{"id":1748,"date":"2019-05-31T11:18:34","date_gmt":"2019-05-31T11:18:34","guid":{"rendered":"https:\/\/aga.so\/so\/?p=1748"},"modified":"2020-09-29T16:06:21","modified_gmt":"2020-09-29T16:06:21","slug":"silsiladihii-maansooyinka-tisqaaday-qarnigii-labaatanaad","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/aga.so\/so\/silsiladihii-maansooyinka-tisqaaday-qarnigii-labaatanaad\/","title":{"rendered":"Silsiladihii Maansooyinka Tisqaaday Qarnigii Labaatanaad"},"content":{"rendered":"<h4>Qormadan waa guudmar aan diiradda ku saarayo silsiladaha maansooyinka ee geyiga Soomaaliyeed ka tisqaaday qarnigii 20aad.<\/h4>\n<h4>Silsilad maanso waa taxane maanseed isku guntan, kuna soohan ujeeddo qura, oo ay isweydaarsadeen maansayahanno kala duwan, aragti ahaanna is diidan, oo uu midba mid ka dabaqaato.<\/h4>\n<h4>Mararka qaarkood waxaa dhacda, ismaandhaaf kala galay laba maansayahan inuu sababo inay tixooyin is weydaarsadaan oo aan misana silsilad noqonayn. Waayo, silsilad waxaa noqon kara isu maansood ay ka qaybgalaan dhowr hal`abuur ama ka badan oo socota muddo.<\/h4>\n<h4>Silsiladaha tisqaaday qarnigii 20aad<\/h4>\n<h4>Silsiladihii maanso ee ugu miisaanka weynaa ee soo maray suugaanteenna qarnigii labaatanaad waxaa ugu caansan shan silsiladood oo kala ah:<\/h4>\n<h3><em>1-Silsiladdii Guba.<\/em><\/h3>\n<h3><em>2-Silsiladdii Halacdheere.<\/em><\/h3>\n<h3><em>3-Silsiladdii Xaydha.<\/em><\/h3>\n<h3><em>4-Silsiladdii Siinley.<\/em><\/h3>\n<h3><em>5- Silsiladdii Deelleey.<\/em><\/h3>\n<h3>Shantan silsiladood waxaa la tiriyay horaantii qarnigii 20aad ilaa dabayaaqadiisii; \u00a0waxayna kala curteen xilliyo aan isku qaab-nololeed ahayn, silsilad kastaana waxay huwan tahay kana tarjumaysaa hab-nololeedkii sebenka la tiriyay.<\/h3>\n<h4>Haddaba, aan guudmar kooban ku samayno mid kasta oo ka mid ah shantan silsiladood.<\/h4>\n<h2><em>Silsiladdii Guba<\/em><\/h2>\n<h4>Silsiladdan Guba ku talagal la`aan ayay curatay horaantii qarnigii 20aad, xubin ku jooggeedu waa guubaabo-xifaaleed beeleed isugu soo biya shubanaya digasho iyo garnaqsi; waxaana ka qayb galay 13 gabyaa miisaan culus ku lahaa maansada.<\/h4>\n<h4>Waa silsiladdii ugu waqtiga dheereyd, sida la weriyay waxay socotay ku dhowaad soddon gu`; \u00a0waxaa la sheegaa curashadeedii wiil dhashay markii uu soddon jirsaday inuu soo afjaray.<\/h4>\n<h2><em>Silsiladdii Xaydha\u00a0<\/em><\/h2>\n<h4>Silsiladda Xaydha xubin ku jooggeedu waa xifaalomaag \u00a0rag dhalya iyo xidid wadaagba ah, kuna arooraysa garnaqsi.<\/h4>\n<h4>Waxay hillaaddii sannadkii 1941 ka curatay subag la isku qoonsaday oo uu ninna soo gaday nin kalena ku sheegey xaydh. Inkasta oo la rumaysan yahay in tixaheedu badnaayeen, haddana, shan gabay uun baa laga helay.<\/h4>\n<h2><em>Silsiladdii Halacdheere<\/em><\/h2>\n<h4>Silsiladdii Halacdheere xubin ku jooggeedu waa xujo-xifaaleed ka curatay guur dhexmaray laba beelood, dulucdeeduna waxay isugu\u00a0 soo biya shubanaysaa garnaqsi, waxaana ka qeybgalay siddeed gabyaa oo magac weyn ku lahaa hal`abuurka maansada.