{"id":2365,"date":"2019-10-28T07:31:26","date_gmt":"2019-10-28T07:31:26","guid":{"rendered":"https:\/\/aga.so\/so\/?p=2365"},"modified":"2020-09-29T15:53:17","modified_gmt":"2020-09-29T15:53:17","slug":"maansada-soomaalida-iyo-adeegsiga-afmaldahyada","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/aga.so\/so\/maansada-soomaalida-iyo-adeegsiga-afmaldahyada\/","title":{"rendered":"Maansada Soomaalida iyo Adeegsiga Afmaldahyada"},"content":{"rendered":"<h4>Maansada aad baa loogu adeegsadaa afmaldahyada, oo u tara arrimo ay ka mid yihiin: Waxay bilaan tixda, waxay heemaaliyaan farshaxannimadeeda maanseed, waxay dhumuc cusleeyaan farriinta iyo macna-gudbinteeda ikk.<\/h4>\n<h4>Way badan yihiin jaadadka afmaldahyada ee aadka loogu adeegsado maansada; waxaanse qormadan ku soo qaadanaynaa afar ka mid ah, oo kala ah<\/h4>\n<h4>1. Sarbeebta<br \/>\n2. Ekeynta<br \/>\n3. Humaageynta<br \/>\n4. Qofaynta.<\/h4>\n<h4>Sarbeebta<br \/>\nSarbeebta maansada waa jaad-tixeedka sida loo yiraahdo maahee u dhacaya si kale. Tusaale ahaan iyadoo dad laga hadlayo oo misana geed loo heeso.\u00a0Sarbeebta maansada waxaa inta badan loo adeegsadaa xaaladaha soo socda:<\/h4>\n<h4>1. Guurka iyo xaaladaha ku xeeran sida: Damac rag iyo qurux haween, nin iyo afadiisa oo is qoomay, xidid iyo xigaalo is-afdhaafey;<br \/>\n2. Halxiraaleynta maansada;<br \/>\n3. Cayda iyo xifaalaha.<\/h4>\n<h4>Xaaladaha aaan soo xusey markaan u kuurgalno badiba hal\u2019abuurkii hore wuu sarbeebi jiray. Tusaale ahaan guurka iyo xaaladihiisa, sidaan wada ognahay waa arrin xasaasiyad leh oo haddii la qayaxo xinif beeri kara, anshax ahaanna aan ku habbooneyn bulshada in carrabka lagu ballaariyo. Taa awgeed ayaa looga maagaa haddii laga fursan waayana la sarbeebaa.<\/h4>\n<h4>Tusaaleaan u soo qaadanno laba gabay oo ay is weydaarsadeen Saahid Qamaan iyo seedigiis Feytin Maxamuud.<br \/>\nSaahid Qamaan:<\/h4>\n<h4>Gamaankiina badan Feytinow,<br \/>\ngabalba waa ceyne<br \/>\nQaar baan garqaadkana la barin,<br \/>\ngaalibna aqoone<br \/>\nQaar baan ka goor iyo ka goor,<br \/>\ngodolka deyneyne<br \/>\nGabax lagu shakaalyow sengihii,<br \/>\ngaabi orodkiiye<br \/>\nGacalnimo haddaad naga rabtaan,<br \/>\ngo\u2019aha noo doorsha<br \/>\nHaddii kale sidaad noo gashaan<br \/>\nyaa inoo godoba!!<\/h4>\n<h4>Feytin Maxamuud<br \/>\nHal garowsholay Saahidow<br \/>\ngobi la yeedhaaye<br \/>\nWaa gu\u2019 iyo laba deyr jir aan<br \/>\nfuulmadeed geline<br \/>\nWaa kaa gankeedii suryada<br \/>\nloogu cows guriye<br \/>\nNin gammaan yaqaan dhal waa<br \/>\ngaasa bixiyaaye<br \/>\nMaxaad nagu gelaysaa haddaad<br \/>\nfuuli garan weydey?!<\/h4>\n<h4>Labadan tixood, haddaan is weyddiino; maxay soo kordhisey sarbeebtu? Innagoon su\u2019aashan ka jawaabin; bal aan diirka ka qaadno waxa labada gabyaa ay isu duur xuleen.<\/h4>\n<h4>Saahid Qamaan, wuxuu yiri: \u201cGabadhii aad dhowaanta ii dhisteen waxay noqotey baali jilicsan oo hawshii gurigeeda gabtay. Waxaan codsanayaa, in la iigu beddelo walaasheed oo ka fariidsan!