrumb\",\"itemListElement\":[{\"@type\":\"ListItem\",\"position\":1,\"name\":\"Home\",\"item\":\"https:\/\/aga.so\/so\/\"},{\"@type\":\"ListItem\",\"position\":2,\"name\":\"Xuruufta Jacaylka\"}]},{\"@type\":\"WebSite\",\"@id\":\"https:\/\/aga.so\/so\/#website\",\"url\":\"https:\/\/aga.so\/so\/\",\"name\":\"Akademiye Goboleedka Af Soomaaliga AGA\",\"description\":\"\",\"publisher\":{\"@id\":\"https:\/\/aga.so\/so\/#organization\"},\"potentialAction\":[{\"@type\":\"SearchAction\",\"target\":{\"@type\":\"EntryPoint\",\"urlTemplate\":\"https:\/\/aga.so\/so\/?s={search_term_string}\"},\"query-input\":\"required name=search_term_string\"}],\"inLanguage\":\"en-US\"},{\"@type\":\"Organization\",\"@id\":\"https:\/\/aga.so\/so\/#organization\",\"name\":\"AGA - Akadeemiya Goboleedka AfSoomaaliga\",\"url\":\"https:\/\/aga.so\/so\/\",\"logo\":{\"@type\":\"ImageObject\",\"inLanguage\":\"en-US\",\"@id\":\"https:\/\/aga.so\/so\/#\/schema\/logo\/image\/\",\"url\":\"https:\/\/aga.so\/so\/wp-content\/uploads\/2020\/10\/favicon-2.png\",\"contentUrl\":\"https:\/\/aga.so\/so\/wp-content\/uploads\/2020\/10\/favicon-2.png\",\"width\":162,\"height\":83,\"caption\":\"AGA - Akadeemiya Goboleedka AfSoomaaliga\"},\"image\":{\"@id\":\"https:\/\/aga.so\/so\/#\/schema\/logo\/image\/\"}},{\"@type\":\"Person\",\"@id\":\"https:\/\/aga.so\/so\/#\/schema\/person\/c89f24807531a9b3d9df95d848134d50\",\"name\":\"hgb\",\"image\":{\"@type\":\"ImageObject\",\"inLanguage\":\"en-US\",\"@id\":\"https:\/\/aga.so\/so\/#\/schema\/person\/image\/\",\"url\":\"https:\/\/secure.gravatar.com\/avatar\/9cc2fe393829a669530037fc59abb837?s=96&d=mm&r=g\",\"contentUrl\":\"https:\/\/secure.gravatar.com\/avatar\/9cc2fe393829a669530037fc59abb837?s=96&d=mm&r=g\",\"caption\":\"hgb\"},\"url\":\"https:\/\/aga.so\/so\/author\/hgb\/\"}]}<\/script>\n<!-- \/ Yoast SEO plugin. -->","yoast_head_json":{"title":"Xuruufta Jacaylka - Akademiye Goboleedka Af Soomaaliga AGA","robots":{"index":"index","follow":"follow","max-snippet":"max-snippet:-1","max-image-preview":"max-image-preview:large","max-video-preview":"max-video-preview:-1"},"canonical":"https:\/\/aga.so\/so\/xuruufta-jacaylka\/","og_locale":"en_US","og_type":"article","og_title":"Xuruufta Jacaylka - Akademiye Goboleedka Af Soomaaliga AGA","og_description":"Himhimmowga mugdiga habeenkoo soo galay ayay Hani u soo baxday jardiinka gurigooda hortiisa ah. Mugdiga sii xoogaysanaya waxaa garab socday, neecow-raxmadeed dubka xanataysaysa. Hawadoo qabow iyo shanqartoo yar awgeed, waxay Hani u sahashay, inay ku nasato riyo-hawaawi. Maankay ka sawiratay kana jeclaysatay nolosheedoo raynrayn la hodantay. Iyadoo eegaysa samada xiddiguhu teelteelka ku yihiin, ayay aragtay [&hellip;]","og_url":"https:\/\/aga.so\/so\/xuruufta-jacaylka\/","og_site_name":"Akademiye Goboleedka Af Soomaaliga AGA","article_published_time":"2019-12-14T04:10:29+00:00","article_modified_time":"2020-11-02T13:58:40+00:00","og_image":[{"width":810,"height":779,"url":"https:\/\/aga.so\/so\/wp-content\/uploads\/2020\/08\/WhatsApp-Image-2020-11-02-at-05.20.31-e1604325513710.jpeg","type":"image\/jpeg"}],"author":"hgb","twitter_card":"summary_large_image","twitter_misc":{"Written by":"hgb","Est. reading time":"3 minutes"},"schema":{"@context":"https:\/\/schema.org","@graph":[{"@type":"Article","@id":"https:\/\/aga.so\/so\/xuruufta-jacaylka\/#article","isPartOf":{"@id":"https:\/\/aga.so\/so\/xuruufta-jacaylka\/"},"author":{"name":"hgb","@id":"https:\/\/aga.so\/so\/#\/schema\/person\/c89f24807531a9b3d9df95d848134d50"},"headline":"Xuruufta