{"id":1722,"date":"2019-05-20T08:57:59","date_gmt":"2019-05-20T08:57:59","guid":{"rendered":"https:\/\/aga.so\/so\/?p=1722"},"modified":"2019-05-20T09:07:01","modified_gmt":"2019-05-20T09:07:01","slug":"dr-afrax-ka-shaqaynta-luuqadda-iyo-suugaanta-waa-sida-kaliya-ee-jiritaanka-soomaalida-lagu-bad-baadin-karo-wareysi","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/aga.so\/so\/dr-afrax-ka-shaqaynta-luuqadda-iyo-suugaanta-waa-sida-kaliya-ee-jiritaanka-soomaalida-lagu-bad-baadin-karo-wareysi\/","title":{"rendered":"Dr Afrax \u201cKa shaqaynta Luuqadda iyo Suugaanta waa sida Kaliya ee Jiritaanka Soomaalida lagu Bad-baadin karo\u201d (Wareysi)"},"content":{"rendered":"<h4>Muddaba waxaan ku hawlanaa qorista buug aan leeyahay oo cinwaankiisu noqon doono: \u201cWareysiyadeydii: Hal-door Soomaali iyo Ajaanibba leh\u201d waa daligii iyo mirihii iiga soo go\u2019ay tacabkaygii weriyenimo; ama \u201cmihnadda mashaqada iyo daalka\u201d sida ay carabtuba ku tilmaanto, marka ay ku hawlanyihiin ka shaqaynta xirfadda war-fidiyeenka.<\/h4>\n<h4><em>Dr. Ashkir iyo Dr. Afrax<\/em><\/h4>\n<h4>Dr. Maxamed Daahir Afrax wuxuu ku jiraa hal-doorka ay ii suuragashay in aan wareysi taariikhi ah la yeesho, waa aqoonyahan raad muuqda igu reebay, waa daadihiyahaygii igu hagay dhabbada qoraalka, iguna dhiiri-galiyay in wax-qoristu ii noqoto hab-dhaqan aan raaco mar kastoo maankayga ay ku soo maaxato fikrad mudan in akhristaha loo gudbiyo.<\/h4>\n<h4>Ka sakow, in Afrax yahay qoraa saddexda luuqadood ee Soomaaliga, Carabiga iyo Ingiriiskaba wax ku qora; misana, \u00a0waa qofkii ugu horreeyay Soomaaliya ee bilaaba naqdinta suugaanta masraxa iyo sheeko-curinta casriga ah.<\/h4>\n<h4>Buuggiisii caan-baxay ee \u201cMaana-Faay\u201d waxaa lagu tilmaamaa hooyada sheeko faneedda Soomaalida,\u00a0Waxay ahayd tii ugu horreysey sheeko-xardhidda, waxaana Macallin ugu ahaa -siduu ii sheegay- \u00a0qoraagii caanka ahaa \u201cNajiib Maxfuud\u201d \u00a0ee u dhashay dalka Masar, qaatayna \u00a0abaal-marinta Nobel Prize dhinaceeda suugaanta.<\/h4>\n<h4>Afrax waa nin marka uu sheekeenayo hadal yar, hadduuse qalinka qaato waa sidii wabi fatahay, Wareysigan aan la yeeshay waxaan u turjumay Luuqadda Carabiga, si buugayga uu dhinac uga noqdo, nuqulkiisa Soomaaliga ah ayaanse jeclaystay in aan akhristow kula wadaago!<\/h4>\n<h4><em>Dr. Ashkir<\/em>: \u00a0Dhalashadaadii iyo waxbarashadaada hore ilaa dugsigii sare wax nooga sheeg?<\/h4>\n<h4>Dr. Afrax: Waxaan ku dhashay Degmada Jarriiban, Gobolka Mudug, Soomaaliya, sannadkii 1952kii. Waxbarasho waxaan ku bilaabay Qur\u2019aanka Kariimka. Sidii aan ugu bilaabay waxay ahayd si aan caadi ahayn oo malaha ay aad u yaryihiin dad kale oo sameeya, haddayba jiraan. Anigoo shan sano oo keliya jira ayaa waxaa igu soo dagay jacaylka tacliin-raadinta. Markaasaan intaan loox iska qaatay waxaan raadsan jirey meeshii wadaad la iigu sheego. Intaan u tago ayaan oran jirey \u201cadeerow quraan ii dhig\u201d! wixii la ii dhigana isla markiiba si fudud intaan u xafido ayaan haddana raadsan jirey wadaad ii dhiga suuradda ku xigta. Sidaas ayayan ku dhammeeyey Juska koowaad ee Qur\u2019aanka, Juz Camma. Ka kidibna aabbahay (AUN) markuu arkay mintidkayga ayuu igu daray dugsi Qur\u2019aan uu macallin ka ahaa Macallin Maxamed Cabdille Halaq. Waxaa dadkii layaab ku noqotay inaan Qur\u2019aanka ku dhammeeyey shan bilood oo keliya, halka ay dadka caadiga ah sannado ku qaadato. Naanaystii u horreysey ee la ii bixiyey waxay ahayd \u201cQur\u2019aan-ka-adag\u201d.