\u2019\u2019<\/h4>\n<h4>Feytinna wuxuu ku jawaabey, \u2018\u2019Gabadhu waa carruur. Iyadoon weli noqon xilqaad guur, ayaan huriweyto kuugu dhisney. Yaraan mooyee, ceeb kale malaha. Wax u sheegid uun bay rabtaa. Haddaadse adigu kaalintaadii gabtay, oo aad tababbaran weyday, yaad ku eedeysaa?\u2019\u2019<\/h4>\n<h4>Haddaba, akhristow bal qiyaas. Haddii hadalka sidaa loo qayixi lahaa, waxa dhici lahaa. Sarbeebtani waxay suurtagelisay xinif tirka isqabadka dadka xilka kala mudan, iyo waliba, ilaalinta akhlaaqda suuban ee bulshada.<\/h4>\n<h4>Ekeynta<br \/>\nEkeynta maansada waa is barbardhigidda tixda la isku barbardhigo laba xaaladood isku ekaantooda.<br \/>\nFaa\u2019iidooyinka ekeynta waxaa ka mid ah, ka sokow bilidda maansada, dhumuc u yeellida aftahammadeeda murtiyeed. Dhanka kale, waxay soo jeedisaa dareenka dhegeystaha ama akhristaha.<\/h4>\n<h4>Tusaale waxaa innooga filan gabeygii baroordiiqda ahaa ee uu mariyey AHN Raage Ugaasee \u201cShinni kaaluf galey\u201d, aan soo qaato qaarka mid ah meerisyadiisa:<\/h4>\n<h4>Sida koorta yucuboo la sudhay,<br \/>\nkoromo buubaal ah<br \/>\nShinni kaaluf galay iyo sidii,<br \/>\nkoronkorkoo oomay<br \/>\nAma koox arda ahoo Qur\u2019aan,<br \/>\nkaatiba u toostey<br \/>\nAma beelo keynaana oo,<br \/>\nkor u hayaamaaya<br \/>\nAma geel karreeboo nirgaha,<br \/>\nlaga kaxaynaayo<br \/>\nAma ceel karkaarada jebshiyo,<br \/>\nwebi karaar dhaafay<br \/>\nAma habar kurkii iyo wadnaha,<br \/>\nlagaga kawsiiyey<br \/>\nAma kaal danley qeybsatiyo,<br \/>\nKur iyo dhal yaabis<br \/>\nXalay kolola\u2019aygii ma ledin,<br \/>\nkaamil reeruhuye!.<\/h4>\n<h4>Raage Ugaas, si uu muujiyo murugadii haraysay iyo taahii ka baxayay wuxuu tixdiisan ku barbardhigay toddoba waxyaallood oo qaylo xaddhaaf ah sameeya, sida: awr leyliya, koor yicibeed loo xiray dhawaqeeda ka didaya; shinni wax qoontay kicida hugunkeeda; ardo Qur\u2019aan akhrineysa bullaankooda&#8230; Ikk.<\/h4>\n<h4>Humaagaynta<br \/>\nHumaagayntu waa in sawir maskaxeed maansada loo abuuro. Humaagayntu maansada wuxuu u kordhiyaa qurux iyo afshaxannimo, iyo macnaha oo uu u yeelo dhumuc iyo qoto dheeri, iyo sidoo kale macno badin.<br \/>\nWaxaa jira waxyaalo aad loogu adeegsado humaagaynta sida: googaalaysiga, halxiraalaha, jacaylka,&#8230;ikk.<\/h4>\n<h4>Tusaale aan u soo qaadanno heesta \u201csaddex cadow\u201d ee uu curiyey AHN Maxamuud Tukaale; isagoo \u201ccaashaqa\u201d ka hadlaya wuxuu yiri:<\/h4>\n<h4>Caynka midab gumeysiga<br \/>\nHadba ruux cunaha qabay<br \/>\nOo ciirsina u diid<br \/>\nCidla keligii ula baydh<br \/>\nHaddii loo calaacalo<br \/>\nMa yaqaano cabashoo.<br \/>\nTaa waxaa caddayn kara<br \/>\nIntuu curad innaga dilay;<br \/>\nCakuye waxaa ka sii daran<br \/>\nCadhaduu innoo qabo!<\/h4>\n<h4>Erayadani sawir ama humaag ayay maskaxda dhagaystaha ama akhristaha ku beerayaan. Taasina waxay maansada u tartay afshaxannimo iyo weynaynta macnaha iyo farriinta.