<\/h4>\n<h4>Ninka silsiladdani naanaystiisa wadato waa Maxamed Xuseen Canshuur. Sida la sheegey ma aheyn nin cir weyn. Hase ahaatee wuxuu lahaa hamuun gorayo.<\/h4>\n<h2><em>Silsiladdii Siinley<\/em><\/h2>\n<h4>Siinley horaantii 1970-aadkii ayay ka curatay Kulliyadda Waxbarashada Lafoole. Siinleey waa silsilad aad u shareeran, xubin ku jooggeeduna waa far ku fiiqidda galdaloolooyinkii siyaasadeed, dhaqan dhaqaale ee sebenkaa jiray; \u00a0waxaana ka qayb qaatay ugu yaraan 15 maansayahan.<\/h4>\n<h4>Silsiladdani aad ayay u bishay hodantooyada suugaanta Soomaalida.<\/h4>\n<h2><em>Silsiladdii Deelleey<\/em><\/h2>\n<h4>Silsiladda Deelley waxay curatay Diisambar 1979, xubin ku jooggeedu waa farkufiiqidda dhaliilihii maamul ee markaa ka jiray dalka. Waxay hoosta ka xariiqaysaa dhibaatada qabyaaladdu ku hayso dawladnimada Soomaaliya.<\/h4>\n<h4>Waa silsiladda ugu hal`abuurada badan, illaa dhowr iyo konton maansayahan ayaa ka qayb qaatay tixooyinkeeda.<\/h4>\n<h4>Gabagabo<\/h4>\n<h4>Silsilad maanseedyadu waxay tiir dhexaad u yihiin gundheerida murtiyeed ee suugaanta Soomaalida. Sida maansooyinka kaleba, waxay xambaarsan yihiin faa\u2019iidooyin ay ka mid yihiin:<\/h4>\n<ol>\n<li>\n<h4>In ay keydiyeen kumanaan kun oo ereysaleed gundhig u ah af Soomaaliga, la\u2019aantoodana ay lumi kareen.<\/h4>\n<\/li>\n<li>\n<h4>In ay keydiyeen, tahayna il laga tixraaci karo, sooyaalka qaabnololeedkii bulsheed ee sebenkii la tiriyay.<\/h4>\n<\/li>\n<\/ol>\n<h3><em>Qore: Cabdullaahi Sh. Cabdi \u2018Gacanka\u2019<\/em><\/h3>\n<h4><\/h4>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Qormadan waa guudmar aan diiradda ku saarayo silsiladaha maansooyinka ee geyiga Soomaaliyeed ka tisqaaday qarnigii 20aad. Silsilad maanso waa taxane maanseed isku guntan, kuna soohan ujeeddo qura, oo ay isweydaarsadeen maansayahanno kala duwan, aragti ahaanna is diidan, oo uu midba mid ka dabaqaato. Mararka qaarkood waxaa dhacda, ismaandhaaf kala galay laba maansayahan inuu sababo inay [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":1,"featured_media":1011,"comment_status":"open","ping_status":"open","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"inline_featured_image":false},"categories":[24],"tags":[],"yoast_head":"<!-- This site is optimized with the Yoast SEO plugin v20.2.1 - https:\/\/yoast.com\/wordpress\/plugins\/seo\/ -->\n<title>Silsiladihii Maansooyinka Tisqaaday Qarnigii Labaatanaad - Akademiye Goboleedka Af Soomaaliga AGA<\/title>\n<meta name=\"robots\" content=\"index, follow, max-snippet:-1, max-image-preview:large, max-video-preview:-1\" \/>\n<link rel=\"canonical\" href=\"https:\/\/aga.so\/so\/silsiladihii-maansooyinka-tisqaaday-qarnigii-labaatanaad\/\" \/>\n<meta property=\"og:locale\" content=\"en_US\" \/>\n<meta property=\"og:type\" content=\"article\" \/>\n<meta property=\"og:title\" content=\"Silsiladihii