{"id":1920,"date":"2019-07-14T15:29:58","date_gmt":"2019-07-14T15:29:58","guid":{"rendered":"https:\/\/aga.so\/so\/?p=1920"},"modified":"2020-11-02T13:43:37","modified_gmt":"2020-11-02T13:43:37","slug":"ismoog-sheeko-gaaban","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/aga.so\/so\/ismoog-sheeko-gaaban\/","title":{"rendered":"Ismoog (Sheeko Gaaban)"},"content":{"rendered":"<h4 style=\"text-align: justify;\">Mar waxay korayaan fadhiga dushiisa, mar waxay ku boodayaan kursiga, marna daaqadda gaaban ayay u cirbadhiibsanayaan. Waxay farxadda u wareejinayaan sida ay marwaxaddu u wareejiso hawada. Waa waqtiga aan isku soo harno aniga, Nuur iyo Nimco. Iraad oo ka weyn mataanahan, waxa uu jiraa dugsiga halka Istaahil oo curaddayda ah bilawday dugsiga dhexe.<\/h4>\n<h4 style=\"text-align: justify;\">Haddii\u00a0 aan dib u xusuusto meeshii aan iska helnay aniga iyo carruurtaydu,\u00a0 waxaan dar-eemayaa farxad iyo khajil wada jira. Waan xusuustaa galabtii uu aabbe ka soo hor-maray waqtigiisii caadiga ahaa. Markay hooyo u diyaarisay shaahiisa\u00a0 caanaha lagu kariyay, ayay\u00a0 weydiisay\u00a0 farxaddiisa\u00a0 aan\u00a0 dabiiciga ahayn.\u00a0 Anigoo\u00a0 albaabka taagan, ayuu\u00a0 i maqashiiyay magac aan ka diday. \u201cFaadumo\u201d ayuu ku ekeeyay oo Ilaahay mahadiyay dhawr jeer kuna salliyay Nabiga NNKH.<\/h4>\n<h4 style=\"text-align: justify;\">Waan\u00a0 soo\u00a0 dhaqaaqay\u00a0 oo\u00a0 weydiiyay \u201cAabbe, ma\u00a0 arladaa\u00a0 nabad\u00a0 ka\u00a0 dhacday,\u00a0 waa\u00a0 maxay sida\u00a0 aad u faraxsan\u00a0 tahay?\u201d\u00a0 \u201cNabad\u00a0 waan sugaynaa\u201d ayuu\u00a0 ku\u00a0 ekaystay. \u201cHaddaa, waa maxay farxadda kaa muuqato?\u201d ayaan ku celi-yay. \u201cEeddadaa Faadumo\u201d ayuu yiri mar kale.<\/h4>\n<h4 style=\"text-align: justify;\">Waxaan\u00a0 soo\u00a0 xusuustay\u00a0 beeraha Afgooye markaan ciidda u tagno, siday geedaha nooga soo dajin jirtay, intay canaan kulul dabada noo qabato! \u201cMa dhimatay?!\u201d ayaan weydiiyay. Ani-goo\u00a0 ka naxay kelmaddaas markii dambe. &#8220;Wiilkeedii weynaa ayay kuu soo doontay\u201d ayuu yiri oo shaahiisii kabbaday.<\/h4>\n<h4 style=\"text-align: justify;\">Dhulka ayaa\u00a0 ila gariiray, gariirkiisana waxaan ka\u00a0 dareemay saliilyada gowsaha\u00a0 dambe. \u201cMaxaa\u00a0 tiri\u00a0 aabbe?\u201d ayaan weydiiyay, anigoo taagnaan\u00a0 la`. \u201cWaan\u00a0 ku\u00a0 siiyay\u2019 wuxuuna sii raaciyay \u201cWaxaan Ilaahay ka baryay in uu wax kuugu\u00a0 daro\u00a0 xidid\u00a0 kheyr leh,\u00a0 wuuna\u00a0 iga\u00a0 aqba-lay.\u201d Waxa uu ku xamdiyay Ilaahay dhawr jeer oo kale&#8230;<\/h4>\n<h4 style=\"text-align: justify;\">\u201cAabbe,\u00a0 Ilaahay\u00a0 ka\u00a0 bari\u00a0 Janno\u00a0 oo\u00a0 cadaab\u00a0 ka magangal! Maxaa\u00a0 aniga\u00a0 iigu\u00a0 Alle\u00a0 tuugaysaa, ma\u00a0 culays ayaan kugu hayaa?