<\/h4>\n<h4>Tusaale kale, riwaayaddii \u201cXorriyo nin gayaa, ha guursado\u201d ee uu curiyey AHN Maxamuud Cabdullaahi Ciise (Singub), waxaa masraxa soo gelaya rag ka gadoodsan guurboobka Xorriyo. Mid raggii ka mid ah ayaa ku bilaabaya hadalka sidan:<\/h4>\n<h4>Annagoon raalli ka ahayn<br \/>\nRugteennii ninkaa degay<br \/>\nRuqiyana ku guursaday<br \/>\nTimaheeedii kala rogay<br \/>\nDumaal uu rag leeyahay<br \/>\nGardarrada ku raadsaday<br \/>\nHaddaan laysku ruux bixin<br \/>\nMidkeen rubadda laga jarin<br \/>\nRagannimo maxay tahay?<\/h4>\n<h4>Sarbeebta kasokow, tixahani waxay sawir gaar ah ku abuurayaan maskaxdeenna.<\/h4>\n<h4>Qofaynta<br \/>\nQofayntu waa u hadlida tixda loogu hadlo waxaan hadlin ama aanu af aqoon aadanaha (noole iyo ma noole). Iyadoo laga dhigaayo sidii ay afyaqaannaan oo kale. Tusaaleaan u soo qaato meerisyo ka mid ah gabaygii \u2018\u2019Fiinyahay\u2019\u2019ee uu mariyay AUN Cali Xuseen Xirsi, oo uu ku yiri:<\/h4>\n<h4>Fiinyahay adaa ololayoo,<br \/>\noohin ciirsaday e<br \/>\nHaddaan laguu imanin waad,<br \/>\nAamusi laheyde<br \/>\nMaxaad aragtay waan kula qabaa,<br \/>\nuur kutaallada e<br \/>\nWaxay tidhi:Ilaahay haddaad<br \/>\naad u garanaysid<br \/>\nOo aad islaan tahay iddaa,<br \/>\nwaan irdhaysnahaye.<br \/>\nWaxaan idhi qofkii i abhiyaa,<br \/>\nwuu ammaan heliye<br \/>\nAshahaadada iyo waan aqaan,<br \/>\naayaddii Nebiye<br \/>\nHa yeeshee ilmada kaa dhacdiyo,<br \/>\numalka guudkaaga<br \/>\nIn yar iiga sheeg waxaan rabaa,<br \/>\ninaan ogaadaaye.<\/h4>\n<h4>Tixdan abwaanku wuxuu shimbirtii fiinta ka soo qaaday qof, deedna wuxuu ula sheekaystay sidii oo ay laba qof yihiin.<\/h4>\n<h4>Gabagabadii, afmaldahyadu waxay tiir dhexaad u yihiin sameysanka maansada. Haddey tahay heemaalinta farshaxannimadeeda, bilidda habdhaca sargooyadeeda, dhumuc cuslaynteeda murtiyeed ikk.<\/h4>\n<h4>W. Q. Bare<br \/>\nCabdullaahi Sheekh (Gacanka)<\/h4>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Maansada aad baa loogu adeegsadaa afmaldahyada, oo u tara arrimo ay ka mid yihiin: Waxay bilaan tixda, waxay heemaaliyaan farshaxannimadeeda maanseed, waxay dhumuc cusleeyaan farriinta iyo macna-gudbinteeda ikk. Way badan yihiin jaadadka afmaldahyada ee aadka loogu adeegsado maansada; waxaanse qormadan ku soo qaadanaynaa afar ka mid ah, oo kala ah 1. Sarbeebta 2. Ekeynta 3. [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":1,"featured_media":2302,"comment_status":"open","ping_status":"open","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"inline_featured_image":false},"categories":[24],"tags":[],"yoast_head":"<!