Maansooyinka Tisqaaday Qarnigii Labaatanaad - Akademiye Goboleedka Af Soomaaliga AGA\" \/>\n<meta property=\"og:description\" content=\"Qormadan waa guudmar aan diiradda ku saarayo silsiladaha maansooyinka ee geyiga Soomaaliyeed ka tisqaaday qarnigii 20aad. Silsilad maanso waa taxane maanseed isku guntan, kuna soohan ujeeddo qura, oo ay isweydaarsadeen maansayahanno kala duwan, aragti ahaanna is diidan, oo uu midba mid ka dabaqaato. Mararka qaarkood waxaa dhacda, ismaandhaaf kala galay laba maansayahan inuu sababo inay [&hellip;]\" \/>\n<meta property=\"og:url\" content=\"https:\/\/aga.so\/so\/silsiladihii-maansooyinka-tisqaaday-qarnigii-labaatanaad\/\" \/>\n<meta property=\"og:site_name\" content=\"Akademiye Goboleedka Af Soomaaliga AGA\" \/>\n<meta property=\"article:published_time\" content=\"2019-05-31T11:18:34+00:00\" \/>\n<meta property=\"article:modified_time\" content=\"2020-09-29T16:06:21+00:00\" \/>\n<meta property=\"og:image\" content=\"https:\/\/aga.so\/so\/wp-content\/uploads\/2018\/11\/46518668_1930326207083005_2712777098786766848_n.jpg\" \/>\n\t<meta property=\"og:image:width\" content=\"960\" \/>\n\t<meta property=\"og:image:height\" content=\"640\" \/>\n\t<meta property=\"og:image:type\" content=\"image\/jpeg\" \/>\n<meta name=\"author\" content=\"hgb\" \/>\n<meta name=\"twitter:card\" content=\"summary_large_image\" \/>\n<meta name=\"twitter:label1\" content=\"Written by\" \/>\n\t<meta name=\"twitter:data1\" content=\"hgb\" \/>\n\t<meta name=\"twitter:label2\" content=\"Est. reading time\" \/>\n\t<meta name=\"twitter:data2\" content=\"2 minutes\" \/>\n<script type=\"application\/ld+json\" class=\"yoast-schema-graph\">{\"@context\":\"https:\/\/schema.org\",\"@graph\":[{\"@type\":\"Article\",\"@id\":\"https:\/\/aga.so\/so\/silsiladihii-maansooyinka-tisqaaday-qarnigii-labaatanaad\/#article\",\"isPartOf\":{\"@id\":\"https:\/\/aga.so\/so\/silsiladihii-maansooyinka-tisqaaday-qarnigii-labaatanaad\/\"},\"author\":{\"name\":\"hgb\",\"@id\":\"https:\/\/aga.so\/so\/#\/schema\/person\/c89f24807531a9b3d9df95d848134d50\"},\"headline\":\"Silsiladihii Maansooyinka Tisqaaday Qarnigii Labaatanaad\",\"datePublished\":\"2019-05-31T11:18:34+00:00\",\"dateModified\":\"2020-09-29T16:06:21+00:00\",\"mainEntityOfPage\":{\"@id\":\"https:\/\/aga.so\/so\/silsiladihii-maansooyinka-tisqaaday-qarnigii-labaatanaad\/\"},\"wordCount\":490,\"commentCount\":0,\"publisher\":{\"@id\":\"https:\/\/aga.so\/so\/#organization\"},\"articleSection\":[\"Xulka Maqaallada\"],\"inLanguage\":\"en-US\",\"potentialAction\":[{\"@type\":\"CommentAction\",\"name\":\"Comment\",\"target\":[\"https:\/\/aga.so\/so\/silsiladihii-maansooyinka-tisqaaday-qarnigii-labaatanaad\/#respond\"]}]},{\"@type\":\"WebPage\",\"@id\":\"https:\/\/aga.so\/so\/silsiladihii-maansooyinka-tisqaaday-qarnigii-labaatanaad\/\",\"url\":\"https:\/\/aga.so\/so\/silsiladihii-maansooyinka-tisqaaday-qarnigii-labaatanaad\/\",\"name\":\"Silsiladihii