\u201d Markay intaaasi afkayga ka soo fakatay\u00a0 ayaan is xasuustay, isna\u00a0 qabtay! \u201cWay imaanayaan ee dhar wanaagsan xiro\u201d ayuu yiri oo kabbadii ugu dambaysay ee shaaha fiiqsa-day.<\/h4>\n<h4 style=\"text-align: justify;\">Eeddo Faadumo iyo canaanteedii kululayd ayay maskaxdaydii\u00a0 dib u naqtiintay.\u00a0 Dhulka ayaa\u00a0 ila wareegay! Oohin illinteedii wadata ayaa igu soo degtay!\u00a0 Intayna\u00a0 afkiyo\u00a0 isha\u00a0 soo\u00a0 dardarin\u00a0 ayay naftaydu isla hadal\u00a0 iyo\u00a0 talo\u00a0 ku\u00a0 dhaqaaqday. \u201cOohin maxay ii tari?.. Waxba! Sideed yeeshaa, oo aad lafahaaga uga\u00a0 badbaadisaa\u00a0 in\u00a0 Eeddo Faadumo sodoh kuu noqoto&#8230; Yaa aabbo igala hadla&#8230; Hooyo\u00a0 cid\u00a0 kuu\u00a0 dhaantaa ma\u00a0 jirto, ee iyadu aabbo\u00a0 ha\u00a0 kaala\u00a0 hadasho&#8230; Waa\u00a0 sax, aabbo ha kaala hadasho.\u201d<\/h4>\n<h4 style=\"text-align: justify;\">\u00a0Intaan dhankii hooyo jalleecay ayaan ku beerlax-awsaday \u201cHooyo la hadal\u00a0 aabbe&#8230;.\u201d Intaan ha-dalka\u00a0 dhammeeyaba igama\u00a0 sugine \u201cAniguba waan kula jeclahay reer wanaagsan\u201d ayay iga hor keentay!<\/h4>\n<h4 style=\"text-align: justify;\">Waxaan galay qolkaygii jiifka, waxaana hoosta ka soo xirtay albaabkii. Waan ooyay, oo ooyay&#8230;Habeenkii aan u soo wareegayay gurigan, wad-dada Afgooye iyo Xamar way igala soo gaabatay sidii\u00a0 hore.\u00a0 Markii\u00a0 aan\u00a0 tagnay\u00a0 gurigii\u00a0 eeddo, waxaan eegay meelihii aan ku\u00a0 ciyaari\u00a0 jiray. Waxay\u00a0 iigu muuqdeen boholo aan\u00a0 waligood\u00a0 la degin. Wiifowgii aan fuuli jiray, xariggiisii ayaa ila noqday xariggii daldaadda.<\/h4>\n<h4 style=\"text-align: justify;\">\u00a0Markii aan galay qolkii la ii diyaariyay, alaabta oo dhan way cusbayd haddana duug ahayd. Anigoo dul qotomo sariirtii\u00a0 oo\u00a0 iska\u00a0 ilaalinayo dhaqaaq ayuu soo galay ninkii lay soo afduubay! Suuqa\u00a0 oo \u00a0nagu dhow darteed,\u00a0 shanqarta\u00a0 al-baabka waxay ku dhex milantay tii buuqa suuqa.<\/h4>\n<h4 style=\"text-align: justify;\">\u00a0Nalkii daciifka ahaa dhexdiisa ayay indhahaygu qabteen garbihiisa ka soo muuqday jirkiisa intiisa kale.\u00a0 Naftayda ayaa\u00a0 iskula\u00a0 sheekaysatay\u00a0 &#8220;Dhib iiguma filna miyaa in aan Eeddo Faadumo xukun-keeda\u00a0 hoos\u00a0 tago, waa maxay\u00a0 gooriilahan aan ugu soo galay godkiisa!&#8221; \u201cMa cashaysay?\u201d ayuu ku\u00a0 yiri\u00a0 cod\u00a0 dib\u00a0 ii\u00a0 xusuusiyay\u00a0 gariirkii\u00a0 dhulka. Maqalka codka ayaan ku dhigay dharkii carruurn-imada\u00a0 oo aan ku xirtay dharkii masuuliyadda.<\/h4>\n<h4 style=\"text-align: justify;\">Toddobaad \u201cwaayihiisa leh\u201d ka dib, waa Eeddo Faadumo iyo caadadeede, waxay amartay in salli la fidiyo, ka dib la sii dulsaaro kursi la iigu talag-galay. Yaab! Waxaan u qaadan waayay badida haweenka goobta isugu yimid. \u201cMa waxay isugu yimaadeen inay arkaan in aan wali noolahay iyo in\u00a0 kale\u201d! Indhaha\u00a0 ayaan\u00a0 ka mirig\u00a0 mirig\u00a0 siiyay&#8230; Indhahaygu waxay qabteen maradii guduudnayd ee qaabka shaashka lahayd ee la ii soo xiray.