<\/h4>\n<h4><em>Dr. Afrax<\/em><\/h4>\n<h4>Sagaal jir markaan gaarey ayaan go\u2019aansaday inan Jarriiban ka dhoofo oo Xamar waxbarasho u aado. Waalidkay oo markii hore ii diiddanaana aakhirkii waan ku qanciyey. Sidaas ayaan Muqdisho ku tagey. Halkaas ayaan ku dhammeeyey waxbarashada aasaasiga ah Dugsiga Hoose ilaa Sare muddo shan sano ah, sidaan marba qolada iga sarraysa intixaanka ula galayey. Heerka Jaamacaddana Shahaadada Koowaad (BA) waxaan ka qaatay Jaamacadda Cadan, heerarka ka sarreeyana ilaa Doktooraat (PhD) waxan ka qaatay Jaamacadda London (University of London).<\/h4>\n<h4>Dr. Ashkir: Inta badan dadka ku yaqaan waxay kugu xasuustaan oo kaliya qoraaladaada dhinaca Af-Soomaaliga, waxayan ogayn in bilowgaagii aad Afka Carabiga wax ku qori jirtay, wax inooga sheeg qoraaladaadii Carabiga ahaa?<\/h4>\n<h4>Dr. Afrax: Maadaama waxbarashadaydii Dugsiga Dhexe iyo Dugsiga Sare aan ku qaatay afka Carabiga, dugsiyo ay maamuli jirtey Dawladda Masar, qoraalka waxaan ku bilaabay af Carabi. Anigoo wali ah arday dugsiga sare dhigta ayaan bilaabay inaan maqaallo iyo sheekooyin gaa-gaaban ku faafiyo Jariidaddii rasmiga ahayd ee maalin kasta soo bixi jirtey<\/h4>\n<h4>\u201cNAJMAT OKTOOBAR\u201d Xiddigtii OKtoober, Markii dambe waxaa la ii qoondeeyey bog joogta ah oo toddobaadle ah oo hal-ku-dhaggiisu ahaa \u0627\u0644\u0645\u0643\u0631\u0648\u0633\u0643\u0648\u0628.\u0627\u0644\u0645\u062c\u062a\u0645\u0639 \u0627\u0644\u0635\u0648\u0645\u0627\u0644\u064a \u062a\u062d\u062a \u00a0.<\/h4>\n<h4>Buuggii ugu horreeyey ee an nashriyey waxaan ku qoray Af-Carabi. Wuxuu ahaa sheeko-faaneed taariikheed \u201cRIWAAYAH TAARIIKHIYAH\u201d magaciisuna wuxuu ahaa \u00a0(Nidaa\u2019ul ALXORIYAH\u201d Wargeyskii ugu horreeyey taariikhda Soomaaliya ee gobol ka soo baxa ahna majalladii ugu horreysey ee laba-afle ah, micnaha laba luqadood ku soo baxda wuxuu ahaa majallad aan nuskeed ku qori jirey Af-Carabi nusna AfSoomaali. Taas oo aan ka soo saaray Kismaayo Gobolka Jubbada Hoose 1973-dii.<\/h4>\n<h4>Majalladaas iyo meelo kaloo kala duwanba waxaan ku faafin jirey qoraallo isugu jirey, maqaallo, diraasado, sheekooyin oo intuba Af-Carabi ahaa. Waa dambena markaan \u00a0u wareegay dalal Carbeed 1980-nadii waxaan dib u bilaabay qoraalladii AfCarabiga, ka dib muddo an soo saarayey buuggaag iyo qoraallo kale oo Af Soomaali ku qoran. Markaas dambena qoraallo noocyo badan leh ayaan ku faafin jirey jaraai\u2019d iyo majallado kala duwan oo Carabi ah, oo u badnaa kuwii ka soo bixi jirey dalka Yemen oo an degganaa. Waqtiyadaas dambe buuggaag ahaan Af-Carabi waxan ugu soo saaray buug magaciisu yahay: \u201c Nadaraat fii Al-Thaqaafah Al Soomaaliya\u201d iyo buug daabacaad ku maqan oo cinwaankiisu yahay: \u00a0\u201cDIRAASAAT NAQDIYAH WA THAQAAFIYAH.