Maansooyinka Tisqaaday Qarnigii Labaatanaad - Akademiye Goboleedka Af Soomaaliga AGA\",\"isPartOf\":{\"@id\":\"https:\/\/aga.so\/so\/#website\"},\"datePublished\":\"2019-05-31T11:18:34+00:00\",\"dateModified\":\"2020-09-29T16:06:21+00:00\",\"breadcrumb\":{\"@id\":\"https:\/\/aga.so\/so\/silsiladihii-maansooyinka-tisqaaday-qarnigii-labaatanaad\/#breadcrumb\"},\"inLanguage\":\"en-US\",\"potentialAction\":[{\"@type\":\"ReadAction\",\"target\":[\"https:\/\/aga.so\/so\/silsiladihii-maansooyinka-tisqaaday-qarnigii-labaatanaad\/\"]}]},{\"@type\":\"BreadcrumbList\",\"@id\":\"https:\/\/aga.so\/so\/silsiladihii-maansooyinka-tisqaaday-qarnigii-labaatanaad\/#breadcrumb\",\"itemListElement\":[{\"@type\":\"ListItem\",\"position\":1,\"name\":\"Home\",\"item\":\"https:\/\/aga.so\/so\/\"},{\"@type\":\"ListItem\",\"position\":2,\"name\":\"Silsiladihii Maansooyinka Tisqaaday Qarnigii Labaatanaad\"}]},{\"@type\":\"WebSite\",\"@id\":\"https:\/\/aga.so\/so\/#website\",\"url\":\"https:\/\/aga.so\/so\/\",\"name\":\"Akademiye Goboleedka Af Soomaaliga AGA\",\"description\":\"\",\"publisher\":{\"@id\":\"https:\/\/aga.so\/so\/#organization\"},\"potentialAction\":[{\"@type\":\"SearchAction\",\"target\":{\"@type\":\"EntryPoint\",\"urlTemplate\":\"https:\/\/aga.so\/so\/?s={search_term_string}\"},\"query-input\":\"required name=search_term_string\"}],\"inLanguage\":\"en-US\"},{\"@type\":\"Organization\",\"@id\":\"https:\/\/aga.so\/so\/#organization\",\"name\":\"AGA - Akadeemiya Goboleedka AfSoomaaliga\",\"url\":\"https:\/\/aga.so\/so\/\",\"logo\":{\"@type\":\"ImageObject\",\"inLanguage\":\"en-US\",\"@id\":\"https:\/\/aga.so\/so\/#\/schema\/logo\/image\/\",\"url\":\"https:\/\/aga.so\/so\/wp-content\/uploads\/2020\/10\/favicon-2.png\",\"contentUrl\":\"https:\/\/aga.so\/so\/wp-content\/uploads\/2020\/10\/favicon-2.png\",\"width\":162,\"height\":83,\"caption\":\"AGA - Akadeemiya Goboleedka AfSoomaaliga\"},\"image\":{\"@id\":\"https:\/\/aga.so\/so\/#\/schema\/logo\/image\/\"}},{\"@type\":\"Person\",\"@id\":\"https:\/\/aga.so\/so\/#\/schema\/person\/c89f24807531a9b3d9df95d848134d50\",\"name\":\"hgb\",\"image\":{\"@type\":\"ImageObject\",\"inLanguage\":\"en-US\",\"@id\":\"https:\/\/aga.so\/so\/#\/schema\/person\/image\/\",\"url\":\"https:\/\/secure.gravatar.com\/avatar\/9cc2fe393829a669530037fc59abb837?s=96&d=mm&r=g\",\"contentUrl\":\"https:\/\/secure.gravatar.com\/avatar\/9cc2fe393829a669530037fc59abb837?s=96&d=mm&r=g\",\"caption\":\"hgb\"},\"url\":\"https:\/\/aga.so\/so\/author\/hgb\/\"}]}<\/script>\n<!