<\/h4>\n<h4 style=\"text-align: justify;\">Eeddo Faadumo ayaa dumarkii goobta dhoobnaa ka soo dhex baxday. Shaash ka guduud badan marada aan xiranahay, intay bacdii ka fiiqday, oo afartiisa\u00a0 gees\u00a0 igu\u00a0 wareejisay\u00a0 ayay\u00a0 madaxa\u00a0 iigu duubtay.<\/h4>\n<h4 style=\"text-align: justify;\">Istaahil\u00a0 ayaa \u00a0timid. \u201cHooyo,\u00a0 maanta\u00a0 sidee buu kuu\u00a0 ahaa\u00a0 imtixaamku?\u201d ayaan\u00a0 weydiiyay. \u201cAad buu u adkaa\u201d ayay markiiba la soo booday. Adaygaas imtixaamka Istaahil ayay la mid tahay noloshu. \u00a0Laakiin, waa in aan ku baasnaa, waxay nagu qaadataba. Afar iyo toban sano oo ay Istaahil jirto iyo san-nadkii aan ka soo horreeyay ee aan ku qaatay gurigan suuqa la dariska ah,\u00a0 waxay\u00a0 ii\u00a0 ahayd sannado midabbo badan leh.<\/h4>\n<h4 style=\"text-align: justify;\">Waxaa yimid Iraad! \u201cHooyo, maad guluusyada isku aadisatid?\u201d Anoon jawaabba ka sugin, in-taan Istaahil jalleecay ayaan ku iri \u201cGacmihiisa waa wada khad ee ka soo dhaq Istaahileey\u201d. Shan\u00a0 iyo\u00a0 tobankaas sanno dhexdoodo\u00a0 ayaan isku helnay aniga iyo afartayda carruura. Guur-ku waa sidii murxaha buneed. Mar la dubayo, mar la ridqayo, mar kalana la karinayo&#8230; laakiin\u00a0 ugu\u00a0 dambayn\u00a0 nolosha dhammaystirayo.<\/h4>\n<h4 style=\"text-align: justify;\">Sannadadaas\u00a0 dhexdooda, eeddaday\u00a0 waxay dhaqangelisay sodohnimada in ka badan eed-danimada. Way xukun adag tahay, laakiin, way qalbi fiican tahay. Qalbigeeda waxa uu u cad yahay sidii caanihii, taas oo aan ku bartay san-nadihii aan la qaatay.<\/h4>\n<h4 style=\"text-align: justify;\">Maalinkii\u00a0 aabbe\u00a0 igu\u00a0 lahaa, wiilka\u00a0 eeddadaa baan ku siiyay, waa qurux badnaan lahayd had-dii la i siin lahaa jadwalka noloshayda oo ay ku qoran yihiin xataa magacyada carruurtaydu. Laakiin,\u00a0 waxaa huran in\u00a0 aad\u00a0 marto\u00a0 nolosha baalasheeda ismoog!<\/h4>\n<h4 style=\"text-align: justify;\">W.Q:-\u00a0Saynab Xaaji Axmed (Ugbaad)<\/h4>\n<p style=\"text-align: justify;\"><img decoding=\"async\" loading=\"lazy\" class=\"alignnone size-large wp-image-1921\" src=\"https:\/\/aga.so\/so\/wp-content\/uploads\/2019\/07\/thumbnail_PHOTO-2019-07-14-11-20-47-768x1024.jpg\" alt=\"\" width=\"618\" height=\"824\" srcset=\"https:\/\/aga.so\/so\/wp-content\/uploads\/2019\/07\/thumbnail_PHOTO-2019-07-14-11-20-47.jpg 768w, https:\/\/aga.so\/so\/wp-content\/uploads\/2019\/07\/thumbnail_PHOTO-2019-07-14-11-20-47-225x300.jpg 225w\" sizes=\"(max-width: 618px) 100vw, 618px\" \/><\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Mar waxay korayaan fadhiga dushiisa, mar waxay ku boodayaan kursiga, marna daaqadda gaaban ayay u