\u201d .<\/h4>\n<h4>Sida aan ku bilaabay qoraaladayda Af-Carabiga ah waxay leedahay qiso cajiib ah, anigo arday ah oo madrasada Masaarida dhigta ayaan qoray dhambaal aan ugu magac-daray \u201c YAJIB AN YAKUUNA ALMASRAX MADRASAH LIL-MUSHAAHIDIIN WALAYSA MALHAA\u201d macallinkaygii luuqadda Carabiga oo Masri ahaa, lana oran jiray \u201c Maxamed AL-Marzuuqi\u201d ayaa markaan u dhiibay dhambaalkaas intuu ku dhagagay igu yiri: \u201c dhambaalkaan joornaalka Xiddigta Aktoobar ku daabac, waxaan yeelay taladuu I siiyay macallinku, waxaana la kulmay \u2013Alle ha u naxariistee- Axmed Cumar Azhari oo aad ii dhiiri-galiyay, abaal-marin lacag ahna igu siiyay markii dhambaalkaygii lagu daabacay joornaalka.<\/h4>\n<h4>\u00a0Dr. Ashkir \u201c Maana-Faay\u201d iyo \u201c Galti-macruuf\u201d waa labo riwaayadood oo Soomaalidu aad u taqaan, wax inooga sheeg sirta ku duugan ee caan-baxooda?<\/h4>\n<h4>\u201cMaana-faay\u201d oo ah qiso-faneed casri ah oo Af Soomaali ku qoran tii ugu horreysey iyo qiso-faneeddii ku xigtey ee \u201cGalti-Macruuf\u201d labadaba caan-bixiddooda aan caadiga ahayn xeeldheerayaasha suugaanta darsaa sababaha ay u aaneeyeen waxaa ka mid ah sida ay akhristaha u soo hordhigayaan sawir uu iska dhex arki karo, kana arki karo nolosha dhabta ah ee mujtamaca Soomaaliga ah, dhanka samaha iyo dhanka xumaha halista ku ah jiritaanka bulshada ee ay kashifayeen sheekooyinkaasi.<\/h4>\n<h4>Sababta kalena waa habka casriga ah ee ay u qoran yihiin iyo farsamooyinka fanniga ah ee heerkoodu aad u sarreeyo qof kastana soo jiidanaya. Markii uu dhacay burburkii iyo Qaranjabkii Soomaalida ee wax kastaa burbureen waxaa ii muuqatay in sida jiritaanka ummadnimo ee dadkan lagu badbaadin karaa ay tahay oo keliya in la badbaadiyo afkooda iyo hayb-dhaqameeddooda. Sababtaas ayaa igu kalliftay inaan anigoo qurba-joog ah bilaabo Qayla-dhaan aan waxgaradka Soomaaliyeed ku baraarujinayo, af iyo qoraalba, qiimaha uu ugu fadhiyo afkooda iyo dhaqankkodu, halista ku soo fool yeelatay iyo waajibka ka saaraan inay badbaadiyaan, hadday doonayaan inay badbaadaan.<\/h4>\n<h4>\u00a0Aaladihii ama mu\u2019asasaadkii aan u asaasay in hadafkaas lagu fuliyo waxaa ka mid ahaa Hal-abuur, wargeys-xilliyeedka Dhaqanka iyo suugaanta Soomaalida, oo aan London ku aasaasay 1993kii; Naadiga PEN ee Qalinleyda iyo Hal-abuurka Soomaaliyeed (Somali PEN) oo an asagana London ku asaasay 1996; iyo Akadeemiye-Goboleedka Af Soomaaliga (AGA).<\/h4>\n<h4>Dr. Ashkir: Iminka maxaa qorshehaagu yahay oo aad damacsantahay, ma jiraan buug aad ku hawlan tahay curintooda?<\/h4>\n<h4>Dr. Afrax: Waxaa jira buuggaag kala duwan, oo ku kala qoran saddexda af ee aan wax ku qoro, Carabi, Soomaali iyo Ingiriisba, oo qaar ka mid ah aan qoraalkooda mar hore dhammeeyey sixitaan aan badnayn mooyaane, haddana aan wali la daabicin. Waxaa kaloo jira buuggaagtaydii hore oo muddo dheer dadku baafinayeen oo waayeen meel ay ka helaan, maadaama ay mar hore dhammaadeen, sidaa awgeed loo baahan yahay in dib loo daabaco si ay u helaan da\u2019yarta iyo daneeyeyaasha kaleba. Hammiga hadda iigu weyn waa inaan ku dadaalo sidii loo soo saari lahaa buuggaagtaas.