Jacaylka","datePublished":"2019-12-14T04:10:29+00:00","dateModified":"2020-11-02T13:58:40+00:00","mainEntityOfPage":{"@id":"https:\/\/aga.so\/so\/xuruufta-jacaylka\/"},"wordCount":657,"commentCount":0,"publisher":{"@id":"https:\/\/aga.so\/so\/#organization"},"articleSection":["Sheeko"],"inLanguage":"en-US","potentialAction":[{"@type":"CommentAction","name":"Comment","target":["https:\/\/aga.so\/so\/xuruufta-jacaylka\/#respond"]}]},{"@type":"WebPage","@id":"https:\/\/aga.so\/so\/xuruufta-jacaylka\/","url":"https:\/\/aga.so\/so\/xuruufta-jacaylka\/","name":"Xuruufta Jacaylka - Akademiye Goboleedka Af Soomaaliga AGA","isPartOf":{"@id":"https:\/\/aga.so\/so\/#website"},"datePublished":"2019-12-14T04:10:29+00:00","dateModified":"2020-11-02T13:58:40+00:00","breadcrumb":{"@id":"https:\/\/aga.so\/so\/xuruufta-jacaylka\/#breadcrumb"},"inLanguage":"en-US","potentialAction":[{"@type":"ReadAction","target":["https:\/\/aga.so\/so\/xuruufta-jacaylka\/"]}]},{"@type":"BreadcrumbList","@id":"https:\/\/aga.so\/so\/xuruufta-jacaylka\/#breadcrumb","itemListElement":[{"@type":"ListItem","position":1,"name":"Home","item":"https:\/\/aga.so\/so\/"},{"@type":"ListItem","position":2,"name":"Xuruufta Jacaylka"}]},{"@type":"WebSite","@id":"https:\/\/aga.so\/so\/#website","url":"https:\/\/aga.so\/so\/","name":"Akademiye Goboleedka Af Soomaaliga AGA","description":"","publisher":{"@id":"https:\/\/aga.so\/so\/#organization"},"potentialAction":[{"@type":"SearchAction","target":{"@type":"EntryPoint","urlTemplate":"https:\/\/aga.so\/so\/?s={search_term_string}"},"query-input":"required name=search_term_string"}],"inLanguage":"en-US"},{"@type":"Organization","@id":"https:\/\/aga.so\/so\/#organization","name":"AGA - Akadeemiya Goboleedka AfSoomaaliga","url":"https:\/\/aga.so\/so\/","logo":{"@type":"ImageObject","inLanguage":"en-US","@id":"https:\/\/aga.so\/so\/#\/schema\/logo\/image\/","url":"https:\/\/aga.so\/so\/wp-content\/uploads\/2020\/10\/favicon-2.png","contentUrl":"https:\/\/aga.so\/so\/wp-content\/uploads\/2020\/10\/favicon-2.png","width":162,"height":83,"caption":"AGA - Akadeemiya Goboleedka AfSoomaaliga"},"image":{"@id":"https:\/\/aga.so\/so\/#\/schema\/logo\/image\/"}},{"@type":"Person","@id":"https:\/\/aga.so\/so\/#\/schema\/person\/c89f24807531a9b3d9df95d848134d50","name":"hgb","image":{"@type":"ImageObject","inLanguage":"en-US","@id":"https:\/\/aga.so\/so\/#\/schema\/person\/image\/","url":"https:\/\/secure.gravatar.com\/avatar\/9cc2fe393829a669530037fc59abb837?s=96&d=mm&r=g","contentUrl":"https:\/\/secure.gravatar.com\/avatar\/9cc2fe393829a669530037fc59abb837?s=96&d=mm&r=g","caption":"hgb"},"url":"https:\/\/aga.so\/so\/author\/hgb\/"}]}},"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/aga.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/2495"}],"collection":[{"href":"https:\/\/aga.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/aga.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/aga.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/users\/1"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/aga.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=2495"}],"version-history":[{"count":5,"href":"https:\/\/aga.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/2495\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":2503,"href":"https:\/\/aga.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/2495\/revisions\/2503"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/aga.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media\/4164"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/aga.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=2495"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/aga.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=2495"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/aga.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=2495"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}