cirbadhiibsanayaan. Waxay farxadda u wareejinayaan sida ay marwaxaddu u wareejiso hawada. Waa waqtiga aan isku soo harno aniga, Nuur iyo Nimco. Iraad oo ka weyn mataanahan, waxa uu jiraa dugsiga halka Istaahil oo curaddayda ah bilawday dugsiga dhexe. Haddii\u00a0 aan [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":1,"featured_media":1923,"comment_status":"open","ping_status":"open","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"inline_featured_image":false},"categories":[33],"tags":[],"yoast_head":"<!-- This site is optimized with the Yoast SEO plugin v20.2.1 - https:\/\/yoast.com\/wordpress\/plugins\/seo\/ -->\n<title>Ismoog (Sheeko Gaaban) - Akademiye Goboleedka Af Soomaaliga AGA<\/title>\n<meta name=\"robots\" content=\"index, follow, max-snippet:-1, max-image-preview:large, max-video-preview:-1\" \/>\n<link rel=\"canonical\" href=\"https:\/\/aga.so\/so\/ismoog-sheeko-gaaban\/\" \/>\n<meta property=\"og:locale\" content=\"en_US\" \/>\n<meta property=\"og:type\" content=\"article\" \/>\n<meta property=\"og:title\" content=\"Ismoog (Sheeko Gaaban) - Akademiye Goboleedka Af Soomaaliga AGA\" \/>\n<meta property=\"og:description\" content=\"Mar waxay korayaan fadhiga dushiisa, mar waxay ku boodayaan kursiga, marna daaqadda gaaban ayay u cirbadhiibsanayaan. Waxay farxadda u wareejinayaan sida ay marwaxaddu u wareejiso hawada. Waa waqtiga aan isku soo harno aniga, Nuur iyo Nimco. Iraad oo ka weyn mataanahan, waxa uu jiraa dugsiga halka Istaahil oo curaddayda ah bilawday dugsiga dhexe. Haddii\u00a0 aan [&hellip;]\" \/>\n<meta property=\"og:url\" content=\"https:\/\/aga.so\/so\/ismoog-sheeko-gaaban\/\" \/>\n<meta property=\"og:site_name\" content=\"Akademiye Goboleedka Af Soomaaliga AGA\" \/>\n<meta property=\"article:published_time\" content=\"2019-07-14T15:29:58+00:00\" \/>\n<meta property=\"article:modified_time\" content=\"2020-11-02T13:43:37+00:00\" \/>\n<meta property=\"og:image\" content=\"https:\/\/aga.so\/so\/wp-content\/uploads\/2019\/07\/22222222222222.jpg\" \/>\n\t<meta property=\"og:image:width\" content=\"675\" \/>\n\t<meta property=\"og:image:height\" content=\"733\" \/>\n\t<meta property=\"og:image:type\" content=\"image\/jpeg\" \/>\n<meta name=\"author\" content=\"hgb\" \/>\n<meta name=\"twitter:card\" content=\"summary_large_image\" \/>\n<meta name=\"twitter:label1\" content=\"Written by\" \/>\n\t<meta name=\"twitter:data1\" content=\"hgb\" \/>\n\t<meta name=\"twitter:label2\" content=\"Est. reading time\" \/>\n\t<meta name=\"twitter:data2\" content=\"4 minutes\" \/>\n<script type=\"application\/ld+json\" class=\"yoast-schema-graph\">{\"@context\":\"https:\/\/schema.org\",\"@graph\":[{\"@type\":\"Article\",\"@id\":\"https:\/\/aga.so\/so\/ismoog-sheeko-gaaban\/#article\",\"isPartOf\":{\"@id\":\"https:\/\/aga.so\/so\/ismoog-sheeko-gaaban\/\"},\"author\":{\"name\":\"hgb\",\"@id\":\"https:\/\/aga.so\/so\/#\/schema\/person\/c89f24807531a9b3d9df95d848134d50\"},\"headline\":\"Ismoog (Sheeko Gaaban)\",\"datePublished\":\"2019-07-14T15:29:58+00:00\",\"dateModified\":\"2020-11-02T13:43:37+00:00\",\"mainEntityOfPage\":{\"@id\":\"https:\/\/aga.so\/so\/ismoog-sheeko-gaaban\/\"},\"wordCount\":868,\"commentCount\":0,\"publisher\":{\"@id\":\"https:\/\/aga.so\/so\/#organization\"},\"articleSection\":[\"Sheeko\"],\"inLanguage\":\"en-US\",\"potentialAction\":[{\"@type\":\"CommentAction\",\"name\":\"Comment\",\"target\":[\"https:\/\/aga.so\/so\/ismoog-sheeko-gaaban\/#respond\"]}]},{\"@type\":\"WebPage\",\"@id\":\"https:\/\/aga.so\/so\/ismoog-sheeko-gaaban\/\",\"url\":\"https:\/\/aga.so\/so\/ismoog-sheeko-gaaban\/\",\"name\":\"Ismoog (Sheeko Gaaban) - Akademiye Goboleedka Af Soomaaliga AGA\",\"isPartOf\":{\"@id\":\"https:\/\/aga.so\/so\/#website\"},\"datePublished\":\"2019-07-14T15:29:58+00:00\",\"dateModified\":\"2020-11-02T13:43:37+00:00\",\"breadcrumb\":{\"@id\":\"https:\/\/aga.so\/so\/ismoog-sheeko-gaaban\/#breadcrumb\"},\"inLanguage\":\"en-US\",\"potentialAction\":[{\"@type\":\"ReadAction\",\"target\":[\"https:\/\/aga.so\/so\/ismoog-sheeko-gaaban\/\"]}]},{\"@type\":\"BreadcrumbList\",\"@id\":\"https:\/\/aga.so\/so\/ismoog-sheeko-gaaban\/#breadcrumb\",\"itemListElement\":[{\"@type\":\"ListItem\",\"position\":1,\"name\":\"Home\",\"item\":\"https:\/\/aga.so\/so\/\"},{\"@type\":\"ListItem\",\"position\":2,\"name\":\"Ismoog (Sheeko Gaaban)\"}]},{\"@type\":\"WebSite\",\"@id\":\"https:\/\/aga.so\/so\/#website\",\"url\":\"https:\/\/aga.so\/so\/\",\"name\":\"Akademiye Goboleedka Af Soomaaliga AGA\",\"description\":\"\",\"publisher\":{\"@id\":\"https:\/\/aga.so\/so\/#organization\"},\"potentialAction\":[{\"@type\":\"SearchAction\",\"target\":{\"@type\":\"EntryPoint\",\"urlTemplate\":\"https:\/\/aga.so\/so\/?s={search_term_string}\"},\"query-input\":\"required name=search_term_string\"}],\"inLanguage\":\"en-US\"},{\"@type\":\"Organization\",\"@id\":\"https:\/\/aga.so\/so\/#organization\",\"name\":\"AGA - Akadeemiya Goboleedka AfSoomaaliga\",\"url\":\"https:\/\/aga.so\/so\/\",\"logo\":{\"@type\":\"ImageObject\",\"inLanguage\":\"en-US\",\"@id\":\"https:\/\/aga.so\/so\/#\/schema\/logo\/image\/\",\"url\":\"https:\/\/aga.so\/so\/wp-content\/uploads\/2020\/10\/favicon-2.png\",\"contentUrl\":\"https:\/\/aga.so\/so\/wp-content\/uploads\/2020\/10\/favicon-2.png\",\"width\":162,\"height\":83,\"caption\":\"AGA - Akadeemiya Goboleedka AfSoomaaliga\"},\"image\":{\"@id\":\"https:\/\/aga.so\/so\/#\/schema\/logo\/image\/\"}},{\"@type\":\"Person\",\"@id\":\"https:\/\/aga.so\/so\/#\/schema\/person\/c89f24807531a9b3d9df95d848134d50\",\"name\":\"hgb\",\"image\":{\"@type\":\"ImageObject\",\"inLanguage\":\"en-US\",\"@id\":\"https:\/\/aga.so\/so\/#\/schema\/person\/image\/\",\"url\":\"https:\/\/secure.gravatar.com\/avatar\/9cc2fe393829a669530037fc59abb837?s=96&d=mm&r=g\",\"contentUrl\":\"https:\/\/secure.gravatar.com\/avatar\/9cc2fe393829a669530037fc59abb837?s=96&d=mm&r=g\",\"caption\":\"hgb\"},\"url\":\"https:\/\/aga.so\/so\/author\/hgb\/\"}]}<\/script>\n<!