<\/h4>\n<p><img decoding=\"async\" loading=\"lazy\" class=\"alignnone size-full wp-image-1723\" src=\"https:\/\/aga.so\/so\/wp-content\/uploads\/2019\/05\/Afrax-iyo-Ashkir.jpg\" alt=\"\" width=\"287\" height=\"264\" \/><\/p>\n<h4>Waxaa wareysiga qaaday: Dr.Cabdifitaax Nuur Axmed (Ashkir)<\/h4>\n<h4>Waxaana lagu daabacay oo aan ka soo xiganay Wardheernews.com<\/h4>\n<h4>Dr. Ashkir waa qoraa ka faallooda arimaha Siyaasadda iyo Taariikhda. Md. Ashkir waxa uu horey u ahaa Wasiiru Dowlaha Warfaafinta, Isgaarsiinta, Hiddaha iyo Dhaqanka ee Puntland.<\/h4>\n<h4>Email:\u00a0ashkir2009@live.com<\/h4>\n<h4><\/h4>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Muddaba waxaan ku hawlanaa qorista buug aan leeyahay oo cinwaankiisu noqon doono: \u201cWareysiyadeydii: Hal-door Soomaali iyo Ajaanibba leh\u201d waa daligii iyo mirihii iiga soo go\u2019ay tacabkaygii weriyenimo; ama \u201cmihnadda mashaqada iyo daalka\u201d sida ay carabtuba ku tilmaanto, marka ay ku hawlanyihiin ka shaqaynta xirfadda war-fidiyeenka. Dr. Ashkir iyo Dr. Afrax Dr. Maxamed Daahir Afrax wuxuu [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":1,"featured_media":1727,"comment_status":"open","ping_status":"open","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"inline_featured_image":false},"categories":[7,1],"tags":[],"yoast_head":"<!-- This site is optimized with the Yoast SEO plugin v20.2.1 - https:\/\/yoast.com\/wordpress\/plugins\/seo\/ -->\n<title>Dr Afrax \u201cKa shaqaynta Luuqadda iyo Suugaanta waa sida Kaliya ee Jiritaanka Soomaalida lagu Bad-baadin karo\u201d (Wareysi) - Akademiye Goboleedka Af Soomaaliga AGA<\/title>\n<meta name=\"robots\" content=\"index, follow, max-snippet:-1, max-image-preview:large, max-video-preview:-1\" \/>\n<link rel=\"canonical\" href=\"https:\/\/aga.so\/so\/dr-afrax-ka-shaqaynta-luuqadda-iyo-suugaanta-waa-sida-kaliya-ee-jiritaanka-soomaalida-lagu-bad-baadin-karo-wareysi\/\" \/>\n<meta property=\"og:locale\" content=\"en_US\" \/>\n<meta property=\"og:type\" content=\"article\" \/>\n<meta property=\"og:title\" content=\"Dr Afrax \u201cKa shaqaynta Luuqadda iyo Suugaanta waa sida Kaliya ee Jiritaanka Soomaalida lagu Bad-baadin karo\u201d (Wareysi) - Akademiye Goboleedka Af Soomaaliga AGA\" \/>\n<meta property=\"og:description\" content=\"Muddaba waxaan ku hawlanaa qorista buug aan leeyahay oo cinwaankiisu noqon doono: \u201cWareysiyadeydii: Hal-door Soomaali iyo Ajaanibba leh\u201d waa daligii iyo mirihii iiga soo go\u2019ay tacabkaygii weriyenimo; ama \u201cmihnadda mashaqada iyo daalka\u201d sida ay carabtuba ku tilmaanto, marka ay ku hawlanyihiin ka shaqaynta xirfadda war-fidiyeenka. Dr. Ashkir iyo Dr. Afrax Dr. Maxamed Daahir Afrax wuxuu [&hellip;]\" \/>\n<meta property=\"og:url\" content=\"https:\/\/aga.so\/so\/dr-afrax-ka-shaqaynta-luuqadda-iyo-suugaanta-waa-sida-kaliya-ee-jiritaanka-soomaalida-lagu-bad-baadin-karo-wareysi\/\" \/>\n<meta property=\"og:site_name\" content=\"Akademiye Goboleedka Af Soomaaliga AGA\" \/>\n<meta property=\"article:published_time\" content=\"2019-05-20T08:57:59+00:00\" \/>\n<meta property=\"article:modified_time\" content=\"2019-05-20T09:07:01+00:00\" \/>\n<meta