-- \/ Yoast SEO plugin. -->","yoast_head_json":{"title":"Silsiladihii Maansooyinka Tisqaaday Qarnigii Labaatanaad - Akademiye Goboleedka Af Soomaaliga AGA","robots":{"index":"index","follow":"follow","max-snippet":"max-snippet:-1","max-image-preview":"max-image-preview:large","max-video-preview":"max-video-preview:-1"},"canonical":"https:\/\/aga.so\/so\/silsiladihii-maansooyinka-tisqaaday-qarnigii-labaatanaad\/","og_locale":"en_US","og_type":"article","og_title":"Silsiladihii Maansooyinka Tisqaaday Qarnigii Labaatanaad - Akademiye Goboleedka Af Soomaaliga AGA","og_description":"Qormadan waa guudmar aan diiradda ku saarayo silsiladaha maansooyinka ee geyiga Soomaaliyeed ka tisqaaday qarnigii 20aad. Silsilad maanso waa taxane maanseed isku guntan, kuna soohan ujeeddo qura, oo ay isweydaarsadeen maansayahanno kala duwan, aragti ahaanna is diidan, oo uu midba mid ka dabaqaato. Mararka qaarkood waxaa dhacda, ismaandhaaf kala galay laba maansayahan inuu sababo inay [&hellip;]","og_url":"https:\/\/aga.so\/so\/silsiladihii-maansooyinka-tisqaaday-qarnigii-labaatanaad\/","og_site_name":"Akademiye Goboleedka Af Soomaaliga AGA","article_published_time":"2019-05-31T11:18:34+00:00","article_modified_time":"2020-09-29T16:06:21+00:00","og_image":[{"width":960,"height":640,"url":"https:\/\/aga.so\/so\/wp-content\/uploads\/2018\/11\/46518668_1930326207083005_2712777098786766848_n.jpg","type":"image\/jpeg"}],"author":"hgb","twitter_card":"summary_large_image","twitter_misc":{"Written by":"hgb","Est. reading time":"2 minutes"},"schema":{"@context":"https:\/\/schema.org","@graph":[{"@type":"Article","@id":"https:\/\/aga.so\/so\/silsiladihii-maansooyinka-tisqaaday-qarnigii-labaatanaad\/#article","isPartOf":{"@id":"https:\/\/aga.so\/so\/silsiladihii-maansooyinka-tisqaaday-qarnigii-labaatanaad\/"},"author":{"name":"hgb","@id":"https:\/\/aga.so\/so\/#\/schema\/person\/c89f24807531a9b3d9df95d848134d50"},"headline":"Silsiladihii Maansooyinka Tisqaaday Qarnigii Labaatanaad","datePublished":"2019-05-31T11:18:34+00:00","dateModified":"2020-09-29T16:06:21+00:00","mainEntityOfPage":{"@id":"https:\/\/aga.so\/so\/silsiladihii-maansooyinka-tisqaaday-qarnigii-labaatanaad\/"},"wordCount":490,"commentCount":0,"publisher":{"@id":"https:\/\/aga.so\/so\/#organization"},"articleSection":["Xulka Maqaallada"],"inLanguage":"en-US","potentialAction":[{"@type":"CommentAction","name":"Comment","target":["https:\/\/aga.so\/so\/silsiladihii-maansooyinka-tisqaaday-qarnigii-labaatanaad\/#respond"]}]},{"@type":"WebPage","@id":"https:\/\/aga.so\/so\/silsiladihii-maansooyinka-tisqaaday-qarnigii-labaatanaad\/","url":"https:\/\/aga.so\/so\/silsiladihii-maansooyinka-tisqaaday-qarnigii-labaatanaad\/","name":"Silsiladihii Maansooyinka Tisqaaday Qarnigii Labaatanaad - Akademiye Goboleedka Af Soomaaliga AGA","isPartOf":{"@id":"https:\/\/aga.so\/so\/#website"},"datePublished":"2019-05-31T11:18:34+00:00","dateModified":"2020-09-29T16:06:21+00:00","breadcrumb":{"@id":"https:\/\/aga.so\/so\/silsiladihii-maansooyinka-tisqaaday-qarnigii-labaatanaad\/#breadcrumb"},"inLanguage":"en-US","potentialAction":[{"@type":"ReadAction","target":["https:\/\/aga.so\/so\/silsiladihii-maansooyinka-tisqaaday-qarnigii-labaatanaad\/"]}]},{"@type":"BreadcrumbList","@id":"https:\/\/aga.so\/so\/silsiladihii-maansooyinka-tisqaaday-qarnigii-labaatanaad\/#breadcrumb","itemListElement":[{"@type":"ListItem","position":1,"name":"Home","item":"https:\/\/aga.so\/so\/"},{"@type":"ListItem","position":2,"name":"Silsiladihii