-- \/ Yoast SEO plugin. -->","yoast_head_json":{"title":"Ismoog (Sheeko Gaaban) - Akademiye Goboleedka Af Soomaaliga AGA","robots":{"index":"index","follow":"follow","max-snippet":"max-snippet:-1","max-image-preview":"max-image-preview:large","max-video-preview":"max-video-preview:-1"},"canonical":"https:\/\/aga.so\/so\/ismoog-sheeko-gaaban\/","og_locale":"en_US","og_type":"article","og_title":"Ismoog (Sheeko Gaaban) - Akademiye Goboleedka Af Soomaaliga AGA","og_description":"Mar waxay korayaan fadhiga dushiisa, mar waxay ku boodayaan kursiga, marna daaqadda gaaban ayay u cirbadhiibsanayaan. Waxay farxadda u wareejinayaan sida ay marwaxaddu u wareejiso hawada. Waa waqtiga aan isku soo harno aniga, Nuur iyo Nimco. Iraad oo ka weyn mataanahan, waxa uu jiraa dugsiga halka Istaahil oo curaddayda ah bilawday dugsiga dhexe. Haddii\u00a0 aan [&hellip;]","og_url":"https:\/\/aga.so\/so\/ismoog-sheeko-gaaban\/","og_site_name":"Akademiye Goboleedka Af Soomaaliga AGA","article_published_time":"2019-07-14T15:29:58+00:00","article_modified_time":"2020-11-02T13:43:37+00:00","og_image":[{"width":675,"height":733,"url":"https:\/\/aga.so\/so\/wp-content\/uploads\/2019\/07\/22222222222222.jpg","type":"image\/jpeg"}],"author":"hgb","twitter_card":"summary_large_image","twitter_misc":{"Written by":"hgb","Est. reading time":"4 minutes"},"schema":{"@context":"https:\/\/schema.org","@graph":[{"@type":"Article","@id":"https:\/\/aga.so\/so\/ismoog-sheeko-gaaban\/#article","isPartOf":{"@id":"https:\/\/aga.so\/so\/ismoog-sheeko-gaaban\/"},"author":{"name":"hgb","@id":"https:\/\/aga.so\/so\/#\/schema\/person\/c89f24807531a9b3d9df95d848134d50"},"headline":"Ismoog (Sheeko Gaaban)","datePublished":"2019-07-14T15:29:58+00:00","dateModified":"2020-11-02T13:43:37+00:00","mainEntityOfPage":{"@id":"https:\/\/aga.so\/so\/ismoog-sheeko-gaaban\/"},"wordCount":868,"commentCount":0,"publisher":{"@id":"https:\/\/aga.so\/so\/#organization"},"articleSection":["Sheeko"],"inLanguage":"en-US","potentialAction":[{"@type":"CommentAction","name":"Comment","target":["https:\/\/aga.so\/so\/ismoog-sheeko-gaaban\/#respond"]}]},{"@type":"WebPage","@id":"https:\/\/aga.so\/so\/ismoog-sheeko-gaaban\/","url":"https:\/\/aga.so\/so\/ismoog-sheeko-gaaban\/","name":"Ismoog (Sheeko Gaaban) - Akademiye Goboleedka Af Soomaaliga AGA","isPartOf":{"@id":"https:\/\/aga.so\/so\/#website"},"datePublished":"2019-07-14T15:29:58+00:00","dateModified":"2020-11-02T13:43:37+00:00","breadcrumb":{"@id":"https:\/\/aga.so\/so\/ismoog-sheeko-gaaban\/#breadcrumb"},"inLanguage":"en-US","potentialAction":[{"@type":"ReadAction","target":["https:\/\/aga.so\/so\/ismoog-sheeko-gaaban\/"]}]},{"@type":"BreadcrumbList","@id":"https:\/\/aga.so\/so\/ismoog-sheeko-gaaban\/#breadcrumb","itemListElement":[{"@type":"ListItem","position":1,"name":"Home","item":"https:\/\/aga.so\/so\/"},{"@type":"ListItem","position":2,"name":"Ismoog (Sheeko Gaaban)"}]},{"@type":"WebSite","@id":"https:\/\/aga.so\/so\/#website","url":"https:\/\/aga.so\/so\/","name":"Akademiye Goboleedka Af Soomaaliga AGA","description":"","publisher":{"@id":"https:\/\/aga.so\/so\/#organization"},"potentialAction":[{"@type":"SearchAction","target":{"@type":"EntryPoint","urlTemplate":"https:\/\/aga.so\/so\/?s={search_term_string}"},"query-input":"required name=search_term_string"}],"inLanguage":"en-US"},{"@type":"Organization","@id":"https:\/\/aga.so\/so\/#organization","name":"AGA - Akadeemiya Goboleedka AfSoomaaliga","url":"https:\/\/aga.so\/so\/","logo":{"@type":"ImageObject","inLanguage":"en-US","@id":"https:\/\/aga.so\/so\/#\/schema\/logo\/image\/","url":"https:\/\/aga.so\/so\/wp-content\/uploads\/2020\/10\/favicon-2.png","contentUrl":"https:\/\/aga.so\/so\/wp-content\/uploads\/2020\/10\/favicon-2.png","width":162,"height":83,"caption":"AGA - Akadeemiya Goboleedka AfSoomaaliga"},"image":{"@id":"https:\/\/aga.so\/so\/#\/schema\/logo\/image\/"}},{"@type":"Person","@id":"https:\/\/aga.so\/so\/#\/schema\/person\/c89f24807531a9b3d9df95d848134d50","name":"hgb","image":{"@type":"ImageObject","inLanguage":"en-US","@id":"https:\/\/aga.so\/so\/#\/schema\/person\/image\/","url":"https:\/\/secure.gravatar.com\/avatar\/9cc2fe393829a669530037fc59abb837?s=96&d=mm&r=g","contentUrl":"https:\/\/secure.gravatar.com\/avatar\/9cc2fe393829a669530037fc59abb837?s=96&d=mm&r=g","caption":"hgb"},"url":"https:\/\/aga.so\/so\/author\/hgb\/"}]}},"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/aga.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/1920"}],"collection":[{"href":"https:\/\/aga.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/aga.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/aga.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/users\/1"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/aga.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=1920"}],"version-history":[{"count":3,"href":"https:\/\/aga.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/1920\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":4162,"href":"https:\/\/aga.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/1920\/revisions\/4162"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/aga.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media\/1923"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/aga.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=1920"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/aga.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=1920"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/aga.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=1920"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}