property=\"og:image\" content=\"https:\/\/aga.so\/so\/wp-content\/uploads\/2019\/05\/vlcsnap-2019-01-07-17h21m51s937.png\" \/>\n\t<meta property=\"og:image:width\" content=\"640\" \/>\n\t<meta property=\"og:image:height\" content=\"360\" \/>\n\t<meta property=\"og:image:type\" content=\"image\/png\" \/>\n<meta name=\"author\" content=\"hgb\" \/>\n<meta name=\"twitter:card\" content=\"summary_large_image\" \/>\n<meta name=\"twitter:label1\" content=\"Written by\" \/>\n\t<meta name=\"twitter:data1\" content=\"hgb\" \/>\n\t<meta name=\"twitter:label2\" content=\"Est. reading time\" \/>\n\t<meta name=\"twitter:data2\" content=\"6 minutes\" \/>\n<script type=\"application\/ld+json\" class=\"yoast-schema-graph\">{\"@context\":\"https:\/\/schema.org\",\"@graph\":[{\"@type\":\"Article\",\"@id\":\"https:\/\/aga.so\/so\/dr-afrax-ka-shaqaynta-luuqadda-iyo-suugaanta-waa-sida-kaliya-ee-jiritaanka-soomaalida-lagu-bad-baadin-karo-wareysi\/#article\",\"isPartOf\":{\"@id\":\"https:\/\/aga.so\/so\/dr-afrax-ka-shaqaynta-luuqadda-iyo-suugaanta-waa-sida-kaliya-ee-jiritaanka-soomaalida-lagu-bad-baadin-karo-wareysi\/\"},\"author\":{\"name\":\"hgb\",\"@id\":\"https:\/\/aga.so\/so\/#\/schema\/person\/c89f24807531a9b3d9df95d848134d50\"},\"headline\":\"Dr Afrax \u201cKa shaqaynta Luuqadda iyo Suugaanta waa sida Kaliya ee Jiritaanka Soomaalida lagu Bad-baadin karo\u201d (Wareysi)\",\"datePublished\":\"2019-05-20T08:57:59+00:00\",\"dateModified\":\"2019-05-20T09:07:01+00:00\",\"mainEntityOfPage\":{\"@id\":\"https:\/\/aga.so\/so\/dr-afrax-ka-shaqaynta-luuqadda-iyo-suugaanta-waa-sida-kaliya-ee-jiritaanka-soomaalida-lagu-bad-baadin-karo-wareysi\/\"},\"wordCount\":1251,\"commentCount\":0,\"publisher\":{\"@id\":\"https:\/\/aga.so\/so\/#organization\"},\"articleSection\":[\"kaydka\",\"Wararka AGA\"],\"inLanguage\":\"en-US\",\"potentialAction\":[{\"@type\":\"CommentAction\",\"name\":\"Comment\",\"target\":[\"https:\/\/aga.so\/so\/dr-afrax-ka-shaqaynta-luuqadda-iyo-suugaanta-waa-sida-kaliya-ee-jiritaanka-soomaalida-lagu-bad-baadin-karo-wareysi\/#respond\"]}]},{\"@type\":\"WebPage\",\"@id\":\"https:\/\/aga.so\/so\/dr-afrax-ka-shaqaynta-luuqadda-iyo-suugaanta-waa-sida-kaliya-ee-jiritaanka-soomaalida-lagu-bad-baadin-karo-wareysi\/\",\"url\":\"https:\/\/aga.so\/so\/dr-afrax-ka-shaqaynta-luuqadda-iyo-suugaanta-waa-sida-kaliya-ee-jiritaanka-soomaalida-lagu-bad-baadin-karo-wareysi\/\",\"name\":\"Dr Afrax \u201cKa shaqaynta Luuqadda iyo Suugaanta waa sida Kaliya ee Jiritaanka Soomaalida lagu Bad-baadin karo\u201d (Wareysi) - Akademiye Goboleedka Af Soomaaliga AGA\",\"isPartOf\":{\"@id\":\"https:\/\/aga.so\/so\/#website\"},\"datePublished\":\"2019-05-20T08:57:59+00:00\",\"dateModified\":\"2019-05-20T09:07:01+00:00\",\"breadcrumb\":{\"@id\":\"https:\/\/aga.so\/so\/dr-afrax-ka-shaqaynta-luuqadda-iyo-suugaanta-waa-sida-kaliya-ee-jiritaanka-soomaalida-lagu-bad-baadin-karo-wareysi\/#breadcrumb\"},\"inLanguage\":\"en-US\",\"potentialAction\":[{\"@type\":\"ReadAction\",\"target\":[\"https:\/\/aga.so\/so\/dr-afrax-ka-shaqaynta-luuqadda-iyo-suugaanta-waa-sida-kaliya-ee-jiritaanka-soomaalida-lagu-bad-baadin-karo-wareysi\/\"]}]},{\"@type\":\"BreadcrumbList\",\"@id\":\"https:\/\/aga.so\/so\/dr-afrax-ka-shaqaynta-luuqadda-iyo-suugaanta-waa-sida-kaliya-ee-jiritaanka-soomaalida-lagu-bad-baadin-karo-wareysi\/#breadcrumb\",\"itemListElement\":[{\"@type\":\"ListItem\",\"position\":1,\"name\":\"Home\",\"item\":\"https:\/\/aga.so\/so\/\"},{\"@type\":\"ListItem\",\"position\":2,\"name\":\"Dr