-- This site is optimized with the Yoast SEO plugin v20.2.1 - https:\/\/yoast.com\/wordpress\/plugins\/seo\/ -->\n<title>Maansada Soomaalida iyo Adeegsiga Afmaldahyada - Akademiye Goboleedka Af Soomaaliga AGA<\/title>\n<meta name=\"robots\" content=\"index, follow, max-snippet:-1, max-image-preview:large, max-video-preview:-1\" \/>\n<link rel=\"canonical\" href=\"https:\/\/aga.so\/so\/maansada-soomaalida-iyo-adeegsiga-afmaldahyada\/\" \/>\n<meta property=\"og:locale\" content=\"en_US\" \/>\n<meta property=\"og:type\" content=\"article\" \/>\n<meta property=\"og:title\" content=\"Maansada Soomaalida iyo Adeegsiga Afmaldahyada - Akademiye Goboleedka Af Soomaaliga AGA\" \/>\n<meta property=\"og:description\" content=\"Maansada aad baa loogu adeegsadaa afmaldahyada, oo u tara arrimo ay ka mid yihiin: Waxay bilaan tixda, waxay heemaaliyaan farshaxannimadeeda maanseed, waxay dhumuc cusleeyaan farriinta iyo macna-gudbinteeda ikk. Way badan yihiin jaadadka afmaldahyada ee aadka loogu adeegsado maansada; waxaanse qormadan ku soo qaadanaynaa afar ka mid ah, oo kala ah 1. Sarbeebta 2. Ekeynta 3. [&hellip;]\" \/>\n<meta property=\"og:url\" content=\"https:\/\/aga.so\/so\/maansada-soomaalida-iyo-adeegsiga-afmaldahyada\/\" \/>\n<meta property=\"og:site_name\" content=\"Akademiye Goboleedka Af Soomaaliga AGA\" \/>\n<meta property=\"article:published_time\" content=\"2019-10-28T07:31:26+00:00\" \/>\n<meta property=\"article:modified_time\" content=\"2020-09-29T15:53:17+00:00\" \/>\n<meta property=\"og:image\" content=\"https:\/\/aga.so\/so\/wp-content\/uploads\/2019\/10\/thumbnail_20151123_091526-1.jpg\" \/>\n\t<meta property=\"og:image:width\" content=\"701\" \/>\n\t<meta property=\"og:image:height\" content=\"637\" \/>\n\t<meta property=\"og:image:type\" content=\"image\/jpeg\" \/>\n<meta name=\"author\" content=\"hgb\" \/>\n<meta name=\"twitter:card\" content=\"summary_large_image\" \/>\n<meta name=\"twitter:label1\" content=\"Written by\" \/>\n\t<meta name=\"twitter:data1\" content=\"hgb\" \/>\n\t<meta name=\"twitter:label2\" content=\"Est. reading time\" \/>\n\t<meta name=\"twitter:data2\" content=\"5 minutes\" \/>\n<script type=\"application\/ld+json\" class=\"yoast-schema-graph\">{\"@context\":\"https:\/\/schema.org\",\"@graph\":[{\"@type\":\"Article\",\"@id\":\"https:\/\/aga.so\/so\/maansada-soomaalida-iyo-adeegsiga-afmaldahyada\/#article\",\"isPartOf\":{\"@id\":\"https:\/\/aga.so\/so\/maansada-soomaalida-iyo-adeegsiga-afmaldahyada\/\"},\"author\":{\"name\":\"hgb\",\"@id\":\"https:\/\/aga.so\/so\/#\/schema\/person\/c89f24807531a9b3d9df95d848134d50\"},\"headline\":\"Maansada Soomaalida iyo Adeegsiga Afmaldahyada\",\"datePublished\":\"2019-10-28T07:31:26+00:00\",\"dateModified\":\"2020-09-29T15:53:17+00:00\",\"mainEntityOfPage\":{\"@id\":\"https:\/\/aga.so\/so\/maansada-soomaalida-iyo-adeegsiga-afmaldahyada\/\"},\"wordCount\":920,\"commentCount\":0,\"publisher\":{\"@id\":\"https:\/\/aga.so\/so\/#organization\"},\"articleSection\":[\"Xulka