Maansooyinka Tisqaaday Qarnigii Labaatanaad"}]},{"@type":"WebSite","@id":"https:\/\/aga.so\/so\/#website","url":"https:\/\/aga.so\/so\/","name":"Akademiye Goboleedka Af Soomaaliga AGA","description":"","publisher":{"@id":"https:\/\/aga.so\/so\/#organization"},"potentialAction":[{"@type":"SearchAction","target":{"@type":"EntryPoint","urlTemplate":"https:\/\/aga.so\/so\/?s={search_term_string}"},"query-input":"required name=search_term_string"}],"inLanguage":"en-US"},{"@type":"Organization","@id":"https:\/\/aga.so\/so\/#organization","name":"AGA - Akadeemiya Goboleedka AfSoomaaliga","url":"https:\/\/aga.so\/so\/","logo":{"@type":"ImageObject","inLanguage":"en-US","@id":"https:\/\/aga.so\/so\/#\/schema\/logo\/image\/","url":"https:\/\/aga.so\/so\/wp-content\/uploads\/2020\/10\/favicon-2.png","contentUrl":"https:\/\/aga.so\/so\/wp-content\/uploads\/2020\/10\/favicon-2.png","width":162,"height":83,"caption":"AGA - Akadeemiya Goboleedka AfSoomaaliga"},"image":{"@id":"https:\/\/aga.so\/so\/#\/schema\/logo\/image\/"}},{"@type":"Person","@id":"https:\/\/aga.so\/so\/#\/schema\/person\/c89f24807531a9b3d9df95d848134d50","name":"hgb","image":{"@type":"ImageObject","inLanguage":"en-US","@id":"https:\/\/aga.so\/so\/#\/schema\/person\/image\/","url":"https:\/\/secure.gravatar.com\/avatar\/9cc2fe393829a669530037fc59abb837?s=96&d=mm&r=g","contentUrl":"https:\/\/secure.gravatar.com\/avatar\/9cc2fe393829a669530037fc59abb837?s=96&d=mm&r=g","caption":"hgb"},"url":"https:\/\/aga.so\/so\/author\/hgb\/"}]}},"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/aga.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/1748"}],"collection":[{"href":"https:\/\/aga.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/aga.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/aga.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/users\/1"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/aga.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=1748"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/aga.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/1748\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":1749,"href":"https:\/\/aga.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/1748\/revisions\/1749"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/aga.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media\/1011"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/aga.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=1748"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/aga.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=1748"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/aga.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=1748"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}