Afrax \u201cKa shaqaynta Luuqadda iyo Suugaanta waa sida Kaliya ee Jiritaanka Soomaalida lagu Bad-baadin karo\u201d (Wareysi)\"}]},{\"@type\":\"WebSite\",\"@id\":\"https:\/\/aga.so\/so\/#website\",\"url\":\"https:\/\/aga.so\/so\/\",\"name\":\"Akademiye Goboleedka Af Soomaaliga AGA\",\"description\":\"\",\"publisher\":{\"@id\":\"https:\/\/aga.so\/so\/#organization\"},\"potentialAction\":[{\"@type\":\"SearchAction\",\"target\":{\"@type\":\"EntryPoint\",\"urlTemplate\":\"https:\/\/aga.so\/so\/?s={search_term_string}\"},\"query-input\":\"required name=search_term_string\"}],\"inLanguage\":\"en-US\"},{\"@type\":\"Organization\",\"@id\":\"https:\/\/aga.so\/so\/#organization\",\"name\":\"AGA - Akadeemiya Goboleedka AfSoomaaliga\",\"url\":\"https:\/\/aga.so\/so\/\",\"logo\":{\"@type\":\"ImageObject\",\"inLanguage\":\"en-US\",\"@id\":\"https:\/\/aga.so\/so\/#\/schema\/logo\/image\/\",\"url\":\"https:\/\/aga.so\/so\/wp-content\/uploads\/2020\/10\/favicon-2.png\",\"contentUrl\":\"https:\/\/aga.so\/so\/wp-content\/uploads\/2020\/10\/favicon-2.png\",\"width\":162,\"height\":83,\"caption\":\"AGA - Akadeemiya Goboleedka AfSoomaaliga\"},\"image\":{\"@id\":\"https:\/\/aga.so\/so\/#\/schema\/logo\/image\/\"}},{\"@type\":\"Person\",\"@id\":\"https:\/\/aga.so\/so\/#\/schema\/person\/c89f24807531a9b3d9df95d848134d50\",\"name\":\"hgb\",\"image\":{\"@type\":\"ImageObject\",\"inLanguage\":\"en-US\",\"@id\":\"https:\/\/aga.so\/so\/#\/schema\/person\/image\/\",\"url\":\"https:\/\/secure.gravatar.com\/avatar\/9cc2fe393829a669530037fc59abb837?s=96&d=mm&r=g\",\"contentUrl\":\"https:\/\/secure.gravatar.com\/avatar\/9cc2fe393829a669530037fc59abb837?s=96&d=mm&r=g\",\"caption\":\"hgb\"},\"url\":\"https:\/\/aga.so\/so\/author\/hgb\/\"}]}<\/script>\n<!-- \/ Yoast SEO plugin. -->","yoast_head_json":{"title":"Dr Afrax \u201cKa shaqaynta Luuqadda iyo Suugaanta waa sida Kaliya ee Jiritaanka Soomaalida lagu Bad-baadin karo\u201d (Wareysi) - Akademiye Goboleedka Af Soomaaliga AGA","robots":{"index":"index","follow":"follow","max-snippet":"max-snippet:-1","max-image-preview":"max-image-preview:large","max-video-preview":"max-video-preview:-1"},"canonical":"https:\/\/aga.so\/so\/dr-afrax-ka-shaqaynta-luuqadda-iyo-suugaanta-waa-sida-kaliya-ee-jiritaanka-soomaalida-lagu-bad-baadin-karo-wareysi\/","og_locale":"en_US","og_type":"article","og_title":"Dr Afrax \u201cKa shaqaynta Luuqadda iyo Suugaanta waa sida Kaliya ee Jiritaanka Soomaalida lagu Bad-baadin karo\u201d (Wareysi) - Akademiye Goboleedka Af Soomaaliga AGA","og_description":"Muddaba waxaan ku hawlanaa qorista buug aan leeyahay oo cinwaankiisu noqon doono: \u201cWareysiyadeydii: Hal-door Soomaali iyo Ajaanibba leh\u201d waa daligii iyo mirihii iiga soo go\u2019ay tacabkaygii weriyenimo; ama \u201cmihnadda mashaqada iyo daalka\u201d sida ay carabtuba ku tilmaanto, marka ay ku hawlanyihiin ka shaqaynta xirfadda war-fidiyeenka. Dr. Ashkir iyo Dr. Afrax Dr. Maxamed Daahir Afrax wuxuu [&hellip;]","og_url":"https:\/\/aga.so\/so\/dr-afrax-ka-shaqaynta-luuqadda-iyo-suugaanta-waa-sida-kaliya-ee-jiritaanka-soomaalida-lagu-bad-baadin-karo-wareysi\/","og_site_name":"Akademiye Goboleedka Af Soomaaliga AGA","article_published_time":"2019-05-20T08:57:59+00:00","article_modified_time":"2019-05-20T09:07:01+00:00","og_image":[{"width":640,"height":360,"url":"https:\/\/aga.so\/so\/wp-content\/uploads\/2019\/05\/vlcsnap-2019-01-07-17h21m51s937.png","type":"image\/png"}],"author":"hgb","twitter_card":"summary_large_image","twitter_misc":{"Written by":"hgb","Est. reading time":"6 minutes"},"schema":{"@context":"https:\/\/schema.org","@graph":[{"@type":"Article","@id":"https:\/\/aga.so\/so\/dr-afrax-ka-shaqaynta-luuqadda-iyo-suugaanta-waa-sida-kaliya-ee-jiritaanka-soomaalida-lagu-bad-baadin-karo-wareysi\/#article","isPartOf":{"@id":"https:\/\/aga.so\/so\/dr-afrax-ka-shaqaynta-luuqadda-iyo-suugaanta-waa-sida-kaliya-ee-jiritaanka-soomaalida-lagu-bad-baadin-karo-wareysi\/"},"author":{"name":"hgb","@id":"https:\/\/aga.so\/so\/#\/schema\/person\/c89f24807531a9b3d9df95d848134d50"},"headline":"Dr Afrax \u201cKa shaqaynta Luuqadda iyo Suugaanta waa sida Kaliya ee Jiritaanka Soomaalida lagu Bad-baadin karo\u201d (Wareysi)","datePublished":"2019-05-20T08:57:59+00:00","dateModified":"2019-05-20T09:07:01+00:00","mainEntityOfPage":{"@id":"https:\/\/aga.so\/so\/dr-afrax-ka-shaqaynta-luuqadda-iyo-suugaanta-waa-sida-kaliya-ee-jiritaanka-soomaalida-lagu-bad-baadin-karo-wareysi\/"},"wordCount":1251,"commentCount":0,"publisher":{"@id":"https:\/\/aga.so\/so\/#organization"},"articleSection":["kaydka","Wararka AGA"],"inLanguage":"en-US","potentialAction":[{"@type":"CommentAction","name":"Comment","target":["https:\/\/aga.so\/so\/dr-afrax-ka-shaqaynta-luuqadda-iyo-suugaanta-waa-sida-kaliya-ee-jiritaanka-soomaalida-lagu-bad-baadin-karo-wareysi\/#respond"]}]},{"@type":"WebPage","@id":"https:\/\/aga.so\/so\/dr-afrax-ka-shaqaynta-luuqadda-iyo-suugaanta-waa-sida-kaliya-ee-jiritaanka-soomaalida-lagu-bad-baadin-karo-wareysi\/","url":"https:\/\/aga.so\/so\/dr-afrax-ka-shaqaynta-luuqadda-iyo-suugaanta-waa-sida-kaliya-ee-jiritaanka-soomaalida-lagu-bad-baadin-karo-wareysi\/","name":"Dr Afrax \u201cKa shaqaynta Luuqadda iyo Suugaanta waa sida Kaliya ee Jiritaanka Soomaalida lagu Bad-baadin karo\u201d (Wareysi) - Akademiye Goboleedka Af Soomaaliga AGA","isPartOf":{"@id":"https:\/\/aga.so\/so\/#website"},"datePublished":"2019-05-20T08:57:59+00:00","dateModified":"2019-05-20T09:07:01+00:00","breadcrumb":{"@id":"https:\/\/aga.so\/so\/dr-afrax-ka-shaqaynta-luuqadda-iyo-suugaanta-waa-sida-kaliya-ee-jiritaanka-soomaalida-lagu-bad-baadin-karo-wareysi\/#breadcrumb"},"inLanguage":"en-US","potentialAction":[{"@type":"ReadAction","target":["https:\/\/aga.so\/so\/dr-afrax-ka-shaqaynta-luuqadda-iyo-suugaanta-waa-sida-kaliya-ee-jiritaanka-soomaalida-lagu-bad-baadin-karo-wareysi\/"]}]},{"@type":"BreadcrumbList","@id":"https:\/\/aga.so\/so\/dr-afrax-ka-shaqaynta-luuqadda-iyo-suugaanta-waa-sida-kaliya-ee-jiritaanka-soomaalida-lagu-bad-baadin-karo-wareysi\/#breadcrumb","itemListElement":[{"@type":"ListItem","position":1,"name":"Home","item":"https:\/\/aga.so\/so\/"},{"@type":"ListItem","position":2,"name":"Dr