Maqaallada\"],\"inLanguage\":\"en-US\",\"potentialAction\":[{\"@type\":\"CommentAction\",\"name\":\"Comment\",\"target\":[\"https:\/\/aga.so\/so\/maansada-soomaalida-iyo-adeegsiga-afmaldahyada\/#respond\"]}]},{\"@type\":\"WebPage\",\"@id\":\"https:\/\/aga.so\/so\/maansada-soomaalida-iyo-adeegsiga-afmaldahyada\/\",\"url\":\"https:\/\/aga.so\/so\/maansada-soomaalida-iyo-adeegsiga-afmaldahyada\/\",\"name\":\"Maansada Soomaalida iyo Adeegsiga Afmaldahyada - Akademiye Goboleedka Af Soomaaliga AGA\",\"isPartOf\":{\"@id\":\"https:\/\/aga.so\/so\/#website\"},\"datePublished\":\"2019-10-28T07:31:26+00:00\",\"dateModified\":\"2020-09-29T15:53:17+00:00\",\"breadcrumb\":{\"@id\":\"https:\/\/aga.so\/so\/maansada-soomaalida-iyo-adeegsiga-afmaldahyada\/#breadcrumb\"},\"inLanguage\":\"en-US\",\"potentialAction\":[{\"@type\":\"ReadAction\",\"target\":[\"https:\/\/aga.so\/so\/maansada-soomaalida-iyo-adeegsiga-afmaldahyada\/\"]}]},{\"@type\":\"BreadcrumbList\",\"@id\":\"https:\/\/aga.so\/so\/maansada-soomaalida-iyo-adeegsiga-afmaldahyada\/#breadcrumb\",\"itemListElement\":[{\"@type\":\"ListItem\",\"position\":1,\"name\":\"Home\",\"item\":\"https:\/\/aga.so\/so\/\"},{\"@type\":\"ListItem\",\"position\":2,\"name\":\"Maansada Soomaalida iyo Adeegsiga Afmaldahyada\"}]},{\"@type\":\"WebSite\",\"@id\":\"https:\/\/aga.so\/so\/#website\",\"url\":\"https:\/\/aga.so\/so\/\",\"name\":\"Akademiye Goboleedka Af Soomaaliga AGA\",\"description\":\"\",\"publisher\":{\"@id\":\"https:\/\/aga.so\/so\/#organization\"},\"potentialAction\":[{\"@type\":\"SearchAction\",\"target\":{\"@type\":\"EntryPoint\",\"urlTemplate\":\"https:\/\/aga.so\/so\/?s={search_term_string}\"},\"query-input\":\"required name=search_term_string\"}],\"inLanguage\":\"en-US\"},{\"@type\":\"Organization\",\"@id\":\"https:\/\/aga.so\/so\/#organization\",\"name\":\"AGA - Akadeemiya Goboleedka AfSoomaaliga\",\"url\":\"https:\/\/aga.so\/so\/\",\"logo\":{\"@type\":\"ImageObject\",\"inLanguage\":\"en-US\",\"@id\":\"https:\/\/aga.so\/so\/#\/schema\/logo\/image\/\",\"url\":\"https:\/\/aga.so\/so\/wp-content\/uploads\/2020\/10\/favicon-2.png\",\"contentUrl\":\"https:\/\/aga.so\/so\/wp-content\/uploads\/2020\/10\/favicon-2.png\",\"width\":162,\"height\":83,\"caption\":\"AGA - Akadeemiya Goboleedka AfSoomaaliga\"},\"image\":{\"@id\":\"https:\/\/aga.so\/so\/#\/schema\/logo\/image\/\"}},{\"@type\":\"Person\",\"@id\":\"https:\/\/aga.so\/so\/#\/schema\/person\/c89f24807531a9b3d9df95d848134d50\",\"name\":\"hgb\",\"image\":{\"@type\":\"ImageObject\",\"inLanguage\":\"en-US\",\"@id\":\"https:\/\/aga.so\/so\/#\/schema\/person\/image\/\",\"url\":\"https:\/\/secure.gravatar.com\/avatar\/9cc2fe393829a669530037fc59abb837?s=96&d=mm&r=g\",\"contentUrl\":\"https:\/\/secure.gravatar.com\/avatar\/9cc2fe393829a669530037fc59abb837?s=96&d=mm&r=g\",\"caption\":\"hgb\"},\"url\":\"https:\/\/aga.so\/so\/author\/hgb\/\"}]}<\/script>\n<!-- \/ Yoast SEO plugin. -->","yoast_head_json":{"title":"Maansada Soomaalida iyo Adeegsiga Afmaldahyada - Akademiye Goboleedka Af Soomaaliga AGA","robots":{"index":"index","follow":"follow","max-snippet":"max-snippet:-1","max-image-preview":"max-image-preview:large","max-video-preview":"max-video-preview:-1"},"canonical":"https:\/\/aga.so\/so\/maansada-soomaalida-iyo-adeegsiga-afmaldahyada\/","og_locale":"en_US","og_type":"article","og_title":"Maansada Soomaalida iyo Adeegsiga Afmaldahyada - Akademiye Goboleedka Af Soomaaliga AGA","og_description":"Maansada aad baa loogu adeegsadaa afmaldahyada, oo u tara arrimo ay ka mid yihiin: Waxay bilaan tixda, waxay heemaaliyaan farshaxannimadeeda maanseed, waxay dhumuc cusleeyaan farriinta iyo macna-gudbinteeda ikk. Way badan yihiin jaadadka afmaldahyada ee aadka loogu adeegsado maansada; waxaanse qormadan ku soo qaadanaynaa afar ka mid ah, oo kala ah 1. Sarbeebta 2. Ekeynta 3. [&hellip;]","og_url":"https:\/\/aga.so\/so\/maansada-soomaalida-iyo-adeegsiga-afmaldahyada\/","og_site_name":"Akademiye Goboleedka Af Soomaaliga AGA","article_published_time":"2019-10-28T07:31:26+00:00","article_modified_time":"2020-09-29T15:53:17+00:00","og_image":[{"width":701,"height":637,"url":"https:\/\/aga.so\/so\/wp-content\/uploads\/2019\/10\/thumbnail_20151123_091526-1.jpg","type":"image\/jpeg"}],"author":"hgb","twitter_card":"summary_large_image","twitter_misc":{"Written by":"hgb","Est. reading time":"5 minutes"},"schema":{"@context":"https:\/\/schema.org","@graph":[{"@type":"Article","@id":"https:\/\/aga.so\/so\/maansada-soomaalida-iyo-adeegsiga-afmaldahyada\/#article","isPartOf":{"@id":"https:\/\/aga.so\/so\/maansada-soomaalida-iyo-adeegsiga-afmaldahyada\/"},"author":{"name":"hgb","@id":"https:\/\/aga.so\/so\/#\/schema\/person\/c89f24807531a9b3d9df95d848134d50"},"headline":"Maansada Soomaalida iyo Adeegsiga Afmaldahyada","datePublished":"2019-10-28T07:31:26+00:00","dateModified":"2020-09-29T15:53:17+00:00","mainEntityOfPage":{"@id":"https:\/\/aga.so\/so\/maansada-soomaalida-iyo-adeegsiga-afmaldahyada\/"},"wordCount":920,"commentCount":0,"publisher":{"@id":"https:\/\/aga.so\/so\/#organization"},"articleSection":["Xulka Maqaallada"],"inLanguage":"en-US","potentialAction":[{"@type":"CommentAction","name":"Comment","target":["https:\/\/aga.so\/so\/maansada-soomaalida-iyo-adeegsiga-afmaldahyada\/#respond"]}]},{"@type":"WebPage","@id":"https:\/\/aga.so\/so\/maansada-soomaalida-iyo-adeegsiga-afmaldahyada\/","url":"https:\/\/aga.so\/so\/maansada-soomaalida-iyo-adeegsiga-afmaldahyada\/","name":"Maansada Soomaalida iyo Adeegsiga Afmaldahyada - Akademiye Goboleedka Af Soomaaliga AGA","isPartOf":{"@id":"https:\/\/aga.so\/so\/#website"},"datePublished":"2019-10-28T07:31:26+00:00","dateModified":"2020-09-29T15:53:17+00:00","breadcrumb":{"@id":"https:\/\/aga.so\/so\/maansada-soomaalida-iyo-adeegsiga-afmaldahyada\/#breadcrumb"},"inLanguage":"en-US","potentialAction":[{"@type":"ReadAction","target":["https:\/\/aga.so\/so\/maansada-soomaalida-iyo-adeegsiga-afmaldahyada\/"]}]},{"@type":"BreadcrumbList","@id":"https:\/\/aga.so\/so\/maansada-soomaalida-iyo-adeegsiga-afmaldahyada\/#breadcrumb","itemListElement":[{"@type":"ListItem","position":1,"name":"Home","item":"https:\/\/aga.so\/so\/"},{"@type":"ListItem","position":2,"name":"Maansada