Afrax \u201cKa shaqaynta Luuqadda iyo Suugaanta waa sida Kaliya ee Jiritaanka Soomaalida lagu Bad-baadin karo\u201d (Wareysi)"}]},{"@type":"WebSite","@id":"https:\/\/aga.so\/so\/#website","url":"https:\/\/aga.so\/so\/","name":"Akademiye Goboleedka Af Soomaaliga AGA","description":"","publisher":{"@id":"https:\/\/aga.so\/so\/#organization"},"potentialAction":[{"@type":"SearchAction","target":{"@type":"EntryPoint","urlTemplate":"https:\/\/aga.so\/so\/?s={search_term_string}"},"query-input":"required name=search_term_string"}],"inLanguage":"en-US"},{"@type":"Organization","@id":"https:\/\/aga.so\/so\/#organization","name":"AGA - Akadeemiya Goboleedka AfSoomaaliga","url":"https:\/\/aga.so\/so\/","logo":{"@type":"ImageObject","inLanguage":"en-US","@id":"https:\/\/aga.so\/so\/#\/schema\/logo\/image\/","url":"https:\/\/aga.so\/so\/wp-content\/uploads\/2020\/10\/favicon-2.png","contentUrl":"https:\/\/aga.so\/so\/wp-content\/uploads\/2020\/10\/favicon-2.png","width":162,"height":83,"caption":"AGA - Akadeemiya Goboleedka AfSoomaaliga"},"image":{"@id":"https:\/\/aga.so\/so\/#\/schema\/logo\/image\/"}},{"@type":"Person","@id":"https:\/\/aga.so\/so\/#\/schema\/person\/c89f24807531a9b3d9df95d848134d50","name":"hgb","image":{"@type":"ImageObject","inLanguage":"en-US","@id":"https:\/\/aga.so\/so\/#\/schema\/person\/image\/","url":"https:\/\/secure.gravatar.com\/avatar\/9cc2fe393829a669530037fc59abb837?s=96&d=mm&r=g","contentUrl":"https:\/\/secure.gravatar.com\/avatar\/9cc2fe393829a669530037fc59abb837?s=96&d=mm&r=g","caption":"hgb"},"url":"https:\/\/aga.so\/so\/author\/hgb\/"}]}},"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/aga.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/1722"}],"collection":[{"href":"https:\/\/aga.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/aga.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/aga.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/users\/1"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/aga.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=1722"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/aga.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/1722\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":1725,"href":"https:\/\/aga.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/1722\/revisions\/1725"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/aga.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media\/1727"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/aga.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=1722"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/aga.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=1722"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/aga.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=1722"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}