Soomaalida iyo Adeegsiga Afmaldahyada"}]},{"@type":"WebSite","@id":"https:\/\/aga.so\/so\/#website","url":"https:\/\/aga.so\/so\/","name":"Akademiye Goboleedka Af Soomaaliga AGA","description":"","publisher":{"@id":"https:\/\/aga.so\/so\/#organization"},"potentialAction":[{"@type":"SearchAction","target":{"@type":"EntryPoint","urlTemplate":"https:\/\/aga.so\/so\/?s={search_term_string}"},"query-input":"required name=search_term_string"}],"inLanguage":"en-US"},{"@type":"Organization","@id":"https:\/\/aga.so\/so\/#organization","name":"AGA - Akadeemiya Goboleedka AfSoomaaliga","url":"https:\/\/aga.so\/so\/","logo":{"@type":"ImageObject","inLanguage":"en-US","@id":"https:\/\/aga.so\/so\/#\/schema\/logo\/image\/","url":"https:\/\/aga.so\/so\/wp-content\/uploads\/2020\/10\/favicon-2.png","contentUrl":"https:\/\/aga.so\/so\/wp-content\/uploads\/2020\/10\/favicon-2.png","width":162,"height":83,"caption":"AGA - Akadeemiya Goboleedka AfSoomaaliga"},"image":{"@id":"https:\/\/aga.so\/so\/#\/schema\/logo\/image\/"}},{"@type":"Person","@id":"https:\/\/aga.so\/so\/#\/schema\/person\/c89f24807531a9b3d9df95d848134d50","name":"hgb","image":{"@type":"ImageObject","inLanguage":"en-US","@id":"https:\/\/aga.so\/so\/#\/schema\/person\/image\/","url":"https:\/\/secure.gravatar.com\/avatar\/9cc2fe393829a669530037fc59abb837?s=96&d=mm&r=g","contentUrl":"https:\/\/secure.gravatar.com\/avatar\/9cc2fe393829a669530037fc59abb837?s=96&d=mm&r=g","caption":"hgb"},"url":"https:\/\/aga.so\/so\/author\/hgb\/"}]}},"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/aga.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/2365"}],"collection":[{"href":"https:\/\/aga.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/aga.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/aga.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/users\/1"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/aga.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=2365"}],"version-history":[{"count":3,"href":"https:\/\/aga.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/2365\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":3799,"href":"https:\/\/aga.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/2365\/revisions\/3799"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/aga.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media\/2302"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/aga.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=2365"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/aga.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=2365"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/aga.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=2365"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}